Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Drone ah, oo aan la xaqiijin cidda iska leh, ayaa galabta laba jeer dul-martay xarunta hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomnaaliya ee NISA, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Diyaaradda ayaa aad ugu dhowaatay xarunta korkeeda, taasi oo hoggaamisay in ilaalada xarunta ay rasaas ku furaan, sida ay wararka sheegayaan. Illaa iyo hadda si dhaba h looma xaqiijin karo dalka laga leeyahay diyaaraddaas iyo halka ay kasoo kacday, hase yeeshee ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in diyaaraddaas laga leeyahay Imaaraadka Carabta. Haddii arrintan ay xaqiiq noqoto, waxay ka macno tahay in xiisadda iyo dagaalka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray heer aan caadi ahayn, oo aad u xun. Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa 30-kii December waxay sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho 28-kii December “uu qorshayntiisa lahaa” dal shisheeye. Inkasta oo NISA aysan xilligaas magacaabin dal, haddana wargeys Turkish ah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku aragtida ah dowladda federaalka ayaa dalkaas ku sheegay Imaaraadka Carabta. Dhinaca kale, dhacdada maanta ayaa imaneysa ayada oo dhowaan wargeyska New York Times uu qoray in kooxda Al-Shabaab ay markii ugu horreysay qorsheeneyso inay weerar ku fuliso diyaarado.
  2. Burco(SL-T)Maamulka Puntland Oo Joojiyey Qaadka Soo Gela Deeganadiisa,Xidhay-na Xuduuda Uu La Leeyahay Somaliland Iyo Itoobiya. Dawlad goboleedka Puntland Ayaa sheegay in La xidhay xuduudaheeda Dhanka somaliland iyo deegaanka somalida ethopia, wixii sabtida ka danbeeya Sidoo kaloo Maamulka puntland Wuxuu joojiyay qaadka soo gela Deegaanada puntland Ee Ka Yimaada itoobiya. Source
  3. (SL-T)Dawlada Somaliya Oo Sheegtay Inay Somaliland Deeq Qalab Caafimaada U Diratay Iyo Nooca Deeqda ? Source
  4. (SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegtay in ay xuduudka ka xidheen Somaliland, cudurka coronaha awgii. Sidoo kale waxay joojisay in deegaannadeeda la keeno qaadka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Somali is sending over 20 doctors to help fight coronavirus in Italy, the country where the virus has claimed the most lives. Ismail Mukhtar Orongo, a Somali government spokesman, told Anadolu Agency over the phone on Friday that the doctors are volunteers from Somali National University in the capital Mogadishu. “Twenty volunteer doctors from National University in Mogadishu are registered at Italy’s Embassy and will go to Italy to help the country’s fight against coronavirus,” he said. They are being sent in response to a call by Italy’s government for help, and they are now ready and waiting for their charter flight to Italy, he added. On Thursday, Italy’s Civil Protection reported 712 new deaths, bringing the country’s death toll from the virus to date to 8,215. Meanwhile, Somalia on Friday confirmed the third case of coronavirus in the Horn of Africa nation. According to the UN assistance mission in Somalia, a UN commercial contractor tested positive for coronavirus on Friday. After first appearing in Wuhan, China, in December, the virus, has spread to at least 176 countries and regions, according to data compiled by U.S.-based Johns Hopkins University. The data shows more than 553,200 cases have been reported worldwide, with the death toll over 25,000, and more than 127,500 recoveries.
  6. (SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay Somaliland u soo dirtay qaybtii ay ku lahayd deeqdii Alibaba uu u soo diray Afrika, sida ay Wasaaradddu ku baahisay baraheeda bulshada. Deeqdan ayaa ah qalab loogu talogalay ka hortagga cudurka Coronavirus, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-27032020.mp3 View the full article
  8. (SLT-London)-Raysal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sida uu ku xaqiijiyey qoraal uu soo saaray. Johnson ayaa sidoo kale sheegay inuu is-geliyey go’doon iskiis ah, balse uu sii wadi doono inuu hoggaamiyo jawaabta ay dowladda ka bixineyso faafitaanka cudurkan. Afhayeen u hadlay xafiiska UK looga arrimiyo ee Downing Street ayaa sheegay in Johnson oo 55 jir ah uu astaamo fudud isku arkay Khamiistii, kadib markii uu ka jawaabay su’aalaha toddobaadlaha ah ee ra’iisul wasaaraha lagu weydiiyo baarlamanka. “24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaan isku arkay astaamaha, waxaana la iga helay Coronavirus,” ayuu yidhi Johnson. “Hadda, si iskey ah ayaan isku go’doominayaa, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda ee cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, innaga oo la dagaalameyna fayruskan.” Illaa iyo hadda ma cadda tirada shaqaalaha xafiiska Downing Street iyo wasiirada sare ee is-karantiili doono, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay xidhiidh la sameeyeen Johnson maalmihii ama toddobaadyadii dhowaa. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Talyaaniga u direyso labaatan dhaqtar oo ka caawiya dagaalka uu dalkaas kula jiro cudurka Coronavirus. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay maanta in dhaqaatiirtan ay yihiin mutadawiciin ka tirsan Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. “20 dhaqtar oo ka tirsan Jaamacadda Umadda ee Muqdisho ayaa iska diiwaan geliyey safaaradda Talyaaniga, waxayna aadi doonaan dalkaas, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Coronavirus,” ayuu yiri Ismaaciil. Waxa uu sheegay in dhaqaatiirtaas loo dirayo inay ka jawaabaan codsiga dowladda Talyaaniga ee ah in caawimaad la siiyo, islamarkaana ay hadda diyaar yihiin oo ay sugayaan diyaarad khaas ah oo qaadi doonta. Hay’adda Bad-baadada Bulshada ee Talyaaniga ayaa Khamiistii xaqiijisay dhimashada 712 qof oo kale oo cudurkaas u dhintay, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 8,215 qof. Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa maanta xaqiijisay in qofkii seddaxaad oo Muqdisho ku sugan aga helay cudurka Coronavirus. Wasiir Fowziya ayaa sheegtay in cudurkaas laga helay qof ajanebi ah oo ka tirsan shaqaalah xaafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho, kaas oo ka howgelayey xarunta UN-ka ee Xalane.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan. Mr Johnson ayaa qaba calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa. “Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka. Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: “24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan. “Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.” Goobkoog News Source: goobjoog.com
  11. Liebherr Container Cranes has signed a contract to supply eight rubber-tyred gantry (RTG) cranes for DP World’s terminal in Berbera, Somaliland. The high performance, variable speed diesel RTGs are due to be ready for operation before the end of 2020 and are six containers plus a truck lane wide, able to stack one over five containers high. Supplied with DGPS auto steering and stack profiling, the machines also incorporates Liebherr’s unique eight rope reeving no-sway-system, Liebherr drive systems and simultaneous drive motion. Container Managem Gantry cameras as well as a laser anti-collision system have been utilised with the aim to bring safety enhancements to operations. The machines were designed using European components specified for maximum loading conditions, significantly enhancing component life. Remote maintenance and Liebherr’s custom diagnostics and maintenance software, DiaMon3D, lower maintenance costs. The variable speed diesel engine also helps to reduce running costs and, according to Liebherr, will significantly reduce emissions. DP World Berbera already operates three Liebherr LHM 420 mobile harbour cranes, which went into service in early 2019. The new cranes are part of a phased expansion of the port, with phase one including a new 400 m quay and a 250,000 sq m yard extension. Qaran News
  12. Business closures and job losses caused by the coronavirus can be especially tough for San Diego's immigrant communities. One that's been hit especially hard is the Somali community in City Heights. Source: Hiiraan Online
  13. Just finished a very good conversation with President Xi of China. Discussed in great detail the CoronaVirus that is ravaging large parts of our Planet. China has been through much & has developed a strong understanding of the Virus. We are working closely together. Much respect! — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) March 27, 2020 Qaran News
  14. Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo laga helay coronavirus Boris Johnson Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan. Mr Johnson ayaa qaba calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa. “Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka. Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: “24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan. “Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.” Over the last 24 hours I have developed mild symptoms and tested positive for coronavirus. I am now self-isolating, but I will continue to lead the government’s response via video-conference as we fight this virus. Together we will beat this. #StayHomeSaveLives pic.twitter.com/9Te6aFP0Ri — Boris Johnson #StayHomeSaveLives (@BorisJohnson) March 27, 2020 Markii ugu dambeysay ee Mr Johnson la arkay waxay ahay habeenimadii Khamiista, xilli uu ka qeyb qaadanayay munaasabad loogu mahadcelinayay shaqaalaha Waaxda Qaran ee Caafimaadka UK (NHS). Horaantii Isbuucan, afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dominic Raab, uu la wareegi doono howlaha Ra’iisul Wasaaraha, haddii uu Mr Johnson xanuunsado. Qaran News
  15. Maxay tahay sababta cabitaanada liinta ay qaali uga noqdeen caalamka? Qiimaha cabitaanka liinta ee caalamka ayaa lagu soo warramayaa in uu sare u kacay boqolkiiba 20 bishan, xilli dad badan oo caalamka ay doonayaan in ay helaan cunto ama cabitaan waxtar u leh jirka oo ka difaaci kara fayraska corona. Dalabka liinta ayaa sare u kacay, waxaana dhanka kale hoos u dhacay dalagyada beeraha ee liinta. “Xanuunka corona wuxuu saameeyay beeraleyda soo saara liinta noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan liin-bambeelmada iyo kuwii iibsanayay. Cabitaankan xoojiya difaaca jirka ayaa ah mid aadka loo daneynayo hadda, mana jiraan duullimaadyo ku filan oo suuq iyo dalalka caalamka geeya liinta,” ayuu yiri Stephen Innes, oo ah khabiir wax badan ka yaqaana suuqyada caalamka. Beeraha soo saara liinta ayaa sidoo kale waxaa heysta dhibataa kale oo ah in aysan heysanin shaqaale ku filan oo ka shaqeeya soo saarka liinta, maadaama xayiradaaha lagu soo rogay dalal badan oo caalamka ay keentay in dad badan aysan shaqo tegin. Qiimaha liinta ayaa sare u kacay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii 2015, waxaana xilligan uu hoos u dhaca ku yimid suuqyada saamiyada ee caalamka. Stephen Innes oo wax laga weydiiyay in sare u kaca ku yimid qiimaha uu wax ka badeli karo kuwa bakhaarada lagu keydiyo, wuxuu ku jawaabay: “saameynta aan joogsaneyn ee liinta iyo sare u kaca qiimaha waa mid dadka soo saara liinta ay usii gudbin doonaan dukamaada iyo dadka iibsada”. Dad badan ayaa xilligan oo uu dunida ka jiro xanuunka corona ku baraarugay cabitaanka iyo cunista liinta, maadaama uu xoojiyo difaaca jirka ban’aadamka. Qaran News
  16. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay in laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya oo ku beegan 28-Maarso 2020, ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia. Qoraal maanta oo Jimce ah ka soo baxay, Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyay isu-socodka Gaadiidka iyo Rakaabka ka imaanaya dhanka Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Balse, sida lagu xusay Qoraalka, Ardayda Reer Puntland ee ka soo laabanaya dalka Ethiopia oo keliya, ayaa mudda saddex maalmood loo ogolyahay, in ay ka soo geli karaan xuduudka, kadib markii la hubiyo Aqoonsigooda Ardaynimo. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegay, in gebi ahaanba la joojiyay Qaadkii imaan jiray Puntland, laga bilaabo Lixda Makhribnim ee Sabtida berriya, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo mudadaas kadib Qaad soo gelisa Puntland. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo gebi ahaanba mamnuucday Qaadka si looga hortago Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  17. Garowe (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaciyey in uu xiray xuduudka uu la wadaago Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida, sidoo kalena mamnuucday in wax qaad ah la keeno degaanada maamulkaas. View the full article
  18. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu ku dhacay cudurka Coronavirus ee sida xooggan ugu faafaya dalkaas iyo guud ahaan caalamka. Boris Johnson ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “24-kii saac ee ugu dambeeyey, waxaan isku arkay astaamaha Coronavirus, kadibna baaritaan la igu sameeyey, waxaa la iga helay cudurka.” Johnson ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyey ee caalamka ee cudurkan laga helo, waxaana la sheegay in xaaladdiisa ay tahay mid aan darneyn. “Hadda, waxaan billaabay inaan si iskey ah isku go’doomiyo, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda UK ay ka bixineyso cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, si aan ula dagaalanno fayruskan.” Afhayeen u hadlay xafiiska UK looga arrimiyo ee Downing Street ayaa sheegay in Johnson oo 55 jir ah uu astaamo fudud isku arkay Khamiistii, kadib markii uu ka jawaabay su’aalaha toddobaadlaha ah ee ra’iisul wasaaraha lagu weydiiyo baarlamanka. Illaa iyo hadda ma cadda tirada shaqaalaha xafiiska Downing Street iyo wasiirada sare ee is-karantiili doono, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay xiriir la sameeyeen Johnson maalmihii ama toddobaadyadii dhowaa.
  19. Muqdisho (SMN) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu shaaca ka qaadey in ay kala shaqeynayaan Dowladda Federaalka ah siddii loo xakameyn lahaa caabuqa dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus. War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka UNSOM ayaa daaha looga rogay in kaalinta ay buuxin doonan ay ku saabsan tahay siddii loo yareyn lahaa dilaac uu xanuunkaas ka sameeyo Soomaaliya. Xirfadlayaal iyo qalab caafimaad ayay sheegeen in ay diyaar-gariyeen, kuwaasoo la shaqeyn doona xukuumadda. Hadalka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa kusoo hagaagaya iyaddoo maanta la xaqiijiyey in shaqaale ka tirsan UNSOM uu soo ritay xanuunka Covid-19, taas oo tirada kiisaska ka dhigtay saddex. “Ahmiyadeena waa siddii aan u daaweyn lahayn qandaraaslaha ugana hortagi lahayn faafitaan dheeraad ah oo fayruska sameeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska. Ruuxa ajanbiga ah ee laga helay cudurka ee ku sugan Muqdisho ayaa lagu waramay in muddo sideed maalmood ah karan-tiil ugu jiro xerada Xalane, isla markaana wax laga waydiiyo hadii ay jiraan dad kale oo uu la kulmay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/UNSOM.mp3 View the full article
  20. Prime Minister Boris Johnson has tested positive for coronavirus, Downing Street has said. Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul wasaaraha waddanka Ingiriiska Boris Johnson, ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in isaga laga helay cudurka Coronavirus. Johnson ayaa sidoo kale sheegay inuu is-geliyey go’doon iskiis ah, balse uu sii wadi doono inuu hoggaamiyo jawaabta ay dowladda ka bixinayso la tacaalidda cudurkaas COVID-19. MrJohnson, ayaa sidoo kale tilmaamay in maadaama uu is karantiilay, uu shirarka dowladdiisa iyo kuwa Caalamiga ahba kaga qeyb-geli doono khadka Video-ga “Hadda, si iskey ah ayaan isku go’doominayaa, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda ee cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, innaga oo la dagaalameyna fayruskan.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Kiiska saddexaad ee cudurka Corona ayaa laga helay qof ajnabi ah, kaasi oo sidda la sheegay kamid ah shaqaalaha ka howlgala xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sidda ay xaqiijisay wasaarada caafimaadka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka, Fowziya Abiikar Nuur, oo warbaahinta u xaqiijisay kiiskan sadexaad ee Covid-19, ayaa sheegtay in qofkan ajnabiga ah uu soo maray dhowr dal oo uu cudurku saameeyay, iyadda oo hoosta ka xariiqday in laga helay astaamaha uu xambaarsan yahay cudurka iyadoo sidoo kale tilmaamtay in uu ku jiro xalad lagu karantiilayo. Drs Fowziyo ayaa sheegtay in isha lagu hayo meelaha cudurkan uu kasoo galayo dalka, dadka uu soo ridanayo iyo sidda loo xanaaneenayo oo loola tacaalayo xaalada dadka uu soo rito cudurkan. Fowziya ayaa ka dhawaajisay in dalka aysan oolin sheybaarka lagu baaro Covid-19 balse lagu soo baaro wadamo dibadda ah gaar ahaan dalka Kenya, iyadoo carabka ku dhufatay in xarunta ay ku baaraan dheecanada dadka looga shakiyo xanuunkan ay tahay xarun aqoonsi ka haysata hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO. Marka lagasoo tago Kiiskan saddexaad ee la xariira caabuqa Corona ee laga helay qof kusugan Muqdisho ayaa waxaa horay u jiray ilaa laba kiis oo la xiriira cudurkaan lagana helay laba muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dowladda ay soo mareen ama ay ka kala yimaadeen wadamada Shiinaha iyo Talyaaniga. View the full article
  23. Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Jimce ah shaacisay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala wareegtay, qalab caafimad oo loogu tala-galay ka hortagidda iyo u diyaar-garowga cudurka Coronavirus. Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa lagu sheegay in wasaaraddu la wareegtay qeyb kamid ah qalab caafimaad oo maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ka heshay waddanka Shiinaha, si loogula tacaalo cudurka COVID-19. Sidoo kale, qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in qalabkaas isla maanta oo Jimce ah uu soo gaari doono magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, islamarkaana loo adeegsan doono la tacaalidda bukaannada laga helo cudurka ama kuwa looga shakiyo ee Karantiilka la geliyay. Shalay ayay ahayd, markii warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen wasaaradka Caafimaadka heer Federaal iyo kuwa heer dowlad goboleed, ay ku sheegeen in ay u baahanyihiin lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar si loola tacaalo xanuunka Covid-19. PUNTLAND POST The post Puntland oo qalab lagu baaro COVID-19 kala wareegtay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya , Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaadhay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha , xilli ay taagan tahay halista cudurka Coronovirus. Donald Yamamoto, oo bartiisa xiriirka Bulshada kula hadlay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay in ay Soomaaliya ay soo gaartay heerka go’aan qaadashada ee Barnaamijka deyn cafinta. Wuxuuna sheegay Safiirku in ay Soomaaliya yeelatay mustaqlab ifaya, isagoo intaa raaciyay in uu Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta dhaqaalaha. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo goor dhaw la hadashay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijisay in qofkii seddaxaad oo Muqdisho ku sugan aga helay cudurka Coronavirus. Wasiir Fowziya ayaa sheegtay in cudurkaas laga helay qof ajanebi ah oo ka tirsan shaqaalah xaafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho, kaas oo ka howgelayey xarunta UN-ka ee Xalane. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa mar kale xaqiijisay in dalka uusan oolin qalabka lagu baaro Coronavirus, isla markaana baaritaanka qofka laga helay cudurkaan lagu ogaaday dalka dibadiisa oo maalmo ka hor loo qaaday dhiigiisa, kadib markii looga shakiyey. Ugu dambeyntii wasiir Fowziya ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dalbatay in laga daayo wararka daacayadda ah ee laga faafinayo wasaaradda caafimaadka, iyadoo xustay in ay u badan yihiin dad u badan mas’uuliyiin ay ka faafiyeen in cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu yahay mashruux ay abuuratay wasaaradda caafimaadka. Sidoo kale war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in mid ka mid ah qandaraaslayaasha ganacsatada ah oo ay howlgeliso Qaramada Midoobey laga helay cudurka Coronavirus. Qandaraaslaha laga helay cudurkaas ayaa sideed maalmood karantiil ku jira, iyadoo khubarada caafimaadka ay la socdeen xaaladiisa, sida lagu sheegay qoraalka Qaramada Midoobey. Warka kasoo baxay Qaramada Midoobey ee lagu ee lagu xaqiijiyey qofka uu ku dhacay cudurkaas ee ka tirsan shaqaaleheeda laguma sheegin dalka uu u dhashay. Ugu dambeyn Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in iyada kaashaneysa hey’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo diyaarin lahaa nidaamyada caafimaadka ee dalka, si loo xakameeyo, in COVID-19 uu ku baaho Soomaaliya. Waa qofkii seddaxaad ee ku nool Muqdisho oo laga helay cudurka Coronavirus, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaana horay u sheegtay in laga lehay laba ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo la karaantiilay xilli ay kasoo laabteen dalka dibadiisa.