-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday inay gabi ahaan maanta xireyso xuduudaha laga soo galo maamulkaasi, si looga hortago Coronavirus. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta ay xiran yihiin xuduuda ay la wadaagto maamulka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay joojineyso qaadka uga yimaada dhinaca wadanka Itoobiyta Itoobiya. Halkana hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-28032020SS.mp3 View the full article
-
Somalia’s northeastern Puntland state has announced it suspended the import of Khat from neighboring Ethiopia to prevent the spread of the deadly Covid-19. In a statement, the Interior Ministry of Puntland said the suspension will come into effect from Saturday, March 28 and the security forces were ordered to enforce the directive. In addition, Puntland stated that all its borders with Somaliland and Ethiopia will be closed for several weeks as part of the preventive measures against the Coronavirus. Somalia has confirmed its 3rd case of Covid-19 on Friday, March 27 after a foreigner working with UN mission in the country tested positive for Coronavirus. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu soo ritay cudurka Corona ayaa korortay caalamka, sida ay warisay jaamacadda Johns Hopkins. Warbixinta ka soo baxday Johns Hopkins ayaa lagu sheegay in saaka tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus dalka Mareykanka ay gaartay in ka badan 104,000, dhimashadana ay kor u dhaaftay illaa 1,700, taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 27,360. Sidoo kale tirada ugu badan ee dhimashada dalka Talyaaniga ayaa gaartay 919 qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi. Spain ayaa sidoo kale dhankeeda 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaan-gelisay illaa 769 dhimasho ah, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalkaas 4,858 oo qof. Dhinaca kale marka la’eego qaaradda Afrika ayaa waxaa illaa iyo hadda kiisaska la xaqiijiyey ay kor u dhaafayaan 3000 oo kiisas ah. Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee uu cudurku ku hayo halis badan, waxaana dowladda dalkaasi ay shaacisay dhimashadii ugu horreysay ee Corona. Sidoo kale wadamada Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa laga soo warinayaa kiisas cusub oo la xariira cudurkaasi sida fudud ku faafa. Ugu dambeyn Soomaaliya oo iyana la xaqiijiyey illaa saddex kiis ayaa dhankeeda haatan wada dadaallo xoogan oo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaan.
-
Tirada dadka uu ku dhacay cudurka coronavirus ee dalka Mareykanka ayaa saaka oo Sabtiya gaartay in ka badan 104,000 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins. Jaamacadda ayaa sheegtay tirada dhimashada ee gudaha Maraykanka ay kor u dhaaftay 1,700 taasoo dhimashada dalalka dunida oo dhan ka dhigaysa 27,360. Dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo tabisay tiradii ugu badned ee dhimashada cudurka Corona Vurus Waxaana ay sheegtay in maanta ay geeriyoodeen 919 qof. Dhanka kale Spain waxay diiwaangelisay 769 dhimasho cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka in ay gaartay 4,858 oo qof. Dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalata Covid-19 oo ah xanuun ku dhaca neefmareenka uuna sababo feyraska Corona. Kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika ayaa haatan gaaray in ka badan 3000 oo kiisas iyadoo dalka Koonfur Afrika uu noqday ka ugu kiisas badan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee cudurka Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo ka hor waraaq ‘cafis fidin ah’ u gudbiyey Hay’addaha garsoorka Somaliland, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta. Waraaqdaasi ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Talo bixin kaga codsaday Hay’addahaasi Maxaabiista uu rabo in uu cafiska u fidiyo, oo tiradoodu dhan tahay 800-Maxbuusa, kuwaasi oo dambiyada fudud u xiran. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa talaabada ku hogaaminaya Xukuumadiisa sidii looga hortagi lahaa in cudurka halista ah ee Coronavirus uu ku faafo, maadama la ogyahay in Maxaabiista iyo Jeelasho kala badan-yihiin. Biixi ayaa si gaar ah uga reebay Cafiska Maxaabiista u xidh-xidhan Kiisas waaweyn, sida kuwa u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la culeyska ah. Waxeyna Ciidamada Asluubta oo ka duulaya arrinkaasi maalintii Khamiistii u gudbiyeen Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista uu Madaxweynuhu cafiska u fidinayo iyo weliba waxyaabaha ay u xiran yihiin. Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo boqolaalka Maxbuus, si looga hortaga faafista cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus.
-
By mid-March 2020, 44 African countries had reported nearly 2,000 cases and 59 deaths caused by COVID-19, a pandemic that has seen nearly half a million infections globally since the first reported case in late 2019. Source: Hiiraan Online
-
"Historic" testing is to start on four drugs, but a coronavirus vaccine is still up to 18 months away, according to the World Health Organization's director-general, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aanka ay Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso iskuul ku yaalla Muqdisho oo ay maamusho hay’ad Masaari ah. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020. Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka. Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in “amar ka yimid Itoobiya lagu xiray Iskuulkii 15 May ee dowlada Masar maamuleysay” kaasi oo sida uu sheegay ardayda dhigata lacag la’aan wax lagu bari jiray! “Horay hadii Qalbi Dhagax loogu dhiibay. Dekadihii dalka lagu wareejiyay. Qaraarkii Jaamacada Carabta ee dowlada Soomaaliya horay u taageertay amarkooda looga laabtay. Diyaradoodii dalka meeshii ay rabto maalin walba ka degayso kuwii kaloo xayiran. Maantana Iskuuladii amarkooda lagu xirayo, tolow maxaa haray?” ayuu yiri Mahad Salaad. Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto arrinta uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad. Si kastaba, go’aankan ayaa imanaya ayada oo xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu toddobaadyadii dhowaa u muquday mid aan wanaagsaneyn, kadib markii Soomaaliya ay ka laabatay qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray qadiyadda Masar ee muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile. Soomaaliya ayaa sheegtay inay arrintan dhex-dhexaad ka tahay, balse dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa ku macneeyey la safashada Itoobiya, maadaama Masar ay xulufo iyo walaal soo jireen ah u ahayd Soomaaliya, halka Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya.
-
Amiir Harry iyo marwadiisa oo ka qaxay Canada, una guuray magaalada Los Angeles Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi isbuucii hore ay u soo guureen amiirka dalka Ingriiska Prins Harry (35), marwadiisa Meghan (38) iyo waliba wiilkooda yar Archie (11 bilood jir). Qoyskan reer boqor ayaa kasoo guuray dalka Canada oo ay daganaayeen tan iyo dhammaadkii sano hore, xilligaas oo ay kasoo caroodeen dalkooda Britain arrimo qoyska reer boqor dhexdooda ah. Muddo gaaban ka hor ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegayay in dowadda dalka Canada ay shaacisay in ey ska wareejindoonto masuuliyadda amni ee qoyska Harry islamarkaana ay isaga isku tashan doonaan kharash ahaan wixii amnigooda ku baxayo. Ma cadda in sababtan ay lug ku leedahay guuritaanka Amiir Harry iyo qoyskiisa. Xaaskiisa Meghan ayaa iyadu ah muwaadin Mareykan ah, waxaana ay horay u daganaan jirtay magaalada Los Angeles. Qaran News
-
Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaciyay in uu galay karan-tiil ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay xanuunka Covid-19. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in hawlwadeenada kale ee xafiiskiisana ay karantiil is geliyeen si looga hortago Coronavirus. Balse wax fahfaahin ah kama bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee laga helay cudurka COVID-19 iyo sida uu ku qaaday xanuunka. Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku faafay 176 wadan oo caalamka ah. Dalalka ku yaalla Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa dhamaantood shaaciyay kiisas la xariira xanuunkaas Coronovirus PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo is karantiilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland iyo Puntland u direen xirmadii koowaad oo ah qalab looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus. Kheyre ayaa sheegay in sidoo kale maamul goboleedyada kale ee dalka ee Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay ku xigsan doonaan oo iyana ay u diri doonaan agabkan. “Waxaan maanta u dirnay Somaliland iyo Puntland xirmadii koowaad ee qalabka ka hor-tagga Covid-19. Waxaa ku xigi doona Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitter. Kheyre ayaa sheegay in xaddiga uu la eg yahay cudurka Coronavirus ay u baahan tahay taageero dalka oo dhan la gaarsiiyo iyo wada-shaqeyn dhex-marta dhammaan maamullada dalka iyo dowladda dhexe. Kheyre ma bixin wax faah-faahin oo intaas dheer. Hase yeeshee ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in agabkan uu yahay qeyb ka mid ah kaalmadii Soomaaliya kasoo gaartay Shiinaha Diyaarad sida qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga yo in lagula tacaalo cudurka Coronavirus, ayaa talaadadii kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay. Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.
-
Shirkad Trump ku amray inay degdeg u sameyso qalabka bukaanka Coronavirusku ahyo ku neefsado Madaxweyne Trump Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku amray shirkadda General Motors (GM) inay qalabka neefsashada u sameyso bukaannada la ildaran xanuunka Covid-19 oo kusii faafaya dalkaasi. Madaxweynaha ayaa soo rogay Xeerka Wax-soo-saarka Difaaca ee uu Maraykanka adeegsan jiray xilligii dagaalkii Kuuriya, kaasoo awood u siinaya inuu shirkadaha ku qasbo inay qalab u saameeyaan difaaca qaranka. Trump ayaa sheegay in shirkadda GM “ay waqti luminayso” loona baahan yahay in la badbaadiyo noolasha dadka Maraykanka ah. Maraykanka ayaa laga helay kiisaska ugu badan ee dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka uu keeno fayraska Corona caalamka oo dhan. Trump ayaa horay u sheegay in aan loo baahaneyn amarkan, maadaama shirkadaha ay si khiyaarkood ah uga qeyb qaadanayaan la dagaallanka cudurka oo hadda ku dhacay in ka badan 100,000 oo qof oo Maraykan ah. Madaxweynaha ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Waxa ay noo sheegeen inay si degdeg ah noo siin doonaan 40,000 oo ah qalabka uu bukaanka ku neefsado, hadda se waxa ay leeyihiin waxaan idin siin doonnaa 6,000 oo keliya, weliba dhammaadka April, lacag badan ayayna ku rabaan.” Waxa uu si toos ah u beegsaday haweeneyda madaxda ka ah shirkaddaasi oo lagu magacaabo Mary Barra, isagoo ku tilmaamay “mid ku dheeshay” hogaanka General Motors. Shirkadda oo caan ku ah samaynta gawaarida ayaa kala shaqeyneysay shirkad kale oo qalabkaasi samaysa lagu magacaabo Ventec Life Systems sidii ay agabkaasi neefsashada ka caawiya bukaanka ay ugu samayn lahayd warshadda GM ee ku taalla Kokoma, Indiana. Maxaa ka socda New York? Gobolka New York ayaa noqday xudunta cudurka Covid-19 ee Maraykanka, waxaana uu barasaabkiisa, Andrew Cuomo shaaciyay in Jimcihii oo keliya 7000 oo kiis oo cusub halkaasi laga helay. Ilaa iyo hadda 44,000 oo qof ayaa gobolkaasi la xanuunsan cudurka, halka 519 qof ay u dhinteen. Mr Cuomo ayaa sheegay in loo baahan yahay agab caafimaad, isagoo tilmaamay in saddex todobaad gudahood la filayo inay aad sare ugu kacdo tirada kiisaska. Madaxweyne Trump ayaa Mr Cuomo ku tilmaamay mid ka badbadinaya baahidda dhanka qalabka caafimaad ee ka taagan gobolkaasi, arintaasi oo uu ku gacan seyray barasaabka. Qaran News
-
Mareykanka oo madaxweyne xilka Dalkiisa haya Madaxiisa dul-dhigay 15 milyan oo dollar+Sababta & Jawaabta madaxweynaha madaxiis ala baayacayo Mareykanka wuxuu abaalmarin dhan $15m ku bixinayaa soo xirista madaxweyne Nicolás Maduro Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay madaxweynaha waddanka Venezuela, Nicolás Maduro iyo saraakiil sar sare uu u dhashay dalkaas, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin “argagixisanimo dhinaca daroogada ah”. Siyaasiyiintan ayuu Mareykanka ku eedeeyay inay dalkiisa ku harqiyaan maandooriyaha loo yaqaanno cocaine-ta, ayna daroogada hub ahaan u isticmaaleen si ay ugu waxyeelleeyaan caafimaadka dadka Mareykanka ah. Dacwdahan waxaa ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr. Abaalmarin lacageed oo gaareysa $15milyan oo doolar (£12.5m) ayaa loo ballan qaaday qofkii keena xog horseedysa in lasoo xiro Mr Maduro. Tallaabadan uu Mareykanku qaaday ayaa sii xoojineysa xiisadda u dhaxeysa labada dal. Xukuumadda Washington ayaa muddo dheer ku eedeyneysay madaxweynaha Venezuela inuu horkacayay waxa ay ugu yeertay “xukuumad musuqmaasuq iyo arxan darro ku dhisan”, iyadoo arrintaasna ay dowladda Mr Maduro marar badan gaashaanka u daruurtay. Wuxuu Mareykanku taageeraa hoggaamiyaha mucaaradka ee Venezuela, Juan Guaidó, oo sanadkii hore si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay madaxweyne ku meel gaar ah. Dacwadahan ayaa sii adkeynaya cadaadiska xooggan ee uu Mareykanku saarayo Mr Maduro, isagoo horayna ugu soo rogay cunaqabateyno ka dhan ah wax soo saarka saliidda Venezuela. Marka laga soo tago Mr Maduro, Mareykanka wuxuu dacwado noocaas ah kusoo oogay in ka badan toban ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa dowladda waddankaas. Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah wasiirka gaashaandhigga ee dalkaas iyo madaxa caddaaladda ee maxkamadda ugu sarreysa Venezuela. “Dadka reer Venezuela waxay u qalmaan dowlad mas’uuliyad leh, howlaheeda ay cadyihiin wakiilna ka noqon karta shacabkeeda iyo adeegga ay u baahan yihiin – dowladdaasoo aan ku shaqa lahayn arrimaha sharcidarrada ah iyo kala gudbinta daroogada,” sidaas waxaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Venezuela, Jorge Arreaza, oo ka jawaabeysay hadalka kasoo baxay Mareykanka, ayaa gaashaanka u daruuray waxa uu ugu yeeray “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn”. “Dhibaatada uu dareemayo Aqalka Cad waa natiijada looga jeedo nabadda ka dhalaneysa Venezuela,” ayuu yiri. This poster offering a reward for Mr Maduro was released by the US Mr Maduro qudhiisa oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa ku eedeeyay dowladaha Mareykanka iyo Colombia inay dhiirrigalinayaan qalalaasaha Venezuela. Wuxuu muddo dheer Mareykanka ku dhaliilayay inuu isku dayayo sidii uu u afgambin lahaa dowladdiisa, si markaas uu gacanta ugu dhigo keydadka saliidda ee Venezuela. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar culus ku qaaday madax goboleedyada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay kuwa “xada hantida” deegaanadooda, wuxuuna si gaar ah usii weeraray kuwa Puntland iyo Jubaland. Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in madax goboleedyada, oo uu isaga ugu yeero barasaabyo, ay ku kala duwan yihiin in kuwa Puntland iyo Jubaland ay “hantida ay xadaan” ku maal-gashtaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa kale ay ku maal-gashtaan Soomaaliya. “Waxaan ogaaday farqi weyn oo u dhaxeeya barasaabyada musuq-maasuqa ah ee Jubaland iyo Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya. Kuwa hore waxay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa dambe ay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Soomaaliya, ayaga oo dabaqyo uga dhisaya magaalooyinka Soomaaliya. Kuwaas waa tuugo waddani ah,” ayuu yiri Faarax Macallin. In Faarax Macallin si gaar ah u calaamadeeyey madax goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa sababteeda loo arki karaa, inay yihiin kuwa ay is-khilaafsan yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo Faarax Macallin uu aad u taageero. Siyaasiyiin Soomaali ah oo ay kala artagti duwan yihiin dowladda dhexe, ayaa horey Faarax Macallin ugu eedeeyey inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta biilka ka qaata Villa Somalia, si ay dowladda u difaacaan. Sidoo kale gabar uu dhalay Faarax Macallin oo lagu magacaabo Xubi ayaa ka shaqeysa oo la-taliye ka ah Villa Somalia.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Fadeexad ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii soo ifbaxday, ka dib markii roobab ka da’ay ay burbur u gaysteen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe. Garoonkan ayaa waxaa la sheegay in ay dhismihiisa ku baxday adduun lacageed oo dhan afar dhibic saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.3m), hase yeeshee marka laga reebo sar yar oo garoonka ka taagan, xitaa ma lahan dhabbo ay diyaaradaha ku ordaan, waxaana looga tegay bacaad. Hase yeeshee, waxay noqotay arrin dad badani ka yaabisay burburka xoogan ay roobab da’ay Jimcihii ay u gaysteen Garoonka Baraawe, taa oo muujinaysa inaanan si sax ahi loogu hawlgelin dhismihiisa. Garoonka oo si macmal uun loo dhisay ayaan hadda ka dib awoodi doonin in ay duulimaadyadu ka deggaan, bacdamaa ay burburtay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee bacaadka ahayd. Midowga Yurub oo maalgeliyay dhismaha garoonkan ayaa u wakiishay Hay’adda Somali Stability Fund (SSF). SSF ayaana qandaraaska dhismahaasi ku wareejisay shirkad kale, waxaana gacmaha badan ee la marsiiyey mashruuca lagu lunsaday malaayiin dollar. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa 10-kii bishan xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee markii ugu horeysay laga hirgeliyay Degmada Baraawe. Baraawe waa xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbed, inkastoo uu maamulkaasi xilligan ku shaqeeyo Magaalada Baydhabo. Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeedba ayaa lacagtii loogu talagalay dhismahaasi uga faa’ideen in ay dadka deegaanku yeeshaan garoon muddo fog shaqayn kara.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi xalad karantiil ah lagu geliyey dad looga shakiyey cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus. Ilo dhanka caafimaad ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dadka la karantiilay oo dhammaan rag ah ay gaarayaan illaa lix qof, kuwaas oo looga shakiyey xanuunka. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi oo iyagu iskood u tegay xarumaha caafimaadka laga qaaday baaritaano, si loo ogaado xaaladdooda. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in raggaasi ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa, islamarkaana ay dhowaan gudaha u galeen Puntland, gaar ahaan Garoowe. Illaa iyo hadda ma jiro kiis ay shaacisay xukuumadda Puntland, balse waxaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi ka jirta cabsi la xariirta faafitaanka cudurkaasi. Puntland ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo Corona, iyadoona ku dhawaaqday inay xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo Itoobiya. Soomaaliya, gaa ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey illaa haatan saddex kiis oo la xariira cudurka Coronavirus, kaas oo fara ba’an ku haya caalamka.
-
Qatar is building a new embassy in Mogadishu, signalling the latest step in the recovery of the Somali capital after years of violent conflict. It is planned to be the second largest embassy in Somalia; the largest is the Turkish Embassy. Source: Hiiraan Online
-
The United Nations in Somalia confirmed on Friday that an employee of a commercial contractor engaged by the UN has been diagnosed with COVID-19. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said the contractor has been in quarantine for eight days prior to diagnosis and that medical professionals are interviewing the individual to trace contacts. “Our priorities are the care of the contractor and to prevent the further spread of the virus,” UNSOM said in a statement issued in Nairobi. The statement came a day after Somalia reported its second confirmed COVID-19 case. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegeysa iskuul ku yaalla Muqdisho oo ay maamulaan Masaarida, sidaas ku cad qoraal ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020. Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka. Ma cadda sababta go’aanka loo qaatay iyo haddii arrintan ay ku ku lug leedahay xiriirka labada dal oo toddobaadyadii dhowaa u muquday mid aan wanaagsaneyn. Soomaaliya ayaa dhowaan ka laabatay qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray qadiyadda Masar ee muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile. Soomaaliya ayaa sheegtay inay arrintan dhex-dhexaad ka tahay, balse dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa ku macneeyey la safashada Itoobiya, maadaama Masar ay xulufo iyo walaal soo jireen ah u ahayd Soomaaliya, halka Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay mideeyaan cududdooda iyo awooddooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen duruufaha caafimaad ee caabuqa Coronavirus uu dhaxal siiyey dalal badan oo caalamka ah. Soomaaliya ayaa waxaa laga xaqiijiyey saddex kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, waxaana jirta cabsi ah inay sii kordhi karaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si weyn uga murugoodeen dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ugu geeriyooday cudurkan, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyey dadka kale ee bukaanka ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ducada ugu xusay Raiisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka mid ah dadkeenna la xanuunsan caabuqan. “Dadka Soomaaliyeed -gudaha iyo dibaddaba- waxaan ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo talooyinka caafimaad ee lagu xaqiijinayo badqabkooda.” Madaxweynaha ayaa sheegay in ilaa hadda dalkeenna la xaqiijiyey saddex qof oo uu ku dhacay cudurkan, waxa uuna ugu baaqay shacabka in la joogteeyo ilaalinta fayo-dhowrka oo ay ugu muhiimsan yihiin dhiqidda gacmaha, yareynta kulan wadareedyada iyo fulinta guud ahaan talooyinka caafimaad ee ka hortagga ah. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey dadka Soomaaliyeed in ay joogaan guryahooda, xil weyna ay iska saaraan badqabka naftooda iyo bulshadooda. Hoos ka daawo farriinta madaxweynaha
-
Popular Contributors
