Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay maanta kooxo ku hubeysan bistoolado ka geysteen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dilka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Canshuuraha Bariga ee maamulka Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Maxamed oo loo yaqaanay Caynab, waxaana la toogtay xilli uu taagnaa xarun ganacsi oo ku taalla halkaasi. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaasta lagu furay sarkaalkaasi ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana uu goobta ku geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo tiro dad ah u qab qabtay dilkaasi. Kooxda dilka geysatay ayaa meesha isaga baxsatay, welina ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland. Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada oo u badan dilal qorsheysan.
  2. Nin ragga ku dhow-dhow Madax-weyne Farmaajo ka mid ah baa waxaa layga sheegay inuu yiri; lacagtii Qadar wa shaqaysay haddiiba uu maanta Faarax Macallin ku xigeenkii hore ee Af-Hayeenkii barlamaankii Kenya (2008-2013) uu maanta leeyahay “Duulaankii Itoobiya lagu qaado waa duulaan Soomaaliya lagu qaaday!” Intaas kuma ekaanee ninkaas waxaa kale oo layga sheegay “Qatar lacagteeda iyo Itoobiya hubkeeda dhammaan maayaan!…Xil-DHibaanna laaluush diidi maayo, aawaye kuwii Xamar ka qaylqaylin jiray?!… kuwa sanka taagaya sida Puntland, iyagu marka Somaliland ay ku soo dhufato, Gaalkacyana aan ka dhigno sal-dhig Haramcad iyo ciidamo Itoobiyaan, baraago bandanna la xabaalo markaasay indhaha kala qaadayaan!”… Hadalladaas oraah nin doqon ah oo wuxuu ku fekerayo iyo siduu jeclaan lahaa sheegay way noqon karaan! Beenna way noqon karaan…Laakiin, marka aad fiiriso dhaqanka Farmaajo iyo KHayre iyo siyaasadda xoogga ku dhisan ee ay isticmaalayaan oo aad ku darto socdaallada Farmaajo ee Itoobiya iyo Eritrea ee aan la sheegayn ujeeddadooda, oo aad u geyso oraahdii Col.Abiy Axmed ee “Xamar baad ka soo shaqaysan oo waad ka soo hoyan”…Yaa?! Oo aad markaas ku biiriso hagoog xummada Farmaajo iyo waxa uu qarsanayo, oo aad dhab isha u geliso` waxa ka socda Gedo iyo ciidammada Amxaarrada ah ee la soo tuuray xudduudaha dalka…Alleylahay warkaas wax baa ka jira! Waana qorshe ay muuqato khariidaddiisa sida loo jeexay!…Balse waa qiyaas aan aqoon lagu salayn!… Farmaajo iyo KHayre, ma inay Soomaaliya burbur hor leh gelinayaan? Mise inay sii joogayaan?!… Burbur waaba ina geliyeen oo dalkii waa gobol ay dagaal kula jiraan iyo mid ay duulaan ku yihiin, waxayna run ahaan arrintu u egtahay in muddooyinka dhow ay xaaladuhu ka sii xummaan doonaan sida ay tahay, maxaa yeelay Col. Abiy Axmed, waxaa ka dhaadhacsan in ololihiisa doorashada bisha August ee sanadkan ay wax weyn ka tarayso haddii uu ku guuleysto inuu meel mariyo arrimihii uu sheegay inuu kula heshiiyay madax-weynaha Soomaaliya Farmaajo, qiimo kastaba ha ugu kacdee, wuxuuna rumaysanyahay si kastaba ha noqotee inuu xoogga saaro sidii Madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare Xasan Cali KHayre ay mar labaad hoggaanka Soomaaliya ugu soo laaban lahaayeen, isagoo og ama maanka ku haya inay arrintaas gacan ku siinayaan dalal badan oo uu ugu horeeyo dalka Maraykanka oo safiirkiisa Yukio Yamamoto (Donald) ay marar badan siyaasiyiin Soomaaliyeed ku eedeeyeen gacanta uu ku leeyahay arrimaha ay Itoobiya ka wado Soomaaliya. Lacagta Qatar, waxaa yaab leh ninku haddii uusan marna dhahayn lacagtayda, ama aysan xukuumadda lahayn lacagta ay leedahay doorashaan ugu ololeyniyaa, sidee buu isugu halayniyaa lacag nin kale leeyahay oo jeebkiisa ku jirta?! Lacagta Qatar iyo warshadda Taangiyada soo saarta Itoobiya!…iyo taageerada siyaasadeed Yukio Yamamoto (Donald) oo isaga caqligiisa ku fekeray kuna shaqayniya siduu qaranka Soomaaliyeed oo dhan uga dhigi lahaa tuulo yar oo miskiin ah oo hoos tagta Itoobiya, oo waliba kaaga daranee siyaasiyiinta oo dhan dhuunta kaga jira si uu ugu qurxiyo dulmiga u la damacsanyahay!… Taas ilaahay kaama aqbalin dheh! Mise aragtay ra’iisal wazaare ku-xigeenka Mahdi Max’ed Guuleed oo iska dhigaya inuu xadiith aqrinayo, February 2019, isagoo aad modo inuu la hadlayo dad jaahiliin ka ah Itoobiya iyo waxa ay tahay oo leh “Israa’iil iyo Carabta way heshiiyeen maxaa annaga inoo diidaya inaan Itoobiya la heshiino?!” Beenta wuxuu uga daray siduu isula qab-weynyahay!…Mahdi u sheega Israa’iil colaadda Falasdhiin bay kala dhexeysaa Carabta kale awalba Falasdhiin bay taageerayeen, waxayna daysteen taageerradii, laakiin Falasdhiin xaqeedii wali waa maqanyahay kamana tanaazulin, dadka Soomaaliyeedna wali waa ku dulmanyihiin Itoobiya!… https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/VID-20190718-WA0009.mp4 Dhagarta uu maleegayo weynin badanaa! Waxa uu ku bedeshay ee ummadda Soomaaliyeed ee baaxaddaas leh ee uu ka dhashay uu u dulayniyo maxay tahay?!…Waa yaab! Waxaa intaas oo dhan ka daran Mahdi wuxuu ku leeyahay qabaa’il baynu nahay Soomaali ah marka ma heshiinayno, oo haddii aan heshiin wayno?! Ma Itooniya baa inoola soo heshiinaysaan?! Marka ma Itoobiyaa inoo kii garbo duubaysa?! Oo goormaan sidaas u dulownay?! Mahdi iyo kuwo badan oo la mid ah oo wax ka og hawl-gallada Col. Abiy iyo madax-weyne Farmaajo ay ka wadaan Soomaaliya waxay marin habaabinayaan dhallin-yarrada oo taariikhdii ay dhaxalka u lahaayeen ka qarinayaan iyagoo taas ku bedelanaya in Col.Abiy uu dalka xoog ugu qabto!…Dagaalaan dhammaad lahayn bilowgiis dheh. Waxaa arrin aan la qarin karin in golihii shacabka xaalkoodu shib noqday, dad-weynaha Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaa ay rumaysanyihiin ama ay indhahooda ku arkeen si xishood daro ah, Alle ka cabsi aan lahayn, in mar kasta oo kal-fadhiyada golaha shacbka furmaan xil-dhibaannada lacago laaluush ah la siiyo oo si barer ah oo aan la qarinayn loo siiyo lacago laaluusha ah intay u soo saftaan iyagoo waliba tirsanaya si aysan uga hor imaan siyaasadaha gurracan iyo meel ka dhacyada golaha fullinta (Executive Branches) haddii ay tahay ku tumashada dastuurka, ku tagri falka awoodda, iyo duulaanka ay ku hayaan dowlad-goboleeddada, waxaana lacagahaas bixisa dowladda Qatar! Laakiin hadda khatarta iyo halista dowladda Qatar intaas aad uga baaxad weyntahay waxayna lacagteeda u adeegsanaysaa inay kula dagaasho baab’inta dhaqankii wanaagsanaa iyo ummadnimmadii Soomaaliya!… waxay dhex gashay guryihi dadkii shacabka ahaa, haweenkii, dhallin-yaradii, iyo odayaashii dhaqanka si looga hor keeno hadba madaxda, siyaasiyiinta, iyo guud ahaanba dowlad goboleeddada deegaanadooda maamula! Waxaase shacabka looga baahanyahay inay ilaashadaan maamulladooda ay iyagu samaysteen oo laga hor keenin! Inay is weydiiyaan maxaa iga maqan? Maxaanse haystaa? Farmaajose muxuu i taray?! Muxuuse iigu bedelayaa?!…Wuxuu ku bedelayaa dhaqan keli talisnimo, oo macnaheedu yahay inaadan aayahaaga qof ahaan keligaa go’aan ka gaari karayn!… intaas waa magac guud laakiin adiga aan ku daayo inaad weydiimahaas ka fekerto jawaabtooda. Waxaa muddadii 3da sano ahayd ee madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHayre ay hoggaaminayeen xukuumadda dalka ay samaysteen jabhad miizaaniyad gaar ah leh oo ay ka dagaal geliyeen Baraha Bulshada, ciidammada ugu badan ee jabhddaas waa dhallin-yaro isugu jira wiilal iyo gabdho aan waxba ka aqoon taariikhda dalkooda, waxaana ugu daran kuwa dibadaha ku koray, nasiib darrada dhacdayna waxay tahay in dugsiyada iyo jaamacadaha dalka I aan lagu barin ardayda cidda ay yihiin, soo jireenkii taariikhdooda, halgankii loo soo maray qaranimmada ay maanta ay ku naaloonayaan, taariikhda ay wadaagaan dalalka deriska la ah, (siiba Itoobiya iyo Kenya) waxaana qaarkood ay rumaysanyihiin Soomaaliya dowladnimadeeda inaysan ka horeyn Farmaajo iyo KHayre! Hasa ahaatee Faarax Macallin?!… Maxaa is bedelay?!…Waa yaab mana yara!… Anigu Faarax aqoontaan u leeyahay ma aha nin aan ku tuhmi karayo waxyaabaha rakhiiska ah ee dad badan ay ku tuhmayaan, laakiin xogaa waxaan la yaabanahay markii iigu dambaysay wuxuu ahaa nin rumaysan qaranimmada Soomaaliya, aadna ugu guubaabin jiray siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay dalka ka ilaashadaan cadowga duulaanka ku ah, siiba dalka Itoobiya! Maxaa is bedelay?!… Sida muuqata khatarta Itoobiya ee Soomaaliya maanta aad uga badantahay intii hore. Markii u horeysay ee Colnel Abiy Axmed uu xukunka dalkaas qabtay wuxuu markiiba duulaan ku bilaabay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku nool ilaa iyo xudduudaha dalka Soomaaliya. Ciidammadiisa waxay hor istaageen in doorasho madax banaan inay ka dhacdo dowlad Goboleedka (DG) Koonfur-Galbeed, waxayna halkaas ku laayeen dad shacab ah, waxayna xireen xubin aad muhiim u ahayd oo ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxtinimmada dowlad goboleedkaas u tartamayay SHiikh Muhtaar Roobow…waxay hadda dagaal ka wadaan gobolka Gedo oo ka tirsan DG Jubbaland, waxayna deegaano badan o gobolkaas ah ka bara kiciyeen dadkii shacabka ahaa…waxay sidoo kale ciidamo badan ka joogaan magaalada DHuuso-Ma-Reeb si cadaadis siyaasadeed loo saaro dad-weynaha ku nool DG Gal-Mudug, waxaana jira Itoobiya inay ku xad gudubtay midnimmada Soomaaliya iyadoo khariidadda Soomaaliya mar ka tirtay khariidadda Afrika, mar goysay Somaliland khariidadda Soomaaliya, marka Faarax Macallin hadalka uu soo dhigay Twitter-kiisa waa hadal wax og, waxaana yaab leh isagu Soomaalida Itoobiya ma aha, Soomaalida Soomaliyana ma aha ujeeddada hadalkiisana waxaa loo qaadan karaa inay dano shakhsiyadeed ka dambeeyaan, waase hadal gef ku ah qaranimmada iyo ummdnimmada Soomaaliya. SHacab-weynaha Soomaaliyeed waa u jeedaan Itoobiya iyo Kenya, iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxyaabaha ay ka wadaan dalkooda, waana hubaal inay u toog hayaan diyaarna u yihiin inay ilaashadaan qaranimadooda, ummadnimadooda, iyo midnimadooda! Hasa yeeshee side baa lug-gooyo looga baxayaa, bal ka waran ninka aad dooratay, oo aad tiri ina hoggaami, oo aad adigu keensatay oo maanta ku leh Itoobiyaan kuu soo kaxaysanayaa, oo wali Gen. Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-Wade) la taliye u yahay?! Bal is weyddii muxuu u sheegayaa bay kula tahay? Wuxuu u sheegayaa wixii uu ku shaqayn jiray..Godkii Jillicow, Baaristii Xizbiga, Godkii Boon-DHeere, Hangashtii, Godkii Fiat… mase lays weydiiyay maxay ku dambeeyeen?!… Waxa innagu dhacaya horay inoo soo mareen xilliyadii halgankii gobanimo doonka laakiin waxaa looga guuleystay midnimmada shacabka iyo wada-tashi; Guduni geed ma gooyso ee geed kalaa ku gooya, haddaan gaalo Islaam wadin nama soo gasheen!… halgamaagii tixdaan tiriyay haddii uu maanta arki lahaa madaxda dalka hoggaaminaysa ama uu Faarax Macallin maqli lahaa muxuu oran lahaa?!Balse ka waran Alle ha u naxariistee SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen af-hayeenkii barlamankii dowladdii madaniga ahayd haddii uu maanta arki lahaa sida uu u taajiray xil-dhibaanka ka tirsan golaha shacabka intaan guddoomiyaba la gaarin muxuu oran lahaa?! Waxaa hubaal dad-weynaha Soomaaliyeed inaan loo hoosaasin duulaanka Itoobiya iyo Kenya ama waxa loogu yeero Beesha Caalamka, sida muuqatana Col. Abiy Axmed iyo Farmaajo dagaalka ay ka bilaabeen Gedo wuxuu ku soo dhammaanayaa inuu shacabka Soomaaliyeed midoobo aayahoodana ka tashadaan, waxaa kaloo iyadana dhamaanaysa in nin boorso iska wata oo aan ka war hayn dhibaatada haysata ummadda oo meel iska taagan la doorto!…Waase yaabee Farmaajo ma wuxuu garan waayay dadkaan keli talisnimo bay ka dagaalameen cid kalana kama yeelayaanee dalka dib ha u celin?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. By Dr. Bischara Ali Egal “It seems, the more there is written about the causes of the Coronavirus – the more the written analyses are overshadowed by a propaganda and fear-mongering hype. Questions for the truth and arguments for where to look for the origins and how the virus may have spread and how to combat it, are lost in the noise of wanton chaos. But isn’t that what the “Black Men” behind this intended pandemic want – chaos, panic, hopelessness, leading to human vulnerability – a people becoming easy prey for manipulation?” Peter Koenig( Former IMF Economist + consultant) Introduction: What is the Wuhan coronavirus (2019 novel coronavirus, 2019-nCoV, COVID-19)? Coronavirus disease (COVID-19) is an infectious disease caused by a newly discovered coronavirus. Most people infected with the COVID-19 virus will experience mild to moderate respiratory illness and recover without requiring special treatment. Older people, and those with underlying medical problems like cardiovascular disease, diabetes, chronic respiratory disease, and cancer are more likely to develop serious illness. The best way to prevent and slow down transmission is be well informed about the COVID-19 virus, the disease it causes and how it spreads. Protect yourself and others from infection by washing your hands or using an alcohol based rub frequently and not touching your face. The COVID-19 virus spreads primarily through droplets of saliva or discharge from the nose when an infected person coughs or sneezes, so it’s important that you also practice respiratory etiquette (for example, by coughing into a flexed elbow). At this time, there are no specific vaccines or treatments for COVID-19. However, there are many ongoing clinical trials evaluating potential treatments. WHO will continue to provide updated information as soon as clinical findings become available. (1). The coronavirus outbreak that began last December in Wuhan, China has escalated into a global pandemic, requiring a coordinated international response to avert catastrophe. A planned, rational deployment of worldwide medical and industrial resources is essential to keep the disease from potentially claiming millions of lives. The danger of infectious, untreatable and potentially fatal viral outbreaks causing pneumonia has been known for decades. Two different coronaviruses caused regional outbreaks, SARS in 2002–2004, mainly in China, and MERS in 2012–2014, mainly in Saudi Arabia. However, while SARS claimed 774 lives after infecting 8,000 people, and MERS killed 886 after infecting 2,519 over two years, the highly contagious Wuhan coronavirus (SARS-CoV-2) is spreading worldwide, infecting 81,296 and killing 2,770 in barely two months. Major outbreaks are surging not only in East Asia, but also in Europe and the Middle East, with 383 cases in Italy and at least 139 in Iran. China has managed to significantly slow the disease’s spread, limiting the number of cases to 78,073, with draconian measures to place hundreds of millions of people under lockdown and shut down much of its economy. However, it is apparent we are only in the initial stages of a global epidemic. Initially, officials in the United States and internationally tried to downplay the new virus. Even yesterday, President Donald Trump—speaking for the broad sections of the financial aristocracy who look no further than their stock portfolios—took to Twitter to ignorantly berate the media for trying “to make the Caronavirus [sic] look as bad as possible, including panicking markets, if possible. Likewise their incompetent The Wuhan coronavirus is a single-stranded, positive-sense RNA coronavirus. It is a new strain of coronavirus (means crown) that is causing an outbreak of serious respiratory problems in Wuhan, China. Researchers think it originated from infected animals and jumped over to infecting people in a large open seafood/animal market. Also, the virus is capable of person-to-person transmission, spreading to at least to 16 countries in about 1 month. It is related to the SARS and MERS coronaviruses.2) What are the risk factors for Covid-19 infections to Africa? For weeks, sub-Saharan Africa avoided the worst of COVID-19, giving health officials on the continent time to prepare. Now, less than three weeks after the virus has first arrived, it is beginning its spread and will test just how effective those preparations were.Twenty-three countries in the World Health Organization’s Africa region (which excludes much of North Africa) are now reporting COVID-19 cases, and the number is rising daily, it is now over 40 nations . Many of the initial cases appear to be travelers arriving from Europe or other destinations. Countries made airport screening central to their response, and it has been successful in identifying some patients. Still, others were able to slip through because the infection may not show symptoms for up to two weeks. Some confirmed cases have been entirely asymptomatic but contagious, making screening alone unsuitable for containment. African Countries are finding themselves well prepared than they would have been if the virus had arrived months ago. Forty nations now have at least one laboratory equipped to test for COVID-19. But there are still significant gaps in health systems that will be exposed as the virus spreads and forces the sickest to seek hospitalization. The WHO is pushing countries to do everything they can to contain the spread of the virus and limit the number of quarantined populations and encourage the following WHO clinical guidelines:- 3) Critical country preparedness, readiness and response actions: Responding to community spread of Covid-19 Operational considerations for case management of COVID-19 in health facility and community. Maintaining a safe and adequate blood supply during the pandemic outbreak of cronavirus disease(COVID-19) If the spread follows the trajectory of what happened in parts of China, Italy and Spain, it will quickly overwhelm health systems and could result in high death rates. “South Africa, which has one of the more developed health care systems in sub-Saharan Africa, had only a little over 4,100 ICU beds in 2008. While we couldn’t find a more recent number, it is unlikely to be significantly higher today. Even if we assume that ICU capacity has doubled in the past decade, it is generally accepted that at least half of a country’s ICU capacity has to be dedicated to non-COVID-19 cases. With about 5% of COVID-19 cases requiring intensive care, this best-case scenario would see South Africa’s health system collapse under the weight of more than 82,000 concurrent COVID-19 cases. At infection rates experienced by European countries, this number would be reached within a month at the most and assuming less than a best-case scenario within a couple of weeks.”4 That is even before considering the high rates of HIV and tuberculosis infections in sub-Saharan Africa – diseases that already weaken a patient’s immune system and might make them more vulnerable to COVID-19. At the same time, health experts don’t want to stigmatize these patients or raise unnecessary alarm. Working in sub-Saharan Africa’s favor is that it has a disproportionately young population, and the impact of the virus does not appear to be as severe on younger people as on older age groups. And because the arrival of COVID-19 was delayed, leaders on the continent – who are clearly paying close attention to the virus’s spread – can also draw on the experiences in other contexts and avoid the failings of other global leaders. African countries made airport screening central and mandatory responses and it has been successful in identifying. Community lockdown, and social distancing with vigorous enforcement mechanism to curtail, prevent, and stop the spread of the pandemics is the most African countries. While COVID-19 is an important Public Health concern, the lockdown coupled with an ongoing fear campaign does not constitute an effective means to combating the virus, i.e. by providing target medical assistance and health services to those affected.” What are COVID-19 economic, political and industrial risks for Africa. African countries have already implemented economic and physical disruptions on it global economic and industirla relations with the rest of the world. Economic and Mining disruptions due to the pandemic. Collapsing commopdity prices for Africa. Geo-political impacts on Africa – China bilateral relations vs –vs with American/EU corporate economic war with China Transportation, logistical and commercial disruptions between African markets/resources with the Global markets in China, Europe and America’s. The Reality, however, is generally more disruptive, as national governments and supranational agencies balance health security, economic and social imperatives on the back of imperfect and evolving intelligence. It’s a governance challenge that may result in long-term consequences for communities and businesses. On top of this, they also need to accommodate human behaviour. Management dilemmas and falling trust The coronavirus disease 2019 (COVID-19) is no exception. The disease – an epidemic that could become a global pandemic – emerged in a densely populated manufacturing and transport hub in central China and has since spread to 29 other countries and regions (as of 20 February 2020), carried along by Chinese New Year and international travel. In contrast to the Western Africa Ebola emergency of 2013-2016 – more deadly but less contagious, arguably more isolated, and eventually contained in part by richer countries putting money into Africa – COVID-19 presents larger, more interdependent economies with management dilemmas. It has also surfaced at a time of eroding trust within and between countries – with national leadership under pressure from growing societal unrest and economic confrontations between major powers. Effective governance of cross-border crises such as pandemics involves preparedness, response and recovery at local, national and international levels. Epidemic preparedness assessments show many countries, especially in regions where new pathogens might emerge, are not well equipped to detect, report and respond to outbreaks. 5) Response strategies vary, for example: playing up or playing down crises and staying open for business as long as possible versus seeking to reopen quickly. COVID-19 has highlighted tendencies in many countries to deny or cover up red flags in order to avoid economic or political penalties, but this approach can misfire. COVID-19 has also shown how governance failures may involve inaction or over-zealous action by ill-prepared authorities scrambling to maintain or regain stability. Both ends of the spectrum undermine trust and cooperation among citizens and countries. Centralized control measures may seem necessary to stop or delay the spread of the virus, and compensate for weak individual and community resilience, but may also cause harm. Mass quarantines in cities or cruise ships stigmatize those under lockdown and increase mental health risks as people experience stress, anxiety and a sense of isolation and loss of control over their lives. Travel bans result in social, economic and political penalties, which can discourage individuals and government bodies from sharing information and disclosing future outbreaks. Weak or overwhelmed health systems struggle to limit the spread of infection or cope with surging care needs, further reducing confidence in the competence and character of the institutions and individuals in charge. Panic spreads faster than pandemics Social media poses a further challenge to trust: panic spreads faster than pandemics, as global platforms amplify uncertainties and misinformation. Emotionally visceral content from anyone—such as data, anecdotes or speculation that spark fear can go viral and reach far more people than measured, reassuring advice from experts. Even in the absence of human or automated trolls seeking attention or disruption, well-meaning individuals can spread panic worldwide by escalating or misinterpreting early, provisional, or context-free information. Such fear will fray citizens’ trust in governments’ ability to protect them from risk, and increase the likelihood of psychologically defensive and societally damaging measures such as panic-buying and prejudice. What’s the impact on business? Where a stringent policy response is deemed necessary, business will inevitably be impacted, with both near-term effects and less-expected longer-run consequences. Travel restrictions and quarantines affecting hundreds of millions of people have left Chinese factories short of labour and parts, disrupting just-in-time supply chains and triggering sales warnings across technology, automotive, consumer goods, pharmaceutical and other industries. Commodity prices have declined in response to a fall in China’s consumption of raw materials, and producers are considering cutting output.The mobility and work disruptions have led to marked declines in Chinese consumption, squeezing multinational companies in several sectors including aviation, education abroad, infrastructure, tourism, entertainment, hospitality, electronics, consumer and luxury goods. This will ripple through developed and emerging markets with high dependencies on China – be that in the form of trade, tourism or investment. Some of these countries exhibit pre-existing economic fragilities, others (acknowledging an overlap) have weak health systems and thus lower resilience to pandemics. Many Asian and African countries lack surveillance, diagnostic, and hospital capacities to identify, isolate, and treat patients during an outbreak. Weak systems anywhere are a risk to health security everywhere, increasing the possibility of contagion and the resulting social and economic consequences.6) Take every precaution. That was the message from a World Health Organization (WHO) briefing Wednesday, one that stressed the need for a comprehensive approach against the COVID-19 coronavirus, even for countries with just a few cases. “According to officials, more countries need to isolate, test and trace new cases to effectively suppress and control the virus’ spread. This must be the “backbone of the response in every country”, said the Director-General. Countries that have used the “full package” of measures have been able to turn the tide, such as the Republic of Korea, said Director-General Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus. The country educated, empowered and engaged communities, he said. It also expanded lab capacity and exhaustively performed contact tracing. Where there had once been 800 cases, he said, there are now just 90. “It didn’t surrender,” said the Director-General.”7 Some countries that currently have only sporadic cases have not yet taken steps to cancel mass gatherings or enact social distancing. Those countries should not assume that community transmission will not come to their countries. “Don’t assume you won’t have transmission.” As the Director-General explained, the virus can accelerate after a tipping point. If you have no cases, he said, it is better to “cut it from the bud”. Suppression can buy time for additional measures to be developed to treat the infected. The first vaccine trial is under way, explained the officials. Additionally, many countries from Canada to Norway to Argentina have joined a new international Solidarity Trial to study how untested treatments compare. Suppression can also buy time to ensure that additional tests and the equipment to run them can be manufactured for those who need them. It can also help ensure that the current shortage of face masks, gloves and other pieces of personal protection equipment can be addressed. That suppression, however, will take extensive collaboration and coordination. “This virus is presenting as an unprecedented threat,” explained the Director-General. “We can come together against a common enemy, an enemy against humanity.”“The World Health Organization (WHO) is scaling up preparedness efforts for the coronavirus disease, now known as COVID-19, in the African region and supporting countries there to implement the recommendations of the International Health Regulations Emergency Committee, which met in Geneva, Switzerland on 30 January. On the advice of the Emergency Committee, the WHO Director-General, declared the COVID-19 outbreak a public health emergency of international concern (PHEIC). More recently, the WHO Regional Office for Africa was represented at an emergency meeting of the Minsters of Health in the Economic Community of West African States (ECOWAS) on 14 February. Ministers resolved to strengthen coordination and cooperation among Member States, enhance surveillance measures at points of entry, increase public awareness efforts, and to develop a regional preparedness plan. The WHO Regional Office for Africa is supporting Member States prepare for a potential case of COVID-19 in a number of ways. WHO has dispatched experts to countries believed to be at higher risk of an outbreak of coronavirus to assist in areas including case management, surveillance and early detections. Across the continent, WHO is working to increase the capacity of national laboratories to detect COVID-19 by supplying reagents, testing equipment and training for staff & Essential personal protective equipment has also been dispatched by WHO to some countries in Africa.”7 Conculusion: The coronavirus-19 is being reported 24/7 throughout the mainstream media as originating from the wuhan city, in eastern china. And that it originated from humans eating animals such as Bats in a wet and open- market in natural borne microorganism; thus, making china as the Epicenter of Covid-19. “There is, of course and invitably, another theory. There has been some speculation that as the Trump Administration has constantly raising the isseue of growing Chinese global competitiveness as a direct threat to American national security and econominic dominance, it must might be possible that Washington has created and unleashed the virus in a bid to bring Beijing’s growing economy and military might down a ffew notches.It is, to be sure, hard to belive that even the Trump White House would do something so reckless, but there are precedents for that type of behavior. In 2005-9 the American and Isreali governments secretly developed a computer virus called Stuxnet, which was intended to damage the control and operating systems of Iranian computers being used in that countery’s nuclear research program. Admittedly Stuxnet was intended to damage computers, not tro infect or kill human beings, but concerns that it woulf propaghate and move to infect computers outside Iran proveds to be accurate as it spread to thousands of PCs outside Iran, in countries as far as China, Indonessia, Germany, and Kazakhistan.”8 Foot Notes: https://www.who.int/healthtopics/coronavirus#tab=tab_1(accessed march22,2020) Ibid Ibid https://www.bbc.com/news/world-africa-51873514(accessedon march15,2020) https://www.cdc.gov/publichealthgateway/healthdirectories/index.html(accessed march26,2020) https://www.afro.who.int/health-topics/coronavirus-covid-19(accessed march26, 2020) https://www.weforum.org/agenda/2020/02/why-is-coronavirus-a-global-business-risk/(accessed march 27, 2020) https://ahtribune.com/world/3940-coronavirus-us-israel-china.html(accessed on march 05,2020)
  4. Adil El Tayar, 63, had spent his final days volunteering in an A&E department Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-_____-Qumanha-Wararka-28032020-sax.mp3 View the full article
  6. Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Nin ragga ku dhow-dhow Madax-weyne Farmaajo ka mid ah baa waxaa layga sheegay inuu yiri; lacagtii Qadar wa shaqaysay haddiiba [...] Source
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xiisad ayaa caawa ka taagan magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ehellada wiil galabta lagu dilay ay diideen in la aaso meydkiisa. Wiilka la dilay ayaa caan ka ahaa magaalada waxaana lagu magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye, waxaana dilay askari ka tirsan ilaalada Senator Yuusuf Geelle Dhagey oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Wiilka la dilay ee Shaafici oo watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, ayuu askarigan ka tirsanaa ilaalada Senatorka rasaas ku furay, waxuuna ku geeriyooday isla goobta. Senator Yuusuf Geelle Dhagey oo ka hadlay dilka wiilkaas uu u geystay askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa u tacsi u diray qoyska iyo ehellada marxuumka , isagoo sheegay in hey’adaha ammaanka uu ku wareejiyey ruuxii ka dambeeyey dilkaas, isla markaana cadaaladda la mari doono. “Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed,Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senator Dhagey. Allaha u naxariistee Shaafici Xaaji Diiriye ayaa ka tirsanaa jiray ciidankii Ahlu-Sunna Walajamaaca ee gobollada dhexe kula dagaalay Al-Shabaab, haatana waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21aad ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb. Dhuusamareeb tan iyo markii ay ammaankeeda la wareegeen ciidamada dowladda federaalka waxaa ku batay jidadka u xiran mas’uuliyiinta oo aan horay looga aqoon magaalada, sidoo kale waxaa jiray dilal dowr ah oo ay ciidamada dowladdu ka geysteen, wixii ka dambeeyey markii amniga magaalada laga wareejiyey ururkii Ahlu-Sunna Waljamaaca ee la midoobey Galmudug oo maamulayey in ka badan 10 sano.
  8. Ever since Somalia debt relief process surfaced there were common questions asked by many members of the public. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kooban uga hadashay cudurka Coronavirus ee kusii faafaya dunida, islamarkaana kiisas dhowr ah oo la xiriira laga xaqiijiyey gudaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay shir ay yeesheen hoggaanka Al-Shabaab, culimada taageertay kooxdaas iyo odayaasha deegaanada ay maamulaan ayaa bulshada loogu baaqay inay ka fogaadaan cudurka Coronavirus iyo kan HIV. Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada shisheeyaha ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera “inay kaalin ka qaadanayaan” faafitaanka cudurkan, sida lagu yiri war-saxaafadeedka. “Waxaa bulshada Muslimka ah loogu baaqayaa inay ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Coronavirus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaadleh ka qaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in qofkii saddexaad oo Muqdisho ku sugan laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo ah qof ajnabi ah oo la shaqeeyaa xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM. Dhinaca kale, wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in beri wixii ka dambeeya dhammaan la joojiyey duulimaadyada gudaha ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo goboladda kale ee dalka, si loo xakameeyo faafitaanka Coronavirus.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta si wada-jir ah uga horyimid deyn-cafinta Soomaaliya. Biixi, Ciro iyo Faysal ayaa sharraxaad ka bixiyey Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya oo sida ay sheegeen aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo oo u muuqata mid la duudsiyey. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu horeyntii sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, Wuxuuna yiri: “Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno”. “Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale”. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay”. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna carabka ku adkeeyay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo iyaduna Somaliland xaq u leedahay, Wuxuuna yiri: “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabad-gelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday”. “Markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd”. Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa isaguna dhiniciisa sheegay in Baanka aduunku uu ka leexday wadadii saxda aheyd ee dunidu ay kula macaamisho Somaliland, maadama ay tahay dal u madax banaan qaraaradiisa masiiriga. “Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Ciro. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin”. Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Mucaaridka Somaliland waxa kale oo ay sheegen inay ka xun yihiin go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland uu maanta ku diiday inuu Kalsooni buuxda siiyo Xubnihii mucaaridka ee Komishanka. Ugu dambeyntiina waxay si wada-jir ah Farriin ugu direen Shacabka Somaliland, midaasi oo ku aadaneyd ka hortaga caabuqa faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus, iyagoona ku booriyey inay raacaan tilmaamaha caafimaad.
  11. Infighting among the top leadership of Somali-based militia Al-Shabaab over finances is threatening to split the group, an intelligence report seen by the Nation shows. Late last month, the group’s leader Ahmed Diriye, aka Abu Ubeyda, attempted to expel head of finance and intelligence operations Mahad Karate and head of external operations Bashir Qorgab as the three fight over control of resources. Intelligence reports show that Karate’s and Qorgab’s clans resisted the expulsion. Two weeks later, Qorgab, who the United States said was the mastermind of the Manda Bay base attack, was killed in a US drone attack alongside his wife. After his death, Gen Stephen Townsend, the head of Africom, in a statement, confirmed that the two were killed in Saakow, about 150 kilometres north of Jilib, the headquarters of the militant group. “Since January 5, the US Africa Command and our partners have pursued those responsible for the attack on US and Kenyan forces at Manda Bay,” Gen Townsend said. Now, the intelligence report seen by the Nation shows that Qorgab’s death has exacerbated wrangles and suspicions within Shabaab ranks. CREDIBILITY LOST In early March, the intelligence report said Diriye ordered the assassination of another key Karate crony, Muse Maalim Muawiye, the head of intelligence in Banadir, who was lured to Buale and executed in early March. “Ubeyda is accusing Karate of hoarding all the money collected from forced taxation on farmers, herders and businessmen in Mogadishu and other Shabaab-controlled areas. On the other hand, Karate argues that his clan, the Mogadishu Clan, are the majority in Somalia and the ones who contribute much to the coffers and, therefore, the money belongs first to the Mogadishu Clan and then to other clans,” the report reads. Sources say that Karate has also been citing an incident in October 2017 when Al-Shabaab detonated a bomb and killed over 1,000 civilians at KM4 junction in Mogadishu. Most of the dead were members of Karate’s clan, the report said. Diriye, it is understood, has been trying to wrestle control from Karate, something he finds hard due to deeply embedded clan allegiances within the group. TRADERS LOSE He is reaching out to smaller clans hoping to form a conglomeration of clans against the Hawiyes. “The situation has been aggravated by the constant precise drone strikes which are taking out key leaders, thus causing allegations and counter-allegations of espionage,” the report said, adding that this, coupled with Amisom’s plan to flush Al-Shabaab out of its strongholds of Buale and Jilib, has put the group on the edge. To deflect attention, Al-Shabaab has deployed fighters along the Kenyan border, albeit without food, due to the financial wrangles. As a result, militants deployed along the border have been looting shops. On March 14, on the border of Somalia and Garissa County, Al-Shabaab militants vandalised two shops, stealing food. A fortnight ago security forces intercepted and killed six militants in Korisa, Garissa County, and captured one. Last week soldiers raided an Al-Shabaab hideout in Holawajir, on the border with Lamu County, and shot dead 12 militants, among them a local commander who had been providing intelligence and logistical support to terrorists hiding in the forest. Source: Daily Nation
  12. Muqdisho (SMN) – Milatariga Soomaaliya ayaa lagu waramay in degaano iyo degmooyin dhaca gobolka Shabeellaha Hoose ay ka wadaan howlgalo. Dhaqdhaqaaqyadda ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga socdaan nawaaxiga Qoryooley, Janaale iyo Afgooye ee gobolkaas. Mustaf Maxamed, oo ka tirsan ciidamada, ayaa shaaca ka qaadey in ay dhaqdhaqaaqyaddaas ay ku beegsanayaan Al-Shabaab. Wareysi gaar ah oo uu siiyey Shabelle ayuu ugu baaqay dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay dardargeliyaan howlgaladda badan ee socda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shabeelle.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-280320.mp3 View the full article
  14. Xanuunka Coronavirus walaaciisa ayaa dalka gudihiisa ah mid sii kordhayo iyadoo maanta dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday hakinta duulimaadyada gudaha dalka, waxaana horay loo xiray maalmo goobaha waxbarashada ka dib markii labo kiisas laga diiwaan geliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ee Somaliland. Madaxda dowlad gobaleedyada qaarkood ayaa maanta bulshada deegaanadooda u diray fariin ku aadan xanuunka Coronavirus, iyaga oo ugu baaqay in bulshadu raacaan dardaaran caafimaadka ay bixinayaan hey’adaha ku howlan caafimaadka kana shaqeeyo. Madaxweynaha dowlad gobaleeda Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta qoraa uu soo dhigay bartiisa Facebooke ayuu ku sheegay in xanuunka Coronavirus uu khatar badan uu ku haayo dunida dhan isaga oo bulshada ugu baaqay in ay taacaan talooyinka caafimaadka , isaga oo intaas ku daray dulqaad waa inla muujiyo waxaana uu yiri madaxeyne Deni. “Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo, dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah, waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.” Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa sidoo kale maanta baaq u diray bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Koonfur Galbeed isaga oo bulshada augu baaqay in ay dadaal muujiyaan iyo ka hortag, isaga oo bulshada u jeediyey ammro loona baahan yahay in laraaco . “Waxaan codsanaynaa ka Mas’uuliyiinta iyo Bulshada kale in ay yeelaan talada dhaqaatiirta ay bixinayaan, Dhaqaatiirta waxaa ay bixinaayaan talooyin badan oo ka hortag ah waxa haddii uu yimaado haddii aan daawo loo haynin inta uusan imaan in laga hortago oo la is ilaaliyo, waxaan codsanaynaa marka ugu horeyso dadku in nadaafada ay ilaaliyaan nadaafada guryaha iyo qof Banii’adamka korkiisa, salaanta gacanta la is galinaayo ama kulamada bulshada ee maqaayadaha iyo fadhi ku diriryada waa in la joojiyaa waa in la taxadaraa oo bulshada loo turaa adinkana aad isku turtaan” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey madaxweynaha dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Laftagareen. Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi iyo labadiisa dhinac ay taagnaayeen labada hoggaamiye xisbi-mucaarid Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe ayaa si wada jir ah ugu direen farriin bulshada u dhaqan Somaliland oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo. Xaaladahan ayaa ku soo aadayo iyadoo dalka laga helay kiisas ku aadan xanuunka Corova waxaana gabi ahaan dalka laga joojiyey duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalka, waxaana la joojiyey waxbarashada dalka iyo kulamada bulshadu ay isku timaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay ujeedka ay Wasaaradda ula wareegeyso Iskuulka 15 May oo ay maamulayeen Guddiga waxbarashada reer Masar, iyadoo ardayda dhiganeysay Iskuulka ay si lacag la’aan ah wax ku baran jireen. Wasiir Goodax oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa been abuur ku tilmaamay war ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in sababta ay dowladda ula wareegtay iskuulkaas ay tahay amar kasoo baxay Dowladda Itoobiya oo xiriir la leh khilaafka dowladaas kala dhaxeeyo Masar. “Waan arkaayay baraha bulshada iyo baraha internet-ka arrimaha Soomaalida ka hadlo xildhibaanno ka hadlaayo, aniga xildhibaannadaas, xildhibaanno siyaasadda ka dhacay oo dowladnimada iyo wadaniyadooda ay aad u hoosayso ayaan aaminsanahay inay yihiin”. ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre. Isagoo ka hadlayey ujeedka ay Wasaaradda Waxbarashada ka leedahay la wareegitaanka iskuulkaas ayaa sheegay inay ula wareegeen si ay wasaaradda ugu qabsato shaqooyinkeeda. “In go’aan iskuul ku yaal Xamar oo aan dadkeenna ugu danaynayno oo aan howlaheenna ku qabsanayno ay yiraahdaan dowladda amar ayaa meel laga soo siiyay waa u wadaninimo xumo waana u dadnimo xumo. Waxay rabaan oo kale ha sameeyaan laakiin inay tacliinta siyaasadeeyaan waa u dadnimo xumo.”ayuu yiri Wasiir Goodax. Qoraal ay qortay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020. Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka. Dugsiga 15 May ayaa tan iyo sanadkii 2015 waxaa gacanta ku hayay Guddiga Waxbarashada reer Masar, iyadoo Iskuulkan manhajka laga dhigayay uu ahaa manhajka waxbarashada dalka Masar oo ah waxbasradaha Hoose iyo dhexe. Ma cadda sababta go’aanka loo qaatay iyo haddii arrintan ay ku ku lug leedahay xiriirka labada dal oo toddobaadyadii dhowaa u muquday mid aan wanaagsaneyn. Soomaaliya ayaa dhowaan ka laabatay qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray qadiyadda Masar ee muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.
  16. Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ayaa si wada-jir ah u uga hadlay aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Baanka adduunka u diray farriin uu ku sheegayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland. “Baanka Adduunka waxaan leenahay Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa aad u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagay nalagala xaajoonayaan oo naloo soo marin maayo cid kale” ayuu yiri Muuse Biixi. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in lacagta Soomaaliya la siinayo loogu talagalay in ay ku ololeeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay. “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday, markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma ahan” ayuu yir Faysal Cali Waraabe. Guddoomiye xisbigaWaddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu Baanka Adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland. “Inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay noola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Aduunkuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayana toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.” ayuu yiri Cbadiraxmaan Cirro. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay deyn cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Ciidamada Dowlada Federaalka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa toogasho ku dilay Nin rayid ah oo lagumagacaabi jiray Shaafici. Lama oga sababta Loo dilay ninkaan inkastoo [...] Source
  18. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada Wadani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa maanta si wada-jir ah u sharraxay Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku Deynta kaga cafiyey Soomaaliya oo aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo oo u muuqata mid la duudsiiyey. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bulshada dhuqan deegaannada Somaliland u diray farriin ay kaga digayaan xanuunka safmareenka ah ee Covid-19, islamarkaana ka dareen celiyey tallaabadii ay golaha wakiilladu maanta ku diideen labadii xubnood ee axsaabta mucaaradku u magacaabeen Komishanka doorashooyinka qaranka. Ugu horrayn Madaxweye Biixi iyo labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaridka ah oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu Baanka adduunku ku duudsiyey kaalintii iyo taladii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas, waxana ay caddeeyeen inay Somaliland tahay qaran madax bannaan oo xaq u leh in gaarkiisa loola macaamilo. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.” Sidoo ka le guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa Villa Soomaaliya qabsaday. markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd.” Dhanka guddoomiye xisbiga Waddani , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah, waxana uu yidhi, “Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.” Ugu dambayn madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi-mucaarid waxa ay bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu direen farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Qaybtii 2aad : Bishii October 10, 2019, Dawlada Norway ayaa shaacisay inay Soomaaliya siinayso dayn ah NOK 3.135 Billion una dhiganta $330 Million oo lacagta [...] Source