Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran ayaa waxa uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid guddoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi oo xalay u geeriyooday qarax gaarigiisa lagula beegsaday oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Allah h u naxariistee Guddoomiyahii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir oo u geeriyooday qarax uu fuliyay qof naftii hallige ahaa. Eheladda iyo qaraabada marxuumka waxaan leenahay samir Allah ha idinka siiyo isagana jannadiisa ha geeyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya xisbiga Himilo Qaran. Sidoo kale xisbiga ayaa cambaareeyay falalka qaraxyada ah ee lagu beegsado ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan isago oo shacaba ku booriyay in ay muujiyaan feejignaan islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amaanka ee deegaanadooda. “Xisbiga Himilo Qaran Wuxuu cambaareynaynaa aadna uga soo horjeedaa ficillada argagaxisada ee lagu bartilmaameedsanayo Umadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaanna ku boorrinaynaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Puntland inay feejignaadaan ilaashadaanna amnigooda lana shaqeeyaan Hay’adaha qaabilsan nabadgelyada” ayaa lagu soo koobay qoraalka ka soo baxaya xisbiga madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Xalay ayaa magaalada Garowe waxaa ka dhacay qarax uu ku geeriyooday guddoomiyihii gobalka Nuugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi, waxaana masuuliyadda qaraxaasi sheegtay dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. DJIBOUTI (HOL) - Four people who violated flights ban restrictions into Djibouti and instead sneaked in by road through Somaliland have tested positive for COVID-19 adding to 18 the number of identified cases in the country. Source: Hiiraan Online
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey qarixii is-miidaamiinta ee ay xalay Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xog ku aadan weerarkaasi. Deni ayaa marka hore tacsi u diray ehellada maruuxm Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo ahaan guddoomiyihii gobolka Nugaal oo ku geeriyoodey qaraxaasi. Sidoo kale wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in Puntland ay ka war heysay xogta qarxaasi, balse uu dhacay, xilli ay ku raad-joogeen laamaha amniga ee maamulkaasi. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay ka maamul ahaan ka go’an tahay ciribtirka nooc-kasta oo ah waxa loogu yeero argagixisada. Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, kuwaas oo weeraro ka fuliya deegaana kale ee maamulkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Codka-Madaxweynaha-Puntland.mp3
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa si adag loogaha hadlay weerarkii is-qarxinta ee xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa ugu horreyn lagu cambaareeyey weerarkaasi oo ay masuuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Jubbaland ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid, gudoomiyihii Gobolka Nugaal marxuum Cabdisalaam Xasan Hirsi oo ku dhintay qarxaasi. Sidoo kale Jubbaland ayaa warkeeda ku sheegtay inay cafimaad deg-deg ah u rajeyneyso dadka kale ee ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi. Ugu dambeyn waxay ku baaqday in meel looga soo wada-jeesto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga adkaado.
  5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ammar ku bixiyay in la xiro dhammaan Hoteellada iyo Maqaayadaha ka furan Xeebta Liido, ka dib shir Todobaadle ah oo Xalay lagu qabtay xarunta Degmada Shangaanni. Mudane. Cumar Filish ayaa tallaabadan ku macneeyay mid qayb ka ah dedaallada ay ugu jiraan ka hortagga faafidda Cudurka Corona Virus, isaga oo Bulshada faray in ay u hoggaansamaan farriimaha wacyi-gelinta ah ee kaga imaanaya Wasaaradda caafimaadka iyo Dowladda hoose ee Xamar. Kulankan oo uu Ajandahiisu ahaa ka hortagga Cudurka Covid-19, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee abaabulka iyo wacyigelinta, iyadoo halkaasi lagu gorfeeyay in si wada jir ah looga gaashaamanto faafidda Cudurka Corona Virus. View the full article
  6. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhambaal tacsi ah wuxuu u diray Shacabka Puntland, isagoo khadka teleefoonka uu saaka kula hadlay Madaxweyne Deni. Labada Madaxweyne ayaa [...] Source
  7. MOGADISHU (HOL) - The African Union Mission in Somalia has announced a 30 days lockdown of its base camp in Mogadishu and suspended all construction works within the facility in response to the fight against the COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaaan iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo rag hubeysan, kaas oo saaka ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo Boolis ah iyo raggaasi oo la sheegay inay ahaayeen burcad dhac ka geysaneysay gudaha suuqa, gaar ahaan, halka loo yaqaano Khaliifa, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wararka ayaa sheegaya in is-rasaaseynta kadib toogasho lagu dilay labo ka mid ah ragga burcadda ahaa, kuwaas oo meydadkooda ay horay u qaateen ciidanka amniga. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadka uu ku dhintay qof shacab ahaa, sidoo kalena uu kuu dhaawacmay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa hadda caadi ku soo noqotay, kadib hakad yar oo ku yimid dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee suuqa Khaliifa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammanka dowladda oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa toogasho u geysta ragg burcad ah oo xilliyada qaar dhac baahsan ka geystay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
  9. Shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad gobaleedka Puntland oo ka dhacay magaalada Garowe uu goobjoog ahaa madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaasha, ayaa looga hadlay arrimo ku aaddan amniga Puntland iyo xanuunka Coronavirus. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ku aaddan wixii kulanka looga hadlay, iyadoo lagu amaray ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ee loo yaqaanno PMPF in ay ka howlgalaan in xeebaha ku teedsan Puntland aysan soo gelin doomaha kaluumeysiga sharci darrada ah si looga hortago caabuqa COVID-19. Sidoo kale waxaa la mamnuucay isku imaatinka bulshada goobaha xafladaha, maqaaxiyaha laga cunteeyo, kuwa Shaaxa laga cabo kuwaas inta badan bulshadu aad u fariistaan iyo goobaha dhalintu ku ciyaaraan kubadda cagta, iyada oo bandow lagu soo rogay deegaanada Puntland laga bilaabo 1-da April.. Dhinaca kale waxaa laamaha amniga la faray in ay si adag uga shaqeeyaan guud ahaan amaanka deegaanada puntland. Ugu dambeyn kulanka ayaa bulshada loogu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta madaxda soo rogeen sidoo kalena ay qaataan talooyinka caafimaad ee ku aaddan ka hortagga xanuunka Coronavirus kaas oo dunida si ba,an ugu faafay dunidana kala xiray. Awaamiirtaan ayaa timid ka dib markii dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda dhexe si wada jir ah u joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah ee dalka imanayo iyo kuwa ka baxayo cabsida laga muujinaayo COVID-19.. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa guddooomiyey shirka todobaadlaha ah ee maamullada degmooyinka, kaas oo diirada lagu saaray ka hortagga iyo xakameynta cudura sida fudud ku faafa ee loo yaqaano Coronavirus. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka soo baxay go’aano laguLa dagaalamayo fidista cudurkaasi oo fara ba’an ku haya caalamka oo AY Soomaaliya qeyb ka tahay. Gudoomiye Cumar Filish ayaa ku amray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha amniga in la joojiyo dhammaan isu-imaatinada dadweynaha, gaar ahaan hoteellada iyo maqaayadaha lagu kulmo ee ku yaalla xeebta liido. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah, si looga fogaado faafitaanka cudurka Coronavirus. Caabuqa Corona oo markii hore ka soo bilowday Shiinaha ayaa ku fiday caalamka, waxaana dowladda federaaka ay xaqiijiyeen illaa saddex kiis oo la xariira cudurkaasi. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo kaashanayesa hay’adaha kale ee dowladda ayaa haatan wada qorshayaal guud oo looga hotago faafista cudurkaasi dilaaga ah.
  11. Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan ayaa la kulmay xubno sar sare oo qeyb ka ah guddiga diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaran ee dalka iyo Sanataro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Danjire James Swan ayaa kulan gaar ah la qaatay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga labada aqal ee diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaran ee dalka iyo Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo ka mid ah guddigaaasi. Labada dhinac ayaa waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha doorashooyinka , iyaga oo si qota dheer uga hadlay diyaar garowga dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla falan-qeeyay fursadaha u banaan iyo caqabadaha ku hor gudban guddiga diyaarinta xeerarka doorashooyinka iyo doorka ay ka qaadan karaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca gudaha dalka. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan saxiixay sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka oo horay ay u soo meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. View the full article
  12. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta uu ka dhacay duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannado ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano dhaca agagaarka webiga Shabelle. Ilo deegaanka ah ayaa Radio Shabelle u sheegay inay arkayeen dhaawaca askari ka tirsan ciidanka AMISOM, walow aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha kale ee jira. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan halkaaasi. Janaale ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee dhowaan lagala wareegay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo muddo ka talinayey deegaankaasi. View the full article
  13. Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay afar kiis oo la xariira cudurka Coronavirus, waxaana afartaasi qof la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca xadka Jabuuti iyo Somaliland. Wasaaradda caafimaadka jamhuurityadda Jabuuti ayaa xaqiijisay in afarta ruux oo ka yimid magaalada Hargeysa ee Somaliland, islamarkaana ka soo gudbay xuduudka deegaanka Lawycado laga helay cudurka dilaaga ah ee COVID-19 oo halis ku haya caalamka. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in afartaasi ruux ay horay isugu dayeen in safar hawada ku yimaadaan magaalada Jabuuti,balse aysan u suura-gelin, sababo la xiriira hakadka dowladda ay gelisay duulimaayadi caalamiga ah ee imaan jiray dalkaasi. Si kastaba ha’ahaatee warbaahinta ku hadasha afka dowladda Jabuuti ayaa laga soo xiganayaa in afartaasi ruux ee ka yimid dhinaca maamulka Somaliland, islamarkaana laga helay caabuqa Corona loo qaaday dhanka magaalada Carte, si halkaasi loogu dabiibo. View the full article
  14. (SLT-Jabuuti)-Dawladda Jabbuuti ayaa sheegtay in coronavirus laga helay afar qof oo kaga soo gudbay dhinaca marin xuduudeedka Lawyacaddo ee ay Somaliland Dawladda Jabbuuti ayaa sheegtay in coronavirus laga helay afar qof oo kaga soo gudbay dhinaca marin xuduudeedka Lawyacaddo ee ay Somaliland la wadaagtay. Talefishanka ku hadla afka dawladda Jabbuuti laantiisa Af-carabiga ayaa sheegtay in masuuliyiinta caafimaadku ay xaqiijiyeen in dadkaas oo Hargeysa ka yimi laga helay xanuunka COVID-19. Warku ma uu sheegin in dadkaasi ay Hargeysa ku noolaayeen iyo in ay Somaliland dibadda kaga yimaaddeen. Waxa se uu intaas ku daray in xaaladda dadkaasi aanay cuslayn Source
  15. (SLT-Paris)-Faransiiska ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku bah-dilay qasri uu ku iibsaday boqolaal milyan oo dollar oo ku yaalla magaalada Paris. Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa diiday codsi uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayey inuu ku booqdo qasriga Louis XIV Palace oo uu ku iibsaday ku dhawaad $350 milyan dollar dhowr sanno ka hor. Sida laga soo xigtay illo wareedyo sare oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dowladda France, Bin Salmaan wuxuu doonayey inuu wakhti ku qaato qasriga Louis XIV oo ku yaalla duleedka Paris. Hase yeeshee, Faransiiska ayaa taas ku gacan saydhay, iyaga oo booqashada Bin Salmaan u arkay mid ceebeyn doonto Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo ku dhex jira xilli xasaasi ah iyo culeys uu kala kulmayo shacabkiisa sababa la xidhiidha inuu ku fashilmay mashaariicdiisa dib u habeynta. Sidoo kale, sababta Bin Salman loogu diiday booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay inay France ay ka cabsi qabto inay culeys kala kulanto dunida maadaama Bil Salman lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka wariye Jamal Khashoggi. Maxamed Bin Salmaan ayaa qasrigan iibsaday xilli uu isku dayayey inuu yareeyo ku tiirsanaan Sacuudiga ee dhaqaalaha shidaalka. Qasriga Louis XIV Palace ayaa la sheegay inuu yahay kan dunida ugu qaalisan. Maxamed Binu Salmaan ayaa ku caan baxay iibsashadiisa faanka ku dhisan, Sannadii 2016 wuxuu 500 oo milyan oo dollar ku iibsaday doon lagu raaxeysto, halka sannad kadib la shaaciyey inuu ahaa qofka ku guulleystay iibka xaraashka sawir gacmeedka Leonardo Da Vinci ee Salvator Mundi, oo uu ku iibsaday 450 milyan oo dollar. Source
  16. Wasiiradii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi Farax Juxa iyo Cali Xaaji Warsame ayaa Ka Tacsiyeyn Geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Gujir oo Xalay u geeriyooday [...] Source
  17. Waxaa xalay abaaro 7-dii fiidnimo mar qura magaalada Garowe laga maqlay jugta qarax culus kaasi oo lala beegsaday gaari ay la socdeen gudoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska gobaalkaasi Faarax Golangooli. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa waxa uu isku qarxiyay gaariga ay la socdeen masuuliyiintan meel u dhow saldhigga Garowe, waxaana qaraxaasi uu sababay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac. Guddoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi oo markii hore ku dhawaacmay qaraxa ayaa waqti ka dib ku geeriyooday gudaha cisbitaal ku yaalla magaalada Garowe, waxaana dhaawac culus uu sidoo kale qaraxaasi ka soo gaaray Taliyihii hore ee booliska Nugaal Faarax Golangooli. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawac soo gaaray dad shacab ah inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dadka rayidka ah. Taliyaha booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in qofka is qarxiyay ay ku raad joogeen islamarkaana ay haatan wadaan baaritaano kala duwan kuwaasi oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaasi. Baraha lagu taageero Al shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxii xalay ka dhacay magaalada Garowe ay iyagu ka dambeeyeen islamarkaana ay halaaski dileen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. War qoraala oo ka soo kala baxay madaxtooyada Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxaasi waxaana sidoo kale looga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii gobalka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Afhayeenka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa faah faahiyey xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Mudane Cali Muxumad Caraale. Cirro ayaa sheegay in arintaan ay la xariirto isbedallada dhanka maamulka ah ee HirShabelle, si loo sii amba qaado dardar-gelinta howlaha horyaala maamulkaasi. Sidoo kale afhayeenka ayaa guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo loo magacaabay, markii sadexaad, Cali Jeyte Cismaan u rajeeyey inuu u fudueeyey mas’uuliyadda loo igmaday. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Zaki-1-1.mp3 View the full article
  19. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Dowladda dhexe ayaa ka hadashay qarixii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddomiyihii Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xalay u geeriyoday Qarax ka dhacay Magaalada Garowe. Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax xalay ruux nafti hure ahaa uu ka fuliyay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aan marnaba la xannibi doonin adeegyada muhiimka ah ee bulshada, xilli Wasaaradda Gaadiidka hore u shaacisay in la hakiyay duulmadyada gudaha. Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeele ayaa sheegtay in aan weli la soo gaarsiin qalabdka Dwladda Federaalka ay qeybisay ee ka hortagga caabuqa COVID19. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-30-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxtooyada JFS waxa ay ka tacsiyeynaysaa geerida xanuunka leh ee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir) oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismaadaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garoowe. Qoraal uu faafiya Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani uu geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi. View the full article
  21. Wali cidna ma sheegan weerarkii lagu dilay Gudoomihii Gobolka nugaal, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sababta loo dilay Gudoomiyaha. Shacabka Puntland [...] Source
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-300320.mp3 View the full article
  23. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Ka tacsiyeeyey cambaareeyeyna Dilkii Alla ha u naxariistee Cabdisalaan Gujir Gudoomihii Gobolka Nugaal. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayuu Madaxweynuhu ku [...] Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ee xalay fiidkii hore ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kula xariiray, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ah madaxweynaha maamulkaasi, ayaa marka hore uga tacsiyeeyey geerida guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo qaraxaasi lagu dilay. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa cafimaad deg-deg ah u rajeeyey shaqsiyaadka kale ee ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi. Dhankiisa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weerarkaan, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisa ay xanuunka la qeyb-saneyso ehellada ay dadkooda waxyeeladu soo gaartay. Khayre ayaa si gaar ah Puntland uga tacsiiyey geeridii ku timid, marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, isagoo u rajeeyey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Weerarkaan oo uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Garoowe oo saldhig u ah Puntland ayaa waxaa lagu tiriyaan magaalooyinka ugu amniga fiican Soomaaliya, waxaana madaxda maamulkaasi ay wacad ku mareen inay xoojin doonaan amniga, si looga hortago suurta-galnimada weeraro kale oo ka dhaca halkaasi.
  25. Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday, in gebi ahaanba bandow lagu soo rogay isu-socodka dadka iyo gaadiidka dhammaan magaalooyinka Puntland, laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa iyo shanta subaxnimo ee wakhtiga Salaadda Subax, si looga hortago cudurka Coronavirus. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo xalay kulan la qaatay guddiga Amniga iyo guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus, ayaa go’aamiyay in dhammaan magaalooyinka Puntland lagu soo rogo bandow, si looga fogaado faafidda cudurkaas. Qoraal ka soo baxay shirkaas, ayaa sidoo kale lagu amray ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF, in ay ka hawlgalaan in aysan magaalooyinka ku teedsan xeebaha ee Puntland soo gelin doonyaha kalluumaysiga shisheeye, si looga digtoonaado xanuunka COVID-19. Sidoo kale, waxaa la xaddiday dhammaan goobaha dadweynuhu isu’gu yimaadaan sida goobaha ciyaaraha, maqaaxiyaha laga shaaheeyo iyo goobaha cibaadada, maadaama goobahaas oo kale cudurku si dhakhso ah ugu faafo. Dadweynaha ayaa dhankooda loogu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda iyo talooyinka caafimaad ee ay bixinayaan hay’adaha qaabilsan caafimaadka, islamarkaana guryahooda ku sugnaadaan mudada bandowgaas la soo rogay. Hoos ka akhriso awaamiirta PUNTLAND POST The post Degaannada Puntland oo bandow lagu soo rogay si looga hortago Coronavirus appeared first on Puntland Post.