-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa hadda si rasmiya u xaqiijisay in gudaha deegaanadeeda laga helay Kiisas la xiriira cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus. Somaliland ayaa laga helay Labo qof oo qaba cudurka Coronavirus, sida uu hadda shaaciyey Wasiirka caafimaadka Somaliland oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta. Wasiirka ayaa sheegay in Kiisaskan la xaqiijiyey kadib markii dheecaankooda loo diray dalka dibada, isla markaana ay cadaatay inay qabaan cudurkaasi. Labadan qof ee laga helay ayaa midkood waxa uu ka yimid dalka Shiinaha, halka qofka kalena uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah. Kiisaskan la xiriira xanuunka Coronavirus ayaa laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, sida uu sheegay Wasiirka caafimaadka Somaliland. Somaliland ayaa hore diyaar garow xoogan ugu jirtay ka hortaga Coronavirus, inkasta oo la aaminsan-yahay in sidii loogu baahna aysan uga gaashaaman cudurkan, maadama ay madaarka Hargeysa ka soo dagayeen dad ay siday diyaarada Ethiopian Airlines. Waxaana sii labo jibaarmatay cabsidii ay bulshada reer Somaliland ka qabeen cudurkan, maadama ay xukuumadu goordhoweyd xaqiijisay Labadaasi kiis ee la xiriira Coronavirus.
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka. Kulan oo ahaa mid wadatshi iyo is xogwareysi ah ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystiraya sharciga doorashooyinka mudane Ibraahim Isaaq Yarow waxaana looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horyaalla guddiga. Dhawaan ayey ahayd markii guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ay magacaabeen Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka u ah sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu bishii hore saxiixay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta ufariisatay xukunkii dacwad ciqaabeedka loo heystay eedeysanayaal loo heystay debiyo kala duwan sida falal la xariira argagaxisonimo, dilal loo geystay dad rayid ah iyo lunsasho hub dowladeed. Ugu horeyn waxa maxkamada furey guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan.. Maxkamada waxa soo xaadirey Garsoorayaasha Maxkamada eedeysanayaal ilaa 10 gaaraya iyo boqolaal dadweyne oo dhageysanayey dembiyada lagu soo eedeeyey eedeysanayaasha iyo go’aanka maxkamada ka qaadatay. Xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ayaa edeyn u soo jeediyey 11 ruux oo 2 kamid ah ay dumaryihiin waxana maxkamada goob joog ka ahaa 10 ka mid ah halka 1 qofna uu baxsad yahay oo laamaha amniga ay baadi goobayaan. Waxa mid mid so’aalo maxkamada dhexdeeda loogu weydiyey eedeysanayaasha oo qaarna qirtay qaarna iska fogeeyey dambiga lagu soo eedeeyey. 8 ka mid ah eedeysanayaasha waxa lagu soo eedeeyey in ay lug kulahaayeen qarax miino dhulka lageliyey nooca telefoonada lagahego oo 16 ka bisha maarso 2020 ka dhacay maqaayad ku taalo suuqa xoolaha ee magaalada xuddur waxana ku dhaawacmay 7 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka, labadakale ee eedeysane waxa looheystaa dil 2 qof oo shacab ah loogeystay 20-7-2018 oo ka dhacay deegaanka Hiibow oo hoostaga degmada xuddur. Xeer ilaaliyaha maxkanada Maxamed Maxamuud Iidow ayaa sharaxay dambiyada lagu eedeeyey waxana maxkamada ka codsaday in shareecada islaamka lawaafijiyo xukunkooda. “eedeysanayaasha waxay isugu jiraan kuwo ku eedeysan falala shabaabnimo, kuwo ku eedeysan dil dad shacab ah loogeystey iyo ku ku eedeysan lunsasho hub dowladeed, maxkamada sharafta leh waxan ka codsanayaa in cadaalada lamarsiyo eedeysanayaashaan ayuu yiri” Xeer ilaaliyaha Maxkamada Maxamed Maxamuud Iidow. Abuukaataha Siid Cali Kheyraad Cismaan oo difaacayey dadkaan ku eedeysnaa falalka kaladuwan ayaa maxkamada usoo jeediyey in eedeysanayaasha ay helaan cadaalada iyo xaqa ay leeyihiin. Gabagabadii xukunka maxkamada waxa ku dhawaaqey guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-31032020.mp3 View the full article
-
(SLT-Norway)-Dalka Norway oo kamid ah dalalka uu ku faafay Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa waxaaa Maanta dalkaas ugu geeriyooday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kana kamid ahaa dadka kunool dalkaasi. Allaha u naxariistee Marxuumka Soomaaliga ee Cudurka u dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Faarax Cali, waxaana Maanta Aas loogu sameeyay xabaalo ku yaalla Magaalada Oslo. Salaada Janaasada ayaa waxaa Marxuumka ku tukaday dad ku dhow 50 qof oo hay’addaha dowlada dalkaas ay ogolyihiin inay isugu imaan karaan Janaasada dadka u geeriyooda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka. Dad badan oo Soomaali ah ayaa Cudurka Coronavirus waxaa ay ugu geeriyoodeen dalal ku yaalla Yurub, waxaana kamid ah Ingiriiska iyo dalka Sweden, iyadoona ay xusid mudan tahay in dad Soomaali ah oo kunool Yurub uu soo ritay Cudurkaas. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Kadib markii ay dowladda Jabuuti ku dhawaaqday in cudurka Coronavirus laga helay Afar qof oo ka soo dagay madaarka Hargeysa, isla markaana rabay inay dalkaasi kasoo galaan xuduud dhuleedka uu la wadaago Somaliland, ayaa waxa la isweydiiyey qaabkii ay dadkaasi ku gaareen xuduuda Jabuuti iyo cida u fududeysay maadama ay Jabuuti xiratay xuduudaheeda dhuleed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Afartaasi qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada Ethiopian Airlines ee iyadu ka soo dagta madaarka Hargeysa, ay u soo safreen dhanka magaalada Boorama, kuwaasi oo markii ay soo gaareena uga sii gudbay dhanka Jabuuti, iyagoo raacaya baabuurta u kala gooshta Boorama iyo xadka Jabuuti. Waxaana la soo waraniyaa in intii ay magaalada ku sugnaayen ay wax ka cuneen Huteel ku yaala magaalada Boorama, midaasi oo sare u sii qaadi karta khatarta ay reer Boorama u jiraan cudurkan, maaadama uu si fudud ugu kala gudbayo dadka. Inkasta oo uu xadka Jabuuti xiran yahay, haddana weli ma joogsan isku socodka dadka ee Somaliland iyo Jabuuti, iyada oo laga ambabaxayo magaalada Boorama, isla markaana ay Gawaadhidaasi ku geynayaan oo kaliya xadka Lowya-cado iyagoona halkaasi ka sii gudbi karin, maadama dowladda Jabuuti ay hore u soo rogtay amar xayiraad. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Afartaasi qof oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Jabuuti, ayaa waxa Lowya-cado ku sugayey qof u balan qaaday in uu dhaafin doono Lowga xidhan, isla markaana ay si amaan ah ugu gaari doonaan dadkooda iyo magaaladii ay u dhasheen. Afartaasi qof iyo shaqsiyaad kale oo la socday ayey dowladda Jabuuti gacanta ku dhigtay goor habeenimo ah, iyaga oo isku dayayey inay lug kaga gudbaan xadka, midaasi oo keentay in isla markiiba lagu sameeyo baaritaan la xiriira cudurkan dunida ku soo kordhiyey cabsida weyn. Baaritaan kadibna waxa cadaatay in afartaasi qof ay qabaan cudurkaasi, maadama ay hore u soo mareen wadamo uu ka jiro cudurkaasi oo ay ugu dambeysay dalka Itoobiya, oo isagu la taacalaya fayruska Corona. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu weli iska indho tireysa halista duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines, midaasi oo soo qaada rakaab soo mara wadamo uu cudurkaasi ku haya faro ba’an. Sidoo kale waxay Xukuumadu hore u qaaday talaabo halis badan oo ay damiin ahaan kusii deysay dad la socday diyaaradaasi oo u karantiilna cudurkaasi, xogtaasi oo ay hore u baahisay Caasimada Online.
-
Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta u fariisatay xukunkii dacwad ciqaabeedka loo heystay eedeysanayaal loo heystay dembiyo kala duwan sida falal la xariira argagaxisonimo, dilal loo geystay dad rayid ah iyo lunsasho hub dowladeed. Ugu horeyn waxa maxkamadda furey guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan.. Maxkamada waxa soo xaadirey Garsoorayaasha Maxkamada eedeysanayaal ilaa 10 gaaraya iyo boqolaal dadweyne oo dhageysanayey dembiyada lagu soo eedeeyey eedeysanayaasha iyo go’aanka maxkamada ka qaadatay. Xafiiska Xeer ilaalinta maxkamada ayaa edeyn u soo jeediyey 11 ruux oo 2 kamid ah ay dumaryihiin waxana maxkamada goob joog ka ahaa 10 ka mid ah halka 1 qofna uu baxsad yahay oo laamaha amniga ay baadi goobayaan. Waxa mid mid so’aalo maxkamada dhexdeeda loogu weydiyey eedeysanayaasha oo qaarna qirtay qaarna iska fogeeyey dambiga lagu soo eedeeyey. 8 ka mid ah eedeysanayaasha waxa lagu soo eedeeyey in ay lug kulahaayeen qarax miino dhulka lageliyey nooca telefoonada lagahego oo 16 ka bisha maarso 2020 ka dhacay maqaayad ku taalo suuqa xoolaha ee magaalada xuddur waxana ku dhaawacmay 7 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka, labada kale ee eedeysane waxa looheystaa dil 2 qof oo shacab ah loogeystay 20-7-2018 oo ka dhacay deegaanka Hiibow oo hoostaga degmada xuddur. Xeer ilaaliyaha maxkamadda Maxamed Maxamuud Iidow ayaa sharaxay dambiyada lagu eedeeyey waxana maxkamada ka codsaday in shareecada islaamka lawaafijiyo xukunkooda. “Eedeysanayaasha waxay isugu jiraan kuwo ku eedeysan falala shabaabnimo, kuwo ku eedeysan dil dad shacab ah loogeystey iyo ku ku eedeysan lunsasho hub dowladeed, maxkamada sharafta leh waxan ka codsanayaa in cadaalada lamarsiyo eedeysanayaashaan ayuu yiri” Xeer ilaaliyaha Maxkamada Maxamed Maxamuud Iidow. Abuukaataha Siid Cali Kheyraad Cismaan oo difaacayey dadkaan ku eedeysnaa falalka kaladuwan ayaa maxkamada usoo jeediyey in eedeysanayaasha ay helaan cadaalada iyo xaqa ay leeyihiin. Gabagabadii xukunka maxkamada waxa ku dhawaaqey guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bu’aale (Caasimadda Online) – Fagaare weyn oo ku yaal magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka Jubbada dhexe waxaa ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay illaa 6 qof oo ay Al-Shabaab ku sheegtay inay basaasin u yihiin dowlado shisheeyeye iyo Dowladda Soomaaliya. Lixda qof ee lagu toogtay fagaaharaas ayaa waxaa magacyadooda ka akhriyey garsoori ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo meesha ka sheegay in sababta loo dilayo ay tahay inay galeen dambi basaasnimo ah, sidaasna loogu xukumay dilka toogashada. Qaadiga xukunka riday ayaa sheegay inay lixdaan qof si gaar ah ugu basaasayeen dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in ayaga ay aqirteen dambigooda. Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan. Si kastaba, waxaa dadka kasoo goostay Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawr jeer oo hore toogatay dad u badan dhallinyaro oo ay ku eedeysay inay basaasiin yihiin, mana la xaqiijin karo inay dambiyadaas galeen dadka ay xukumaan.
-
Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dowladda Federaalka iyo Somalilnad ayaa shaaciyey in gudaha Somaliland laga helay labo qof oo qaba cudurka Coronavirus. Wasiirka Caafimaad Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa shaagay in labo bukaan laga helay caabuqa Coronavirus, kuwaas oo midkood yahay Ajnabi u dhashay dalka China, halka kan kale ka yahay muwaadin sita dhalashada wadanka Ingiriiska. Labadan qof ayaa Wasaarad Caafimaadka Somaliland xustay in ay kaaraantiilnaayeel tan iyo markii looga shikiyay xanuunkan oo lagu soo xajiijiyey dibada. Somaliland waxay tilmaantay in qof ka China ah uu ku sugan yahay Berbera, halka kan muwaadinka ahna uu ku sugan yahay Burco. Dhanka kale Wasaarada Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana xaqiijisay in Somaliland gudaheeda laga helay labo qof oo qaba xanuunka Coronavirus. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka ayaa war ay soo saaraty ku xustay in labada qof yihiin dad ka yimid wadanka dibadiisa. Waxay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Soonaaliya in midkood labada qof ee cudurka laga helay uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo wata dhalashada wadanka Ingiriiska, halka qofka kale yahay Ajnabi. Ilaa iyo hadda shan qof ayaa la xaqiijiyey gudaha Soomaaliya in laga helay caabuqa Coronavirus. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan gaariisay Puntland iyo Somaliland qalab caafimaad oo loogu talagay xanuunka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Dad qaba Coronavirus oo laga helay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Halima Ali Mohamud, a widow, depends on a red-stemmed, chewable green shrub to support herself and five children. “Selling khat is the only job I have known since I was young,” the 39-year-old told Al Jazeera. “I have no other profession. It is a profitable business. With khat, I can feed my family and pay my rent as well as school fees.” Also called miraa, khat is a wildly popular herbal stimulant in Somalia that is said to increase energy, deepen focus and suppress appetite. The leaf starts to lose its properties the second it is plucked from the branch, and so must be sold quickly, or else its value dissipates. In Africa, it is grown in central Kenya and in Ethiopia, with both countries exporting the leaves to Somalia. Halima, who plies her trade in the Somali capital, Mogadishu, on the well-trodden Maka al-Mukarama street, used to receive a daily consignment of two bags from Kenya. But things changed some two weeks ago when the Somali government announced a ban on international flights other than humanitarian ones as part of efforts to contain the spread of the new coronavirus. Both the small-scale businesses and the farms that are the backbone of the khat trade have since been severely impacted. Meanwhile, some officials have said that because khat is picked and moved by hand, it could be a vector for coronavirus. “We want to also inform all the authorities at the entry points of the khat in our country and those who export khat that they have to realise that it is not time for khat chewing,” Mohamed Abdullahi Omar, the Somali federal minister of air transport and civil aviation, said at an event on March 24, during which authorities burned 40 kilograms (88 pounds) of khat, even though sales of the plant have not officially been banned. “This is a time we need to be alert against the spread of coronavirus.” But Dr Abdirizak Yusuf Ahmed, spokesman for Somalia’s COVID-19 taskforce, told Al Jazeera there is no scientific evidence that links khat consumption to coronavirus. Amid the conflicting statements, the idea of khat as carrier of the virus gained ground among some in Mogadishu. “I decided to stop chewing khat from the onset of the coronavirus outbreak,” Feysal Mohamud Nur, a 35-year-old father of six, said. “I cannot take risks of catching the virus through khat.” ‘Cancelled all over’ With breathtaking speed, COVID-19, the highly infectious respiratory disease caused by the coronavirus, has upended routines, politics and economies worldwide, while reigniting long-standing debates and highlighting societal inequalities. As of Tuesday, the coronavirus has infected more than 787,000 people and killed almost 38,000, according to data compiled by Johns Hopkins University. In Africa, 5,255 infections and 172 deaths have been confirmed across 47 of the continent’s 54 countries. In a bid to slow the spread of the pathogen, an increasing number of countries have closed their borders and imposed sweeping lockdowns and bans, restricting people’s movement and ordering the closure of shops and businesses. In Kenya, the drastic measures have seen authorities shutting down markets nationwide, impacting the movement of goods, including khat. Complicating things further, some counties such as Mandera in the north have temporarily banned khat sales, with local officials saying it spreads disease. This has sparked protests as traders say their work has been unfairly targeted. “The latest attempts to ban khat as a potential vector for COVID-19 infection neglect the fact that the same problem applies to the issues of handling and hygiene for other fresh produce and food markets,” said Paul Goldsmith, a researcher and anthropologist who has studied khat in Kenya for more than 30 years. In Kenya, the khat heartland is Meru county, a stronghold for the country’s governing party. When the trade slows there, it becomes a thorn in the side of the government, which relies on the locals’ support. But the pain is felt the most by farmers such as Joseph Muturia, an 84-year-old with a 4.5-hectare (11-acre) khat plot in Meru. Muturia said the flight ban and the closure of the markets have impacted him “very badly”, forcing him to let go 30 of his employees. “One-hundred percent of the people here depend on khat, and now khat is not going anywhere because it was cancelled all over,” he told Al Jazeera. While there have been no protests in the area amid the coronavirus containment measures, Muturia said he believed the situation could become tense if the lockdown remained in place for long and people were unable to earn a living to put food on the table. “We have a lot of problems,” he said. Back in Mogadishu, sellers and witnesses at the main khat market, Beerta Khaadka, say Ethiopian khat is still making its way to the south and central parts of Somalia through the east, via Beledweyne, which borders Ethiopia, and from the semi-autonomous regions of Somaliland and Puntland in the north. Some, meanwhile, believe that the shutdown on Kenyan khat is motivated more by politics than public health. “Somalia has realised the power it has over Kenyan khat,” Abdullahi Abdille Shahow, an independent political analyst specialising in the Horn of Africa said. “It is a soft underbelly – they can hit, and Kenya feels.” The neighbouring countries have had a maritime border dispute for several years. More recently, Somalia has accused Kenya of interfering in its internal affairs, a charge denied by the latter. “We have not had any problem related to khat, but it seems our government is playing a political game with Kenya over khat. Why is the government not stopping khat from Ethiopia as well?” Halima Sadia Abdulle, a khat trader in Mogadishu, asked. “The Ethiopian khat came today from Hargeisa, Garowe and Galkayo and the Somali government can not stop that, but it is trying to stop the khat from Kenya only. That is not fair,” added the 37-year-old mother of five. “I have been [in the] khat business for a decade. I earn money for my family from the khat business. I pay my bills, including school fees, with the cash I earn from the khat business.” Meanwhile, khat from Kenya still flows into the black market in Mogadishu, arriving by boat in the coastal town of Kismayu and then transported via skiffs to the capital. Chewers told Al Jazeera that when they are able to find khat, it is 10 times the normal price, from about $9 or $10 a kilogramme to $100. ‘Destroying families, draining economy’ Khat is listed as a Schedule I substance in the United States, meaning it has high potential for abuse and no medicinal properties. In 2014, the plant became a banned Class C drug in the United Kingdom. Abukar “Qaadiid” Awale, a London-based Somali anti-khat campaigner, said khat suppresses productivity and estimated that the Somali economy loses millions per year because of this. Acknowledging that the coronavirus pandemic has led to limited sales, Abuka described the disruption in the market as a silver lining. “Khat should be banned in Somalia in line with the rest of the international community,” he told Al Jazeera. “It’s holding Somalia back. It’s destroying families. It’s draining the economy,” he added. That is a standard anti-khat argument, according to Paul Goldsmith, the researcher, but he suggested that community education would be more effective than a blanket ban, saying: “Social controls are more adaptive than forcing it underground.” The spokesperson for the Ministry of Health in Kenya did not respond to a request for comment. The governor of Mandera, a county that banned khat, also did not respond to requests. In Somalia, emails to the office of the president went unanswered. Amanda Sperber reported from Nairobi and Abdalle Ahmed Munin from Mogadishu SOURCE: AL JAZEERA NEWS
-
Kalkaaliye caafimaad oo Somaliya oo laga helay Xanuunka Coronavirus Cabdi Fataax Maxamed Qaaje waa kalkaaliye caafimaad oo dagan dalka Finland waxaana loo sheegay in uu qabo caabuqa Corona, balse markii dambe haddana laga waayay. Cabdi Fatax oo BBC u waramay ayaa sheegay in uu dareemay calaamado sida hargabka ka dibna uu isbataalka aaday si cudurka looga baaro. “Cudurkan iskuma aanan ogayn oo waxaan u haystay in uu Hargab caadi yahay, waxaana la i mariyay baaritaan caafimaad oo qaatay wax ka yar 24 saacadood, waxay isoo waceen Jimcihii waxayna ii sheegeen inaan cudurka qabo, ayuu yiri”, Cabdi Fatax. Cabdi Fataax Maxamed Qaaje ayaa sheegay in markii loo sheegay in uu qabo caabuqa uu walwal dareemay, “Cabsidaa way iska wada jirtay laakiin waxaan dareemay walwal, ayuu intaa ku daray”. Sidee markii dambe lagu ogaaday inuusan qabin? Cabdi Fataax Maxamed Qaaje waxaa uu sheegay in markii maalmo ay ka soo wareegtay natiijadii hore ee ahayd in cudurka laga helay mar kale ay dhakhaatiirta u yeereen si loo baaro. Waxaa uu intaa ku daray in mar labaad la mariyay baaritaan cudurka Corona ah, balse loo sheegay in uusan qabin. “Sabtidii ayay ii waceen waxayna i dhaheen baaritaan labaad ayaan kaa qaadaynaa taasi oo ah mid degdeg ah, sidaa aawadeed mid labaad ayay iga qaadeen waxayna iigu soo jawaabeen 10 saacadood gudahood waana la iga waayay, “ayuu yiri Cabdi Fataax. Talada uu u soo jeediyay Soomaalida. Cabdi Fataax ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka cudurka qaba in aysan dadka u qarin oo ay u sheegaan. “Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed u sheego, waxa alle keeno way iska qadaran yihiin, fayraskan Corona cabsidiisa way badan tahay waa kawada warqabnaa laakiin waxaa muhim ah inaan isu qarin oo qofka qaba uu u sheego bulshada kale ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdi fatax. Waxaa uu xusay in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo leh calaamadihii cudurka Corona hadana aanan aadayn xarumaha caafimaadka si looga baaro. “Tusaale ahaan maalmihii aniga aan dareemayay calaamadaha hargabkan nafsadeyda waxaan galiyay guriga inaan iska joogo marka dad badan oo Soomaali ah o aan is wacnay oo magaalada wareegayo oo calaamadihii aan lahaa markaas hadda iyagu leh ayaa jira magaalada si caadi ah u shaqaysanaya markii aad la hadashid dhahaya waxaan qabaa hargab, “ayuu intaa ku daray. Laba goor makugu dhici karaa coronavirus? Qaar ka mid ah bukaannada ayaa ka caafimaaday Covid-19, waxaana laga fasaxay cisbitaallada, balse mar labaad ayey xanuunsadeen, markii la baarayna waa laga helay. Fayraska corona, sida hargabka caadiga ah, wuu soo noqon karaa. Hadabba maxay ku kala duwan yihiin? Nin 70 sano jir ah, waa tusaalihii ugu horeeyay ee ah bukaan ka yaabiyay dhaqaatiirta, walwalna geliyay ogaanshaha fayraskan. Waxaa lagu karantiilay cisbitaal ku yaalla Tokyo ka dib markii coronavirus laga helay bishii February. Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Japan ee NHK, ninkaas ayaa xanuunka ka caafimaaday wuxuuna dib u billaabay noloshiisii caadiga ahayd. Balse dhowr maalmood ka dib, dib ayuu u xanuunsaday, wuuna qandhaday. Ninkii ayaa dib loogu celiyay cisbitaalka, dhaqaatiirta iyo isagaba la yaab ayey ku noqotay. Wuxuu ogaaday in mar labaad uu ku dhacay coronavirus. Inkastoo uusan keligii ku ahayn xaaladdan ee dalka Japan, haddaba weerarka rogaal celiska ah ee coronavirus waxaa la kulma dad yar, balse tiro ahaan badan. Maxay tahay sababta? Qaran News
-
Bujumbura (Caasimada Online) – Lix dal oo ka mid ah 54-ka dal ee qaaradda Africa ayaa ku jir liiska dalal yar oo faro ku tiris ah, oo weli aan laga soo werin kiisas la xiriira cudurka coronavirus ee ku faafaya caalamka. Dalalkan ayaa kala ah; South Sudan, Burundi, Sao Tome and Principe, Malawi, Lesotho iyo Comoros. Mas’uuliyiinta dalalkan qaarkood ayaa sheegay in cudurka uu ilaah ka bad-baaday ama ay ugu wacan tahay isu-socodkooda dalalka kale ee caalamka oo aad u yar, hase yeeshee waxaa jirta cabsi laga qabo inay tahay tijaabo la’aan waxa qarinaya saameynta rasmiga ah. SOUTH SUDAN – Dalka South Sudan ayaa kasoo kabanaya lix sano oo dagaal sokeeye ah, iyo heer sare oo ah baahi iyo jirrooyin, oo ay dheer tahay kaabayaashii oo maqan, waxaana khubarada caafimaadka ay ka cabsi qabaan in fayruska uu burburin karo. Doctor Angkok Gordon Kuol, oo ka mid ah dadka mas’uulka looga dhigay dagaalka ka dhanka ah fayruskan, ayaa sheegay in dalkiisa uu fuliyey kaliya 12 tijaabo, oo midkoodna aan laga helin cudurkan. Waxa uu sheegay in sababta fayruska aanu weli usoo gaarin South Sudan lagu macneyn karo xiriirka duulimaad ee dalkan uu la leeyahay caalamka kale oo aad u hooseeya. “Diyaarado aad u kooban ayaa yimaada South Sudan, inta badan dalalka uu cudurkan saameeyey ayaa ah kuwa ay keeneyn dad ka imanaya dibedda,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in walaaca ugu badan uu yahay ajaaniibta dalka ku sugan ee u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah, iyo dadka kasoo gudbaya xuduudaha dalalka deriska ah. South Sudan waxay xirtay iskuullada, waxay mamnuucday isu-imaatinada dadka, sida xafladaha arooska, tacsiyadaha iyo dhacdooyinka ciyaaraha, ayada oo sidoo kalena mamnuucday duulimaadyada dalalka uu cudurka saameeyey. BURUNDI – Dalka Burundi, oo isu diyaarinaya doorasho guud oo dhacda bisha May, ayaa mas’uuliyiinta waxay sheegeen in inaanu cudurka soo gaarin ay uga mahad-celinayaan Allah. “Dowladda waxay uga mahad-celineysaa Allaha awoodda badan inuu bad-baadiyey BurundI,” waxaa sidaas taleefishinka qaranka ka sheegay afhayeenka dowladda Prosper Ntahorwamiye. Waxa uu sidoo kale camnbaareeyey dadka “faafinaya wararka xanta” ee ah in Burundi aysan awood u lahayn inay sameyso tijaabooyin la xiriira fayruskan, iyo inaysan ka war hayn faafitaankiisa. Burundi waxay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin in la hakiyey duulimaadyada caalamiga, islamarkaana goobaha dadweynaha la dhigay xarumo gacmaha la isaga nadiifiyo. Hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa walaacooda qaba. “Wax kiisas ah lagama helin Burundi, sababtoo ah wax tijaabo ah lagama sameyn,” waxaa sidaas yiri dhaqtar reer Burundi ah oo magaciisa qariyey. SAO TOME AND PRINCIPE – Dalka Sao Tome and Principe, oo ah jasiirad yar ayaan werin wax kiisas ah, sababtoo ah ma awooddo inay sameyso baaritaanada cudurka, sida ay sheegtay Anne Ancia oo ah wakiilka ururka caafimaadka adduunka ee WHO. Si kastaba, waxaa hadda karantiil ku jira 100 qof oo kasoo laabtay dalal laga diiwaan geliyey kiisas cudurka la xiriira, kuwaas oo WHO ay isha ku hayso. MALAWI – Dalka Malawi, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Joshua Malango ayaa dhinac isaga riixay cabsida la xiriirta in sababta Malawi aan looga diiwaan gelin kiisas coronavirus ah ay tahay ayada oo aysan haysan qalabka lagu baaro cudurka. “Waan haysanaa qalabka baaritaanka, waana sameynaa tijaabooyin,” ayuu yiri. Dr Bridget Malewezi, oo ka tirsan ururka bulshada dhaqaatiirta reer Malawi, ayaa AFP u sheegtay in “inkasta aysan 100% diyaar ugu aheyn,” haddana dowladda ay isku diyaraineyo in fayruskan uu soo gaaro, ayada oo intaas ku dartay in waqti un uu naga xigo in fayruskan uu soo gaaro Malawi. “Waxay ahayd un labadii toddobaad ee tagay markii cudurka uu billaabi inuu si muuqata ugu faafo Africa, waxaana dadka badankiisa ay dareensan yihiin inuu halkan soo gaari doono mar ay ahaataba,” ayey tiri. LESOTHO – Dalka Lesotho, oo ah boqortooyo gebigeedba ay ku hareereysan tahay South Africa, kuna nool yihiin laba milyan oo qof, ayaa Isninntii waxaa la geliyey go’doon buuxa, inkasta oo aan laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka. Wixii ka horreeyey toddobaadkii tegay, dalka ma sameyn wax baaritaan ah oo la xiriira cudurka, mana lahayn xarumo lagu baaro, waxaana qalabkii ugu horreeyey ee cudurkan lagu baaro ay ku heleen deeq uu bixiyey maal-qabeenka Shiinaha ee Jack Ma. Mas’uuliyiinta ayaa weriyay 8 kiis oo cudurka lagu tuhmayo, oo aysan awoodin inay baaritaan ku sameeyaan ka hor qalabka uu ku deeqay Jack Ma, hase yeeshee waxaa natiijada la filayaa dhowaan. COMOROS – Dalka Comoros ee ku yaalla Badweynta India, kuna beegan inta u dhaxeysa Madagascar iyo Mozambique, ayaa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka waxaan laga helin wax kiis ah oo la xiriira cudurka coronavirus. Hase yeeshee, dhaqtar ku sugan magaalada caasimadda ah ee Moroni, Dr Abdou Ada ayaa is-weydiinaya haddii sababta ay tahay isticmaalka dawada malaariyada ee Artemisinin oo aad caan uga ah dalkaas. “Waxaan rumeysanahay in isticmaalka baahsan ee dawada la-dagaalanka malaariyada ay tahay sababta cudurka COVID-19 ka ilaalisay Coromros. Waa wax aan shaqsiyan aniga aaminsanahay balse loo baahan yahay in cilmi ahaan loo xaqiijiyo,” ayuu yiri. AFP + VOA
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay goleyaasha Baarlamaanku ku sameeyeen xeerka isgaadhsiinta ee dalka. Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ku xaqiijisay in Madaxweyne Biixi saxeexay xeerkan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaas, waxaanu saxeexa Madaxweynaha ka dib xeerku noqonayaa mid dhaqan gal ah. Goleyaasha guurtida iyo wakiilada ayaa horaantii bishan March waxay cod aqblabiyad ah ku meelmariyeen in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka isgaadhsiinta golaha wakiilada, waxaanu isbedelkani meesha ka saarayaa heshiis ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay shirkadda SOM Cable oo ay golaha wakiiladuna ansixiyeen. Wax ka bedelkan uu Madaxweyne Biixi imika saxeexay ayaa wuxuu meesha ka saarayaa xeerkii hore ee xeer Lr. 50/2011.” Madaxweyne Siilaanyoy ayaa bishii Jullay ee sannadkii 2011 wuxuu isaguna digreeto ku dhaqan geliyay xeerka Isgaadhsiinta dalka oo ay markaas ansixiyeen labada golel Baarlamaan. Si kastaba ha ahaate, sagaal sannadood ka dib 2011-2020 waxa meesha ka baxay heshiiskii dhex maray xukuumadii hore iyo shirkadda SOM Cable. Source
-
(SLT-Hindiya)-Dawladda Hindiya ayaa Tareennadii laga joojiyey inay Dadka u kala daabulaan Magaalooyinka dalkaasi, waxay si ku meel-gaadh ah uga dhigtay Waadhadh loogu talo-galay in la dhigo Dadka uu ku dhaco Xanuunka dunida faraha baas ku haya ee Covid_19. Diyaar-garowga caynkaas ah ayaa waxa keenay Cabsi laga qabo in hanaanka Caafimaad ee dalka Hindiya uu qaabili kari waayo Bukaannada Caabuqa Coronavirus. Waaxda Maamusha Tareennada ee Dalka Hindiya ayaa sheegtay inay dib u habayn ku samayn doonto Daraasiin Tareennadii fadhiistay ah, si looga dhigo Cisbitaallo Maxali ah, kuwaasi oo qaarkood looga faa’idaysanayo in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Covid_19. Hawlihii Tareennadu hayeen ee Daabulidda Dadweynaha Dalka Hindiya u kala gooshaya ayaa la joojiyey muddo 21 Maalmood ah, si looga hor tago Faafidda Cudurka Covid_19, sidaasi darteed Dawladda ayaa doonaysa inay muddadaa si kale uga faa’idaysato Tareennadii. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hadlay Deynta laga Cafiyey Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo go’aan Xukuumadda iyo Xisbiyada Somaliland ku sheegeen in Baanka Adduunka uu si gaar ah ula Macaamilo Somaliland. Md. Yaasiin wuxuu sheegay in Deynta laga cafiyey Soomaaliya ay si kale uga faa’idaysanayso Dawladda Xilligan ka talisa Soomaaliya, isla-markaana haddii laga cafiyey deymihii hore ay lacago kale oo Deyn ah ay Baananka Adduunka kaga qaadanayaan Magaca Soomaaliya, sidaasi darteed ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu ku saxan yihiin inay ka hadlaan arrintaasi. “Deyntaa la cafiyey waxa lagu qaadanayaa Deyn kale, Magacii Dawladda Soomaaliyana waxa haysata Soomaaliya, markaa Deyn ayaa Bananka lagaga qaadayaa, miyaad filaysaa inay wax ka soo gaadhaan? Fili maysid, markaa waan qabaa inay ka hadlaan (Madaxweynaha iyo Madaxda Axsaabtu) oo yidhaahdaan annaga nama khusayso.” Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Telefishanka Sahan waxa kale oo uu ka hadlay Khilaafka xilligan dhex yaalla Dawladaha Itoobiya iyo Masar ee khuseeya Biyaha Webiga Niilka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan sheegtay inay khilaafkaa dhexdhexaad ka tahay. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ugu horrayn sharraxaya halkii Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Ibraahim Cigaal ka taagnaa Arrimaha u dhexeeya Masar iyo Itoobiya wuxuu yidhi “Waxaan ku xasuusinayaa hadal uu ku yidhi Masar iyo Itoobiya, Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasi oo ahaa haddaanu nahay Somaliland noqon mayno Golofiska ay xidhaan labada Qof ee feedhtamaya, laakiin Arrimihiina waanu galaynaa ayuu yidhi oo waanu isku kiin soo dhawaynaynaa.” Axmed Yuusuf waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko Go’aanka dhexdhexaadnimo ee Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Masar iyo Itoobiya, ka dib markii ay ka noqotay Taageero ay u muujisay Qaraar Jaamacadda Carabtu ku cambaaraysay Itoobiya “Soomaaliya inay Itoobiya dhankeeda u janjeedhsanto way ku khasban tahay, Ciidan xoogle oo Itoobiyaan ah ayaa fadhiya Soomaaliya oo Al-shabaab la dagaalamaya, markaa (Soomaaliya) way u codaysay (Masar), laakiin markii dambe way ka noqdeen oo Duruufahaa qasbay, markaa inay Soomaaliya dhexdhexaad ka noqoto way khasban tahay.” Ayuu yidhi. Madaxweyne ku-xigeenkii hore wuxuu soo jeediyey in Somaliland-na qaadato Go’aan dhexdhexaadnimo “Arrinka Masar iyo Itoobiya Arrin hawl-yar maaha, markaa Xitaa Somaliland inay arrinkaa dhexdhexaad ka noqoto waa mid ku waajib ah, marka la eegayo Duruufaha Juquraafi ahaan iyo sida loo deggan yahay, marka la eegayo waxa inagaga xidhan Masar iyo Itoobiya oo kala jaad ah, Masar waa Dawladaha inoogu fog inaynu ictiraaf hello.”ayuu yidhi, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Telefiishanka Sahan. Source
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Somaliya yaa maanta agab loogu talagalay kahor tagga cudurka Coroanavirus ku wareejisay Galmudug iyo Hir-Shabeelle. Hirshabeele ayaa ka mahad celisay qalabdka ka hortagga Caabuqa COVID19 oo ay maanta gaarsiisay Dowladda Federaalka. Dowladda Federaalka ayaa ku guuldarraysatay in ay xirto xudduudaha Dalalka Somaliya ay la leedahay Kenya iyo Itoobiya. Faah-faahinno kala duwan ayaa soo baxaya Qarax Gobalka Gedo Lagula Eegtay Askar Itoobiyaan ah. Wasaaradda Awoqaafta & Arrimaha Diinta iyo Culumada Soomaaliyeed ayaa dadweyanaha kula taliyay inay guryahooda ku cibaadeystaan, lana fasaxo Dugsiyada lagu barto Qur’aanka. Maamulka Gobolka Bari ee Puntalnd ayaa soo saaray awamiir culus kaddib Qarixii ka dhacay Gaowe. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Hanad Cali Guuleed iyo Nimco Cabdulaahi adan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa dhageystay khubadaha musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi iyo sidoo kale labadiisa ku xigeen. Kulanka ayaa waxaa goob-goog ahaa illaa 95 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xildhibaanada cusub ayaa barnaamijkooda wax-qabad ka dhageystay illaa shan musharrax oo kala ahaa: 1-Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka guddoomiyaha. 1-Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed. 2-Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed. 1-Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Maalinta beri ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka K/Galbeed, taas oo ay haatan socota qaban-qaabadeeda. View the full article
-
Ma’baadidii Puntland loo asaasay waxaa kow ka ahaa, in dadka reer Puntland helaan xasilooni iyo cid mas’uul ka noqota ammaanka qofka muwaadinka ah, si naftiisa iyo maalkiisu ugu badbaadaan, waana mida maamulkasta oo dunida ka jira waajibka ku ah inuu damaanad qaado dadka ku nool meesha uu ka taliyo. Puntland waxay ku caan baxday nabadgelyo, balse sanadiihiiu dambeeyey waxaa soo foodsaaray amni darro baahsan, iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo, iyo dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin dowladeed, shacab iyo ajaanib. Madaxweyne Deni xiligii uu masharaxa ahaa wuxuu dadweynaha ku beerlaxawsaday in uu wax ka qabanayo xaalada amniga Puntland oo uu aad ugu dhaliili jiray dowladdii uu hoggaaminayey Cabdiwali Gaas. 8-dii Jannaayo 2019, baarlamaanka Puntland ayaa u doortay Siciid Cabdullaahi Deni inuu noqdo madaxweynaha Puntland, dad badan ayaa rumeysnaa in madaxweynaha cusub uu talaabada ugu horreysa oo qaado ay noqon doonto waxka qabashada xaalada amniga Puntland, balse xaalada ayaa ka sii dartay. Madaxweyne Deni oo hadda xilka madaxtinimada Puntland haya 14 bilood ama hal sano iyo labo bilood, waxaa dhacay falal amni xumo , kuwii ugu saameyn badnaa oo adib ka dhaca degaanada Puntland. Bishan Maarso oo kaliya dadka argagixisadu ku dishay Puntland waxaa kamid ah Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, Mukhtaar Axmed Cumar Tinle oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo, Ibraahim Bashiir Xasan oo Xildhibaanka lala dilay, Saleebaan Axmed Shire oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Ceynab Maxamed Bunge oo ahaa sarkaal ka tirsan ilaalada canshuuraha Boosaaso, sidoo kale bishan dad badan ayaa ku dhaawacmay weerarada argagixisada. Magaalada Gaalkacyo ayaa ugu amni xun Puntland, waxaana sheekooyinka la yaabka leh kamid ah, iyadoo casarkii ay ka caraabaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka , kuwaas oo inta badan habeenkii ku hoyda magaalooyin ka bacsan Gaalkacyo, sida Bacaadweyn, Xarfo iyo Goldogob, sidoo kale qaar kamid ah Golaha deegaanka degmada ayaa amni xumo awgeed isaga cararay Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Garowe. Khatarta amni ee Gaalkacyo ma ahan mid ka timaada oo kaliya Al-shabaab, waxa ay sidoo kale ka timaadaa beelaha dega gobolka oo mararka qaar maxkamadaha iyo saldhigyada weerara. Boosaaso ayaa la qabsatay dilalka dharaartii dhaca , kuwaas oo inta badan loo geysto shaqaalaha dowladda, iyadoo inta badan aan gacanta lagu dhigin dhagarqabayaasha. Caasimadda Garowe oo ahayd meeshii ugu amaanka badnayd Puntland, waxaa maalin ka hor qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey madaxweynihii gobolka (guddoomiyii gobolka) oo marayey goob ay ku yaaliin Taliskii guud ee ciiidamada Booliska Puntland iyo saldhigii bartamaha Garowe, waa tabardarro lagu arkay dowladda in argagixisadu ku dhiirato weerar ay ka geysato caasimadda. Madaxweyne Deni iyo Taliyaha Booliska, waxay sheegeen in ay ka war hayeen weeraro ku soo wajan Puntland, dad badan ayaa is weydiinaya hadii xogtaas la hayey maxaa ka hortag loo sameynwaayey, oo xataa madaxda iyo xarumaha dowladda amnigooda loo adkeyn waayey?. Sababta amni darrada Puntland u horseeday ayaa lagu tilmaanaa, iyadoo ciidamada Booliska iyo Sirdoonka aysan la ahayn awood ay ku hantaan ammaanka gudaha, ciidamada ammaanka Puntland ayaa helin tababaro, qalab iyo mushaar kufilan, waxay xuquuq u qaataan wax ka yar boqol doolar oo aysan marmarka qaar helin. Ciidanku ma haystaan damaanad dowladeed, taasoo keenta inuu ka baaqsado inuu tallaabo ka qaado kuwa ku xadgudbaya sharciga. Ciidanka Booliska Puntland malaha amar qaadasho dhexe oo mideysan, taas oo keenta in ciidanku noqdo garabyo kala duwan oo u abaabulan hab beeleed. Puntland in ay garanweydo meel laga jiro, waxa sababta ugu weyn u ah, iyadoo aan la hayn Sirdoon awood leh, waxaa Boosaaso iyo Gaalkacyo xarumo waaweyn ku leh ciidamo kala duwan oo ay kamid yihiin PSF, PMPF, PISA iyo Daraawiish, hadana waxay xakamayn la’yihiin dhacdooyinka amni darro ee magaalooyinkaas , sababtoo ah ma helaan xog, “Horaa loo yiri war la helyaaba talo la hel”, Khubarada dhanka amniga waxay qabaan, in Puntland ilaa ay hesho Sirdoon xoog leh, aysan xakamayn karin amni darrad soo foodsaartay. Madaxweyne walba oo Puntland yimaada wuxuu awood saaraa dhisida ciidamada madaxtoooyada iyo kuwo gaar u ah, kuwii horana waa iska kala tagaan, waa dhibaatooyinka waaweyn ee tayada ciidamada ka haysta Puntalnd. Bulshada Puntland ayaa niyad jab ka muujiyay itaal darrida dowladda uu hoggaamniyo Madaxweyne Deni, musuqmaasuqa iyo in aan xoogga la saareyn in shacabku helo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee ammaanku kamid yahay, balse wali waxay ka sugayaan xal u helida arrimaas, maadaama ay heysato fursad weyn oo ay wax kaga qaban karto. Baarlamaanka Puntland oo horey loogu dhaaliilay in ay faragalisay xukuumadda ayaa, iyagana laga sugayaa in ay kula xisaabtabaan xukuumadda xil gudasho la’aanta. PUNTLAND POST The post Yaa mas’uul ka ah Amni darrada baahsan ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa wacyi-galin ku aadan cudurka Coronavirus ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya. Saraakiil caafimaad oo ka tirsan UNHCR oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa booqday xeryo barakac oo ku yaalla gudaha magaaladaasi. Intii ay ku sugnaayeen xeryaha barakac ay booqdeen saraakiisha caafimaad ayaa dadka halkaasi ku nool waxa ka wacyi galiyeen khatarta cudurka COVID-19, sida uu ku faafi karo iyo waxyaabaha loo baahan-yahay, si cudurkaasi ay uga feejignaadaan. Nadaafadda oo si weyn loo ilaaliyo ayaa lagu wargaliyey dadka danta yarta ah ee xeryahaas ku nool inay tahay tallaabada koowaad ee cudurkaasi looga hortagi karo. Dadkii barakacayaasha ay booqdeen saraakiishaan ka tirsan QM ayaa uga mahad-celiyay booqashadooda iyo sida ay wax uga badaleen ka war-qabkooda Corona. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, waxaana hay’adaha caafimaadka, kuwa samafalka iyo dowladda federaalka ay sameynayaan wacyi-gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta cudurkaasi uu geysan karo. View the full article
-
Ciidamada Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay rag la sheegay inay Kufsi ka geysteen deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud, kadib baaritaan ay sameeyeen. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xabsiga u taxaabeen illaa 8 nin oo lala xariirinayo fal lagu Kufsaday gabar da’yar ah oo dadka deegaanka ka mid ah. Maamulka deegaanka Balanbale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/rrr.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
