Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw shaacisay in magaalada Muqdisho lagu soo rogayo bandow xilliga habeenkii ah, kaas oo saarnaa doona mudo 15 cisho ah. Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xajaar, ayaa caawa sheegay in si dadka looga badbaadiyo khatarta cudurka Coronavirus, ay dowladdu go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah ee taariikhdu ku beegantahay 15-ka bishan Abriil, in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00pm Fiidnimo, kuna eg 5:00am Subaxnimo. Sidoo kale Taliyaha booliska ayaa sheegay in bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay. Taliyaha ayaa sheeygay in wax ka bedelka lagu qiimeyn doono xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19. Waxuuna bulshada ka codsaday in ay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo buu yiri cudurkan khatarta badan. Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa faray ciidamada ammaanka in ay dadka xanuunsan ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin, sida lagu sheegay qoraalkan. Cabsida uu abuuray cudurkan ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, kadib markii ay korortay tirada dadka uu soo ritay oo u badan kuwo aan dalka meelna uga bixin. Illa hadda tarada la shaaciyey dadka uu ku dhacay gudaha dalka waxa ay gaarayaan 25 ruux, kuwaas oo laba u geeriyootay, labana ka bogsatay, halka inta kala lagu karaantiilay goobo gaar ah.
  2. Muqdisho (SMN) – Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa caawa shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo qatarta COVID-19, dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada. Taliyaha Booliiska waxaa kaluu sheeygay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawga. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sidooo kale dadka ka codsanay inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan. Ugu dambeyn taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin, Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii hannaanka ugu habboon ee ugu saameynta yar ay ugu xakameyn lahaayeen faafitaanka Cudurka COVID-19 ee ka dhasha Virus-ka Karoona. View the full article
  3. Wanlaweyn (SMN) – Guddiga dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed u saareen xalinta colaada degmadda Wanlaweyn ayaa soo saarey go’aano. Maxamed Cabduqaadir Maxamed, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada, ayaa go’aanka u akhriyey warbaahinta maxaliga ah. Go’aanada waxaa qeyb ka ahaa in baaritaan lagu sameeyay gudoomiyaha degmada Wanlaweyn, Maxamed Siidow oo la sheegay in la xiray. Sidoo kale, waxaa la sheegay in dacwad lagu soo oogi doono Xildhibaano la sheegay in ay ka qeyb-qaateen colaad beeleedyadda. Mudaneyaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay;Aadan kala-dire, oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle iyo Mayow Yuusuf Xasan, oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa kamid ah; Maxamed Taraafiko oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Guddiga ayaa ku booriyey in ay cadaalada hor-yimaadaan Salaad Tifow, abaanduulaha guutada 7aad iyo Cabdinuunow Af-wayne, oo la tilmaamay in ay ka qeyb-qaateen dagaal beeleedyaddii dhacay. Dagaaladii ka dhacay Wanlaweyn ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 qof oo badankooda ah shacab, waxaa sidoo kale ka dhashay barakac weyn. View the full article
  4. Wanllaweyn (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay guddigii uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xalinta dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu faahfaahiyey sidii ay wax u dhaceen iyo waxa u qabsoomay. Guddigan ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in colaadaas ay hurinteeda ay ku lug lahaayeen mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka kala tirsan barlamaanada maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo maxakamadda ciidamada ay dacwado kusoo oogtay. Sidoo kale, guddigan ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in maamulka ka jiray degmada Wanlawayn uu ka qayb qaatay colaadii ka dhacday halkaas, isla markaana uusan gudan mas’uuliyadii maamul ee degmada ka saarneyd. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Muqdisho loo soo kaxeeyay guddoomiyihii degmada Wanlawayn ee shaqada laga joojiyay Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, isla markaana ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed baaris dhamaystiran ku sameeyaan dowrkii uu ku lahaa gabood falladii ka dhacay degmada Wanlawayn, iyagoo natiijada kasoo baxda loo gudbin doono Maxkamadda Awooda u leh, sida lagu yiri warkan. “Guddiggu iyagoo u kuur galay cabashooyinkii odayaasha, isla markaana baaris ku sameeyay dhibaatooyinkii dhacay, diiwaangaliyayna dilalkii iyo gabood faladii ka dhacay degmada W/wayn, waxaana ka qoray dhibanayaashii dhibtu soo gaartay, waxaa usoo if baxay. In tirada guud ee ku geeriyoodatay dagaalkii sokeeye ay ahayd 24ruux, kuwaas oo 9-ka mid ah ay ku geeriyoodeen dagaal safayn ah, halka 15qofood loo dilay qaab aargoorsi ah, islamarkaana si naxariis daro oo anshax xumo ah loo dilay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in gudaha degmada Wanllawayn ay ka dhaceen dembiyo isugu jiro dhac, barakicin iyo kufsi. Ayna jireen Isbaarooyin yaalay gudaha degmada Wanllawayn oo ay dhigteen maleeshiyaadka beelaha ay colaadu dhexmartay. Halkan Hoose ka akhriso warbixinta guddiga oo dhameystiran Ujeeddo: War-saxaafadeed Hordhac Maalintii ay taariikhdu aheyd 07.04.2020 waxaa Degmada W/wayn gaaray Guddi ay qayb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee CQS , Xafiiska Xeerilaalinta CQS, Baarayaal ka socda Hay’adda Baarista Boliiska, Wasiiro ka tirsan Maamulka KGS, iyo Guddoomiyaha iyo Gudoomiye Xigeenka Gobolka Sh/Hoosee iyagoo fullinaya Amarkii Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Magacaabistii Gudi ee uu sameeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Mudane C/casiis Laftagareen ee ku saabsanaa in la joojiyo dagaalka Sokeeye ee u dhaxeeya Beelaha ku diriraya Degmada W/wayn ee G/Sh/Hoose. Shaqada la qabtay Islamaalintii ay taariikhdu ahayd 07/04/2020 guddiggu wuxuu la kulmay dhinac ka mid ah Beelihii ku dagaalamay Degmada W/wayn, wuxuuna dhagaystay cabashadooda iyo dhibaatada soo gaartay. Maalintii xigtay oo ay taariikhdu ahayd 08/04/2020 guddigu wuxuu la kulmay dhinicii labaad oo dirirta ka dhaxaysay, wuxuuna dhagaystay cabashadooda iyo dhibaatada soo gaartay. Baarayaashii ka socday Ciidanka Boliska iyo Xeer- ilaaliye ka socday Ciidamada qalabka sida ,ayaa cadaymo ka qoray dadkii uu dhibku gaaray iyo Goobjoogayaal Xog ogaal u ahaa sida ay Colaadu ku bilaabatay ee ka kala socday labada dhinac. Gudigu wuxuu sameeyay Xabad Joojin iyadoo Maxkamada Ciidamada qalabka sida Amar ku bixisay Cidii jebiso in Talaab Adag laga qaado lana horkeeno Sharciga. Baaristii Hordhaca ahayd ee Guddigga:– Guddiggu iyagoo u kuur galay cabashooyinkii odayaasha, islamarkaana baaris ku sameeyay dhibaatooyinkii dhacay, diiwaangaliyayna dilalkii iyo gabood faladii ka dhacay degmada W/wayn, waxna ka qoray dhibanayaashii dhibtu soo gaartay, waxaa usoo If baxay:- In tirada guud ee ku geeriyoodatay dagaalkii sokeeye ay ahayd 24ruux, kuwaas oo 9-ka mid ah ay ku geeriyoodeen dagaal safayn ah, halka 15qofood loo dilay qaab aargoorsi ah, islamarkaana si naxariis daro oo anshax xumo ah loo dilay. In gudaha Degmada W/wayn ay ka dhacday dembiyo isugu jiro Dhac, barakicin iyo kufsi. In ay jireen jid-gooyooyin(Isbaarooyin) yaalay Degmada Wanlawayn oo ay dhigteen maleeshiyaadka beelaha ay Colaadu dhexmartay. In dagaalka iyo colaada ay hurinayaan masuuliyiin iyo Xildhibaano maamul goboleed oo ka kala tirsan Barlamaanada Hirshabeele iyo Konfur Galbeed. Sidoo kale waxaa soo baxday in maamulka ka jiray Degmada wanlawayn uu qayb ka ahaa Colaada dhacday, isla markaana uusan gudan masuuliyadii maamul ee degmada ka saarnayd. In ay jiraan Maleeshiyaad hubaysan oo ku dhaqan Degmada W/wayn , kuwaas oo u baahan in la qarameeyo. In ay Degamada joogin Ciidan Boliis oo ku filan iyo Maamul Xakamayn kara Colaadaha. Tallaabaddii Guddigga Guddiggu iyagoo illaalinaya Amniga iyo wada noolaanshaha Bulsha waynta deggan Degmada W/wayn, islamarkaana tixgalinaya cabashooyinkii odayaasha iyo heshiiskii dhacay, wuxuu qaaday Talaabooyinkan soo socda:- Waxaa gabi ahaanba la qaaday Isbaarooyinkii yaalay Degmada W/wayn iyo nawaxigeeda. Waxaa la isku keenay oo la is hor fadhiisiyay Labadii dhinac ee dagaalamay, islamarkaana lagu heshiisiiyay in ay xabadda joojiyaan, laguna wada noolaado nabad waarto. Wuxuu gudigu bilaabay in dadkii ka qaxay Degmada Wallaweyn oo dagay magaalada banaankeeda uu dib ugu soo Celiyo, isagoo xaqiijiyay in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahaydba ay dib u bilaabatay. Waxaa la mamnuucay in degmada W/wayn gudaheeda aan lagu dhex haysan Karin hub sharci daro ah, iyadoo ciidamada Ammaanka la amray in ay qabtaan cidii la arko iyadoo hub ku dhex sidata gudaha magaalada. In La kaxeeyo Guddoomiyaha Degmada W/wayn ee Shaqada laga joojiyay Max’ed Siidow C/raxmaan , islamarkaana ay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Baaris dhamaystiran ku sameeyaan Dowrkii uu ku lahaa Gabood faladii ka dhacay Degmada W/wayn, iyagoo natiijada kasoo baxdo u gudbin doona Maxkamadda Awooda u leh. in hay’adaha Baarista dambiyada Boliiska Soomaaliyeed (C.I.D) qaybaheeda Muqdisho iyo Baydhabo ay furaan Gal-dacwadeed Ciqaab ah oo lid ku ah Xildhibaanada kala ah:- Xildhibaan Aadan cabdi Faarax (Kaladire) oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Hiir-shabeele. Xildhibaan Mayoow Mustaf Xasan oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Konfur Galbeed. Ex-Xildhibaan Maxamed Taraafiko oo ka tirsanaa xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Konfur Galbeed, kuwaas oo barista hordhaca ah ee la sameeyay lagu ogaaday in ay jirto baahi loo qabo in cadaymo laga qoro, sidaa darteed waxaa lagu wargelinayaa Xildhibaanada in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku tagaan Xarumaha Baarista, iyadoo maamulada ay ka tirsan yihiin laga dalbanayo in ay u diraan si loo dhamaystiro barista Gudiga. 7- in uu horyimaado Xafiiska Xeerilaalinta CQS G/le X. Salaad Tifoow oo ah Abbaanduuliha Guutada 7aad XDS, si su’aalo looga waydiiyo qeybtii uu ku lahaa gabood faladii ka dhacay Degmada W/wayn. 8- In XDS uu gacanta kusoo dhigo Nuunoow Afwayne oo horjooge ka Degmada Wanlawayn, isla markaana horkeeno sharciga Cabdi ahaa Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay. 9- In Ciidanka Xooga Dalka uu masuuliyada amni qaadayo, inta laga helaayo Ciidan Boliis oo ku filan . Mahadnaq Gudigu wuxuu u mahad celinayaa Madaxda JFS iyo Madaxda Maamulka KG, oo u suurageliyay gudiga in ay fududaato howshii ay qabteen, sidoo kale waxay u mahadcelinayaa Taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo aysan la’aantood la qaban kari lahayd howshan adag. Wabillaahi Towfiiq
  5. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hir-shabeelle Marxuum Khaliif Muumin Toloxow oo goordhoweyto u geeriyoodey Caabuqa Covid-19. Madaxweyne Deni ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxa uu Hir-shabeelle dowlad iyo Shacabba uga tacsiyaynayaa geerida xanuunka badan ee ku timi Wasiir Khaliif Muumin, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuumku, wuxuuna uu Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Rabbi kasiiyo dhamman ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Hir-shabeelle, ehelkiisa iyo asxaabtiisaba” Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku booriyey inay feejignaan dheeriya ka yeeshaan caabuqa halista ah ee aan lahay daawo iyo talaaltoonna, isagoona si adag Madaxweynuhu shacabka Puntland ugu adkeeyey in la qaato amaawiirta Dowladda ee ka dhanka ah caabuqa Covid-19, si looga hortago xanuunkaasi halista ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta kulan uu la qaatay Qaar kamida Wasiirada, Dhakhaatiirta iyo Culimada Muqdisho wuxuu kala hadlay xakamaynta Cudurka Corona Virus. Madaxweyne [...] Source
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Shacbiga, iyo Shacbiga Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee wasiiru dowlihii cadaaladda Hirshabelle xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta ku geeriyooday magaalada muqdisho oo uu maalmihii u dambeeyay la xanuunsanayay Cudurka Covid 19. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuum Wasiir Xildhibaan Khaliif Muumin Toodow ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo La unkay Dowladda Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in xaalad walaac ah ay ka taagan gudaha magaalada, taas oo ku saabsan qatarta cudurka COVID-19 oo gaaray Jowhar. Tan iyo wixii ka dambeeyay markii cudurkaan laga helay wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda ee maamulka HirShabelle Khaliif Muumin Tooxow, oo maanta Muqdisho ku geeriyooday, waxaa isa soo taraya mas’uuliyiinta is karantiishay iyagoo ka cabsi qaba in cudurka uu gaaray. Madaxda ugu sareysa maamulkaas, wasiirada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa is karantiilay kadib markii ay xaqiijiyeen in ay la kulmeen wasiirkii xanuunka laga helay ee maanta geeriyooday. Allaha u naxariistee, Khaliif Muumin Tooxow ayaa cudurka kusoo qaaday magaalada Jowhar, taasi oo ah cabsiga ugu xooggan ee jirta. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Bare Maxamed ayaa xaqiijiyey in HirShabelle uu ka jiro walaac badan oo ku aadan Xanuunka Covid-19, kaas oo ku faafaya deegaanada Maamulkaasi sida uu hadalka u dhagay. Gudoomiye Barre ayaa shaaca ka qaaday in masuulka maanta geeriyooday uu si caadiya kulamo ula soo qaatay Golayaasha fulinta iyo Sharcidajinta Dowlad-goboleedka Shirshabeelle. Waxa uu sheegay in maalmo ku xanuunsanaayay deegaanada Maamulka Hirshabeelle islamarkaana bulshada uu si caadi ah ula macaamilaayay wax shakiya aan laga qabin intii uu ku sugnaa degmada Jowhar ee caasimada Maamulka Hirshabeelle. Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii la kulmay Khaliif ayaa sheegay in ay isku arkeen xanuun iyo qandho badan, sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay is karantiilaan, inkasta oo aan la ogeyn inay cudurka qabaan iyo in kale, maadaama aan laga baarin. Wasiiru dowlahii cadaaladda ee HirShabelle ayaa ka hor inta aan cudurkaan laga helin waxa uu maalmo badan la kulmay Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamanka, xilkdhibaano iyo wasiiro kale. Sidoo kale waxa uu ka qeybgalay kulanka Golaha wasiirada iyo kulankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay miisaaniyadda HirShabeele ee 2020-ka. Sidoo kale wasiirka geeriyooday ayaa xanuuno dareemayay tan iyo dhamaadka bishii hore, xanuunkaas oo markii ugu dambeeyay sababay inuu wasiirka shaqada sii wadi waayo. Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan Jowhar oo ah magaalo ka xiran cirka iyo dhulka. Al-Shabaab ayaa hore masuuliyiinta iyo ciidamada ka joojiyay isticmaalka wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, halka duulimaadyadiina ay joojisay dowladda Soomaaliya dalka oo dhan.
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-12042020.mp3 View the full article
  10. Somaliland ma leedahay madax-banaani sharci? Madax-banaanida dal ahaaneed ee gudaha ah waxa shardi ah inay jiraan sadex arimood. 1. In dalku samaysto si gaar ah shuruucdiisa oo awoodda sharci dejinta aanay cid kale la wadaagin. 2. Inuu fuliyo shuruucdaas u gaarka ah. 3. Iyo in garsoorka garta qaadaa uu adeegsado shuruucda dalka. Hadaba, Somaliland shuruucda u waawayn ee ay ku dhaqanto waa kuwa Somalia oo waa isla kuwa Garoowe iyo Muqdisho lagu dhaqo. Fulintu waxa ay fulisaa shuruucdaas Somalia. Metalan dadka Somaliland xabsiyada ugu jira intooda badan waxa lagu xukumay Xeerka Ciqaabta ee Somalia (Somali Penal Code). Habka loo raacayna waa Xeerka Habka Ciqaabta ee Somalia. Garsoorku garta markay naqayaan – madani, ciqaab iyo idaari ka ay doonto ha noqotee- waxa ay u raacaan Xeerka Habka Madaniga ee Somalia ama Xeerka Habka Ciqaabta ee Somalia. Waydiintu waxa ay tahay Somaliland ma leedahay madax-banaani sharci? Waa su’aal qaanuuni ah oo ay tahay inay ka doodaan qanuun yahanka Somaliland, gaar ahaan kuwooda dersa Qanuunka Dastuuriga ah iyo Qanuunka Caalamiga ah. Falaqaynta waydiintani waxa ay wax ka tari kartaa gar sheegashada Somaliland. Dhinaca kale, xeerarka hada Baarlamaankeenu sameeyo oo marka loo eego xeerarka hore noqonayo kuwo kaabayaal ah oo aan ahayn kuwo laf-dhabar ah, badankooda waxa taageeraa hay’ado caalami ah. Xeerarkaasi waxa ay badankoodu la mid yihiin nuxur ahaan iyo xitaa qaarkood eray ahaan, kuwa maamul goboleedyada Somalia sida Puntland. Waxa aan tusaale u soo qaadanayaa Xeerka Shaqaalaha Somaliland iyo ka Puntland waa isku mid. Dadaalada xeer samaynta ee Dawladda Federaalka ahi ka wado Muqdisho waxa kuwo u eegi ka socdaan Hargeysa. Tusaale ahaan, Xeerka Kufsiga ee Somaliland iyo ka Somalia waa isku eekayaal, qabyo-qoraalada xeerarka FGM-ka, ka dadka naafada ah iyo kuwo la mid ah ayaa is shabaha nuxur ahaan iyo waqti ahaan ba. Waxa la mid ah dadaalada xeerarka maaliyadeed oo uu Bangiga Aduunku u qoray labadaba, si isku eeg. Isku eekaanshaha waxa ay dadka qaanuunka bartay ku abuuraysaa waydiimo ah: haysashada qaanuunka isku midka ahi ma ku talo gal baa? Intee in leeg buu se waxyeello ku yahay dooda Somaliland ee ah waanu madax-banaanahay inta ay adeegsanayaan xeerarka Somalia oo si cad uu magacaasi ugu qoran yahay? Dalalka aduunka ee ictiraafka ay Somaliland ka raadinayso ee la-taliyayaashooda sharci og-yihiin isku mid ahaanshaha sharci, maxa u fahmayaan xaalaadda? Dastuurka Somaliland qodobka u danbeeya wuxuu waajib ka dhigay in si dhaqso ah ay Somaliland u samaysato shuruuc u gaar ah, inta ka horaysana ay si ku meel gaadh ah u sii adeegsato xeerarkii Somalia. Hada waxa laga joogaa 19 sanadood markii la ansixiyay dastuurka, ilaa iyo maantana xeerarka u waawayni waa kuwii Somalia. W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta sheegay inuu ka walaacsan yahay sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka, kaasi oo uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Sidoo kale, Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah.
  12. (SLT-London)-Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga saaray Cisbitaalka kadib markii laga daweeyay xanuunka Coronavirus, balse shaqada kuma laaban doono, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa. Mr Johnson, oo 55 sanno jir ah, ayaa la dhigay Cibitaalka St Thomas’ hospital, ee ku yaalla magaalada London Axaddii – 10 malamood ka dib markii laga helay fayraska Corona. Muddo 3 habeen ah ayuu ku jiray qeybta xaaladda deg degga ee la geeya dadka ay xaaladooda caafimaad aad u liidata. “Iyadoo laga duulaya talada dhakhaatiirta, ra’iisalwasaaraha si dhakhse leh shaqada uguma laaban doono. Wuxuu aad ugu mahadcelinayaa shaqaalaha Cisbitaalka oo siiyay daryeel aad u wacan”, ayaa lagu yidhi war qoraal ah o ka soo baxay xafiiskiisa. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde ayaa sheegay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ay Somaliland soo gaadhsiisay qalab caafimaad oo uu ku jiro mushiinka lagu baadho dadka looga shakisan yahay Covid-19. Wasiirka oo hadal ka jeediyey madal lagu daahfurayay xafiiska xog urrurinta iyo go’aanada guddida heer Qaran ayaa intaasi ku daray in tababarkii qalabkaasina uu bilaabmayo labada cisho ee soo socda waxaanu caddeeyay in mushiinkani ay hay’addu keentay awood u leeyahay inuu maalintii baadho 40 qof ‘’Waxaa aanu hay’adda isku soo af-garaney mushiinka qalabkiina waa ay keeneen, tababarkiina waxaa uu bilaabmaya labada cisho ee soo socda oo qof khabiira ayaa Itoobiya laga keenaya, waxaanu mishiinku awood u leeyahay in saacaddii lagu eego 40-qof, macnaheedu hadii uu shaqeeyo laba iyo toban saacadood waa ilaa shan boqol oo qof wax ku dhaw, ayaa 12-saacadoodba lagu eegi karra, taasina waxaa ay keenaysa in talaabooyinka ay ku talineyso hay’adda caafimaadka adduunku oo ah in shaybaadh laga qaado qofkii laga shakiyaba cidii uu la kulmayna la daba socdo oo la soo helo, cidii xannuunka u soo dhacdayna la daweeyo, taladaasi ayaanu qaadaney, laakiin markii hore waa ay kala dhineyn oo waa aynu kala dhan taaleyn’’ Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi raaciyey in dawlada Imaaratku dalka keeneyso qalab kale oo caafimaad oo lagaga hortagayo xannuunka Covid-19 ‘’Sidoo kale waxaa aanu u mahad celineyna dawlada Imaaratka oo iyaguna qalabkaasi mid la mida ayaa la keenay qaybtiisi hore qaybtii danbena waa ay imaneysa waxaanu Qarankeenu awood u yeelanaya inuu ka maarmo in aynu ku tiirsanaano shaybaadho dibada ah, inagga lafteena cidii u baahan in ay hubbiso ayaynu ka caawin doonaa arrintaasina waa dadaalka aynu ku jirno ee Qaran, ee madaxweynuhu ku jiro, ee muwaadiniintu ku jiraan, ee dhammaan shirkadihii gaarka loolaha iyo urruradii kale ee bulshadu aynu gacan mideysan kaga hawl galney intaasi uunba lagaga libkeeni karaa, xannuunkani malaha dawo, xannuunkani malaha talaal laakiin waxaa uu leeyahay ka hortag, ka hortaguna waa go’aan u yaala qof kasta in tallooyinka caafimaadka ee loo sheegayo uu rumeysto” Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Beesha Caalamka ayaa qoraal cusub oo ay kasoo saareen xaaladda Soomaaliya waxay dalab muhiim ah ugu jeediyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayey ugu horey dowladda Soomaaliya ku bogaadiyeen dedaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 uu ku baaho dalka. “Waxaan ognahay in faafista coronavirus uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamku ay soo saareen. Waxaa ay intaa ku dareen in ay ayidsan yihiin baaqii ka soo baxay xogahayaha uud ee QM ee dalbanayay xabad joojin dunida oo dhan ah. Waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in looga baahan yahay dhammaan kooxaha ku lug leh colaadda Soomaaliya in ay joojiyaan rabshadaha. “Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa ku baaqday in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka coronavirus ee Soomaaliya. Waxaa ay soo jeediyeen in lagu dhammeeyo khilaafaadka jira qaab midnimo ah islamarkaana ay haddii laga fursan waayo in kulamada dowladda, kuwa maamulada gobollada iyo shirarka baarlamaankaba ay noqdaan kuwa qaab digital ah loo qabto. Ugu danbeyntii, saaxiibada Soomaaliya ayaa qoraalkooda ku sheegay in xilligan adag ee cudurka coronavirus uu bulshada caalamka culeesyo badan ku keenay ay tahay in mas’uuliyiinta Soomaalida iyo milkiilayaasha dhulka ay barakaceyaashu deggan yihiin ay gabi ahaanba joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin mudada lagu jiro dagaalka ka dhan ah faafitaanka cudurka COVID-19.
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah. View the full article
  16. It is hard to find the words to express my debt to the NHS for saving my life. The efforts of millions of people across this country to stay home are worth it. Together we will overcome this challenge, as we have overcome so many challenges in the past. #StayHomeSaveLives pic.twitter.com/HK7Ch8BMB5 — Boris Johnson #StayHomeSaveLives (@BorisJohnson) April 12, 2020 Qaran News
  17. Soomaaligii ugu horreeyey oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Sacuudiga Wararka ka imaanaya Sacuudiga ayaa sheegaya in qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dalkaasi. Amran Xuseen oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u xaqiijisay in qofkaasi saacadihii la soo dhaafay uu cudurka ugu dhintay gudaha magaalada Jidah. Tirada dhimashada Corona ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa haatan kor dhaaftay in ka badan 50 ruux, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa tirada guud dadka uu soo ritay ku sheegtay 40,33 qof, halka 720 ruuxna ay sheegtay inay ka caafimaadeen xanuunka. Dowladda ayaa sidoo kale xirtay wadooyinka waa weyn, goobaha lagu cibaadeysto oo xaramka ugu horreeyo, si loo yareeyo faafida cudurka Coronavirus. Caalamka oo dhan ayaa dagaal kula jira xakameyna cudurkaan oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, kuna sii baahay wadamo badan oo ku yaal adduunka. Qaran News
  18. Dhakhtar Somaliaya oo soo bandhigay siduu u qaaday Xanuunka Coronavirus oo weli haya Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa dhawaan ka digtay in shaqaalaha caafimaadka ee daweynaya bukaanada qaba Coronavirus ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaca cudurka haddii aysan qaadin tallaabooyin ay isaga ilaalinayaan caabuqa. Dhakhaatiir ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya aoo ku hawlanaa la tacaaliida xanuunka ayaa laga helay xanunka. Waxaa ka mid ah Dr Maxamed Cismaan Maxamed (Nasiim). Waxa uu ka mid yahay guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xanuunka Covid-19. Waxa uu sheegay iney haatan xaaladdiisu wanaagsantahay oo ay ka yaraadeen calaamadihii uu horay isugu arkay sida qufaca iyo neefatii ku dhageysay. ”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay”, ayuu yiri Dr Maxamed. Dhakhtarka oo ka warramayay khibraddiisa intii uu haleelay xanuunka ayaa sheegay iney aad u adag tahay in qofka uu ku nagaado guriga. ”Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay inuu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabsan karo nolasha guru joogga ah”, Sidoo kale Dr Maxamed Cismaan ayaa Bulshada Soomaalida u jeediyay talooyin muhiim ah oo la xiriira coronavirus. ”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”. Talooyinka kale ee bulshada siinaya waxaa ka mid ah: Haddii aad isku aragto calaamada fayraska Corono , fadlan, fadlan gurigaaga joog kana fogow dadka kuugula nool guria, ka dibna la xiriir bahda caafimaadka adigoo si hufan u raacaya talooyinka ay ku siiyaan”. Ayuu yiri Dr Maxamed Cismaan. Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee waddanka Soomaaliya, Dr Fawziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ay ka soo raynayso xaaladda caafimaad ee bukaannada uu cudurkan ku soo ritay gudaha waddanka Soomaaliya. Dr Fawziya ayaa markale ku celisay in cudurkan uu weli ku faafayo bulshada dhexdeed, taasna ay walwal iyo walaac ku hayso. Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu Karantiio Dadka qaba Cudurka Corona ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxanay howl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Bulshada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimaadka ee Dalka. Dr Maxamed Cismaan Waa iney dadku nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan” Dr Maxamed Cismaan Wasaaradda Caafimaadka Xanuunka coronavirus ayaa saameyn weyn ku yeeshay howlihii guud ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyadii waxbarshada oo hakad galay. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo inuu cudurkan ku faafo dalka. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la xiray dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan waddanka. Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo. Balse Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ilaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, isagoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo go’aankan shaaciyay ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ganacsatad ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah. Qaran News
  19. Mdaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ku hadlaya Mgca Shacabka Puntlnd wuxuu tacsi u dirayaa Xukuumada iyo Shacabka Hirshabeele Geeridii ku timid Wasiir u [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamed Cismaan Maxamed oo loo yaqaano (Nasiim), islamarkaana ka mid ah guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalida Covid-19 ayaa ka sheekeeyey, sida uu ugu dhacay xanuunka, kadib markii dhowaan laga helay. Dr Nasiim oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, wuxuuna tilmaamay inuu cudurka ka qaaday bukaanadii uu la tacaalayey, balse uusan garaneyn sida uu ugu dhacay iyo qofka uu ka qaaday. ”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay.” ayuu yiri Dr Maxamed. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay aad u adag tahay in qofka uu joogo guriga ama goob gaar ah ‘Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay inuu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabsan karo nolasha guru joogga ah”, Dhaqtar Nasiim oo hada ka soo kabanaya xanuunka ayaa ugu damveyn fariin u dirtay dadka Soomaaluyeed, wuxuun ugu baaqay inay qaatan talooyinka caafimaadka ee la siinayo. ”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”. ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Dr Dr Maxamed Cismaan. Xaaladda cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareysa, iyadoona haatan tirada dadka laga helay ay kor u dhaafeyso illaa 20 qof oo labo ka mid ah ay xanuunka ugu geeriyoodeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
  21. Somalia confirmed its second death from coronavirus on Sunday. Khalif Mumin Tohow, justice minister of Hirshabelle state, succumbed to the novel coronavirus in Mogadishu’s Martini hospital a day after he tested positive in the town of Jowhar, the administrative capital of Hirshabelle. Ali Gudlawe Hussein, vice president of Hirshabelle, confirmed his death to the media. According to local media, Mumin, who was Somali British, travelled to the U.K. in February before he came back to the Horn of Africa nation. On Wednesday, Somalia confirmed its first coronavirus death. According to the Health Ministry, the country has 21 coronavirus cases, including several government employees.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey bayaankii ka soo baxay wadamada Isbaheysiga Carbeed ee uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga, kaas oo lagu taageeray xabad-joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Yemen. Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso dhinacyada dalka Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaacisay inay garab taagan tahay howsha ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Halkaan hoose ka aqqriso: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April. War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo. Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres. Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.
  23. Dowladda Libya ayaa shaacisay in 236 ruux oo muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan ay dib ugu celin doonto dalalkooda ,kadib safari dhuumaaleysi ah oo ay ku tageen dalkaasi. Bayaan ay soo saartay hay’adda Libya u qaabilsan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ayaa lagu sheegay in dalalkooda dib loogu celin doono muhaajiriintaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriinta dalalkooda dib loogu celin doono ay ka soo kala jeedaan wadamada Somalia, Sudan, Chad, Nigeria, Ghana, Mali iyo Itoobiya. Si kastaba ha’ahaatee sanad waliba dalka Libya ayaa marti galiya boqolaal kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo dalkaasi uga sii gudba wadamada kale ee reer Yurub. View the full article