Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Saynisyahan sare oo Mareykan ah, Dr. Anthony Fauci ayaa soo saaray saadaalin taxaddar uu la socdo oo ah in cudurka coronavirus uu dalka Mareykanka ku dili karo dad gaaraya 200,000 oo qof. Dr. Fauci oo hoggaamiya cilmi-baarista cudurrada faafa ee Machadka Caafimaadka ee Qaranka, ayaa hoos u dhigay saadaasha ugu xun ee ah in cudurka uu dili karo hal milyan oo qof, wuxuuna taa beddelkeeda bixiyey qiyaas cusub oo ah in dhimashada ay u dhaxeyn karto 100,000 ilaa 200,000. Hase yeeshee, Fauci oo xubin ka ah guddiga madaxweyne Trump u xil saaray xakameynta cudurka, ayaa ka digay inaan loo qaban haddii tirada aysan sax noqon. “Ma doonayo in taas la ii qabto…waa wax is-beddelaya mar walba, si fudud ayaad ku qaldami karta oo aad ku marin habaabin kartaa shacabka,” ayuu yiri. Cudurka COVID-19 ayaa si xooggan ugu dhuftay Mareykanka toddobaadyadii dhowaa, si la mid ah qeybo ka mid ah Asia iyo Yurub. Kadib markii Mareykanka laga xaqiijiyey dhimashadii ugu horreysey ee ka dhalatay cudurka 29-kii Febraayo, waxay qaadatay ha bil in tirada gaarto kun qof, hase yeeshee kadib, laba maalin gudahood ayey ku gaartay 2200 oo qof. “Tani waa habka ay cudurada ugu faafaan si caalami ah, waana taas waxa aan dhammaanteen ka walaacsanahay, oo aan digniinta sare ugu qaadeyno,” waxaa sidaas tiri Dr. Deborah Birx, oo ah isu-duwanah guddiga Aqalka Cad u xil saaray xakameynta cudurka. “Ma jiro doono gobol ama magaalo ka bad-baadi doonta,” ayey tiri. Dalka Mareykanka ayaa ah dalka laga xaqiijiyey kiisaska ugu badan caalamka ee la xiriira Coronavirus, wuxuuna fayruska ku haleelay in ka badan 143,00 oo qof, oo 2,514 ka mid ah ay geeriyoodeen. AFP + VOA
  2. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Dowladda federalka ayaa ka hadashay qarixii ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddomiyihii Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xalay u geeriyoday Qarax ka dhacay Magaalada Garowe. Duqa Muqdisho ayaa so saaray amar cusub oo lagu xirayo Goobaha bulshada kulmiya, si loo yareeyo halista Cudurka Saf-mareenka ah ee CORONA. Cudurka CORONA VIRUS ayaa 2-Gabdhood oo Soomaali ah ku haleelay Magaalo ku taalla Dalka Belgium Taliyaha ciidanka Asluubta_Soomaaliyeed ayaa sheegay in Maxaabiista ku xiran gudaha xarunta loo qeybiyay agabka loo isticmaalo ka hortagga cudurka Covid19. Dadka ka sheqeeya sarrifka lacagaha qalaad ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimid ganacsigooda, kaddib markii uu duida ku faafay Caabuqa COVID19. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Bashiir Beerdaro iyo Anfac Aden Cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-30-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo baaritaano ah ka wada xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa u jeedkooda lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi. Sidoo kale baaritaanadaan ayaa yimid, kadib amar ka soo baxay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, kaas oo ku aadanaa in la adkeeyo amniga maamulkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Gaalkacyo, qeybteeda waqooyi waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada, iyadoona ay dhowaan ku dagaalameen maleeshiyaad xoog ku soo furtay nin maxbuus ahaa iyo ciidamada Booliska ee saldhigga magaaladaasi. View the full article
  4. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa soo dhaweysay dhaqaale gaaraya 1.7 Milyan oo dollarka Mareykanka ah oo Japan ay ugu deeqday dowladda federeaalka ah ee Soomaaliya. Xukuumadda Tokyo ayaa dhaqaalahaasi ugu deeqday Soomaaliya, si loogu kaabo dadaallada wax looga qabanayo arrimaha bani’adanimada ee ka jira dalka. UNHCR ayaa sheegtay in dhaqaalaha Japan ay ugu deeqday Soomaaliya la filayo in dib u dajin loogu sameeyo dadka ka soo laabanaya dalka Yemen, barakacayaasha iyo beeraleyda uu sanadkan dalagoodii cagta mariyay xayawaanka Ayaxa loo yaqaano. Wakiilka hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Johann Siffointe ayaa xusay in Japan ay ka mid tahay wadamada taageerada ugu xoogan siiya Soomaaliya, isagoo sheegay in shanti sano ee la soo dhaafay ay 34 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ugu deeqday Soomaaliya. Sidoo kale tilmaamay inuu uga mahadcelinayo dowladda Japan dhaqaalaha ay ku taageertay dadaalada lagu hormarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed ee danta yar. Horaantii sanadkan dowladda Soomaaliya iyo hay’daha gargaarka ayaa ku dhawaaqay malaayiin dollar, si looga jawaabo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, xilli ay bilowdeen roobabkii guga oo ka curtay qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. View the full article
  5. The Mogadishu municipal council has announced the suspension of the social activities at Liido beach to curb the spread of coronavirus in the country. Speaking during weekly meetings in the capital, the mayor of Mogadishu who also doubles up the governor of Banadir region, Omar Mohamed Mohamud has underlined the significance to close the beach hotels along Liido shoreline where hundreds gather during weekends with their families. Omar Filish also advised the public to follow the directives of the ministry of health on containing the coronavirus. The weekly meeting which focused on creating awareness on the Covid-19 was held at Shangani district headquarters and attended by senior federal government officials led by Minister for religious endowment, Sheikh Nur. The Banadir administration received testing equipment for the virus from the federal government on Sunday. So far three people have been confirmed positive with the COVID-19, they include two Somali citizens and one foreign contracted by the UN office in Somalia. View the full article
  6. The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has condoled the death of Nugal governor, Abdisalam Hassan Hersi on Monday. The late Mr. Hersi succumbed to injuries sustained from an al-Shabaab suicide bomber targeting his car in Garowe, the administrative capital of Puntland state. The head of state who condemned the heinous attack held a telephone conversation with Puntland leader, Saed Abdullahi Deni. A statement from Villa Somalia said President Farmajo sent his heartfelt condolences to the family and people of the state via regional leader Saed Abdullahi Deni. The President also wished quick recovery to those affected by the blast that killed the Nugal governor. Armed group al-Shabaab claimed responsibly for the attack via its online media. View the full article
  7. Iyada oo magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ay kullan xasaasi ah ku qaaten madaxda ugu sareysa maamulka Puntland ayaa waxaa kullankaasi laga soo saaray awaamiir ay mid tahay in xilliga habeenkii ah la joojiyo isku socodka dadka iyo kan gaadiidka ee deegaanada Puntland. Bandowgaan ayaa dhaqan galaya 1-da April waxa uuna bandowgu bilaabanaya 6-da maqribnimo ilaa 5-subaxnimo, iyada oo dhinaca kalane gadiidleyda yar yar amar lagu siiyay in aysan qaadi Karin wax ka badan 3 qof. Sidoo kale waxaa la mamnuucay isku imaatinka bulshada goobaha xafladaha, maqaaxiyaha laga cunteeyo, kuwa Shaaxa laga cabo kuwaas inta badan bulshadu aad u fariistaan iyo goobaha dhalintu ku ciyaaraan kubadda cagta, iyada oo bandow lagu soo rogay deegaanada Puntland laga bilaabo 1-da April.. Dhinaca kale waxaa laamaha amniga la faray in ay si adag uga shaqeeyaan guud ahaan amaanka deegaanada puntland. Waxaana ciidamada ilaalada xeebaha Puntland lagu amray in ay ka howlgalaan in xeebaha ku teedsan Puntland aysan soo gelin doomaha kaluumeysiga sharci darrada ah si looga hortago caabuqa COVID-19. Wasaraada caafimaadka ayaa horay u shaacisay in magaalada Muqdisho laga helay saddex kiis oo xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Soomaalida Sweden sida uu u saameeyay Xanuunka Coronavirus Waxaa diiradda la saaray Soomaalida oo ay dadku u qaybsameen mid ku wiirsadey iyo mid ka walaacey, ka dib markii ay saxaafadda Sweden faafiyeen warar sheegaya inay Soomaalidu u badan tahay dhimashada fayraska corona. ”Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo fayraska corona ugu dhimatay magaalada Stockholm ayaa Soomaali ah,” sida ay sheegtay Jamciyad ay leedahay Soomaalida Sweden. “Markii uu cudurkani Sweden soo gaarey, ma jirin xog ku filan oo ay Soomaalidu hayeen, qaar badanna sidoodii ayay nolosha u wateen,” ayay tiri Jihaan Maxamed, oo jamciyadda xubin ka ah oo u warrantay barnaamijka Agenda ee SVT. Sida ay sheegtay Jihaan Maxamed, 5 ka mid ah 6-da qof ee Soomaalida dhimatay waxay ku nool yihiin agagaarka Järva ee Stockholm, qofka 6-aad wuxuu ku noolaa degmada Järfälla ee isla caasimadda. Jihaan oo la weydiiyay in ay saba jiri karto waxay tiri: “Ma ogi sababta ay agagaarka Järva ugu badan yihiin dadka u dhintay fauraska Covid-19, balse qaar badan waxay ku nool yihiin guryo ay dad badan ku deggan yihiin, sidoo kale waxaa liita hab-raaca faya-dhowrka.” Jihaan ayaa sheegtay in ay la tahay “in dhaqanka Soomaalida arrimo ka mid ah in ay qeyb ka ciyaareen in fayraska uu ku dhex faafo”. “Dhaqanka Soomaalida waa muhim (marka la eego) is dhexgalka bulshadu, taageerada iyo in la is booqdo, gaar ahaan haddii uu qof xanuunsan yahay, kaaga darane Soomaalidu xog badan cudurka kama hayaan,” ayay tiri Jihaan oo sheegtay inay muhim tahay in lakala fogaado. Waxaa kadib qoraalkaas sii faafiyey Wargeysyada waawayn ee Sweden sida Expressen, Aftonbladet iyo qaar kale. Falcelinta Soomaalida Arrintan ayaa muran ballaaran ka oogtey dalka Sweden gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo ay Soomaali badan ku doodayaan “inay ahayd in aad looga fiirsado faafinta warkaas maadaama ay dhalin karto in Soomaalida la faquuqo”, sida Soomaalida qaar ay ku qoreen barahooda bulshada. Arrimaha kale ee doodda dhaliyay waxay tahay in qowmiyadaha kale ee fayraskan uu saameeyay inaan la magacaabin, marka dadku way ka “xumaadeen” in si gaar ah farta loogu godo Soomaalida. Durba waxaa bilowday “in kooxaha cunsuriyiinta ah in ay ku maadeystaan Soomaalida. “Annaga oo aan diidaynin inay dadku dhinteen ama is difaacaynin, waa inaan si kale oo ka qurux badan u qaabaynaa, sida inuusan jirin tirakoob rusmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Daryeelka Caafimaadka iyo Hay’adda Arrimaha Bulshada,” ayuu yiri Axmed Kaboole oo ka tirsan Golaha Degaanka Stockholm oo sheegay in aanu warka la hayaa weli rasmi ahayn. Wuxuu intaa ku daray: “Tan kale Sweden illaa iyo hadda si rasmi ah uma tirakoobin dhalashada dadka cudurkan u dhintay”. Qaar ka mid ah dhallinyarada waxay sheegayaan in Soomaalida “aysan weli ku baraarugsaneyn halista cudurka iyagoo tusaale ahaan weli dhooban makhaayadaha iyo meelaha lagu sheekaysto.” Wiil dhallinyaro ah oo la hadlay weriya Maxamed Xaaji Xuseen ayaa yiri: ”Shalay ilaa 40 qof ayaan ku arkay meel makhaayad ah.” Sweden waxay ka mid tahay dalalka Yurub ee fayraska Corona uu gaaray Qaar ka mid ah Soomaalida oo wacyigelin sameynaya waxay ku talinayaan in aan la dhayalsan balse la raaco tilmaamaha fayraska, isla markaana la kala fogaado, guryaha la joogo, nadaafadda lagu dadaalo, qofkii bukaan ahna uu dhakhtar la xiriiro dadka kalena ka fogaado. Isbedellada Soomaalida Khuseeya Iqra Maxamed Cali (Dhegeey) oo ah kalkaaliso caafimaad oo Soomaali ah oo ka howlgasha isbitaal ku yaalla magaalada Trollhättan ayaa ka warramaysa isbedello Soomaalida khuseeya oo kusoo kordhay isbitaalka ay ka shaqeeyso. “Waxaa la iga codsaday inaan af Soomaali ku tarjumo tilmaamamaha iyo xogaha ku saabsan fayraska corona,” ayey tiri Iqra oo BBC la hadashay, iyadoo intaa ku dartay waa “si ay Soomaalidu uga digtoonaadaan halistiisa, wixii la farayana u fahmaan.” Kiisaska guud ee dalka Sweden waxay hadda marayaan 3,447 oo kiis, kuwaas oo in ka badan 378 ka tirsan ay cusub yihiin, geerida guud waxay maraysaa in ka badan 105 qof, waxaana la qiyaasayaa in ugu yaraan 20 qof ay Soomaali yihiin.” Qaran News
  9. (SLT-Laascaanood)-Isu-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool oo ay weheliyaan shaqaalaha caafimaadka ee gobolka ayaa kormeer wacyigelin ah ku tagay jiidda hore ee Tukaraq iyo qaar kamid ah Saldhigyada ciidanka. Isu-duwaha iyo shaqaalaha caafimaadka ee wacyigelinta waday waxaa soo dhaweeyay xubno kamid ah saraakiisha ciidanka qaranka ee Jiida hore waxanay uga mahad celiyeen wasaaradda caafimaadka hawlaha wacyigelinta ciidanka ee khatarka xanuunka Coronavirus. Hawl wadeenka caafimaadka ee gobolka Sool ayaa ciidanka ku wareejiyay agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortagga cudurkaas. Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif ayaa sheegay inay ciidanka ku wacyigeliyeen sidii ay nadaafadda ugu kor ugu qaadi lahaayeen, Isla markaana ay u qaadan lahaayeen Talooyinka ka imanaya bah’da wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Ku saabsan xannuunka halista ah ee Covid19, waxaanu ciidanka qaranka uga mahad celiyay sidii ay u qaabileen shaqaalaha xafiiska caafimaadka ee gobolka Sool. Isu-duwuhu wuxuu intaas ku daray inay wacyigelinta sii wadi doonaan. Taliyaha aagga bari ee ciidanka qaranka JSL sareeye guuto Cali Barre Xuseen ayaa sheegay in lasoo gaadhsiiyay ciidanka Daawooyin iyo agabkii lagaga hortagayay coronavirus, waxanu uga mahad naqay wasaaradda caafimaadka dadaalka ay ugu jirto sidii bulshada loo wacyigelin lahaa. Source
  10. Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu xir-xiray tiro Soomaali ah oo jabisay bandow ay soo rogtay dowladda dalkaasi. Soomaalida la xiray oo aan tiradooda la shaacin ayaa la sheegay inay fureen goobahooda ganacsi, iyadoona ay jiraan kuwa kale oo lagu riday ganaax lacageed. Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee uu saameeyey cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya caalamka. Daa’uud Maxamed Axmed oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Turki-1.mp3 View the full article
  11. Waxaa maanta Magaalada Garowe lagu aasay Gudoomiyhii Gobolka Nugaal oo Xalay lagu dilay weerar Ismiidaamin ah. Boqolaal Qof ayaa ka qayb qaatay Aaska Marxuumka oo [...] Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Afar qof oo kamid ah dadkii dhowaan ay diyaarada Ethiopian Airlines ay ka dajisay Madaarka Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa laga helay cudurka dunida ku faafay ee Covid-19 ama Coronavirus. Afartaasi qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jabuuti ayaa iyagu ka soo dagay madaarka Hargeysa, kadibna uga sii gudbay xuduuda dhulka ee dowladda Jabuuti la wadaagto Somaliland, gaar ahaa Lowyacado, sida ay xaqiijisay dowladda Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa hore u shaacisay inay xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii caalamiga ahaa, midaasi oo kaliftay in dadkaasi ay kasoo dagaan madaarka Hargeysa, kadibna ay Jabuuti ka galaan xuduuda dhuleeda. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay Afartaasi qof in laga helay Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay xili ay isku dayayeen inay xuduuda Lowyacado uga soo gudbaan dalka Jabuuti. Arrintan ay shaacisay dowladda Jabuuti ayaa sii labo jibaareysa cabsida baahsan ee laga qabay dadka la socda diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeeda caadiga ah ku timaada Madaarka Hargeysa, midaasi oo suurta-gal ka dhigeysa in Somaliland ay noqoto xudunta Fayruskaasi ee deegaanada Soomaalida. Xukuumada Muuse Biixi ayaa hore u fasaxday dad u karantiilna, iyadoo ku sii deysay damaanad sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kuwaasi oo kasoo dagayna madaarkeeda, isla markaana looga shakisanaa inay qabaan cudurka Coronavirus. Waxaana xusid mudan in Rakaabka Ethiopian Airlines ay soo qaado aysan badankoodu dalalka ay ka yimaadeen ka soo marin baaritaan Caafimaad, midaasi oo iyaduna kor usii qaadeysa cabsida Coronaha ee Somaliland.
  13. Wali Xog rasmi ah kama soo bixin baaritaanka Dilkii Xalay loo gaystay Gudoomihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Gujir oo Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay. Siyaasiyiinta [...] Source
  14. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) ayaa ka warbixiyey iska hor imaad maanta ciidanka Booliska degmada Howlwadaag iyo rag hubeysan ku dhex-maray gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Saalax Carab ayaa sheegay in is-rasaaseynta ay timid, kadib markii ay isku dhaceen raggaasi oo uu tilmaamay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo ciidanka amniga Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in markii dambe toogasho lagu dilay labo ka mid ah raggaas oo ku hubeysnaa bistoolado. Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa sidoo kale intaasi ku daray in iska hor imaadka u dhexeeyey labada dhinac uu ku dhintay qof shacab ahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo kale oo uu mid ka mid ah yahay askir ka tirsan ciidamada Booliska. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhafay ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Cadaani-1.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-30032020-sx.mp3 View the full article
  16. Madaxweyne Deni ayaa Xil cusub u magacaabay mid kamida Daraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Madaxweynuhu isagoo xeerinaya qodobada Xil magacaabida Ciidanka ayuu magacaabay Taliyahaan cusub Gaadhaanle [...] Source
  17. Stockholm (Caasimadda Online) – Waxaa diiradda la saaray Soomaalida oo ay dadku u qaybsameen mid ku wiirsadey iyo mid ka walaacey, ka dib markii ay saxaafadda Sweden faafiyeen warar sheegaya inay Soomaalidu u badan tahay dhimashada fayraska corona. ”Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo fayraska corona ugu dhimatay magaalada Stockholm ayaa Soomaali ah,” sida ay sheegtay Jamciyad ay leedahay Soomaalida Sweden. “Markii uu cudurkani Sweden soo gaarey, ma jirin xog ku filan oo ay Soomaalidu hayeen, qaar badanna sidoodii ayay nolosha u wateen,” ayay tiri Jihaan Maxamed, oo jamciyadda xubin ka ah oo u warrantay barnaamijka Agenda ee SVT. Sida ay sheegtay Jihaan Maxamed, 5 ka mid ah 6-da qof ee Soomaalida dhimatay waxay ku nool yihiin agagaarka Järva ee Stockholm, qofka 6-aad wuxuu ku noolaa degmada Järfälla ee isla caasimadda. Jihaan oo la weydiiyay in ay saba jiri karto waxay tiri: “Ma ogi sababta ay agagaarka Järva ugu badan yihiin dadka u dhintay fauraska Covid-19, balse qaar badan waxay ku nool yihiin guryo ay dad badan ku deggan yihiin, sidoo kale waxaa liita hab-raaca faya-dhowrka.” Jihaan ayaa sheegtay in ay la tahay “in dhaqanka Soomaalida arrimo ka mid ah in ay qeyb ka ciyaareen in fayraska uu ku dhex faafo”. “Dhaqanka Soomaalida waa muhim (marka la eego) is dhexgalka bulshadu, taageerada iyo in la is booqdo, gaar ahaan haddii uu qof xanuunsan yahay, kaaga darane Soomaalidu xog badan cudurka kama hayaan,” ayay tiri Jihaan oo sheegtay inay muhim tahay in lakala fogaado. Waxaa kadib qoraalkaas sii faafiyey Wargeysyada waawayn ee Sweden sida Expressen, Aftonbladet iyo qaar kale. Falcelinta Soomaalida Arrintan ayaa muran ballaaran ka oogtey dalka Sweden gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo ay Soomaali badan ku doodayaan “inay ahayd in aad looga fiirsado faafinta warkaas maadaama ay dhalin karto in Soomaalida la faquuqo”, sida Soomaalida qaar ay ku qoreen barahooda bulshada. Arrimaha kale ee doodda dhaliyay waxay tahay in qowmiyadaha kale ee fayraskan uu saameeyay inaan la magacaabin, marka dadku way ka “xumaadeen” in si gaar ah farta loogu godo Soomaalida. Durba waxaa bilowday “in kooxaha cunsuriyiinta ah in ay ku maadeystaan Soomaalida. “Annaga oo aan diidaynin inay dadku dhinteen ama is difaacaynin, waa inaan si kale oo ka qurux badan u qaabaynaa, sida inuusan jirin tirakoob rusmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Daryeelka Caafimaadka iyo Hay’adda Arrimaha Bulshada,” ayuu yiri Axmed Kaboole oo ka tirsan Golaha Degaanka Stockholm oo sheegay in aanu warka la hayaa weli rasmi ahayn. Wuxuu intaa ku daray: “Tan kale Sweden illaa iyo hadda si rasmi ah uma tirakoobin dhalashada dadka cudurkan u dhintay”. Qaar ka mid ah dhallinyarada waxay sheegayaan in Soomaalida “aysan weli ku baraarugsaneyn halista cudurka iyagoo tusaale ahaan weli dhooban makhaayadaha iyo meelaha lagu sheekaysto.” Wiil dhallinyaro ah oo la hadlay weriya Maxamed Xaaji Xuseen ayaa yiri: ”Shalay ilaa 40 qof ayaan ku arkay meel makhaayad ah.” Qaar ka mid ah Soomaalida oo wacyigelin sameynaya waxay ku talinayaan in aan la dhayalsan balse la raaco tilmaamaha fayraska, isla markaana la kala fogaado, guryaha la joogo, nadaafadda lagu dadaalo, qofkii bukaan ahna uu dhakhtar la xiriiro dadka kalena ka fogaado. Isbedellada Soomaalida Khuseeya Iqra Maxamed Cali (Dhegeey) oo ah kalkaaliso caafimaad oo Soomaali ah oo ka howlgasha isbitaal ku yaalla magaalada Trollhättan ayaa ka warramaysa isbedello Soomaalida khuseeya oo kusoo kordhay isbitaalka ay ka shaqeeyso. “Waxaa la iga codsaday inaan af Soomaali ku tarjumo tilmaamamaha iyo xogaha ku saabsan fayraska corona,” ayey tiri Iqra oo BBC la hadashay, iyadoo intaa ku dartay waa “si ay Soomaalidu uga digtoonaadaan halistiisa, wixii la farayana u fahmaan.” Kiisaska guud ee dalka Sweden waxay hadda marayaan 3,447 oo kiis, kuwaas oo in ka badan 378 ka tirsan ay cusub yihiin, geerida guud waxay maraysaa in ka badan 105 qof, waxaana la qiyaasayaa in ugu yaraan 20 qof ay Soomaali yihiin.”
  18. Inkasta oo dowladda federaalka ah ay xirtay duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha hadana waxaan ogaannay in weli uu furan yahay xadka ay Soomaaliya la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya. Xogta ay heshay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegaysaa in qeybo ka mid ah xudduuda aan la wadaagno dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay yihiin kuwa shaqeynaya marka la eego dhinacyada isku socodka dadweynaha iyo kan rakaabka badeecadaha, waana xilli cabsi xooggan laga qabo faafidda xanuunka Coronavirus. Dowladda Soomaaliya ayaan wali xirin xudduudaha ay la wadaagto dowlaadaha deriska oo qaarkood iyagu xirtay xudduudooda markii ay amarro soo saareen sidoo kalane laga diiwaan galiyay kiisas la xiriira caabuqa Covid-19. Weriyayaal ku sugan degmooyinka Beladxaawo iyo Dhoobleey oo ka kala tirsan gobalada Gedo iyo Jubbada hoose ayaa waxa ay Goobjoog News u xaqiijiyeen in dowladda Kenya ay xiratay xadka ay goboladaasi kala wadaagto Soomaaliya balse taa badalkeeda dowladda federaalka ay ku guul dareysatay in ay xirato xadkeeda maadaama laga cabsi qabo faafidda xanuunka Covid-19. Waxaana sidoo kale jira in gaadiid si qarsoodi ah uga soo baxaya dowladda Kenya ay soo galaan dhulka Soomaaliya iyaga oo markaasi keenaya qaad iyo badeecado kale, waxaana dowladda Kenya marka ay ogaato gawaaridaas sida dhuumaaleysiga ah ku gala Soomaaliya ay dul dhigtaa ganaaxyo. Marka laga yimaado in Kenya ay xiratay xadkeeda ma jirto dadaalo dowladda federaalka ay iyaduna si buuxda ugu xiranayso xadka ay la wadaagto dalkaasi, waxaana inta badan hakad ku jira isku socodka dadka iyada oo labada xuduudood ay yihiin kuwa hal dhinac ka xiran. Dhanka kale xadka dowladda Itoobiya ay kala wadaagto Soomaaliya ayaa ah mid furan oo waxaa si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isaga kala goosha labada dowladood waa Soomaaliya iyo Itoobiyee. Ilo ku sugan gobalka Hiiraan ayaa Goobjoog News waxa ay u sheegeen in deegaanada gobalkaasi uu yimaado qaadka loo yaqaan “hareeriga” oo ka baxa dalka Itoobiya waxa ayna intaas hadalkooda ku dareen in aysan jirin wax isbadala oo ku yimid isku socodka badeecadihii ka imaan jiray Itoobiya tan iyo markii xanuunkaan uu soo gaaray bariga iyo geeska Afrika. Sidoo kale dadka nala hadlay ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaadkii Miiraha ahaa ee ka imaan jiray Kenya uu hakad ku yimid balse haatan gobalkaasi laga isticmaalayo qaadka Hareeriga ah oo markii hore aan suuq fiican ku lahayn deeganada gobalka Hiiraan. Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo labaduba xuduudo la wadaaga Soomaaliya ayaa waxaa horey looga shaaciyay kiisas xanuunka Coronavirus ah, waxaana dowladda federaalka ay sheegtay in dalka lagu soo rogay xayiraad ku aaddan duulimaadyada caalamiga ah, balse wali dowladdu kama fekerin sidii ay xayiraad ugu soo rogi lahayd xuduudda aan la wadaagno dowladaha deriska nala ah ee laga helay caabuqa Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Shacabka Puntland waxaad moodaa inay u dhaga Nugal yihiin go’aamada Dowladu soo saartay oo ah ka hortaga Cudurka Corona Virus. Xuduuda Puntland iyo Itoobiya ayaa [...] Source
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday taliye ku xigeenkii qeybta Booliiska gobolka Bari, G/dhexe Cabdirashiid Barre Maxamed Aaamusane. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa taliye ku xigeenka cusub ee Booliiska gobolka Bari loogu magacaabay G/dhexe Cabdifitaax Maxamed Maxamuud Qaal, oo laga soo wareejiyay ciidanka Daraawiishta Puntland. Sida dikreetada ku xusan, waxaa go’aankaas loo qaatay dardar gelinta Amniga gobolka Bari, xilli maalmahan falal amni-darro ka dhacayeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Halkaan ka akhriso dikreetada xilka qaadista Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland.Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.