-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Dalalka deynta bixiya ee la isku yiraah Paris Club (Naadiga Paris) ayaa Talaadadii isku raacay inay Sooomaaliya ka cafiyaan 1.4 bilyan oo dollar oo ka mid ah lacagta lagu leeyahay oo gaareysa 5.2 bilyan oo dollar. Go’aankan, oo sidoo kale dib loogu habeynayo deynta lagu leeyahay Soomaaliya, ayaa waxaa uu la macno yahay in dalalkan ay nasakhayaan 67% deynta ay ku leeyihiin Soomaaliya. Go’aanka ayaa yimid kadib wada-xaajood sagaal saac socday oo ay ku yeesheen video. “Soomaaliya waxaa la filayaa inay marxaladda Completion Point gaarto 31-ka March 2023 ama ka hor, markaas oo ay heli doonto in laga cafiyo deynta harsan, ayada oo ka faa’iideysaneysa barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Naadiga Paris. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa go’aanka ku qeexay tallaabo weyn oo ay horey u qaadday Soomaaliya. “Waxaan Naadiga Paris la yeelanay wada-hadallo miro-dhal ah, waxaana soo dhoweeneynaa taageerada ay Soomaaliya uga cafinayaan tiro la taaban karo oo ka mid ah deynta ay ku leeyihiin,” ayuu Beyle u sheegay wakaaladda wararka Reuters. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wada-hadallo gooni ah mid mid ula yeelan doonta dalalka Naadiga Paris, si loo soo geba-gebeeyo hanaanka deyn-cafinta. Beyle ayaa ballan-qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto is-beddelada dhaqaale ee ay qaaday lixdii sano ee tegay, si ay ugu guuleysato deyn-cafin buuxda. Sarkaal ka tirsan hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaal kale la filayo inay Soomaaliya u ballan-qaadaan deyn-cafin, taasi oo Soomaaliya u suurta-gelineyso in laga cafiyo 100% deynta lagu leeyahay muddo saddex sano gudahood ah, haddii ay dhameystirto marxaladda labaad ee shuruudda deyn cafinta, ee loo yaqaan Completion Point. IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa toddobaadkii tegay sheegay in Soomaaliya ay soo geb-gebeysay marxaladda koowaad ee deynta cafinta oo loo yaqaan Decision Point. Naadiga Paris, ayaa waxaa ku jira dalal ay ka mid yihiin UK, Mareykanka iyo Norway.
-
Farxan Cali Xalane (35-jir) oo ah aabe soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway islamarkaana isaga iyo dhammaan qoyskiisa uu ku wada dhacay cudurka coronavirus ayaa digniin u diray umadda soomaaliyeed, gaar ahaan skuwa ku nool dalka Norway. Aabe Farxaan oo video uu soo dhigay bartiisa Facebook uga sheekeeyay qaabka uu ugu dhacay cudurkan iyo sida uu u saameeyay ayaa waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in cudurkani uu markiisa hore kasoo qaaday xuduudda dalka Sweden oo uu u aaday adeeg. Wixii maalintaasi adeegga ka dambeeyay ayuu sheegay in uu la xanuunsanaa cudurka coronavirus, isagoona qaadsiiyay dhamaan qoyskiisa oo ka kooban xaas iyo afar carruur ah oo kan ugu weyn uu 9 jir yahay, kan ugu yarna uu 3 jir yahay. Iminka oo ay ka wada caafimaadeen cudurkaasi ayuu Aabe Farxaan waxa uu uga digayaa umadda soomaaliyeed halista uu leeyahay cudurkaasi, isagoona usoo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin in ay raaxaan talooyinka caafimaad ee ay bixinayaan dowladaha ay la nool yihiin. ” – Waxaan isku arkay dhammaan calaamadaha cudurkaasi. Waxaan la xiriiray dhakhtarka, waxaana guriga la iigu soo dray kal-kaaliso i baarta oo markii dambe iga heshay cudurka”, ayuu yiri Aabe Farxaan. Waxa uu uga digay soomaalida in ay guryohooda joogaan muddo 14 maalmood ah, haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka coronavirus. Dhibaatada ugu weyn ee baraarug-la`aanta cudurkan ee bulshada soomaaliyeed dhexdeeda ayuu ku sheegay in ay tahay la socod la`aanta, warbaahinta iyo farriimaha dowadda, waxaana uu intaa raaciyay in ay soomaalidu yihiin dad war-ku-nool ah oo sheeko wax ku kala qaata. Waxa uu kula taliyay bulshada soomaaliyeed in uusan cudurkan ku noqonin shook, balse ay ku dadaalaan sidii ay uga caafimaadi lahaayeen mar haduu ku dhoco. Waxa uu ka walwalsan yahay dadka taagta daran ee uu cudurkan haleelo, misna usii dheer cuduro kale sida sokorta, dhiig-karka iyo asmada. Sida ku cad warbixin caafimaad oo ku saabsan cudurka coronavirus oo ay soo saareen hay`adaha caafimaadka Norway ayaa waxaa lagu sheegay in ka badan 100 soomaali ah in uu ku dhacay cudurka faraha ba`an ku haya caalamka ee loo soo gaabiyay COVID19. Tiradan boqolka kor u dhaafeysa ee soomaalida ah islamarkaana laga helay cudurka coronavirus ayaa daggan labo xaafadood oo dhabarka isku haya, sida lagu sheegay warbixinta, waxaana ay labadaasi xaafadood kala yihiin Grønland iyo Tøyen. 13 ka mid ah dadkan ayaa la sheegay in ay isbitaalka u jiifaan xanuunkan oo uu naqaska ku ceshoomay, balse warbixinta lahuma sheegin qof u dhintay wali. Guud ahaan dalka Norway tirada ilaa iyo iminka la diiwaangeliyay oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ah 4390 ruux, waxaana isbitaalka u jiifa 317 ruux halka tirada u dhimatay ay sii cago-cageyneyso 31 ruux. Dadka cudurkan ugu dhintay Norway ayaa waxaa ay i badanyihiin waayeelo, waxaana kan ugu yar da`diisa lagu sheegay 61 jir. Si kastaba, tirada soomaalida uga dhacday cudurkan ayaa ah mid aad u sarreysa tan ajaaniibta kale, waxaana dhawaan cabasho ay ka timid booliska kuwaas oo ku wareeray soomaalida oo aan qaadan ama la socon digniinihii xakameynta cudurkan ee loogu baaqay shacabka in eysan guryohooda kasii bixin. Qaran News
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaa xalay si rasmiya uga dhaqan-galay bandow ay xilliyada Habeenkii ah soo rogtay Xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Dhammaan dadweynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, ayaa guryahooda ku xerooday lixdii makhribnimo ee xalay kadib markii Taliska Booliiska Gobolka Bari uu ogaysiis ku bixiyay in la fuliyo Amarkii dowladda, islamarkaana dadku guryahooda ku negaadaan. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo qoraal kooban soo saaray Saqdii dhexe ee xalay, ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Amarka dowladda Puntland, uu magaalada Boosaaso si rasmiya uga dhaqan-galay bandowgii xukuumaddu soo rogtay. G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay dadweynaha Boosaaso sida ay ugu hoggaansameen Amarka dowladda ee la xiriira bandowga xilliyada habeenkii ah, kaasi oo socon doona mudda 15 cisha ah, si looga hortago Coronavirus. “Waxaan U Mahadcelinayaa Shacabka Guud Ahaan Magalada Bosaaso Oo Ciidamada Si Wanaagsan Ula Shaqeeyay Wana Arin Ay Shacabka Bosaaso Lagu Yaqaanay In Ay U Hogasamaan Awaamirta Madaxda Dowlada Puntland” ayuu yiri Taliyaha. Sidoo kale,Ciidanka ayuu ku Amray in ay si Wanagsan ula Dhaqmaan shacabka ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Bandowgii Puntland soo rogtay oo si rasmiya uga dhaqan-galay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhabo loogu doorto jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Cali Saciid Fiqi ayaa 19-kii bishan lagu dhex arkay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed, iyadoo uu ka mid noqday musharaxiinta isu soo sharaxay Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku qanciyeen in uu isaga soo taggo Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium-ka, halkaas oo uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, isla-markaana uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo, uguna fariismo kursiga ugu sareeya ee Baarlamaanka. Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa maalintii Axada soo gaaray Magaalada Baydhabo, markii uu kaga soo gudbay dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud. Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay inay suggaan amniga Cali Saciid Fiqi, oo dhawaan iska casilay Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub. Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in musharaxa la dejiyay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, oo dacalka ku haysa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, waana halkii la dejiyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, 19-kii December ee sanadkii 2018. Illaa shan Xildhibaan ayaa u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad. Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur ayaa isu soo sharaxay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u taagan yihiin jegada Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow ay u taagan tahay jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad. Haddii aynaan wax mucjiso ahi dhicin musharax Cali Saciid Fiqi waxa uu maanta noqon doonnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
-
Warbixin:Sidee loo aasayaa qofkii uu dilo xanuunka Coronavirus? Tan iyo intii aafada Coronavirus ku habsatay dunida ee dadka tirada badan ugu dhinteen cudurkan, dunida daafaheeda, waxa fududaatay hadal haynta arrin ay dadku, si kasta oo ay u kala diin iyo dhaqan duwanyihiin ba, ka gaabsan jireen oo aanay jeclayn soo hadal qaadkeeda. Waa geerida iyo aaska dadka dhinta oo aadamuhu ka simanyihiin cabsida ay ka qabaan, soo hadal qaadkoodana ay u yaqaanaan saad baas. Way ka fursan weyday oo waxa qasab noqotay in qoomiyad kastaa ka fikirto oo ka dooddo sida ugu haboon ee qofkii u dhinta fayraska halista ah ee Covid-19, aaskiisa loo waafajin karo diinta bulshadaasi haysato iyo hab dhaqankeeda tacsida loo dhigo iyo baroor diiq wadareedka dhaqamada qaarkood u gaarka ah. In kasta oo ummad walba dhaqan u gaara ah oo aaska la xiriira ay leeyihiin, ayaa haddana waxaa xaqiiqo ah in ay intii isku diin ahba ay jiraan wax badan oo ay wadaagaan oo diintoodu dhigaysa. Muslimiinta ayaana ka mid ah dadka kala isirka iyo afkaba ah ee haddana iimaanku mideeyo. Waxaa jiro axkaam ay shareecada Islaamku dhigtay oo ay waajib tahay in qofka Muslimka ah aaskiisa la waafajiyo diinta islaamka. Waa hab ay diintu ku xurmayso aadanaha oo la faray Muslimiinta in qofka ka dhinta waajib ka saaranyahay oo ay tahay in ay u sagootiyaan sida ay shareecadu dhigtay. Uma baahna faahfaahin dheeeraad ah oo akhriste qudhaaduba waad fahmeysaa, waxaynu ka hadlaynaa waxa uu yahay ee ah maydhid, kafan iyo salaadda jinaasada ah ee waajibka ah. Su’aashuse waxay tahay, qofka Muslim ka ah ee u dhinta cudurkan Covid-19, sidee ugu haboon ee loo aasi karaa? Haddii aanay suurto gali karin sidii shareecadu jidaysay maxaa laga yeelayaa? Su’aalahan waa kuwo ay Muslimiinta dunida oo dhami maalmahan ba is weydiinayeen. Weliba, in laga jaahil saaro waxaa aad ugu hanqal taagayey Muslimiinta ku dhaqan dalalka ay ku yaryihiin ee aqlabiyaddoodu tahay dadka diimaha kale haysta, sida wadamada reer Galbeedka oo kale. Jawaabaha ay ka bixiyeen culimada diinta ee Muslimiintu ayaa gabigooduba isku mid ah oo aan waxba ku kala duwayn. Al-Azhar Al-Shareef oo ah xarrun weyn oo Muslimiintu aad u tix geliyaan kana mid ah xarumaha diinta Islaamka ee ugu faca weyn ayaa Fatwo ay soo saartay ku faahfaahisay sida ugu haboon ee ay tahay in loo aaso qofka u dhinta cudurkan halista ah ee fayraska Covid-19. “Asalku waxa weeyi in qofka Muslimka ah ee dhinta la maydho maydkiisa, kafan lagu xidho oo lagu tukado salaadda jinaasada, haddii se qofku u dhinto cudur faafa oo la kala qaado oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyaan in maydkaa maydhiddiisa laga qaadi karo cudurka uu u dhintay, marka waajibkaasi meesha wuu ka baxayaa oo sida ay khubarada caafimaadku ku taliyeen ayaa la raacayaan oo kafankii iyo maydhiddiiba waajib noqon maayaan,” Ayey tidhi Fatwadu. Jawaabtan oo kale waxa isna bixiyey oo ka hadlay sida loo assayo qofka u dhinta cudurkan halista ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaalida. Wuxuu sheekhu sheegay in waajibaadkaa ay shareecadu jidaysay ee ah maydhidda, kafan ku xiridda iyo salaadda jinaasadu “ay meesha ka baxayaan oo ay diintu ruqsadaa bixinayso” haddii Muslimiinta nool ee aasi lahayd qofkaa dhintay ay naftoodu halis ku galayso arimahaas, sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadku ee ah in xataa maydka laga qaadi karo cudurkan Covid-19 haddii dadku taabtaan. Sheekhu wuxuu aad u faahfaahiyey arrintan, isagoo dadka u sharaxay hadba sida ay diintu u eegto maslaxada dadka nool ee Muslimiinta ah. “Sababtu waxaa weeyi in badan oo axkaamta shareecada iyo waajibaadka iyo faraa’idda diinta ka mid ah, waxay u dhacaan oo ay meesha uga baxaan markii uu ka dhalanayo samayntooda darar iyo dhib ka weyn,” ayuu yidhi sheekh Umal. Qaran News
-
Tan iyo intii aafada Coronavirus ku habsatay dunida ee dadka tirada badan ugu dhinteen cudurkan, dunida daafaheeda, waxa fududaatay hadal haynta arrin ay dadku, si kasta oo ay u kala diin iyo dhaqan duwanyihiin ba, ka gaabsan jireen oo aanay jeclayn soo hadal qaadkeeda. Waa geerida iyo aaska dadka dhinta oo aadamuhu ka simanyihiin cabsida ay ka qabaan, soo hadal qaadkoodana ay u yaqaanaan saad baas. Way ka fursan weyday oo waxa qasab noqotay in qoomiyad kastaa ka fikirto oo ka dooddo sida ugu haboon ee qofkii u dhinta fayraska halista ah ee Covid-19, aaskiisa loo waafajin karo diinta bulshadaasi haysato iyo hab dhaqankeeda tacsida loo dhigo iyo baroor diiq wadareedka dhaqamada qaarkood u gaarka ah. In kasta oo ummad walba dhaqan u gaara ah oo aaska la xiriira ay leeyihiin, ayaa haddana waxaa xaqiiqo ah in ay intii isku diin ahba ay jiraan wax badan oo ay wadaagaan oo diintoodu dhigaysa. Muslimiinta ayaana ka mid ah dadka kala isirka iyo afkaba ah ee haddana iimaanku mideeyo. Waxaa jiro axkaam ay shareecada Islaamku dhigtay oo ay waajib tahay in qofka Muslimka ah aaskiisa la waafajiyo diinta islaamka. Waa hab ay diintu ku xurmayso aadanaha oo la faray Muslimiinta in qofka ka dhinta waajib ka saaranyahay oo ay tahay in ay u sagootiyaan sida ay shareecadu dhigtay. Uma baahna faahfaahin dheeeraad ah oo akhriste qudhaaduba waad fahmeysaa, waxaynu ka hadlaynaa waxa uu yahay ee ah maydhid, kafan iyo salaadda jinaasada ah ee waajibka ah. Su’aashuse waxay tahay, qofka Muslim ka ah ee u dhinta cudurkan Covid-19, sidee ugu haboon ee loo aasi karaa? Haddii aanay suurto gali karin sidii shareecadu jidaysay maxaa laga yeelayaa? Su’aalahan waa kuwo ay Muslimiinta dunida oo dhami maalmahan ba is weydiinayeen. Weliba, in laga jaahil saaro waxaa aad ugu hanqal taagayey Muslimiinta ku dhaqan dalalka ay ku yaryihiin ee aqlabiyaddoodu tahay dadka diimaha kale haysta, sida wadamada reer Galbeedka oo kale. Jawaabaha ay ka bixiyeen culimada diinta ee Muslimiintu ayaa gabigooduba isku mid ah oo aan waxba ku kala duwayn. Al-Azhar Al-Shareef oo ah xarrun weyn oo Muslimiintu aad u tix geliyaan kana mid ah xarumaha diinta Islaamka ee ugu faca weyn ayaa Fatwo ay soo saartay ku faahfaahisay sida ugu haboon ee ay tahay in loo aaso qofka u dhinta cudurkan halista ah ee fayraska Covid-19. “Asalku waxa weeyi in qofka Muslimka ah ee dhinta la maydho maydkiisa, kafan lagu xidho oo lagu tukado salaadda jinaasada, haddii se qofku u dhinto cudur faafa oo la kala qaado oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyaan in maydkaa maydhiddiisa laga qaadi karo cudurka uu u dhintay, marka waajibkaasi meesha wuu ka baxayaa oo sida ay khubarada caafimaadku ku taliyeen ayaa la raacayaan oo kafankii iyo maydhiddiiba waajib noqon maayaan,” Ayey tidhi Fatwadu. Jawaabtan oo kale waxa isna bixiyey oo ka hadlay sida loo assayo qofka u dhinta cudurkan halista ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaalida. Wuxuu sheekhu sheegay in waajibaadkaa ay shareecadu jidaysay ee ah maydhidda, kafan ku xiridda iyo salaadda jinaasadu “ay meesha ka baxayaan oo ay diintu ruqsadaa bixinayso” haddii Muslimiinta nool ee aasi lahayd qofkaa dhintay ay naftoodu halis ku galayso arimahaas, sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadku ee ah in xataa maydka laga qaadi karo cudurkan Covid-19 haddii dadku taabtaan. Sheekhu wuxuu aad u faahfaahiyey arrintan, isagoo dadka u sharaxay hadba sida ay diintu u eegto maslaxada dadka nool ee Muslimiinta ah. “Sababtu waxaa weeyi in badan oo axkaamta shareecada iyo waajibaadka iyo faraa’idda diinta ka mid ah, waxay u dhacaan oo ay meesha uga baxaan markii uu ka dhalanayo samayntooda darar iyo dhib ka weyn,” ayuu yidhi Sheekh Umal. Isha: BBC Somali
-
War si rasmiya uga soo baxay hay’adda caalamiga ah ee damaanad-qaadka maalgashiga dunida ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano MIGA ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka 182aad ee xubnaha hay’adda MIGA. War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay inay MIGA ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqotay xubinta 182-aad ee hay’adda, ka dib markii uu caadi ku soo noqday xiriirka maaliyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay Baanka Dunida. Xubinnimadan Soomaaliya waxay fursado ugub ah u siinaysaa hanashada maalgashiyo shisheeye oo toos ah iyo hor’umarinta kobaca dhaqaale ee sanadaha soo socda. “Waxaan bogaadinayaa dowladda Federaalka ah Soomaaliya in ay si guul leh u fulisay shuruudaha xubinnimada MIGA,” sidaas waxaa yiri ku xigeenka Madaxa Fulinta ee MIGA Hiroshi Matano. Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isaguna sheegay in ganacsiga gaarka loo leeyahay ay qeyb muhiim ah ka yihiin horumarka dalka, tan dhaqaalaha iyo hor’ukaca bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in xubinnimada MIGA ay Soomaaliya u xaqiijin doonto in ganacsiga gaarka ah iyo maalgashadayaashu ay helaan taageero si loo ballaariyo maalgashiga, loona abuuro fursado lagu suurtogeliyo hor’umarro waara oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya iyo caalamkaba. Maxay tahay MIGA? MIGA oo laga soo gaabiyay (Multilateral Investment Guarantee Agency) waa hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa dammaanad-qaadka maalgashiyada gaarka ah dalalka dunida. Hay’addu waxay ka ilaalisaa dalalka soo kobcaya khataraha ka dhanka maalgashiyada iyo ganacsiyada gaarka ah sii loo dhiirri-geliyo kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah (FDI). MIGA waxaa la aasaasay 1988, waxayna xubin ka tahay bahwadaagta Baanka Adduunka (WBG). Waxaa loo aasaasay si sare loogu qaado maalgashiga shisheeye ee tooska ah ee dalalka dhaqaalahooda soo kobcayo, iyadoo ka caawineysa yareynta halisaha xaddidaadda baddelidda iyo wareejinta lacagaha, jebinta kunturaadaha lala wadaago dowladda, la wareegidda hantida gaarka loo leeyahay; iyo sido kale kordhinta ammaahda iyo sumcadda ganacsiyada gaarka ah, maalgashiga iyo sidoo kale kuwa wax ammaahda. Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay xubinnimadan? Xubinnimada MIGA waxay Soomaaliya uga dhigan tahay in dalkeennu uu diyaar garoobayo ka qeyb-galka dhaqaalaha gobolka iyo hor’umarrada maalgashi ee ka socda Geeska Afrika. Waxay arrintan u sahleysaa in ganacsiyada gaarka iyo maalgashiyada shisheeye ay maalgashadaan qeybaha mudnaanta leh fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka dibna ay hay’adda MIGA ka codsadaan dammaanad-qaad toos ah. Sida ka muuqata warbixinnada sanadlaha ah ee MIGA waxay dalalka Geeska Afrika, sida Kiinya, Itoobiya, iyo Jabuuti kala shaqeysay sanado badan maalgelinta mashaariic kala duwan oo ah dhinacyada wax-soo-saarka, tamarta, dhismaha, caafimaadka, tacliinta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, dekadaha iyo xarumaha ganacsiga. Runtii waa guul taariikhiya oo dalkeenna u soo hoyatay, waana tillaabo dhinaca togan loo qaaday. Waxaan bogaadinayaa dhammaan dadkii dadaalka lixaadka leh ku bixiyay arrinkan oo ugu horreeyo Abdiqani Abdi Jama, la taliye sare oo arrimaha Dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan, Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka oo ugu horreeyo Baarlamaanka, Xukuumadda, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha iyo cid walba oo gacan ka geystay meelmarinta heshiiska dalkeena u suurta-geliyay xubinnimadan. W/Q: C/Qafaar Shire Email: Abdikafarshire@gmail.com Twitter: @AbdiqafarShire AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
WASHINGTON/PARIS (Reuters) – The Paris Club of creditor nations agreed on Tuesday to restructure Somalia’s debt, including immediately canceling $1.4 billion owed by the impoverished Horn of Africa country. Three decades of conflict have left Somalia all but cut off from the global financial system and relief from its debt is expected to open the way for new sources of financing for the country. The decision, first reported by Reuters, cancels 67% of the debts owed to Paris Club creditors by Somalia. It came after more than nine hours of discussions by videoconference. Somali Finance Minister Abdirahman Beileh called the decision a big step forward for his country, which is also grappling with the coronavirus outbreak and a recent desert locust swarm. “We had very productive discussions with the Paris Club and we welcome their support in relieving Somalia of a substantial amount of its debt to them,” Beileh told Reuters. He said the Somali government would hold separate bilateral discussions with the creditors to finalize the process. He said his government would continue the economic reforms it had undertaken over the past eight years to enable the debt relief. An official with the International Monetary Fund said several creditors were expected to grant Somalia additional debt relief on a bilateral basis, and it could eventually see 100% debt cancellation deals with some countries after it completes additional steps under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative in about three years. The IMF and the World Bank said last week that Somalia had taken the necessary steps here to begin receiving debt relief. Several of Somalia’s Paris Club creditors, including the United States, the UK and Norway, as well as the World Bank and the IMF, urged Paris Club members to provide “generous” debt relief to Somalia during the negotiations on Tuesday, said one source familiar with the discussions. Somalia is the 37th country to qualify for debt relief under the HIPC process. In time, debt relief will help Somalia reduce its external debt to $557 million in net present value terms from $5.2 billion at the end of 2018, the IMF and the World Bank said. The IMF last week also approved a new three-year $395 million financing arrangement for Somalia under its Extended Credit Facility (ECF) and Extended Fund Facility (EFF).
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-___-Qumanah-Warraka-31032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in caawa lagu dilay haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka gobolka Banaadir. Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Maxamuud Axmed, waxaana la sheegay in ay dileen rag bastoolado ku hubeysan, kuwaas oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkeeda. Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana gaaray halka lagu dilay haweeneydaas, ciidamada booliska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Illaa hadda ma jirto cid ay shaaciyeen ciidamada ammaanku oo loo soo qabtay dilka haweeneydaas ka tirsaneyd ururka haweenka gobolka Banaadir, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuum Maryan Maxamuud. Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo markii ay doonaan ay ka fuliyaan dilal qorsheysan. Isniintii shalay ayey aheyd markii suuqa weyn ee Bakaaraha ay ciidamada ammaanku ku toogteen laba ka tirsaneyd kooxaha Al-Shabaab dilalka uga fuliya magaalada Muqdisho, kadib markii is rasaaseyn kooban ay gudaha suuqa ku dhex martay, iyaga iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo ay mid ka dhaawaceen.
-
Two Ethiopian peacekeepers were killed and four others wounded in a bomb blast in southern Somalia, officials said Tuesday. A vehicle carrying Ethiopian peacekeepers part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) was targeted in Garbaharey town in southwestern Gedo region, according to a local police official. “The attackers used an improvised explosive device to target Ethiopian soldiers based in Garbaharey. Two Ethiopian peacekeepers were killed and several other people, including soldiers and civilians, are being treated in hospital,” police officer Nour Bashir told Anadolu Agency over the phone. Garbaharey, the capital of Gedo region, is located 449 kilometers (278 miles) southwest of Somalia’s capital Mogadishu. The attack has been claimed by the Somalia-based al-Shabaab group, which is affiliated with al-Qaeda. It comes a day after the Somalian military said it had killed 142 al-Shabaab militants in recent operations in the lower Shabelle region. The group also claimed responsibility for Sunday’s suicide bombing in the autonomous region of Puntland targeting the governor of Somalia’s Nugal region. At least one person was killed and four others — including Nugal Governor Abdisalan Hassan Hersi and former Nugal region police chief Farah Galangoli — suffered serious injuries in the attack in Garowe.
-
Civilian casualties continue to mount from the US military’s secret air war in Somalia, with no justice or reparation for the victims of possible violations of international humanitarian law, Amnesty International warned as it released details of two more deadly air strikes so far this year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal uu soo saaray oo ku saabsan cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, waxa uu farriin ugu diray kooxda Al-Shabaab. Ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay ku celinayaan baaqa xoghayaha guud ee QM ee ah “xabad-joojin caalami ah oo meel la isaga dhigayo rabshadaha, is-aaminaad la’aanta, cadaawadda iyo naceybka.” “Halkan Soomaaliya, QM waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dhammaan ficillada rabshadaha iyo argagixisada, si dhammaan kheyraadka iyo taageerada loogu jiheeyo dagaalka ka dhanka ah COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka James Swan. “Tani waa muhiim si caawimaadda lagu bad-baadinayo noloshada loo gaarsiiyo bulshooyinka dalka oo dhan.” James Swan ayaa sheegay in bahda QM ee Soomaaliya ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xilliga dhibka badan, ayna sii wadi doonaan taageerada wax looga qabanayo saameynta caafimaad iyo midda dhaqaale ee cudurka COVID-19. “Waa inaan dhammaanteen u midownaa inaan ka hortagno faafitaanka cudurkan. Waxaan si gaar ah ugu baahannahay inaan dareen gaar ah ku bixino kuwa ugu baylahan bulshadeena, oo ay ku jiraan barakacayaasha, dadka xanuunsan iyo dadka da’da ah,” ayuu yiri. QM ayaa ugu baaqday in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay isugu yimaadaan dagaalka ka dhanka ah COVID-19. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xaqiijisay saddex kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, oo mid ka mid ah laga helay qandaraasle la shaqeeya UNSOM, halka labada kale ay yihiin Soomaali kasoo noqotay dalka dibeddiisa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabduqaadir Muudeey, oo ah la-taliyaha dhanka warbaahinta Hirshabelle State ayaa dulmi ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray taliyaha asluubta ee ku aadanaa sheegashada dhulka Keysaneey iyo degmada Balcad. Muudeey ayaa bartiisa facebook kusoo daabacay sidaan:- Taliyahaan halayga gaarsiiyo dhulka asluubta leedahay ee aan laga raadineyn, Hargeysa, Kismaayo, Baardheere, Boosaaso, Garoowe iyo Caabudwaaq in aanan laga heli doonin Kaaraan iyo Balcad. Taliyow hadaad dhul rabto hal qoys degan yihiin shub, hadii wax laguu soo sheegay aad soo qaadatayna shub, hadaadan aqoon ulaheyn dadka degan dhulkaa sheeganayso shub . Taariikhda aad leedahay 1980kii ayaa asluubta lasiiyayna waqtigaas dalka nin xoog millatari ku qabsaday ayaa ka talinaayay, siffo sharci darro ah ayaana dhulkaa dadkii lahaa looga qaaday. Maanta dalku waa federaal ee waxa aad sheegayso hadii ay dowladnimo kaatahay tag magaalooyinka aan kor kusoo xusay, hana ku riyoon dadkii canshuurta kaligood laga qaadayay ee ku qanacsanaa aad Tvgii qaranka uga soo dirto farriin ku qotonta handadaad. Qaanuunkii lagu dhaqayay dalka ee kooxdii kacaanka Jamhuuriyadda Soomaaaliya lamagac baxay, waxaa lagu bedelay qaanuun Kmg ah oo federaal ah,dalkuna waa hore ayuu ka guuray qaanuunka warqadahaas soo saaray. Inta aad taliyaha ahayd waxaad nala wadaagtay, erayo kuu caanbaxay oo ay kamid tahay :- Shub hadaad il la’dahay,hadaad lug la’dahay shub iyo hanadaad aad shacab masaakiina intaad meel soo saftay si aan qarsooneeyn aad ku laheyd xabad ayaan idin taqaan. Waxaan kula wadaagayaa in dalkaan ay maslaxaddiisu tahay deganaan iyo in laga wada shaqeeyo isku keenid kalsooni ku dheehan tahay ee shubta kuu caan baxday dareen dowladnimo oo qaanuunkeeduna Kmg yahay fahamkeeda qaado. Hassan Abdulkhader Mudey
-
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa goordhow shaacisay in gudaha Somaliland laga xaqiijiyey labo ruux kuwaas oo laga helay xanuunka COVID-19 oo haray wasaaradda caafimaadka u karantiishay markii laga shakiyey, wasaaradda ayaana ka qaaday dheenaanno lagu ogaanayey in ay ka badqabaan Caabuqa Coronavirus. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo goordhow saxaafadda kula hadalay magaalada Hargeysa ayaa sheegay labo ruux ay dhowaan wasaaraddu dheecaanno ay ka qaaday ay u dirtay dibadda si loo soo xaqiijiyo in jirkooda uu ku jro caabuqa Corona in baaritaankii lagu ogaaday in labaan ruux ay qabaan. Wasiirka ayaa sheegay in labada ruux horay loo karaantiilay markii laga shakiyey, ay yihiin muwaadin Soomaali kana soo jeeda deegaannada Somaliland kaas oo sedex casho ka hor soo gaaray Hargeysa kana yimid wadanka Ingiriiska oo ka mid ah wadama Yurub ee sida weyn uu u saameeyey Coronavirus. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qofka labaad uu yahay Ajinabi u dhashay wadanka Shiinaha kaas oo ka shaqeynayey howlo mashaariic oo ka socda magaalo xeebeedka Barbera, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey in la karaantiilay markii laga shakiyey Labada qof ee caawa Somaliland ay ku dhawaaqday ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo dalka uu ka jiro cabsida ku aadan xanuunka Coronavirus, waxaana maanta galinkii hore dowladda Soomaaliya wasaaraddeeda caafimaadka ay fasaxday afar ruux oo ay sheegtay in laga waayey caabuqa COVID-19 kuwaas oo wasaaraddu horay u karaantiishay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (SMN) – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa shaaca ka Qaaday in laba qof oo ku sugan magaalooyinka Burco iyo Berbera laga helay fayruska Corona. Labadan oof ayaa kala Ah nin u dhashay dalka China oo ku sugan Berbera iyo qof degaanka ah oo dhowaan kasoo laabtey Ingiriiska oo jooga Burca. Cumar Cabdi Cabdilaahi, wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland, oo warbaahinta u waramay, ayaa tibaaxay shaqsiyaadkaan xaaladoodu wanaagsan tahay. Xaqiijinta kiisaska ayuu xusay in ay u mareen sheybaar ay maamusho hay’adda caafimaadka aduunka oo yaala caasimadda Kenya ee Nairobi. Sikastaba ha ahaatee, kiisaska ay soo bandhigtay Somaliland ayaa tirada guud ahaan waddanka waxay ka dhigeysaa shan, maadaama saddex laga helay Muqdisho. View the full article
-
Popular Contributors
