-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The COVID-19 pandemic possesses a serious threat to populations that are currently living in Somalia IDP sites. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa xalay shaaciyay Natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunka COVID-19. Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in Natiijada ka soo baxday baaritaankii qofka looga shakiyay cudurka Coronavirus uu xaqiijiyay in uu ka caafimaad qabo xanuunkaas. Guddiga ayaa tilmaamay in qofkaas laga shakiyay horay loo karantiilay 2-dii bishan April 2020 islamarkaana baaritaankii lagu sameeyay oo haatan jawaabtiisu soo baxday uu caddeeyay in uusan cudurka qabin. Sidoo kale guddiga ayaa dhammaan dadweynaha Puntlan ku dhiirri-geliyay in taxaddar dheeriya muujiyaan oo raacaan talooyinka caafimaad ee guddiga si looga feejignaado faafidda xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay Natiijada baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
OPEC and its oil producing allies on Sunday finalized a historic agreement to cut production by 9.7 million barrels per day, following multiple days of discussions and back-and-forth between the world’s largest energy producers. The cut is the single largest output cut in history. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa xalay shaaciyay in laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah April 15 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo kuna eg 05:00 Subaxnimo, si looga hortago faafidda COVID-19. Taliyaha Ciidanka Booliiska, waxa uu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada. Gen Xijaar, ayaa tilmaamay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafidda cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandowgaas. Taliyaha ayaa xusay in Ciidamada amniga la faray, in ay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah la soo gudboonaadaan ay u fududeeyaan in la geeyo goobaha caafimaadka, si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin. PUNTLAND POST The post Magaalada Muqdisho oo lagu soo rogay bandow habeennimo appeared first on Puntland Post.
-
Somalia-based militant group Al-Shabaab has ramped up kidnappings as a way of beefing up its pool of professionals and gathering intelligence. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyey inuu muddo toddobaad ah ku jiro karantiil la xiriira cudurka Coronavirus, saacado kadib markii ay Caasimada Online sidaas werisay. Madaxweyne Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.” Warar ay shalay heshay Caasimada Online ayaa sheegayey inay xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Mas’uuliyiintan ayaa dhamaantood la kulmay wasiiru-dowlihii cadaaladda HirShabelle Khaliif Muumin oo shalay Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 kadib markii dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Sheekh Cusmaan Barre ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Guddoomiyaha ayaa mar si toos ah wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha oo la hadlay Radio Kulmiye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Guddoomiyaha-Baarlamanka-HirShabeelle-.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Maxamed Gaagaale, oo ka tirsanaa baarlamanka hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan wax qalab ah iyo daawo midna oolin Isbitaalka Martiina islamarkaana wasiiru-dowlihii cadaalada ee HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin u dhintay daryeel la’aan. Xildhibaan Gaagaale, ayaa sheegay in Isbitaalka ay ka waayeen qalabka Oxygen-ka iyo daawo gabi-ahaanba, waxayna dhaqaatiirta ku wargeliyeen in dibadda ka soo gato daawo iyo in uu dibadda ka raadsado caafimaada, sida uu hadalka u dhigay. “Isbitaalka ma yaalaan wax daawo ah, sidoo kale ma heleysid dhaqtar qofka dura markaa daawo keensato, Oxygen dhan hal xabo ayaa ka yaallo mana yaqaanaan dhaqaatiirta waxaana ku qasbanaaday inaa Isbitaalo kale ka keeno dhaqaatiir ku xirta markii ay baxeena waan waayay cid markale ku xirta,” ayuu yiri Xildhibaan Gaagaale, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in saraakiisha Isbitaalka Martiina iyo kuwa Wasaaradda Caafimaadka Somalia ay u sheegeen in aysan laheyn awood haba-yaratee oo ay wax ugu qabtaan bukaanada Isbitaalka ku karantiilan. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaqaatiirta Isbitaalka ay diideen daryeelka bukaanada jiifa iyagoo iska dhowraya qatar kaga imaan karta cudurkaan iyo la xisaabtan la’aan halkaasi ka jirta. Wasiiru-dowlihii Cadaaladda ee Maamulka HirShabelle ayaa shalay ku geeriyooday Muqdisho waxayna wararku sheegayaan in loo waayay qalabka karantiilka iyo daawo waxaana hada dhibaatadan oo kale wajahaya dad kale oo ku jira Isbitaalka Martiini. Caasimada Online waxay la xiriirtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, balse way diiday inay ka jawaabto arrintan. Hoos ka dhageyso codka Gaagaale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Codka-Gaagaale.mp3
-
Mid ka mida Madaxweynayaasha Maamul-gobeeladyada Somalia oo is-karantiilay+Xanuunka looga shakisan yahay Wararka ka imanaya Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wajahayaan xaalad xanuun, waxayna dhamaantood la kulmeen wasiiru-dowlihii maanta u geeriyooday xanuunka COVID-19, kaas oo dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Ma jirto cid xaqiijin karta in xanuunada haya xubnahan ay yihiin Coronavirus, hase yeeshee masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Hirshabeelle waxa uuna sheegay in HirShabelle aysan haba-yaratee ka muuqan diyaar garowga cudurkaan iyo wacyi gelintiisaba. “HirShabelle waa dayacan-tahay mana jirto wax dedaal ah oo socda oo wacyi-gelin ah waxayna dadkaan ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa xaqiijisay in shalay oo keliya 4 kiis oo coronavirus ah laga helay magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu hayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah. Wasiir Fowsiya waxay ku celisay in xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda sidaa darteed ay muhiim tahay in la raaco fariimaha iyo talooyinka caafimaad ee ay kamidka yihiin in guryaha la joogo. 4-ta kiis ee ay xalay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa guud ahaan kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Soomaaliya waxay ka dhigaysaa 25 kiis kuwaas oo 2 kamid ah ay u geeriyoodeen xanuunka. PUNTLAND POST The post Kiisas horleh oo COVID-19 ah oo laga helay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mandera (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday afduubka ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsaneysa xirfadlayaal wax u tari kara iyo shakhsiyaad ay ka heli karto xog sirdoon, waxaa sidaas weriye wargeyska Daily Nation. Xirfadlayaasha ku nool magaalada Mandera ayaa tani walaac xooggan ay ku abuurtay. Dadka ay beegsaneyso Al-Shabaab waxaa ku jira khubarada caafimaadka, macallimiinta iyo saraakiisha amniga. Ugu yaraan 11 qof oo ah aqoonyahanno dhinacyo kala duwan ah ayey Al-Shabaab ka afduubatay Mandera, sanadkii tegay oo kaliya, sida ku cad xog amni oo uu helay wargeyska Daily Nation. “Waxaan haynaa akhbaar muujineysa in Al-Shabaab ay daneyneyso inay afduubato saraakiisha caafimaad iyo macallimiinta, si ay ugu isticmaasho deegaanada ay maamusho ee gudaha Soomaaliya,” waxaa sidaas yiri sarkaal amni oo ku sugan magaalada Mandera. Sida uu sheegay sarkaalkan, A-Shabaab ayaa inta badan beegsaneysa dadka aan u dhalan deegaanka, ayada oo rumeysan inay yihiin kuwo dhego nugul, marka la geeyo deegaanda ay maamusho. Julius Mwania oo ahaa makaanik baabuurta sameeya, ayaa noqday dhibanihii ugu dambeeyey ee afduubyada Al-Shabaab. Waxaa la waayey bil ka hor. Mwania ayaa waxaa la afduubtay 11-kii Maarso, markii koox hubeysan ay jidka u galeen gaari ku socday Mandera oo ka yimid Nairobi, xilli uu marayey deegaanka Bambo ee Waqooyiga Mandera. Shantii Janaayo, Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerartay xaafadda Fino ee ka tirsan county-ga Mandera, halkaasi oo ay ka qafaasheen shan qof. Al-Shabaab ayaa markii dambe sii daysay afar ka mid ah dadkaas, balse waxay la tageen nin lagu magacaabo Maxamed Salaat. Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin xog ogaal u ah howl-gallada amni ee gobolka. Afduubyada Al-Shabaab ayaa dad badan ku qasbay inay deegaanka ka cararaan. Kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya Isbitalka Mandera County Referral Hospital ayaa 17-kii April 2019 ka baxsaday isku day afduub kadib markii la ogaaday in koox ay raadineysay. Ninkaas ayaa la shaqeyn jiray dhaqaatiirta Cuban-ka ah ee Al-Shabaab ay qafaasheen. Warbixin boolis ayaa muujisay in Shabaab ay doonayeen in ninkaas uu u noqdo tarjumaan. Dhaqaatiirta Cuban-ka ayaa la qafaashay 12-kii April 2019. Dhammaan dadka khubarada ku ah dhinacyada kala duwaan ayaa la sheegay in Shabaab ay u adeegsaneyso inay ka howl-galaan isbitaalada, iskuulada iyo xarumaha kale ee ku yaalla deegaanada ay maamusho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa shaaciyey in dib loo dhigay shirweynihii beesha, kaas oo lagu waday in maalmaha nasoo aadan uu ka furmo magaalada Muqdisho. Imaam Maxamed ayaa sheegay in dib u dhaca shirka ay keentay khatarta caalamku ka mideysanyahay ee xanuunka Coronavirus, isla markaana shirweynahaas la qaban doono 23-ka bisha Soonfur oo ku beegan 13-ka bisha June ee sanadkan. “Maadaama aan guddoomiyihiisa ahay shirkaana aan horay ula soo wareegay, waxaan ka dhignay waqtiga la qabanayo shirka bisha Soonfur 23-keeda, hadii uusan cudur jirin oo dalku nabad yahay, markaas ayaan dooneynaa in la qabto shirweynaha beesha, markaas oo aan u aragnay in dal iyo dibad la iskaga imaan karo. Kadib markii aan la tashi ka sameynay arrintan aniga iyo duubabka beesha Mudulood” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf. Imaam Maxamed ayaa Alle uga baryey in cudurkan uu ka dulqaado mudaha muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in ay diintooda u dhowaadaan oo ay Alle ka cabsi la yimaadaan. Sidoo kale cod dheer ayuu Imaamku uga dalbaday beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar la mid ah gobollada dalka in ay joojiyaan colaadaha, waxuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan oo nagu soo fool leh. “Talooyinka caafimaadka hala qaato, oo qof kasta meeshiisa ha ku ekaado, in kastoo dadkeenu xoogsato wada yahay, hadana waxaan idin leeyahay hala isku gargaaro Soon-qaad ayaa yimid, dadka fuqarada ah hoos haloo fiirsho. Waxaan ahay adoogiin dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Kitaabka iyo Sunnada ay ku dhegaan, Ilaahey idankiis wax naga halaabaya ma jiri doonaan”ayuu yiri Iimaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf. Dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa shirweyne ay isugu yimaadeen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Mudulood, waxa ay isku raaceen in la qabto shirweyne guud oo ay beeshu isugu timaado, kaas oo la iclaamiyey in uu qabsoomo bishan, balse hadda dib loo dhigay, illaa bartamaha bisha June ee sanadkan.
-
After holding a press conference in Mogadishu, Somali police commander; General Abdi Hassan Mohamed (Hajar), Sunday announced that the Somali government enhances measures of combating COVID-19. The police commander underlined that number of Coronavirus (COVID-19) cases is on the increase in the country, with two COVID-19-related deaths, and the government of Somalia recognizes that accelerating the combating process of the pandemic disease is more important. “Considering the urgency to minimize the spread of the disease within the community, the federal government of Somalia announces that A dusk-to-dawn curfew (8 pm-5 am) would be enforced to Mogadishu from the evening April 15, 2020, until further notice”, the commander said. The curfew will affect all businesses, public, and transport movement except health centers and places offering essential food services. General Abdi Hassan Mohamed confirmed that a regular assessment on the spread of the virus would be maintained, and the outcome of such evaluations would determine the duration of the curfew and if a same curfew to impose other cities in the country. Ordering security forces to help people with the emergence cases to reach health centers, the Police Force Commissioner requested people in Mogadishu to adhere to the curfew and go to homes ahead of the designated times of the curfew, with a view of helping the government to contain the disease and protect the safety and health of the public.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Munaasabad uu xilka kula wareegay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Munaasabadaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo caawa xilkii wareejiyey, Madaxweyne ku xegeenka Galmudug, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, xildhibaanada Galmudug, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynihii hore ee maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilkii ku wareejiyey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxayna munaasabadda xil wareejintu ka dhacday xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Xaaf ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in uu u tanaasulay midnimada Galmudug, kadib khilaaf xoog leh oo ka dhashay qaban qaabada doorashadii Dhusamareeb ka dhacday ee uu kusoo baxay Madaxweynaha haatan Qoor Qoor, halka Xaaf-na maamul kale uu uga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo, kaas oo sida muuqata uu ka tanaasulay. Qabsoomidda munaasabadan xil wareejinta ah ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dib loo dhigay munaasabadii lagu caleema saari lahaa madaxweynaha cusub Qoor Qoor. Sababta dib loogu dhigay munaasabada caleema saarka ayaa la xariirta cabsida cudurka Coronavirus, lamana shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-12042020.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wajahayaan xaalad xanuun, waxayna dhamaantood la kulmeen wasiiru-dowlihii maanta u geeriyooday xanuunka COVID-19, kaas oo dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Ma jirto cid xaqiijin karta in xanuunada haya xubnahan ay yihiin Coronavirus, hase yeeshee masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Hirshabeelle waxa uuna sheegay in HirShabelle aysan haba-yaratee ka muuqan diyaar garowga cudurkaan iyo wacyi gelintiisaba. “HirShabelle waa dayacan-tahay mana jirto wax dedaal ah oo socda oo wacyi-gelin ah waxayna dadkaan ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha oo la hadlay Radio Kulmiye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Guddoomiyaha-Baarlamanka-HirShabeelle-.mp3
-
Jowhar (Caasimada Online) – La-taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa Wasaaradda Caafimaadka ugu yeeray in ka Hirshabelle ahaan la soo gaarsiiyo qalabka lagu ogaado xanuunkan. “Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Dhexe waxaan la wadaagaynaa in ay Hirshabelle State ahaan nasiiso agabyadii, dawooyinka iyo shaybaarka lagu ogaado xanuunka Caronavirus,” ayuu yiri La taliyaha Madaxweynaha Hirshabelle. Sidoo kale waxaa uu sheegay sida agabyadaasi loo gaarsiiyay Maamul Goboleedyada qaarkood, in si lamid ah loo soo gaarsiiyo Maamulka Hirshabele. “Agabyada la gaarsiiyay qaar ka mida Dowlad Goboleedyada Dalka ka dhisan, sidaasi si lamid ah waa in si deg deg ah loo soo gaarsiiyaa Hirshabelle State.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey. Muudey oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ugu yeeray Wasiirada iyo Xildhibaanada ku metela Dowladda Federaalka in ay dadaal iyo juhdiba ku bixiyan, sidii ay Wasaaradda Caafimaadka qalabkaasi ku keeni laheyd Xarunta Maamulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar. “Iyadoo laga duulayo xaaladda adag ee ka dhalatay xanuunkan waxaan ugu baaqaynaa xubnaha nagu metela Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Fulinta, inay si dhow uga shaqeeyaan, sidii Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle lagu soo gaarsiin lahaa agabyadaasi,” ayuu sii raaciyay. Dadka reer Hirshabelle ayaa hadalhaya Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabelle, oo Axadii Coronavirus ugu geeriyooday Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho.
-
Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, G. Wanlaweyn Maxkmadda Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya oo hoggaaminaysay Guddi dowladda Federaalka u saartay colaaddii Wanlaweyn ayaa dacwad ku soo oogtay mas’uuliyiin dowladeed oo lagu eedeeyey in ay huriyeen colaaddaas. Maxkamadda ciidamada ayaa amartay in la kaxeeyo Guddoomiyihii degmada Wanlaweyn oo shaqo joojin lagu sameeyey Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, isla markaana Booliska Soomaaliya ay ku sameeyaan baaritaan dhameystiran, doorkii uu ku lahaa gaboodfalyadii Wanlaweyn. Sidoo kale Maxkmadda ciidamada ayaa hay’adda baarista Booliska Soomaaliya (CID) qeybaheeda Muqdisho iyo Baydhabo ka dalbatay in ay furaan dacwad cinqaabeen lid ku ah xildhibaannada kala ah Aadan Cabdi Faarax Kaladire oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Maxamed Taraafik oo ka tirsanaa xildhibaannadii hore Koonfur Galbeed, kuwaas loo heysto in ay ka qeyb ahaayeen dagaalladii iyo gaboodfalyadii ka dhacay degmada Wanlaweyn. Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka loo heysto dagaalkii Wanlaweyn abaanduulaha qeybta 7-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Salaad Tifow, kaas oo laga amray in uu horyimaado xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sidda. Colaaddii Wanlaweyn waxaa ku geeriyooday dad ka badan 20 ruux, sidoo kalana waxaa ka dhacay gaboodfalyo ay ka mid yihiin kufsi, dhac iyo barakac. PUNTLAND POST The post Dacwad lagu soo oogay mas’uuliyiin dowladeed oo lagu eedeeyey hurin colaad appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xilka kale wareegay Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Munaasibad caawa ka qabsoontay Caasimada DGGM ee Dhuusamareeb. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, oo ka war bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, ayaa xaqiijisay in ay korortay tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka Coronavirus uu soo ritay 4 qof oo hor leh oo ku nool magaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka. Waxaa muuqata in cudurka uu kusii faafayo dalka, waxaana wasaaradda Caafimaadku ay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba. Dhinaca kale, wasiirka ayaa xaqiijisay in maanta uu Isbitaalka De Martino ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiiru dowlihii cadaalada ee dowlad goboleedka HirShabelle xildhibaan Khaliif Muumin Xaayoow. Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Muumin Xaayoow oo da’diisu ahayd 63 jir ayaa isbitaalka la jiifiyay April 09, 2020, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto. Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xajaar, ayaa caawa sheegay in si dadka looga badbaadiyo khatarta cudurka Coronavirus, ay dowladdu go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah ee taariikhdu ku beegantahay 15-ka bishan Abriil, in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00pm Fiidnimo, kuna eg 5:00am subaxnimo.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta xubno dhaqaatiir ah tababar ku saabsan wacyigelinta cudurka Coronavirus ugu qabatay Magaalada Jowhar. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, Muxyidiin Mukhtaar Macallin ayaa kula dar daarmay ka qayb galayaasha tababarka inay casharrada si fiican u qaataan, kuna dedaalaan sidii ay Bulshada u gaarsiin lahaayeen wacyigelinta looga hortagayo cudurka COVID-19. Ka dib tababarka ayaa la filayaa in ay Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle kooxo baahiya farriimaha ka hortagga Covid-19 u kala dirto degaannada fog-fog ee hoos yimaada Hrshabeelle ee aysan wacyi-gelintu gaarin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa caawa shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo qatarta COVID-19, dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogo bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada. Taliyaha Booliiska waxaa kaluu sheeygay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawga. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sidooo kale dadka ka codsanay inay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan. Ugu dambeyn taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin, Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii hannaanka ugu habboon ee ugu saameynta yar ay ugu xakameyn lahaayeen faafitaanka Cudurka COVID-19 ee ka dhasha Virus-ka Karoona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, oo ka war bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, ayaa xaqiijisay in maanta uu Isbitaalka De Martino ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiiru dowlihii cadaalada Ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin Xaayoow. Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Muumin Xaayoow oo da’diisu ahayd 63 jir ayaa isbitaalka la jiifiyay April 09, 2020, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale xaqiijiyay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka Corona uu soo ritay 4 qof ku nool maagaaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka. Wasaaradda Caafimaadku waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba. View the full article
