Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa kasoo hor jeestay xilka qaadistii uu ku sameeyey madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiye Caraale oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xil ka qaadistiisu aysan sharci aheyn, isla markaana uusan xilligaan Madaxweyne Waare awood u laheyn in uu isaga xilka ka qaado. Sababta uu sidaa u leeyahay ayuu ku sheegay in waqtigiisa xil heynta uu gabaabsi yahay Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay ku sime aan laheyn awood uu xilka uga qaado. Cali Maxamed Caraale ayaa ku doodaya in dastuurka Hir-Shabeelle uu qorayo in markii uu gaba-gabo marayo waqtiga xil heynta uusan Madaxweynuhu cidna xilka ka qaadi karin. Sidoo kale guddoomiyahan xilka laga qaaday ayaa sheegay in arrinta ah in Madaxweyne Waare uu xilka ka qaado ay la xariirto loolanka doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle ee soo socota. “Aragtida aan ka qabo xilka qaadisteyda waxay la mid tahay tan uu qabo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle, oo horay uga hadlay, isla markaana cadeeyey in xil ka qaadis aysan sharci aheyn markii lagu dhawaado doorashooinka, oo qofna aan xil loo dhiibi karin qofna aan laga qaadi karin, kullina la wada yahay ku simayaal, arrintaasna waxaa loo sameynaa in qof-na uusan wixii uu rabo isku aa-aadisan. Marka anagoo taas ka duuleyna waxaa noo soo baxday in xil ka qaadistu aysan sharci aheyn ee waxaan leenahay doorashooyinka hala aado” ayuu yiri Cali Maxamed Caraale guddoomiyihii uu xilka ka qaaday madaxweyne Waare. Guddoomiyihii kan ka horeeyey ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si weyn uga soo hor jeestay xilka qaadis uu sanadkii hore ku sameeyey Madaxweyne Waare, waxayna xaaladdu ku sigatay gacan ka hadal, iyadoo mudo bil ah ay qaadatay in tanaasul lagu qanciyo Yuusuf Dabageed. Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa dekreetadii lagu magacaabay lagu faray in xaaladda caafimaad ee dalka awgeed uu sida deg deg ah u soo shaqa galo, waxaana dhamaan xubnaha kale ee maamulka oo uu ugu horeeyo duqa degmada Beledweyne, la farayaa inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub. Cali Jeyte ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii 2016 saddex jeer loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaa hal jeer magacaabay Madaxweynaha hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, halka labo jeerna uu magacaanay Madaxweyne Waare. Si guud tirada guddoomiyaasha uu gobolka Hiiraan u magacaabay Madaxweyne Waare intii uu joogay xaafiiska waxay gaarayaan afar, halka mid shanaad ugu yimid isagoo guddoomiye ka ah Hiiraan. Halkan ka dhageyso wareysiga Cali Maxamed Caraale guddoomiyaha kasoo hor jeestay xil ka qaadista https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Guddoomiyihii-Hiiraan-Cali-Maxamed-Caraale-.mp3
  2. Abdi Warsame has resigned from the Minneapolis City Council to take over as executive director of the Minneapolis Public Housing Authority. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar___Qubanaha-30032020.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay warar laga faafiyey oo ku saabsan inuu ku dhacay cudurka halista ku hayo adduunyada ee Coronavirus, islamarkaana lagu kala cararay Hotel uu isaga daganaa. Sheekh Cali Wajiis oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah isla markaasna uu isaga shaqsi ahaan caafimaad qabo. Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegayo in lagu kala cararay Hotelkii uu daganaa ee Dayax iyadoo laga cabsi qabo cudurka la sheegay inuu isaga ku dhacay, wuxuuna xusay in warkaas uu yahay mid dacaayad ah oo aysan waxba ka jirin, sida uu hadalka u dhigay . “ASC.. ummada Soomaaliyeed ee muslimka waxaan u sheegayaa in warka beentaa ee laga qoray Dayax hotel ee uu faafiyay Cali Aadan Muumin ee ah in hotelka lagu kala cararay, dad degan oo Sheekh caana ku jirana looga shakiyay Coronavirus…waxaan cadeynayaa in marka hore anigu aan caafimaad qabo 100% xataa hargab ima haayo oo 2-isbuuc ka hor ayuu maalin i qabtay waana ka bogsaday ,hotelkana wax dhiba kama jiro waana camiran yahay marka wararka dacaayadahaa ee la wareejinaayo halaga fiirsado…” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in dalka laga helay illaa 3 qof oo qabo cudurka Coronavirus, waxayna ku baaqday in wasaaradda loo dhaafo kiisaska Coronavirus iyo baaristiisa maadaama uusan dalka yaalin qalabka lagu baaro.
  5. As coronavirus puts Europe under lockdown, Sweden stands apart with its ‘business as usual’ approach – but how long can it last? Source: Hiiraan Online
  6. Saudi Arabia’s King Salman bin Abdulaziz has ordered coronavirus treatment to be available for anyone in need of medical care, including people who have overstayed their visa in the Kingdom, Health Minister Tawfig al-Rabiah said on Monday. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Hargaysa) Hay’adda Qandaraasyada Qaranka oo u xilsaaran Qaranka baahinta qandaraasyada iyo kala xulida Sherkadaha ayaa ku sifowday labadii sanno iyo badhkii ugu danbeeyay ee ay xilka hayeen cadaalad iyo garsoorid xalaal ah, iyadoo mashruuc kasta oo la baahiyo u kala reeba Sherkadaha soo buuxiya shuruudaha nidaam cadaladeed. Taas oo raali galisa Sherkadaha hela iyo kuwa waayaba. Waxa ugu danbeeyay oo Guddida Qandaraasyadu hanaan cadaaladeed u kala rebeen mashruuci Timirta Ciidamadda ee Ramadaanta, iyadoo habka nasiibka qori tuurka ku kala reebay Sherkadihii isku soo dhawaaday, taas oo noqotay hanaan qanciyay dhammaan Ganacsatadii soo codsatay. Sidoo kale xogwaraysi kala duwan oo Shabakada Somalilandtoday samaysay kadib waxaanu ka cudur daaranayna war hore ugu soo baxay oo ku saabsana Qandaraaska Timirta iyo sii lagu kala helay oo aan u jirin sidii loo baahiyay. Si kastaba ha ahaate waxa waajiba in la bogaadiyo hay’adda muujisa shaqo wanaaga iyo isku duubnida cadaaladna ka samaysa shaqada ay hayso. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray saraakiil ka socota maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Dhuusanmareeb ay berri ka bilaabaneyso dhageysiga wadcadda dilkii Shaafici Xaaji Diiriye oo Sabtidii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Dhuusamareeb. Allaha u naxariistee Shaafici ayaa ahaa wiil aad looga yaqaanay gobollada dhexe gaar ahaan magaalooyin ay ka mid yihiin Gurceel iyo Dhuusamareeb, waxaana dilay askar ilaalo u aheyd Senetor Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Kiiska la xariira dil marxuum Shaafici waxaa ku eedeysan ilaa seddax askari oo ka tirsanaa ilaalada Senator Dhagey, sida ay noo sheegeen ehellada wiilka la dilay. Saraakiishan ka tirsan maxkamadda ciidamada ayaa Dhuusamareeb u tegay dhageysiga iyo go’aan ka gaaridda kiiskaas oo berri loo fariisa doono, sida aan xogta ku helnay. Dilka Shaafici Xaaji ayaa xaafadda Dayax ee magaalada Dhuusamareeb ka dhacay gelinkii dambe ee maalintii Sabtida, waxaana rasaas ku furay askartii ilaalada ka heysay guri uu xaafadaas ka deganaa Senator Dhagey. Senatorka oo isla maalinkaas ka hadlay dilka marxuumka ayaa tacsi u dilay qoyska wiilka la dilay, isagoo cadeeyey in hey’adaha ammaanka uu ku wareejiyey dadkii ku eedeysnaa dilkaas.
  9. Gudoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Somaaliyeed Dr.Maxamuud Maxamed Culusow oo u waramaayey Tv Goobjoog ayaa ku tilmaamay Madaxda Dawlada Federaalka Somaaliyeed kuwo si ula [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta lasii daayey afar qof oo ay wasaaraddu horay u karaantiishay, xilli ay kasoo degeen garoonka Muqdisho, iyagoo ka yimid dalka dibadiisa. Afarta qof ayaa looga shakisanaa in ay qabaan cudurka Coronavirus, waxaana lagu hayey oo ay dowladdu ku karaantiishay cisbitaal ay leedahay AMISOM. Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in go’aanka ah sii deynta afartaan qof ay qaadatay kadib markii la baaray oo laga waayey cudurkii looga shakisanaa ee Coronavirus. Sidoo kale afarta qof ee lasii daayey waxaa ku jira ruux horay baaritaan loogu sameeyey oo laga helay Coronavirus, balse markii dambe laba baaritaan oo kale looga waayey cudurkaas. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay seddaxda qof ee kale mid laba baaritaan lagu sameeyey, isla markaana laga waayey cudurka Coronavirus. Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka oo ku qornaa luuqadda English-ka ayaa lagu xusay magacyada afarta ruux ee maanta la fasaxay kadib markii gabi ahaanba laga waayey cudurka Coronavirus, oo shaki la xiriira ay maalmihii lasoo dhaafay u karaantiilnaayeen. Dowladda Soomaalitya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa horay u shaacisay in tirada guud ee kiisaska la xiriira Coronavirus ee dalka laga helay ay gaarayaan illaa seddax ruux oo mid qandaraasle UN-ka ka tirsan yahay, balse waxaan cadeyn in tiradaas uu ku jiro qofka maray seddaxda baaritaan lee labadii dambe looga waayey cudurka, ee ku jira dadka galabta la fasaxay.
  11. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa go”aamiyay in la xiro goobaha barashada Diinta,dugsiyada iyo Mowlacyada,islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19. Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub. Sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay: ” Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,” Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada. View the full article
  12. MOGADISHU (HOL) - One patient who tested positive for COVID-19 in Somalia has recovered and set for release, the Ministry of Health has said. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-30032020.mp3 View the full article
  14. Taliyaha Booliska Puntland Janaraal Muxayadiin Axmed Muuse oo aaskii Gudoomiyaha Gobolka Kadib hadlay ayaa wuxuu ka tacsiyeeyey Geerida Marxuumka. Taliyaha oo ka hadlay baaritaanka Dilka [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa amartay la xiro goobaha barashada diinta, dugsiyada iyo mowlacyada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya. Go’aankan ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo culimada, waxaana dadweynaha lagula taliyay in guryahooda ay ku cibaadaystaan, si looga taxaddaro faafitaanka Coronavirus. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Sida aad lawada socotaan waxaa Dunida halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub, sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay: “Laga billaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay dugsiyada barashada qur’aanka iyo xarumaha barashada diinta muddo laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19.” Dawladda Soomaalya waxay horey u amartay in la xiro iskuullada iyo jaamacadaha, sidoo kale waxay dawladdu joojisay duulimaadyadii gudaha iyo dibedda. Dhinaca kale hay’adda caafimaadka adduunka xafiiskeeda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA Somali u sheegtay in ilaa haatan shaybaarka lagu xaqiijiyey saddex kiis oo ah cudurka Coronavirus Soomaaliya.
  16. (SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka ayaa go’aamisay in la sii daayo afar qof oo hore looga shakisanaa inay qabaan Coronavirus, kuwaasoo ku karantiilnaa Cisbitaalka UN/AMISOM, kaddib markii lagu waayay wax kiis ah baadhitaano isdaba joog lagu sameeyay. Mid ka mid ah afarta qof ee karantiilnaa ayaa baadhitaankii koowaad oo lagu sameeyay laga helay inuu qabo cudurka, hase ahaatee laba jeer oo isku xiga oo dib baadhitaan loogu celiyay lagu waayay cudurka Coronavirus. Saddex kale ayaa laba baadhitaan oo lagu sameeyay natiijadooda lagu waayo wax kiis ah, sidaas la amray in la sii daayo. Afartan qof oo ku karantiilnaa Cisbitaalka AMISOM, ayaa magacyadooda lagu xusay qoraal ka soo baxay wasaarada caafimaadka oo luqada Englishka ku qornaa. Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdraxmaan Aadan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish uu dhagax dhigay dhul ay leeyihiin ciidamada Asluubta, oo uu sheegay inay boobayaan dad shacab ah. Taliyaha oo shir jaraa’id isugu yeeray saxaafadda ayaa sheegay in dhulkii uu Asluubta ku lahaa Magaalooyinka Muqdisho, Afooye iyo Balcad ay ku jiraan halis, islamarkaana qaarkood la boobay, halka qaar kalana hadda la qorsheenayo in la boobo sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa si gaar ah Guddoomiyaasha Muqdisho iyo Balcad ugu eedeeyey inay dhul ay Asluubta leedahay siinayaan dad shacab ah oo si sharci darro ah ku qaadanayo. Dhulkii ciidamada Asluubta ee Xabsigii Keydsaney oo hadda isbitaal ahaan ku shaqeeya ayuu sheegay in loo sharciyeeyay dad shacab ah oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dhulkii ciidamada Asluubta oo la boobayo. Wuxuu caddeeyay in dhulka Keydsaney oo Asluubta la siiyey sanadkii 1980-kii si sharci darro ah loo siiyey shirkad lagu magacaabo Dhul iyo Guri oo la rumeysan yahay inay wax ka leeyihiin shakhsiyaad miisaan ku dhex leh Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Degmada Balcad uu bilaabay inuu Shacabka u sharciyeeyo dhul horey loogu sharciyeeyey Asluubta oo ku yaalo Magaalada Balcad isla markaasna ay Asluubta heysato sharicigii lahaanshiyaha. Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa sheegay inuu arrintaan u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka isla markaasna iyaga looga fadhiyo inay go’aan ka qaataan boobka uu sheegay in lagu hayo dhulkii Asluubta laheyd. Halkaan hoose ka daawo hadalka Taliyaha Asluubta
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa maanta kulan ka yeeshay cudurka Coronavirus, waxuuna kulankaasi uu ku dhex maray hab muuqaal ah (Vidio Conference) oo ay ku yeesheen aaladda Internetk-ka. Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii ay IGAD is kaga kaashan laheyd ka hor taga cudurka Coronvirus, oo dad badan ku laayey dalalka Yurub, Mareykanka, UK, Asia oo ah halkii uu kasoo askumay, gaar ahaan dalka China iyo meelo kale oo caalamka ah. Kulankaas maanta dhex maray madaxda dalalka ku mideysan urur goboleedaka IGAD oo ay qeyb ka tahay Soomaliya ayaa waxaa hagayey Xoghayaha ururka oo ku sugan xarunta IGAD ee dalka Jabuuti. Kulanka oo ku dhacay hab muuqaal ah ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweyne Uhuro Kenyatta, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamdook, Madaxweyne dalka Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebyehu. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qadka taleefanka kula hadlay kulanka ka hor xubno uu ku jiro madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey kasoo qeyb galka kulankaas, oo looga hadlayey sidii ay IGAD iskaga kaashan laheyd ka hor taga iyo la tacaalidda kiisaska Coronavirus. Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay kulankaas ayaa lagu yiri, “Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hor tagga iyo xakameynta cudurka Corona, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda. Waxaa kale oo shirkan diiradda lagu saaray hanaanka loo aas-aasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax looga qabanayo xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka gobolka”. Qaar ka mid ah dalalka ku bahoobay ururkan ayaa laga helay kiisas la xiriira Coronavirus, waxaana ka mid ah wadamada uu Corona soo galay Kenya, Itoobiya, Soomaaliya, iyo Jabuuti, waxaana dalalkaas ka socda qorshayaal looga hor tegayo cudurka saf mareenka ku noqday dunida ee Coronavirus.
  19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya eek u wajahan ka hortaga COVID-19. Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweyne farmaajo waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas. Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda. Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan. Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka. Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Ku xigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebyehu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay Shir deg deg ah oo Madaxda IGAD ka yeesheen Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Koroona ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkan. Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas. Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda. Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan. Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka. Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  21. Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Gujir ayaa aakhirkii la dhigay gurigiisii rasmiga ahaa(Qabriga), boqolaal Qof oo ay kamid yihiin Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ayaa [...] Source
  22. Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo xalay u geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Garoowe, ayaa maanta oo Isniin ah Aas qaran loogu sameeyay duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe. Aaska Qaran ee Marxuumka ka qeyb-galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay. PUNTLAND POST The post Marxuum Gu’jir oo Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.