Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Lodon (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii ee dowladdii KMG aheyd Nuur Xasan Xuseen (Cadde) ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska. Nuur Cadde ayaa maalmihii dambe la xanuunsanayey cudur Coronavirus, isagoo ku jiray isbitaal ku yaalla gudaha magaaladaasi. Geerida ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marxuum Nuur Cadde, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Xaaji Maxamed Nuur Cadde. Sidoo kale Xaaji Maxamed oo ah wiil uu dhalay marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lagu aasi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.
  2. Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qarax barqaninadii maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay agagaarka isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo noociisu Miino ahaa yaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya. Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu gestay qaraxaan, iyadoona goobjoogayaal ay inoo xaqiijiyeen in uu ku dhintay hal qof oo ahaa wade Bajaale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay askarta lala eegtay, welow aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino. Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka u ridata weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  3. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dowladda federaalka si weyn uga taageereyso ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus. QM ayaa war-saxaafadeedka sheegtay in Soomaaliya garab ay ku siineyso xakameynta cudurka COVID-19, hadii uu saameyn ku yeesho bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa xustay in ay muhiim tahay in wacyi galin ku aadan cudurka Coronavirus loo sameeyo dadka nugul, sida dadka barakacayaasha oo uu yar-yahay ka war qabkooda dhibaatada cudurka uu leeyahay iyo siyaabaha looga hartago. Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adda u qaabilsan caafimaadka aduunka ee WHO ay si weyn uga caawinayaan dowladda Soomaaliya, kahortagga faafintaanka cudurka Coronavirus. Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada geeska Africa ee laga helay cudurka Coronavirus, waxaana dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caafimaadka ay iska kaashanayaan,sidii loo xakameyn lahaa cudurkaasi oo haatan fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla dunida. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay agagaarka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo aha nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayey waddadaasi, siday inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Inta la xaqiijiyey illaa saddex qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, oo labo ka mid ah ay haayeen askarta qaraxa lala eegtay, halka qofka kale uu ahaa wade moote Bajaale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ciidamadu ay fureen rasaas xoogan, sida ay soo wariyeen dadka aan la hadalnay. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa wadada horumarta isbitaal Digfer oo ay si aad ah u isticmaalaaan dadweynaha Muqdisho. Ma jiro weli cid sheegatay masuuliyada weerarkaan loo adeegsaday qarax miino, balse alaaba waxaa sheegtay weerarada noocaan oo kale kooxda Al-Shabaab. Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa mid degan, waxaana aad u yaraaday weerarada qaraxyada ah ee ka dhici jira gudaha caasimada.
  5. Wararka aan ka heleyno degmada Hodan ee Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa qabuuraha Cabdirashiid iyo Isbitaal Erdogan ayaa la sheegayaa in qarax miino lagula eegtay gaari ciidan oo Cabdi Bile ahaa. Miinadan oo aheyd midda dhulka lagu aaso ayaa sababtay dhimashada ilaa labo askari halka Goobjoogeyaasha qaar sheegayaan khasaare intaas ka badan. Faahfaahinta kala soco, Goobjoog. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Notification Note on one additional COVID-19 Confirmed Case The confirmed case is a 42 years old male Ethiopian who lives in Dire Dawa ADDIS ABABA, Ethiopia, April 1, 2020/ — Ethiopian Public Health Institute conducted additional laboratory tests and one (1) additional COVID-19 case has been confirmed, making the total cases twenty six (26). The confirmed case is a 42 years old male Ethiopian who lives in Dire Dawa. He arrived from Australia to Addis Ababa on March 18/2020 before the mandatory quarantine is put in place and travelled from Addis Ababa to Dire Dawa on 19 March/2020. Upon developing symptoms, the Ethiopian Public Health Institute conducted a laboratory test and the result confirmed positive for COVID-19. The patient is under treatment in the designated treatment center in Dire Dawa. Currently, there are twenty-two (22) cases in the treatment center and two of the patients are in critical condition. Considering the transmission nature of COVID-19, we urge the public to strictly follow preventive practices and comply with governmental decisions. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay laba kiis oo cudurka Covid 19 oo laga shalay laga helay gudaha Somaliland. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu shacabka reer Soomaalilaan si weyn ugu adkaynayaa kuna dardaarayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan tilmaamaha, tallooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19. Guddoomiye Cirro ayaa yidhi “Shacabka reer Soomaalilaan waxa aan si weyn ugu adkaynayaa kuna dardaarayaa in ay si buuxda ugu hoggaansamaan dhammaan tilmaamaha, talooyinka iyo awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19, maadaama safmareenka cudurka koroona labadii xaaladood ee ugu horteeyey laga helay dalkeena Soomaalilaan. Allow naga nabadgeli. Aamiin” Source
  8. Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa. Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC). War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah. “Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle. Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF. Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa dabasocota todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. In its Resolution of November 21, 1949, placing Somalia under International Trusteeship Administration, the General Assembly of the United Nations had called on the Trusteeship Council to negotiate with the Administering Authority (Italy) Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in Cisbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa loo diyaariyey dadka uu asiibo cudurka corona virus, halkaasoo dadkii ku jiray la geynayo xarumo caafimaad oo loo geyn doono daawooyinka iyo wixii ay u baahan yigiin. Sidaasina, waxa sheegay masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta caafimaadka oo maanta soo kormeeray cisbitaalkaasi, lana shiray shaqalaha iyo dhakhaatiirta ka howlgala. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qorshe qaran lagu go’aamiyey in cisbitaalka TB-du uu noqdo meesha la dhigayo haddii uu dad soo rido cudurka COVID19. Gelinkii dambe ee shalay ayey masuuliyiinta Wasaaraddu xaqiijiyeen labadii kiis ee ugu horeeyey ee dalka laga helo cudurka adduunka ku faafay ee Corona Virus. “waxaan isla qaadanay in nidaamkii ahaa in bukaanka TB-da ee halkan loogu shaqaynayey loogu bedelo xannaaanooyinka iyo meelaha kale ee xarumaha caafimaadka ah la geeyo oo dadku meelahaas ka qaataan daawooyinka halkii ay cisbitaalka joogi lahaayeen, si haddii ay timaado in cudurka corona virus uu dilaaco aanu u asiibin”ayuu yidhi Dr. Xergeeye oo sidoo kale sharaxaad ka bixiyey xidhiidhka ay wadaagaan Cudurrada TB-yada iyo COVID19 oo uu sheegay in ay labadooduba wareemaan Sababka dadka. Shaqaalaha ka shaqeeya Cisbitaalkan ayuu sidoo kale ku tilmaamay dad u tababaran la-tacaamulka cudurada ay dabeecada wadaagaan TB-da. Wasiirka Wasaaradda Dr. Cumar oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay talaabadani tahay mid lagula tacaalayo aafada cudurka COVID19. Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa tan iyo markii uu caabuqa COVID19 dunida sida deg deg ah ugu faafay, ku howlayd dedaallo ay ku xakamaynayso cudurkaasi. Halkan ka Daawo Muuqaal: Source
  11. Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka badbaaday qarax lagula beegsaday degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa qarax loo adeegsaday laba neef oo Lo’ah ku weeraray, kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Militariga Soomaaliya Gen Odowaa, inkastoo uu si dirqiya kaga badbaaday weerarkaasi. Af-hayeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar (oronji), ayaa xaqiijiyay in Taliyuhu ka badbaaday qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab u adeegsadeen laba neef oo Lo’ ah. Sidoo kale, Af-hayeenka ayaa xusay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaas lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya. Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka, ayaa dhankooda tilmaamay in uu si dirqiya uga badbaaday Taliyaha, kadib markii ay ku weerareen laba sac oo miinaysan. Taliyaha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil wehelisay, ayaa wakhtiga qaraxlagu weeraray kormeer ku samaynayay, fariisimaha Ciidanka dowladda ee ku sugan degaanka Jannaale. PUNTLAND POST The post Gen Odowaa oo si dirqiya uga badbaaday weerar Lo’ loo adeegsaday oo Al-shabaab la beegsadeen appeared first on Puntland Post.
  12. PARIS (HOL) - A group of creditors under the Paris Club framework have agreed to cancel Somalia’s debt amounting to $1.4 billion marking a major milestone in the country’s quest for debt relief. Source: Hiiraan Online
  13. Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka ayaa ku eedeeyey ciidamada Jubbaland inay ka qeyb qaateen dagaal beeleedyo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Gaas ayaa tilmaamay inay arkayeen gawaarida ciidanka maamulka Jubbaland oo ku sugan afaafka hore ee deegaanada lagu dagaalamayo. Sidoo kale haweeney ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegtay inay garan la’yihiin sababta loo barakicinayo dadka deegan deegaanada ku yaalla Xeebta. Haweeneydaan ayaa sidoo kale tilmaamtay in Jubbaland ay dano gaar ah ka leedahay arrintaasi iyo colaada ka taagan gobolka Jubbada Hoose. Dagaalladan oo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil iyo dhul-daaqsimeed ayaa waxaa weli raad-kooda waxaa laga dareemaya duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. View the full article
  14. Ethiopia’s Election Commission announced Tuesday that general elections due in August would be delayed because of the coronavirus pandemic, in a setback for the country’s fragile democratic transition. Source: Hiiraan Online
  15. Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa. Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ku bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC). War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah. “Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle. Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF. Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa dabasocota todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa. View the full article
  16. Guddiyada Puntland u qaabilsan Amniga, Wacyigelinta iyo ka hortagga Coronavirus, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Booliiska, ayaa xalay Saldhiga dhexe ee Garoowe ku gubay xirmooyinkii ugu badnaa ee Jaad ah, oo si sharci-darro ah loo soo geliyay gudaha caasimadda Garoowe. Qaadkaas, oo lagu iibinayay goobo qarsoodiya oo ku yaalla magaalada Garoowe, ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidanka Booliisku ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee caasimadda, si loo dhaqan-geliyo Amarkii Puntland ku mamnuucday Qaadka. Xubno ka tirsan Guddiyada Amniga, Wacyigelinta iyo ka hortagga Coronavirus, oo hadalo ka jeediyay goobta lagu gubay Qaadkaas, ayaa u mahadceliyay Laamaha Amniga Gobolka Nugaal, gaar ahaanna Booliiska oo ka hawlgalay sidii loo soo qaban lahaa Qaadka sharci-darrada ku soo galay magaalada. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ayaa digniin culus hawada u mariyay dadka ku hawllan in ay Qaadka si qarsodiya ku soo geliyaan gudaha Puntland, islamarkaana aan weli u hoggaansamin amarka dowladda. 27-Maarso-2020, Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya degaannadeeda uga mamnuucday Qaadka, waxaana go’aankaas qeyb ka-ahaa dadaallo xukuumaddu ku doonayso in looga hortago khatarta cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Xirmooyinkii ugu badnaa ee Jaad ah oo Garoowe lagu gubay appeared first on Puntland Post.
  17. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku warramaya in diyaar-garowgii ugu dambeeyey doorashada guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka socoto gudaha magaaladaasi. Doorashada oo lagu wado inay maanta dhacdo ayaa waxaa xilka guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi ku tartamaya Xildhibaan Cali Siciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, iyadoona loo saadaalinayo, Fiqi. Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharraxan Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed, halka Xildhibaan Shamso Maxamed Yarowa ay kaliya u taagan tahay qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Yuusuf Barre Maxamed guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee maamulka degmada Baydhabo oo u warramaya Shabelle ayaa ka warbixiyey qaban-qaabada ka socda degmadaasi, wuxuuna sheegay in si aad ah loo adkeeyey amniga doorashada Shalay ayey aheyd markii musharrixiinta u taagan guddoonka baarlamaanka K/Galbeed laga dhageystay khudbado, kadib markii ay hortageen xildhibaanada maamulkaasi. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-01042020.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ciidamada milatariga ee ka howlgala deegaanka Janaale ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ay qorsheynayeen inay fuliyaaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Warka ka soo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi, lagu soo xiray labo Neef oo Lo’ ah, islamarkaana la doonayey in lagu dhibaateeyo askarta dowladda. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in weeraradaasi la damacsanaa in laga fuliyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa u mahadceliyey ciidamadii ka hortagay weeraradaasi, iyada oo lagu amaanay, sida ay uga feejigan yihiin weerarada kooxda Al-Shabaab. Janaale oo ka mid ah deegaanadii dhowaan lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab, waxaana haatan ku sugan taliyaha ciidanka Xoogga dalka, Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo abaabul iyo dhaq dhaqaaq xoogan ka wada gobolka Sh/ Hoose. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fashiliyaan weeraro ka imaan lahaa Al-Shabaab, waxaana howlgallo baaritaano ah ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  20. Guddiga Doorashada Qaran ee dalka Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in uu joojinayo howlihii u diyaargarowga qabashada doorashada Itoobiya oo la qorsheynayay inay dhacdo bisha August ee sannadkan. Dowlada iyo Ururada Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay warkan ka soo baxay guddiga doorashada, iyadoo xilliga dowlada hadda haysa taladana ay ka dhiman tahay dhowr bilood. Hase yeeshee waxaa la qorsheynayaa in baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyo dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Abiy Ahmed. Waa markii ugu horreysay ee dowlad weyn oo Afrikaan ah ay dib ugu dhigto doorasho sababo la xidhiidha cudurka Coronaha. Wadamo badan oo ku yaalla qaarada Afrika ayaa hore u qorsheystay in doorashooyin laga qabto sannadkan. Source
  21. Dalalka ku midaysan Naadiga loo yaqaan PARIS CLUB ayaa Soomaaliya ka cafiyay Deyn dhan $1.4 bilyan oo Dollarka Maraykanka ah, sida laga soo xigtay dowladda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa wakaaladda Wararka SONNA ka soo xigatay, in dalalka ku midaysan PARIS CLUB ay Soomaaliya ka cafiyeen lacag dhan $1.4 bilyan oo Dollar, kadib markii ay wada-hadallo khadka Video-ga ku yeesheen Wasiirka iyo wakiilo ka socday dalalkaas. “Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneynaa in inta dhiman ay naga cafin doonaan” ayay SONNA ka soo xigatay Wasiir Beyle. Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo qaar kale oo ka tirsan Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa, wada-hadal khadka isgaaarsiinta Video-ga ah ku dhexmaray Wasiir Beyle iyo wakiilo ka socday PARIS CLUB, oo ay weheliyeen xubno metelayay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF. PUNTLAND POST The post Dalalka ku midaysan Paris Club oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $1.4 bilyan appeared first on Puntland Post.
  22. Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Qaad si qarsoodiya loo soo geliyay gudaha magaalada Gaalkacyo, kaasi oo haddana si qarsoodiya loogu iibinayay goobo ku yaalla Gaalkacyo. Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka, ayaa xalay Taliska Qeybta Gaalkacyo ku gubay jawaanno Qaad ah oo si sharci-darro ah loo soo geliyay gudaha magaalada, kuwaas oo lagu iibinayay gooba qarsoodiya. Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, oo goobtaas ka hadlay ayaa Laamaha Amniga, gaar ahaanna Booliiska uga mahadceliyay sida ay uga hawlgaleen in Jaadkaas gacanta lagu dhigo, maadaama Xukuumadda Puntland ay horay degaannadeeda uga mamnuucday. Sidoo kale, waxay digniin adag u direen dadka Qaadka sida sharci-darrada ah u soo geliya magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falkaas lagu qabto. PUNTLAND POST The post Jawaanno Qaad ah oo xalay lagu gubay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.