Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarad dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fulisay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Ceel-Wareegow iyo Kali-Caafimaad oo hoostaga degmada Awdheegle. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas oo aysan jirin illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadeeda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in meelaha la duqeeyey ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo u badan beeraley. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkaasi dhanka cirka ah uu cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Nuuradiin-1-1.mp3 View the full article
  2. Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar dhanka cirka ah oo xalay diyaarad dagaal ay ka fulisay gobolka Sh/ Hoose. Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Mid ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday deegaanada Ceel-Wareegow, Kali-Caafimaad iyo tuulooyinka hoostaga, halkaasi oo uu sheegay inay ku dhaqan yihiin shacab u badan beeraley. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duqeyntaan cusub oo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay ay ku reebtay wal-wal iyo cabsi xoogan. Wararka qaar ayaa sheegaya in meelaha la duqeeyey mararka qaar ay yimaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku soo qaada gudaha degmada Awdheegle iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa had iyo jeer weerarada dhanka cirka ahka fuliya koonfurta Soomaaliya, walow uusan weli wax war ah ka soo saarin duqeyntaasi. Dhowaan ayey aheyd markii taliska Mareykanka ee AFRICOM lagu eedeeyey in duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya ay khasaarooyin ka soo gaaraan dadka rayidka, islamarkaana aysan jirin cid kala xisaabtanta, walow talisku uu iska fogeeyey arrintaas. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Duqeyn.mp3
  3. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobeeldka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxwaynaha ayaabogaadiyey Ciidamada Dowladda oo uu sheegay in ay sida deg-degga ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo.” Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda degaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay. Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaad ka aloosan Wanlaweyn appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-06042020.mp3 View the full article
  5. Dalka Mareykanka waxaa cudurka Corona laga helay Shabeel. Shabeelkani Dhiddiga ah oo dad’diisa lagu sheegay 4 sanno islamarkana lagu magacaabo Nadia ayaa ku jirta beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx. Shabeelkan, ayaa inta la ogyahay noqonaya Xayawaankii ugu horeeyay ee laga helo caadurka Covid-19 ee aadanaha ku dhaca. Saraakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Bronx, ee ku taalla magaalada New York, ayaa waxay sheegeen in natiijada baadhitaankan lagu xaqiijiyay Shey-baadh ku yaalla Iowa. Nadia, iyo 6 xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta. Shabeelkan ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka sida qufac qalalan dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay. “Waa markii ugu horeysay guud ahaan caalamak ee la ogaaday in qof cudurkii hayay uu u gudbiyo xayawaan,” ayuu yidhi Paul Calle, oo ah madaxa beertaasi oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters. Waxaa uu intaa ku daray in uu doonayo in macluumaadka uu la wadaago xarumaha cilmi-baadhista ee baaraya qabka la isugu gudbiyo cudurka Covid-19. Nadia, walaasheed Azul, laba Shabeel oo kale oo ah nooca loo yaqaano Amur iyo saddex libaax ayaa dhammaantood lagu wadaa in imika ay soo kabsadaan, sida ay sheegeen sarakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta. Cudurkan safmarka ayaa markii hore waxaa isu gudbinayay bina’aadamka, balse in laga helay Shabeelka lagu magacaabo Nadia ayaa keenaysa su’aal ah in bina’aadamku uu u gudbin karo xayawaanka. Source
  6. Somalia’s Chief Justice, Bashe Yussuf Ahmed, has issued new guidelines for courts in a bid to curb the spread of the deadly COVID-19 pandemic. Judge Bashe directed that criminal proceedings should be conducted via video conference instead of the courtrooms. He also extended the period for the suspension of hearing civilian cases, noting that simpler cases be handled and resolved within police stations. Somalia has announced seven confirmed cases of the COVID-19, making it the country with the least infections in East Africa. View the full article
  7. The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) condemns the rape of three young girls in Afgoye, South-West State, and Balanballe, Galmudug. These tragic events remain one of the most heinous human rights violations and leave a deep-rooted stain on victims’ families and communities. For too long, sexual and gender-based violence (SGBV) has been a deep scourge in Somali society, contributing to its unrelenting levels of gender inequality. SGBV keeps women subordinate – specially working women who are breadwinners of their families – stifles their voices and agency, and impacts their levels of productivity, thereby keeping them poor and economically disempowered. Sexual violence against children significantly interrupts their emotional, social and educational development; its ripple effects are felt far into their future and it has the potential to derail the normal trajectory of their lives. However, the failure to enact the Sexual Offences Bill (SOB) has not occurred within a vacuum but was deliberately undermined and sabotaged by the Federal Parliament. Earlier in this year, the Speaker of the Lower House of the Federal Parliament, Mohamed Mursal, made a unilateral and incantational decision to send the SOB back to the Executive in a poorly conceived scheme to frustrate the deliberation and passage of this Bill. At the time, FESTU publicly condemned this action, noting that under Articles 80, 81, 82 and 83 of the Provisional Constitution, the procedure for processing Bills before the Federal Parliament is expressly outlined. The Speaker does not have the powers to send a draft legislation initiated by the Council of Ministers back to the Executive. Somali trade unions highlighted that the Speaker’s decision was an attempt to stall the advancement of gender equality and protection of human rights of the weak and vulnerable in Somali society. This unfortunately has rung true and deep in the light of recent cases of sexual abuse against young girls. Therefore, the Lower House of the Federal Parliament is complicit in this crime. FESTU strongly argues that apart from not having a piece of legislation that responds effectively to sexual offences, the unconstitutional decision to return the SOB to the Executive contributed to a notion that sexual offences are not taken seriously by the parliament. “The fact that the criminalisation of sexual offences could be used as a political football between branches of Parliament sends a strong message that there is little urgency in finalising the legislation which is an important instrument that would ensure perpetrators are held liable and survivors of sexual violence receive social justice” said Omar Faruk Osman, General Secretary of FESTU. “It is time for the various arms of the Federal Government, particularly the Executive and the legislative, to speak with one voice on the issue of sexual violence. It defeats the overall objective of achieving gender equality and justice in Somalia if on one hand, ministries condemn the high rate of sexual offences while lacking the legislative might to implement measures that will give substantive and concrete protection to women and girls” added Osman. “We demand that once the Federal Parliament returns from its recess that SOB be placed high on the agenda for discussion and subsequent finalization. We should not have to witness further acts of sexual violence against women and children to be convinced that it is a societal ill that must be addressed comprehensively and urgently. The passing of the SOB is a key aspect of making this happen” declared FESTU General Secretary. View the full article
  8. (SLT-Qaahira)-Raysal wasaarihi hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus, Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa. Mr Jibriil oo ay da’diisu 67 jir ahayd wuxuu cudurka uu ugu soo dhacay dalka Masar bishii March. Xilliga golahaasi ku meel-gaadhka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra’isal wasaare ku meel gaadh ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi. Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamka laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa ‘Astaan Qaran’. Muddo 7 bilood ah ayuu Mr jibriil ra’isal wasaare ka soo ahaa dalka Liibiya, isaga oo lagu xusuusto inuu wakhtigaasi howla badan uu ka soo qabtay dib u heshiisiinta iyo sidi dagaallada Liibiya ka qarxay loo soo afjari lahaa. Source
  9. Ra’iisul wasaaraha waddanka Ingiriiska Boris Johnson ayaa la soo weriyay in cisbitaal la dhigay ka dib muddo toban cisho ah oo uu la xanuunsanayay cudurka coronavirus. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha UK ee Downing Street ayaa laga soo xigtay in gelinkii danbe ee shalay Mr. Johnson la geeyey cisbitaalka si baaritaano caafimaad oo dheeri ah loo marsiiyo. Balse, Ra’iisulwasaare Johnson ayaa weli si buuxda u hogaaminaya xukuumadda Britain, inkastoo Xoghayaha Arrimaha Debedda Dominic Raab uu shir gudoomin doonno maanta kulanka looga hadlo arrimaha coronavirus. Axaddii shalay, boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth ayaa jeedisay khudbad naadir ah oo ay uga hadashay khatarta xanuunka COVID-19. Boqoraddu waxa ay khudbaddeeda ku boorisay dhammaan muwaadiniinta in ay midnimo iyo wadajir muujiyaan si loola tacaalo cudurkaas saf-mareenka ah. Amiir Charles, oo ah wiilka ugu weyn ee caruurta boqoradda ahna dhaxalsugaha boqortooyada ayaa ka soo kabtay xanuunka coronavirus oo hore looga helay. PUNTLAND POST The post Boris Johnson oo Isbitaalka la jiifiyay kadib markii soo ritay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa warinaya in Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle ay Ciidamada Booliska ka xidheen gurigiisa. Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud ayaa sheegaya in Agaasimaha loo heysto arrimo la xidhiidha musuq maasuq. Wararka ayaa intaa ku daraya in Agaasimaha la weydiinayo su’aalo la xidhiidha halka ay ku maqan yihiin lacagahaas, waxaana shalay Hantidhowrka Guud uu baadhitaan ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xadhigiisa. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in lacagaha maqan ay yihiin lacago loogu tala galay arrimaha caafimaadka iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo ay bixiyeen Hey’addaha UN-ka. Waxaa kaloo la sheegayaa in Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka la tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha arrimahan musuq maasuqa ah, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in lacagtaas loo isticmaalay Adeegga Ganacsiga Online-ka ee Forex. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Hanti dhowrka Guud ee Qaranka iyo Laanta Dambi baadhista Booliska oo ku aadan xadhigga agaasimahan iyo wararka sheegaya lacagaha la musuq maasuqa ee loo heysto isaga iyo inay jiraan Mas’uuliyiin kale oo ku lug leh. Source
  11. (SLT-London)-Axmed Ismaaciil Xuseen oo loo yaqaano Xudeydi kuna Caan baxay heesaha Cuudka ayaa ku xanuunsanaya Cisbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska. Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan Axmed xudeydi uu la xanuunsanayo Cudurka Coronavirus oo ku dhacay, isla markaana la dhigay Cisbitaal ku yaalla London. Axmed Xudeydi ayaa waxaa uu yahay rug-caddaa lagu qadariyo heesaha Cuudka ama kuwa kabanka oo muddo 72 sanno ku jiray, waxaana haleelay Cudurka halista ee COVID-19. Sidoo kale Axmed Xudeydi ayaa qaaday heeso kala duwan, waxaana kamid ah heesta Uurkii Hooyo iyo kuwo kale oo aad u badan. Si kastaba Dalka Ingiriiska ayaa waxaa Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, halka kuw kalena oo Soomaali ah uu soo ritay Cudurka. Source
  12. (SLT-London)-Raysal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa la dhigay cisbitaaka ka dib muddo 10 maalmood ah oo uu la xanuunsanayay cudurka coronavirus. Afhayeen u hadlay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Downing Street ayaa sheegay in gelinkii danbe ee Axaddii Mr. Johnson la geeyey cisbitaalka si baadhitaano caafimaad oo dheeri ah loo mariyo. Saraakiisha ayaa ku warramaya in Ra’iisulwasaare Johnson uu wali si buuxda u hoggaaminayo xukuumadda Britain, inkastoo Xoghayaha Arrimaha Debedda Dominic Raab uu shir gudoomin doonno maanta kulanka lagaga hadlo arrimaha Coronavirus. Saacado ka hor intii aan Ra’iisulwasaare Johnson la dhigin cisbitaalka, boqoradda Britain Queen Elizabeth ayaa jeedisay khudbad naadir ah taasi oo laga daawanayay TV-yada dunida. Boqoraddu waxa ay khudbaddeeda ku boorisay dhammaan muwaadiniinta in ay ula tacaaleen cudurkan safmareenka ah si midnimada leh. “Waxaan idinla hadlayaa wakhti aan ogahay in uu yahay mid caqabaduhu ay kordhayaan” ayay tidhi boqoraddu. Amiir Charles, oo ah wiilka ugu weyn ee carruurta boqoradda ahna dhaxalsugaha boqortooyada ayaa ka soo kabtay xanuunka coronavirus oo hore looga helay. Marka laga tago khudbadaha ay shacabka Britain kula hadasho munaasabadda sannadlaha ee ciidda Masxiiga, khudbaddii xalay ay jeedisay Boqorad Elizabeth ayaa ah tii shannaad oo ay jeediso muddo 67 sanno ah oo ay tahay boqoradda dalkaasi. Source
  13. NEW YORK - The U.N. secretary-general warned Sunday that the increase in social and economic pressures brought on by the coronavirus pandemic has led to a global increase in violence against women and girls. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhalanaya dagaal beeleedyada ka socda qeybo ka tirsan dalka, iyadoo gelinkii dambe ee shalay dhalinyaro u abaabulan hab beeleed ay qof shacab ah ku gowraceen gudaha degmada Wanllaweyn, kadibna ay meydkiisa gubeen. Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada ayuu kasoo muuqday ruuxaas madaxa laga jaray oo meydkiisa la gubayo, iyadoo ay hareeraha ka taaganyihiin dhalinyaro ku faraxsan ficilka ay sameynayaan. Qofka sidaas loo galay waxaa la sheegay in uu ahaa nin dhalinyaro ah oo madaxa looga jiray, waxaana laga qabtay gudaha magaalada Wanllaweyn, iyadoo loo aaneynayo in uu ka dhashay mid ka mid ah, beelaha maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayey halkaas. Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoomiyaha degamada Wanlaweyn ku eedeysay in uu ku lug leeyahay xiisadda u dhaxeysa labadaas beelood, isla markaana uusan dhex dhexaad ka aheyn waxa ka dhacay Wanllaweyn. Senator Naciimo ayaa sheegtay in markii laga soo tago qofka maanta la dilay kadibna meydkiisa la gubay, isla gudaha magaalada lagu dilay laba ruux oo kale, waxayna dowladda federaalka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ka dalbatay in talaabo laga qaado guddoomiyaha degmadaas oo ay ku eedeysay in uu la saftay dhinac ka mid ah beelaha ku dagaalamaya degmadaas. “Waxaan hayaa codad aan idinla wadaagi karo oo muujinaya in guddoomiyaha Wanlaweyn uu qeyb ka yahay dhibaatada ka dhaxeysa labada beelood, waan ka xumahay in dadkii isisii dilayaan wax dadaalo ah oo lagu kala dhex gelayana aysan jirin, hadii la isku socon karo mar hore ayaan tegi lahaa Wanllaweyn oo dadka kala dhex geli lahaa,” ayey yiri Senetor Naciimo. Dhankiisa guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Maxamed Fiidow Cabdiraxmaan oo ka jawaabay eedeymahaas ayaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona laheyn. Isagoo Alle ka baryey in uu ka demiyo colaadaas ku soo laalaabatay degmada uu guddoomiyaha ka yahay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in colaadaan uu huriyey xildhibaan ka yimid Hir-Shabeelle oo maalmo ka hor tegay Wanllaweyn, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Senator Naciimo iyo xildhibaano kale oo uu carabaabay aysan metelin Wanlaaweyn, isla markaana aysan ka hadli karin arimaha ka jira. Halkan ka dhageyso wareysi uu Radio Kulmiye siiyey guddoomiyaha Wanlaweyn Maxamed Fiidow Cabdiraxmaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Guddoomiyaha-Wanla-weyn-Maxamed-Fiidow-Cabdiraxmaan-.mp3
  15. journalist, Harun Maruf, who has been singled out by Somalia's intelligence agenc as being a threat to national security. The accusation levelled by the agency has widely been condemned as an affront to press freedom. Source: Hiiraan Online
  16. journalist, Harun Maruf, who has been singled out by Somalia's intelligence agenc as being a threat to national security. The accusation levelled by the agency has widely been condemned as an affront to press freedom. Source: Hiiraan Online
  17. (FOX 9) - The CDC has recommended all Americans wear some type of mask while out in public, so several women in Minnesota’s Somali community are stepping up to find materials and make them. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Gaalbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye u magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya. Digreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha dalka oo nuqul kamid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa lagu magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo toddobaadyadii dhowaa uu is-marin waa ka dhex taagnaa isaga iyo xukuumadda. Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go) oo horeyju haayay xilkasi wasiiru dowlanimo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye xilkan lagu qanciyey kadib markii ay shaqeyn weyday xabsi guri uu ku ahaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay oo lagu qasbayey. Guddoomiyaha ayaa horey loogu sheegay in la fasixi doono markii uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha la doortay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, Danjire Cali Saciid Fiqi oo dowladda ay wadatay. Dowladda ayaa dooneysay inuu si sharaf leh xilka ugu wareejiyo Danjire Fiqi, islamarkaana uusan ka hadlin in loo diiday baarlamanka cusub, hase yeeshee markii uu ku adkeysatay ayaa lagu warramay in xilka wasiiru dowle lagu qanciyey. Cabduqaadir Shariif Sheekhuna oo ah guddoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa ee dowladda Soomaaliya ka taageeray in meesha laga saaro Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo qabto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
  19. Xog:Siciid Deni & Axmed karaash oo Khilaaf weyni ka dhex qarxay+Sababta & Waxa laysku hayo Deni iyo Axmed Karaash Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in uu soo if-baxay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kaasi oo ku salaysan Isku-shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Xukuumadda Puntland. Ilo’ wareedyo hoose, oo ka gaabsaday magacyadooda, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya Beesha Sool clan, kuwaas oo Axmed Karaash doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda. Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo Dhulbahantel ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana Beeshiisa uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada Beeshiisa matala. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in kulan ay yeesheen labada nin lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga Beeshiisa. Wasaaraddaas, waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda Beesha Sool clan, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda Beesha Siciid Deni. Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn Deni ku samayn lahaa Golaha Xukuumadiisa. Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegaya in ay muddo dib u dhici doonto, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto. Qaran News
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in uu soo if-baxay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kaasi oo ku salaysan Isku-shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Xukuumadda. Ilo wareedyo ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda, ayaa wargeyska Puntland Post oo xogtan helay u sheegay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya gobolka Sool, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda. Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo gobolka Sool ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana gobolkaas uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada gobolka Sool matala. Xogtu waxay intaas ku daraysaa in kulan ay yeesheen labada nin lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga gobolka Sool. Wasaaraddaas waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda gobolka Sool, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda gobolka Mudug. Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn madaxweynuhu ku samayn lahaa Golaha Xukuumadda. Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegaya in ay mudda kooban dib u dhacday, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto. Isha: Puntland Post
  21. Qeyladhaan baahsan ayaa waxaa ay kasoo yeedheysaa dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka caalamka ee uu cudurka coronavirus aadka u saameeyay, waxaana iminka soo shaac-baxaya muuqaalada meydadka dadka u geeriyoonaya cudurkaasi oo waddooyinka daadsan. Dowladda ayaa u taagweyday maareynta meydadka, oo waxaa buux-dhaafay isbitaalladii, qabuurayaha iyo goobaha kale ee lagu maareeyo meydadka. Magaalada ugu weyn ee dalkaasi ee Guayaquil ayaa waxaa ka taagan cakirnaanta ugu weyn, waxaana dadka magaaladaasi eysan garaneyn sida ay ka yeelayaan meydadka waddooyinka qaar yaalla ee aan cidi daneyneyn. Sidoo kale dadka ayaa guryaha gaysta meydad u geeriyooday cudurka coronavirus oo eysan garaneyn sida ay ka yeelayaan. Qaran News
  22. Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu dadka dalkiisa uga digay inay isu diyaariyaan sare u kac ku yimaada dhimashada ka dhalanaysa cudurka coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanku uu wajahayo labadii todobaad ee ugu adkeyd ee cudurkan safmarka ah. Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in magaalada New York loo daadgureynayo kun ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ah ee ciidammada milateriga, magaaladaas oo uu fara ba’an ku hayo cudurkaasi. Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaasi Mareykanka ayuu Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay amartay in la sameeyo 180 milyan oo waxlaha afka lagu xirto ah. Gobolka New York ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay 630 kiis oo dhimasho ah taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 3,565 qof. Duqa magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in tirada ay sare uu sii kici karto labada toddobaad ee socota. Mr Cuomo ayaa sheegay in gobolka uu baadigoob ugu jiro qalabka dadka ka caawiyo neefsashada oo dheeraad ah. waxa uu mahad celiyay dalka shiimaha oo ugu deeqay 1,000 oo qalabkaasi ah. Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu Mr Cuomo uu u xaqiijiyay in New York ay heli doonto kharashaadka ay u baahan tahay. Mareykanka ayaa waxaa laga xaqiijiyay 300,000 oo kiis oo fayraska Corona ah, halka dhimashaduna ay kor u dhaaftay 8,000 oo qof. Talyaaniga iyo Spain ayaa ah labada dal oo uu aad u dillooday fayraska Corona kuwaasi oo tirada dunida ugu badan ay ka dhimatay ayaa haatan labaduba waxaa laga soo sheegayaa iney gaareen hormar lagula tacaalayo xanuunkan saf-marka ah. Qaran News
  23. Ra’iisal-Wasaaraha UK oo Cusbitaal la dhigay Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isbitaal la dhigay ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Downing Street. Waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada London ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii siyaadeen sidoo kalana waxaa sare u kacay heerkulkiisa. Raysal Wasaaraha ayaa weli mas’uul ka ah dowladda balse wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kulan Isniinta looga hadlayo Fayruska Corona. Mr Johnson ayaa lagu wadaa in cawa uu nagaado isbitaalka. Mr Johnson ayaa guriga ka soo shaqeynayay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga helay xanuunuka Coronavirus 27-kii Maarso. Raysal Wasaaraha ayaa horay muuqaal barata Twitter-ka la soo dhigay uga sheegay inuu dareemayay calaamado yar oo fayraska Corona ah. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay falalkii kufsiga ahaa ee labada gabdhood ee aadka u da’da yaraa loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo mid kale oo isna gabar aad u yar loogu geystay degmada Balambal ee gobolka Galgaduud. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in kiisaskaas dad badan loo soo qabtay, haatana ay wadaan baaritaan xoog leh oo ku socda dadkaas lagu tuhmayo, inkastoo uusan soo bandhigin tirada dadka loo soo qabtay falalkaas. “Xaafiiska Xeer ilaalintu waxa uu uga digayaa odayaasha iyo nabadoonada ku howlan in arinkaas ay wadahadal lagu xaliyo oo si hoose loo dhameeyo, marnaba in falalka nuucaas ah wadahadal laga galo uma dul qaada doono, hey’adaha barista iyo booliska waxaan amrayaa in qof kasta oo isku daya in arimahaan wada xaajood laga galo inay horkeenaan maxkamadda si iqaab uu u muto” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan. Sidoo kale qoysaska ay kasoo jeedaan gabdhahaas dhibanayaasha ah ayuu ka dalbaday in aysan aqbalin fariimaha uga imaanaya odayaasha dhaqanka ee doonaya in si hoose wax loo xaliyo. “Dembiyada laga galo haweenka iyo biramageydada, ma ahan kuwo laga geli karo waan-waan iyo wadahadal” ayuu yiri mar kale. Ugu dambeyntii Xeer ilaaliyaha ayaa warbaahinta iyo hey’adaha xuquuqda aadanaha ka dalbaday in baaritaanka arintaan ay u daayaan xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hey’adaha kale ee dembi barista, waxuuna carabka ku adkeeyey in ay cadaaladda hor keeni doonaan dadkii geystay. Halkan ka Daawo
  25. Ra’isal wasaare u geeriyooday Coronavirus Ra’isal wasaarihi hore ee Libiya Maxamuud Jibriil Ra’isal wasaarihi hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus uu bariyahanba la il darnaa. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa. Mr Jibriil oo ay da’diisu 67 jir ahayd wuxuu cudurka uu ugu soo dhacay dalka Masar bishi March. Wuxuuna xilka soo hayey xilligi uu golaha ku meel gaarka ah uu talada dalka Liibiya hayey golaha ku meel gaarka qaran xilliga uu dalkaasi ka soo kabanayey dagaallada sokeeye ee ka qarxay 2011-kii. Xilliga golahaasi ku meel gaarka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra’isal wasaare ku meel gaar ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi. Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamka laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa ‘Astaan Qaran’. Muddo 7 bilood ah ayuu Mr jibriil ra’isal wasaare ka soo ahaa dalka Liibiya, isaga oo lagu xusuusto inuu wakhtigaasi howla badan uu ka soo qabtay dib u heshiisiinta iyo sidi dagaallada Liibiya ka qarxay loo soo afjari lahaa. Marka uu xilka ka dagayna wuxuu aasaasay xisbi siyaasadeed uu isagu hoggaaminayo oo uu ugu magac daray Xoogagga Isbahaysiga Qaran (NAF). Dhinacyada siyaasadda Marxuum Jibriil taageersanna siyaasaddiisu waxay ku tilmaamayeen inuu ahaa nin ay siyaasaddiisu fog tahay aragti dheerna leh oo wax badan ka beddeli lahaa siyaasadda waddamada dhaca Waqooyiga Afrika. Xisbigiisa oo doorashadi baarlamaanka ee Libiya ka dhacday 2012-kii ka qayb galayna wuxuu helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka. Xilligi uu dalka Liibiya ka soo talinayey madaxweynihi hore Mu’ammar Qaddaafi Mr Jibriil wuxuu madax u ahaa guddiga horumarinta dhaqaalaha qaranka ee Liibiya. Inta ay dagaallada sanadaha badan socday ka qarxeen dalka Liibiya oo ay kooxa kala duwan isku hayeen siyaasadda dalkaasi, Maxamuud Jibriil wakhtigiisa ugu badan wuxuu ku qaatay waddamada Masar iyo Imaaraadka Carabta. Wuxuuna xiriir aad u dhow uu la lahaa Madaxda Howlgalka Qaramada midoobay ee Liibiya isaga oo kaalin mug lehna ka soo qaatay shirar iyo kulammo nabadgalyada Liibiya looga hadlayey oo dlkaasi ka dhacay. Qaran News