Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo duruufaha ay ku qabaan shacabka Somaliland ee loo geeyo adeegyada caafimaad kuwaasi oo daryeel la’aan ugu dhinta cisbitaalkaasi oo aan haba yaraatee wakhtigan lahayn adeegyo caafimaad oo qofka bukaanka ahi ku badbaadi karo isaga oo sheekhu Bulshada Somaliland ugu baaqay in ay iska gargaarsadaan oo u midoobaan sidii ay bukaankooda liita ugu soo iibin lahaayeen agabka lagama maarmaanka u ah daryeelka bukaanka xaaladaha adag ku jira oo ay ugu horrayso oksajiintu. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan Siiro) waxa uu hoosta ka xariiqay dhibaatada weyn ee taalla Cisbitaalka Hargeysa oo ay dadku ugu le’anayaan oksajiin la’aan taasi oo sheekhu ku tilmaamay dhibaato weyn oo dalkeena manta taalla maadaama aanay umaddu haysan adeeg caafimaad oo dawladeed. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan Siiro) oo ka qayb galayay Aaska Marxuum Khaliil Cismaan Sabban Dorraad lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Woqooyiga Hargeysa ayaa waxa uu walaac xooggan ka muujiyay daryeel la’aanta shacabka Somaliland maanta soo food saartay gaar ahaan cabashada weyn ee shacabku ka qabo cisbitaalkii guud. Sheekha oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Waxaa Maanta Innagu Ceeba In Maalinwalba Aasno Qof Loo Waayey Oksajiin la’aan Kadibna Iska Ilawno Dhibtii Hore Ee Ku Dhacday Walaalkeenii Hore Ee U Geeriyooday Oxygen Laa’aan. Markaa Maanta Calaa Qoys 100$ Ha La Isku Xukumo Oo Aan Keensano Mishiinka Sameeya Oksajiinta. Si aan oksajiin Laa’anta Dhakhtar Wayn uga baxno Iyo Cabashadda Dadkeena”. Ayuu yidhi Sheekha oo dadka geeriyooday Alle uga baryey in uu naxariistii janno siiyo inta bugta ee xanuusana caafimaad sareecan ah siiyo. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa cabasho xooggani ka taagan tahay adeeg la’aanta Cisbitaalka Hargeysa iyo dhibaatada shacabku ka qabaan agab la’aanta marka qofka bukaa xaalad adag ku jiro sida Oksajiinta iyo wixii la mid ah taasi oo marar dhawr ah la sheegay in dad badani Cisbitaalka ugu dhinteen oksajiin la’aan. Source
  2. Dhuusamareeb ( Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta duleedka deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheeganay inuu yahay madaxweynaha maamulkaasi. Soo dhoweynta loo sameeyey Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa halkaasi. Soo dhaweynta kadib, Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo loo soo galbiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug uu u sheegayo inuu ka tanaasulay xilkii madaxweynimo ee Galmudug sida uu hadalka u dhigay. Xaaf ayaa sheegay in Khilaafka uu yahay fidni, fidnadana ay ka daran tahay dilka, wuxuuna sheegay inuu ku maqnaa xoogaaa yar oo kululeysi ah sida uu sheegay. ” Wax badan ma aanan maqneyn xooggaa yar oo kululeysi ayay aheyd, hadana waxaa rajeynayaa Odayga waa tanaasulay ee waa la tuuray yaa la oran, saacadaan laga bilaabo Galmudug waa mid” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Xaaf ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeenayo in hadda wixii ka dambeeyo ay reysato Galmudug isla markaasna aan loo baahneyn in dadka Galmudug ay isku sii dhaganaadaan. Ugu dambeyntii Xaaf ayaa sheegay inuusan mar dambe u socon Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya isla markaasna uu hadda kadib ka shaqeyn doono dhismaha waddooyinka iyo Dekadaha Galmudug, wuuxuna madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka codsaday inuu arrintaan ku garab istaago. Haddaba halkaan hoose ka daawo hadalka Madaxweyne Xaaf
  3. Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in bukaano dhowr ah oo leh calaamadaha cudurka Coronavirus ay booqdeen xarumaha caafimaad ee dalka. Sidoo kale ururku waxa uu sheegay in ay jiri karto suurta galnimada in cudurka COVID-19 uu sii hoose ugu faafo bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ururuka bulshada ugu baaqay in ay raacaan talooyinka caafimaad ee loo jeedinayo si looga hortago qatarta uu leeyahay xanuunkan. Ugu dambeyn ururku waxa uu ugu baaqay dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay muujiyaan taxadar dheeri ah islamarkaana marka hore ay badbaadiyaan naftooda si ay u badbaadiyaan ummadda Soomaaliyeed waxaana sidoo kale loo jeediyay in ay xirtaan qalabka loogu talagalay in la isaga difaaco caabuqaan. Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira cudurka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeyn cusub oo xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose. Qoraalkaan oo ay shaacisay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay iska kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka ee taliska AFRICOM. Sidoo kale dowladda federaalka ah ayaa xaqiijisay in weerarkaasi oo dhacay 5-tii bishaan lagu dilay illaa 8 ka tirsanaa kooxda A-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay. “Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa duqeyn xalay ay ka sameeyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose ku dilay 8 horjooge ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Mareykanka ayaa sanadkaan 2020-ka kordhiyey howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab.
  5. The president of Puntland State H.E Said A. Deni made a highly needed state wide call and warned his people the fatality and tragedy that Covid19 pandemic could cause and ordered citizens to stay home and practice social distancing. Other honorable leaders including Prime Minister Khayre and Senator Farole addressed the public through media and explained how social distancing is important and the ruthlessness of this pandemic and appealed to the public to stay their homes for the coming two weeks. Puntland Police chief Gen. Muhyadeen also warned the business community not to take advantage and profit from the dire situation the country is facing and told them not to price gouge the necessary commodities that people desperately need such as foods, fuel, facemasks and sanitizers. He underlined the immorality and disgracefulness to profit from the challenges posed by the Coronavirus calamity. To mitigate the chaos and the social unrest that Covid19 could cause, the government of Puntland lifted the taxes on Medical supplies and regular foods. Puntland also closed the border with Somaliland and the Somali regional state of Ethiopia. They only allowed a time bounded entry for the Somali students who were coming from Ethiopia between 28th of March to 30th March 2020. In Puntland, fears are growing that the mishandling of the curfew and stay-at-home orders could weaken the efforts to stem the pandemic’s advance in the non-effected regions of the country. Despite the fact that this contemporary curfew is severely affecting the society’s most underprivileged groups like the internally displaced people (IDPs) and breadwinners, but it’s necessary to take preventive measures to contain this notorious Coronavirus that doesn’t discriminate poor and rich, men or women. Maadey Abdi 37, a father of six said “Stay home orders is not an option for many people in Somalia. We don’t have savings, we only rely on our daily earnings and we cannot accept the curfew unless the government comes up with another solution and bring something to eat upfront like other governments did”. Many host residents and IDPs did not take Covid-19-the pandemic that started in China and has now affected over 1.2 Million people globally and caused more than 65,000 deaths, until the curfew was announced in Puntland. Puntland’s dusk till dawn curfew in major cities took effect on April 2nd and was intended to control the spread of the Coronavirus and reassure social distancing. It seems that the curfew and stay at home orders only served the other way round, and increased social contact and social gatherings for the following two main reasons: The curfew starts at 06:00 PM and extends until 06:00AM, which resulted people to gather around with more numbers more than ever. Cafeterias, restaurants, markets and mosques are overwhelmed by the Khat clients, students and other employees affected by the stay home orders. The government banned the use of public transport buses that dwell in the town but pave the way for their rival. Bajaj is still working and people are using it over crowdedly now more than ever, since the buses were banned. They are operating in areas they’ve never before and serving for passengers that never used it. The most important thing was the closure of the borders and stoppage of all international and local flights and banning of the Khat. We can do better by increasing the number of handwashing facilities in every government office, agencies, markets, Mosques, public latrines, and enforce the stay-home instructions in everywhere possible. Somalia confirmed its first Covid19 case in 16th March. A Somali citizen who returned from one of the countries effected the virus. Ethiopia and Kenya confirmed their first Covid19 cases in 13th of March but Djibouti confirmed their first case in 14th of March. The confirmed cases in Somalia are still low compared to the neighboring countries like Ethiopia and Kenya, where Covid19 cases rose rapidly to 43 and 142 respectively. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Director General of the WHO, has warned that official numbers may underestimate the scale of infection on the continent. “In other countries we have seen how the virus actually accelerates after a certain sloping point, so the best advice for Africa is to prepare for the worst and prepare today.” Maintaining curfew and social-distancing in the IDP camps IDP camps and informal settlements are also part of the physical infrastructures of many cities in Puntland. All of them were overcrowded and lacked services even before the threat of a global health crisis emerged. These people are in slums and the government and INGOs are barely aware of their conditions. Social distancing, self-isolation regular handwashing are even impossible in the IDP camps. Think of Bosaso IDP camps where hundreds of thousands of people are estimated to live in a very tiny congested homes. Anyone who worked there or regularly use Bajaj in major towns knows that the idea of social distancing is a myth. While all people are affected by the curfew to contain Covid-19 pandemic, not all populations are affected equally. Lower-income households and elderly individuals with underlying health conditions are particularly at-risk. Among the most vulnerable categories are the IDPs who live in a very congested places that could favor the spread rapidly. Humanitarian agencies are warning that it may be difficult to stop the spread of the virus in such places, where sanitary precautions are difficult to maintain and social distancing is impossible. Vast majority of the IDPs can’t afford a soap and the water scarcity is high. Our fragile health system Somalia in general had no well sophisticated government or privately owned health service for the last three decades, and we couldn’t able to cope with a fast spreading disease like the Corona virus. It obviously does not require a pandemic to expose the gaps in the health system. If developed systems like in USA, Italy and Spain can experience under pressured and exhausted from COVID-19, one can only imagine the impact this will have on front-line health staff of Somalia who are without adequate training, protective equipment and even basic drugs. By: Osman Ali Mohamed Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida. The post Enforcement of dusk to dawn curfew proves difficult in Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka iyo jinsiyasadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay muddo kooban hakad-gelisay qabashada codsiyada baasaboorka, sababo la xariira cudurka faafa ee Coronavirus. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in beri oo Talaado ah wixii ka dambeeyey la joojiyey howlaha bixinta bixinta baasaboorka. Sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa tilmaamtay in go’aank ay qaadatay, kadib markii ay sii kordheen digniinaha la xariira Fayruska Corona oo soo gaaray dalka. Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay Ummadda Soomaaliyeed ku soo war-gelin doonto waqtiga dib oo bilaabayo qabashada codsiyada baasaboorka. “Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Karoonaha oo saameeyey isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.” ayaa lagu yiri warka kooban ee ka soo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u joojisay dhammaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee guud ahaan dalka, sababo ku aadan xakameynta cudurka Coronavirus oo illaa iyo hadda wasaaradda caafimaadkaa ay xaqiijisay illaa 7 qof oo lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho.
  7. Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay si hordhac ah u heleen ayaa waxay sheegayaan in uu socdo abaabul loogu jiro in uu Garowe ka furmo Shirweynihii [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Mustaqbal. Wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay inay hayaan kiiskii ugu horreeyey ee COVID-19, kaas oo aan ka imaan dalka dibaddiisa. Maxamed Siciid ayaa shaaciyey in qof ku nool magaalada Muqdisho oo ah muwaadin Soomaaliyeed laga helay cudurka, islamarkaana uu haatan ku jiro xaalad karantiil ah. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafitaanka Furuska Corona. “Kiiskii ugu horeeyay oo gudaha ah isla markaana aan ka imaan dibadda ayaan heynaa, taas micnaheedu ma ahan in dadka dibadda ka imaanaya kaliya aan wadin cudurka, si kasta ayuu ku fidiyaa, haddii aan rabno in aan kahor tagno waa in aynu qaadanaa talooyinka caafimaadka.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday illaa iyo hadda tirada inta qof ee ay diiwaan-geliyeen, isagoo ku sheegay 7 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ajaaniib. Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in qof ka mid ah dadkii ay hayeen uu caafimaaday, kadib daryeel loo fidiyey.
  9. BELEDWEYNE (HOL) - The standoff over change of leadership in Hiiraan continues to unfold as outgoing governor Ali Mohamed Arale maintains he will not leave office while the newly appointed governor Ali Jeyte Osman strikes a deal with regional officials. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaadda ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweyne Cabdicasiis ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadda Wanlaweyn, isagoo colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog. Waxaa uu sidokale shegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga. Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn. View the full article
  11. Iyada oo la duulayo cod ku faafay baraha bulshada kaas oo Dr. Maxamed Fuje oo ah madaxii hore ee xafiiska hey’adda WHO ee Soomaaliya uu ku sheegay in 64 god laga qoday saacado gudaheed qubuuraha cusub ee Barakaat , dhici kartana inuu yahay Coronavirus ayaanu raadinnay xaqiiqda arrintan la xiriirta. Marka hore, Dr. Maxamed Fuje oo arrinta codka kala hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in ay saaka baaritaan u baxayaan isaga iyo saraakiil caafimaad ee kale si loo xaqiiqsado wax dhacay isaga oo balanqaaday in natiijada uu la wadaagi-doono warbaahinta. Dhankiisa, Cabdirisaq Axmed Yuusf oo ah maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ahna madaxa tayada daawooyinka oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in saraakiil caafimaad oo ka socda wasaaradda caafimaadka ay booqdeen qubuuraha Barakaat, kuwa Jaziira iyo xataa qubuuraha 13KM ee duleedka Muqdisho isla markaana ay xaqiijiyeen in Qubuuraha Barakaat tusaale ahaan aan lagu aasin wax 10 qof ka badan 5-tii maalin ee la soo dhaafay hadalka Dr. Fujena aanu xaqiiq iyo baaris dhab ah aheyn. Cabdirisaq Axmed Yuusf, maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ayaa intaasi ku daray in wasaaradda ay wacday ehelada dadkii geeriyooday maalmihii tahay isla markaana lagu ogaaday in dadkaasi aaney u dhimman xanuunno u dhow calaamadaha Coronavirus. Goobjoog News inkasta oo ay iskudeday xiriirro qubuuraha Barakaat ah, weli uma suurogelin, wixii kordhana la socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa jadwalkiisa shaqo ku soo kordhiyay in uu bil kasta Isniinta u horraysa khudbad u jeediyo dadweynaha Puntland. Jadwalkaas, ayaa bilaaban doona maanta oo ku beegan Isniinta u horraysa bishaan April, waxaana sida qorshaysan madaxweynuhu saacadaha soo socda khudbad u jeedin doona dadweynaha Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu bil kasta Isniinta u horraysa u asteeyay, maalin uu la hadlo dadweynaha, taasina ay bilaaban doonto maanta oo Isniin ah, inkastoo aysan shaacin wuxuu khudbaddiisa maanta kaga hadli doono. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bilkasta Isniinta u horeysa u asteeyay maalinta uu Dadweynaha la hadlayo” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland. Khudbadda uu madaxweyne Deni maanta u jeedinayo dadweynaha, ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu dib u dhac kooban ku yimid isku-shaandhayn uu madaxweynuhu ku samayn lahaa Golihiisa xukuumadda. Isku-shaandhaynta ayaa dib ugu dhacday sababo la xiriira isaga iyo madaxweyne ku xigeenka, oo isku khilaafsan habka loo samaynayo isku-shaandhayntaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Deni oo maanta Khudbad u jeedinaya dadweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxa ay magaalada Godinlabe kula kulmeen madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa waxa uu xalay ku hoyday magaalada Godinlabe isaga oo ka soo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana maalmihii la soo dhaafay Gaalkacyo ku sugnaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Waxaana xildhibaanadaasi ay Xaaf ku qancinayeen in uu la kulmo madaxweyne Qoorqoor maadaama Xaaf uu horey u qaadacay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb balse maanta ayaa la filayaa in madaxda ku kulantay Gidinlabe ay sii gaareen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Wararka qaar ayaa sheegaya in Xaaf lagu qanciyay in uu tanaasulo islamarkaana uu ka qeyb galo caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ee Axmed Qoor iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo hogaaminaya Wafuud ka tirsan Madasha Midnimo Qaran ayaa waxay Xafiiskiisa kula kulmeen Wakiilka Midowga Yurub Niclas Berlanger [...] Source
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta duleedka deegaanka Godinlabe ku soo dhoweeyey Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheeganay inuu yahay madaxweynaha maamulkaasi. Soo dhoweynta loo sameeyey Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo muddooyinkaan ku sugnaa halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan Qoor-Qoor iyo Xaaf kulamo is-xog wareysi ah ay ku leeyihiin deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xaaf iyo wafdigiisa loo soo galbin doono dhinac magaalada Dhuusamareeb oo wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug ay labada dhinac ku yeelan doonaan gudaha magaaladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ay wadeen dadaallo lagu qancinayo Xaaf, si uu xilka u wareejiyo. Dhowaan ayaa sidoo kale la filayaa in caleema saarka Qoor-Qoor lagu qabto magaalada Dhuusamareeb, taas oo horay dib loogu dhigay sababo la xariira fayruska Corona.
  16. Kadib markii Baraha Bulshada lagu baahiyey Sawiro muujinaya Qof loo dilay si qaabdaran ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan labada Gole. Nationalt Ibraahim Yusuf [...] Source
  17. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez. Labada masuul ayaa ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan in madasha xisbiyada qaran aysan marnaba aqbali Karin in doorashada dalka ay noqoto mid dib u dhacda. Sidoo kale waxaa kulankaas lagu soo hadal qaaday sidii loo ilaalin lahaa dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, waxaana safiirka lala wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka. Waxaana dhinaca kale Shariif sheikh Axmed iyo Amb Nicolas Berlanga Martinez ay isla soo hadal qaadeen sidii la isaga kaashan lahaa qatarta uu leeyahay cudurka Coronavirus oo haatan siyaabooyin kala duwan ugu sii fidaya caalamka intiisa kale. Halkaan ka akhriso qodobada ay kawada hadleen Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya 1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka. 2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21. 3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin. 4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, iyo in la iska kaashado ka hortagga cudurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa haatan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ku soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Ex. Madaxweyne Xaaf oo horay u qaaddacay doorashadii lagu doortay Qoor Qoor ayaa mudda kadib lagu qanciyay in uu aqbalo doorashadaas islamarkaana ka qeyb-galo caleema-saarka madaxweynaha cusub. Dhowaan guddoomiyaha guddiga caleema-saarka madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay mudane Xaaf kaasi oo kala hadlay dhammaynta khilaafaadka jira iyo in uu aqoonsado madaxweynaha cusub ee Galmudug. Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka oo laga soo doorto Galmudug ayaa la kulmay Xaaf si khilaafka meesha looga saaro waxaana ugu dambeyn lagu guulaystay dadaalladaas. Ex. Madaxweynaha Xaaf ayaa hadda ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu kaga qeyb-geli doono caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoor Qoor. Waxaa la filayaa in Xaaf iyo Qoor Qoor ay kulan gaar ah yeeshaan saacadaha soo socda kaasi oo looga arrinsan doono dhammaystirka dib u heshiisiinta bulshada Galmudug PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo Xaaf ku soo dhaweeyay Godinlabe appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Degreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha dalka ayaa lagu magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi oo horey haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay gudaha deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi, kadibna uu xigay iska hor imaad toos ah. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen labada dhinaca. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyey dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey. Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa lagu tababaray saldhigga Turkiga ee M/Muqdisho. Lama oga khasaaraha dhanka Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaalada ayaa haatan degan, balse ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gobolka Sh/Hoose. Janaale ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ka talineysay halkaasi.
  21. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranaka Dr Saleybaan Maxamed Maxamuud oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka digay in qaab dhaqmeed lagu xaliyo ragggii ka dambeeyey kufsi dabdho da’yar ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dr Saleybaan ayaa sheegay falal la xariira kufsiyo dhowaan ka kala dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud ay soo gaareen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana ay gacanta ku hayaan kiisaskaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan u dul-qaadan doonin tacadiyada loo geysto haweeenka Soomaaliyeed. Ugu dambeeyn xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay si wadajir ah ula shaqeeyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed. View the full article
  22. Amani Al-Khatahtbeh, the founder of MuslimGirl.com, is making history as the first Muslim woman to run for federal office in the state of New Jersey. Source: Hiiraan Online
  23. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Degreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha Dalka oo nuqul kamid ah ay heshay Shabele ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horeyju haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo. Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub. View the full article