Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hadii aan qaadka la joojin kareyn waa in 2 ama 3 jeer asbuuciiba uu dalka yimaadaa, bulshadana loo sheegaa in qaadka laga qaadi karo Covid19. qalinkii A/rahman fidhinle UK Jaadku waa Aafo qaran waana mukhaadaraad debedyaal u ah dacdarada dabeecada, nadaafadana looguma dadaalo oo lama maydho marka la jaraayo ama la raraayo ee la iib geynaayo. Jaadku intaanu gaadhin goobtiisa ugu danbeysa ee lagu qaybinaayo wuxuu soo maraa gacmo fara badan oo qaar ka mid ahi ay qabi karaan ama sidi karaan Xanuunka dilaaga ah ee Covid19, sidaa daraadeed Jaadku sifudud ayuu u fidin karaa una gudbin karaa xanuunka caabuqa ah ee Covid19, Waa hadii uu soo taa taabtay ama uu soo raray qof xanuunkan qabaa. Qaadku waa ganacsi bulsho kaas oo keena in lawada barjeeyo oo lays urursado lana wadaago shaaha, sharaabka iyo sheekadaba. Qaadku waa ganacsi debedyaal ah oo gacmo saar, saar badan kaa soo aan nadiifsaneyn,kuna xafidneyn bac ku xidhan ama bogos u gaar ah oo lagu xafido .Dhaqan ahaan shacabkeenu waa bulsho is dugsata, isna urursata Qaadkuna waa ganacsi maalmeed bulshada isku keena oo sababi karaa in uu si baaxad leh ufidiyo xanuunka dilaaga ah ee Covid19. Xanuunka Caabuqa ah ee uu keeno Fayruska yar ee ili ma aragtada ah ee dhumucdiisu tahay 120nm ayaa bilihii udanbeeyey aduunka oo dhan kala xidhay oo bandoo ku soo rogay kaas oo galaaftay naf iyo maal badan siina galaafan doona in dhaqaalaha aduunku uu aad iyo aad hoos ugu dhaco bilaha soo socda. Xanuunka Covid19 wuxuu aduunka ku dhacay dad qaadhaaya ilaa iyo 2 milyan oo qof, waxaana uu xanuunkani dilay mudo kooban dad ka badan 150 kun oo qof. Xanuunka Covid19 Dawo ma laha, Talaalna ma laha ee wuxuu leeyhay oo keliya ka hor tag iyo in aad adigu is bad baadiso oo aad gacmaha meydhato mar kasta nadaafadaada guudna aad ilaashato, buuqa dadka badan sida ,Suuqyada xaamiga ah, makhaayadaha iyo meelaha kale ee lagu kulmona aad ka dheeraato ilaa inta uu xunuunku dhamaanayo ( Social Distancing ) Xanuunka Caabuqa ah ee Covid19 Waa cudur aduunka oo dhan ku cusub oo gun-dheer oo aduunka oo dhan saameeyey waxaana uu hada marayaa marxaladii labaad kaas oo ka soo bilaabmay dalka shiinaha magaaladiisa Wuhan ka dibna si xun uga dilaacay qaarada Yurub iyo Ameerika oo iyagu ahaa wadamadii sameystay hayadaha caafimaadka aduunka ugu fiican hadana ilaa iyo maanta may xakameyn faafida cudurkan oo waxaa uu cudurkani ka galaaftaa oo ka dilaa boqolaal qof maalin kasta. Cudurka Caabuqa ah ee Covid19 Waa cudur ku dhaca marinada nugul ee neef mareenka iyo Sambabada taas oo keeni karta oofwareen iyo neefsashada oo qofka dib ugu noqota ka dibna qofku markiiba uu dhinto hadii uu waayo gar gaarka deg-dega ah iyo mashiinkii oxgygenta sii naayey oo deg deg ah.. Alleh kama dhigee Saynisyahanada wadamada Yurub waxay sheegeen in Xanuunkan Covid19 uu ku danbeyn doono qaarada Afrika oo aan iyadu laheyn hayado Caafimaad iyo cisbitaalo ay ku rakiban yihiin qalabka gar-gaarka deg dega ee xanuunkan lagu xakameeyo maadaama aanu daawo laheyn xanuunkani. Aqoonyahanada ku takhasusay fayraska ee loo yaqaan fayrasyahanada ayaa iyaguna isku raacay in aan fayraskani soo dhaafi karin marada caadiga ah hadii aad afka iyo sanka iskaga xidho maro yar ama cumaamad sidaa daraadeed waa in dadku afka iyo sanka iska xidhaan markay tegayaan meelaha buuqa ah ama ay booqanayaan Cibitaalada iyo goobaha ay joogaan dadka xanuunkan u jiifa. Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen astaamaha Xanuunka Caabuqa ah ee Civid19 Waxay ku soo muuqdaan mudo 3 ilaa iyo 14 maalmood ah waxaana ay astaamaha koowaad ee cudurkani u eeg yihiin kuwa Hargabka caadiga ah sida Cabudhaad, Cune xanuun, madax xanuun, qandho joogto ah iyo qufac qalalan. Calaamadaha Labaad ee cudurkani waxay noqonayaan Neefsashada oo qofka ku adkaata iyo fayraska oo ugudba Sanbabada kadibna qofku neefsan kari waayo oo qofka naftu qabato marka uu Xaaladan qofku maryaayo wuxuu u baahan yahay oo keliya kaalmo deg deg ah oo Oxygen wadata (intensive care unit ) ICU. Nasiib daro dhakhaatiirta dalkeena Somaalilaan ma laha waadhadh ay ku qalabaysan yihiin galabka gar gaarka deg dega ee Oxygentiisa wata. Xanuunkan noocisa sahlan ama loo yaqaan ( Mild) waxaa calamadaha Hargabka caadiga ah u raaca Shuban , urta iyo dhadhanka oo qofka ka tagta marka uu Calaamadahan leeyahay qofka uu xanuunku saameeyey waa ka ugu badan aduunka oo waa mid sahlan oo lagu bogsan karo mudo kooban oo 2-ba asbuuc ah. Talo Soo Jeedin Si loo Xakameeyo Xanuunkan Dilaaga ah Covid19: 1- Waa in Xukuumadu Qaadka si gaar ah uga wacyi gelisaa bulshada Somalilaan 2- Waa in Xukuumadu Qaadka Joojisaa mudo 6 Asbuuc ah hadii ay joojin kari weydo waa in Qaadku dalka yimaadaa 2 ama 3 jeer Asbuuciiba ilaa mudo laba bilood ah. 3- Waa in Xukuumadu soo iibsataa sheybaadh casri ah kaas oo ay kaga maarmayso tijaabooyinka dadka laga qaado ee debeda loo diraayo marka qof soo dhacoba. 4- Waa in Xukuumadu soo iibsataa ama Aduun weeynaha ka dalbataa qalabka gar gaarka deg dega ah oo Oxygentiisa wata ( intensive care units) 5- Waa in Xukuumadu ay dalbataa ama imaaraatiga ka baridaa Raashin badan oo wada gaadha dhamaan dadka dan yarta ah iyo Ciidmada qaranka Bisha Rabadaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  2. (SLT-Riyadh)-Wasaaradda deegaanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaalida. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray deegaanada Soomaalida, kuwaas oo muddo hakad-jiray. ”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaalida” ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga. Source
  3. Maxamuud Xaashi Wuxuu Xilka Qaranka Ka Maqnaa 2-Sanadood Sidee Baynu Uga Aqbalnaa Waxaan Leeyahey Han Kale iyo Jabhad baan Sameynayaa Maxamuud Xaashi Wuxuu Xilka Qaranka Ka Maqnaa Laba Sanadood Sidee Baynu Uga Aqbalnaa Waxaan Leeyahey Han Kale iyo Jabhadbaan Sameynayaa Marka Xaqiiqada ama Nabarka Hoos loogu Dhaadhaco dadka Reer Somaliland badhkii ayaa u fahma in ay arintaasi Qof Nacayb ama Qof Jeclaysi,Waxaan kamid ahaa Shakhsiyan Dadkii Siyaasad ahaan ku taageerayay, in Maxamuud Xaashi Cabdi Hankiisa Xaq u leeyahey, oo ay u banaan Tahey in uu ku tartamo Siyaasada Xisbiga Kulmiye iyo Hogaamintiisa Inkastoo, ay Jiraan Tuhuno badan oo la Xidhiidha mudadii uu Xilka Qaranka hayey, Maxamuud Xaashi Cabdi (Wasiirkii hore ee Madaxtooyada), iyo Waliba (Wasiirkii hore ee Duulista Hawadda), oo labada Jeerba ku beegan in uu kamid ahaa ama ahaa xubnaha miisaanka leh ee mar walba ka Qeyb gala taladii Xukuumadii uu Gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, Waxaa isaga Maxamuud ahaan Marka Goonidiisa loo hadalqaado marar baddan xantii Shacbiga Reer Somaliland u badinayeen oo aheyd, in uu hurintiisa Wax ka ogaa Dagaaladii Ceel-Afweyn ee Colaadii u dhaxysay abtiyaashii iyo Tolkii taasina Waxa ay dadka fiirada Dheeri sabab uga dhigi jireen inta baddan in Xukuumadaas iyo Ragii taladu ka go,aysay, ujeedada ay ka lahaayeen, aheyd si Muddo kordhin Xukuumadu u hesho, oo Doorashadii Madaxtooyada ee Soo Qadineyd dib loo dhigo, Maadaama Xalka Xiisadii Ceel-Afweyn aaney Xukuumadaa hore, ka gali, jirin Xal loo helo Nabad ka dhalata oo Xaqiiqda ku Saleysan, maadaama, had iyo Jeer ay Mushkiladu mar walba Bilaw ka aheyd Geesta Maxamuud Xaashi Wasiirkii Awooda badnaa Dhinaca Tolkii Sidaana ay ku daba dheeraatey Xiisadii Ceel-Afweyn ee Colaadaha Sokeeye, oo soo gaadhey ilaa iyo Xukuumadan Dambe ee Xisbiga Kulmiye ka dhalatey. Haddaba marka aan hoos ugu dhaadhaco Nuxurka Qoraalkan, Waxaa dadka Reer Somaliland Maanta Jimcihii ilaa Xaley Caweyskii si aad ah loo hadalhayey Koox kaga Dhawaaqey Deegaanka Gobolka Sanaag in ay Yihiin Jabhad lamid ah tii ka dhalatey Dulmigii iyo Cadaalad Daradii Wakhtigii ay Maxamuud Xaashi,Saaxiibkay(Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu) midida Daabkeeda u hayey Waxa Qof kasta oo Caqligiisa iyo Fikirkiisa Min Qiyaasay, Jabhadaasi iyo Cududa Ardaaga ay ku dhawaaqeen Magac ahaan ee Beesha(Muuse-Abokor) Habar-jeclo barri waxaa loo aqoonsadey, Koox bar bilaw u ah Dhaqdhaqaaqyada hirdanka Xisbiga Kulmiye lagaga Ridanayo Madaxweynaha Xiligan Talada Somaliland haya, Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Kooxdan Musdambeedkooda, iyo dhismahoodaba aanu marna ka Maqneyn Maxamuud Xaashi Cabdi oo Godkaa Ceel-Afweyn rabshadaheeda, iyo Golcadaa Sanaag ee Beesha Muuse Abokor guud ahaanba Damaciisa iyo Siyaasadiisu fadhiisatey. Haddaba Waxaan Leeyahey, Maxamuudaw Xilka Waxaad ka maqneyd, Muddo yar Damacaaguna Waa mid lagula Qabbo, oo Waxaan Leeyahey kaa Ragba Wuu Wada Qabaa, Waxaanse kaa Soconayn, oo aan Cidina kaa dhageysaneyn, inaanay laba isku kaa qabanayn, Ninkii Wuxuu yidhi laba Walba isa saarayoo, Laba Tagoogood isma Saarin, Suurtagal ma aha inaad mar Walba Qaboojiso Badheedhahaaga Siyaasiga ah, oo dhulka Jiifiso Damacaaga aan Joogsiga laheyn, ee aad Waayeelka ka ilaalisey,iyo in aad Arimahan Foosha Xun ee Shacabka Somaliland mar Walba Gobolka Sanaag iyo Ceel-Afweyn ka maqlayaan aad Daaha Dambe ujoogto, Siyaasada Waxaad ka maqan Tahey Wakhti kooban Waxaa Fursada kaa leh adiga iyo Beesha aad kasoo Jeedaba Marka Jeegaanta laga tago,umada kale ee Reer Somaliland ee aasaaska Kulmiye tacab iyo tabarba ku lahaa xataa hadey Beesha Dhexe yihiin, Markaa jid lagaaga Horeeyay,oo Cadaalad daradii lagaa tirsanayey ku timid, ana kaasaan Marayaa Foolxumadeeda ayay Leedahay,e Waxaan kugula Talin lahaa Adiga Madaxweynaha Xisbiga kaa Haystaa Qoddob kaliya Isku ogaada, Ina aydaan Abaal isku laheyn, Sidaad adigu Aaminsan Tahey ee Xisaabtaadu tahey, isku ogaada, Mid kalena isku ogaada oo, in aad Dagaal badheedhe ah Wax ku kala Dhacsaneysaan, iyo in aad isku tanaasuleysaan isku ogaada, Buurmadawna Qoddob isku ogaada, oo in aad Maruun si xaqiiq ah isku aaminaysaan,oo meel u wada Socotaan,oo aydaan kala Leexanayn isku Ogaada, Shacabka Somalilandna Mid isku ogaada in aad Tahey Ninkii shaley Xilka ka hayay Qaranka oo hadana Mid kale ka Doonaya isku ogaada ,oo ha isku ogaanina Rabshadahan Ceel-Afweyn iyo Jabhadahan laga maqlayo, Gobolka Sanaag. Wabilaahi Tawfiiq Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tell:0634466339 Qaran News
  4. Raydh (Caasimada Online) – Wasaaradda deegaanka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd Xoolaha looga soo dhoofiyo Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray gudaha Soomaaliya, kuwaas oo muddo hakad-jiray. ”Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga. Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka hadasho arrintaan, islamarkaana ay war ka soo saartay go’aankaasi. Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi. Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.
  5. Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ee Puntland ayaa waxa uu kordhinayaa goobaha caafimaad ee loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Coronavirus ee dunida oo idil saameeyay. Guddiga ka hortagga xanuunkaan ayaa waxa ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay u kordhin lahaayeen goobaha dadka isaga shakiya COVID-19 ay tagi lahaayeen, waxaana guddigu uu hoosta ka xariiqay in arrinkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqaaqi doonaan. Waxaa ay guddigaan wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan cudurkaan sidoo kalane ay uga hortagaan COVID-19, iyada oo aysan jirin wali kiisas la xiriiira xanuunkaan oo deegaanada maamulka puntland laga diiwaan galiyay. Horey dowlad goboleedka Puntland ayaa u soo saartay awaamiir ku aaddan in dadku aysan isku imaan Karin islamarkaana waxaana deegaannada maamulkaasi lagu soo rogay bandow habeenkii ah si looga baaqsado faafitaanka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan Daraawiishta Koonfur Galbeed ay la wareegeen degaanno ka tirsan gobolkaas. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay hawlgal dagaal kula wareegeen degaannada Bandhuub iyo Biilane oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Bandhuub iyo Biilane waxaa horay gacanta ugu hayay malayshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo isaga baxay halkaas kadib markii ay hawlgal military ku soo qaadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed. Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii malayshiyaadka Al-shabaab looga durkin lahaa degmada Diinsoor oo ay go’doomiyeen kadib markii Al-shabaab jid-gooyo u dhigteen gaadiidka Raashinka iyo alaabta geeya degmadaas. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo AL-shabaab kala wareegay degaannada Bandhuub iyo Biilane ee gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
  7. War kooban oo kasoo baxay dalka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in si rasmi ah xayiraaddii looga qaaday xoolihii Soomaalida ee loo iibgeyn jiray. Warkan oo lasoo dhigay barta Twitterka Wasaaradda Deegaanka ee dalka Sucuudiga ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Waxaa xayiraadda laga qaaday xoolihii Soomaaliya laga soo iibsan jiray.” Si kastaba, warkan ayaa si weyn u farxad gelinaya ganacsatada ka shaqeysata xoolaha oo xilligan oo kale uu ahaa waqtiga ugu muhiimsan ee ganacsiga xoolaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Guddiga ka hortaga COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in kiiskii laga shakisnaa ee magaalada Dhoobley laga waayay xanuunka Corona Virus, ka dib markii magaaladaasi lagu arkay qof qaba calaamadaha COVID-19. Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa maalmo ka hor waxaa laga helay ruux lagu arkay calaamadaha xanuunka, kadibna baaritaan ayaa lagu sameeyay, Waxaana loo diray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana guddigu u xaqiijiyay in shaqsigaas laga waayay xanuunka COVID-19. Jubbaland ayaa horay u xaqiijisay kiisas laba ah oo la xiriira caabuqa Coronavirus, waxaana labadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo walloow markii dambe la sheegay in shaqsiyaadkaasi ay baxsadeen. Guud ahaan Soomaaliya kiisaska laga diiwaan galiyay cudurka COVID-19 ayaa waxa ay gaaraysaa 136 kiis sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in degamadaasi ay ka taagan tahay cabsi laga qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabelle. Dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa degan xaafadda Horseed ayaa wal-wal ka muujinaya in wabiga Shahabelle uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolka Sh/ Dhexe. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay jawaano caro ah dhigaan halkaasi, si looga hortago fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga. Mas’uuliyiin uu ka mid ah yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka HirShabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaarim Daqare ayaa ka mid ah dadka wax ka dhigay Jawaanada ciida oo dadka deegaanka ay uga hortagayaan fatahaada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah. “Laga soo bilaabo Deefoow Gobolka Hiiraan illaa Degmada Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah waxaa ku dhex jira goobo laga cabsi qabo in uu karkaarada ka jabsado Wabiga Shabeelle waana 59-meel, mana jiraan Hay’ado u diyaarsan in ay wax ka qabtaan oo si deg deg ah uga jawaaba cabsida dadka deegaanka” ayuu yiri wasiir Maxamed Bashiir. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
  10. Mudanayaal, aniga oo og inaad u taagantihiin sidii shacabkeenna aad uga badbaadin lahaydeen masiibada ka soo fool leh xanuunka COVID19, hubana in aad qaaddeen tillaabooyin ay ka muuqato masuuliyad iyo u diirnixid shacab, haddana waxaan jeclaystay inaan dadaalkiina ku kabo talooyiin ay iila muuqatay inay wax ku ool yihiin. Mudanayaal, waxa aad ogtihiin in dawladaha caalamka koobaad ee uu xanuunkaani ku habsaday, aanu illaa imminka xanuunku si isku mida u saamayn. Waxaa jira kuwo si mug leh u maareeyey xanuunka, kuwo meel dhexe jooga iyo kuwo ku fashilmay wax ka qabashadiisa. Dawladahaani waxa ay ka simanyihiin in dhammaantood ay yihiin kuwo qaniya, ay leeyihiin daryeel caafimaad oo heer sare ah, haystaanna technologiyad u sahalaysa xakamaynta xanuunka. Mudanayaal, waxa kaliya ee ay dawladahaani ku kala duwanyihiin, natiijada u soobaxayna kala gaddisay ayaa ah, sida ay u kala hor baraarugeen, u kala hor diyaargaroobeen, go’aamadana u kala hor qaateen. Sidaas daraadeed ayaa dalalka fakhriga ahna natiijadoodu ku xirnaan doonan sida ay tillaabooyinkaan u kala hor qaadaan. Mudanayaal, waxaan idinku bogaadinayaa tillaabooyinka hordhaca ah ee aad horay u qaadeen. Mudanayaal, inkasta oo aynu sabool nahay awooddeenu na koobantahay, haddana tillaabo walba oo aynu horay u qaadnaayi waxa ay xakamaynaysaa fidista xanuunka. Sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah, in aynu qaadno tillaabooyin dheeraada oo wax inoo badbaadin kara, kharash badanna aan inoogu kacayn. Tillaabooyinkaas waxaa ka mida kuwaan hoos ku xusan. Kow, mudanayaal, cid walba oo xanuunkaan dagaal kula jirtaa waxa ay leedahay qorshe u daggan oo ay xanuunka kula tacaasho. Sidaas daraadeed waa muhiim in aynu innagu na qorshe leenahay. Waxaa jira dhawr qaab oo xanuunka lagula tacaalayo oo ay dawladaha caalamku dawlad waliba ay mid qaadatay. Qorshaha ugu wayn ee inta badan dawladaha caalumku ay qaateen na waa kii China ee Lockdawn-ka dadka oo la xanibo. Qorshaani waa adagtahay in uu innaga inoo hirgalo, maxaa yeelay qaabkaas dadkeenu uma carbiyaysna dalkeenuna uma qaabaysna. Dhanka kale, waxa aynu nahay bulsho isugu dhex nool dadkii waawaynaa iyo kuwii yaryaraa, oo dadkii waawaynaa xanuunka u nugulyihiin. Mudanayaal, maadaama dadkeenu u badan yihiin dhalinyaro, ayna dhici karto in ay xanuunka iska difaacaan, waxaan ku talinayaa in qorshaheenna koobaadi uu noqdo in aynu xoogga saarno qaybaha nugul ee bulshada sida: dadka da’da ah iyo bukaanka xanuunada culus qaba. Mudanayaal, waxaa ila habboon in dadkaan lagu booriyo in ay magaalooyinka waawayn uga baxaan tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha, taas oo laga yaabo in ay yarayso khatartii ay kala kulmi lahaayeen magaalooyinka. Labo, mudanayaal, markii dawladaha Chine, Taiwan, Honkong, Japan, iyo South Korea oo ah dawladaha safka hore ee xanuunka xakameeyey ay dadkooda ku khasbayeen in ay afka xirtaan, WHO iyo hay’adda ka hortagga xanuunada faafaa ee Maraykanka CDC, labaduba waxa ay ku talinayeen in dadka xanuunsan oo kaliya ay afka xirtaan. Imminka markii la ogaaday in 25% -%50 dadka xanuunka qabaayi aanay wax calaamadaa aanay lahayn (daraasad ku aadan xanuunka oo lagu sameeyey dalka Iceland ayaa sheegaysa in 50% dadkii xanuunka laga helay aanay wax calaamada lahayn) xanuunkana fidinayaan, waxaa lagu taliyey in cid waliba ay afka xirato. Mudanayaal, innaga oo ka duulayna muhiimadda uu “Afxirku” leeyahay, ogna koobnaanta awoodeenna iyo in aynaan heli karin Face Maski ay warshadi soo samaysay, haddii aynu helna na bulshadeenu aysan gadan karin, waxa aan ku talinayaa in dawaarlayaasha lagu booriyo loona jiheeyo in ay tolaan “afxirka”. Waxaa kale oo aan ku talinayaa in ragga lagu amro in ay afka cimaamdo ku xirtaan , dumarka na lagu booriya in ay niqaabka xirtaan. Mudanayaa, waxaa haboon in magaalo walba laga abaabulo samafalayaal tabarucaad u aruuriya tolista “afxirka”, dadka muxsiniinta ah ee wax haystana lagu booriya in ay u gurmadaan maalgalinta tolista afxirka, si loogu qaybiyo inta nugul iyo danyarta. Saddex, mudanayaal, markii ugu horraysey ee uu xanuunkaani ku faafay dalka South Korea meeshii ugu horraysay ee uu ka faafay waxa ay ahayd kaniisadda Shincheonji Church Of Jesus. Meeshii ugu horraysay ee uu dalka Iiraan xanuunku ka soo galayna waxa ay ahyd magaalo diimeedka Shiicada ee Qum. Halkii ugu horraysay ee uu Faransiiska ka faafayna waxa ay ahayd kaniisadda Open Door Church ee Mulhous. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in masaajidda oo ah meelaha ugu badan oo dadka ugu badani isugu yimaadaan, qorshe cad loo sameeyo. Afar, mudanayaal, maadaama uu xanuunkaani yahay mid ka mida xanuunada faafafa, waxaa lagama maarmaana in la raadiyo cid walba oo aqoon ama takhasus u leh xanuunada faafa, si ay u bixiyaan talooyin ku aadan qorahayaasha ku habboon in la qaado. Sidoo kale waxaa habboon in la sameeyo guddi dhakaatiira oo uu garwadeen u yahay dhakhtar ku takhakhusay xanuunada faafa si ay u hoggaamiyaan dadaalada lagula dagaalamayo xanuunka. Mudanayaal, waxaan idiin rajaynayaa guul, waxa aanaan aaminsanahay in tillaabooyinka aad qaadeen iyo kuwa aad qaadi doontaanba ay yihiin kuwo wiiqi doona fiditaanka xanuunka Mohamed Ahmed Elmi. The post Talo ku socota guddiga la dagaalanka xanuunka COVID-19 ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Cabsi xoogan oo laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe. Dadka deegaanka ayaa wal-wal ka muujinaya in markale wabiga uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolkaasi. Meelaha sida weyn cabsida looga dareemayo waxaa ka mid ah degmada Jowhar, gaar ahaan xaafadda Horseed oo la dhigay jawaano caro ah, si looga hortago fatahaada. Sidoo kale waxaa halkaasi booqday mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle oo ku baaqay in la sameeyo dadaallo looga gaashaamanayo fatahadaasi. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article
  12. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa looga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu tacsiyadeeyey dowladda federtaalka Soomaaliya, golaha shacabka ee baarlamaanka JF, Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Allaha u naxariistee Maruuxm Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya). Sidoo kale AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Xildhibaanka oo ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka uu door wanaagsan ka soo qaatay arrimaha horumarinta ee dhalinyarada. Si kastaba ha’ahaatee Xildhibaanka geeriyooday ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Muqdisho, waxuuna uu la’ il darnaa xanuunka macaanka, View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda lo soo gaabiyo (IMF) ayaa sheegtay inay siin doonto $ 11 bilyan 32-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaas oo codsaday caawimaad si aay ula dagaallamaan cudurka halista ah ee Corona Virus, kaasi oo sameen ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha wadamada soo koraya. Dowladda Galbeedka Afrika ayaa kudalbatay taageero bulsho iyo mid dhaqaale oo gadheeysa 1.7 tirilyan oo u dhiganta ($ 2.8 bilyan), si ay hortag ugu sameyaan xanuunkan halista ah. Dhibatooyinka uu sababay COVID 19 waxaa ka mid ah hoos u dhigida canshuuraha shirkadaha iyo ganacsiga yar yar iyo dhimista kharashka sanadlaha ah ee wadamada taagta daran. Wadanka Ivory Coast ayaa kamida dalalka qaaradda Africa dhaca ee uu saameyey Xanuunka Covid-19, waxaana uu diiwaangaliyey 688 qof oo qaba Cudurkan, halka 193 kamida ay kasoo bogsadeen, waxaana u geeriyooda Fayruskan 6 qof. Source
  14. Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Ciidamada oo qaaday howlgallo qorsheysan ayaa gaaray deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay. Xaaladda ayaa saaka ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedka degmada Diisnoor ee gobolkaasi. View the full article
  15. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Ciidamada Dowladda oo deegaanno cusub kala wareegay Xarakada Alshabab. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed M Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula taliyay inay qaataan talooyina caafimaad ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka CORONA. Tiftaraha Goobojoog oo Talaaladii lagu xiray Muqdisho oo dib u helay xorrriyaddisa. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa shaacisay in labo ruux ay u dhinteen Coronaviras 19 kalana uu soo ritey. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa Sheegay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19. Madaxweynaha Galmudug oo magacaabis cusub sameeyay. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog-19-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-190420-Okey.mp3 View the full article
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano hoos-yimaad degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in u-jeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi oo uu tilmaamay inay ku dhibaateeyaan dadka dhacabka ah ee isaga kala gooshayada wadooyinka gobolka Baay. Dhankiisa guddoomiyaha Diinsoor Cabdi Salaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in xilliyada ay soo dhow-dahay bisha Ramadaan ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saarto degmada, balse wuxuu tilmaamay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaasi. Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Weli dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa deegaano iyo degmooyin ka heysta gobollada Baay iyo Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya.
  18. Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in magaalo kasta oo ka tirsan Puntland laga samaynayo xarun caafimaad oo uu la xiriiro qof kasta oo isaga shakiya xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa lagu go’aamiyay in magaalo kasta oo Puntland ku taalla laga sameeyo xarun caafimaad oo uu xiriir la sameeyo qofkii isaga shakiya xanuunka si xaruntaas u hagto qofka tallaabooyinka uu qaadayo. Guddiga ayaa wada dadaallo kala duwan oo ku wajahan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus inkastoo aan weli degaannada Puntland laga soo sheegin kiisas la xiriira cudurkaas. Waxaase xusid mudan in ay jiraan dad looga shakiyay xanuunka oo qaarkood laga waayay halka kuwa kalena haatan la sugayo natiijada baaritaankooda oo maalmaha soo socda la shaacin doono. PUNTLAND POST The post Puntland oo kordhinaysa xarumaha la tacaalidda COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  19. Guddiga dowlad goboleedka Jubaland u qaabilsan ka hortagga xanuunka COVID-19 ayaa shaaciyay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunkaas. Qofka laga shakiyey oo sida guddigu sheegay ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa baaritaanka natiijadiisu noqotay in laga waayay cudurka Sidoo kale Guddiga ka hortaga Cudurka COVID19 ee Jubbaland waxaa ay sheegeen in markii hore qofkaas lagu arkey calaamaha xanuunka Coronavirus taasi oo keentay in baaritaan la mariyo Guddiga ayaa dhowaan markii u horraysay shaaciyey in laba qof oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay xanuunka kuwaasi oo labaduba rag ahaa. PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay natiijada dad laga baaray xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, oo wareysi siiyey VOA, ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyay mashruuca dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo khasaaraha kasoo gaaray weerarradii ay ku qaadeen Al-Shabaab. Mashruucaas ayaa dhowr jeer lala beegsaday qaraxyo, waxaana mid ka mid ah qaraxyadaas oo dhacay 28-kii December lagu dilay dad ka badan 90 qof, oo ay ku jiraan kuwa u dashay dalka Turkiga. Hase yeeshee Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab aysan ku guuleysan hadafkooda ahaa inay joojiyaan dhismaha waddada. “Nasiib darro waxa ay aheyd dhacdo aad u xun oo aan u soo joognay, muwaadiniinteena waxaa la dhintay qaar badan oo ka mid ahaa walaaleheena Soomaaliyeed, kuwa la dilay waxay ka shaqeynayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, dhacdooyinkaas xanuunka badana wax caqabad ah kuma aysan keenin howshuna si wanaagsan ayey halkii uga socotaa,” ayuu yiri safiirka. Mehmet Yilmaz ayaa dhinaca kale sheegay in markii uu soo idlaado mashruucan ay mid la mid ah ka billaabi doonaan gobollada kale ee dalka. Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya dowladda Qatar, hase yeeshee qandaraaska dhismaha ayaa waxaa ku guuleysatay shirkad Turkish ah. Weerarkii ugu dambeeyey ee 28-kii December ayaa waxaa dadkii ku dhintay ku jiray laba muwaadiin oo Turkish ah oo ka shaqeynayey dhismaha waddada.
  21. Egypt’s top Sunni Muslim authority Al-Azhar said early April it is not permissible for Muslims to avoid fasting in the holy month of Ramadan amid the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  22. South African Airways plans to lay off its entire workforce after failing to persuade the government to provide more financial aid, a move that threatens to ground the 86-year-old carrier for good. Source: Hiiraan Online
  23. In mid-March, Somalia’s council of ministers held a special meeting on Covid-19, as it became clear that the pandemic was soon to hit country. Source: Hiiraan Online
  24. Italian military has locked down a nine-storey squat, where 18 people share one toilet, after residents tested positive. Source: Hiiraan Online