Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Walanweyn (Caasimadda Online) – Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa maanta Barqadii gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ay qeyb ka yihiin Garsoorayaal. Gudoomiyaha iyo saraakiisha ku wehlinaysay socdaalka ayaa waxaa degmada Wanlaweyn ku soo dhaweeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan halkaasi u tagay in ay kala dhexgalaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanadaasi. Waxaa Degmada Walanweyn ka socdo kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Walanweyn, iyaga oo kala hadlaya dilalkii ka dhacay Magaalada. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay haatan kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Walanweyn, iyaga oo kala hadlaya dilalkii ka dhacay Magaalada. Xubnaha Wafdiga uu horkacayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa ay degmada Walanweyn u tageen sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen dilalkii arxan darrada ahaa ee dhawaan ka dhacey, iyaga oo bilaabi doona baaritaanada dad lala xiriirinayo dhacdooyinka. Dagaalkii labada maleeshiyo beeleed ku dhexmarey degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu sababey in Gudaha degmada dad la dilo, kadibna meydkooda la gubo taas oo keentay in dowladda ay Ciidamo u dirto. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Xildhibaanada labada gole ee Dowladda iyo siyaasiyiin ayaa ku baaqay in dagaalkaasi sida uga dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisada u dhaxaysa beelaha lagu dhameeyo wada hadal iyo isqancin.
  2. Garowe ( PPM) — In a break with previous administrations, Puntland President Said Abdullahi Deni has introduced a monthly speech on government activities. Yesterday evening President Deni delivered a speech via Puntland State Television. The speech, which was streamed through YouTube, had provided President Deni with an opportunity to discuss challenges facing Puntland State of which Covid-19 is the most pressing. “I urge people to follow rules to prevent the spread of the deadly disease. Khat is a main transmission source of the disease” Deni said. Khat is still imported to Puntland. Chewing it is a form of socialising for men, who meet in designated places known as majlis (council). Puntland has not temporarily banned importation of Khat. President Deni: Khat is a main source of Covid-19 transmission President Deni welcomed efforts of Galmudug State President, Ahmed Abdi Kaariye, who met with his former rivals to form an inclusive administration. Deni’s administration was neutral in the power struggle that culminated in the defeat of the former paramilitary group, Ahlu Sunna Wal Jama’a. He welcomed talks between Jubaland administration and former Presidential candidates in Nairobi and urged the Federal Government to push the talks. Deni called for an end to feuding in Jubaland between two communities. Puntland State President said he was sanguine about a summit he called for, to be held in Garowe for the Federal Government and other Federal Member States. A similar summit held in Garowe one year ago ended in failure. President Deni is exploring ways to revive the former Council of Inter–State Cooperation (CIC) that his predecessor co-founded to exert pressure on the Federal Government in Mogadishu. President Deni enumerated the progress his administration has made to date in the security reform. “The investigation into the assassination of the former Nugaal Governor is under way” he said. He criticised journalists for publishing unsubstantiated reports. “Journalists must verify information with the government” Deni said. During the Consultative Conference held in Garowe last month, Puntland Government denied local journalists access to the venue of the conference and had given Puntland Government journalists the privilege to report on the government activities. “His criticism is an attempt to grant Puntland Government media outlets the sole privilege to report on government activities” said Abdullah Ali, a media analyst in Garowe. © Puntland Post Monthly, 2020 The post PUNTLAND PRESIDENT “HOPEFUL” ABOUT A PLANNED SUMMIT IN GAROWE appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in kiis cusub oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyey fahfaahinta bukaanka oo da’diisa lagu sheegay 58-sano jir. “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan. Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8 Tirada bogsashada : 1 Tirada dhimashada : 0,” ayaa lagu yiri. Sikastaba ha ahaatee, hadalka wasaaradda ayaa kusoo aadaya xili maanta ay ku dhawaaqdey in ay hirgelisay qalab lagu ogaado fayruska dilaaga ah. View the full article
  4. Dhuusamareeb (SMN) – Gudiga ka hortaga Caabuqa Covid 19 oo kulan ka yeeshay Xaalada Caabuqa Covid 19 ayaa warbixin kasoo saaray. Gudigaan oo heer maamul Gobaleed ah oo ka kooban 11 xumnood oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne ku xigeenka DGGM, Mudane, Cali Ciid ayaa soo bandhigay Qarsho gudigu uga Hortagayo Caabuqa Covid 19. Hoos ka akhriso warbixinta View the full article
  5. Garowe (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu khilaaf kala dhaxeeyo hogaamiyaha maamulkaas. Karaash oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in ay Saciid Cabdullaahi Deni isku qabteen isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiiradda. Warbaahinada faafinaya xogaha noocaas ah ayuu ku waaniyey in ay xishoodaan isla markaana ka fogaadaan been abuurka. Dadweynaha ayuu ku booriyey in aysan dhageysan wararka aanan kasoo bixin ilaha saxda ah ee dowlad goboleedkaas. Todobaadyaddii lasoo dhaafay waxaa taagneyd hadlaheyn ku saabsan in uu muran u dhaxeeyo Deni iyo Karaash isla markaana ay ku kala kaceen kulamo dhexmaray. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Hapeen-070420.mp3 View the full article
  7. Ciidamo ka tirsan Taliska 21-aad ee xoogga dalka ee deegaannada Galmudug ayaa maanta gaaray deegaannada xuduuda gobalka Galgaduud uu lawadaago dalka Itoobiya oo maalinimadii shalay ay ku dagaalamaeen labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega. Ciidamada oo isugu jiro Milatari, booliiska iyo nabad sugid ayaa u jeedkooda lagu sheegay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen labada dhinac loona kala qaadi Maleeshiyaad weli isku hor fadhiyo halkii lagu dagaalamay iyo in la baajiyo inuu dhaco dagaal kale. Taliyaha ciidamada NISA ee Galmudug Mahad Cumar Muumin oo hoggaaminayo ciidamada gaaray deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in la kala qaado labada ciidan ee dagaalka uu dhaxmaray kaas oo khasaare uu ka soo gaaray labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro. Ciidamada ayaa fariisimo ka dhigtay afaafka hore ee halkii lagu dagaalamay ee deegaanka Furinta-foore ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee dhanka dowlad deegaanka Somaalida waana halkii uu ka bilowday dagaalka labada dhinac, waxaana socdo dadaal lagu wado sidii lagu kala qaadi lahaa labada Maleeshiyo kuwaas oo murankooda uu ka bilowday dhul daaqsimeed Ilaa 20 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedka iyada oo in ka badan ku dhaawacmeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abriil ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab. Maraykanku waxa uu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis. Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka laf dhabarta u ah kooxda, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka. Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa yiri “ Yuusuf Jiis waxa xuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixisada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin dhibaato badan, arxan darran, kana mas’uul ah in dad badan oo aan waxba galabsan ay noloshooda waayaan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa ka nabdoon sidii hore.” Idaacadda VOA Somali oo la xiriirtay saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay inuu Yuusuf Jiis uu xarakada horey ugu qaabilsanaa dabagalka hay’adaha gargaarka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Yuusuf Jiis ayaa magaciisa oo buuxa lagu sheegay Yusuf Nuur Sheekh Xasan, waxaa sidoo kale uu isticmaali jiray magacyo kala duwan oo uu ka mid yahay Bashar iyo Macalin Sahal. Waxa la sheegay inuu beryihii u dambeeyey uu Shabaab kala shaqaynayey dhinaca Xisbada (Booliis) iska markaana dhowaan lagu daray Shuurada. Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen saddex qof, waxay intaas ku dareen in ragga la dilay uu ka mid ahaa Yoonis Sheekh Daahir oo ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka ee xarakada. Qofka saddexaad ayaan weli la xaqiijin. Isla maanta ayaa Maraykanku sheegay In duqayn ka dhacday Jilib lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. Isha: VOA Somali
  9. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii 8-aad gudaha Soomaaliya laga helay xannnuun Covid-19. Bayaan kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qof 8-aad ee laga helay caabuqa Covid-19 uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah oo degan Muqdisho. “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Mid kamid ah 8-da qof ee gudaha Soomaaliya laga helay caabuqa Coronavirus ayaa dhawaan ka boqsaday xannuunkaas. Soomaaliya wali lama xaqiijin qof u dhintay caabuqa Covid-19, oo dunida ku dilay in ka badan 35 kun oo qof. PUNTLAND POST The post Tirada kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay appeared first on Puntland Post.
  10. Dab xooggan oo goor dhow ka kacay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska KM-4 ayaa lagu soo waramayaa in lagu guuleystay damintiisa, waxaana daminta dabka ka qeyb qaatay gaadiidka dabdamiska ee shirkadda Hormuud iyo dadkii ka agdhawaa goobta uu dabku ka kacay. Dabka ayaa ka bilowday goob garaash ah oo gawaarida la dhigto, ka dibna waxaa uu ku faafay goobo ganacsi oo ku dhowaa, dabka ayaana geystay khasaare hantiyadeed mana jiraan ilaa iyo hadda khasaare nafeed oo la soo wariyey. Goobta dabka uu ka kacay ayaa waxaa ku dhowaa goobo ganacsi sida kuwa lagu iibiyo qalabka lagu dayactiro gawaarida iyo garaashyo sidoo kale lagu iibiyo garaawaarida lana dhigto. Gaadiidka dab damiska Shirkadda Hormuud oo goobto soo gaaray ayaa isku dayey in ay ku guulaystaan daminta dabka, dadka shacabka ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya sidii loo damin lahaa dabka. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan uu dab ka dhashaa gooboha lagu iibiyo shidaalka kuwaas oo khasaare gaarsiiya ganacsiyada la dariska ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Maxaa Faatixada loogu celcelinayaa rakcad kasta? Faataxada waxaa ku jira, ducada ah “Ilaahow jidka toosan nagu hanuuni ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ”. Waxaa la akhriyaa 17 jeer ruux kasta oo Muslim ah. Maalin kasta 24 ka saacadood, meel kasta oo dunida guud keeda ahna, salaadda waxaa ku tukada in ka badan hal Billion oo Mulsim ah. Dhamaan waxey Ilaahey weydiistaan “Ilaahow waddada toosan nagu hanuuni” oo waddada khaldan inaan qaadno naga badbaadi.!!! Qiyaastii, waa 17 billion of jeer maalin kasta oo daqiiqad kasta la akhrinayo ducadaas!!. Haddii ducadaas quluubta loo siidaayo oo dariiqa khaldan la iska ilaaliyo, ducadaasi maqbuula ayey noqeneysaa. XANUUNADA, ABAARAHA IYO COLAADAHA, waa ciqaab ilaahay, Bal eega aayadda Qur’aanka oo sheegaysaa macnaha ah: “waxaan idinku imtixaameynaa CABSI IYO GAAJO… وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَىْءٍ مِّنَ ٱلْخَوْفِ وَٱلْجُوعِ Kitaabka Qur’aanka waxaa Ilaahey usoo dejiyay in aadamiga aan jidka noloshu ka khaldamin, wuxuuna na siinayaa tilmaamo iyo tusaalooyin lagu hago nolosha. Waxaa intaas la jira, wuxuu Ilaahey inoo soo diray nabegeenii Muxammed [nnk] oo hadaladiisii, ficiladiisii leynooga dhigay tusaale aynu ku dayan karno raaceyno, oo ah sida jidka toosan loo qaadi lahaa. Dadkeygu iyo shacabkeygu ma arkaan, adduunyadan waxa ka socda,ha ka feejignaadeen CORON…baa jira e. دهاارة شدرو مينال في الإيمان Qaran News
  12. PRESS RELEASE Statement by Chairperson of the African Union Commission on the 26th Commemoration of the Genocide against the Tutsi in Rwanda (Kwibuka26) Under the Theme: “Remember-Unite-Renew” ADDIS ABABA, Ethiopia, April 7, 2020/ — Fellow Africans Youth, Ladies and Gentlemen Today we commemorate the 26th Anniversary of the 1994 Genocide against the Tutsi in Rwanda (KWIBUKA26), under the theme: “Remember-Unite-Renew”. This is the twelfth year since the African Union started the annual commemoration of the 1994 Genocide against the Tutsi in Rwanda. However, this year our commemoration activities have been limited due to the COVID-19 Pandemic. Although we will not be formally gathering at the African Union Commission for this event as usual, I encourage you to commemorate this day from wherever you are. This annual commemoration affords us an opportunity to reflect, and continue the fight against genocide, its ideology, denial and impunity with a view to ensure that never again shall Africa experience such a heinous crime against humanity. In this regard, I would like to pay tribute to the leadership and the people of Rwanda for consistently working towards “Never Again” and for emerging through resilience and unity from the terrible past and putting Rwanda on a development path that continues to inspire many countries on our continent and beyond. Fellow Africans; Between April and July 1994, the world stood still in awe as more than a million people were killed in a space of one hundred days in Rwanda. As we remember the fallen mothers and fathers, brothers and sisters, sons and daughters in Rwanda, we should not be oblivious of the fact that genocide is always well planned, deliberately executed with impunity, yet genocide is also always followed by denial. We should, therefore, redouble our efforts in fighting genocide ideology, its denial as well as impunity. If genocide ideology persists, its denial will continue unabated and impunity will reign. This task should not be the responsibility of the leadership and people of Rwanda alone. It is the collective responsibility of the African Union, Regional Economic Communities/regional mechanisms and all Member States, CSOs, the youth organisations, the women’s movement, Media and Academia. We should collectively combat genocide ideology, impunity and denial working hand-in-glove with the international community and all other stakeholders. Fighting impunity should equally be at the heart of our collective efforts as AU member states as well as the international community by arresting, prosecuting or extraditing indicted fugitives. Last year at its 836th meeting held on 3rd April, the AU Peace and Security Council called upon countries to arrest, prosecute or extradite fugitives accused of genocide. It is imperative that countries move towards implementation of this decision. This commemoration should remind us of a past never to be repeated. It should challenge us to deal with the present and the future in our efforts towards achieving peace, reconciliation, accountability, justice, social harmony, constructive management of diversity and the respect for and protection of human and peoples’ rights on the African Continent. Our Commemoration of KWIBUKA26 this year assumes a special significance given the AU Theme for this year (2020) “Silencing the Guns: Creating Conducive Conditions for Africa’s Development”. I wish to seize this opportunity to call on all Africans to renew our commitment to promote peaceful and inclusive societies that will silence the guns for the attainment of socio-economic development and structural transformation and provide a firm foundation for building the Africa We Want and the Africa we Deserve. Let us “Remember-Unite-Renew”. I thank you. Distributed by APO Group on behalf of African Union Commission (AUC). SOURCE African Union Commission (AUC) Qaran News
  13. PRESS RELEASE African Energy Chamber Appoints President for East Africa Elizabeth is based in Nairobi and will represent the Chamber across the region, including Kenya, South Sudan, Ethiopia, Uganda, Tanzania, Rwanda and Burundi NAIROBI, Kenya, April 7, 2020/ — The African Energy Chamber (http://EnergyChamber.org) has appointed Eng. Elizabeth Rogo, Founder & CEO of TSAVO Oilfield Services, as its President for East Africa. Elizabeth is based in Nairobi and will represent the Chamber across the region, including Kenya, South Sudan, Ethiopia, Uganda, Tanzania, Rwanda and Burundi. Elizabeth’s appointment comes at a strategic time when African energy markets need leadership and unity to preserve the continuity of operations across segments of the industry as oil prices crash and economies suffer from lockdowns. It also represents the continued growth of the African Energy Chamber across the continent, especially in a region with so much potential as East Africa. East Africa is a very diverse energy frontier and one of the most attractive for investments worldwide. It comprises both well-established oil producers like South Sudan and upcoming ones like Kenya and Uganda. It is also home to world-class gas discoveries in Tanzania, and a key promoter of gas-to-power projects and strategies. In her role, Elizabeth will be contributing to key development priorities for the Chamber, especially when it comes to developing local content and building domestic capacity, promoting women in the energy sector, supporting entrepreneurship across the region, advocating for policy reforms and ease of doing business, and promoting investments in oil & gas and key segments of the power industry such as geothermal and renewables. “We could not be more delighted with this appointment,” declared NJ Ayuk, Executive Chairman at the African Energy Chamber. “Elizabeth is a representation of African entrepreneurship in the sector and a true expert when it comes to East Africa and local content development. She is an inspiration for many young women in our industry, and a true pan-Africanist. She will head our activities in East Africa at a time when the region’s energy industry is entering a new era of growth and diversification and we look forward to her journey with us,” he added. “It is an honour for me to be joining the African Energy Chamber and to give a stronger voice and representation to Kenya and the whole of East Africa in the global energy scene,” Elizabeth Rogo said. “There is a lot to be done in our region when it comes to local content development across the value-chain and the adoption of the right policies to promote investment. I look forward to my work with the African Energy Chamber and to further contribute to the growth of our energy industry in the region,” she added. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. View multimedia content SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  14. Mandheera (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyey in laba kiis oo ku saabsan cudurka Coronavirus laga helay magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto. Sida uu xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka, labada qof ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa ka yimid Magaalada Mombaasa ee ku taalla gobolka xeebta iyagoo soo galay Mandheera. Sidoo kale wasiirka ayaa xaqiijiyey in 14 qof oo hor leh in uu ku dhacay cudurka Coronavirus gudaha dalkaas. Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 guud ahaan Kenya waxay gaarayaan 172 qof. Xoghayaha Golaha Caafimaadka ee dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku baaqay in l joojiyo isku socodka magaalooyinka dalka Kenya si looga hortago faafintaanka cudurka sida weyn ugu faafay Adduunyada. Kiisaska cusub ee laga helay Magaalada Mandheera ayaa cabsi weyn ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari iyo magaalooyinka Soomaalida ee u dhow xuduuda labada dal, maadaama uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho. Dowladda Soomaaliya ayaa goor hore joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha, waxayna weli ku guuleysan la’dahay inay xakameyso isku socodka Xuduudaha ay Soomaaliya la deedahay Kenya iyo Itoobiya taasoo halis ku ah Soomaalida.
  15. MANDERA (HOL) - Mandera County authorities have today confirmed two cases of Coronavirus for the first time since Kenya announced the outbreak last month. Source: Hiiraan Online
  16. Koronafayris (Covid-19) wuxuu Dadka Badaayo wuxuu Barayaa ka daran Cudurka Caabuqa dilaaga ah ee Koronafayris (Covid-19) ayaa faro baas ku haya caalamka, wuxuu si aan xad lahayn isagoo xawaaraynaaya uu ugu fidaya dunida dacaladeeda, cudurkan oo ugu horayntii ka dilaacay Magaalada Wuhaan ee Dalka Shiinaha bishii ugu danbaysay sanadkii tegey ee 2019ka, ayaa hada waxa uu wada gaadhay aduunka, wuxuuna aafeeyey dalal badan. Wuxuu Dadkii Badaayo:- Covid-19 waxa qaaday oo uu soo ritay in kor u dhaafaysa milyan iyo badh qof, waxaana u geeriyootay inta la hubo ilaa hada tiro 100 kun ku dhow, Siddoo kale cudurkan Covid-19 waxa uu jilbaha Dhulka u dhigay dhaqaalihii aduunka, haayada Bangiga aduunka ayaa sheegtay sidda uu cudurkani u aafeeyey dhaqaalaha aduunka in wax Sidan oo kale wax u yeela dhaqaalaha oo wada saameeya aduunka aan hore loo arag, waxa uu keenay shaqo la’aan oo waxa albaabada loo xidhay goobihii ganacsiga, siiba wadamada horay u maray ee wax soosaarka iyo warshadaha lahaa ee ganacsiga iyo dhaqaalaha dunidana Gadh-wadeenka u ahaa ee hagaayey kalana horaayey suuqyada maaliyada iyo ganacsiga aduunka. Gebi ahaanba waxa istaagay isku socodkii aduunka bad iyo beri, sidoo kale waxa lajoojiyey duulimaadyadii caalamka u kala gooshi jiray, iyana waxa irdaha loo qufulay dukaamadii ganacsiga marka laga reebo kuwa waxa laquuto laga gato, goobihii shaqada ee dawlad iyo shirkadoba lahaa,warshadihii aan daruuriga ahayn, iskuuladii, goobihii bulshada ku kulmi jirtay, goobihii diimaha oo salaadii jimce iyo salaad jamac ah midna laguma tukado masaajidadii, dalalka qaar waa lagu ganaaxayaa ama waaba lagu xidhayaa hadii debada lagugu arko halka dalalka qaar aad jidh-dil iyo ciqaab aad la kulmayso, shacabkii waxa la faray guryahooda in aanay kasoo bixin oo waxa lagu soo rogay Bandoo aan mudo cayiman lahayn, Cudurkani dadkii wuxuu badayaa Waxaan lasoo koobi kari, Se waxa uu Dadka barayaana ka cawaaqib xun. Wuxuu dadkii Barayaa :- In ruuxii bukooda loo tegin, in eheladii, asxaabtii, tol, xidid iyo xigaal aan lays booqan, in lugaha laysku salaamo, in rag iyo haween niqaam lagu wada boxo, in keli socod la wada noqdo, dadkii goob adeeg ku kulmaa inay laba mitir isku jirsadaan, oo ruuxii ruux kale wax kayar usoo jirsadana inay is abhiyaan, oo labada kii hore usii taagnaa ee lagusoo dhawaaday yidhaa Waar ilaahay ma taqaanaa haygusoo dhawaan, in aan salaad jamac ah lawada tukan oo salaadii jimce mudo laga caagi doono, in qofkii Hindhisa laga ag cararo, kii Qufacana warkii daa’, in aan ehel ama waalid ama walaal qirriric leh oo naftii ka gurmayso aan lays dul taagin oo aan gunaanad lala ag fadhiisan, in aan maydka la maydhin Salaatul jinaasana lagu tukan oo aan luxudka la dhigin ee Cagaf lagu aaso, In ruuxii albaabka kugu soo garaaca ee aan ahay ruux guriga kugula nool aan albaabka laga furin, ilaahow muu ahaado jaarkaaga aad rafiiqa ahaydeen oo dheri dabka u saaranyey oo milix doonaya, in aan albaabadaba aan laysku tumin ama garaacin layskana furin, in dalalkuu Dadka badan ku laayey ciddii ka timid laga agcararo, in dadkii hadh iyo habeen gacmo-maydh ay kaga dhegtay oo biyihii qaboobaa ee ay isku maydhayeen safan qolof ah gacmihii ka wada saarmeen, oo waaga danbe saxalku baxo lugo isku salaankaa siisocon doono gacmaha jidhfaystay awgood!. Hadal iyo dhamaan cudurkan Covid-19 Dadka wuxuu badaayo wuxuu Barayaa kadaran oo waaguu baxo saxalkiisu xitaa shakiga iyo bacda uu dadkii ku xidhay ka furfurkeeda oo qudhaan mudo dheer laga gayoon doonin. Adaanu Kaa Magansanaye Mowlow Naga Badbaadi Eebe. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  17. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Determination of Health Professionals in the efforts to control COVID-19 in Ethiopia ADDIS ABABA, Ethiopia, April 7, 2020/ — The determination with which our health professionals are serving in the efforts to control #COVID19 in Ethiopia is a testament to the profound love and commitment they have for their patients, community, and country. #Healthcareheros Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  18. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: Advice on the use of masks in the context of COVID-19 This updated version includes a section on Advice to decision makers on the use of masks for healthy people in community settings GENEVA, Switzerland, April 7, 2020/ — This document (https://bit.ly/2JKulzM) provides advice on the use of masks in communities, during home care, and in health care settings in areas that have reported cases of COVID-19. It is intended for individuals in the community, public health and infection prevention and control (IPC) professionals, health care managers, health care workers (HCWs), and community health workers. This updated version includes a section on Advice to decision makers on the use of masks for healthy people in community settings. Download the document: https://bit.ly/2Rlx7Qt Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  19. Qof dhamaanteen aan ku dayan karno’ Waagii ay suxufiyadda Mareykan ee A’Lelia Bundles baahisay maqaalkeedii ugu horreeyey ee ay ka qortay ayeydeedii labaad, Madam CJ Walker 1982, waxa uu ku soo baxay qaybta “lost women” ee majallad arrimaha dumarka qorta. Waxaanay arrintaasi bilow u noqotay soo noqoshadii Mrs Walker oo aasaastay ganacsi agabka timaha lagu daryeelo ah oo ka dhigay haweenaydii u horraysay dalka ee noqota milyaneer oo heshay hanti aanay dhaxlin. “Waxay noqotay haweenaydii ugu hantida badnayd dunida ee dadka madowga ah, haweenaydii ugu horraysay ee warshad leh ee haddana noqota qof dadkeeda wax tarta,” waxa sidaa ku tilmaamay wargeys wax ka qoray markii ay dhimatay 1919. Illaa maanta, Madam CJ Walker waxyaabihii ay soo saari jirtay waxa lagu iibiyaa dukaamada, taas oo ah dhaxal ay ka tagtay haweenay tobanaan sano saboolnimo ku noolayd oo waalidkeed na la adoonsan jiray. Laakiin “sannado badan ayey Madam Walker buugaagta taariikhda kaga qornayd bogagga dambe. Iyada oo ahayd haweenaydii hindistay agabta timaha lagu daryeelo, haddana waxqaabadkeedii laga dhigay wax aan wax ka soo qaad lahayn,” ayay tidhi Ms Bundles oo taariikh faahfaahsan ka qortay Mrs Walker oo ciwaankiisu ahaa “On Her Own Ground,” sannadkii 2001. Haatana Mrs Walker “aad baa loo hadal hayaa” maadaama ay Bundles ay qoraal cusub ka qortay. Taariikhdeeda waxa laga heli karaa ku dhawaad 200 oo buug, waxqa kale oo lagu soo bandhigay dhawaaan maxfaxyo lagu qabtay bandhigyo oo uu ka mid yahay ka Simthsonian ee ku yaal Washington DC, Sidoo kale dariiq ku yaalla magaalada New York ayaa sannadkii hore loogu magac daray oo lagu maamuusay. Bishii Maarij ayay Netflix soo saartay musalsal la yidhaa Self-made oo afar qaybood ah oo ay jilayso Octavia Spencer, oo ka sheekaynaya nolosheedii iyo ganacsigeedii. Waxaanu mar kale indhaha ku soo jeediyey taariikhdeedii iyo in mar kale qoraalkii Ms Bundle la baahiyo. Imikana waxa magacii ganacsigeeda dib u soo nooleeyey shirkadda Sundial Brands ee ay leedahay Unilever oo lagu yaqaano waxyaabaha timaha la mariyo ee SheaMoisture la yidhaa, waxaanay shirkaddu xuquuqda milkiyadda iibsatay sannadkii 2013. Waxa bilaabay aasaasaha shirkadda Sundial, Richelieu Dennis, oo sidoo kale guri weyn oo 34 makhsin ah ka iibsaday magaalada New York oo la yidhaa Villa Lewaro, ujeedada uu ka leeyahay na waxay tahay in uu ka dhigo xarun daraasaad oo baadha haweenka ganacsatada ah ee madow. “Taariikhdeeda inteeda badani nasiib wanaag illaa maanta waa wax la taaban karo,” ayay tidhi Elle Johnson oo ka mid ah qoreyaasha qisada musalsalka Netflix. “Markaan eego nolosheeda iyo guushay gaadhay, dhabanno hays uun baa iga soo hadha”. Waxay ku dhalatay Louisiana sannadkii 1867 magaceeduna wuxuu ahaa Sarah Breedlove, laakiin Mrs Walker waxay ku agoomowday todoba jir, 20 jir keediina waxay noqotay hooyo ninkii ka dhintay. Waxa dhibay timaha oo ka daadan jiray, taas oo ah dhib ka dhasha maydhiga badan oo illaa maantadan taagan, waana waxa ku dhaliyey in ay bilowdo ganacsigeeda Madam CJ Walker Manufacturing Co, sannadkii 1906, kaas oo iibin jiray “dawo” ay ka mid ahayd mid madaxa lagu duugo iyo dawo dhiiqo gaar ahayd. Dhaqtarad kumanaan haween ah ka badbaadisay kansarka ku dhaca naasaha BBC Carabi oo la hadashay afar dumar oo guurkoodu burburay habeenkii aqalgalka ‘Soomaali la kala dooransiiyay Salaadda iyo shaqada’ Sannadkii 1916-kii waxay shaqaalaysiisay in ka baadan 10,000 oo wakiil waxaanay sidoo kale lahayd iskuulo dumarka loogu tabobaro ganacsiga qurxinta timaha, arrintaas oo ahayd shaqooyinka faro ku tiriska ah ee dumarka madoobi ay lacag ka heli karayeen waagaas. “Fursad yar ayaan haystay markan nolosha bilaabay….. inaan nolol maalmeedkayga raadsado oo aaan fursad abuurto ayaan ku qasbanaa,” ayay waa dambe tidhi, sida ay Ms Bundles ku xustay taariikhdeeda. “Laakiin waan guulaystay. Waana sababta aan u leeyahay haweenay kasta oo madow oo haatan nooli waa in aanay is dhigan oo aanay fursad u soo gasha sugin, laakiin waa in aad dadaashaa oo aad samaysaa fursadahaas”. Wakhtigeeda ayay ka horaysay Mrs Walker, oo qaadatay magacaa ninkeedii saddexaad ee guursaday, oo Madam na lagu daryay ayey uga dhigtay magaca ay badeecadeeda ku iibiso. Waxay ka mid ahayd dumar badan oo madow oo ganacsato ahaa oo waayadaaa adoonsigii ka dib soo baxay, si ay wax uga qabtaan baahi haysatay dadka madow oo ganacsatada caddaanka ahina iska indho tirayeen. Waxa ka mid ahaa dumar kale oo Maraykanka madow ah oo iyaguna ganacsiyo waaweyn oo agabka timaha ah lahaa sida Annie Turbo Malone oo badeecadaheeda ay Mrs Walker iibin jirtay intii aanay iyadu ganacsigeeda bilaabin. Tartankoodii oo ay Ms Bundles sheegto in laga badbadiyey, ayaa ah dulucda musalsalka Netflix. Laakiin Mrs Walker oo nolsheedu saamayn ku yeelatay Duke Ellington Opera, ayaa weli ah ta aadka loo yaqaan. Qayb ahaanna waxa weeyin sababtu sidii ay ugu fiicnayd suuqgaynta iyo sidoo kale in ay sawirkeeda ku dhejin jirtay badeecadaheeda. Arintaas oo ah wax imika noqday wax caadi ka ah baraha bulshada ee internet-ka, laakii waagaa ahaa wax ku dhac weyn u baahan. “Waxaa jiray waxyaabo badan oo aan u haysano in Havard Business School lagu hindisay laakiin waa arrinta ay haweenaydan 100 sano ka hor samaysay,” ayay tidhi Nicole Jeffeerson Asher, oo ka mid ah qoreyaasha qisada Netflix. “Hindise ay iyadu ku fikirtay oo ay iska leedahay ayuu ahaa”. Mrs Walker oo had iyo goor dadka fagaareyaasha uga khudbadayn jirtay waxay aad uga hadli jirta arrimaha siyaasadda sida dhibaataynta dadka madow, waxaanay yoolka shirkadeeda ku sheegtay kobcinta garaadka haweenka. Baroordiiqdii laga qoray waxa lagu xusay sidii ay dadka u gacan qaban jirtay iyo hantidii ay tabcatay. “Maanta waxaynu ka hadalnaa ganacsiga bulshada iyo baayacmushatariga in uu yahay laba dhinac ama saddex qaybood [xoojinta wanaaga bulsho, deegaan iyo sidoo kale macaashkaba}”, ayuu yidhi Tyron Freeman oo ah bare jaamacded oo dhiga arrimaha deeq bixinta ee Jaamacadda Indiana, waxaanu buug uu ka qoray Mrs Walker tabarucaadkeedkii ku sheegay in ay u taagnayd; “waxaan arkayaa in Walker ay 100 sano ka hor wax samayn jirtay”. Ms Asher waxay sheegtay in guulihii Mrs Walker ay gaadhay ay ka dhigeen qof “shacabku ku deydaan” weliba jiilal badan oo haweenka madow ahi, xataa iyadoo si khaldan loogu sheego in ay iyadu ikhtiraacday mishiinka timaha lagu jilciyo. Laakiin in kasta oo dedaaalkaa ay saboonimada kaga baxday ee hodanka ku noqtay laga sameeyey filmo, illaa haatan way ku adkayd in Hollywood ay aqbasho sheekooyin ka ku saabsan taariikhda xidigaha dadka madow. Mr Asher waxay hadda leedaday iyadoo kala fogaanta dhaqaale ee dadka Maraykanku ay sii badanayso, oo kala qoqobka isirka iyo labka ay ka sii darayaan, haddana dheddigu sii kordhayo ayaa awoodda baayacmushtarka dalka ee faro ku tirsika ah waxa haatan lagu qiimayn doonaa hadba sida ay shirkahadahoodu u gacan qabtaan saboolka, waana arrin lala xidhiidhin karo taariikhda haweenaydaa. “Taariikhdani waxay ku saabsantahay haweenay Maraykan ah oo ganacsigeedii guul ka gaadhay,” ayay tidhi. “Kolba marka aan wax ka sii ogaano taariikhda iyo waagaa, waxaa inoo fududaanaysa in aan fahamno dedaalka aan haatan ku jirno”. Laakiin Mrs Walker taariikhdeedu waa mid sideeda kuu soo jiidanaysa ayay intaa ku darty “Tusaalaha miiganaanta iyo go’aanka iyo himiladeedii runtii waa wax dhamaanteen inawada dhiiri gelinaya”. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo kiiska Musuq Maasuqa ee ka taagan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegayo inuu marayo meel xasaasi. Kiiskaan oo loo xiray Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buule iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xaashi Cali ayaa laga yaabaa inuu lugaha la galo xubno kale oo ka kala tirsan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Maaliyadda. Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buule oo ay Xarunta dambi baarista su’aalo ka waydiisay kiiskaan ayaa sheegay inay howshaan kula jiraan Mas’uuliyiin kale. Mas’uuliyiintaan oo loo heysto inay lunsadeen lacag loogu talagalay dhismaha Machadka Caafimaadka iyo kuwa kale ayaa waxaa kiiskooda gacanta ku hayo Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Xarunta Dambi Baarista ee CID. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu baaritaan saameyn ku yeesho qandaraas ku saabsan Kiiska Coronavirus oo lagu bixinayo lacag dhan 400,000 Doolar oo ay dhowaan maamushay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, kaasoo la siiyey qandaraasle Soomaali ah bishii hore inkastoo uusan qeyb ka aheyn musuq maasuqa loo heysto xubnahaan xiran. Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar oo ka hadashay xariga Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ayaa sheegtay in aanay wax ka ogeyn xarigga agaasimaha, balse uu socdo baaritaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawr mas’uul u xirtay kiis ku saabsan musuq maasuq, waxayna inta badan kiisaska kusoo dhammaadaan wadahadal iyo in lasii daayo xubnaha lagu helay musuq maasuqa iyadoo aan laga warbixin halka uu ku dhamaaday.
  21. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta uu si rasmi ah u shaqo bilaabay sheybaarka dhexe ee qaranka kaasi oo hadda wixii ka dambeeya lagu baari doono dadka looga shakiyo in ay qabaan xanuunka COVID-19 oo markii hore dalka dibadiisa lagu soo baari jiray. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in markii hore ay ku dhib qabeen dadka ay uga shiyaan Corona balse haatan wixii ka dambeeya ay iyagu si toos ah u baari doonaan waxa ayna intaas ku dartay in sidii lagu heli lahaa qalabkaan ay juhdi dheer ku bixiyeen. Sidoo kale Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay in ay muhiim ahayd qalabkaan helitaankiisa maadaama dad badan aan loo diri Karin dibadda dheecaanadooda si loo baaro, waxaana ay hadalkeeda kuu sii dirtay in sheybaarkaan uu gali doono maalmo tijaabo ah si hey’adda caafimaadka aduunka ay u xaqiijiso in sheybaarkaan uu nqoon doono mid la hubiyay oo ku guuleystay tijaabo la marsiin doono. Guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay in laga helay kiisas Coronavirus ah oo gaaraya 7, waxaana 2 kamid ah laga helay Soomaaliland. Halkan ka dhageyso codka wasiirka caafimaadka Soomaaliya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/wasiir-Fowsiyo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn cusub oo uu Mareykanka ka fuliyey qeybo ka mid ah degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe. Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay la beegsatay goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegtay inuu duqeyntaan ku dilay illaa shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ay gacan ka siiyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Ugu dambeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay AFRICOM baareyso, haddii ay jiraan khasaare duqeyntaan ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Maalmihii dambe Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada uu ka fuliyo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article