-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha guddiga dhakhaatiirta ee u xilsaaraan wacyigelinta cudurka COVID-19 ee Somaaliya Maxamed Maxamuud Fuje ayaa faahfaahin ka bixiyey hadal la sheegay in laga soo xigtay oo ku saabsan xaaladda cudurka COVID-19 ee magaalada Muqdisho. Dr. Fuje oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay inuu soo gaaray war ku saabsan dad tiro badan oo waqti isku dhow dhintay kuwaas oo looga shakiyey inay u dhinteen cudurka Caronavirus sidaas darteed ay bilaabeen inay hubiyaan arrintaas maadaama uu waajib ka saaran yahay. “Anaga hadaan nahay dhakhaatiirta cudurada faafa, xan kasta oo nasoo gaarta waxaa waajib nagu ah inaan baaritaan ku sameyno, sababtoo ah haddii ay dhab noqoto waa halis” ayuu yiri Dr. Fuje. Dr. Fuje ayaa sheegay in warkaas uu ahaa mid u dhaxeeyey dhakhaatiirta isla markaasna wuxuu xusay inuusan aheyn war loogu talagalay Saxaafadda ayna qalad aheyd in la faafiyo. Dr. Fuje ayaa sheegay in markii warka lasoo gaarsiiyey ay isku gudbiyeen dhakhaatiirta maadaama ay halis tahay in warkaas la dhayalasado sidaasna ay saaka baaritaan u aadeen Qabuuraha Barakaat si loo hubiyo dadkii saacado gudahood lagu aasay halkaas iyo sababta ay u dhinteen. Wuxuu sheegay in ugu dambeyn ay ogaadeen in warkaas uu yahay mid been abuur ah, isla markaasna aysan dadkaas u dhiman cudurka sida weyn ugu faafay adduunyada ee Coronvirus. Ugu dambeyntii Dr-ka ayaa raali gelin siiyey maamulka Qabuuraha Barakaat, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu cafiyey cid kasta oo faafisay ama codka markii hore dusisay. Hadalka kasoo yeeray Dr. Fuje ayaa kusoo aadayo xilli baraha bulshada lagu faafiyey cod uu ku sheegayo in 64 god laga qoday saacado gudaheed qubuuraha cusub ee Barakaat ayna dhici karto inuu yahay Coronavirus. Dhankiisa, Cabdirisaq Axmed Yuusf oo ah maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ahna madaxa tayada daawooyinka oo isna la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegaya in saraakiil caafimaad oo ka socda wasaaradda caafimaadka ay booqdeen qubuuraha Barakaat, kuwa Jaziira iyo xataa qubuuraha 13KM ee duleedka Muqdisho isla markaana ay xaqiijiyeen in Qubuuraha Barakaat tusaale ahaan aan lagu aasin wax 10 qof ka badan 5-tii maalin ee la soo dhaafay hadalka Dr. Fujena aanu xaqiiq iyo baaris dhab ah aheyn. Cabdirisaq Axmed Yuusf, maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ayaa intaasi ku daray in wasaaradda ay wacday ehelada dadkii geeriyooday maalmihii tahay isla markaana lagu ogaaday in dadkaasi aaney u dhimman xanuunno u dhow calaamadaha Coronavirus. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga uu Dr. Fuje siiyey idaacadda VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/edd68b00-280c-475b-b96f-6a0558b736cc_48k.mp3
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-06042020.mp3 View the full article
-
The second wave desert locusts, 20 times bigger than the first one, will soon ravage farms in Kenya and East Africa, experts have warned. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ayaa duqa caasimada Hargeysa, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ku eedeeyey in dhul ay lahaayeen uu si sharci daro ah u iibiyey maayirku. Hogaankii hore ee ciidamada Qaranka Somaliland, gaashaanle sare Cali Rooble Bulaale, Maxamuud Tubeec iyo Ismaaciil Cali oo ka tirsan ciidamada milateriga Somaliland oo siwada jira ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhul ay leeyihiin 49 askari, si sharci daro ah loo dhisanayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hrageysa)-Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee u diyaargarowga iyo ka hortagga Xannuunka Coronavirus, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa u magacaabay Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Fulinta ee Guddida heer Qaran ee u diyaargarowga iyo ka hortagga Xannuunka Coronavirus. Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu Qoraalka uu ku magacaabay Eng. Xuseen Deyr uu ku sheegay inay ku guddi ahaan ku faraxsan yihiin inay u magacaabaan Xoghayaha Guud ee Guddidaasi, kaasi oo fulin doona hawlaha maalinlaha ah ee loo igmaday Guddida heer Qaran ee Xannuunka Covid19. Xuseen Aadan Cigge ayaa hore dalka uga soo qabtay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo uu laba jeer soo qabtay. Source
-
Baarlamaanka Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo waxaa ay ku meel mariyeeen miisaaniyadda maamulka uu ku shaqeyn doono sanadka 2020. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cali Siciid Fiqi oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku xigeen Maxamed Nuur Maxamed iyo Shamso Maxamed Yarrow, waxaana kooramka lagu meel marinaayey uu ku furmay 87 xildhibaan. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda waxaana ugu dambeyn loogu codeeyey qaab gacan tag ah waxaa ogolaaday 84 xildhibaan waxaa diiday 1 xildhibaan halka xildhibaanka soo haray aan la cadeyn mowqifkiisa diidmo ama yeelid. Miisaaniyadda maanta uu meel mariyey baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay noqonaysaa misaanaiaddii abid ugu badneyd uu maamulka uu yeesho intuu uu dhisnaa waxaana ay gaaraysaa $17,145,994 (Todobo iyo Toban Million, boqol afartan iyo shan kun, sagaal boqol sagaashan iyo afar doolar) halka miisaaniyaddii sanadkii hoye ay aheyd $8,000,000 Sideed Milyan oo dollar). Wasiirka maaliyadda dowlad gobaleedka oo baarlamaanka ka hor hadlay ayaa golaha uga mahad celiyey sida ay u meel mariyeen miisaaniyadda ay soo diyaarisay wasaaradda oo dib ugu dhacay sababo la xiriira doorashada baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka. Guddoomiyaha golaha baarlaamaanka dowlad gobaleedka Koofur Galmeed Cali Siciid Fiqi ayaa gaban gabadii sheegay in miisaaniyadda ay tahay ansax isaga oo sheegay in baarlamaanku fasax yahay sababo la xariira xanuunka Coronavirus guddoomiyaha ma shaacin waqtiga dib loo soo noqonayo, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa magacaabay taliyaha cusub ee qeybta NISA ee gobolka Banaadir. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, agaasime Fahad Yaasiin ayaa xilkan u magacaabay sarkaal lagu magacaabo Yaasiin Farey, oo ahaa madaxii ilaaladiisa gaarka ah. Xilkan ayaa waxaa 3-dii March laga qaaday Ibraahim Macallin, ayada oo aan wax sabab ah la sheegin. Yaasiin Fareey ayaa la sheegay inuu yahay nin dhallinyaro, oo howl-kar ah, islamarkaana leh taariikh wanaagsan oo wax qabad, isaga oo muddo lasoo shaqeynayey hay’adda. Hay’adda NISA ayaa martay is-beddelo dhowr ah oo kala duwan tan iyo markii uu hoggaankeeda qabtay Fahad Yaasiin, kuwaasi oo lagu hagaajinayo shaqada hay’adda. Is-bedelladan ayaa laga dareemay magaalada Muqdisho, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay magaalada.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa ka hadashay xariga agaasimaha qeybta Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo la sheegay in loo heysto arrimo la xiriira lacago loogu talo galay COVID 19 oo la musuq maasuqay. Wasiir Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in Agaasimaha oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Buulle la xirey 4-tii Bishaan xilli habeen ah, isla markaana illaa iyo hadda aan lala wadaagin sababaha loo xirey. “Wasaaradda waxay arrinkaan kala shaqeyneysaa xeer-ilaaliyaha Qaranka, Hanti-dhowrka, iyo ciddii kale oo sharci ahaan ay arrintaan quseyso,” ayay Fowziya u sheegtay koox wariyeyaal ah. Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartey inay socdaan baaritaano ku aadan sababta loo xirey, isla markaana arrintaasi ay kala kaashanayaan xeer ilaalinta Qaranka, Hanti dhowrka, iyaguna ay diyaar u yihiin baaritaan waafi ah. Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha lagu eedeeyey uu leexsaday lacag dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, oo loogu talo-galay in lagu fuliyo mashruucyo caafimaad, oo ay ku jiraan la-dagaalanka Coronavirus. Kiiskan oo ah mid weyn, sida aan xogta ku helnay, ayaa waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu lugaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, waxaana weli socda baaritaan uu wado xafiiska hanti-dhowrka. Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta maqan la tuhunsan yahay in loo adeegsaday suuqyada sarifka lacagaha online ee Forex, waxaana jirta surta-galnimo ah in la doonayey in lacagta laga faa’iideysto, kadibna marka faa’iido laga sameeyo dib loogu soo celiyo akoonada wasaaradda, inkasta oo taas aan la hubin. Xariga Maxamuud Maxamed Buulle ayaa yimid kadib markii Hantidhowrka Guud uu baaritaan deg deg ah ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa.
-
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu tanaasulay ka dib markii horey uu u qaadacay doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Qoorqoor waxa uuna tilmaamay in laga bilaabo waqtigaan Galmudug ay tahay mid islamarkaana aysan labo ahayn Xaaf oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Galmudug waa mid labo ma ahan waqtigaan laga bilaabo” Sidoo kale madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa tilmaamay in Galmudug loo baahanyahay inay noqoto mid raysata, isaga oona hoosta ka xariiqay in Galmudug aysan haboonayn in ay dhibaato ku sii jirto. “Ilaaheey waxaan ka rajaynayaa Galmudug in ay raysato dadka kuligood inay raystaan ayaa loo baahanyahay, Galmudug inay dhibaatada sii haysata looma baahna, qof walboow ogoow jidadka iyo dekadaha inaan dhisaan rabaa halkaas ayaan iska aadayaaa” ayuu ku sii daray Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugnaa magaalada Gaalkacyo iyaga oo halkaasi kulamo kula qaatay Xaaf oo ay ugu dambeyn ku qanciyeen in uu tanaasulo islamarkaano uu tago caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa haatan u muuqda mid dhamaan isu keenaya saamileyda siyaasadeed ee maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Madaxweynaha Galmuudug oo duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku soo dhoweeyay Xaaf oo safar dhulka ah kaga yimid Galkacyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka socda Degmada Walan-weyn ee Gobolka Shabeellaha heose. Xeer-ilaalinta guud ee Dalka ayaa war cusub ka soo saaray tacaddi dhowaan Degmada Afgooye loogu gaystay Gabdho daýar ahaa. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa xil cusub u magacaabay Guddomiyihii hore Baaralamanka Koonfur Galbeed Somaliya. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Fatxi Maxamed Axmed iyo Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/barnamij-wareedka-galabnimo-6-4-2020-kk.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa manta oo soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan halista iyo faafidda Coronavirus. Warsaxaafadeedkaan waxa uu u qornaa sidata Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed markuu arkay xaalada cudurka COVID-19 ee dalka Soomaaliya waxa uu soo saaray qodobadaan hoose: 1-Ururka waxa uu bogaadinayaa dadaalada madaxda qaranka ee ku aadan ka hortaga iyo xakameynta cudurka COVID-19 Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed markuu arkay bukaano dhowr ah oo leh calaamadaha tuhunka ee COVID-19 kuwaa oo booqday xarumaha caafimaadka ee muqdisho una baahan baaritaan, waxaan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay jiri karto suurtagalnimada in cudurka COVID-19 uu si hoose bulshada ugu faafayo Si loo yareeyo khatarta cudurka iyo ku faafidiisa bulshada, Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku adkeynayaa in ay raacaan dhamaan talaabooyinka wacyigelinta ee loo jeediyay sida kala fogaanshaha, nadaafada guud, gacmo dhaqashada iyo la xiriirka xaruma loogu tala galay COVID19 hadii qofku isku arko calaamado, sidoo kale waa in bulshadu aysan qarsan cudurka ama aysan diidin in la geeyo xarumaha daaweynta cudurka COVID-19. Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxaan ku baraarujineynaa in ay bilaabaan taxadir dheeri ah ayna nafsadooda baadbaadiyaan marka koowaad si ay bulshada u badbaadiyaan xirtaana PPE, Face Mask, Glovesc inta ey ka helikaraan marka ay la tacaamulayaan bukaanada imaanaya isbitaalada. Mogadishu- Somalia5. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa uu u usheegayaa bulshada Soomaaliyeed in Ururka la talin, baraarujin iyo awood kasto uu ku daray Wasaarada caafimaadka ee dowlada federaalka Soomaaliya Balse Ururka Dhakhaatirta Somaliyeed waxa uu dareemayaa in aan la dhamaystirin dhamaan baahiyaha lagula tacaali lahaa cudurka COVID19 sida qalabeynta xarumaha daaweynta COVID19 iyo diyaarinta shaqaale caafimaad oo aqoon u leh la tacaalidda iyo daaweynta cudurka, Sidaas daraadeed Ururka waxaa uu ku talaniyaa in dhamaan hay’adaha dowladda, Wasaaradaa Caafimaadka, ganacsatada, culumada, Ururadda aan dowliga eheen iyo Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed in ay si wadajir u dardargaliyaan hawlaha dhameystirka baahiyaha lagula tacaali lahaa cudurka COVID19. Gabagabadii waxaan Umada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay masuuliyad isi saaraan ayna qaataan talooyinka caafimaad ee ku aadan ka hortaga cudurka COVID19 ayna qarsan xanuunka una dhago nuglaadaan talooyinka Caafimaad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Waxaan allah ka baryeynaa in uu umada soomaaliyeed meel walbo oo ey joogaan uu ka badbaadiyo halista Cudurka COVID-19. View the full article
-
Garoowe ( Faallooyinka Puntland Post) — Cadawga kowaad oo uu siyaasi yeelan karo waa isbed-beddel keena in loo arko hoggaamiye u dhaqaaqa hadba dhanka dabayshu u socoto. Markuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni xilka la wareegay wuxuu warbaahinta u sheegay in golihii iskaashiga maamul federaaleedyadu sii jiri doono. Golihii warkiisa waxaa u dambaysay markii Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle doorteen inay xiriir dhow la yeeshaan Dowladda Federaalka. Eedeyntii kowaad oo uu Deni u soo jeediyay Dowladda Federaalka waxay ku saabsanayd magaacibistii Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. Ma aha shaqo u taalla Deni inuu kaalin ku yeesho qofka loo magacaabayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Deni wuu ogaa in guddoomiyaha wareejinayay xilka uu ka soo jeedo Puntland hayb ahaan. Doodda Deni dhaawac siyaasadeed bay gaarsiisay Puntland, oo u ekaatay maamul sadbursi inuu helo ka hormariya dhisidda hay’adaha dowladda federaalku ka kooban tahay. Deni wuxuu bishii labaad ee sanadkan ku baaqay inuu shir wadatashi qabanayo. Gunaanadkii shirka kaddib waxaa Cabdi Faarax (Juxaa), oo Wasiirka Arrimmaha Gudaha Dowladda Federaalka mar ahaa, loo xilsaaray soo jeedinta warmurtiyeedka shirka. Maalintii ku xigtay shir u guddoomiyay Madaxweyne Deni waxaa ka soo baxay baaq ka duwan hadalladii kulkululaa oo uu warmurtiyeedkii shirku xambaarsanaa. Puntland oo ka qatan taageerada beesha caalamku siiso ciidammada dowladda federaalka Dhowaan waxaa magaalada Qardho lagu soo gabagabeeyay tababbar loo furay ciidammada Puntland. Madaxweyne Deni wuxuu bartiisa Twitter ku soo qoray in Puntland ay iskeed u maalgelisay tababbarka ciidammada. Ma guul baa in Puntland ka qatan tahay taageerada beesha caalamku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, oo unkiddeedii ay Puntland waqti iyo dadaal gelisay? Miyaysan is go’doomintu muujinaynin in maamulka Deni uusan la jaanqaadi karin siyaasadda Soomaaliya lagaga caawinayo inay dib uga kabato burbur? Madaxweyne Deni waxaa la gudboon inuusan sii qotodheeraynin go’doonka siyaasadeed oo ay Puntland is gelisay, kaa soo keenay in reer Puntland xaqoodii horumarineed ay ka qatan yihiin heer qaran. © Puntland Post, 2020 The post Isbed-beddelka lama-filaanka ah ee Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran, Mudane Ismaaciil Macalin Muuse oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho yaa si kulul u cambeeyey dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeyba badan oo ka mid ah dalka. Ismaaciil Macalin ayaa ugu baaq u diray dhinacyada ku dagaalamaya gobollada Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, isagoona ka dalbaday inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda federaalka inay ciidamo kala dhex-dhigto maleeshiyaadka diriraya, si looga hortago dagaalladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ddd.mp3 View the full article
-
Madaxweynihihi hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu u tanaasulay danaha guud ee reer Galmudug, si loo helo maamul mid ah oo loo dhan-yahay. Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya uu la shaqeyn doono maamulka uu hoggaamiyo, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanada Galmudug inay la shaqeeyaan maamulka cusub, si looga gudbo caqabadaha haatan jira. Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa Gaalkacyo ayaa si weyn Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee maamulka Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xafiiskiisa lagala baxay agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka. Agaasimahaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xaashi ayaa waxaa xafiiskiisa ka watay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Ilaa hadda si rasmi ah loo ogo sababta keentay xarigiisa, inkastoo ay jiraan warar aan la hubin oo sheegaya inuu daba socdo xarigii loo geystay agaasimihii maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey musuq maasuq. Habeen ka hor ayey aheyd markii Ciidamada Dowladda ay guriigiisa kala baxeyn Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Agaasimaha la xiray ayaa lagu soo eedeeyey kiis musuq-maasuq oo lacag badan lagu lunsaday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka iyo kan ra’iisul wasaare Kheyre, oo codsaday inaan la magacaabin. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimada Online
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Shilkaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan kale. Dr Amiin Samakaab oo ka howlgala isbitaal ku yaalla deegaanka Ceelsha Biyaha oo la dhigay dhaawacyada dadkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/sss.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-06042020-ww-1.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Tan iyo markii ay dhawaan soo shaac baxeen guux iyo sawaxan ka soo yeedhay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus Madaxda dhaqanka Somaliland, kaasi oo ay shaaca kaga qaadeen hadallo bulshada shaki weyn ku dhaliyay oo la xidhiidha qaddiyadda Somaliland iyo Soomaaliya dhex taalla qaarkoodna si cadba u sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya aanay wax dhibaato ahi dhex oolin ee Siyaasiyiintu kala fogeeyeen ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo sheegaya in Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu yahay kan dabada ka riixaya shirqoolo hoose oo lagu halabsanayo Madaxdhaqameedka iyo acyaanta kaleba ee Somaliland. Ilo Xog-ogaal ah oo wargeyska Foore helay waxa ay sheegayaan in xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya diyaariyay qorshe gaar ah oo lagu wajahayo Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Somaliland si loogu soo xero galiyo wax loogu yeedhay isu soo dhawaanshaha umadda Soomaaliyeed taasoo ku soo beegmaysa maalmo kooban uun kadib markii Magaalada Muqdisho dhawaan lagaga dhawaaqay qorshe xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wajahayso Arrinta Somaliland kadib markii Madaxweynaha dawladdaasi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu jeediyey khudbad uu ku sheegay in dawladdiisu raalli gelin ka bixinayso wixii magaca dawladdii Soomaaliya ku soo gaadhay dadka reer Somaliland sidoo kalena ay sheegeen in la dardar galin doono wada hadalladii hakadka galay muddoda. Inkasta oo duruufaha adag ee ka dhashay la tacaalidda cudurka Koroona Fayras ay dunida oo dhan saamaysay gaar ahaan xukuumadda Villa Somalia oo ka hor taggiisa aad ugu mashquulsan haddana waxa muuqata in dadaalo xooggan oo dawladdaasi waddo lagu diyaariyay qorshe sanduuq lacageed oo gaar ah loogu qoondeeyey si uu u sii socdo mashruuca is dhex galka ee ay hore u soo bilowday dawladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo uu Turkigu ka caawin jiray ama hindisihiisa lahaa taasi oo ku wajahan in xidhiidho hoose lala sameeyo madax-dhaqameedka iyo dadka kaleba gaar ahaan dadka caanka ah ee Bulshada saamaynta ku leh kuwaasi oo dhaqaale gaar ah loogu qori doono sidii ay Bulshadooda ugu dhex faafin lahaayeen aragtiyo la xidhiidha isu soo dhawanaansho iyo in Shacabka Somaliland ugu dambayn noqdaan kuwo u janjeedhsama dhinaca midnimada iyo xaalado lagu laciifiyo heerka qaddiyadda Somaliland. Xubno kasoo jeeda Somaliland oo xilal sare iyo kuwo hooseba ka haya dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kala shaqayn doona mashruucan oo tallaabo weyn hore ugu qaaday maadaama uu wakhtigan doonayo in uu si weyn u saameeyo madaxda dhaqanka ee waaweyn oo la ogyahay doorka ay Bulshada ku dhex leeyihiin waana khataro halis ah oo u baahan feejignaan iyo taxadar badan oo ay dawladdu ku eegto indho gaar ah. Source
-
Popular Contributors
