Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. CAIRO — Osigan Caseres lost her job as a maid in this city and no longer sends home $300 each month to her daughters in the Philippines to buy food for her eight grandchildren. Source: Hiiraan Online
  2. Authorities in Wajir County have destroyed contraband sugar worth Sh1.8 million following a court order. Source: Hiiraan Online
  3. (ERGO) – Kaha Hirsi Ali has been concerned about the lack of education opportunities for her seven children, as they live a traditional nomadic life, herding their remaining goats in a remote part of central Somalia’s Galmudug region. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus ee cisbitaalka, ka dib markii astaamahii xanuunka ‘coronavirus’ ee lagu arkay ay ka sii dareen sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Downing Street . Afhayeen u hadalay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad . Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibadda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah . Ra’iisul wasaraha oo da’diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona. Boqoradda ayaa si taako taako ah loola socodsiinayay hadba halka ay marayso xaalada Mr Johnson sida laga soo xigtay aqalka boqortooyada UK ee Buckingham Palace. Wariyaha arrimaha siyaasadda ee BBC-da Chris Mason ayaa sheegay in raisul wasaaraha lagu xidhay ogasjiin, gelinkii dambe ee maanta ka hor inta aan loo wareejin qaybta daryeelka xaaladaha culus. Qoraal ka so baxay aqalka boqortooyada ayaa lagu sheegay: ” Gelinkii dambe ee isniinta xaaladda Raiisul wasaaraha ayaa ka sii dartay waxaana kooxdiisa caafimaadku ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka culus ee isbitaalka.” Hadalka oo sii socda ayaa lagu yidhi ” Raiisul wasaaruhu wuu ka soo reynayaa wuxuuna u mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha waaxda caafimaadka ee NHS, shaqadooda iyo dedaalkooda.” Xoghayaha Arrimaha dibadda Raab, wuxuu sheegay “waxaa jira” koox aad iyo aad u xoog badan isla mar ahaantaa u niyadsan ” oo gacanta ku haya ra’iisul wasaaraha. Wuxuu intaas ku daray isaga iyo asxaabtiisu inay hubinayeen inay fuliyaan qorshayaasha Mr Johnson uu faray inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan. “Taasi waa habka aan dalka oo dhan ugu caddayn karno loollanka coronavirus,” ayuu yidhi. Chancellor Rishi Sunak wuxuu sheegay in ducadiisu ay la jiraan ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa uurka leh, Carrie Symonds, iyo in Mr Johnson “uu kasoo bixi doono tan xitaa isagoo sidiisii kasii xoog badan”. Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay “war aad u xun oo naxdin leh”. “Niyadda dadka waddanka oo dhan waxay la jiraan ra’iisul wasaaraha iyo qoyskiisa inta lagu jiro waqtigan aadka u adag,” ayuu raaciyay. Mr Johnson ayaa markii hore loo qaaday cisbitaalka si loogu sameeyo baadhitaano joogto ah kadib markii laga helay cudurka loo yaqaan coronavirus 10 maalmood ka hor. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ahaa heerkul sare iyo qufac. Horraantii isniinta, waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka inuu ku jiro “xaalad wanaagsan”. Falanqeyn, weriyaha caafimaadka iyo sayniska ee BBC Qaybta daryeelka xaaladaha culus, waa qaybta lagu daaweeyo qofka ugu xanuuun liita. Taas macnaheeda in halkaas loo gudbiyey waxay caddaynaysaa sid ay u daran tahay xaaladda raysal wasaaruhu. Ma ogin, xogta dhabta ah ee xaaladda Johnson, aakiin waa uu baraad la’ayahay hawo qaadashudana way ku adag tahay. Bukaanjiif kasta oo ku jira daryeelka degdegga ah ma ahan hawo qaadashadoodu sax tahay, laakiin ku dhawaad saddex-meelood laba meelood waxay ku dhexjiraan 24 saacadood gudahooda marka loo dhigo Covid-19. Kani waa cudur ku dhaca sambabada wuxuuna sababi karaa oof wareen iyo neefsashada oo dhib kugu noqota. Tani waxay jidhka ka dhigaysaa inuu ku dhibtoodo inuu helo oksijiin ku filan dhiigga iyo xubnaha muhiimka ah ee jidhka. Ma jiro daaweyn la xaqiijiyey oo loogu talogalay Covid-19, in kasta oo ay jiraan kuwo aan la xaqiijin. Wasiirka Koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay “u dirayaan [Mr Johnson] inay u rejaynayso soo kabasho wanaagsan”, halka Wasiirka Koowaad ee Waqooyiga Ireland Arlene Foster ay intaas raacisay “inay ugu duceyneyaan soo kabasho buuxda oo deg deg ah”. Madaxweynihii ka horreeyay Mr Johnson, Theresa May, iyo hoggaamiyihii hore ee ee Xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn ayaa labaduba sheegay in maankoodu uu la jiro isaga. Mrs May waxay tilmaamtay in “feyraskan naxdinta leh uusan cidna takoorin”. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mr Johnson “uu si dhakhso leh uga soo kabto dhibaatadan.” Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in cisbitaalka St Thomas ‘ay leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka adduunka ugu fiican’ iyo in ra’iisul wasaaruhu “uu ku jiro gacmo badbaado leh”. Praying for the Prime Minister’s swift recovery tonight. @GSTTNHS has some of the finest medical staff in the world, and he couldn't be in safer hands. https://t.co/xh8iyKUv7n — Sadiq Khan (@SadiqKhan) April 6, 2020 Qaran News
  5. 8 Hoggaamiye oo hadalkoodu Dhayalsi,Muran & Marin habaabin dhaliyey Cudurka saf-marka ee Corona ayaa dowladaha caalamka wuxuu ku qasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaayeen faafidiisa. Cudurka ayaa waxaa uu soo ritay ku dhowaad 1.3 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 70,000 qof, guud ahaan caalamka. Balse tirada yar ee hogaamiyayaasha caalamka ayaa jeediyay hadallo ay cudurka ku dhayalsanayaan, halka qaarkood ay bixiyeen macluumaad marin habaabin ah oo ku saabsan fayraska Covid-19, amaba iyaga oo soo jeedinayay tallaabooyiin aan habooneyn. Qaar ka mid ah dowladaha ayaa toddobaadyadii la soo baafay isbedelay; tusaale ahaan madaxwayne Donald Trump, iyo hoggaamiyeyaal kale waxay wali sii wadaan in ay dhibaatada ku gacan seyraan ayna qaataan go’aano halis ah. Waxaa halkan aan idinkugu soo gudbinaynaa 8 hadal oo muran dhaliyay. ‘Waan xakameynay gabi ahaanba’ 22 bishii January, labo maalmood ka dib marki kiiskii ugu horeeyay laga helay Mareykanka, madaxwayne Trump wuxuu bixiyay wareysi uu siiyay TV-ga CNBC wuxuuna xilligaas dafiray in uu cudurka soo gaaray Mareykanka. Labo bilood ka dib Mareykanka ayaa noqday dalka dadka ugu badan uu soo ritay fayraska Corona. Waxay tirada guud kor u dhaaftay – 330,000 illaa 5 April, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins. Tirada guud ee dadka u dhintay fayraska ee Mareykanka waxay ka badan tahay 9,633 qof taas oo ka yar Spain iyo Taliyaaniga; Haddana madaxwayne Trump wuxuu sheegay in tirada dhimashada Mareykanka laga yaabo in ay gaarto ilaa 250,000 oo qof. ‘Waa uun sida hargabka oo kale’ Taariikhda hadalada muranka dhaliya kama aysan hor istaagin Jair Bolsonaro, madaxweynaha Brazil, in uu cara galiyo hannaanka siyaasada dalkiisa, wuxuuna noqday madaxwaynaha dalka ugu wayn Laatin Amerika, sannadkii 2018. Waxaa hoos u dhacday caannimada Bolsonaro ee dalkiisa, markii uu dalkiisa gaaray fayraska Covid-19. Khudbadiisii ugu dambeysay ee u uu TV-ga jeediyay waxaa hareeyya dibadbaxayaal isugu soo baxay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Brazil. Dibadbaxyadan waxaa looga soo horjeeday qaabka muranka dhalisay ee uu madaxwaynaha u wajahay cudurka saf-marka ee Coronavirus. Wuxuu sidoo kale gaashaanka u daruuray halista cudurka. Madaxweynaha Brazil wuxuu si joogto ah u jabiyay talooyiinka kala fogaanshiyaha bulshada. Waxaa uu sidoo kale ka soo diiday in xannibaad ay soo rogeen qaar ka mid ah barasaabyada gobollada ee dalka Brazil. Brazil waxaa ilaa iyo hadaa la xaqiijiyay in 11,000 kiis laga helay wuxuuna si fudud ugu fiday gobollada. Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska cudurka ay laba jibaarmeen 5-tii maalmood ee ugu dambeysay. ‘Halkii aad hdibaato keeni lahaydeen, waan idiin aasayaa’ Madaxwaynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, dhankiisa muusan dafirin halista uu leeyahay fayraska Covid-19. Dalkan waxaa la soo rogay tallaabooyiin adag oo ay ka mid yihiin xannibaado iyo bandow, balse waxaa dalkaasi ka dhacay hal dibadbax oo ay dadka uga cabanayeen gabaabsi dhanka cunadda ah. Haddaba, Jawaabtii uu Duterte bixiyay maxay ahayd? Waxaa uu ku hanjabay in dadka jabiya amarada dowladda ay toogan doonaan ciidamada ammaanka. “Ha u caga-jugleynina dowladda, waad guuldareysan doontaan,” waxaa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay 2 bishan April. Dalka Philippine, kiisaska fayraska ee lagu arkay waa in ka badan 3,500, waxaana ku dhimatay in ka badan 160 qof. ‘Fayras kama jiro halkan. Ma aadan arkin wax duulaya, Soo sidaa ma ahan?’ Madaxwaynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa iska indha tirayay marka la eego hab dhaqankiisa ku aadan coronavirus ee aalamka ka dilaacay. Wuxuu ku qoslay soo jeedin ahayd in uu muujiyo dadaal dalkiisa uu uga hor istaagayo in uu ku sii fido fayraska Corona, sababtoo ah waxa uu yiri “uma jeedo fayras duulaya halkan”. Xilli uu ka hadlayay telefishinka, isagoo ciyaarayay xeegada barafka lagu dheelo, wuxuu ku andacooday in dadka isugu so baxay ciyaarta ay wanaagsan yihiin sababto ah “qabowga ka jira garoonka ayaa ka hortaga in uu cudurka faafo”. Wuxuu ku tilmaamay cabsiga fayraska Corona in aysan ahayn wax ka badan cabsi maskaxda ku dhacda”. Belarus, oo ah dal ay ku nool yihiin 10 milyan oo qof, waxaa lagu tilmaamaa “goobtii ugu dambeysay ee Yurub ay kali-talisnnimada ay ka jirto”, waxaa laga soo sheegay in cudurka u haleelay in kabadan 700 qof, ayna u dhinteen ilaa iyo imika 5 qof. ‘Haddii aad awoodid qaab ay qoyskaada dibadda ku aadi karaan si ay wax uga soo cunaan samee, sababtoo ah taasi waxay xoojinaysaa dhaqaalaha’ Madaxwaynaha dalka Mexico, Andres Manuel Lopez Obrador, ayaa si joogta ah isaga dhagatiray talooyiinka saraakiisha caafimaadka ee ku aadan faafidda Coronavirus. Wuxuu sidoo kale beeniyay halista fayraska, wuxuuna booqasho ku tagay melo ka mid ah dalkaasi isaga la kulmayaya bulsahada oo uu xitaa dhunkaday carruurta, wuxuuna salaamay taageerayaashiisa. Dalka Mexico, cudurka uma uusan saamayn sida dalka dariska la ah ee Mareykanka, waxaa uuna soo ritay 2,143 qof iyo 94 qof oo dhimasho ah. Balse khubarada caafimaada ayaa ka digaya in tirada ay gaari karto mustaqbalka illaa 700,000 oo qof. 30-kii bishii March, Mexico waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caafimaad waxaana wali dalkaasi la ogol yahay in ay isu iman karaan illaa 50 qof. ‘Feyriska Corona waa shaqada alle ee uu ku ciqaabayo dalalkii cunaqabateynta nagu soo rigay’ Dowladda Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa isaga jeedin hadallo muran dhaliyay oo ku aadan Corona. Sidoo kale xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa ereyadooda lagu muray, sida Wasiirka gaashaandhiga, Oppa Muchinguri, oo sheegtay in cudurka saf-marka ah uu yahay aargoos uu alle uga aargoosanayo wadamada cunaqabateynta ku soo rigay Zimbabwe. “Cudurada saf-marka ee noocan ah ma lahan sharaxaad dhanka Seyniska ah, mana lahan wax xudduud ah,” ayay tiri MrsMuchinguri 18 March. ‘Trump – adiga iyo dadka kula midka ah ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan faafidda cudurka, maadaama dadka la dhibaatooda intooda badan ay Mareykanka ka soohorjeedaan. Wadaadka Shiicada ee sida wayn looga qadariyo dalka Ciraqa ee Muqtada Al-Sadar ayaa ku eedeeyay madaxwayne Donald Trump in uu isaga ku faafiyay fayraska dalalka ka soo horjeeda Mareykanka. Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Al-Sadar waxaa uu ku gacanseyray tallaabooyiinka ay soo rogtay dowladda Ciraaq islamarkana waxaa uu qabanayay isu so baxyo diimeed oo uu dadka ku wacdinayay. wuxuu sidoo kale faafidda u tiiriyay in ay sabab u tahay “sharciyeynta in ay is-guursadaan dadka isku jinsiga ah” guud ahaan caalamka, iyada oo ay jirto in labada dal ee sida aadka ah ugu faafay cudurka ee Shiinaha iyo Taliyaaniga aan wali laga ogolayn arrintaas. “Mid ka mid ah arrinta ugu daran ee faafisay cudurkan saf-marka ah waxay tahay sharciyaynta in ay is guursadaan dadka isku jinsiga ah,” ayuu yiri. Illaa 2 bishan April, wasaarada caafimaadka ee Ciraaq waxay xaqiijisay 772 kiis oo ah fayraska Covid-19 iyo dhimashada 54, balse hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay ka digaysaa in tirada ay intaasi ka sii badan karto. ‘Uma gudbinayno macluumaadka qaar ee dad-waynaha, sababtoo ah ma doonayno inaan cabsi abuurno’ Madaxwaynaha dalka Indonesia, Joko Widodo ayaa qiray in si ula kac ah uu u qariyay macluumaad la xiriira kiisaska Covid-19 ee dalkaas, si aysan shacabka u miciin bidin hab-dhaqanka walaaca iyo cabsida ku saleysan. Dalkan ku yaalla qaaradda Aasiya waxaa kiiskii ugu horeeyay la diiwaangaliyay 2-dii bishii March, balse waxay imika tirada gaartay 2,200, waxaana cudurka u dhintay in badan 190 qof. ‘Waxaan ku sugnaa isbatalka habeen hore halkaasi oo aan u maleynayo in ay ku jireen bukaan qaba fayraska Corona waanna salaamay qof walba’ Rai’sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa u sheegay warbaahinta, 3-dii March, in uusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xiili uu UK cudurka ku sii faafayay, waxaa uu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu gacanta dhaqdo. Maalmo ka dib waxaa cadaatay in Boris Johnson uu gacan qaaday oo kali ah shaqaalaha caafimaadka, balse hadalkiisa ayaa wali ah mid cambaareyn la kulmaya. Raisul wasaaraha ayaa fayraska Corona laga helay, waxaana la sheegay in la seexiyay isbitaal. Qaran News
  6. Dhadhaab Refugee Camp, North East Kenya ( PPM) — Al-shabaab, the Somalia-based extremist organisation, does not run out of recruits, so goes the story. Its failed attempt to launch a surprise attack against Puntland in 2016 betrayed its one-time secret recruitment strategies. Almost 30% of Al-shabaab fighters taken prisoners by Puntland Defence Forces were children under 15 years of age. Some of the children interviewed shared harrowing experiences about how Al-shabaab persuaded them to join religiously justified punitive expedition against Puntland State. Children were recruited in Lower Shabelle, Upper Jubba, Middle Jubba, Bay and Bakool regions. Their parents reported them missing. An interrogator asked one emaciated child POW how he managed to carry an AK-47 assault rifle and walk more than 200 KM. Some parents who came to Puntland to have their “abducted” children reunited with them had expressed a wish to bring up their children in an environment where Al-shabaab conscription officers cannot breathe down on families’ necks. Al-shabaab senior leaders are not young men in the conventional sense of the word. The use of the word youth in the organisation’s name conveys more than ideological commitment. It is a means to recruit young fighters regardless of their age. In Lower Jubba, where Al-shabaab controls Bu’aale, the administrative capital of the region, and Jilib, the group has put in a place a policy that compelled many parents to cross the border between Somalia and Kenya and start life in refugee camps such as Dhadhaab and Dhagahley. Al-shabaab obliges a family with three sons to send one to to Al-shabaab barracks (mu’askar) to train to become a fighter or an intelligence operarive (amniyat) after screening (tarshih). Luqman (not his real name) told Puntland Post stringer in Dhadhaab that he “was forced to flee a hamlet in Middle Jubba after Al-shabaab gave me an ultimatum to allow one of my sons to join the group.” Luqman said he would be accused of espionage had he not fled the hamlet to seek asylum in Kenya. “I told them that both my sons are adults and that it is their decision, not mine, to join Al-shabaab” Luqman told Puntland Post stringer. If three sons are under 15 years of age, parents will have to give one of the sons up for adoption by Al-shabaab. “Al-shabaab has shed any pretense of good conduct towards families and children. Families in Al-shabaab-controlled areas live in constant fear of having their sons conscripted for suicide bombing, intelligence gathering or aiding and abetting assassins” says Mukhtar Dala’an, a former coordinator of Somali Red Crescent Office in Baidoa, who is now in Dhadhaab refugee camp. Al-shabaab leaders worry about the dwindling population in districts the group controls. It does not restrict travelling to and from districts under its control. Such a decision will limit its ability to launch suicide bombing missions in Mogadishu, Kismayo and Lower Shabelle. For parents fearing the gaze of conscription officers, relocating to another part of Somalia or seeking asylum in neighbouring Kenya are two appealing options. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post ESCAPING FROM AL-SHABAAB’S CONSCRIPTION OFFICERS appeared first on Puntland Post.
  7. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay qeybta daryeelka deg degga ah ee isbitalka, kadib markii xaaladdiisa cudurka coronavirus ay kasii dartay, sida uu sheegay xafiiskiisa Downing Street. Britain ma lahan wax qorshe ah oo deggan oo la xiriira cidda shaqada sii wadeysa, haddii ra’iisul wasaaraha uu noqdo mid aan wax qaban karin, hase yeeshee Johnson, oo 55 jir ah, ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Dominic Raab weydiistay inuu shaqadiisa sii qabto. Johnson ayaa Axaddii la dhigay isbitalka, kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cudurka Coronavirus. Saraakiisha ayaa sheegay in Johnson uu dareemayey qandho heer kulkeedu sarreeyo, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus. Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Downing Street ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Johnson lagu xiray qalabka laga qaato neefta. “Galabta ayaa xaaladda ra’iisul wasaraaha ay kasii dartay, waxaana kadib talo ka timid dhaqaatiirtiisa la dhigay qeybta xaaladda deg degga ah ee isbitaalka,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay xafiiskiisa. Xafiiska Downing Street ayaa sheegay in go’aanka Johnson lagu dhigay qeybta xaaladda deg degga ah, loo qaatay si loo muujiyo taxaddar dheeri ah. Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street. Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda. Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.
  8. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu uga hadlayey arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ku saabsan ka jeediyey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntalnd. Deni ayaa ugu horeyn balan qaaday in si joogta ah bil kasta Isniinta u horeysa uu ula hadli doono dadka, isla markaana uu ka warbixin doono xaaladaha guud ee maamulka uu hoggaamiyo iyo guud ahaan dalka. Madaxweyne Deni ayaa qeybaha hore ee khudbadiisa uga hadlay, saameynta cudurka Coronavirus ee dunida, gaar ahaan tan uu ku yeeshay dalka, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ugu geeriyooday cudurkaas. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa aad u bogaadiyey dadaaladda socda ee lagu qaboojinayo siyaasadda Galmudug, isagoo si weyn ugu amaanay madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. “Waa arin lagu farxo in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu maanta tegay Dhuusamareeb, isla markaana uu diyaar u yahay in dhismaha maamulkaas uu qeyb ka qaato, waxaan uga mahad celinayaa madaxweyne Qoor-Qoor samirka iyo dadaalka uu u sameeyey sidii uu dib u heshiisiin u abuuri lahaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Saciid Deni oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaa muuqata markii Galmudug loo madax baneeyey siyaasadeeda , oo ay dowladda dhexe wakhti siisoo faraha ay kala baxday, inay arrimahoodii xallisteen, waana arin lagu farxo oo aan ku bogaadineyno, degaan kasta dadkiisu inay arrimahooda xallistaan, oo sidaas looga gudbo khilaaf walba”. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadallo u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka socda garabka la magac baxay, isbedel doonka Jubbaland oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Waxaan kale oo bogaadinayaa dadaallada iyo wadahadalka ka socda Nairobi ee u dhaxeeya Madaxweyne Axmed Madoobe, Xidig, Seeraar iyo Sheekh Daahir, oo iyagana khilaaf kasoo bilaawday doorashadii ka dhacday Jubbaland uu mudo soo dhex yaalay, waxaan ku faraxsanahay inay garteen inay ka wada hadlaan arrimahooda oo ay xalliyaan, waxaana runtii ka war qabaa in uu gaba-gaba yahay wadahadalkoodu xal waarana ay ka gaari doonaan khilaafka dhex yaalla” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Halkan ka Daawo khudbadda Deni oo dhameystiran
  9. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa ka hadley dagaal beeleedyada ka dhacaya degaannada duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose iyo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Xasan sheikh ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda degaannada lagu dagaalamayo in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyadaas. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn aysan ka dhalaneyn dagaal beeleedyada,isla markaana loo baahan yahay in loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta. Dagaal beeleedyadyadii ka dhacay degaannada duleedka Galbeed kaga beegan Kismaayo iyo degmada Walanweyn ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sababeen dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale. PUNTLAND POST The post Xassan Sheikh oo baaq Nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-06042020.mp3 View the full article
  11. Dr. Gabboose iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo si Dhaxal-gal ah Bulshada Ugala Hadlay Halista Xannuunka Covid-19 • Faafhaahinta muxaadarro caafimaad oo uu jeediyey Dr. Gabboose iyo 11 Tallo oo uu soo bandhigay Maxamuud Xaashi. Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo siyaabo kala duwan saxaafadda ugula hadlay meelo kala duwan Isniintii maanta (06 April 2020), ayaa bulshada iyo dowladda Somaliland u soo bandhigay tallooyin iyo waano dhaxal-gal ah oo la xidhiidha sidii looga feejignaan lahaa faafitaanka xannuunkan halista ah ee Coronavirus (Covid-19), iyagoo ku baaqay in loo hoggaansamo awaamiirta ka soo baxaya Guddida Heer Qaran ee Ka-hortagga iyo Wacyigelinta Xannuunka Covid-19. Ugu horayn Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta cusbitaalka Hal-door ee Caasimadda Hargeysa, waxa uu halkaas ka jeediyey muxaadarro caafimaad oo uu ku soo bandhigay khatarta xannuunka, faafitaankiisa, sida uu dadka u dilo iyo tallooyinka lagaga badbaadi karo inuu Somaliland iyo ummadda kale ee Soomaalida ku yeesho saamayn xun. Dr. Gabboose, waxa uu shirkiisa jaraa’id ku ibo-furay sidan; “Shirkaygan jaraa’id waxa uu daaran yahay in aan uga digo bulsho-weynta Afka Soomaaliga ku hadasha meelkasta oo ay joogaan iyo gaar ahaan dalkayga Somaliland inay si qoto-dheer u fahmaan dhibaatada culus ee ku soo fool leh Ilaahay ha innaga badbaadiyee, hasayeeshee in wax walba lagu talogalo ayaa nolosha ugu muhiimsan inta ay dhibaatadu kugu habsan lahayd.” Waxaannu intaas sii raaciyey; “Sida aad ka war-haysaan, caalamku waxa uu galay xaalad aad iyo aad u adag, waxaanna kala go’ay oo istaagay dhammaanba qaababkii nololeed ee hadda jiray, haddii ay yihiin kuwa bulsho, haddii ay yihiin kuwa dhaqaale, haddii ay yahay kuwo siyaasadeed iyo nooc walba oo dunidu way kala xidhantay.” Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay in xannuunkan Covid-19 uu sababay inay cidlo noqdaan magaalooyinkii waaweynaa ee dalalka caalamka, dadkuna ay ka baqayaan inay istaabtaan, isagoo xusay in lala kala cararay salaantii iyo noocyadii kala duwan ee xidhiidhka bulshada ahaa, waxaannu sheegay in masiibada xannuunkaasi aanay cidna dhaafin qaybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana ay taabatay cidkasta oo isugu jirta madax iyo minjaba. Muxaadarada caafimaad ee uu jeediyey Dr. Gaboose, waxa uu ku sheegay in masiibada xannuunkani ay adduunka kaga tegi doonto cawaaqib-xumo aad u adag oo dhinac walba ka saamaysa bani’aadamka, taasoo uu xusay inay sababi doonto in dib wax la iskaga weydiiyo hab-fikirkii jiray iyo wixii uu horumar haystay oo dhan. “Qaab-nololeedkii ay ilbaxnimadu dhalisay ee ahaa magaalooyin waaweyn iyo mushtamac aad isugu dhaw, waxa ay noqotay hubkii uu xannuunkani ku faafi lahaa,” ayuu yidhi Dr. Gaboose, waxaannu tilmaamay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo khubarada caafimaadka ee caalamku ay saadaalinayaan in aanu jirin dal iyo qaarad ka badbaadaya saamaynta adag ee xannuunkan Covid-19. “Xannuunkani waxa uu la mid yahay kaymo dab ah oo gubanaya oo kaynba ay ku sii xigto kaynta kale, iyadoo kaynta la filayo ee la sii saadaalinayo toddobaadyada soo socda inay dhibaatadiisu aad u badan karto waa qaaraddan madaw ee Afrika oo ah qaarad aan qalab u haysan, talo u haysan, dhaqaale u haysan, dadka noloshooduna ay ku jiraan xaalado aad iyo aad u liita,” ayuu yidhi Dr. Gaboose, isagoo caddeeyey in xannuunkan Coronavirus aannu lahayn wax daawo ah iyo tallaal lagaga hortegi karo midna, waxaannu iftiimiyey in cudurkan dawakhiyey dunidan casriga ah uu ka dhashay noole yar oo il-ma-aragtay ah oo la yidhaahdo fayras (Virus), kaasoo ka samaysan silsilad yar oo hidde-side ah, laguna dahaadhay gal yar oo sare oo la mid ah sida kiniinka kaabsoolka, korkana ku wadata taag-taagyo yaryar oo mafaatiix ah. Dr. Gaboose waxa uu soo bandhigay su’aal ah; “haddaba, sidee ayuu caalamka intaas tiro le’eg u fadhiisiyey waxaas ugu yar ee jira ee bani’aadam arkay ee la isku haystay ma nool yahay, mise ma noola? “Awoodda Ilaahay, waxanu (fayraska yari) waxay awood u leeyihiin mafaatiixda ay korka ku wataan muftaax walba aqoonsan karaa quful uu noole kale haysto, haddii uu xoolo yahay, haddii uu dad yahay iyo haddii uu waxkasta yahayba, markaa muftaaxaasi sida ay hudheelladu u kala gartaan qol walba muftaaxa furaya, ayuu mid walba garanayaa noole kale muftaaxiisa oo kolba ay istaabtaan haddii uu yahay kii uu furayey, inta uu albaabkiisa garto oo uu furo ayuu gudaha u gelayaa unuggii kale (cell). Marka uu gudaha galana, awoodii ka maqnayd (fayraskan) ee Ilaahay ka maqnaysiiyey oo dhan, waxa uu ka helayaa noolaha kale ee uu galay oo waxa uu afduubayaa oo budhcad-badeed ku noqonayaa unuggii uu afduubay, warshadihiisii ayuuna isticmaalayaa noockasta oo ay tahay, markaas ayuu unuggaas kale shaqadiisii kale ee uu isagu watay ee gaarka u ahayd inta uu joojiyo, waxa uu u shaqaynayaa xabbaddaas yar ee fayraska ah, kadibna wuu ku dhex tarmayaa, waxaannu ku samaynayaa kaabsool (dahaadh sare) oo kale, mafaatiix kale ayuu ku samaysanayaa, halkaas ayuuna ku sii badanayaa, wuxuunna dhaawacayaa unuggii uu galay, waxaanna ka soo daadanaya boqolaal unug oo kale oo fayraskii ah, boqolaalkaasina waxa ay haddana gelayaan unugyo kale oo cusub, mid walbana unug kale ayuu afduubayaa, haddana waxa ku dhalanaya boqolaal kale oo fayrasyo ah. Sidaas ay u soo wada yaacayaan ee ay marba unug kale u afduubayaan, ayey marka dambe unugyada qofka ama meesha ay ku degeen ay u wada burburinayaan oo imminka xannuunkani waxa uu u badan yahay inuu qabsado sambabada iyo neef-mareenka, laakiin kelyaha, wadnaha, xididada iyo meelo kale oo jidhka ahna wuu geli karaa oo mafaatiixdiisa wuu haystaa oo kolba sida uu u abuurmayo unugyo kale ee ay unugyadii jidhka u burburinayaan, ayuu marka dambena qofkii sidaa ku dhimanayaa,” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo sharaxay qaabka uu fayrasku u dilo qofka. Waxa kaloo uu sheegay inay jiraan fayrasyo kala duwan, isagoo xusay in fayraskan hadda khalkhalka geliyey adduunka qabiilkiisa la yidhaahdo CORONAVIRUS, kaasoo hore u soo maray Adduunka, intiisa badana lagu yaqaanay xoolaha iyo xayawaannada kale, balse kadib markii uu isbeddel ku dhacay hidde-sideyaashiisa uu gaadhay heer ah inuu ka soo baxo xayawaanka, una soo gudbo bani’aadamka, waxaannu caddeeyey in aanay ilaa hadda culimada caafimaadku u hayn aqoon ballaadhan oo ay ku soo saaraan tallaal wax lagaga qaban karo xannuunkan saameeyey caalamka. Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa uga digay bulshada sida fudud ee uu xannuunkan cusub ee Covid-19 ku faafayo, waxaannu sheegay in qofka uu fayraskani ku dhaco uu isla markiiba sii qaadsiin karo ugu yaraan saddex qof oo kale. “Haddii anigu aan qaadsiiyo laba qof uu guriga igula nool, marka ay soo baxaan labadaas qofna ee uu qof walba qaadsiiyo saddex qof oo kale, waxay noqdeen lix qof, haddana marka ay lixdaas qof mid walba sii qaadiiyo saddex ruux oo kale, waxay noqdeen 18 qof, haddana 18-kaas qof, marka uu mid walba saddex kale sii qaadsiiyo waxay noqdeen 54 qof, markaa sidaas ayuu xannuunkani mid aan dilaa oo qudha ahayn ee ay fidistiisu aad iyo aad ugu socoto oo hal qof ilaa kumanaan kun ay mar qudha si dhakhso ah isku gaadhsiin karaan,” ayuu yidhi Digtoorku. Waxa uu ugu baaqay bulshada reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka Soomaalida ah inay la yimaadaan taxaddir dheeraad ah oo qof walba halkiisa isku saaro masuuliyad ah inuu naftiisa iyo bulshada kaleba ka badbaadiyo faafitaanka xannuunkan albaabada u xidhay dalalka ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan caalamka, isagoo xusay inay waajib tahay in la qaato awaamiirta iyo tallooyinka la xidhiidha qaababka looga hortegi karo cudurkan ee ka soo baxaya bahda caafimaadka, Guddida Heer Qaran ee Ka-hortagga Covid-19, waxaannu Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda qaranka ugu baaqay inay la yimaadaan masuuliyado dheeraad ah oo ummadda lagaga badbaadin karo khatarta ku soo fool leh Ilaahay innaguma keenee, lana xidho dhammaanba xuduudaha dalka, maadaama meelaha uu xannuunkani ka soo geli karo Somaliland ay ugu badan yihiin dalalka dibadda ee uu saamaynta xooggan ku yeeshay. Geesta kale, siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa soo bandhigay 11 talo oo la xidhiidha xannuunkan halista ah ee Coronavirus, waxaannu ku baaqay in dowlad, shicib, mucaarid, muxaafid, taajir iyo faqiir lala yimaado siyaasad iyo qorshayaal midaysan oo lagaga ilaalin karo in aannu xannuunkani ku dhex faafin dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku taliyey in loo hoggaansamo awaamiirta iyo tallooyinka ka soo baxaya Guddida Heer Qaran, bahda caafimaadka iyo waanooyinka culimadu jeedinayaan. “Waxa aan ku talinayaa ummad ahaan in aynu si wada-jir ah iskaga gaashano dagaalka ka dhanka ah cudurka dillaaga ah, Walaalayaal, ummaddaha gobta ahi maaha kuwa kala tafaraaruqa xiliyada adag, balse waa kuwa isku tiirsanaada, iskuna tashada xiliyada adag,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in la dardar-geliyo dedaalka lagaga feejignaanayo faafitaanka xannuunkan, isagoo soo jeediyey in la xidho xuduudaha, lana joojiyo duulimaadyada dadka rakaabka ah keenaya dalka. Muxaadarada caafimaad ee uu jeediyey Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo faahfaahsan halkan hoose ka wada dhegayso, iyadoo ay muhiim tahay in dowlad iyo dadweynaha la qaato tallooyinka caafimaad ee uu soo bandhigay digtoorku. https://www.youtube.com/watch?v=QHbX01tw0yE Tallooyinka uu soo jeediyey siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi iyagoo faahfaahsan halkan hoose kaga bogo. https://www.youtube.com/watch?v=Z2ccK9TAXhM Waxa isku soo ururiyey suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyey lacag dhan 100,000 kun oo dollar, oo loogu tala galay ka hor tagga iyo la tacaalidda kiisaska la xariira cudurka Coronvirus, oo haatan dalka ku jira. Lacagtan ayaa ka timid urur goboleedka IGAD oo ay ka tirsantahay Soomaaliya, waxaana war kasoo baxay xaafiiska Xoghayaha ururka lagu sheegay in deeqdan lacageed ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha ururka IGAD. Illaa 430 ka tirsan shaqaalaha urur goboleedka IGAD ayaa iska uruuriyey lacag dhan $700,000 (Todoba boqol oo kun oo dollar) si la dagaalanka COVID-19 ay uga caawiyaan wadamada ku mideysan IGAD oo si siman loogu qeybiyey lacagahaas. Deeqdaas lacageed Soomaaliya waxaa uga soo aaday $100,000 (Boqol kun oo dollar), waxaana xubnaha Ururka ka gudoomay, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cali Nuur. Shaqaalaha iska soo uruuriyey lacagtan ee IGAD ayaa kasoo kala keeda dhamaan dalalka ku bahoobay ururka goboleedkan, waxayna tabarucaadan ku tilmaameen hindise ay muwaadiniinta gobolka ugu garab siinayaan la dagaalanka xanuunka dunida wada saameeyey ee Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa 16-kii bishii Maarso ee sanadkan shaacisay in kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus ah in laga helay ruux ka yimid dibadda oo la qabtay lana karaantiilay xilli uu kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, baaritaan kadibna laga helay cudurkaas. Intaas kadib waxaa si tartiib tartiib ah u soo yeerayey kiisas hor leh oo dalka gudihiisa lagu arkay, balse laga helay dad intooda badan kasoo laabtay safarro dibadda ah iyo kuwo ajaaniib ah. Tirada guud dadka qaba Coronavirus ee ku sugan gudaha dalka oo ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ayaa ah 7 ruux oo laba ajaaniib tahay, halna ka caafimaaday, waxaana la sheegay in ay karaantiilanyihiin dadka qaba xanuunkaas. #IGAD Secretariat staff from Head Quarters in #Djibouti & specialized offices across the region contributed USD700,000 towards the regional fight against the #CoronaPandemic.A handover of USD 100K has been made to #Djibouti, #Somalia & #Uganda each today.Stay tuned for more news! pic.twitter.com/IzU86VPvO8 — IGAD Secretariat (@igadsecretariat) April 6, 2020
  13. Prime Minister Boris Johnson has been moved to intensive care in hospital after his coronavirus symptoms "worsened", Downing Street has said. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Caawa hadal jeediyay ayaa muujiyay in uu aqoonsaday madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Madaxweyne Deni, ayaa ugu horrayn bogaadiyay tallaabada uu qaaday Ex. Madaxweyne Xaaf, kaasi oo aqblay in uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub ee Galmudug Mr Qoor Qoor, kadib khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb. Sidoo kale, wuxuu Qoor Qoor uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay dib u-heshiisiinta dadweynaha Galmudug, isagoo u adeegsaday kalmadda “ madaxweyne Qoor Qoor” taasi oo ka dhigan in uu si rasmiya u aqoonsaday madaxnimadiisa. Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa bogaadiya wada-hadallada ka socda magaalada Nairobi, ee u dhexeeya madaxweynaha Jubaland iyo xubno mucaaradsan maamulkiisa oo ay hoggaaminayaan Xiddig iyo Seeraar. Hoos ka daawo muuqaalka Deni PUNTLAND POST The post Puntland oo mudda kadib aqoonsatay madaxweyne Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa si wadajir ah baaq nabadeed ugu diray dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaaday xadlka gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeyidooday dagaalka, isaga oo kuwa dhaawaca allah uga baryey in uu caafimaad siiyo, waxaana uu intaas ku daray in maamulka Galmudug uu ciidamo iyo mas’uuliyiin uu u diray goobihii lagu dagaalamay si ay waanwaan uga dhexraadiyaan labada dhinac loona baajiyo hiig danbe oo si macno darri ah u daato. Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Waxaan si wadajir ah u cambaarneynaa dagaalada nasiib darrada ah ee kasocda gudaha xadka ay wadaagaan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dowlad goboleedka Galmudug. Madaxdu waxay xanuunka la qaybsanayaan una tacsiyaynayaan dadka ehelkoodu ku dhinteen dagaaladaasi iyo kuwa ku dhawacmeen. waxayna Alle uga baryeen inta dhimatay inuu u naxariisto, inta dhaawacaana u booga dhayo. waxay sidoo kale amreen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka loona dhaga-nuglaado baaqyada nabadeed ee madaxda iyo waxgaradka samaha jecel. Madaxda waxay kaloo ay xuseen in ciidamo iyo dad masuuliyiin ah u direen deegaanada dagaaladu ka socdaan si loo joojiyo colaada, sidoo kalana ay xiriiro kala sameeyeen madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka qayb qaadashada joojinta colaada ka taagan xuduudka ay wadaagaan”. Hadalka ka soo baxay madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo xadlka gobolka Galgaduud uu la wadaago wadanka Itoobiya uu ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo kaas oo dhimayo dhaawac badan uu ka dhashay oo soo gaaray labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Caawa hadal ka jeediyay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa si faahfaahsan uga hadlay khatarta muuqata ee uu dunida ku hayo cudurka Coronavirus iyo tallaabooyinka ilaa iyo haatan xukuumaddiisu qaadday si looga hortago faafidda xanuunkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay, in cudurka COVID-19 uu yahay musiibadii ugu weyneyd ee Caalamka soo wajahda mudda ka badan 100-sannadood, islamarkaana wuxuu xusay in cudurkaas oo dunida si xawliya ugu fidaya ay xakamayn waayeen dalalkii ugu awoodda badnaa, balse Soomaalidu ay weli dhayalsanayaan halistiisa. Mudane Deni, ayaa ka warbixiyay tallaabooyinka ka hortagga ah ee xukuumaddiisu ka qaadatay cudurka Coronavirus, inkastoo uu si cad u sheegay in Puntland aysan awood u lahayn xakamaynta xanuunkaas, haddii uu dillaaco, maadaama dalalkii waaweynaaba tabar u waayeen. Madaxweyne Deni , wuxuu sheegay in Qaadku yahay gudbiyaha ugu daran ee Coronavirus si dhakhso ah ugu faafin kara Soomaaliya, sidaasi darteedna la joojiyay isticmaalka Qaadka, balse weli amarkaasi dhaqan-geli la’yahay. Wuxuuse si gaar ah eedayn ugu jeediyay ciidamada Puntland, oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi waayeen joojinta Qaadka, halka qaarkoodna uu ku tuhmay in ay iyagu weli isticmaalaan Cunista Jaadka, isagoo xusay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto falkaas. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Qaadku yahay gudbiyaha ugu daran ee Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa aad ugu dhaliilay dowladda dhexe in ay Hirshabelle State duudsiisay xuquuqdii ay ku laheyd ka maamul ahaan. Waxa uu bartiisa facbooka kusoo qoray sidaan :- “Hadii wasaaradihii federaalka aysan si lamida dowlad goboleedyada dalka aysan noogu cadaalad falayn. Hadii dakhliyadii dalka soo galay oo loogu tala galay in loo wadaajiyo dhamaan maamullada kajira dalka aan si rasmiya naloo soo gaarsiinayn. Hadii golayaashii nagu matalayay dowladda dhexe aysan samaynayn udoodista iyo soo dhicinta waxyaabaha kamaqan halkii ay kasoo jeedeen. Hadii dadkeenii naga sugayaan in aan gaarsiinno halka ay ku hamminayeen oo aan wax garab istaag ah aanan kaheysan, ganacsatadii, siyaasiyiintii,cuqaashii iyo wax galkii kasoo jeedaay deegaannadeena. Hadii duruufaha aan ku shaqayno maalin kasta aysan u muuqanayn dadkeena qaar, waa muhiim in aan faham dheeri ah kala wadaagno meelaha gaabiska kajiro. Hadii saraakiishii kasoo jeedday Hirshabelle State qaar loo aqoonsanyahay saraakiil qabiil, qaarna shaqadii laga fariisiyay, halka kuwii deegaannadeena kahowl gali lahaa aanan lasiineyn agabyadii ay ugu siffeyn lahaayeen kooxaha qaswadayaasha. Waa muhiim in su’aalo layska waydiiyo waxa annaga aan ku weynay waxyaabihii qoonda ahaan nagu soo aadi lahaa halka ay ku aaddisay dowladda dhexe. Hirshabelle State waxay utaagan tahay kadhabeynta iyo udhabar adeegadda shacabkeeda iyo deegaannada hoos yimaada. Waxaan halka aan maanta joogno ku gaarnay dhabar adeeg iyo ilaalinta midnimada dadkeena iyo systamka noo dhisan. Waxaan gaarnay heer aan soo saarno 1200 oo askari, waxaan abuurnay jawi xasilooni, wali magaarin heer dhameeystiran laakin waxaan ku dadaali doonnaa in aan gaarno xasilooni amni,xasilooni siyaasadeed iyo ku dadaalidda wada jirka shacabkeena. #HIRSHABELLENIMADAANAGUWADAFILAN Hassan Abdulkhader Mudey
  18. By: Abdi Ali The absence of many infections and deaths in Somalia does not mean Covid-19 is absent. Time is of the essence. Reflect on this unsettling news story: “The spread of Covid-19 in Somalia rapidly accelerated in the last few days. The latest unofficial death count stands at hundreds and there are no reliable figures for the numbers of those infected. The worst impact of the outbreak seems to be concentrated in major cities. In Mogadishu alone, hundreds more cases are reported in every district. Road closures, erected in the past year as part of security measures, hampered efforts to bury the dead and bodies are being buried in makeshift graves within the communities, exacerbating the outbreaks. There is a major health emergency everywhere you look. Panic buying at the Bakaara market – the largest in Somalia – led to stampede and sporadic looting ensued. There are reports of several deaths. Fear of looting meant all shops and restaurants are closed, impacting the food supply and there are shortages of basic necessities. Following significant outbreaks in the police stations and army camps, the vast majority of the army and security personnel left positions, creating a dangerous vacuum. All neighbouring countries have put a ban on flights from the country. Dual nationals, who make up most of the government officials, who are caught in this are appealing to their countries for urgent evacuation. With no one seemingly in charge, the people of Somalia are left to their fate….” This isn’t of course a real story and God forbid things materialise as described. However, when a country’s social and economic fibres are crumbling, the consequences can be horrifying. We need to learn from what is already happening in countries that are in the grip of Covid-19. We must wake up. Lives and livelihoods intertwined A brutal reality for millions of Somalis is that their next meal depends on their going out to earn daily wages in order to feed their families. The spread of Covid-19 could therefore wipe out earners whose dependents are either too fragile or sick to survive on their own. For most, if the virus does not kill them, starvation will. This is why the idea of locking down towns and cities, without support measures being put in place, are likely to prove catastrophic, nor would the government ever be in a position to enforce it either. It is an invidious choice when, for many, the options are either dying from the virus or from hunger. Incoherence and confusion will cost lives The steps the government took to suspend flights and close schools were welcome. However, the “official” Covid-19 numbers are unexplainably low – just a handful in a country where there are no test, trace and isolate processes in place. There is a growing unease that all of this talk about few cases is providing a false sense of reassurance and making the people dangerously complacent. Rather than assuming that the low infection rate is an indicator that the country is largely unscathed, the government should instead be assuming the worst. It also means the country may well be behind the curve and the next few weeks could be crucial. Rather than underplaying the impact of this, time is now of the essence and the government should be doing everything it can to get its act together. We need decisive leadership This is not the time to prevaricate, grandstand or indulge in political skirmishes. Millions of our people’s lives are at stake and the government’s sole focus should be on this virus. Clear guidelines must be issued which outline social distancing, use of alternatives to face masks and self-isolation. People need to understand that many of them will die and that they need to take all necessary precautions. Lessons learned from other countries provide useful insights. These include: Setting up a national taskforce People need information that is unambiguous and reliable. A national taskforce led by someone who is well-respected will transcend political barriers. The taskforce needs to have the budget and authority to coordinate the public information campaign, gather information on where and how the virus is spreading; and (c) coordinate the economic and medical response. The taskforce needs to be supported by relevant experts and report directly to all relevant political leaders across the country. “Is Badbaadi” Awareness Campaign Misinformation and wrong beliefs about the virus should be countered effectively. People need to understand (through the media, mass text messaging; loudspeakers on cars / rickshaws on the streets, etc) that the virus does not discriminate. Warnings about the useless and dangerous cures must be amplified. Recruitment of volunteers The government should recruit, and pay, hundreds of volunteers to help with the mitigation plan. These army of volunteers could provide critical intelligence and insights on the spread of the virus and the impact on the communities; support communities with information and advice and coordinate help on the ground. They will be the eyes and ears of the national taskforce, freeing up the police, doctors and nurses to deal with the emergency. Emergency Economic Support The Minister of Finance should start setting aside contingency funding for fighting this outbreak. All non-critical funding needs to re-prioritised, perhaps through an emergency budget. Discussions need to be held with food importers and large market traders to understand their spare capacity for dealing with possible food and medical shortages in the event of panic-buying. An emergency funding plan needs to be put in place to support food subsidies for people who are most at risk (those in refugee camps, orphans, families whose breadwinners have died from the virus, people in lockdown, etc). We need to understand what is happening outside of Mogadishu – in refugee camps and other towns across the country so that food and medical supplies can be prepositioned as needed. The Central Bank of Somalia should consider opening COVID-19 Appeal Fund into which Somali diasporas and others can donate directly. These funds should be prioritised for the families impacted by Covid-19. Political Stability All relevant government ministries (e.g. internal security, home affairs, defence) need to think through the implications of infections within the police and armed forced. For instance, they need to develop contingency plans for potential outbreaks of violence, looting; how to secure key food and medical supplies; how to enforce potential lockdowns; mass troop desertions; terrorists taking advantage of this. Government of National Unity It is important for the government to include key opposition politicians into the discussions. The decisions made during the outbreak could have far reaching implications for the country and would require legitimacy and wider support. Succession Planning: If both or either the president or prime minster are struck by the virus or incapacitated, who will stand in for whom? Having a clear plan for ensuring political stability will be critical. Temporary tent hospitals There are more “presidents” in Somalia than public hospitals. There are no dedicated facilities for treating people with the virus. A large proportion of the papulation is likely to have underlying health problems as a result of three decades of war, and may not even know it (malaria, diabetes, blood pressure and tuberculosis, to name a few). Millions of children and adults suffer from malnutrition and weakened immune systems, making them susceptible to this deadly virus. This means the risk to the most vulnerable in the population is particularly elevated. When a large number of people get infected and become seriously ill, they will head for the few public hospitals they know, leaving a trail of infections. The burden on the hospitals will be overwhelming. Designated Covid-19 Hospitals: The government should consider setting up Covid-19 tent hospitals in the areas outside of crowded districts, making use of football grounds as appropriate. These tent hospitals will provide food and basic hygiene services to help nurse victims back to health. Ringfencing patients this way will help contain the spread of the virus and make sure the limited number of other hospitals are free to deal with non-Covid-19 patients safely. Designated Burial Sites: Appropriate burial sites need to be identified early to prepare for the potentially large number of deaths. Body bags need to be ordered. Ambulances: Dedicated ambulance services need to be set up to collect victims from the community, and mortuary vehicles to collect the bodies. Mogadishu’s Roads: Most of Mogadishu’s roads have been closed for almost a year and are inaccessible to ordinary people. There needs to be a way of making sure the bodies of Covid-19 victims can be transported quickly and securely. If bodies were to pile up in houses because people cannot access the roads, the spread of the virus and risks to the wider public health is potentially catastrophic. The government must come up with a plan for this. Virus Hotline: The government and telecom companies should work together to set up free hotline for reporting infections and deaths. The hotline can be managed by volunteers to gather information on the virus and ensure victims’ bodies are collected. Exit Strategy The government should seek the help of relevant experts on how to contain the virus. Getting the country back to normality, whilst ensuring any second wave of infections are managed appropriately, should also be a top priority. Let us be focused and united in our determination to save our people. We need to prepare for the worst and hope for the best. “Shar ku tasho kheer wax kaama dhibee”. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  19. The president of Southwest State Abdulaziz Hassan Mohamed [Lafta-Gareen], has appointed a peace committee to work the ending of clan clashes in Wanlaweyn town. The Southwest state leader has vowed to bring the perpetrators of the violence to book. Abdiasis Hassan Mohamed Lafta-Garen has directed the regional state security machinery to double efforts to put the situation back to control. A statement from his office has revealed that a committee will be put in place to work towards resolving the difference between the warring parties. View the full article
  20. Somali prime minister Hassan Ali Khaire has appointed Abdikadir Sharif Sheikhuna Maya, as the country’s new State Minister of Commerce and Industries. In a statement, Prime minister Khaire said Sheikhuna will be replacing Dahir Abdi Abdullahi, who has been serving the office for the last two years. It is not yet clear the reason why Dahir sacked as he did not comment on the dismissal. According to the statement, Sheikhuna will be assuming the office with the effect of the date of issuing the statement. Sheikhuna, who was one of the regional lawmakers in Southwest state served the last parliament has been the assembly as the speaker since 2015 when he won the election. He succeeded to hold presidential elections in late 2018. The election won by the incumbent leader of Southwest, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagaren. After the state held Sheikhuna was replaced by Ali Saed Fiqi who previously served as Somalia’s Ambassador to the EU. View the full article
  21. Former President of Galmudug State of Somalia Ahmed Duale Gelle Haaf arrived in Dhusamareb, the capital city of Galmudug on Monday. The former state leader was welcomed by President-elect, Ahmed Ali Kariye alias Qor-Qor and other senior state officials, including members of the regional assembly and outgoing cabinet. Speaking during a press briefing outside Dhusamareb where his convoy was welcomed, Ahmed Gele Haaf who appreciated the warm reception said he arrived in the state capital to make compromise based on the interest of the Galmudug administration. “I call for peaceful, prosperous and united Galmudug state,” Haaf said. The former regional leader is scheduled to take part in the inauguration ceremony of his successor where he will hand over power. Mr. Haaf who served the region as the second leader rejected the outcome of the polls, where Ahmed Ali Kariye was elected. He later accepted the results saying he made a concession for the sake of peace. View the full article
  22. NAIROBI (HOL) - Kenya has locked down its two major capital cities amid a consistent uptick of the COVID-19 cases as the East African nation races to contain further spread of the disease to other parts of the country. Source: Hiiraan Online
  23. Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaadda ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweyne Cabdicasiis ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadda Wanlaweyn, isagoo colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog. Waxaa uu sidokale shegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga. Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay la si KMG ah loo hakiyay bixinta qabashada codsiga Baasaboorka,iyadoo laga duuliyo taxadirka laga muujinayo fiditaanka cudurka Corona-Viruska. Agaasimaha Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Col. Maxamed Aadan Koofi oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in la hakiyay qabashada codsiga Baasaboorka ilaa wargelin dambe saameynta Virus-ka Corona awgeed. Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada la xiriira ka hortagga fiditaanka Covid-19 oo ay waddo dowladda Soomaaliya,iyadoo ay jiraan wacyigelino joogto ah oo ay hay’adaha dowladda Soomaaliya u sameynayaan qeybaha kaladuwan ee bulshada Soomaaliyeed. Cudurka Corona-Virus ayaa sameyn dhankasta ah ku yeeshey nolosha bulshada caalamka,iyadoo ay bar bar socdaan dadaalo dowladuhu ay ku yareeynayaan kororka wax-yeelada cudurkan. View the full article