Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaraadda Beeraha iyo waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo kaashaneysa Bulshada Jowhar ayaa dib u dayactir ka billowday goobo looga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga Shabeelle, maaddaama xiligaan lagu guda jiro waqtiga Roobka Guga. Wasiirka Beeraha ee Hirshabeelle, Cali Xaji Isgoowe ayaa Shacabka Hirshabeelle ee u badan Beeralayda ugu baaqay inay si iskood ah uga qeyb qaataan Carratuurka lagu sameynayo goobaha Webiga uu ka jilicsanyahay si looga hortago fatahaad waxyeello gaarsiisa dalagyadooda. Beeraleyda degaannada Hirshabeelle ayaa xilligan ku howlan waxsoosaarka dalagyada noocyadooda kala duwan, ka dib fatahaaddii Webiga Shabeelle oo dib u dhigtay Beerahii ay tacban jireen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. stanbul (Caasimada Online) – Wargeyska dowladda taageera dowladda Turkiga iyo xisbiga talada haya ee AKP ee Daily Sabax, ayaa baahiyey qormo uu ugu gafay madax-banaanida Soomaaliya, taasi oo uu ‘dal’ ugu tilmaaamay Somaliland. Daily Sabax, oo uu leeyahay nin ay saaxiibo yihiin madaxweyne Erdogan, ayaa warbixin uu ka baahiyay Deeq agab caafimaad ah oo dowladda Turkigu ay gaarsiisay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ku tilmaamay mid ay dowladda Turkigu ay ugu deeqday dalka Somaliland. Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa haddan helina aqoonsi caalami ah, iyada oo duniduna ula macaamisho sida maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya. Wargeyska ayaa ereyga ‘dal’ oo meel ka dhac ku ah in Maamul ka tirsan Soomaaliya loogu yeero, u adeegsaday xili uu soo xiganayey hadal uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ugu mahad-celinayay dowladda Turkiga deeqda caafimaad ee ay gaarsiisay. Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow saaxiibka ula ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo Ciidamada, iyaga oo xulafeysi gaar ahna leh. Ma cada sababta ka dambeysa gafka ka dhan ah madax-banaanida Jamhuuriyada ee uu ku kacay Wargeyska dowladda Turkigu, waxaane macquul ah inay tahay qalad u dhacay si aan ku talo-gal ahayn. Deeqda uu Turkigu ka dajiyay Hargeysa ayaa ah agab caafimaad oo ka qeyb ah ka hortaga cudurka Coronavirus, iyada oo mid lamid ahna uu ka dejiyay saacado kadib magaalada Muqdisho. Dowladda Turkiga ayaa u muuqata mid iska tir-tireysa shaanbada ay reer Somaliland ku dhajiyeen ee ah inay u xagliso dowladda federaalka, iyada oo si adagna uga horyimid inay qeyb ka noqdaan wada-hadalada labadooda dhinac. Mana jiro wax war ah oo ku saabsan gaf-kan uu ku kacay Wargeyska dowladda Turkigu oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu saaxiib dhow la ah dowladda Turkiga.
  3. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, sagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ah oo ay xukuumaddu qaadday, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagaga hortago xanuunka Coronavirus. Madaxweynuha oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in dhammaan bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horrayn waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah usoo jeediyey hormuudka beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay in la joogo maalintii bulshadu midoobi lahayd, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.” Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay. “Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.” Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynuhu bulshada kala hadlay xanuunka halista ah ee COVID-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, isaga oo ku taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.” Ugu dambayntii Madaxweyne Biixi Cabdi waxaa uu si qoto dheer uga hadlay arrinta Qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go’aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la’aan loo joojiyo qaadka yimaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelsiay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagayo, talooyina laga siinayo dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan inay is-baaraan. Xaruntan oo si casri ah loo diyaariyay waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah Covid19 ee 449, waxayna bukaannada ku xirtaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan. Dadka xarunta soo waca oo 24 saac kasta oo gaaraya 4,000 (Afar kun) oo qof oo kala jooga goballada dalka, ayaa kala ah Bukaanno ka sheeganaya calaamadaha cudurka balse ay xaaladdoodu fududdahay, Bukaanno xaaladdoodu adagtahay iyo Dad laga geeriyooday. Bukaannada xaaladdoodu fududdahay waxay talooyin cafimaad ka helaan dhaqaatiirta xarunta ku sugan, Bukaannada xaaladdoodu adagtahay waxay xaruntu u dirtaa gaadiidka gurmadka degdegga ah oo isbitaal Martiini toos u geeya, Dadka laga geeriyoodayna waxay xaruntu ku xariirisaa xafiisyada dowladaha hoose ee loo diyaariyay ka shaqeynta aaska meydadka looga shakisan yahay inay xanuunkan COVID-19 u geeriyoodeen. Xarunta Dhexe ee Xiriirka ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadata ka wacyi-gelinta bulshada Khatarta uu leeyahay cudurkaan COVID-19. Hirgelinta xaruntan ayaa meesha ka saareysa jahawareerka iyo walwalka ay la kulmayeen dadka isku arka astaamaha lagu garto Covid-19, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysaa uruurinta xogta dadka uu cudurku ku dhacay iyo kuwa ay xiriirka la yeesheen.
  5. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Notification Note on COVID-19 Situational Update (19 April 2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, April 19, 2020/ — The total laboratory tests conducted within twenty-four hours are 667; of this three (3) of them are confirmed positive for COVID-19 and the total confirmed cases as of today is one hundred eight (108). The Details of the cases are presented below; S. NO Citizenship Residence Age sex Travel history of abroad Contact with confirmed case 1 Ethiopian Addis Ababa 62 Female She has travel history from USA and is in quarantine Yes 2 Ethiopian Addis Ababa 52 Female – Under investigation 3 Ethiopian Addis Ababa 19 Male He has travel history from Saudi Arabia and is in quarantine – COVID-19 Situational Update as of today Total laboratory test conducted 7557 Laboratory tests conducted within 24 hours 667 Number of confirmed cases within 24 hours 3 Total patients of COVID-19 in the treatment center 87 Patients in intensive care 1 Total recovered 16 Total deaths 3 Returned to their country 2 Total confirmed cases as of today 108 Ministry of Health and Ethiopian Public Health Institute wish a Happy Easter to all Christians and sincerely thank health workers and other professionals who are on duty during this holiday. While we are celebrating this holiday, we would like to remind you all to refrain from family visiting and gathering, maintain physical distancing at all time and avoid eating uncooked raw meat and animal products. Please strictly follow all precautionary measures to protect yourselves, your loved ones and your community against the virus. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  6. Makkah (Caasimada Online) – Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ayaa ugu baaqay muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda. “Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA. “Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.” Jimcihii, Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo. “Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey. Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska. Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 8,274 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 92 qof oo la xiriira cudurkaas.
  7. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay deegaan hoostaga Gobolka Sanaag. Ciidamada Dowladda oo deegaanno cusub kala wareegay Xarakada Alshabab. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed M Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula taliyay inay qaataan talooyina caafimaad ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka CORONA. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa shaacisay in labo ruux ay u dhinteen Coronaviras 19 kalana uu soo ritey. Maamulka Puntland ayaa Kordhinayay Goobaha lagula Tacaalayo Xanuunka Coronavirus oo dhowr iyo boqol kiis laga helay gudaha Dalka. Guddiga Covid-19 ee Puntland oo kulan la qaatay Ururada bulshada iyo Dhakhaatiirta Magaalada Garowe. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdiwali Qorane iyo Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-19-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed, wuxuuna ka qarxay deegaan lagu magacaabo Fadhigaab oo ka tirsan gobolkaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in labada maleeshiyo beeleed ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay weli is-horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac. Inta badan waxaa gobolka Sanaag, gaar ahaan agagaarka degmada Ceel-Afweyn ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad wada daga halkaasi. View the full article
  9. Siciid deni hoggaamiyaha maamulka Puntland oo sameeyay magacaabis ayaa waxa uu taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka Karkaar u magacaabay Gaashaanle sare Jaamac Cismaan Axmed. Haddaba halkaan ka akhriso magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. 2.6 million IDPs amongst those at highest risk and more than 1.3 million children already missing out on education due to closure of schools. Source: Hiiraan Online
  11. Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dowladda ay gacanta ku dhigeen Qaad far badan oo uu tilmaamay in si sharci darro ah lagu soo galiyey dalka. Bariise ayaa shaaciyey in Qaadkaasi lagu keenay doon ku soo xiratay dekadda Ceel-Macaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Jaadkaasi ay qabteen ciidamada milatariga qeybta 27-aad, islamarkaana ay ku soo wareejigeen Booliska Soomaaliyeed. Ugu dambeyn taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha ayaa hoosta ka xariiqay in Qaadkaasi la gubay, maadaama ay dowladda horay u mamnuucday keenistiisa. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ddd-2.mp3 View the full article
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanb hakisay badanaa kharashaadka xukuumadeeda, kadib cabsi baahsan oo kasoo food saartay in cudurka Coronavirus uu hoos u dhac ku keeno odoraska dhakhliga ee miisaaniyada 2020-ka. Somaliland ayaa kharashaadka ay hakisay ee lacagtoodii dhimtay, waxa kamid ah kharashaad badan oo lagu bixin jiray Ictiraaf raadinta iyo Safarada dibedda iyo gudaha ay ugu bixi jireen Madaxda Somaliland. Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa qoraal uu arrintaasi ku cadeynayo u kala diray Hay’adaha xukuumada Somaliland, iyada oo nuqul kamid ah oo uu si hoose usoo gaadhay Caasimada Online. Wasiir Sacad ayaa dhimis 20% ilaa 100% ah ku sameeyay inta badan Kharashaadkii xukuumada, kuwaasi oo lacago kala duwan ay ugu jireen Miisaaniyadii sanadkan ee ay ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland. Dr Sacad ayaa dhimista kharashaadka ku sababeeyay in Xukuumadu Muuse Biixi ay cabsi weyn ka qabto inuu hoos u dhac dhaqaale ku keeno cudurka Coronavirus, midaasi oo gebi ahaanba burburineysa aragtidii lagu sameeyay Miisaaniyadii 2020-ka, isla markaana uu kharash dheeriya ka dhalanayo “Mudaneyaal, sida aan wada ogsoonahay waxa Dunida ka dillaacay oo lala tacaalayaa xanuunka safmarka noqday ee Covid-19, kaasi oo sababay dhimashada ka sakow inuu guud ahaan dhaqaalihii caalamku uu hoos u dhaco” ayuu ku yiri waraaqda uu Wasiir Sacad u diray Hay’addaha xukuumada Muuse Biixi. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Sidaa awgeed, iyadoo laga duulayo hoos u dhaca ku iman kara Odoroskii Dakhliga la qoondeeyay Miisaaniyadda 2020, oo uu sababi karo xanuunkan aan kor ku soo sheegnay, gaar ahaan dakhliga Goobaha uu saamaynta tooska ah ku yeeshay ee Madaarrada, Xuduudaha, Ganacsiga, IWM, ayaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu qaadday Tallaabooyin si ku meel-gaadh ah loogu dhimayo kharashaadkii Dawladda, si aanay u dhicin in Dawladdu gasho kharash dheeraad ah”. Hoos ka aqriso Nooca kharashaadka la dhimay iyo boqoleydooda: 1. Dhismayaasha 100%- la dhimay 2. Mashaariicda Horumarinta dowladda 100% 3. Daryeelka hantida kale 100% 4. Iibsiga hantida raagta 100% 5. Kharashaadka bilicda xafiisyada 100% 6. Dib u bixinta deymaha 100% 7. Dib u habeyn shuruucda 80% 8. Naqshadeynta magaalooyinka 80% 9. Safarada dibedda 80% 10. Tababarada iyo Imtixaanada 70% 11. Kh. Cilmi baadhista 70% 12. Kharashaadka lama filaanka 50% 13. Kharashaadka daryeelka gaadiidka 50% 14. Kharashaadka Aqoonsi raadinta 50% 15. Kharashaadka Marti-qaadyada 50% 16. Kharashaadka Stationery 50% 17. Qiimeynta ascaarta suuqa 45% 18. Kharashka PFM-ka 30% 19. Kharashka Safarada Gudaha 30% 20. Biilasha Taagan 30% 21. Kharashka Nabad-gelyada 20%
  13. Arms trafficking via the Gulf of Aden and the Red Sea has a long history. However, the wars in Yemen and the vast number of arms and materiel provided by Saudi Arabia and the United Arab Emirates (UAE) have ushered in a golden age for regional arms traffickers. The flow of weapons and materiel from Yemen to the Horn of Africa has increased over the last three years, as has the quality and variety of smuggled weapons (The East African, September 2019). This comes at a time when the countries that make up the Horn of Africa face growing threats to their stability. Source: Hiiraan Online
  14. The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, has today launched at the presidential palace a nationwide social safety net programme, which is better known as “Baxnaano”, to help protect the poor and vulnerable families. Source: Hiiraan Online
  15. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: African Union Member States reporting COVID-19 cases (19-04-2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, April 19, 2020/ — African Union Member States (52) reporting COVID-19 cases (21,096) deaths (1,055), and recoveries (4,974) by region: Central (1,729 cases; 54 deaths; 239 recoveries): Burundi (6; 1; 4), Cameroon (1,016; 21; 168), Central African Republic (12; 0; 10), Chad (33; 0; 8), Congo (143; 6; 11), DRC (327; 25; 27), Equatorial Guinea (79; 0; 4), Gabon (109; 1; 7), Sao Tome & Principe (4; 0; 0). Eastern (2,142; 46; 480): Djibouti (732; 2; 76), Eritrea (39; 0; 3), Ethiopia (105; 3; 16), Kenya (262; 12; 60), Madagascar (117; 0; 33), Mauritius (325; 9; 180), Rwanda (144; 0; 69), Seychelles (11; 0; 5), Somalia (135; 5; 2), South Sudan (4; 0; 0), Sudan (66; 10; 5), Tanzania (147; 5; 11), Uganda (55; 0; 20). Northern (9,173; 767; 1,965): Algeria (2,534; 367; 894), Egypt (3,032; 224; 701), Libya (49; 1; 11), Mauritania (7; 1; 2), Morocco (2,685; 137; 314), Tunisia (866; 37; 43). Southern (3,240; 63; 958): Angola (19; 2; 6), Botswana (15; 1; 0), Eswatini (22; 1; 8), Malawi (17; 2; 0), Mozambique (35; 0; 2), Namibia (16; 0; 4), South Africa (3,034; 52; 903), Zambia (57; 2; 33), Zimbabwe (25; 3; 2). Western (4,812; 125; 1,332): Benin (35; 1; 18), Burkina Faso (565; 36; 321), Cape Verde (58; 1; 1), Côte d’Ivoire (801; 8; 239), Gambia (9; 1; 2), Ghana (834; 9; 99), Guinea (518; 3; 65), Guinea-Bissau (50; 0; 0), Liberia (81; 7; 7), Mali (216; 13; 41), Niger (639; 19; 113), Nigeria (542; 19; 166), Senegal (350; 3; 211), Sierra Leone (30; 0; 0), Togo (84; 5; 49). Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
  16. Experts say Washington should stop peddling false reports based on denial, which further increase Somali public grievances against America. Source: Hiiraan Online
  17. Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa maanta heshiis nabadeed ka gaaray dagaal beeleedyo muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa xadka u dhexeeya labadaasi maamul. Heshiiska oo ka koobnaa illaa 13 qodob ayaa soo afjaray colaad muddo ka taagneyd halkaasi, taas oo u dhexeysa labo beelo oo walaalo ah. Sidoo kale mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa kormeer ku tegay deegaanadii lagu dagaalamay, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda sida ay tahay. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
  18. Ahmed Ismail Hussein Hudeidi, a founding father of modern Somali music, died in London after contracting coronavirus at the age of 91. The BBC's Mary Harper was a friend of his. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - Saudi Arabia has announced that it will temporarily lift the ban on importing livestock from Somalia. Source: Hiiraan Online