-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, Somalia - More than 100 al-Shabaab terrorists were killed and many others wounded when the Somali National Army (SNA) backed by locals and international security partners carried out operations against the group in the central province of Galgadud, the country’s defense minister said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A two-year-old Somali boy was among four migrants who died while attempting to cross the English Channel from France to Britain on Saturday, according to French authorities. The child suffocated aboard an overcrowded boat carrying nearly 90 people, underlining the growing dangers of human trafficking operations in the region. Source: Hiiraan Online
-
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa maanta isku soo hor fariisanaya kulan ku saabsan nabadda oo ka dhaca Magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Afrika. Wafdiga dowladda ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku xigeenka Golaha Sare ee ciidamada Suudaan Malik Aqar Air, halka dhinaca RSF uu hor kacaya abaanduulahooda janaraal Mohammed Hamdan Dagalo. Labada dhinac oo ka wada ka qeyb-galaya shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika oo ay Hay’adda Mbeki ku qabanayso dalka Koonfur Afrika ayaa la filayaa inay kulan toos ah yeelan doonaan. Dowladda Suudaan ayaa dhaliishay marti-qaadka hoggaamiyaha fallaagada RSF uu kaga qeyb-galaya Madasha Nabadda iyo Amniga Afrika sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka SUNA, balse dhexdhaxaadiyaasha ayaa isku dayay inay labada dhinac kulansiiyaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Suudaan oo uu sanadkii labaad socda, islamarkaana ciidamada dowladdu ay dib u qabsanayaan meelo badan oo ay magaala-madaxda Khartoum kamid tahay. Source: goobjoog.com
-
In ka badan 100 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay kuwa kalena waa la dhaawacay markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada amniga caalamiga ah ay howlgallo ka fuliyeen gobolka Galgaduud, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Kooxda ayaa lagu beegsaday nawaaxiga Bida Isse iyo Geriile oo hoos taga degmada dhawaan laga xoreeyay ee Ceeldheer ee Galmudug. Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho sheegay in howlgallada hadda socda ay ku jiraan duqeymo dhulka iyo cirka ah oo lagu burburinayo kaabayaasha kooxda Shabaab. “Xaaladda guud ee dalka, SNA waxay wadaan howlgallo bartilmaameed ah oo lagu sii wiiqayo saldhigyada iyo hoggaanka Al-Shabaab,” ayuu yiri. Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadida xoreynta degmooyin cusub si dadka halkaasi kunool nolol loogu soo celiyo. Isaga oo ka hadlayey hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in sannadka soo socda hawlgal cusub “la bilaabi doono si loogu beddelo ATMIS, ciidamada Itoobiya-na kama qeybgali doonaan ilaa ay ka laabaan heshiisyadooda khaldan.” Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Isra’il duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax. Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza. Isra’il ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah. Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah. The post ISRAEL oo gantaallo ku dhufatay masajid ku yaalla Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
462029239_1036116804723905_1726951424868100082_n Qaran News
-
Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigey koox dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay falal nabad-gelyada lid ku ah, islamarkaana Boolisku ay tilmaameen inay ciyaal weero yihiin. War ka soo baxay Ciidanka booliska ayaa lagu yiri sidan “Ayadoo La fulinaayo Amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulahi ee ahaa in laga Hortago waxkasta oo keeni kara Qalqal Amni Bulshadana dhibaata ah waxaa caawa fiidkii Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 24 dhalinyaro ah kuwaas oo galabtay Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha. Waxaana ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeydoonaa Maxalmadda Awooda u leh. Digniin Waxaa looga digayaa dhalinyarada usoo daawashataga ciyaaraha Dagamooyinka Gobalka Banaadir in ay ka fogaadaan falal Ammni darada ah ilaaliyaana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaala”. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dheeraaday, wuxuuna berri gelayaa maalinkii 5-aad, waxaana xogo raami ah laga helayaa arrimaha la isku mari la’ayahay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo. Ilo wareedyo ku dhow shirka golaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka. Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka. Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan. Berri oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, inta ka horeysana waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas. The post Xog: Shirka Golaha Wadatashiga oo u xayiran Axmed Madoobe oo diiday hal arrin appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay caawa fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay kooxo ku eedeysan inay ciyaal wareero yihiin, kuwaas oo gaaraya 24 dhalinyaro ah. Kooxahaan ayaa ku eedeysan in galabta Garoonka Ciyaaraha ee Eng. Yariisoow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ay ka geesteen falal amniga liddi ku ah. “Waxaa ku socota baarista Boliiska, waxaana la horgey doonaa maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhalinyaradaan ayaa loo heystaa inay galabta fowdo ka kiciyeen garoonka, iyagoo markii hore ku yimid inay yihiin taageerayaal. Booliska ayaa soo qabqabtay iyagoo qaarkood gacanta kula jira falalka ay ku eedeysan yihiin, waxaana laga xiiray Tinta, iyagoo caawa ku hoyanaya xabsiga. Booliska ayaa soo sawiray dhalinyaradaan oo tinta laga xiiray, waxaana la sheegay in baaritaan kadib lagu maxkamadey doono falalka lagu soo eedeeyey ee ‘ciyaal weeranimada ah.’ Sida lagu sheegay qoraalkaan, Howlgal waxaa amray taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya Asad Diyaano oo maalinkii uu xilka la wareegay balan qaaday in wax amni darro ah aysan Muqdisho ka dhici doonin, inta ay awoodaana ay ka hortegi doonaan. The post Sawirro: Booliska oo soo bandhigay 24 dhalinyaro ah oo fal xasaasi ah ka geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safarro muhiim ah oo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu qorsheynayey inuu ku tago. Dalalka Uganda iyo Burundi ayuu qorshuhuu ahaa in Xasan Sheekh uu ku tago safar muhiim ah, si looga tashado howlgalka gabagabada ah ee ATMIS iyo mar xaladda kala guurka ah ee amniga Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa u baaqday shirka golaha wadatashiga qaran ee weli Muqdisho ka socda, kaas oo natiijo rasmi ah aan laga gaarin ilaa hadda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarada uu ka baaqday Xasan Sheekh waa kuwo muhiim u ah amniga qaranka iyo marxaladda kala guurka ah ee howlgalka ATMIS iyo kan bedelaya. Howlgalka ATMIS ayaa ku eg dhamaadka sanadkaan, waxaana muhiim ah waqtigaas inta aan la gaarin in la dedejiyo diyaarinta howlgalkii bedeli lahaa ATMIS, kaas oo talo iyo tusaaleyn buuxda ay ku leeyihiin wadamada ka qeyb geleya. Afartii maalmood ee lasoo dhaafay shir aan loo kala kicin ayaa madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah, sidoo kale shirkaan wuxuu saameeyey safaradii qorsheysnaa ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi lahaa dalalka Uganda iyo Burundi. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in qodobada qaar ee miiska lasoo saaray uu diiday, sida in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ku doodayaa in doorasho dadban la aado, maadaama uusan harin waqti lagu diyaariyo doorasho dadweyne. The post Xog: Xasan Sheekh oo hal sabab uga baaqday safarro uu ku tegi lahaa Burundi iyo Uganda appeared first on Caasimada Online.
-
Lix askari oo Pakistani ah iyo ugu yaraan 8 fallaago ah ayaa lagu dilay laba iska horimaad oo ka dhacay waqooyi galbeed, sida uu sheegay milatarigu. Garabka warbaahinta milatariga ayaa Sabtidii sheegay in Gaashaanle Sare Muhammad Ali Shoukat uu ka mid ahaa lix askari oo lagu dilay dagaal habeen hore ka dhacay degmada Waqooyiga Waziristan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ay weheliyaan lix fallaago ah. “Ciidamada ammaanka ee Pakistan waxaa ka go’an inay tirtiraan khatarta argagixisanimada, naf-hurnimada askarteena geesiyaasha ahina waxay sii xoojinaysaa go’aankeenna,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee militariga Pakistan. Ciidamada ayaa sheegay in howlgal gaar ah ay ku dileen labo ka mid ah mucaaradka deegaanka Swat oo ka tirsan degmada kale ee Khyber Pakhtunkhwa, kuwaas oo Mid ka mid ah la sheegay inuu ku lug lahaa weerar bishan gudaheeda lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen qaar kamida safiirada dalalka shisheeye. Iska hor-imaadyada militariga Pakistan iyo kooxaha xagjirka ah ayaa si joogto ah uga dhaca qaar kamida gobollada dalkaas, Wasaaradda Arrimaha Guduhuna waxay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2023 oo kaliya, 930 qof oo isugu jira ciidamada qalabka sida iyo dad kale ay ku naf waayeen falalka argagixisanimo, qiyaastii 2,000 oo qofna ay ku dhaawacmeen. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – Somali Defense Minister Abdukhadir Mohamed Noor reiterated on Saturday that Ethiopian forces would not participate in the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM) unless Ethiopia withdraws from the Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu gudoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii afaraad ka socdo xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya,iyadoo ay madaxda heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay si wadajir ah uga doodayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka. Kulamadii maanta ayaa waxa ay ahaayeen kulan doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey gudiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka Golaha. Inkastoo Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Guudlaawe uu qaatay fasax ku aadan ka qeybgalka xafladda sanadguurada Hirshabelle balse waxa uu ku soo biiri doonaa kulamada berrito lagu balansan yahay. Shirkan ayaa la filayaa in dhowaan la soo gebagebayn doono, islamarkaana laga soo sari doono war-murtiyeed ay ku xusanyihiin qodobo ay madaxdu ku heshiiyeen oo ku saabsan arrimaha nabad-gelyada dalka, doorashooyinka, xadgudubka Itoobiya iyo xoojinta wada-shaqaynta labada heer dowladeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan xarunta madaxtooyada qaranka waxaa weli ka socda shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirka oo diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, iyada oo madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa amniga, iyo dimuqraadiyeynta dalka. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in kulamadii maanta dhacay ay ahaayeen kulamo doceedyo iyo kuwo u dhaxeeyey guddiyo farsamo, kuwaas oo ka shaqeynaayey fududeynta qodobada muhiimka u ah shirka golaha. Villa Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in wada-hadalladu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay madaxdu soo saari doonaan qodobo muhiim ah oo heshiis lagu wada yahay. “Kulamada GWQ waa kuwo ku socdo si habsami leh, waxaana rajeynayaa in dhawaan si wada jir ay loo soo saari doono hishiis siyaasadeed iyo qodobo muhiim u ah nidaamka dowlad-dhiska Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaatay fasax ku aadan ka qeyb-galka xafladda sanadguurada HirShabelle, wuxuuna u baxay magaalada Jowhar, inkastoo uu ku soo biiri doono kulamada berri loo balansan yahay ee golaha wadatashiga qaranka. Waxaa kale jira caqabado uu wajahayo shirka sida diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka horyimid in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase weli soconayo dadaallo lagu qancinayo, maadaama keligiis uu ku yahay go’aanka diidmada ah. Sida uu qorshuhu yahay shirka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalinta berri ah, ayada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiinayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. The post Cali Guudlaawe oo baxay iyo wararkii ugu dambeeyay shirka golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya. Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan ciidamadeeda qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland. Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka cusub uu dhawaan bilaaban doono, isla markaana uu beddali doono howlgalka ATMIS oo muddo dheer ka socday Soomaaliya. “Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS, Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo inay dalka ka baxaan ciidamadaas oo ay ka horyimaadaan go’aanka Soomaaliya uu noqon doono ciidan gumysi ku qabsaday gudaha dalka, kadibna ay furan tahay in lala dagaalo. “Itoobiya subaxa dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay dhaqaajiso way dhaqaajineesa wixii intaa ka badan waa ciidan cumeysi oo dalka qabsaday oo in lala dagaalamo u baahan” ayuu mar kale yiri wasiirku. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay xoog ku qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaalitya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa horay u diyaarsatay beddalka Itoobiya, waxayna dhawaan heshiis la gashay Masar oo sidoo kale 10 kun oo askari usoo diri doonta Soomaaliya. The post Daawo: Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Musharrax Cirro oo100 neef oo adhi ah iyo 32 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka Jiida hore ku sugan ee magaalada OOG. Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo gudoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa booqasho ku tagay taliska ciidanka Qaranka Somaliland ee magaalada OOG . Qaran News
-
Madaxweyne Deni marna kama caban karo metelaadda federaal maamulka Somaliland ku leeyahay Muqdisho marna kuma doodi karo in “Somaliland la fogeeyay”. Garoowe (Faallo) —Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) waa labo hoggaamiye oo bannaanka ka taagan Golaha Wadatashiga Qaranka oo hadda ku shirsan Muqdisho. Deni isagu xaq ka qeybgal shir ayuu leeyahay hase ahaatee wuu diiday inuu shirkaas ka qeybgalo. Sanadkii hore (2023) ayuu maamulka Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya. Sababaha uu cuskaday waxaa ka mid ahaa in maamulka Somaliland uu metelaad ku dhex leeyahay hay’adaha federaalka inkastoo uusan aqoonsanayn dowladda federaalka, sheeganayana inuu yahay dal ka go’ay Soomaaliya. Dhowr toddobaad ka hor Deni wuxuu ku dooday in maamulka Somaliland la fogeeyay. Goormuu saxan yahay Deni? Deni wuxuu u doodayay maamul duqeyn, dil iyo burburin ka geystay Laascaanood xilli xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ay diiddayd inay beeniso doodaha beenta ahaa oo uu maamulka Somaliland u cuskaday duqeynta Laascaanood oo kala ah in “maamulka Somaliland dal gaar ah yahay iyo inuu Laascaanood kula dagaallamayo Al-shabaab”. Deni iyo Firdhiye waxay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo Puntland ka dhigtay maamul leh itaal siyaasadeed oo yar tanaasulaadkii maamulladii hore ee Puntland sameeyeen markii laga baxayay ku meelgaarka awgood 2012kii iyo sanadkii 2013kii marka shirkii New Deal uu ka qabsaoomayay Beljimka. Shirkaas Puntland waxay oggolaatay in maamulka Somaliland habka Special Arrangement wax lagu siiyo iyo in Puntland wax la qeybsato maamullada kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Hadda dhulka juqaarfi ahaan Puntland ah kuna salaysan cahdigii 1998 waa dhul go’doonsan siyaasad ahaan, xiriir aan la lahayn beesha caalamka. Dadka dhulkaasi ku nool way ka qatan yihiin deeqaha horumarineed sida deeqda ay hay’adda USAID bixisay toddobaadkan oo ka badan 60 milyan oo doollar. Puntland lix gobol ayay ka kooban tahay (oo labo gobol — Nugaal iyo Bari— ay buuxiyaan shuruudda samaynta maamulka federaal), hase ahaatee Puntland waxay la awood tahay dhanka siyaasadda iyo wax qaybsiga maamul federaaleedyada kale sida Galmudug oo hal gobol iyo bar ka kooban. Puntland saameyn weyn ayay ku lahayd qoristii dastuurka ku meelgaarka lagaga baxayay iyo dejinta shuruudaha maamul federaal ku samaysmo. Ma jirin maamul federaal la heer ah Puntland dhanka baaxadda dhulka iyo taariikhda maamul oo lahaa saameyn markii ku meelgaarka laga baxayay. Hoggaamiye Firdhiye waa inuu fekero siyaasado yarayn kara in ismaandhaafka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya uu hor istaago xuquuqda helista deeqda horumarineed ee dadka SSCK. Maamulka SSC-Khaatumo wuu taageersan yahay siyaasadda dowladda federaalka dhanka metelaadda iyo arrimmaha dibedda, halka Puntland ay ku maandhaafsan tahay dowladda federaalka labadaas siyaasadood. Waxaa xusid mudan in ilaa hadda maamulka Puntland uusan u hoggaansamin soo jeedinta Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) inay soo sheegto dakhliga ka soo gala canshuuraha iyo shatiyada kalluumaysiga. Dhowaan Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa wuxuu sheegay in dad maamulka Puntland uusan ka warhaynin ay keenaan shirkadda kalluumaysi oo xaalufin ka wada badda. Hadalka Wasiirku wuxuu muujinayaa in maamulka kheyraadka badda uu yahay wax ka baxsan awoodda dowladda Puntland oo dhowr jeer isku dayday inay wax ka qabato shatiyada kalluumeysi oo si sharcidarro ah magaca Puntland loogu bixiyay. Maamulka SSC-Khaatumo ma laha aqoonsi maamul federaal mana jiraan siyaasado yarayn kara saameynta ismaandhaafka dowladda federaalka iyo Puntland uu ku yeelan karo xuquuqda dadka maamulka SSC-Khtaamo uu metelo. Dhowaan Firdhiye wuxuu sheegay in xildhibaannada SSC-Khaatumo lagu soo xuli doono dhulka SSC-Khaatumo. Haddii doorasho sidii tii 2022 lagu heshiiyo oo sababtay inuu Deni soo xusho xildhibaanno u gaar ah, way adag tahay sida Firdhiye sheegay xildhibaanno loo soo xulo. Ma cadda in Deni mar kale isku dayi doono inuu u tartamo noqoshada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu u tartamay 2017 iyo 2022. Waa in Deni iyo Firdhiye gartaan inay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo hoggaamiyayaashii hore ee Puntland unkeen iyaga oo aan ka fekerin saameynta go’aammadoodu ku yeelan doonaan awood qeybsiga iyo kheyraad qeybsiga. Maamullada samaysmay ama la ballaariyay kaddib 2013 ayaa ka faa’iiday dowlad dhisidii ay Puntland horseedka ka ahayd markii ay 1998 soo jeedisay in habka federaalku ka ilaalin karo Soomaaliya awood meel dhexe ku urursan oo aan lala xisaabtami karin. Puntland tusaale uma noqonin awood-daadejin (decentralisation). Soomaaliya waxaa ilaa xad ka hirgalay dowlad dhisiddii ay Puntland soo jeedisay makii ay ahayd maamulka keliya oo ay beesha caalamku talooyinkiisa qaadanaysay. Punland sooyaal maamul dhisid oo lagu qaddariyo ayay lahayd. Sanadkii 2023kii wuxuu ahaa sanad Puntland ay la kulantay xujooyin waaweyn sida dagaal socday toddoba bilood, qabashada doorashooyinka golaha deegaanka iyo colaad ka dhalan gaartay isku raacsanaan la’aantii sida doorashadii 2024 uga qabsoomaysay Puntland ka hor inta aysan odayaasha SSC-Khaatumo xal dhexe oo habka 66 ku salaysan keenin. Deni iyo Firdhiye waa inay xusuustaan macnaha maahmaahda raqba waa ku raggeed. Isbeddello waaweyn ayaa Soomaaliya ka dhacaya oo siyaasiyiinta meel xun ka istaaga sababi kari doonaan in gobolladoodu go’doon siyaasadeed galaan xilli beesha caalamku maalgelin badan u hurayso dib u dhiska hay’adaha siyaasadda ee Soomaaliya heer dowlad federaal iyo heer xubin dowlad federaal. © Puntland Post, 2024 The post Sida Puntland iyo SSC-Khaatumo Uga Qeybqaadan Karaan Geeddiga Dowlad Dhisidda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Maanta oo Sabti ah waxaa dalka Turkiga kasoo dhaqaaqay markabka Oruç Reis, kaas oo ku soo jeeda gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar iyo Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay markabka. Oruç Reis ayaa kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, sida ay sheegtay dowladda Turkiga. Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood. Markabkan ayaa marka uu yimaado Soomaaliya wuxuu fulin doonaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square. Sidoo kale wuxuu howlgalkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya. Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya. The post Markabka qodaya shidaalka Soomaaliya oo kasoo dhaqaaqay Turkiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay Ciidanka Xoogga Dalku ay dileen ugu yaraan 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ka dib markii ay howgal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud. War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay ayaa u dhignaa sidan “47 xubnood oo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa ku beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen. Sida oo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen. Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka, iyo geesiyaasha dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna” . Source: goobjoog.com