Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay duufaan lagu magacaabo Shanshan oo ku dhifatay bari ee dalka Japan, iyadoo saamaysay dhul ballaaran oo ay ka da’een roobab mahiigaan ah, waxayna dhalisay dhul go’ iyo fatahaado laga cabsi qabo inay waxyeello u geystaan deegaanno boqolaal kilo mitir u jira goobta ay ka billaabatay duufaantu. Muuqaallo ay soo duubtay Warbaahinta qaranka ee NHK ayaa muujinayay guryo saqafyo leh oo qayb ahaan biyo ku dhex go’doonsan, halka baabuurtu ay taayirro dheer dheer ku marayaan waddooyinka daadku qarqiyeen ee koonfur-galbeed ee dalka. Duufaanta ayaa ku soo dhacday jasiiradda Kyushu maalintii Khamiista, taasoo keentay heerarkii ugu badnaa ee roobabka inay dhulkaas ka da’aan, hal qof ayaana la la’yahay, halka in ka badan 100 kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay Hay’adda Dabdemiska iyo Masiibooyinka ee Japan. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay dibad-baxii ay shalay soo abaabushay Koonfur Galbeed ee ka dhacay degmada Xudur, kaas oo lagu diiday ciidamada Masar, balse lagu soo dhaweeyay ciidanka Itoobiya. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday i n arrintaan aysan raalli ka ahayn, isla markaana shacabka ay metalaan looga faa’iideystay daruuf amni oo ku geedaaman, wuxuuna xusay in Itoobiya ay tahay midda kusoo xadgubtan madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. “Maanta Itoobiya iyada ayaa ka gar darran Soomaaliya oo aduunkana waa ogyahay Soomaalina waa og tahay in madax banaanideeda qarameed iyo baddeeda lagu soo gar darooday wax Soomaali raali ku noqoneyso ma’aha, shacabka aan mataleyno raalli kama ah daruufbaa looga faa’iideystay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ka hortegto arrintan, isla markaana ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo Gorgor ay si deg-deg ah ku geyso gobolka Bakool. “Hal farriin baan rabaa inaan halkan ka diro dowladda Soomaaliyeed waajib baa idinka saaran sida hadaba laga bilaabay gobollada ciidamada Soomaaliyeed maanta la tababaray amnigooda ay ku filan yihiin waxaan codsaneynaa in si deg-deg ah gobolka Bool ciidamo loo geeyo, weliba ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo Danab iyo Gorgor ay kamid yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar. Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe, go’aanka ciidamada baxaya iyo kuwa imaanayana laga rabo iyada, wuxuuna xusay in dowlad goboleed uusan geli karin arrin ku saabsan ciidamada shisheeye. “Dowladda Soomaaliyeed waddankan iyada ayaa mas’uul ka ah ciidankii joogi lahaa iyo ciidankii ka bixi lahaaba dowladda Soomaaliyeed ayaa mas’uul ka ah dowlad goboleed gaar ulama geli karo dowlad ciidankii joogi lahaa iyo kuwii la keeni lahaaba” ayuu sii raaciyay. Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon. The post DF oo laga dalbaday inay ciidamo gayso Bakool kadib tallaabadii maamulka Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  3. MOGADISHU, Somalia (AP) — Ethiopia is increasingly concerned over a recent defense deal between Egypt and Somalia, two countries that Addis Ababa is embroiled in disputes with amid rising tensions in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
  4. Somaliland ayaa si adag uga hortimid taageerada milliteri ee ay dowladda Masar u fidisay Soomaaliya, oo ay ku tilmaantay mid halis ku ah xasiloonida gobolka. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayay kaga digtay taageerada milliteri ee dowladda Masar siinayso Soomaaliya taasi oo ay ku micneysay mid khatar ku ah xasiloonida gobolka geeska Afrika. Somaliland waxay sidoo kale walaac ka muujisay ciidamada Masar ee la sheegay in ay imaanayaan Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka ugu baaqday in ay Cambaareeyaan tallaabadaasi kana horyimaadaan si aysan halis ugu noqon xasiloonida gobolka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in tallaabada ay qaaday Masar ay khatar weyn ku tahay amniga Geeska Afrika oo saamaynaya Somaliland sidaasi darteedna aanay daawade ka noqonaynin. Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u wada saxiixday heshiis difaac iyo mid amni waxaana tallaabadaasi ay dhashay in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo afartan sannadood ah. PUNTLAND POST The post Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada milliteri ee Masar siinayso dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Somalia’s Minister of Defence Abdulkadir Mohamed Nur has termed Ethiopia’s comments over the deployment of Egyptian soldiers in the country as destabilizing to the region. Source: Hiiraan Online
  6. The ongoing violence and instability in Somalia are symptoms of a broken government system marked by corruption and a lack of accountability. Without radical reform, Somalia will be stuck in a cycle of bloodshed, writes Abdirashid Fidow. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU - Egypt has opted for a riskier approach in its showdown with Ethiopia over the Nile Dam by delivering its first military aid to Somalia in more than four decades, a move likely to deepen strains between the two countries and Ethiopia, and could spark a proxy-conflict in eastern Africa. Source: Hiiraan Online
  8. Members of the Somali Parliament who recently visited North China's Beijing, Tianjin, and Shanxi province have expressed admiration for China's progress. Source: Hiiraan Online
  9. Erigabo (HOL) — The Sanaag Regional Security Committee has imposed a stricter curfew in Ceerigaabo, aiming to curb a mass exodus sparked by clan-related revenge killings. Source: Hiiraan Online
  10. ADDIS ABABA, Ethiopia - Somaliland President Muse Bihi Abdi on Thursday officially accepted the credentials of Ethiopia’s newly appointed ambassador, Teshome Shunde Hamito, during a formal ceremony at the presidential palace in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  11. A military alliance between Somalia and Egypt is ruffling feathers in the fragile Horn of Africa, upsetting Ethiopia in particular - and there are worries the fallout could become more than a war of words. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo saaka laga maqlay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa gilgilay Tabeelaha, waxaana xigtay gubashada suuq wayn oo ku yaalla halkaas oo uu dab xoogan qabsaday, kadib qaraxyada lala eegtay. Suuqaan oo aad u camirnaa, isla-markaana hanti badan ay dhextiilay ayaa lasoo wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu xiray Caamirooyinka qarsoon ee CC TV. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu howlanyahay daminta dabka ka kacay suuqaan oo ah mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan. Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo isna ahaa qaraxyo lala eegtay goobo ganacsi oo gebi ahaanba gubtay. Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanada u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo qarxiyay suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim appeared first on Caasimada Online.
  13. Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa gubanaya Suuqa weyn ee Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaleey ee Muqdisho. Suuqaan oo ahaa mid si weyn u camiran waxaa ku ganacsanayay boqolaal ganacsato u badan Danyar. Sida ay noo xaqiijiyeen Goobjoogaayaal inta badan waxaa gubtay Suuqa qeybihiisa kala duwan. Dabka Suuqa ayaa ka dhashay ka dib markii gudahiisa ay ka dhaceen qaraxyo. wararka qaar ayaa sheegaya in Suuqa lagu xiray Miinooyin. Waxaa loogu howlanyahay daminta suuqaan inkastoo dabka qabsaday uu yahay mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan. Dhawaan ayay aheyd markii guud ahaan ay gubteen Suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ka dib markii qaraxyo lagu xiray. Source: goobjoog.com
  14. Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer ka taagnaa gobolka, waxaana arrintan ka dhashay isbeddelo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh xaaladda siyaasadeed iyo amniga gobolka. Khilaafkani wuxuu salka ku hayaa arrimo gaar ah oo ka dhashay xadgudubyo iyo heshiisyo kala duwan. Xadgudubka Itoobiya ee Madax-banaanida Soomaaliya Khilaafka ayaa ka dhashay markii Itoobiya ay si cad ugu xadgudubtay madax-banaanida Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqatay mid aasaasi u ah muranka hadda jira, iyadoo Itoobiya ay si toos ah uga qayb qaadatay arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyada oo aan haysan ogolaansho caalami ah ama mid Soomaali ah. Xadgudubkaasi ayaa soo bandhigay sida Itoobiya ay u dooneyso inay saameyn ku yeelato siyaasadda iyo amniga Soomaaliya. Difaaca Dowladda Federaalka iyo Guulaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si guul leh u difaacday madax-banaanideeda iyo badda iyada oo ka hortagtay xadgudubyada Itoobiya. Soomaaliya ayaa ka adkaatay Itoobiya taasoo ku guuleysatay taageero caalami ah. Guushan ayaa qayb weyn ka qaadatay sida Soomaaliya ay u xoojisay booskeeda iyo difaaca xuquuqdeeda. Shalayn iyo Raadinta Heshiiska Maanta, Itoobiya waxay ka shalaynaysaa go’aankii heshiiska ay ula gashay Somaliland, taasoo sii xumeysay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Maamulka Abiy Axmed ayaa hadda raadinaya heshiis uu la galo dowladda Soomaaliya si loo dejiyo xiisadda ka taagan gobolka. Itoobiya waxay isku dayeysaa inay dib u habeyso siyaasaddeeda iyo xiriirkeeda Soomaaliya iyadoo raadinaysa habab lagu xallinayo khilaafka. Hawlaha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Saameynta Masar Itoobiya ayaa isku dayaysa inay sii xoojiso joogitaankeeda gudaha Soomaaliya iyadoo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay taageersan yihiin ciidamada Itoobiya. Si kastaba, xaqiiqada gudaha ayaa muujinaysa in taageerada shacabka Soomaaliyeed si cad uga soo horjeedo Itoobiya balse shalay ay si xoog kusoo aruuriyeen dad kooban oo ku sugnaa magaalada Xudur si qasab ah, Sawiradii shalay ay qaadeen waxa ay muujisay cabsida Itoobiya iyo handadaada meelaha kooban ee ay ku harsan yihiin. Waxaa sidoo kale la sheegay in Masar ay ciidamadeeda soo galeen gudaha Soomaaliya, taasoo keentay in Itoobiya ay cabsi weyn ka qabto saamaynta Masar ee gobolka. Saameyntan waxay tilmaamaysaa sida Itoobiya ay uga walwalsan tahay awoodda shisheeyaha iyo khataraha ka imanaya dhinaca Masar. Khilaafka Masar iyo Itoobiya Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer saameyn ku leh gobolka, gaar ahaan marka la eego arrimaha biyo-xidheenka Niilka Buluugga ah. Xaaladani waxay hadda sii adkaatay kadib markii Masar ay ciidankeeda soo gelisay gudaha Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay inay taageero siiso shacabka Soomaaliyeed. Cabsida Itoobiya iyo Arrimaha Dibadda Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Taye Atskeselassie, ayaa shalay si cad u muujiyay cabsi uu ka qabo guulaha dibadda ee dowladda Soomaaliya iyo taageerada Masar. Taye ayaa tilmaamay in guulaha Soomaaliya ee caalamiga ah, iyo gaar ahaan taageerada Masar, ay keeni karto khatar weyn oo saameyn karta qorshayaasha Itoobiya ee gobolka. Itoobiya waxay si weyn uga walwalsan tahay saameynta ay Masar ku yeelan karto xaaladda gudaha Soomaaliya iyo gobolka oo dhan. Source: goobjoog.com
  15. Bathesda (Caasimada Online) – Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa laashay kiis dacwadeed ay dowladda Mareykanka kusoo oogtay qareen degan gobolka Maryland, oo ku eedeysnaa inuu dhacay hantida dowladda Soomaaliya. Jeremy Wyeth Schulman, oo ah 48 jir, ayaa December 2020 lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu boqolaal kun oo dollar siiyay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah. Dacwadaha loo haystay Schulman ayaa waxaa ka mid ahaa musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki. Si kastaba, garoosre Paula Xinis, oo ah xaakimka maxkamadda federaalka Mareykanka ee degmada Maryland, ayaa Jimcihii shalay laashay kiiska ka dhanka ah Schulman kadib markii ay sidaas codsatay dowladda Mareykanka, oo ka laabatay dacwadda oo soo socota muddo saddex sano ka badan. Warqadda kasoo baxday garsooraha laguma shaacin sababta ay dowladda Mareykanka u codsatay in kiiska la laalo. Dacwadda markii hore lagu soo oogay Schulman iyo xubno kale ayaa waxaa ka mid ahaa; in ay isku dayeen inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii. Sida ku xusneyd dacwadda la laalay, Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo lagu sheegay in la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014. Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya. Schulman ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea). The post Dacwaddii loo haystay nin lagu eedeeyey inuu lacag ka dhacay DF oo la laalay appeared first on Caasimada Online.
  16. Wax ka ogow bariiska laga soo saaro deegaanka Soomaalida ee dabooli doona cunno-yarida Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowr jeer ku celceliyey in dowladdiisu xoogga saarayso isku filnaanshaha cunnada ee gudaha dalka lana xoojinayo wax soo saarka beeralayda dalka sida horraan uu ka sheegay baarlamaanka dalkiisa. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka Bariga Afrika ku yaalla ee leh dhul beereed baaxad leh. Deegaannada ismaamullada Itoobiya ee hadda xoogga saaraya soo saarista noocyo kala duwan oo cunooyin ah oo dabooli kara baahida cunnada dalkaas waxaa ka mid ah Dowlad-deegaanka Soomaalida. Sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Iimaan Maxamuud oo ah madaxa xafiiska beeraha ee Dowlad-deeganka Soomalida, waxay qorshynayaan soo saairsta bariis kaafin kara baahida deegaanka iyo Itoobiya. Hindisahan wax-soo-saar oo dhanka bariiska ah ayuu Xafiiska beeraha ee degaanku sheegay inay filayaan inay wax-ka-beddesho cunta yarida sarena loogu qaadayo yoolka ay dowlad deegaanku ku hiigsanayso isku-filnaansho cunto. “Mashruucan waa qayb ka mid ah barnaamijka dib u casriyeyna ama xoojinta wax soo saarka oo qorshihiisu yahay 10 sano,” ayuu yiri Cabdiqaadir Iimaan. Bariiska ayaa ka mid ah cunnooyinka rasmiga ah ee ay Soomaalidu isticmaasho balse inta badan dalalka ku yaalla qaaradda ugu yimaada dibadda. Madaxa xafiiska Beeradah Cabdiqaadir Iimaan Maxamuud, wuxuu BBC-da u sheegay in mashruucan looga goleeyahay in lagu dhimo ku-tiirsanaanta badeecadaha cunada ee dibadda laga keeno. Deegaanada laga beeray bariiska Mashruucan ayaa wejigiisa koobaad laga sameynayaa dhul gaaraya ilaa 3,000 hektar basle bilowgii ayuu mashruucu la kulmay caqabado ka dhashay fatahaado ka dhacay deegaanka sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadri Iimaan madaxa y xafiiska beeraha ee dowlada deegaanka Soomaalida. Wuxuu sheegay in caqabado ay dhaliyen fatahaado ka dhacay deegaanka owgeed ay u suura gashay in la beero dhul dhan ilaa 600 hektar. Cabdiqaadir, wuxuu sheegay in habkan wax soo saarka bariiska loo adeegsanayo qalabyo casri ah oo ay ka mid yihiin cagaf cagafyo, abuur tayo leh iyo waraab xoog leh. “Mashruucan in la beero oo si fiican loo beero oo shacabku beeraan oo dhul badan laga beero sanadkan ayuu bilaabay bishii may ayaan bilownay” ayuu yiri Cabdiqaadir. Xafiiska beeraha ee dowlad deegaanka ayaa sheegay in sheegay in labo xilli oo kala ah Dhammaadka bisha Abril iyo bilowga bishada Oktoobar ay yihiin xilliyada ugu haboob ee beerashada bariiska dowlad deegaanka. Degmooyinka Qalaafe, Godey, Caddeley iyo Beer-caano oo ka tirsan gobolka Shabeelle iyo degmada Hadha-gale oo ka tirsan gobolka Siti ay yihiin deegaanada ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee laga beeray bariiska. Halka bariiska ugu badan laga beeray waa degmada Beer-caano sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Muumin. Qaybtii ugu horreysay ee goynta bariiska ayaa bilaabatay toddobaadkii hore iyadoo wali ay socot deeganadaas ka socoto goynta bariiska. Noocyada bariiska laga beeray Dowlad-deegaanka Madaxa xafiiska beeradaha dowlad deegaanka Cabdiqaadir Iimaan ayaa BBC-da u sheegay inay ogaadeen in deegaano badan oo dhulkaasi ah uu yahay meelo ku haboob in bariiska laga beero. Machadka cilbi barista beeraha iyo xoolaha ee deegaanka Soomaalida ayuu Cabdiqaadir sheegay in daraasaadyo uu sameeyey lana tijaabiyey laguna guulaystay noocyada bariiska ee ka ka bixi kara deegaanka. “Sagaal nooc oo bariis ka mid kuwaas oo la hubiyey inay deeganaka ka bixi karaan si fiican ugu bixi karaan, waxayna u diwaan gashan yihiin deegaanka Soomaalida oo layiraaho waa bariiskii Soomaalida loo yaqaan oo ka mida 35 nooc oo bariisa oo dalka ka jira” ayuu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Iimaan. Xafiisku wuxuu intaa ku daray in qorshahooda mudda fog ay tahay kordhiyaan dhulka laga beerayo barista oo la gaarsiiyo ilaa 20 kun oo hektor. Isagoo ka jawaabayey sida ay isugu maareynayaan beeraha iyo deegaanka oo caan ku ahaa xoolaha dhaqatada ayuu sheegay “ in cimilada is beddeshay waxay keenaysaa in beertii noqoto mid calafkiina cunatadii kale ee la quunadayeyna beerta marka qorshaha dowladu waxaa weeye in wax soosaarka xoolaha la hormariyo kan beraha la hormariyo labada la isku wado” Wuxuu intaa ku daray in muddo kooban deegaanka marka ugu horreysa soo saro waxaa isagu u baahan yahay shacabka ku dhaqani ka dibna soo saaro wax soo saar la dhoofin karayo. Bbcsomali Qaran News
  17. WAAR HOOY IDAA AAN KU DAAYO EH Doorashadu Wakhti Bay Leedahay. Difaaca Qaranku xili Go,an Malaha. Waa goor walba u joog. Doorashadu hadii Allah yidhaa waynu og nahay oo ka dhici mayso Carro East Sanaag Clan Iyo Sool clan. Carro Isaaq meel sanduuq yaalo oo doorashadu aanay si nabadgelyo uga dhici doonin ma jirto. Waa ayo cidda is-hortaagi kartaa? Ma Axmed Karaash? Faan waynaa. Sida aan qabo hadii waaliduulka Sool clan rumoobo iga qora magaalada Ceerigaabo gudaheeda wax dagaal ahi ka dhici maayo. Waxa fooda la isku dari doonaa inta ka dhexaysa Fiqifuliye iyo Ceerigaabo. Masaafo 30Km ugu yaraana u jirta Magaalada. Sidaa daraadeed ma jirto cid ku dhex dagaalami karta gudaha magaalada Ceerigaabo. Dagaalkani ma noqon doono Ciidan Qaran oo keliya. Waxa ka badan doona ciidamada reeraha Isaaq oo hadda uu abaabulkoodu bilaw yahay. Waxan ka hadlayaa inta Gobolka Sanaag degta oo keliya. Jabka Axmed Karaash kaga dhaca halkaa ayaa Noqon doona mid aan dib loo soo hawysan karin Ceerigaabo eh daaya ha soo duulo eh. Firxadka ugu dambeeya ee maleeshiyada Axmed Karaash ka sokayn maayo Fiqifuliye hadii lagaba hadho, Xuddun. Doorashada loo biqi maayo si nabadgelyo ah ayay hadii Alleh yidhaa Ceerigaabo ilaa Jiidali uga dhici doontaaye ha u biqina. Sool clan wuxu doonayaa in uu is kala fidiyay fronta qiyaastii 800Km ah (Buuhoodle ilaa Ceerigaabo) ee hadii ay dagaal noqonto ma difaacan karaa hadii dagaalkuba balaadho? Maya eh degaanada Sool clan ee galbeedka oo dhan ayaa noqon saaxadda dagaalka ee lagu hirdami doono. Markaa kuwa doorasho doorasho uun ay kaga dhegtay waxan u sheegayaa in doorashada iyo difaaca difaaca qarankuba ay yihiin laba waajib qaran oo mid walba ay tahay in sidiisa loo gudto. Waana loo gudan karaa insha Allah. Ali Guray Qaran News
  18. “Ilama Adeerayaal Iyo Abtiyaal Caqligu Maanta Ha Idin Shaqeeyo” Waxaa aad ii damqaysa warka dhiilada leh ee ka soo yeedhay labada beelood ee ceerigaabo ood wadaagta ku ah ee midna aan wada dhalanay Midna ay i dhaleen colaada ka dhex bilaabantay Ilma adeerayaal iyo abtiyaal colaad wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta maanta waxaa laydinka filayaa in uu caqiligu idin shaqeeyo oo colaada aad halkaa ay maanta marayso ku damisaan si ay u soo noqoto wanaagii iyo walaalnimadii idinka dhaxaysay. Qof kasta oo reer Somaliland ah maanta waxaa la gudboon in uu dhexda u xidho sidii looga shaqayn lahaa xoojinta nabad galiyadii Ceerigaabo ku faani jirtay . Waxaa idinku dhaafayaa maansadii nabada ee Abwaan Gaariy AHUN tiriyay “Kugu Dhimayoo kaa dhimayoo waa huq . -Rati heeryadiisa cunaaya hungo waa sidaan ahay maanta dhana iima fayooba . -Imikana hadaan la heshiinin,hibashada hadaan la dawaynin hebel yaa lahaa la ilaawin himilooy walee gabal kaa dhac “ WQ- Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay go’aanka uu qaatay markii ay Itoobiya ku soo xadgudubtay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Sheekh Cali ayaa sheegay in Masar ay tahay dalkii ugu haboonaa ee cadowga Itoobiya ay Soomaalidu u kaashan laheyd, isagoo soo bandhigay seddax sifo oo Soomaaliya iyo Masar ay ka mideysan yihiin. “Masar waa dal Islaam ah oo Carab ah oo Afrikan ah, saddexdaas sifo waan wadaagna, markii muslimiintu hiil isaga baahatana waa isisiiyaan, waxaana na fareysa diinteena Islaamka, marka Masar waa dalkii ugu haboonaa oo na garab istaagi lahaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Sidoo kale Sheeqa ayaa sheegay in dalka labaad ee Soomaaliya ugu dhow uu yahay Turkiga oo isna islaam ah, isagoo taasi ju macneeyey in Soomaaliya ay ku socoto jidkii toosnaa oo xaqeeda ay ku difaaca laheyd. “Nabigeena CSW ayaa ka dardaarmay in muslimintu ay isku gurmadaan markii culeys soo wajaho, sidaan ognahay Itoobiya waa gaalo in markii ay nagu soo duusho aan islaamka garab ka raadino waa banaantahay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Shiiqa ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday inay u cagajugleyso Soomaaliya oo ah wadan islaam ah, sidoo kale wuxuu sheegay in Masar ay waligeed saameyn ku laheyd arrimaha ka socda Geeska Afrika. Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dagaalka Soomaalida iyo Itoobiyaanka uu soo bilowday sanadihii 1910-kii, wuxuuna sheegay in Itoobiyaanku ay ku jebi jireen dagaalada ay la galaan Soomaalida. Sidoo kale Masar ayuu ku tilmaamay wadan waligiis garabtaagnaa qadiyadaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalo adag oo labad dal u dhaxeeyey oo Masaaridu ay ku garab siiyeen Soomaalida. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh soo bandhigay 3 sifo oo cajiib ah oo Masar ay la wadaagto Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hadlay abaabulkii bulsho ee Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo banaanbax loogu hiiliyey Itoobiya uu ka dhacay. Xildhibaanada oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa eedeymo xasaasi ah u jeediyey Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyagoo soo jeediyey in lagula xisaabtamo qaladka uu ka gelayo qaranimada Soomaaliya. Xildhibaanada ka soo jeeda K/Galbeed ayaa sheegay inay ka naxeen wixii ka dhacay degmada Xudur oo gef ku ahaa qaranimada Soomaaliya, iyagoo Laftagareen ku eedeeyey inuu soo abaabulay dadkii dhigay banaanbaxa. “Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka. Wuxuu sheegay in Laftagareen uusan ogoleyn in Khawaarijta laga xoreeyo K/Galbeed, taasi oo deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigtay meel uusan ka socon dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta. “Taliska ciidanka xoogga dalka wuxuu diyaariyey ciidan ka badan labo guuto iyo saldhig weyn oo ciidanka Danab looga dhisi lahaa Koonfur Galbeed, balse waxaa si cad u hor istaagay qorshahaas madaxweynaha deegaanka Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Balaag. Xildhibaanada ayaa warkooda ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo heshiis la geli kara cid kasta, “Dowladda Itoobiya marnaba xaq uma laha inay ku soo xadgudubto Soomaaliya, waxaana masuul ka ah ilaalinta qaranimada Soomaaliya xukuumadda federaalka Soomaaliya.” Sidoo kale xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed kooda ku yiri “Joogitaankiisa sharci darrada ah ee Laftagareen wuxuu uga faa’iideystay inuu galo qiyaano qaran, wuxuuna khatar ku yahay jiritaanka Soomaaliya iyo xasiloonida deeganaada Koonfur Galbeed, waxaan dowladda dhexe xusuusineynaa in Laftagareen uu galay qiyaano qaran oo mudan in lagula xisaabtamo.” Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano qiyaano qaran ku eedeeyey Laftagareen, kana soo saaray dalab xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  21. 457515154_1564855447744538_537557976414936933_n Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Booliska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiqani Daahir Shire oo loo heysto inuu si bareer ah Cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalay xaafada Gubta ee degmadaas. Booliska ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in eedeysanahaan la horgeydoono Maxkamadda awooda u leh, iyagoo sidoo kale uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xaalufinta geedaha nacfiga u leh dadka, duunyada iyo deegaanka. Muuqaal laga duubay ninkaan oo Geed weyn jaraya ayaa aad ugu faafay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay, arrintaan ayaa salka ku heysa dhismaha waddo laami ah, balse in la jaro geedkaas waa laga baaqsa karay, waana inta loo heyto ninkaan. Guddoomiyaha degmada Deyniile oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in Geedkaas loo jaray si aan ku talagal aheyn oo Cagaftu ay ku dhacday, balse waxaa la hayaa muuqaalo muujinaya in si ku talagal ah Geedka loo jaray. Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka hadashay kiiskaan ayaa digniin adag kasoo saartay Jarista Dhirta oo xiligaan muhiim u ah dalka, dadka iyo duunyada, maadaama is bedel xoog leh uu ku yimid cimillada adduunka oo dhan. “Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya waxa ay ku bogaadineysaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed soo qabashada eedeeysanihii ku xad gudbay Geedka ee deegaanka nabaad guurka u horseeday, jarista iyo nabaad guurinta dhirta waa danbi ku xusan sharciga ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka kasoo baxay wasaaradda deegaanka. Wasaaradda ayaa cidii ku kacda inay dhirta jarto ku wargelisay inay la tiigsan doonto sharciga, “Waaanna bulshada Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay ilaaliyaan deegaanka, kana dhowraan wax kasta oo dhibaato ku keeni kara” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda deegaanka ayaa ammaan iyo bogaadin u jeedisay dadweynaha Soomaaliyeed ee iyaguna ka dhiidhiyey falkii guracnaa ee lagu jaray dhirta, ayadoo ku tilmaantay natiijo muujineysa yididiilada in dadkeennu markaan garteen qiimaha dhirtu u leedahay deegaanka. The post DF oo tallaabo culus ka qaaday nin Muqdisho ka geystay arrin laga wada carooday appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo tallaabadaas ku macneeyey inay tahay mid halis ku ah xasiloonida gobolka Geeska Afrika. War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ayaa looga digay taageerada milateri ee Masar, taas bedelkeedana waxay Masar u soo jeediyeen in ay Qaza taageero uga baahan tahay. “Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog looga soo daabulayo gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Ciidamada Masar waxaa Muqdisho uga baahi badan Qaza oo u baahan gurmad walaalnimo, maadaama ay deris la tahay, isla markaana ay heystaan darxumo, colaado iyo macaluul daran.” Xukuumadda Somaliland ayaa ku dooday in taageerada milateri ee Masaaridu inaanay wax weyn u soo kordhinayn Soomaaliya, balse ay jiraan dano gaar ah oo ay Masaaridu arrintan ka leeyihiin. War-Saxaafadeed kale oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa isna lagu muujiyey dareenka Somaliland, iyaga oo beesha caalamkana ugu baaqay inay arrintan cambaareeyaan, kana horyimaadaan. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in tallaabada ay qaaday Masar inay halis ku tahay amniga gobolka oo saamaynaya Somaliland, taas bedelkeedana aanay daawade ka noqonaynin. Dawladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u gaaray heshiis difaac iyo mid amni, waxaana tallaabadaasi ay dhashay, in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo 40 sanadood ah kadib. Masar ayaa danaynaysa inay qayb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta ee bedeli doona hawlgalka haatan socda ee ATMIS, halka Itoobiya ay noqon doonto dalka kaliya ee la bixi doona dhamaan ciidankiisa ku jira ATMIS. The post Somaliland oo war culus ka soo saartay qorshaha Masar ay u timid Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  24. Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadd federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa lagu xusayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad. Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo taageero is-dhaafsi, taas oo lagu arko mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com