Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,463
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay diiwaan-gelisay kiisaskii ugu badnaa oo ah cudurka Coronavirus, kuwaas oo ah 13 qof, taasi oo tirada guud ee Somaliland ka dhigtay 19 kiis. Kiiskan cusub ayaa waxaa shaaciyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa. “Somaliland waxaa la caddeeyey inuu xannuunkani marayo 19 kiis, sidaas darteed, waxaynu joognaa marxalad loo baahan yahay inaynu qaran ahaan maskax, muruq iyo maalba iskugu geyno sidii loo xakameyn lahaa Inta aanu Fayraskaasi sadhaynin bulshadeenna isla noosha ah ee ay suurtowdo in toban qof iyo ka badani ay wada degan yihiin guri kaliya oo dantu ku qabatay” ayuu yiri Koore. 13-ka kiis ee cusub ee Somaliland ay shaacisay ayaa kiisaska guud ee Soomaaliya ka dhigaya 299 kiis. Dhinaca kale, Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan ay muddo diidaneyd inay qaadato, oo ah inay mamnuucdo qaadka. War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ka hor-tagga COVID-19 ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Muddo 25 cisho ah oo ka bilaambaysa 26-ka April, guud ahaan Somaliland laga joojiyay keenista iyo ka ganacsiga qaadka. “Maamulada gobolada iyo degmooyinka iyo Ciidamada kala duwan ee qaranka waxa ay qaban doonaan isla markaana gubi doonaan haddii wax qaad ah dalka soo galo muddadaas, Waxa ay la wareegi doonaan gaadiidka sida, sidoo kalena waxa sharciga la horkeeni doonaa cid kasta oo qaad soo gelisa ama ka ganacsata,” ayaa lagu yiri qoraalka.
  2. Noocyadda Diiqada Ama Niyad Jabka W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Baryahan dambe waxa soo badanaaya cudurada nafsig ah kuwaas oo dadka mooraal ahaan ugu dhaca waxa jira dad badan oo dhibkani ku dhaco marka ay soo wajahaan duruufo nololeed. Waxaa jira dhowr sababood oo suurtagal ah oo keena niyad-jabka. Waxana ka mid ah taaiirkh qoys ama duruufo nololeed oo qofka ku yimaada sababaha caamka ah waxaa ka mid ah: Tariikh qoys isticmaalk maandooriyaha, duruufo nololeed dhaawac maskaxda soo gaadha hurdo la’aan badan xanuun qofka asiiba Qiyaastii 21% dadka leh dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha ayaa la kulma niyad jabka daran Niyad jabku wuxuu u kala duwanaan karaa noocyadan iyada oo ku xidhan kala darnaanta calaamadaha qofku qaba Dadka qaar waxay la kulmaan marxalado khafiif ah iyo mid ku meelgaadh ah, halka kuwa kalena ay la kulmaan xaalad kacsanaan daran oo joogto ah Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo diiqad ah waxayna kala yihiin : jahwareerka weyn iyo jahwareerka joogtada ah. Jaahwareerka weyn. Jaahwareerka weyn waa nooca murugada ee aadka u daran. Waxaana lagu gartaa dareenka joogtada ah ee murugada, rajo la’aanta, iyo qiimo darrada uu qofku dareemo laakiin si lagu garto niyad-jabka caafimaad, waa inuu la kulumo qofku 5 ama ka badan astaamaha soo socda muddo 2 toddobaad ah: inaad dareento niyad jab maalinta oo dhan luminta xiisaha howlaha caadiga ah miisaanka oo yaraada ama korodha hurdo aad u badan ama aadan awoodin inaad hurdo seexato fikir gaabis ah ama dhaqdhaqaaqa nololeed daal ama tamar yari maalmo badan Dareemid qiimo la’aan ama dambiilo nimo luminta feejignaanta ama miyir-beelka fikradaha soo noqnoqda ee dhimashada ama isdilka iwm Jaahwareerka joogtada ah. jaahwareerka joogtada ah waxaa loo yaqaanay (dysthymia ) . Waana nooc khafiif ah, laakiin waa nooc daba dheeraada Maxaa lagu garan karaa? Luminta xiisaha howlaha maalinlaha ah ee caadiga ah dareemid rajo la’aan wax soo saar la’aan isku kalsooni la’aan diiqada iyo niyad jabka si guul leh ayaa loo daaweyn karaa, laakiin waxaa muhiim ah in loo dejiyo qorshe daaweyneed oo waxtar leh. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com Qaran News
  3. HARGEISA (HOL) - Authorities in the breakaway region of Somaliland have today suspended the importation and sale of khat in the region. Source: Hiiraan Online
  4. HARGEISA (HOL) - Authorities in the breakaway region of Somaliland have today suspended the importation and sale of khat in the region. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale. Deegannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah. 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 ruux, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. View the full article
  6. Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gaban gaboobay wadahadallo u socday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo golaha la magac baxay isbadal doonka Jubbaland oo ay hoggaaminayeen Cabdirashiid Xidid iyo Cabdi naasir Seeraar oo dhaliilsanaa doorashadii madaxwene Madoobe. Qoraal siwadajir ah ay soo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in golaha markii ay arkeen duruufaha adag ay ku sugan tahay dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay u tanaasuleen shacabka waxaana si buuxda ay u taageereen doorashadii madaxweyne ee dhacday bishii August 2019-ka lagu doortay Axmed Madoobe labada dhinac ayaana garay maanta heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo siyaasadihii isdiidanaa ee muddo ka dhex jiray labada dhinac. Labada dhinac ayaa heeshiska ka dib baaq u diray dowladda federaalka Soomaaliya,Amisom, Beesha caalamka, iyo saaxiibada daneeyo arrimaha Soomaaliya in ay taageeraan heshiiska ay maanta wada gaareen golaha isbedel doonka Jubbaland iyo dowlad goboleedka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaaam Madoobe. Heshiiska maanta ay gaareen golaha isbedel doonka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku soo aadaya iyadoo uu jiiro khilaaf gaaray halkii ugu sareeyey oo u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo Jubbaland oo ka dhashay doorashadii lagu doortay madaxweyne Madoobe kaas oo wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay in aysan aqoosaneen maadaama aysan waafaqsanen rabraacii wasaaradda ay u dejisay in ay u dhacdo doorashada. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta dekadda Muqdisho ku qabtay konteenar ay ka buuxeen dhalooyin Khamri ah, oo la doonayey in lasoo geliyo magaalada Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in konteenarka ay ku jireen in ka badan 500 kartoon oo khamri ah, kuwaas isla maanta lagu gubay magaalada Muqdisho. Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Kunteenarkan markii hore lagu sheegay in uu sido shixnad kale, balse baaris ay sameeyeen ciidamada amniga ay ku ogaadeen in kunteenarka ay ka buuxaan dhalooyin Khamri. Waxaa uu sheegay in Kunteenarka laga dhex helay 500 oo Kartoon oo Dhalooyin Khamri ah iyo 160 Kartoon oo ay ku jiraan qalabka baabuurta, isla markaana ay hayaan dukumiinti cadeynaya dadkii lahaay baarisna lagu hayo, oo tallaabo laga qaadi doono. Bariise ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in dalka la soo geliyo Khamri,s idoo kalena ay maxkamad horkeeni doonaan dadka ay ku cadaato inay leeyihiin Khamrigan. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mamnuuc ah ka ganacsiga iyo cabitaanka Khamriga, inkastoo haddan siyaabo qarsoodi ah dalka loo soo geliyo, si gaar ahna meelo badan oo Muqdisho ka mid ah lagu cabo, sida Xalane iyo baarar ku yaalla xeebta.
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa, illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.” Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka. Waxaanu madaxweynuhu rabi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  9. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay in ay si ku meel gaar ah u joojisay ka ganacsiga iyo cunista Qaadka, si looga hortago faafidda xanuunka COVID-19. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa go’aankaasi magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay, kadib kulan dhexmaray ganacstada Qaadka iyo guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga iyo maaraynta xanuunka Coronavirus. Mudane Saylici, ayaa sheegay in go’aankaas uu dhaqan-geli doono laga bilaabo Axadda todobaadka soo socda ee ku beegan 26-ka bishaan April, uuna ku egyahay 21- bisha May ee soo socota, si looga feejignaado faafidda cudurka. Madaxweyne ku xigeenka, ayaa xusay in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay ku amran yihiin, in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo Jaad soo gelisa gudaha Somaliland mudadaasi cayiman oo dhan 25 cisho. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan Puntland post The post Somaliland oo si ku meel gaar ah u joojisay Qaadka appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa, illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.” Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka. Waxaanu madaxweynuhu rabi uga rajaynayaa shacabka Jamhuuriyada Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo. Source
  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Golaha la baxay Isbeddel-doonka Jubaland, oo ay hoggaamiyaan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig, ayaa Heshiis rasmiya ka gaaray Murankii Siyaasadeed ee ka dhashay Doorashadii Maamulkaas ka dhacday bishii Agoosto ee sannadkii 2019. Seeraar iyo Xiddig, oo bilowgii isu-sharraxay Doorashadaas, ayaa markii dambe diiday Hannaanka loo maamulay, waxaana mid kasta iskiis u sheegtay in isaga loo doortay Madaxweynaha Jubaland, si ay cadaadis u saaraan Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay Jubaland. Heshiiska ay hadda saxiixdeen dhinacyadu, oo ka kooban todoba qodob, waxaa lagu go’aamiyay in la soo af-jaro dhammaan Khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay Doorashadii Jubaland, islamarkaana Xiddig iyo Seeraar si buuxda u aqoonsadaan Dib u doorashada Axmed Madoobe. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in Madaxweynaha Jubaland uu soo dhiso Xukuumad oo tayeysan, taasi oo ay qayb ka yihiin Isbahaysiga Xiddig iyo Seeraar, iyadoo la ilaalinayo Habka Awood-qaybisga Beelaha Jubaland. Hoos ka akhriso Heshiiska oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo la heshiiyay Muraacaradkii Jubaland ee Xiddig iyo Seeraar appeared first on Puntland Post.
  12. Nairobi (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku guuleystay in uu heshiis rasmi ah la gaaro Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ahaa xubnihii sidda weyn uga soo horjeeday doorashadii Kismaayo ka dhacday. Kulan dhowr Maalmood ka socday Magaalada Nairobi ayay ugu dambeyntii ku guuleysteen in ay xaliyaan Khilaafkii ka dhex taagnaa. Qodobadda ay ku heshiishiiyeen waxaa ka mid ah In ay aqoonsadeen natiijadii Doorashada 22 August 2019, ee lagu doortay Axmed Madoobe. Waxaa sidoo kale ka mid ah in ay Madaxweyne rasmi ah u aqoonsadeen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Qodobadda lagu qanciyay ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona in ay xubno ku yeeshaan Madaxda Isbadal doonka Jubbaland Golaha Wasiiradda maamulkaasi ee dhawaan lagu dhawaaqi doono. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubnaha is-beddel doonka Jubaland oo ay ku jiraan Cabdirashiid Xidig, Cabdnaasir Seeraar iyo Sheekh Daahir ayaa goor dhow heshiis rasmi ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi. Hoos ka aqriso qodobada heshiiska
  14. Dhuusamareeb (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo magacaabayo Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug ayaa laga dareemayaa magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta ku meelgaarka maamulkaas. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu waramay in uu waddo latashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabida. Golaha Wasiiradda ayaa la sheegay in ay kasoo muuqan doonan siyaasiyiin iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka ah. Qoor-qoor ayaa horey u balanqaadey in uu soo dhisi doono gole wasiiro oo tayo leh isla markaana ay kasoo muuqdaan xubno badan. Sikastaba ha ahaatee, saacadaha soo aadan ayaa la rajeynayaan in lasoo bandhigo liiska Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug. View the full article
  15. Garowe (PPM) — Built during the second half of 1980s, Garowe-Bosaso Road plays an underappreciated role in the post-1991 reconstruction of Mudug, Nugaal and Bari regions. The road has been gradually showing signs of wear and tear. It is a landmark infrastructure project that the military regime implemented with timely assistance from the former Italian Aid Fund (FAI). Since last year the incidence of accidents and minor landslides from seasonal rains that affect travel on the road has increased. The most worrying aspect of this situation is reflected in the more than 40% increase of the travel time between Bosaso and Garowe. When the road was in good condition it took a truck driver roughly 5 hours to deliver goods from Bosaso to Garowe, the adminstrative capital of Puntland State. Now it takes between 8-10 hours. A deep pothole in the Bosaso-Garowe road The travel time increases ever more when an accident in the road involving haulage trucks severely affects travel to and from Bosaso. Puntland does not have cranes that can remove overturned trucks in the main road. Trucks avoiding the treacherous Bosaso-Garowe road The economic costs of poor roads result in inflationary pressures in Puntland. Truck drivers that once charged US$ 1000 to deliver goods to Buhodle now charge between US$ 1,500-1,800 to make up for extra hours to travel on unpaved and rocky roads. “I have to service my lorry once we unload goods. The mechanic charges me between US$ 300-500 ” said the owner of a lorry in Lasanod. Puntland Highways Authority tasked with renovating roads remains underfunded. The misappropriation of funds for the renovation of Garowe-Galka’yo road in 2016 dented confidence donor organisations have in the ability of Puntland State to run small-scale infrastructure projects. A Backbreaking journey A gully formed in a part of the road between Sunni-jiif and Garowe Spring rains contribute to the deterioration of Bosaso-Garowe Road condition. When a minibus carrying passengers reaches a gully in a part of the road near Sunni-jiif, passengers have to disembark and carry their belongings on their backs to wade through the stagnant rain water. People fleeing the inclement summer weather of Bosaso to spend their xagaa-bax (summer holiday ) in inland districts face longer travel times and riskier journeys. Minibuses travel on sandy and rocky terrains by the main road. Passengers walk by the minibus or the truck for one or two kilometres to return to the main road to resume the backbreaking journey. “The 2019 summer was exceptionally tiresome. Families travel in minibuses or small cars that cannot travel when so many potholes and gullies necessitate longer walks as a part of the journey. Families with children or elders or sick people had to stay in Bosaso to brave the hot summer weather there” says a Bosaso-based business man. Pile-up of mini-buses and cars on Bosaso-Garowe road People who regularly travel on Bosaso-Garowe Road complain of the rate at which potholes get formed in the main road in addition to the threat of seasonal torrential rains that further weaken the foundations of the road. The new Puntland administration that took office in January 2019 had not asked for assistance from the Federal Ministry of Housing and Public Works. With assistance from Qatar the Somali Federal Government last year launched projects to renovate Mogadishu-Bal’ad Road and Mogadishu-Agoye Road. “Poor relations between Garowe and Mogadishu should not deprive us of our right to seek renovation assistance from the Federal Government. The pre-1991 Somali Government implemented Bosaso-Garowe Road and Bosaso Port” said Dahir Ahmed, a teacher in Bosaso. People in Puntland are waking up to economic costs resulting from the poor condition of Bosaso-Garowe Road. © Puntland Post Monthly, 2020 The post BOSASO-GAROWE ROAD IN POOR CONDITION appeared first on Puntland Post.
  16. Somalia has recorded a rise in coronavirus cases in the past week, with the majority of those affected reportedly young people. Source: Hiiraan Online
  17. Wafi Balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaraddaha Xidhiidhka Goleyaasha , Qorshaynta Qaranka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Gaashaandhiga & Cadaaladda ayaa gaadhay Degmada Ceelfweyn ee Gobolka Sanaag. Ujeedka Weftigan ayaa ah sidii nabad loogu soo dabaali lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab, waxaana ay waftigani la kulmi doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si loo dhamaystiro nabada degaankaasi. Source