-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-28042020-we.mp3 View the full article
-
A Kenyan regional administrator has warned the Somalia National Army (SNA) against provoking Kenya Defence Forces (KDF) soldiers following a recent grenade attack in Mandera. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Hadal uu jeediyey Sheekh caan ka ah dalka Turkiga, oo ah in cudurro laga qaado dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, ayaa xiisad ka dhex-abuuray xisbiga talada haya ee madaxweyne Erdogan iyo ururada qareenada dalka Turkiga. Qareenada ayaa hadalka wadaadka ku qeexay kuwa dhaawac ku ah sharafta bani’aadamka, hase yeeshee afhayeen u u hadlay xisbiga AKP ayaa sheegay in Sheekha uu ka hadlay qayimka dadka Turkiga, wuxuuna ku eedeeyey qareenada inay qarsanayaan fikarad faashiiste ah. Jimcihii, Sheekh Ali Erbas, oo madax ka ah guddiga Arrimaha Diinta ee Turkey, ayaa sheegay in Islaamka uu kasoo horjeeda isu-galmada dadka isku jinsiga ah, sababtuna ay tahay inay horseedoo cudurro iyo bulsho halleysan. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay sababto cudurka HIV/AIDS. “Aan isku imaano oo aan si wada jir ah ugu dagaalno inaan dadka ka bad-baadino ficilladan xun,” ayuu Erbas ku yiri khudbaddiisii Jimcaha. Si ka duwan dalal badan oo Islaam ah, galmada dadka isku jinsiga ah kama ahan dambi dalka Turkey. Hase yeeshee dadka ficilladan sameeya ayaa la kulma naceyb iyo cadaawad xooggan. Xiriirka Qareenada Ankara ayaa hadalka Erbas ku macneeyey kuwa ka yimid qarniyo hore, oo ka dhan ah sharafta bani’aadamka. Sidoo kale Xiriirka Qareenada Izmir ayaa walaac ka muujiyey hadalkiisa, oo ay ku qeexeen kuwa dhiir-gelinaya naceyb cusub. Hase yeeshee, Saraakiisha dowladda ayaa Isniintii adeegsaday twitter si ay u difaacaan Erbas, ayaga oo isticmaalaya hastag ah “Ali Erbas ma ahan kali”. “Waa xuquuqda dabiiciga ah ee dadka inay u hadlaan si waafaqsan qayimka hanaanka ay rumeysan yihiin,” waxaa sidaas yiri afhayeenka xisbiga AKP Omer Celik. Sidoo kale, afhayeenka madaxweyne Erdogan Ibrahim Kalin ayaa twitter-ka ku difaacay Erbas, isaga oo sheegay inuu muujiyey kaliya “go’aan ilaah jecel yahay”. Dhinaca kale, xafiiska dacwad-oogaha Ankara ayaa Isniintii billaabay baaritaan ka dhan ah Xiriirka Qareenada Ankara, ayada oo lagu tuhmayo inay aflgaadeeyeen qayimka diiniga ah ee Turkiga.
-
Waxaa muran xoogan ka taagan yahay tirada saxda ah ee Magaalada Muqdisho igu geeriyooday Corona Virud, Laakiin sida hada laga soo xigtay Dhakhaatiir dhowr ah [...] Source
-
New York, NY, April 28, 2020 — Alarming new analysis by the International Rescue Committee (IRC) reveals that without swift action in coming weeks to mitigate the spread of Covid-19, the world could see up to 1 billion infections[1] and 3.2 million deaths due to COVID-19 over the course of the pandemic in 34 crisis-affected countries served by the IRC[2], Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid u deg-degeysa sheegashada xoreynta deegaanka Bu’aale, oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab. Sheegashada guusha lagu xoreynayo Bu’aale ayaa sidoo kale waxa dadaal weyn ugu jira Madaxweynaha ay dowladda federaalku kasoo horjeedo ee Axmed Madoobe, maadama ay Bu’aale ay tahay xarunta rasmiga ah ee maamulka Jubbaland. Bu’aale ayaa la sheegaya inay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku sugan-yihiin hogaanka sar-sare ee kooxdaasi, midaasi oo sheegashada guushaasi ka dhigeysa mid sumcad weyn ka dhalato. Dowladda federaalka ayaa la sheegayaa iyadoo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah inay ku wajahan-yihiin deegaankaasi, midaasi oo soo ifbixisey deg-dega ay dowladdu ugu jirto sheegashada xoreynta Bu’aale. Dadaalada xoreynta Bu’aale ayaa ka kooban labo garab, maadama uusan xiriirka Dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland uusan wacneyn oo uu aad u hooseeyo, taasi oo ka dhigan in sheegashada xoreynta Bu’aale ee labada dhinac uusan isla jirin. Dowladda ayaa hore u geysay ciidamo badan qaar kamid ha deegaanada Gedo, kuwaasi oo maamulka Jubbaland uu ku tilmaamay in daabulida ciidamadaasi laga leeyahay ujeedo siyaasadeed, midaasi oo horseeday khal-khal amni. Dadka qaar ayaa aaminsan in ujeedka Dowladdu ka leedahay dadaalada sheeegashada xoreynta Bu’aale ay laftigeedu tahay mid siyaasadeysan maadama uu mudo xileedkeedu uu gabaabsi yahay, iyada oo hore ugu guuldareysateyna soo afjarida dagaalka Al-Shabaab.
-
CAIRO (AP) — Libyan commander Khalifa Hifter on Monday declared a landmark United Nations-brokered agreement to unite the country “a thing of the past,” and pledged his authorities would move toward creating a new government. Source: Hiiraan Online
-
Southern Transitional Council breaks with wartorn state’s internationally recognised government Source: Hiiraan Online
-
Xaguu ku dambeeyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ? Kim Jong Un Waxaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa isbuucyadii dambeba baahinayay xaaladda caafimmaada ee hogaamiyaha Pyongyang. Telefishin lagu magacaabo HKSTV oo fadhigiisu yahay Hong Kong ayaa kusoo warramay in uu helay xog muujineysa “in uu geeriyooday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.” Wararka la xiriira geerida Kim Jong Un ayaa sii xoogeystay toddobaadkii lasoo dhaafay kaddib markii bog ay wax ku qoraan dad kasoo baxsaday dalkaas lagu sheegay in Kim “uu u geeriyooday xanuun hayay tan iyo bishii August ee sanadkii hore.” Agaasime ku xigeenka warbaahintaas ayaa sheegay in ila lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen “in uu geeriyooday” hogaamiye Kim Jong-un. Balse ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karta wararka uu baahiyay telefishenkaas. Goormey billaabatay Hadal heynta? Horay ayaa marar kale shaki loo galiyay xaaladda caafimaad ee Kim Jong-un Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April. Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo. has never missed it – and it seemed very unlikely that he would simply choose not to turn up. Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi. Saraakiishaas caafiimaad ayaa la sheegay in uu hogaaminayay sarkaal sare oo katirsan xisbiga shuuciga ee ka arrimiya dalka Shiinaha. Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay. Dalka ay deriska yihiin Pyongyang ee Kuuriyada Koonfureed ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay ama uu xanuunsan yahay hogaamiyaha dalkaas. Moon Chung-in oo ah sarkaal siyaasadda arrimaha dibadda kala taliya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka u sheegay in Kim Jong-un “uu nool yahay, uuna caafimmaad qabo.” “Ka dowlad ahaan halka aan arrintan ka taagan nahay way caddahay” ayuu yiri Moon Chung-in oo intaa ku daray in laga billaabo 13-kii bishan April uu Kim ku sugnaa deegaanka Wonsan, sidaas darteedna aysan jirin wax keeni kara shakiga ah in uu geeriyooday. Sidoo kale saraakiil katirsan sirdoonka dalka Shiinaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wararka sheegaya dhimashada ay yihiin been abuur, oo uu Kim nool yahay. Kim Jong-un waxaa markii ugu dambeysay sawir laga qaaday 12 April Markii ugu dambeysay ee la arkay hogaamiyaha dalkaas ayaa waxay ahayd 12-kii bishan, warbaahinta dalkaas na ma aysan sheegin ilaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay. Ma ahan markii ugu horeysay oo fagaareyaasha laga waayo hogaamiyaha dalkaas. Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay. Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in la afgembiyay. Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas. Haddii ay dhacdo in uu meesha ka baxo, yaa baddalaya? Wargeyska Kuuriyada Koonfureed ee lagu magacaabo Rodong Sinmun ayaa dhowr sawir ka qaaday Kim bishii October ee sanadkii 2014-kii Haddii ay dhacdo in Kim uu meesha ka baxo, sida ay doontaba ha ahaatee, ma cadda cidda baddali doonta. Kim waxaa uu xilkaas ka dhexlay aabihii oo sanado badan hogaaminayay dalkaas, waxaana muuqata in dhaxalka dhanka xukunka ee dalkaas uu yahay mid uusan cid kale damac ka geli karin. Gabar ay walaalo yihiin Kim Jong-un oo lagu magacaabo Kim Yo-jong, ayaa u muuqata qofka iska leh dhaxalka dalkaas, maadaama ay walaalo yihiin, aadna ay ugu dhow dahay walalkeed. Waxaa sidoo kale la sheegaa in ay saameyn ku leedahay xukunka dalkaas. Xaaladda dhabta ah ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waa mid kala caddaan doonta mustaqbalka dhow. Taliska dalkaas ayaa ah mid aad looga baqo halka shacabkuna ay dunida inteeda kale ka xirxiran yihiin, taasoo yareyneysa wararka laga heli karo gudaha. Qaran News
-
On 23 April 2020, the ex-President of Jubaland, Mr. Ahmed Madobe announced he has signed a deal with whom he called were his political rivals in Jubaland. Ahmed Madobe’s regime lost Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayaa banaanbixii ka dhacay Muqdisho ee lagu jeex jeexay sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasiin iyo qeybaha Bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan waxaana laga bixiyay macno kala duwan. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in Madaxweynaha ay bulshada naceen halka qaarkoodna ay ku micneeyeen in sawirada ay gubeen dad dano siyaasadeed leh oo banaanbaxa ku jiray. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo maray waayo loo banaanbaxo iyo maalmo lagu banaanbaxo, waxaana maanta eegi doonaa tirada inta aan ka xasuusano ee lagu mudaharaaday iyo inta loo banaanbaxay ee diiwaanka galay. Banaanbaxyadan waa kuwa shacabka iskood u abaabuleen, kumana jiraan kuwa dowladda abaabusha iyo kuwa ay abaabuleen mas’uuliyiin kasoo horjeeda dowladda ama madaxweynaha. Markii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u banaanbaxeen isagoo Ra’iisul wasaare ah sanadkii 2011. Xiligaas waxa uu xilkiisa ku waayay heshiiskii Kampala Acord oo ay qeybta ka ahaayeen Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ka ahaa Soomaaliya. Markii 2-aad ee loo banaanbaxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay aheyd 2017 markii uu ku guuleestay doorashadii Soomaaliya, waxaana markaas ay bulshada dhigeen isu soo baxyo waa weyn. Markii ugu horeysay ee lagu banaanbaxo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi islamarkaana sawiradiisa la gubay waxay dhamaadka sanadkii 2018-kii kadib markii dadweyne ka careysan Xariga Abuu Mansuur ay isugu soo baxeen Baydhabo. Sidoo kale dadkaas waxay ka cabanayeen shacab ay ciidanku dileen iyo kuwa kale oo la xiray. Markii 2-aad ee lagu banaanbaxay Madaxweynaha Soomaaliya waxay bartimihii sanadkii 2019, waxaana banaanbax booliska looga cabanayo ka dhigay Muqdisho wadayaasha Mooto Bajaajta kuwaas oo qaarkood gubay sawirada Madaxweynaha. Sidoo kale wadayaasha ayaa ka cabanayay dilalka ciidamada iyo xirnaanshiyaha wadooyinka inkastoo markii dambe la xaliyay. Dadka qaar ee taageera Madaxweynaha ayaa dood ka qaba Banaanbaxaa waxayna sheegaan in uusan kamid aheyn kuwa madaxweynaha looga soo horjeeda balse xaqiiqda jirta ayaa ah in Madaxweynaha uu doorasho ku yimid islamarkaana ay xaq u leeyihiin in shacabka ku banaanbixi karaan. Banaanbixii 3-aad oo ah kii todobaadkaan ayaa noqday mid kale oo looga soo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo waana mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee lagu beegsado sawirada Madaxweynaha. Banaabaxyada lagu gubay ama lagu fiiqay sawirada Madaxweynaha waxay qaarkood ka bilaawdeen dhacdooyinka ciidanka ay geestaan. Caasimada Online waxay banaanbaxyada Madaxweynaha looga soo horjeedo ay ka reebtay banaabaxo lagu sheegay kuwa siyaasadeed waxaana kamid ah qaar ka dhacay Kismaayo iyo meelo kale. Arrintaan ayaa u muuqato in saddex jeer lagu banaanbaxay Madaxweynaha laba jeerna taariikhdiisa loo banaanbaxay dhamaana madaxweynaha kama uusan hadlin banaanbaxyadii looga soo horjeeday, halka uu ka hadlay kuwii lagu taageeray.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay gudaha magaaladaasi uu ka da’ay roob xoogan oo sababay daadad geystay dhimasho iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka. Daadadka oo ahaa kuwa xoogan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan magaalada Qardho, waxaana ku rogmaday gawaari u badan kuwa xamuulka ah. Muuqaalo la soo duubay waxaa ka muuqda biyaha oo ka sare maray gaadiidka, gawaari rogmaday iyo dhismaha qaar, waxaana dhibaatada ugu daran ay soo gaartay dan-yarta. Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka, Gaashaanle Sare Cabdi Caseer Yuusuf oo ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ayaa BBC uu sheegay in dadaadka ay ku dhinteen illaa saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka, kuwa kalena ay dhaawacmee. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaaraha uu intaas ka badan karo, islamarkaana ay weli socdaan gurmad lagu baadi goobayo dad kale oo la la’yahay. Xaaladda ayaa saaka ah weli mid cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in qoysas badan ay ku xayiran yihiin xaafado ka tirsan magaalada Qardho.
-
Maraykanka oo qirtay inuu Soomaali laayey Tababarayaasha Africom ee la shaqeeya Ciidamada Qaranka ee Soomaaliya Ciidamada Maraykanka ayaa qirtay in dad rayad ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymo dhinaca cirka oo ay bishii April ka fuliyeen Soomaaliya. Warbixin uu taliska Maraykanka ee Afrika (Africom) Isniintii uu soo saaray wuxuu ku sheegay duqeyntaasi iney ku dhinteen 2 qof oo rayad ah 3 kalana ay ku dhaawacmeen. Warbixintu waxay intaasi ku dartay isla weerarkaasi in lagu dilay 2 ka tirsan ururka al-shabaab. Hay’adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad isgaarsiin oo Soomaaliya ka howlgasha. “Nasiib darro laba qof oo rayad ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya”, ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend. “Saaxibbada Soomaaliya waxaan u haynaa ixtiraam aad u sarreeya, aadna waan oga xunnahay dhacdadaasi” ayuu yiri taliyaha oo hadalkiisa sii wata. Warbixintuna waxay ku doodeysaa dadkaasi rayadka iney u dhinteen kaddib marki ay qarxeen miinooyin uu ururka al-Shabaab keydiiyey. Warbixinta waxaa sida oo kale lagu xusay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom), iney 91 duqeymo oo dhinaca cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo Liibiya bilaha Fabruary iyo March ee 2020. Generaal Townsend wuxuu billaabay inuu soo saaro warbixin ku saabsan waxyeellada dadka rayadka ah ka soo gaarto duqeymaha ay fuliyaan seddexdi biloodba mar, si la mid ah warbixinta taliska dhexe ee Mareykanka ee Bariga dhexe uu soo saaro. SSGT BRIAN FERGUSON Maraykanka wuxuu sida oo kale uu sheegay dabayqaqada bisha May inu diyaar noqon doono bog dadka u sahlayo iney cabashooyinkooda la xiriira waxyeellada dadaka rayadka soo gaaro ay ku gudbiyaan. Hay’adda Amnesty intentional waxay sheegtay Maraykanka duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyey iney 20 qof oo rayad ah ku dhinteen, hase yeeshee Maraykanka ayaa diiday tiradasi. Amnesty oo warbixinta Maraykanka ku tilmaantay “mid bogaadin mudan oo muujineysa cadcaddaan howlgallada militari ee sida qarsoodida ah sanadaha badan uga socday meela badan”. Waxayna ku baaqday in la diyaariyo nidaam dadka rayadka ah ee ay waxyeelladu soo gaartay warbixinnadooda bog Maraykanka uu diyaarinayo ay ku soo gaarsiiyaan, maadaamaa dadku inta badan heysan ku nool dhulka miyiga ay haysan teleefanna u sahlayo soo gudbinta xogaha adeegga interneetka iney helanna ay ku adag tahay. Waxayna hay’adda Amnesty ku tlisay “in la diyaariyo fursad ay hoggaamiya dhaqameedyada ama xildhibannada la soo doorto ay uga hadlin karaan dadka rayadka ee ku dhinta duqeymaha Maraykanka iyaga oo shacabka matalayo.” General Townsend ayaa ka soo horjeestay hadalka odhanayo ciidamada Maraykanka howlglladooda Afrika iney si cadcaddaan leh u fulinin. Mar wax laga weydiiyey magdhawga dadka ay waxyeellada soo gaarto taliska oo ka jawaabaya wuxuu boggiisa Twitterka uu ku soo qoray “waxaan kala shaqeyn haynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya sidi aan tallaabada xigta u qaadi laheen. Al-Shabaab oo qayba badan oo ka mid Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya gacanta ku haya ayaa la sheegaa inuu xiriir la leeyahay ururka al-Qaacida. Sida oo kale waxay weerarro isdabajoog ah ay ka fuliyeen dalka Kenya iyada ururka lagu tirayo ururrada hubeysan ee ugu halista badan. Bisha Fabraayo ururka al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha dalka Kenya oo ay wada adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka, iyaga oo halkaasi ku dilay 3 qof oo Maraykanka u dhashay oo isugu jira 1 askari iyo 2 qandaraasle. Qaran News
-
Sidaan wadda ognahay waxaa sii dhamaanaya Muddo xileedka Dowladda hada jirta, marka aad isku barbar dhigtid waqtiga harsan iyo shaqooyinka la rabay in dowladu horey u qabato waa kala Badan yihiin, hadaba maareynta waqtiga kala guurka ee soo socda wuxuu u baahan yahay tanaasul iyo dulqaad laga rabo dowlada hada jirta iyo arragti qaran oo laga rabo saamileyda siyaasadeed ee dalka. Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii burburka? In Dowladdu muddo Kordhin sameysato toos ah intaan la gaarin dhamaadka Muddo Xileedkeeda. In Dowladdu waqtiga jiiddo oo ay iska aamusto illaa laga gaarayo dhamaadka muddo xileedkeeda. In Dowlladdu maareyn weyso marxaladda kala guurka ah kadibna uu dhaco jahawareer siyaasadeed oo ku dhamaada burbur. In Dowladdu qaado tallaabooyin addag oo dhanka amniga ah oo ku wajahan siyaasiyiinta ka aragtida duwan . In Dowladda dhexdeed ka bilowdo kala aragti duwnaansho ku aadan hanaanka Loo maareynaayo marxaladda kala guurka ah oo qolo kasta diffaacato wixii u Dan ah. In Dowlladu Ilaalin weyso Sarreynta Sharciga iyo Dastuurka Dalka u yaala. Maxaa keeni kara in cagta lasaaro waddadii dowlad dhiska? In Dowladdu Doorashada ku qabato Waqtiga Dastuurka Dalka ku Xusan si hufan. In Dowladdu isafgarad kala yeelato Saamilleyda siyaasadeed ee Dalka nuuca Doorashada. In Dowladdu aragti fog oo ku dhisan Danaha Dalka iyo Dowladnimada ay ku maareyso marxaladda kala guurka ah. In saamileyda Siyaasadda Dalka ay la yimaadaan aragti qaran oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka ah. In Labeenta Bulshada ay qaataan kaalin mug leh oo ku aadan maareynta waqtiga kala guurka. In beesha caalamka ay qadato kaalin dhexdhexaad ah oo u dan ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.– Abdinasir Mohamed Sh. Nuur (Abdinasir Shubka) – Waa xoghayaha maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa qirtay in duqeyn sanadkii hore uu ka fuliyey Soomaaliya ay ku dileen dad rayid ah. Warbixin seddax biloodle ah, oo loogu tala galay in si hufan loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerarada Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeyn dhacday 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2019-kii lagu dilay laba qof rayid. Sidoo kale warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in seddax qof oo kalena oo rayid ah lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelladha Hoose. Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa warbixintan ku sheegay inay aad uga xun yihiin dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqeyntaas iyo kuwa ku dhaawacmaba, Dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadkaas waxay sheegtay AFRICOM inay ka dhalatay meel ay Al-Shabaab ku keydiyeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay diyaaraduhu bartilmaameed sadeen. Waayihii dambe waxaa iska soo daba dhacaayey eedeymo sheegayey in duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka lagu bartilmaameedsado dad rayid ah, balse warbixintan ayaa meesha ka saartay eedeymo hore oo loo soo jeediyey AFRICOM, balse waxa ay qiratay wax yeeleynta shan qof oo laba dhimatay, kuwaas oo ahaa rayid aan waxba galabsan. Warbixinta Taliska Mareykanka ee Afrika laguma shaacin wax magdhow ah oo la siinayo dadkan rayidka ah oo ay qirteen inay duqeymahooda ku dileen qaarna dhaawaceen.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo saaray ayaa wuxuu uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulka HirShabelle. Cabdukariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay labada dhinac ay is haya inay wax weliba ku dhameeyaan is-afgarad iyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafkaasi. “Waxaa muuqda maalmahan mooshino iska soo horjeeda iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaan ku baaqayaa xaaladda in la dajiyo, waxii khilaaf iyo is afgarasho waa ah ee jirana lagu xaliyo is faham iyo wadahadal” ayuu yiri qoraalkiisa ku yimid Mudane Cabdkariin Xuseen Guuleed. Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in xilligan oo lagu jiro xaalad adag aysan HirShabelle u baahneyn khilaaf ee looga fadhiyo madaxda maamulkaas inay u adeegaan shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafkaan haddii uu sii socdo uu horseedayo burbur ku yimaada jiritaanka maamulka HirShabelle. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoon haatan mooshino ay iska hor jeeda oo laga kala gudbiyey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed Maxamed iyo Madaxeyne Waare ay ka socdaan gudaha magaalada Jowhar.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhowaan soo saartay Amar ay ku mamnuuceyso in deegaanadeeda uu soo galo qaad muddo 25-cisho ah oo ka bilaabaneysay maalintii shalay aheyd oo taariikhdu ku beegneyd 26-ka April 2020-ka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aankaasi ay xukuumada Somaliland ku joojisay Qaadka/Jaadka ayaa weli deeegaanadeeda uga hirgelin si rasmiya, iyadoona uu qaadku sidiisi caadiga ah u yimid magaalooyin badan oo ay maamusho Somaliland. Dadka ka ganacsada Qaadka ayaa qaab ka duwan kii hore u soo galiyay Qaadka, iyadoona sidii caadiga ahaa lagu kala gadanayey goobihii hore loogu gadi jirey Qaadkaasi, iyada oo aysan waxba iska badalin sidii hore ee loo kala iibsan jiray. Shalay oo aheyd maalintii labaad oo uu dhaqan galayey Amarka lagu joojiyey Qaadka ayaa waxa magaalooyin badan oo kamid Somaliland soo galay Qaad ka badan kii hore u iman jiray, iyada oo loo kala qeybiyeyna Miisaskii hore loogu gadi jiray Qaadkaasi. Arrinta caajibka ah ayaa noqotay in qiimaha Qaadka la kala siisanayey uusan waxba iska badalin, iyada oo lagu kala gadanayey qiimihii hore ee ka hor inta ay xukuumadu soo saarin amarka lagu joojinayo Qaadka, oo la aaminsan-yahay inuu yahay masiibo horseedi kara faafitaanka caabuqa Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid aan awood u laheyn joojinta Qaadka qaababka kala duwan kusoo gala magaalooyinkeeda ee weliba lagu dhex iibinayo sidii caadiga ahaa, balse ay ku dhiiratay oo keliya aawooda ku dhawaaqista Amar ka dhan ah Qaadka, iyada oo arrinkaasina hore u shaacisay. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Qaadka sidiisi caadiga ah loogu dhex iibiyo magaalooyinka, iyada oo wax talaabo ah aysan ka qaadeyn ciidamadu, haddana waxa loo badaniya in xukuumadu aysan qorshe adag ka dhigan Qaadka qaabab ka duwan sidii hore loo soo galinayo deegaanadeeda. Waxaana xusid mudan in Xukuumadu ay digniin kaliya oo fulin la socon ay u dirtay ganacsatada qaababka kala duwan ku keena Qaadka, iyaga oo si caadiya ugu iibinaya goobihii ay hore ugu iibin jireen.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay tiro dad ah oo looga shakiyey cudurka Coronavirus la dhigay isbitaalka magaalada Baraawe ee gobolkaasi. Agaasimaha isbitaalkaasi Dr. Cabdulaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadkaasi oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ay qaabileen lagu arkay caalamado aad u eg, kuwa uu leeyahay xanuunka COVID-19. Dhaqtar Nuuraane ayaa xaqiijiyey in hal qof oo ka mid ah dadkaas uu ku geeriyooday isbitaalka, islamarkaana ay arrintaas sii kordhisay walaaca ay ka qabaan cudurka Coronavirus, isago oo sheegey in maalin walibo ay qaabilaan dad gaaraya 25 illaa 30 qof. Sidoo kale agaasimaha isbitaalka magaalada Baraawe oo hadalkiisa si wata ayaa shaaciyey in aysan heysan qalabkii loogu talagalay xakameynata cudurka Covid-19. Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah. Qeylo dhaantaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu haatan dalka ku sii baahayo cudurka Coronavirus, kaas oo kiisaska la xaqiijiyey ay gaarayaan ku dhowaad 500 oo qof. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Baraawe.mp3
-
Popular Contributors
