Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. With global fear mounting as the COVID-19 pandemic is taking its toll all over the world, vulnerable Ethiopian migrants in the Middle East, where some 220,000 live, are facing deportation in the remaining months of 2020 Source: Hiiraan Online
  2. Shirka guddiga qaran ee xakameynta cudurka Covid-19 oo uu xalay shir guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray saameynta dhaqaale ee uu dalka ku yeeshay xanuunka oo ku sii faafayo Somalia. Inta uu socday shirka oo ahaa mid dhanka Internet-ka ah ayaa lagu soo qaaday, sida ugu haboon ee loo wajihi karo saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Coronavirus. “Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo.” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia. Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof. View the full article
  3. Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb, Dhamme Burhaan Axmed oo xalay saq-dhexe shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaaladaasi ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, isaga oo sababta ku sheegay in faro-gelin qaawan lagu sameeyey shaqadiisa. Burhaan ayaa tilmaamay in laba jeer xabsiga laga sii daayey eedeysanayaal uu soo xiray, islamarkaana lagu hayey baaritaan ku aadan inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, wuxuuna xusay in mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay ku lug leeyihiin arrintaasi Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu gartay in xilka uu baneeyo, si aysan dhibaato kale u imaan inta uu joogo taliska. Dhamme Burhaan oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa xilkaan hayey mudo yar, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug .oo ku aadan is-casilaadiisa. View the full article
  4. Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland, Mudane Cumar Cabdullaahi Cali (Bade) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaciyey kiisas cusub oo Coronavirus ah. Wasiir Bade ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay xanuunka laga helay 11 qof, kadib baaris lagu sameeyey, isagoo sidoo kale xaqiijiyey hal dhimasho ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkaasi ay kala joogaan magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaasi. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shacabka ka dalbaday inay qaataan talooyinka caafimaadka, si looga hortago fidista cudurka Covid-19. View the full article
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-09052020-ww.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Xali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka. Khayre ayaa guddiga kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo xakameeyo fidista Fayraska Corona. Dhinaca kale waxaa intii uu shirka socday lagu soo qaaday saameynta dhaqaale ee uu bulshada ku yeeshay Covid-19 iyo sida loo wajahayo, xilli dalka uu ku jiro xaalad adag. “Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo.” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre. Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.
  7. Beirut – Saudi authorities detained Prince Faisal bin Abdullah Al Saud, a son of the late King Abdullah and former head of the Saudi Red Crescent Society, on March 27, 2020 and have since apparently held him incommunicado, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
  8. Taliyihii Booliiska magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi, kadib markii sida uu sheegay u cadaadis iyo caga-juglayn kala kulmay mas’uuliyiin isaga ka sarraysay. Dhamme. Burhaan Axmed Rooble, oo xilka loo magacaabay 20 February 2020, ayaa sheegay in uu is casilay xalay oo taariikhdu ku beegnayd 8-dii May 2020, kadib markii uu cabasho ka muujiyay cadaadis uu kala kulmay mas’uuliyiin sare oo uusan magacaabin. Dhamme Rooble, ayaa sheegay in marar kala duwan lagu amray in uu sii daayo dad looga shakisanaa Al-shabaab iyo shabakado kale oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo mas’uuliyiin isaga ka sarraysay ay amartay sii dayntooda, islamarkaana isaga laftiisa cadaadis iyo caga-juglayn lagu sameeyay. Sidoo kale, wuxuu si faahfaahsan u soo bandhigay dhacdooyinka kala duwan oo uu la kulmay mudadii xil-hayntiisa, kuwaas oo lagu amray in uu sii daayo dad ku eedaysan Al-shabaabnimo oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Taliyihi Booliiska Dhusamareeb oo shaaciyay sababta uu isu casilay appeared first on Puntland Post.
  9. Warbixin loo diray Xafiiska Kakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsanayn Hawlgalka AMISOM ay soo rideen, diyaaraddii African Express ee 4-April 2020 ku burburtay degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Warbixintan oo uu diray Taliska Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM, ayaa lagu sheeegay in diyaaradda la soo riday aysan wax xiriir ah ka heysan Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh degmada Bardaale, balse soo wargelisay Qeybta 3aad Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM). Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay, in markii diyaarad ay imaanayso Bardaale ay caadiyan ka timaaddo dhanka Bari una caga-dhigato dhanka Galbeed, balse diyaaraddaas ay dhanka Galbeed ka soo duushay, islamarkaana mudda ku dul wareegtay xero milateri oo halkaas ku taalla, kadib markii caguhu u bixi waayeen, sidaas darteedna looga shakiyay. Sidoo kale, warbixinta ayaa intaas ku dartay, in kadib markii diyaaraddu ay sameysay dhaq dhaqaaqyo badan in looga shakiyay in ay is qarxiso, ayna isku dayeysay in ay raadsato bartilmaameedka xeradaasi ciidan, kadibna ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM, islamarkaana ay ku dhinteen saddex muwaadin oo Kenyan ah iyo laba muwaadin oo Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso warbixinta PUNTLAND POST The post Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM oo la xaqiijiyay in ay soo rideen diyaaradii African Express appeared first on Puntland Post.
  10. Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ee laga soo doorto Degmada Cadaado ayaa shalay booqday Degaanka Qalaanqale oo dhowaan dagaallo ku dhex mareen laba beelood oo halkaasi wada deggan. Xildhibaanadaas ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee la kala dhex dhigay Labada Malaysiya-beeleed kuwaas oo ay kala hadleen Nabadaynta Degaanka. Sidoo kale waxa ay Degaanka Xinjilab kula kulmeen Odayaasha dhaqanka Waxayna ku boorriyeen in ay Bulshada ku wacyi geliyaan Nabadda iyo Walaalnimada islamarkaana Ciidamada ku gacan-siiyaan ka shaqaynta Amniga. Degaanka Qalaanqale ee Xildhibaannadu booqdeen oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa dhowaan dagaallo culus ku dhexmareen laba Malayshiya beeleed oo halkaas wada deggan waxaana kala dhex galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Galmudug. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo gaaray Degaano ay ku dagaalameen Laba Beelood appeared first on Puntland Post.
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Taliyihii ciidanka Booliiska Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, isagoo sababeeyey is-casilaadiisa. Dhamme Burhaan Axmed oo horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda federaalka ku biiray ayaa xlkaas loo magacaabay 22-kii bishii Febraayo ee sanadkan, balse haatan ayuu isku casilay faragelin uu ka tirsanayo saraakiisha ka sareysa ee booliska Soomaaliya. Sarkaalkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragelin cad lagu sameeyay shaqadiisa, isla markaana dad lagu eedeyey Shabaabnimo oo ku xirnaa saldhigga Dhuusamareeb oo baaritaano ku socdaan laba jeer laga fakiyey. ”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafayo, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, waxaana ninkaas markii lasii daayey loo fakiyey dhanka Cadaado” ayuu yiri Taliyaha is-casilay ee booliska magaalada Dhuusamareeb. Taliye Burhaan ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo madaxda ka sareysa ee booliska Soomaaliya ka dalbaday in xilkan loo soo magacaabo sarkaal kale.
  12. Kenya’s Ministry of Agriculture, Livestock, Fisheries and Cooperatives on Friday closed open-air livestock markets along the borders with Somalia and Tanzania to prevent the spread of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU (Reuters) - In makeshift metal homes in a camp in Mogadishu, women wrapped in brightly patterned scarves are making savoury pastries and mixing flour for flatbreads. Source: Hiiraan Online
  14. Abdulsalam Farah hopes to follow in the footsteps of his hero and namesake Mo Farah and become a champion long distance runner. Source: Hiiraan Online
  15. NAIROBI - The International Crisis Group said the coronavirus poses the threat of a political crisis to Somalia as the country heads toward its scheduled November election. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee maamulkaas. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda Cudurka ee dalka oo kiisas kala duwan laga helay iyo sidii Guddiga COVID-19 ee u qaabilsan Hirshabeelle u sameeyn lahayeen wacyi-gelin joogta. Xubno ka tirsan Guddiga ayaa kulanka ka sheegay in faafida Cudurka looga hortego dadaal la sameeyo ayna dadka qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, isla markaaana si wadajir la isaga kaashado ka hortegiisa. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Cudurka uu yahay xaalad khatar oo aan la hayn daawo isagoo Guddiga COVID-19 ee Hirshabeelle kula dardaarmay in ay sidii wadaan dadaalada ka hortaga xanuunka. Sidoo kale shacabka ayuu Madaxweyne Waare ugu baaqay in ay qaatan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta Caafimaadka, si looga hortego faafida Cudurka maadaama dalka laga diiwaan-geliyay kiisas badan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay Guddiga ka hortagga COVID-19 ee Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin loo diray wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa lagu xaqiijiyey in ciidamo Itoobiyan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay soo rideen diyaaraddii shirkadda African Express ee afartii bishan ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Qoraalkan, oo uu diray taliyaha ciidamada Amisom, ayaa lagu sheegay in diyaaradda lasoo riday kadib markii laga shakiyey inay fulin lahayd weerar is-miidaamin ah, ayna isku dayeysay inay hesho bartilmaameed. Sababta shakiga ayaa lagu sheegay in caadiyaan marka diyaaradda ay kasoo degeyso garoonak Bardaale ay jihada cago dhigashadeedu tahay Bari-Galbeed, balse diyaaradda ay ka imaneysay jihada Galbeed-Bari, taasina ay tahay sababta ay ciidanka u shakiyeen. “Xiriir la’aan iyo wada-shaqeyn la’aan darteed ayaa lasoo riday diyaaradda, waxaana ku dhintay saddex qof oo Kenyan ah iyo laba qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Amisom ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in maadaama ciidanka diyaaradda soo riday ee Itoobiya aysan ka mid ahayn Amisom, loo baahan yahay baaritaan dheeri ah oo ay si wadajir ah u sameeyaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya si faham dheeri ah looga helo xaqiiqda waxa dhacay.
  18. Mareykanka oo Dalka Sacuudiga kala baxaya Gantaallo iyo ciidan looga difaaci jiray Iran Maraykanka ayaa dalka Sucuudi Carabiya kala baxaya afar ka mid ah habka difaaca gantaalaha ee loo yaqaan Patriot iyo tobaneeyo ciidan ah xilli xiisadda kala dhaxaysa Iran ay meel sare marayso, sida uu daabacay Wargeyska Wall Street Journal. Qalabkaan militari waxaa Boqortooyadda Sucuudiga la geeyay dabayaaqadii bishii September ee sanadkii hore kadib markii gantaalo iyo drones lagu weeraray warshadaha shidaalka Sucuudiga ee Abqaiq iyo Khurais. Weeraradii lagu qaaday warshadaha saliida Sucuudiga ee Aramco waxay bur-buriyeen 5.7 million oo barmiil ee saliida ceeriin oo ay maalin walba warshaduhu soo saari jireen, taasi oo ah qiyaastii 6 boqolkiiba wax soo saarka saliidda caalamka, waxayna sababeen in uu kor u kaco qiimaha shidaalka. Kooxda xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalanta ayaa sheegtay masuuliyadda weeradda, laakiin Sucuudiga iyo Maraykanku waxay ku eedeeyeen Iran, xukuumadda Tahran ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha loo jeediyay. Warbixin lasoo dusiyay oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegeeysa in baareyaashu aysan weeradda drone-ka iyo gantaalaha la xiriirin karin in ay ka yimaadeen Iran. Wargeyska Wall Street Journal ayaa Khamiistii wariyay in saraakiisha qaar ay rumeysan yihiin in ka bixitaanka Maraykanku uu ku saley sanyahay “in aysan Iran khatar deg-deg ah ku ahayn danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka.” Wargeysku waxaa uu sheegay in la bixista difaaca gantaalaha ay wehliyaan tobanaan ciidan militari ah, Maraykankuna uu sidoo kale tixgelinayo in uu yareeyo joogitaanka ciidankiisa badda ee gacanka. Saraakiil Maraykan ah ayaa walaac ka muujiyay in yareynta joogitaanka militari-ga ee gobolka ay keeni karto khatar cusub oo ka timaada Iran, iyadoo weli uu jiro cadaadiska dhaqaale ee Maamulka Trump uu ku hayo xukuumadda Tehran. Qaar kale waxay leeyihiin qalabka militari-ga ee ay ka mid yihiin maraakiibta dagaalka iyo hubka waa in meel kale looga faa’iideysto. Sida ay saraakiishaasi sheegeen, Gaashaandhigga Maraykanka waxaa uu hadda diiradda saarayaa in uu ka hortago saameynta militariga Shiinaha ee ku fideysa Asia. Iran waxaa ay leedahay awooda gantaal ee balaastiga iyo Kuruuska ah ee ugu weyn Bariga Dhexe waana ay ka awood badanyihiin nidaam kasta ee difaac ee Sucuudigu leeyahay. Qaran News
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqa Qaran ee Amxaarada Itoobiya, National Movement of Amhara (NAMA) ayaa la saftay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo ay ishayaan mucaaradka dalkaas, gaar ahaan qowmiyadda Tigrayga. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. NaMa ayaa sheegay inaysan xal ahayn in marka dowladda Abiy Ahmed waqtigeedu dhamaado bisha September la aas-aaso dowlad cusub oo KMG ah inta doorashooyinka dalka laga qabanayo, taasi oo mucaaradka ay dalbadeen. NaMa ayaa sheegay in xalka ugu wanaagsan uu yahay in dowladda hadda jirta ay xukunka sii hayso, illaa doorahsooyinka xiga laga qabanayo, islamarkaana ay hogaamiso xilliga kala-guurka. “In la eego danta fog ee dadka waa waxa ugu wanaagsan, intii la raadin lahaa dano siyaasadeed oo muddo gaaban ah, waxaana ku baaqeynaa wada-hadal, dhex-dhexaadin iyo dib u heshiiisin,” ayuu yiri Golaha NaMa, oo bayaan soo saaray. NaMa ayaa ugu baaqay dowladda inay isku diyaariso inay difacado nabada iyo ammaanka dalka. Nama ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ururka Tigrayga ee TPLF, oo ay ugu yeereen “xoogag laga guuleystay oo doonaya inay dib usoo celiyaan caburintii dadka.” Amxaarada iyo Tigrayga Itoobiya ayaa aad isku neceb sababo la xiriira in Tigrayga oo uu hoggaaminayey Meles Zenawi ay xukunka ka tureen Mengistu Haile Mariam oo Amxaaro ahaa.
  20. Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayay baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kalsoonida 18-ka bishan May, xilli uu ku howlanaa la tacaalidda coronavirus tan iyo markii uu noqday madaxa isbahaysiga cusub ee haatan talada haya laba bilood ka hor. Mooshinka soo jeedinaya in codka kalsoonida loo qaado ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey Mahathir Mohamad, oo ah 94 jir iska casilay xilka ra’iisulwasaarenimo bishii February, ka dib markii isbahaysigii uu hogaaminayay uu burburay. Muhyiddin, oo ahaan jiray mid ka mid ah dadka uu Mahathir aadka ugu kalsoonaa ayaa 1-dii March loo dhaariyey xilka ra’iisulwasaarenimo, ka dib markii uu noqday madaxa isbahaysi ay ku midoobeen axsaabta qowmiyadda Malay oo aqlabiyad yar ku hogaaminaya baarlamaanka dalkaasi, taasi oo ah 116 xubnood oo ka mid ah 222-ka kursi ee baarlamaanka. Muhyiddin ayaa bishii March waxa uu dib ugu dhigay bilaabashada howlaha baarlamaanka ilaa muddo laba bilood ah, xilli ay xubnaha mucaaradku ay riixayeen olole ka dhan ah xukuumaddiisa cusub. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo codka Kalsoonida loo qaadayo appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qabruurihi hore ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inuu buuxsamay, oo haatan dadka lagu aaso qabuuro cusub, xilli dad badan ay magaalada ku dhimanayaan ayada oo cudurka Coronavirus uu aad usii fidayo. Ilaa hadda ma cadda inta ay la’eg tahay tirada dadka Muqdisho dhexdeeda Coronavirus ugu dhimanaya, laakiin dadka xabaalahan joogo ayaa BBC u sheegay inuu korar ku yimid qabriyada ay qodaan iyaga oo sheegay iney maalinkasta qodaan ilaa 20 qabri. Afar qoys oo mid walba uu qof ka dhintay ayaana qabuuraha joogay, wajiyadooda murugo ayaa ka muuqatay, waxay waayeen xubin qoyskooda ka tirsan oo aan dib ugu soo noqoneyn. “Sidaad ogtihiinba markii hore ilaa iyo 450 qabri iyo wax ka agdhow ayay qabuuraha ahaan jireen laakiin bishan 558 ayey ahaayeen marka 100 baa ku korortay, waa bishi la soo dhaafay ee afaraad taasoo macnaheedu yahay maalin walba 3-4 qof ku dhawaad oo siyaada ah ayaa halkan la keenayey. Marka dadweynihi oo xawaalaha loo soo dahweeyey wey noqon kartaa dhibka jirana qayb ayuu ka yahay taa lama inkiri karo” ayuu yiri guddoomiaha qabuuraha barakaat Cali Wehliye. Cudurka COVID19 wuxuu ku faafay gobollada dallka oo dhan, dadka caafimaadka ka shaqeeya ayaana dagaal kula jira xanuunkan laakiinse Soomaalia malahan awood kaga hortagto ama ay kula socoto tirada saxda ah ee xanuunkan, waxaanay sidoo kale lahayn adeegyo caafimaad oo awood u leh dawaynta dadka uu xanuunka uu soo rito. Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney dad 40 qof ka badan ay u geeriyoodeen xanuunka corona. Laakin duqa magaalada muqdisho ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay maamulka gobolka diiwaan galiyeen 500 oo dhimasho, tiradaan ayaa aad uga badan intii hore u dhiman jirtay waxuuna u badiyay inay covid-19 u dhinteen dadka geeriyooday. “Waxaan soo billaawnay inaan gudbinno tirada meyd ee qabuuraha la geeyo maalin walba 19-ka Apriil ilaa iyo caawa warbixintaasi waa gudbinnay. Maanta 32 meyd ayaa la soo aasay, tiradi ugu badneed oo aan gudbinno maalin qur ah waxay ahayd 49, tirada ugu yareyd oo aan gudbinnayna waxay ahayd 22” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxammed (Cumar finish). Xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala magaalada Muqdihso ayaa duqa magaalada badi ku raacsan hadalkiisa, ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaana ka digay in ay dad badan ay fayraska corona ugu dhiman doonaan Soomaliaya, hadii aanay Soomaaliya caawinaad helinna ay xaalad xun gali karto Cudurka Safmarka covid-19 waxuu saameeyey mid ka mid ah adeegyada caafimaad ee ugu liita adduunka. Soomaaliya waxay leedahay wax ka yar 20 sariirood oo daryeelka degdegga ah, waxaana aad ugu yar qalabka neefta ee ventilator loo yaqaanno waxay sidoo kale leedahay hal isbitaal dawladeed oo la tacaalo bukaanka Covid-19. Xaaladda ayaana si aad ah gacanta uga sii baxaysa xakameynteeduna ay adkaan doontaa hadii aan degdeg wax looga qaban. Xigasho: BBC Somali
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ee Covid-19 ayaa shaacisay kiisas cusub. Agaasimaha wasaaradda caafimaadka maamulkaasi, Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbixintaan la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in xanuunka laga helay illaa 11 qof oo hor leh, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey. Sidoo kale agaasimaha ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah dadkaasi uu geeriyooday, kaas oo noqday qofkii afaraad ee Coronavirus ugu geeriyooda Somaliland. Xergeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka la karantiilay, islamarkaana ay gaartay 64-ruux, kuwaas oo badankood ka yimid dhinaca Jabuuti. Waxa kale oo uu tilmaamay in dadka uu soo ritay xanuunka ay u badan yihiin rag, islamarkaana ay gaarayaan 70%, halka dumarka ay yihiin 30%. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanada Somaliland inay qaataan talooyinka caafimaadka, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah. Shalay ayey aheyd markii Somaliland laga diiwaan-geliyey kiisas la mid ah kuwa maanta oo gaarayey illaa 11 qof, kuwaas oo kala jooga magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Tirada guud ee deegaanada maamulka Somaliland ee Covid-19 ayaa haatan mareysa illaa 34 Qof, iyadoona dhimashadu ay sii cagacageyneyso illaa 4 ruux.
  23. Burhaan Axmed Rooble oo ahaa Taliyaha Booliska Dhuusamareeb ayaa Caawa iska Casilay Xilkii hayay, isagoo sheegay inuu Shaqadiisa ka wadiwaayay Dad uusan magacaabin. Taliyuhu wuxuu [...] Source
  24. Diyaaradii kusoo dhacday Bardaale ayaa Baaritaan ay sameeyeen Taliska Ciidanka Amisom waxay sheegeen in Diyaarada lasoo ridey. Warbixin ay Amisom soo saareen ayay ku sheegeen [...] Source