Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-290420.mp3 View the full article
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay daadadkii xooganaa ee ku rogmaday magaalada Qardho ee Puntland. Ugu horreyn Waare ayaa ka tacsiyeeyey dadkii shacabka ah ee ay waxyeelada ka soo gaartay daadadkaasi oo ka dhashay roobab ka da’ay halkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha HirShabelle ayaa amray guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay si deg deg ah ula shaqeeyaan guddiyada gurmadka HirShabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho. “Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Ugu dambeyn wuxuu ku amaanay madaxda maamulka Puntland sida deg-dega ah ee ay ugu gurmadeen qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadkaasi, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida shacab iyo dowlad in ay horseed u tahay ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira , isagoona Madaxweyne Siciid Deni kubogaadiyay isku duubnidaas. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan gurmad aan kala go’ laheyn oo ay qeyb ka tahay dowladda dhexe loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
  3. The Monday walkout protested the lack of transparency around COVID-19 cases at the plant and preventive measures to protect workers. The company says it is doing all it can. Source: Hiiraan Online
  4. Key point: Iraq was working on nuclear weapons and no one appeared willing to stop them. So Israel stepped in and did the world a big favor. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u habeen lagu sameeyay goobihii ay bur buriyeen dadkii Sabtidii todobaadkaan Banaabaxa ka dhigay Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay dil ay geesteen booliska Soomaaliya. Dhalinyaro la sheegay inay is xilqaameen, oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, ayaa dib u habeen ku sameeyay boorkii Madaxweynaha ee la dejiyay iyo goobihii kale ee ku bur buray banaanbaxa iyagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin howsha ay qabteen. Caasimada Online ayaa ogaatay in qaar ka mid ah dhalinyarada howshaan ay qabtay ay ka tirsan yihiin shaqaale hoosaadka Villa Somalia ayna ku qaateen lacago kumanaan doolar ah. Mashruuca howshaan oo ay sameeyeen koox agaasimiyaal ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa lagu dallacday lacag aad uga badan howsha la qabtay waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qiimaha lacagtaas. Laba xog oo aan helnay ayaa sheegeysa in lacag gaareysa 20,000$ oo doolar ah lagu dalacday qabashada howshaan, halka xogta kale ay sheegeyso in lagu dalacday ama la gudbiyay in shaqadaan lagu qabtay 15,000$ oo doolar. Lacagtan ayaa isugu jirta mid ku baxday qalabka iyo sawiradda, mid la siiyey dadkii howsha qabanaya iyo mid ay qaadanayaan dadka wax dul-saarka lacagta ee soo dhameeyey. Arintaan ayaa u muuqato in dowladu ay ku mashquushay boorarkii Madaxweynaha iyadoo ay dalka ka jiraan Covid-19, shaqo la’aan iyo daadad ay dad ku dhinteen waxaana aad caawa looga hadal haayaa baraha Bulshada ee Internate-ka. Madaxweyne Farmaajo ayaa caan ku ah inuu aad u jecel yahay ammaanka, una dulqaadin karin wax yar oo uu u arko in magaciisa lagu wiiqayo. Boorarkii lagu burburiyey mudaaharaadkii Sabtidii ayaa la sheegay in madaxweynaha ka carrooday, una dareemay Sharaf dil lagu sameeyey.
  6. Djibouti on Tuesday reported 37 new COVID-19 cases taking the total number of cases in the country to 1,072. Source: Hiiraan Online
  7. Coronavirus Ma laga qaadi karaa qof dhintay? Iyada oo la raacayo cabirrada waajibka ah, waxaa wanaag ah in dadka dhintay la siiyo macsalaameyn sharaf leh, isla sida oo kalena laga fogaado is-qaadsiinta Dunida oo dhan, Covid-19 waxa uu kaga tegayaa muuqaallo foolxun, oo ah dad dhintay kuwaas oo ehelkii jeclaa ee la murugoon lahaa aaskoodu aysan u soo dhawaan doonin. Sawirradaasi keliya cabsi kama bixinayaan xaaladda kuwa dhintay, laakiin sidoo kale dhimashada lafteeda ayay ka bixinayaan. Waxaana cabsidaas ka mid ah, laga qabaa in meydka qofka dhintay u faafin karo xanuunkani. Kolkaas, meydku ma gudbin karaa Covid-19? Ma aaminbaa in laga qaybgalaa aaskooda? meydka laf ahaantiisa m in la aasaa mise waa in la gubo? Halkan kaga bogo waxa aannu ognahay. Jidhka qofka dhintay ma sii gudbin karaa Covid-19? WHO waxay sheegtay dadka meydka qaadayaa waa inay xidhaan qalabka difaaca jidhka. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), illaa inta taxadarka lagama maarmaanka ah la qaadayo, majirto sabab looga baqdo Covid-19 in uu faafin karo meydku. Fayraska ‘Sars-CoV-2’, oo mas’uul ka ah cudurka, ayaa inta badan laga qaadaa dhibcaha ay sii daayaan bini’aadamka, tusaale ahaan marka la hadlayo, hindhiso ama la qufaco. Si kastaba ha noqotee, waxay ku noolaan kartaa ilaa maalmo dhowr ah meelaha dusha adag. William Adu-Krow, afayeen u hadlay Urur Caafimaadka oo Maraykana ah loona yaqaan (PAHO / WHO), ayaa sheegay in ilaa iyo hada, aysan jirin wax cadeyn ah oo ah in maydadka dadka u gudbinaya feyraskan, Feyrasku jidh qofka ma ku negaan karaa? Waa in maydka weli la isaga ilaaliyaa si taxaddar leh. “Marka aynu sidaas leennahay, kama dhigna inaan feyraskani la is qaadsiinayn, waayo, mararka qaar waxaabad jeceshahay inaad dhunkato qofkaas, ama wax la hal maala oo kale, sida darteed waa inaynu weli sii joogtaynaa iska ilaalintii iyo is xakamayntii’ ayay ku dareen khubaradu. Talooyinka WHO ay faafisay bishii Maarso ayaa lagu sheegay “marka laga reebo xaaladaha xanuunnada lagu magacaabo ‘haemorrhagic fevers’ oo ay ka mid yihiin (sida Ebola, Marburg) iyo daacuunka, maydadku guud ahaan ma aha xanuun gudbye. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionAaska ayaa la joojiyey waddamo badan, qaana waxaaba la yareeyey dadka ka qayb gelaya. Meelaha qaar, tirada muuqata ee dhimashada ah ee la xidhiidha’Covid-19′ ayaa horseeday qalalaase ka dhacay shirkadihii aaska. iyadoo in la raaco tilmaamahi ahaa kala fogaanta bulshada, aaska ayaa laga mamnuucay dalal dhowr ah. Qaar kale wali way oggol yihiin, laakiin imaanshaha dadka ayaa xaddidan. WHO waxay leedahay qoyska iyo asxaabta qofka dhintay waa ay daawan karaan aaska, illaa iyo inta ay ilaalinayaan xaddidaadaha qaarkood. “Ma aha inay taabtaan ama dhunkadaan jidhka waana inay gacmahooda si buuxda ugu maydhaan saabuun iyo biyo ka dib daawashada, waa inay jidh ahaan ka fogaadaan fogaan gaadhsiisan ugu yaran 1m” sidaas ayay tilmaamuhu sheegayaan. Dadka habdhiska neefsashada wax ka dareemaana, yaysan ka qaybgelin ama ugu yaraan waa in ay xidhaan maaskarka wajiga si looga hortago faafintaanka, ayay raaciyeen Sida oo kale, carruurta, dadka waaweyn ee da’doodu ka weyn tahay 60 sano waa inaysan falgal toos ah la yeelan jidhka qofkaasi. Meydka ma la aasi karaa, ma se waa la gubayaa? Muuqaal sare oo ah xabaale ku yaal magaalo ka tirsan Brasil, oo ah kuwo ugu daran ee laga dhintay dalkaasii. WHO waxa ay sida oo kaloo sheegtey in aasitaanka iyo gubbidduba ay labaduba yihiin wax la aqbali karo. Waxaa jirta sheeko xariiro, sheegaysa in dadka u dhinta xannuunta isaga gudba dadka, ay tahay in maydkooda la gubo, tani dhab ma aha. Gubitaanku waa dhaqan gaar ahaaneed ama waa sida ay ciddaasi u karaan. Kuwa u xilsaaran budhigidda maydka – tusaale ahaan, marka la dhigayo qabriga, waa inay xidhaan galoofyada gacmaha, si buuxdana gacmahooda u maydhaan ka hor iyo ka dibba, isla mar ahaantaan tuuraan galoofyadaas. WHO waxay leedahay “sharafta dadka dhintay, dhaqankooda iyo diintooda, iyo qoysaskooda waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyaa mar kasta”. Laakiin markii cabsidani faaftay, waxay caddaysay in xaaladdu ku adkaatay qaybo badan oo ka mida adduunka. Dad feyraska looga shakisanaa oo lagu aasayey Istanbul. WHO waxay sheegta in maydka xushmad loo muujiyo. Meel kale, sawirro xabaalo wadareedyo ah oo ku yaal New York, magaalada Baraasiil ee Manaus ama Istanbul ayaa ka mid ahaa aasaskii warbaahinta aad u qabsaday. Laakiin xaqiiqada dhabta ah ee dhimashada waqtiga coronavirus waa inaysan marin habkii loo aasi jirey dadka dhintay looguna samayn jirey sagootin sharaf leh, ayay WHO tidhi – waxay sheegtay in loo oggolaado in dadku dadka ay jeceyl yihiin si wacan ula murgoodaan. “Maamulladu waa in ay ku maareeyaan xaalad kasta xaalad ahaanteeda, oo isku dheellitiraan xuquuqda qoyska, baahida loo qabo in la baadho sababta dhimashada, iyo halista la kulanka cudurka, “ayay tidhi hay’addu. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad sir ah oo kasoo baxday Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac looga muujiyey “inuu xiriir ka dhaxeeyo” NISA iyo xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab, waxayna madashu dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hoggaanka hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. Qoraalka Madasha oo lagu socod siiyey Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul waaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa lagu yiri, “Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”. “Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas oo dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka Madasha. Hoos ka aqriso qoraalka Madasha oo dhameystiran Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ku: Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ku: Ra’isulwaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ku: Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan dhacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas o”dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed. Madashu markay aragtay xogahaan halista ku ah amniga iyo jiritaanka Qaranka, markay dib u eegtay dhacdaooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay sida dilkii Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii caasimadda, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow (AU) iyo masuuliyiin kale. Madashu markay u kuurgashay hab-dhaqanka hoggaanka Hay’adda (NISA) waxay ku qanacday in xogahan aan la dhayalsan karin. Hadaba, si loo xoojiyo kalsoonidii Umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ay ku qabeen Hay’adda (NISA), loogana saaro welwelka iyo walaaca taageerayaasha Dowladda Soomaaliyeed Madasha Xisbiyada Qaran waxay dalbaneysaa: In baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekaysiga taliyaasha labada aag ee Hay’adda (NISA) iyo Al-shabaab in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo dhamaystiran, si xaqiiqada jirta Ummadda loogu soo bandhigo. In warbaahinta iyo baraha bulshada ee rasmiga ah ee Hay’adda (NISA) aan loo isticmaalin meel lagu fushado dano gaar ah laguna marin habaabiyo ra’yiga Shacabka, isla markaana lagu buunbuuniyo xubno katirsan Al-shabaab iyadoo laga leeyahay dano khaas ah. In hoggaanka Hay’adda (NISA) laga fogeeyo siyaasiyiinta leh ujeeddooyin siyaasadeed loona dhiibo farsamo yaqaanno ku xeel dheer sirdoonka iyo amniga Qaranka. Madashu waxay aad uga xuntahay in ciidamadii iyo saraakiishii Hay’adda (NISA) ee u carbisnaa nabadsugidda iyo sirdoonka laga sifeeyay Hey’adda, hoggaankeediina gacanta loo geliyay shaqsiyaad leh ujeeddooyin siyaasadeed taas oo keentay in Hay’addu ay ka habowdo shaqadeedi Ugudanbayn Madashu waxay caddaynaysaa in warqaddii ku taariikhysnayd (17/04/2020) ee Dowladdu ugu jawaabtay warbaahinta Dalka Kenya inaysan ahayn jawaab ku filan Ummadda Soomaaliyeed iyo taageerayaasheeda Caalamka. =Dhammaad=
  9. Haweenaydii u doonaneyd Weriye Khashoggi oo ku baaqday in Sacuudiga laga horistaago iibsiga Kooxda Newcastle Hatice Cengiz ayaa ku baaqaysa in sacuudiga laga horistaago la wareegida Newcastle Gabadhii u doonneyd saxafigii la dilay Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday ugu baaqday horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United. Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul . Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan. Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo dhaxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan. Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u doonaneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga horistaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi. Maxaan ka ognahay la wareegidda Newcastle ee Sacuudiga? Mike Ashley ayaa ahaa milkiilaha Newcastle tan iyo 2007 islamarkana waxa uu 2017 shaaciyay in uu doonayo in kooxda uu iska iibiyo. La wareegidda la soo jeediyay ee Sacuudiga uu kooxda la wareegayo ayaa lagu qiimeeyay lacag dhan £300 milyan. Balse arrintan ayaa mar horaba sababtay muran ka dhashay. Sacuudiga ayaa waxaa ay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen in aysan wax ka qaban xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka. Waxaa sidoo kale Sacuudiga lagu eedeeyay inay sababta ay u doonayaan iibsiga kooxdan ay tahay inay doonayaan sare u qaadida sumcadooda iyaga oo maalgalinaya kooxaha waawayn ee dhanka kubadda cagta. Balse dhammaan eedeymahani waxaa beenisay xukuumadda boqortooyada Sacuudiga oo sheegtay inay doonayso in qaar badan oo dadkeeda ka mid ah ay ku lug yeeshaan ciyaaraha. Maxay sheegtay Ms Cengiz? Qareeno ka socda Ms Cengiz oo ah gabadhii u dooneyd Khashoggi ayaa warqad ay u qoreen horyaalka Premier League waxay-na ka dalbadeen in Sacuudiga laga horistaago in ay la wareegaan Newcastle. Waa in uusan boos ku yeelaan kubadda cagta Ingiriiska qof “qof ku lug lahaa ficiladaasi arxandarada ah “, ayaa lagu sheegay qoraalka lo gudbiyay horyaalka Ingiriiska Premier League. Qaran News
  10. Itoobiya: dad loo laayey aano qabiil Suuqa Baatii uu dilka ka dhacay Suuq weyn oo ku yaalla Deeganka Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay 5 qof oo hal beel ka soo wada jeeda. Guddoomiyaha degmada Baatii ee deegaanka Cafrta ee dadka lagu la dilay Maxamed Cabdi oo BBC u warramay wuxuu sheegay dadka la dilay iney ahaayeen dad suuqa ka adeeganayey oo shacab ah balse aana qabiil loo dilay. Wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay dadka la dilay dhammaantood iney ahaayeen dad ku noolaa degmada Baatii. Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 waxay sida oo kale ay dhaawacyo culus u geysteen 2 qof oo kale, oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka degmadaasi. Dilka oo ka dhacay suuqa bartankiisa waxa raggan loo laayey ayuu yiri Mr Maxamed aana qabiil oo u dhaxeysay qowmiyadda Cafarta iyo Qowmiyad kale oo uu dhawaan degmadu dagaal ku dhex maray. Ragga weerarka gestayna waxaa la sheegay iney ka socdeen qowmiyadda Cafarta. “Raggn waxaa loo dilay aano qabiil oo lala xiriiriyey dagaallo beeleedyo maalma ka hor dhacay balse ma jirin xaald taagan oo keeni karto in dad rayad ah oo aan colaadda qayb ka ahayn maalin cad meel suuq ah lagu dilo” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baatii Maxamed Cabdi. “Dagaalla beeledyada ayaa ka dhacay dhulka miyiga ee degmada Baatii balse suuqa uu dilka ka dhacay ayaa ah mid ay shacabka degmada oo dhan ay wada leeyihiin oo ay ka adeegtaan” ayuu yiri. Meydadka dadka shacabka ee la laayey waxaa goobta dilka uu ka dhacay ka soo saaray ciidamada gaashaandhiigga ee dowladda dhexe iyada oo dhammaan dadki dhintayna la aasay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid faldambiyeedkaasi ay booliska u soo qabteen, hase yeeshee ay maamulka degmada iyo hoggaanka ka sarreeya ee deegaanka Cafarta ay ka wada hadleen sidii dhibaatada dhacday wax looga qaban lahaa balse ay weli xal la taaban karo gaarin. BBC oo isku dayday iney xog intaa dheer ka raadiso maamulka sare ee deegaanka Cafarta lana xiriirtay xafiiska warfaafinta deegaankaasi wax jawaab ah kama aysan helin balse BBC si ay jawaab u hesho dadaalka ay mas’uuliyiinta deegaanka ku raadineyso wey sii wadeysaa. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xir xiray tobaneeyo ka mid ah dhalinyaradii ka qeyb gashay banaanbixii Sabtidii todobaadkaan ka dhacay Muqdisho. Dadka la xir xiray oo guryahooda lagala baxay ayaa ahaa dhamaantood kuwa ka soo muuqday baraha bulshada ee Internate-ka, islamarkaana jeediyey hadallo ka dhan ah madaxda dowladda, waxaana ku jira wiilkii soo dejiyay sawirka Madaxweynaha iyo qaar kale oo warbaahinta la hadlay. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa tobaneeyo kamid ah dadkii banaanbaxa ka qeyb galay ay guryahooda ka carareen kadib markii waqtiyo kala duwan laga raadiyay guryahooda. Taliska Booliska Soomaaliya ayaa dhalinyarada ay beegsadeen ee ku jiray banaanbaxa waxay ku sheegeen in ay ahaayeen rag hubeysan oo ku soo dhax dhuuntay banaanbaxayaasha, balse waxaa ku jira dad la yaqaano oo aan weligood hub qaadan, balse abaabulay banaanbixii dhacay Sabtidii. Markii taliska booliska ay soo saareen warqadda lagu sheegay in xubno hubeysan laga dhex qabtay dibad-baxyada ayaa dad badan ay ka digeen in tani ay tahay qiil loo sameynayo in beegsado abaabulayaasha dibad-baxyada, taasi oo hadda muuqata inay dhacday. Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada booliska Soomaaliya ay beegsadeen dhalinyaro badan oo hormuud u ahaa banaanbaxaas halka qaar kalane ay guryahooda ka careereen kadib markii ay heleen xog ku saabsan in la raadinayo. Dhalinyaro dharcad ah oo ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa la sheegay in ay dageen agagaarka guryaha dhalinyarada baxsadka ah si ay usoo qabtaan ama ay xog ku saabsan gudbiyaan waana arrin halis ku ah amaanka Muqdisho.
  12. Washington (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay u diyaar garoobeyso iney aqoonsato madaxbanaadida Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, oo ay dooneyso inay ku darsato dhulkeeda. Arrintan ayaa imaneysa ayadoo Washington ay isku diyaarineyso fulinta waxay ugu magac dareen “Heshiiskii Qarniga”, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump bishii Janaayo. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ku darista qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Yahuuda ay ku dhici doonto ayada Falastiiniyiinta loo yaboohayo dalnimosi waafaqsan shuruudaha gaarka u ah xaaladaha cabirka dhuleed iyo taageero dhaqaalaba. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in isku diyaarinta dalkiisa ee aqoonsiga Israel ugu darsaneyso dhulka ay heysato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ay noqon doonto mid ku xiran in Israel ay ogolaato in miiska wadahadalka la fariisato Falastiin, si waafaqsan aragtidii madaxweyne Trump. Bilowgii bishaan ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka ay siyaasada ku loolamayaan ee Benny Gantz ay gaareen heshiis u gogol xaarayo xukuumad lagu midoobay, iyo ku dhaqaaqidda qorshaha ku darsashada. Sidoo kale qorshaha wuxuu yahay in haddii Washington ogolaato, in ku darsashada loo bandhigo baarlamanka Yahuudda si ay ugu codeeyaan bisha July ee sanadkaan Waxay aheyd bishii Janaayo ee sanadkaan markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday wax uu ugu magac daray heshiiskii qarniga, ee lagu xalinayo khilaafka Israel iyo Falastiin u dhaxeeya. Qorshahan ayaa ahaa in ku dhawaad sadax meelood meel Israel la wareegto dhulka Daanta Galbeed, midaas badalkeedana ay aqoonsan doonaan dowlad Falastiin ah oo haysata dhul kala go’go’san, taasoo aanan awood u laheyn iney ayada maamulato xuduudaha iyo hawada wadankeedaba. In Daanta Galbeed ay la wareegaan Yahuuda waa mid aan sharci aheyn misna ka hor imaaneyso qaanuunka dowliga, ayadoo Falastiiniyiinta ay si adag uga hor imaadeen arrinkaan. Mareykanka ayaa tan iyo markii uu Trump la wareegay xilka ugu sareeya dalkaas banaanka soo dhigay siyaasadiisa ku wajahan khilaafka Falastiin iyo Israel, asigoona sanadkii 2017-dii magaalada Qudus u aqoonsaday iney tahay caasimada Israel, sidoo kalana sanadkii hore ayuu Yahuuda u aqoonsaday madax banaanidooda buuraha Golan ee ka tirsan dhulka Syria. Dhanka kale todobaadkii hore ayay Qaramada Midoobe iyo Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dowladaha ugu waaweynee yurub sida UK, France iyo Germany kaga digeen Israel iney dhulkeeda ku darsato qeybo kamid ah Daanta Galbeed. Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiyo Bariga Dhexe ayaa ku tilmaamay talaabooyinkan iney dharbaaxo kulul ku yihiin xalkii lagu waday in laga gaaro khilaafka labada dowladood.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejisay dawo iyo agab caafimaad oo qayb ka ah taageerada dowladdu ugu tala gashay in dowlad gobaleedyad looga caawiyo dagaalka ay ugu jiraan ka guuleysiga cudurka COVID-19. Dawada iyo agabka caafimaad ee Beydhabo laga dejiyay oo ay Muqdisho ka qaadeen xubna ka tirsan guddiga qaran ee kor tagga COVID-19 oo ay hoggaaminayeen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa lagu wareejiyay guddiga Koonfur Galbeed u xil saaran kahor tagga Feyruska Karoona. Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed, Maxamed Cusmaan Xaaji oo ka war bixiyay dawada iyo agabka caafimaad ee la gaarsiiyay ayaa dowladda uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga, waxuuna ballan qaaday inay habeen iyo maalin u taagnaan doonaan ka shaqeynta badbaadinta iyo bedqabka bulshada. Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurka dhaqsaha ku faafa ee COVID-19, ayaa dowlad gobaleedyada gacan ka siineysa sidii ay awood buuxda ugu yeelan lahaayeen la tacaalidda Feyruska Karoona. Dawada iyo alaabta shalay la gaarsiiyay Koonfur Galbeed ayaa waxa ay bilaaw u yihiin agab iyo dawooyin la gaarsiinayo dhammaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre.
  14. Qardho (PPM) — The torrential rains that caused floods in Qardho on Monday evening had resulted in displacement, loss of life and wealth. Puntland State Government has appointed a disaster response committee tasked to assess the damage wrought by floods. Since 1993 Qardho has been undergoing expansion spurred by population increase. Like other towns of Puntland State Qardho has benefitted from economic growth triggered by enterprising internally displaced people from Southern Somalia and other districts of Bari region before and after Qardho had become an adminstrative capital of Karkaar, a new region created by Puntland. Geographically Qardho is located between two watercourses (tog in Somali). A bridge spans over the watercourse between Qardho and Garowe districts. Rain water flows under the bridge. The distance between the bridge and Qardho safeguards the district against floods. The second watercourse runs through Qardho. A concrete watercourse (known as buundo jiif) able to withstand rainfloods has been on the road to Bosaso. Cars and Lorries wait for rainfloods to run their course before resuming a journey. Before the district expanded locals had left the watercourse unaffected by town planning. They knew building houses or offices along the watercourse was to put oneself at the mercy of roaring seasonal floods that meander through the semi-desert terrain of Bari region before flowing into the Indian Ocean. President Said Abdullahi Deni (second from right) visiting Qardho neighbourhoods affected by floods The watercourse in Qardho proved an ideal place to build houses, offices and business premises. Some businesses near the watercourse have built an annex along the watercourse while the area was becoming a much sought after spot for developers. Two factors have contributed to the devastating impact of rainfloods in Qardho. 1- The local government has failed to discharge its duty not to issue planning permits for an area known to be a natural watercourse for seasonal rain water. 2- Low rainfall for the last ten years has lulled locals into a false sense of security. Rainfloods did not cause damage of similar scale in the district before the watercourse had become a local neighbourhood of Qardho. Houses, schools, parks, business premises and the market built on the watercourse force rainfloods to bifurcate into two parts of the district. One part of floods affected a part of Qardho not too far from the watercourse. Houses diverted floods to other other neighbourhoods of Qardho. The second part of floods damaged most buildings built on what was once the district watercourse. The absence of disaster mitigation policy along with inadequate town planning had intensified the impact of rainfloods. While the impact of rainfloods on the neighbourhood of the watercourse was foreseeable, it was difficult to plan for the district-wide impact of floods. How lessons from the devastating rainfloods will inform planning and relocation decisions remains unclear. Allowing families and businesses affected by floods to return to the watercourse area is as dangerous as leaving the watercourse as it is now — clogged with properties and other amenities. Rainfloods will cause more displacement and loss of life as long as the one-time natural watercourse gets referred to as a Qardho neighbourhood . © Puntland Post Monthly, 2020 The post HOW INADEQUATE TOWN PLANNING INTENSIFIED IMPACT OF FLOODS IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii waxyeelada ka soo gaartay fatahaaddii roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday magaalada Qardho. “Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay” ayuu yiri Waare. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo gudoomiyaha gobalka shabeellada dhexe Axmed Mayre Makaraan waxa uu ku amray in ay si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu tala-galeen magaalada Qardho. Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa mas’uuliyiinta Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka sameeyeen Fatahaaddii saameysay shacabka Qardho. Madaxweynaha ayaa ku amaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan isagoo xusay in taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo ku amray gudoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ka qayb-qaatan gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga gurmad u magacaabay fatahaadii daadadka degmadda Qardho ee gobolka Karkaar, taas oo sababtay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Guddiga oo ka kooban 24 xubnood ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee dowladda, culimo, siyaasiyiin iyo ganacsato, waxayna kala yihiin. 1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) 2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga 4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska 5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda 6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha 7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka 8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta 10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska 11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA 12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha 13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi 15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye 16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre 17. Siyaasi Cali Abdi Awaare 18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar 19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar 20. Guddomiyaha Degmada Qardho 21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda 22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda. 23. Axmed Cabdi Hurre 24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga) Dhanka kale Guddiga loo magacaabay gurmadka Qardho ayaa bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ku wargaliyey in aysan furi karin wax koonto ah oo loogu magacdaray Guddiga fatahaada daadadka Qardho, marka laga reebo kuwa ay guddigu furidoonaan. Sidoo kale Guddiga ayaa ku wargaliyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee u heelan ka qeyb qaadashada gurmadka Qardho in waxa ay uruuriyeen ku soo aadiyaan koontooyinka ay dib u shaacin doonaan Guddigu. PUNTLAND POST The post Puntland oo Guddi u magacowday fatahaada Qardho iyo amar ay soo saareen appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeedmudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa la hadalay Shacbiga soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in loo midoobo Gurmadka masiibada dabiicga ah [...] Source
  18. Muqdisho : Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in aan Dawlad Goboleedka Puntland la siin doonin gargaar dhan hal Million oo [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Aqalka sare ayaa sheegay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka uu ka socdo xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah. Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Senator Maxamed Amiin ku sheegay in tan iyo markii Hoggaanka NISA uu qabtay Fahad Yaasiin ay xadgudubyadaas bilowdeen, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan dhowaanahan soo baxayay xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah, oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka qaarkood, gaar ahaan Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xilliyadaan dambe, gaar ahaan markii uu qabtay hoggaanka hay’addaasi Fahad Yaasiin” ayuu yiri Senator MaxamedAmiin. Waxaa uu xusay in markii hore jiritaanka Hey’adda Nabadsugida asal ahaan aan lagu dhisin sifo sharci ah, baarlamaan ansixiyayna aanu jirin markii la aas aasayt xilligii dowladdii Milateriga aheyd. Senatarka Maxamed Amiin ayaa sheegay in falalka isugu jira ruqseynta, shaqo ka eryida aan loo marin sifo sharci ah, sidoo kalena qorista ciidanka dharcadka laga qaadanayay dad gaar ah, lagana ilaalinayo kuwa kale, taasoo abuuri karta buu yiri Mustaqbalka caqabado waa weyn. “Waxaa ka digeynaa ku tagri falka awooddeed ha ahaado caga jugleyn ama ruqseyn saraakiisha loo arkay inay la jaan qaadi waayeen aragtiyada qaar guracan ee madaxdooda”ayuu yiri. Ugu dambeyn Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo ee arrimahan ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan dadka sida tooska ah mas’uulka uga ah hey’adda iyo Madaxweynaha dalka oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida.
  20. Mdaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay Gargaar u dirayso Magaalada Qardho. Madxweyne Madoobe wuxuu sheegay inuu maanta laba jeer [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud goob fagaare ah ku toogtay rag ay ku eedeeyeen inay u basaasi jireen ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM. Ragga ay dileen Al-Shabaab oo tira ahaan gaaraya seddax, ayey dhamaantood ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen shirqoollo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa kooxda, oo lagu bartilmaameedsaday duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya. Seddaxda nin ee galabta lagu toogtay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxaa lagu kala magacaabi jiray, Axmed Nuurow Maxamed, Bashiir Maxamuud iyo Bishaar Axmed Cabdulle. Axmed Nuurow Maxamed oo 23-sana jir ahaa, waxay sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ku eedeeyeen in uu indho u ahaa diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya koonfurta Soomaaliya. Bashiir Maxamuud oo 22-sana jir ahaa, waxay isna ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa duqeymo ay fuliyeen diyaardaha Mareykanka, kuwaas oo lagu dilay saraakiil Shabaab ah. Bishaar Axmed Cabdulle oo 50-sana jir ahaa, isna waxay sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka Hir-Shabelle, isla markaana uu u basaasi jiray Taliska Mareykanka ee AFRICOM. Nin sheegtay qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa goobtii lagu toogtay seddaxdaas marxuum ka akhriyey eedeymaha loo soo jeediyey iyo qiraalo uu sheegay in laga qoray. Waxa uu sheegay in dhamaantood ay qirteen fududeynta duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka oo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo soo dhoweeyey wada-hadalladii maamulka Jubaland iyo Golaha Isbadal doonka Jubaland, ee hogaamiyey heshiis dib-u-heshiisiin oo ay kala saxiixdeen 23-kii April. Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed. Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.” Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan saamileyda siyaasadda Jubaland, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha siyaasadda, bulshada iyo odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiska la gaaray 23-kii April, islamarkaana ay fuliyaan tallaabooyinka xiga, ayaga oo sii wada wada-hadalladooda wax dhisi kara. Waxay sidoo kale sheegeen inay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubaland ee ah inay doonayaan inay la hadlaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda. “Beesha caalamka waxay ugu baaqeysa maamulka Jubaland iyo hoggaanka dowladda federaalka inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn sheegtay inay soo dhoweeneyso hindisooyinka kale ee dib u heshiisiineed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ee l”oogu gol leeyahay dhisidda maamullo loo dhan yahay oo heer gobol u mideysan.” Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka iyo ururada kala ah: Austria, Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, UK, Mareykanka, iyo QM.
  23. Today is the International Workers’ Memorial Day – 28 April 2020, a global day of remembrance and action for workers murdered, wounded and incapacitated in their line of duty. In the year of coronavirus (COVID-19), this day of commemoration has never been more significant, and the Federation of Somali Trade Unions (FESTU) renews its pledge to fight for the living of working women and men of Somalia. FESTU recognizes the sacrifice of workers around the country, particularly the health and other key workers who put themselves in harm’s way to keep Somalis safe and vital services running as this year has a special significance because of the pandemic. Recent days, Somali trade unions have witnessed an upsurge in the number of workers who have been exposed to the virus. Trade unions have been receiving the information of workers getting infected for the past couple of days, and there is urgent need to put proactive measures to protect workers from contracting the virus while in the frontline of actively fighting the virus. FESTU has been very insistent in stressing the need to protect and secure healthcare and other key workers who are our first line of defence against the deadly virus. The federation and its affiliated unions have indicated on several instances the risks of lack of adequate Personal Protective Equipment (PPE), education on the proper use of PPE and overall awareness on how to cope with the COVID-19 to protect workers from contracting the disease in their workplaces. “We urge the Federal Government and the Federal Member States as well as the private sector employers to provide adequate personal protective equipment (PPE) to key workers to keep them safe. And when this is all over, we want the government to move with speed in enacting Occupational Safety and Health legislation” said Omar Faruk Osman, FESTU general secretary. This deadly pandemic underscores the pressing need for Somalia to designate COVID-19 as hazard and dangerous disease for occupational safety and health of the citizens including workers, and the absence of Occupational Safety and Health law in the country highlights the importance for national political commitment and legislative framework to protect most of the citizenry against unsafe working conditions and new infections that would spell disaster to the nation. FESTU expressly calls upon all private and public healthcare institutions at different levels in the country not to force or intimidate workers to work without proper PPE as this is equivalent to attempted murder and a criminal offence. FESTU remains a constructive partner in the broader fight against COVID-19 with its immediate priority being the protection of all its members and workers who are breadwinners against dangerous working conditions and infectious disease. View the full article
  24. 28 Apr2020 ​​​​​​​RECONCILIATION PROCESSES IN FEDERAL MEMBER STATES Mogadishu – Somalia’s international partners* welcome the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council [...] Source