-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia’s international partners welcome the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council for Change which culminated in a reconciliation agreement signed on 23 April. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Boorama)-Hawgallo ay si wada jira ah ugu sameeyeen xuduuda ay Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya Ciidamada booliska iyo kuwa Qaranka ayaa lagusoo qabqabtay jaad si sharci darro lagusoo gelinaayey dalka kaasi oo lagu gubay xarunta ciidanka booliska ee Magaalada Boorama. Masuuliyiinta gobolka, degmada iyo saraakiisha ciidamadda, oo madasha jaadka lagu gubay goob jog ka ahaan ayaa waxa ugu horayn waxaa ka hadlay Taliyaha qaybta Booliska Ganshaale sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, oo sheegay in qaadkaasi lagu soo qabtay saddex gaadhi iyo sideed eedaysane kuwaasi oo sharcigana la horgayn doono iyada oo la fulinaayo awaamiirta guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Coved-19. Maayirka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa bulshada Awdal ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ka hortagga Coronavirus, go’aanka qaadka lagu joojiyayna uu yahay mid heer qaran ah loona baahanyahay in laga nasto bisha rabadaan. Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa sheegay in meel kasta oo la isaga gudbayo xadka Awdal la wadaagto Itoobiya Ciidamo la geeyay talaabo adagna laga qaadayo cid kasta oo falkaasi ku kacda, waxaanu u mahad naqay ciidamada kala duwan ee ka hawlgalay iyo Masuuliyiinta degmooyinka Dila iyo Qulu-jeed oo ka qayb qaatay sidii qaadkaasi loo soo qaban lahaa. Source
-
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka oo xalay maqribkii Muqdisho ugu geeriyooday wadno xanuun. Wasiir Maareeya ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo kala ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA iyo Agaasimaha Madbacadda Qaranka. Allaha u naxariistee Marxuum Agaasime Gaatamow waxa uu ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray Warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa guddi u magacaabay magaalada Qardho ka dib markii magaaladaasi ay saameyn xooggan ku yeesheen roobab mahiigaana oo halkaasi ka da’ay. Roobabka ka da’ay Qardho ayaa sababay in magaalada ay ku soo rogmadaan daadad sababay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo burburka hanti fara badan. Madaxweynaha Puntland ayaa guddigaan uu magacaabay waxa ay ka koobanyihiin golihiisa wasiiradda, xildhibaano iyo masuuliyiin kale isaga oo guddoomiye uga dhigay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Dhabancad, waxa ayna ka shaqeyn doonaan sidii bulshada reer Qardho gargaar loo gaarsiin lahaa. Halkaan ka akhriso magacaabista madaxweyne Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta balaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre Siyaasi Cali Abdi Awaare Guddomiyaha Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Guddomiyaha Degmada Qardho Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda. Axmed Cabdi Hurre Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa sheegaya in dhammaan dib laga helay dadkii lagu la’aa fatahaaddii daadadka ee habeen hore ka dhacday Qardho. In ka badan 10 ruux, oo lagu waayay daadadkii ku soo rogmaday degmada Qardho, ayaa saaka la xaqiijiyay in dhammaantood nolol lagu soo helay, islamarkaana dib loogu celiyay Qoysaskoodii waayay. Dadkaas ayaa la sheegay, in habeen hore daadadka roobku ku go’doomiyeen xaafado kala duwan, kadibna markii eheladoodu waayeen ay xiriir la soo sameeyeen mas’uuliyiinta gurmadka, si loo baadi-goobo nolol iyo geeri midkood. Waxaase markii dambe dhammaantood laga soo helay goobihii ay ku go’doonsanaayeen, waxaana dib loogu celiyay Qoysaskoodii iyaga oo bed-qaba. Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy midna, waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka. PUNTLAND POST The post Dhammaan dadkii lagu waayay Fatahaaddii Qardho oo nolol lagu helay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Gabadhii u doonneyd saxafigii la dilay Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday ugu baaqday horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United. Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul . Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan. Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo daxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan. Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u doonaneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga hor-istaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab ay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ay ku toogteen saddex qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Al shabaab waxa ay sheegeen in saddexda qof oo ay toogteen kuwaas oo dhamaantood ahaa rag inay la shaqeynayeen taliska Mareykanka ee ka howlgalla qaarada Afrika ee loo yaqaan Africom sida ay sheegeen. Saddexda qof ee la toogtay ayey Al shabaab magacyadooda ku kala sheegeen Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 jir ahaa, Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 jir ahaa iyo Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 jir ahaa. Dadweyne ka kal yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Ceelbuur ayaa goobjoog ahaa goota lagu tooganayay saddexdaasi ruux. Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa sidaan oo kale degmooyinka iyo deegaannada ay dalka kaga suganyihiin waxa ay ku toogtaan shaqsiyaad ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay xaaladda Muqdisho ayaa si weyn u taageeray bandowga ay dowladda federaalka ku soo rogtay caasimada, si loo xakameeyo Coronavirus. Geedi oo u jawaabay mas’uuliyiin u badnaa mucaaradka oo bandowga dhaliilay ayaa si weyn uga difaacay dowladda, isagoo sheegay in shaqo maalmeedkeeda uu ka mid yahay, wuxuuna uga digay xubnaha mucaaradka in la siyaasadeeyo dagaalka Covid-19. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Bandowga uusan u baaneyn in gole la horgeeyo, kadina la saxiixo, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa maqlayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ku celcelinaya Bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho sharci maahan, Bandowga maahan inta Golle la horgeeyo la ansixiyo, kadina la saxiixo ee Bandowga waxaa uu yahay shaqo maalmeed” ayuu yiri Cali Geedi. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadakiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyey inuu khatar weyn cudurka Covid-19 ku haya, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka caafimaadka, loona hoggaansamo awaamiirta ka soo baxeysa dowladda. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kor u dhaaftay illaa 500 oo kiis, taas oo marba marka ka damebysa ka sii dareysa.
-
Singing is not only an integral part of daily life for Somali women but also a medium through which they can express their grievances and criticise paternalistic social norms that have solidified men’s hegemony over women and limited their social participation to certain stereotyped roles. Source: Hiiraan Online
-
Last week, from the comfort of my closet-turned-podcast-studio, I talked to BA contributor, entrepreneur, and friend Hawa Hassan for an episode of the Foodcast (live on April 29th!). Basbaas, Hassan’s line of jarred Somali sauces, has a cult following that includes most of the BA staff; you may also recognize her from Test Kitchen videos. I’ve long admired Hassan’s constant stream of humor and good deeds on Instagram, and during this lockdown, we’ve been swapping tips on getting through COVID, having virtual dance parties, and commiserating about the joys and pains of living alone. Our podcast conversation was a bright spot for me during a tough week, so I’m sharing a condensed version of it here. –Amanda Shapiro, Healthyish editor Source: Hiiraan Online
-
Four people from Somalia, who were intercepted at the border with Kenya on Monday, will be quarantined at an isolation centre in Wajir County. Source: Hiiraan Online
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday agaasimihii Madbacadda Qaranka, Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo ka mid ahaa rug-cadaadayaasha saxaafadeed ee ugu saameynta badnaa dalka. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay inuu uu geeriyooday, kadib markii uu soo wajahay xanuun dhanka Wadnaha oo degdeg ah, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyey wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo daxliiska xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa geerida ku timid Wariye Gaatamow ka tacsiyadeeyey agaasimaha guud mas’uuliyiin kale iyo howlawadeenada wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa sanadkii 2012-kii waxa uu ka baxay kuliyadda saxaafadda iyo siyaasadda ee Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna uu ka soo shaqeeyey warbaahino ay ka mid tahay Idaacadda Shabelle oo uu barnaamij soo saare ka ahaa. Gaatamow ayaa ahaa shaqsi ku sifoobay dhaqan wanaagsan oo afkiisa iyo adinkiisa laga nabad galay, saacadaha soo socda ayaana lagu wadaa in la aaso marxuumka. View the full article
-
Madasha xisbiyada qaran oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa waxa ay dalbatay in baaritaan lagu sameeyo wararka qaar ee sheegaya inuu xiriir ka dhaxeeyo hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA iyo dagaalamayaasha Al shabaab. Madasha oo soo saartay warqad ku socotay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, ra’isulwasaaraha gudddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa waxa ay walaac xoog leh ka muujiyeen xiriirla sheegay inuu ka dhaxeeyo NISA iyo Al shabaab taas oo ay sheegeen inay cabsi badan ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed. “Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekeysiga taliyayaasha labada aag ee hay’adda NISA iyo Al shabaab In lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo dhameystiran si xaqiiqada jirta ummadda loogu soo bandhigo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madasha xisbiyada qaran. Dhanka kale madasha ayaa dalbatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo weerarkii 24-kii july ka dhacay xarunta gobalka Banaadir weerarkaasi oo ku nafwaayeen masuuliyiintii ugu sareysay maamulka gobalka. Halkaan ka akhriso qoraalka madasha xisbiyada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tartanka Shabelle: Cabdicasiis oo ka guuleysatay Xamarjajab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Degmada Cabdicasiis ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Xamarjajab, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Labada degmo oo u dambeeyey Group-ka C is aragiisa 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay xalay guushu raacday Cabdicasiis. Tartamayaasha degmada Cabdicasiis oo dadaal iyo fir-fircoono muujiyey ayaa la yimid dhibco gaaraya 12, halka Xamarjajab ay keensatay 8 buundo. Degmada Cabdicasiis oo sanadihii u dambeeyey heerar fiican ka gaareysay tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa noqotay degmadii saddexaad ee badisa, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horreeyey degmooyinka Dayniile iyo Warta Nabadda. Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle ku madlan degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo ka kala tirsan Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labadaan degmo ayaa waxaa lagu daah-furi doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku jira groupka D, is aragiisa koowaad ee tartanka aqooneedka Shabelle Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article -
Siyaasi Maxamuud Khaliif Xassan Jebiye Siyaasiga Soomaaliyeed ee Maxamuud Khaliif Xassan jebiye, ayaa shaaciyay in uu lacag dhan $45,000 oo Dolllar kaga qayb-qaadanayo, gurmadka loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday halkaas. Siyaasi Jebiye, ayaa muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray, dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Qardho ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadda ka dhalatay roobabka gu’ga. Mudane Jebiye, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay daadadka iyo sidoo kale qoysaska ku hantibeelay, isagoo ilaahay uga baryey in uu Samir iyo iimaan ka siiyo islamarkaana Ciwad khayr qaba ugu beddelo. Sidoo kale, wuxuu xusay in lacagta uu ku bixiyay gurmadka lagu iibinayo Raashinka daruuriga ah oo wakhtigaan dadku aad ugu baahan yihiin, maadaama bakhaaradii kaydka Raashinka Qardho ay fatahaadda ku aasmeen. Siyaasi Jebiyay, oo xilka madaxtinimada Puntland u tartamay doorashadii u dambaysay ayaa xilligaas lagu bartay in uu hantidiisa ku bixin jiray danaha Caamka ah iyo caawinta dadka tabaalaysan. PUNTLAND POST The post Siyaasi Jebiye oo $45,000 oo Dollar ugu deeqay gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Saaxiibada beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhex-maray hoggaanka Jubbaland iyo golaha la magac baxay Isbedal-Doonka maamulkaasi, kaas oo lagu saxiixay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Beesha caalamka ayaa heshiiskaasi ku tilmaantay tallaabo wax ku ool ah oo lagu xalinayo khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Jubbaland ee uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, taas oo bishii August ka qabsoontay Kismaayo. Doorashadaasi ayaa dhalisay khilaaf xoogan, waxaana ku kala qeybsamay saamileyda siyaasadeed ee maamulkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale saxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhiiro-gelinayaan heshiiskii Nairobi ku dhex-maray MadaxweynahaJubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo golaha Isbadal-Doonka maamulkaasi, waxaana hoggaamiyayasha siyaasadeed, madax dhaqameedyada iyo hoggaanka beelaha loogu baaqay inay hirgaliyaan qodobadii lagu saxiixay Nairobi 23-kii bishaan April ee 2020-ka. Warkaan ka soo baxay beesha caalamka ayaa ku soo beegmaya, xilli weli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorasho ay sharci darro ku tilmaamtay dowladda dhexe oo sanadkii tegay ka dhacday magaalada Kismaayo, islamarkaana uu ku soo baxay, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa dhambaal tacsi ah u diray shacabka Puntland, isaga oo uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday daadadkii xooganaa ee ku fatahay magaalada Qardho ee maamulkaasi. “Aniga oo ku hadlaya magaca dowlad goboleedka Galmudug, waxaan si dhaw murugada iyo xanuunka ula wadaagayaa ehelada iyo asxaabta dhammaan marxuumiintii ku shahiiday masiibadii ka dhacday magaalada Qardo. Intii geeriyootay Alle ha u naxariisto, inta Dhaawaca ah soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah, intii ku ceertowdeyna badal kheyr qaba Alle ha siiyo. Ugu dambeyntii Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu baaqay shacab weynaha maamulka Galmudug inay u gurmadaan walaalaha ku waxyeeloobay daadadka ku rogmaday magaalada Qardho, xilli lala daala dhacayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa qeylo dhaan u diray xubnaha beesha caalamka iyo cid kasta oo gurmad la soo gaari karto dhibaatadii ka dhacday magaalada Qardho ee maamulkaasi. Siciid Deni ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay sameyn doonaan wax kasto oo ay u qaban karaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay daadadkaasi. Qeylo dhaantan ayaa timid, kadib markii ay daadad xoogan habeen hore ay ku rogmadeen magaalada Qardho oo ka tirsan gobolka ay Puntland u bixisay Karkaar. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/DE.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
