Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sawirkan waa mid hore maaha maanta Malayshiyaad hubaysan oo u dhashay degaanka, ayaa maanta oo Sabtiya nawaaxiga degmada Baargaal ku weeraray, gaadiid waday agab dhisme oo loogu tala-galay in lagu dhiso waddooyin ku yaalla gobolka Gardafuu, kuwaas oo ku burburay Roobabkii kal-hore halkaasi ka da’ay. Malayshiyaadkaas, oo la sheegay in ay ka caraysan yihiin musuq maasuq ay sheegeen in uu sameeyay guddigii gurmadka Gardafuu, ayaa markii hore xoog kula wareegay gaadiidka, waxaase dib uga soo celiyay odyaasha degaanka, kadib wada-hadal lala furay kooxdii gaadiidka af-duubtay. Sidoo kale, hal qof ayaa ku dhaawacmay weerarkii malayshiyaadka hubaysan ku qaadeen gaadiidka waday agabka dhisme ee loogu tala-galay dib u-dayac-tirka waddooyinka gobolka Gardafuu ee ku burburay Roobabkii kal-hore ka da’ay gobolkaas. Malayshiyaadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay aaminsan yihiin in gurmadkii loogu tala-galay gobolka Gardafuu ay musuq maasuqeen guddigii u xil-saarnaa inkastoo aysan Puntland Post caddayn Karin sheegashadaas. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad hubaysan oo weeraray gaadiidkii Gurmadka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
  2. Agab laga qabtay Daacish Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheeegaya in halkaas uu maanta ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo malayshiyaad ka tirsan Argagixisada Daacish. Dableey hubaysan oo ka tirsan Daacish, ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku weeraray askar ka tirsan Ciidanka PSF ee Puntland, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor-imaad kooban oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Inta la xaqiijiyay, hal askari oo ciidanka PSF ah iyo xubin ka tirsan malayshiyaadka Daacish, ayaa ku dhintay iska hor-imaadka, waxaana nolosha lagu qabtay xubin kale oo Daacish ah, kadib markii uu dhaawacmay. Gaariga laga qabtay Daacish Sidoo kale, ciidanka PSF ayaa gacanta ku dhigay gaari ay wateen kooxda Argagixisada Daacish, kaas oo ay ku jiraan hub iyo qaraxyo ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Ciidamada Puntland oo fashiliyay weerar Argagixiso appeared first on Puntland Post.
  3. Suldaan Ayaanle Rooble Dhuxul oo dadku u yaqaano Suldaan Af-Wanaaje oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beelaha Bariga Burco iyo Galbeedka Sanaag oo ku sugan caasimadda Waddanka Sweden ee Stockholm ayaa waxa uu eeddo culus u soo jeediyey Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo sida uu hadalka u dhigay sheegay in beeshooda dulmi badan lagu hayo, Jabhadda ay ku dhawaaqeena taageersan yihiin halka uu eedo u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku tilmaamay nin xilkiisa lagu dul maamulo. Suldaan Ayaanle Rooble Dhuxul oo waraysi gaar ah siinayay Telefishanka Bulsho TV isaga oo ku sugan waddanka Sweden ayaa waxa uu yidhi: “Fadhigaab waxa dil ku dhex maray laba reer, markii dilkaasi dhacay dawladdu si ka duwan sidii hore ayay u maaraysay si ka duwan sidii hore ayay u macal qabatay. Waxa ay ahaan jirtay marka laba reer is dilaan in la kala dhex galo kadibna dadkii u kala gar qaadi lahaa loogu yeedho. Taasi may samayn oo way ku guurtay waxaanay meesha la tagtay illaa 60 gaadhi oo tikniko ah iyo saddex kun oo askari. May dhexdhexaadine reer bay cagta dhabarka ka saartay. Beesha Axmed Faarax ayay eryatay. Xoolihii bay geel iyo adhiga ka qalatay. Maatada waxa ay u isticmaashay rasaas badan oo ay hantaaqday. Waan cambaaraynayaa taasi marka hore. Arrintaasi boobka xoolaha ah waxa aan ku caddayn karaa wiig buu socday. Waxa ay gaadheen meel aanay gaadhin dawladihii Aadan Cadde iyo tii waxashka ahayd ee Af-weyne. Illaa huluul iyo dhoomo iyo laasdhoomaarre ayaa la socday. Tuulooyin badan oo reerku dego oo aad uga fog intan laamigu maro ayaa la maray intaaba dadka waa lagu waxyeeleeyay. Dawladdu xaaladda Gobolka Sanaag way ku fashilantay waxaanay ugu darnayd markii halkii ay ka dhexdhexaadin lahayd ay reer cagta dhabarta ka saartay. Maxamed Kaahin Axmed iyo Cali Maxamed Warancadde ayaa meesha jooga. Aragtida noo muuqataana waxa weeyi in Wasiirka Maxamed Kaahin xilka laga qaaday oo laga dul galiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo ah wasiir suge. Wasiir Maxamed Kaahin waxaan u soo jeedin lahaa in uu is casilo oo garto in xilka laga qaaday. Dawladdu Arrinka Ceel Afweyn may maarayn kari waayin ee wax kale ayaa meesha ku jira. Waxa la isku dirayaa waa dadkii East Burco Clan iyo West Burco Clan ee iyagu ha u kacaan wax ka qabashadeeda”. Suldaan Ayaanle Rooble Dhuxul oo ka hadlayay jabhadda deegaankooda lagaga dhawaaqay waxa uu yidhi: “Ragga Jabhadda ku dhawaaqay waxa ay ka baxeen Ceel Afweyn. Buurta Siraadlay bay tageen. Jabhadda sida magaceeda ka muuqata waxa la yidhaa Xaqdoon laba arrin baa ujeedadoodu ugu waaweyn. Midi waa dadka ay ka dhasheen ee deegaankoodaasi ah oo 30 sannadood wixii ay Somaliland xaq ugu lahaayeen aan ka helin. Adeegga Bulshada, horumarka iyo mashaariicda. Isaga oo Bari hadhay ayaa deegaankaasi isna sii hadhay. Beeshuna way la qabtaa. Qodobka labaadna waxa weeyi saami qaybsigii beesha nimankan Jabhadda ku dhawaaqay ay ka soo jeedaan ay ku lahaayeen saami qaybsiga dawladda dhexe iyo ta gobolkaba beeshu way ka madhan tahay. Tusaale ahaan ciidamada kala duwan ee Milatariga, Booliska iyo kuwa badda intii beeshaasi kaga jirtay marbaa xilalka laga wada qaaday oo Muuse Biixi ka qaaday. Gobolka Sanaag 60% baanu ka nahay waxaanu xaq u leeyahay isaga oo aan cidna boobayn in uu wixiisa si caddaalad ah u helo. Jabhadda waannu teegaarsanahay, waayo waxaannu aragnaa 30 kaa sano waxa nalagu hayay. Inta aanu xaqayaga helayno waannu u halgamaynaa. Jabhaddii hore waxa ay taayadani kaga duwan tahay Jabhaddii hore waad ogtihiin in ay beelaha is dilay mid hiil u ahayd oo waad og tihin Caarre markii uu lahaa reerkayaga Ayaan raacayaa. Taasi waxa ay ku milantay reeraha is dilayay. Tani laakiin waxa ay ku jihaysan tahay tabashada beeshooda oo kali ah wixii ay ka qaban lahayd cid kale kuma aha duullaan. Waxa kale oo ay kaga duwan tahay Jabhaddani waa mid dad iyo dal ballaadhan haysata. Ma aha Jabhad Magan galaysa Qardho iyo Badhan Ma aha Jabhaddii 20 Kiiloo Mitir xagga horena Tabca la isaga taagay halka kalena laga soo duubay, waa Jabhad Haysata Deegaanka u dhaxeeya Ceerigaabo Illaa Berbera, Illaa Xiis Illaa Hayayaal. Waa Jabhad xaqdoon ah oo cid kasta oo Somaliland xuquuq kaga maqan tahay aannu ugu baaqayno in ay nala xoojiyaan. Xal aan Jabhad ahayn waanu waynay oo muddo dheer bay odayaasha, salaadiinta iyo waxgaradka beeshani ku soo noqnoqonayeen xukuumadda oo tabashadayada la dhigayay Miiska Madaxweynaha oo uu dhagaha ka furaystay. Mudane Madaxweyne shan sanandood baa laguu doortay in aad umaddaa saddexda Milyan ah hogaamiso ee laguuma dooran in aad baloodho iyo Huteelo dadka ka qaaddo” ayuu yidhi Suldaan Ayaanle Rooble Dhuxul oo waraysi dheer ka bixiyay xaaladda deegaamadooda iyo arrimo badan Source
  4. Maayarka Degmada salaxlay ee Gobolka Maroodijeex Ismaaciil yuusuf Xuseen ayaa dhaliishii ugu cuslayd ku miisay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqay inaanay isku halayn Wasaaradda ee ay iyagu iskood isku daryeelaan, oo ay iskaga caabiyaan Cudurka Covid-19-ka. Maayarka oo ka hor khudbadaynaya dhalinyaro kasoo jeeda Degmada Salaxlay ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda Caafimaadka aad ayaanu u dhaliilaynaa, waanna mid loogu talo galay inay dadkeena hagardaamo uun u ahaato,wasaaradda Caafimaadka waxaanu uga digaynaa inay dadka been u sheegaan, iyagoo meelna waxba ka qabanayn, islamarkaanna aan diyaar u ahayn inay meel uun wax kasii qabtaan, waxaanan aad u dhaliilayaa qaybtood masuuliyiinta ah, ee wasaaraddaasi go’aankeeda leh” Waxa kale oo uu yidhi“Maalin dhawayd Mashruuc wayn oo Hay’adda WHO ay ugu talo gashay in dadka tabaalaysan lagu talaalo ayaa lagu fuliyay degmooyinka dalka oo dhan, Degmooyinka dalka oo dhan waxa ka shaqaysa dhalinyaro idinka oo kale ah ma ogtahay, lacagtii yarayd ee “Per diem” ee maalin lahayd ee ay ku shaqaynayee ayay ka cuneen, Markaa waxay u fadhiyaan Hay’adda in ay mashaariicda ay hay’adduhu ku kaalmaynayaan ama ku gargaarayaan dadkaasi tabaalaysan inay dhexda u fadhiistaan oo ay ku baadhaan”. “Wasaaradda Caafimaadka runtii, Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay ha isku halaynina, waxaad qabsan karaysaan qabsada, dadaal, reer Salaxlay horena iskugumay halayn jirin, imikana waxba ka sugimaayaan oo isku halayn maayaan Wasaaradda Caafimaadka”. Source
  5. Safiirka Maraykanka Danjire Donald Yamamoto, ayaa shirjaraa’id oo uu khamiistii 7 May si toos ah u qabtay isagoo adeegsanaya adeega Zoom kuna sugan magaalada Muqdisho, waxa lagu weydiiyay su’aalo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo xanuunka Covid_19 oo dunida gilgilay. Tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), oo ka mid ahaa saxafiyiinta ay safaaradda Maraykanku ku casuuntay shirka jaraa’id ayaa isagoo Hargeysa ku sugan wuxuu si toos h u weydiiyay safiirka Maraykanka, su’aalo ku khuseeya Somaliland. Danjire Yamamoto ayaa waxa uu Geeska Afrika weydiyay laba su’aalood oo kala ah wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda hakad ku jira iyo doorka Maraykanka iyo bal caawimada uu Maraykanku siin karo Somaliland xilligan adag ee halganka loogu jiro si looga hortaggo xanuunka Covid_19. Danjire Donald Yamamoto, wuxuu ku jawaabay “ Waa su’aal aad u fiican. Soomalida muddo dheer ayaan ka shaqaynayay. Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somaliya. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo. Taasi waa bilow aad u fiican. Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda . Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan. Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somaliya maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada shaqeeyaan.” Isagoo danjire Yamamoto hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa ay tahay inaynu xusuusano in qurbo joogtu ay sidoo kale ciyaarto door. Sidaas darteed waxa aynu arkaynaa qurbo-joog badan oo ciyaraysa door muhiim ah oo ay kaga qayb qaadanayaan wada-hadalka. Waxa jira dad gudaha Somaliya jooga oo door ciyaaraya. Waxa ay ila tahay in Soomaalid ay xoog badan yeelanayso haddii ay si midaysan oo kudlad ah u wada shaqeeyaan oo aad u isticmaashaan kudladaas inaad dhexgashaan dhaqaalaha gobolka iyo qaaradda. Balse waa inaad noqotaan kudlad. Waa kuwaas arimaha laga wada hadlay xilligan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somaliya and Somaliland. Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Somaliya iyo Somaliland ayaa doonaya. Sababta oo ah way doonayaan, anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay.” Source
  6. Mogadishu (HOL) - Over $2.5 million donated by foreign governments and Somalis locally for the Beletweyne flooding response did not reach the intended communities, Hiiraan Online has learnt. Source: Hiiraan Online
  7. Muwaadiniin reer Somaliland ah oo kasoo safray waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo yimid magaalada Hargeysa ayaa qaarkood waxa ay cabasho ka muujiyeen fayadharka iyo nadaafadda goob lagu karantiilayo muddo 14 cisho ah oo ay sheegeen in aanay caafimaadka u wanaagsanayn balse laga diiday in meel kale la geeyo. Gabadh lagu magacaabo Nimco Cabdi Gool oo ka mid ahayd dadkii Jabuuti ka soo laabtay oo xaaladdan qoraal kooban oo ay ka samaysay ku baahisay degelka ay ku leedahay barta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa ay tidhi: “Abaarro 09:50 Barqonimo ayay diyaaraddu soo caga dhigatay garoonka Egal International Airport ee magaaladda Hargaysa, diyaaraddan oo sidday 49 qof oo reer Somaliland ahaa oo ka yimid dalka Jabuuti, dadkan ayaa muddo ku go’doonsanaa halkaasi xaaladda bandooda ah ee ka jirta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee CoronaVirus darteed. dadkani ayaa isugu jira bulshadda qaybaheeda kala duwan rag, dumar waayeel ah,caruur iyo da’ dhexeba. Xaaladdu way ka duwanayd sidii hore iyo nidaamkii rakaabka xagga Airport markay tahay, xaaladaha Corona Virus-ka awgii. Goobta kuma sugna wax masuuliyiin ah ha noqoto heer qaran, heer gobol iyo heer dagmo midna, Si aannu u hello warbixin ku filaan halka naloo wado iyo haddiiba ay jirto talo caafimaad. Markii ugu horaysay waxa na qaabilay Koox ka soctay Wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuul ka socday hay’adda socddaalka Somaliland, qalabkii xumada lagu eegayay ayaa nalagu eeggay, waxaanu buux-buuxinay warqad caafimaad, ka dib markii intaasi aannu dhamaynay ayaanu soo raacnay gaaddiidkii naloogu talo galay in ay na soo qaadaaan. waannu soo raacnay waxaana na horsocday labba Ambalaas, waa nala keenay halkii qorshuhu ahaa in nalagu dajiyo karantiinkana aannu ku galno mudadda 14-ka casho ah sida sharciga ah, oo dadkuna raallida ku ahaayeen safarkoodda ka hor. Dadka wax loo qaybiyay laba meelood maadaama oo dadku tiro ahaan badan yihiin 49 qof, waxa la kala geeyay labba goobood. Aniga iyo kooxdii Aaan ka midka ahaa Waxaanu soo gaadhnay dhismihii aannu dagi lahayn. Dadka waxa ku jira dad waaweyn caruur aad u yar yar, dumar xaamilooyin ah, dad xanuuno la nool (Macaan iyo gaastari) sida ay ii sheegeen. Wuu dagay si uu u soo eeggo goobtu siday tahay iyo nadaafadeeda, Qof ka mida kooxda ayaa ka dagay baskii aannu saarnayn wuu soo arkay kumu gancin goobta iyo nidaamkeeda, wixii u soo arkay wuxuu la wadaagay kooxdii markaasi horeba u dirtay inu war ka soo siiyo maadaama oo xan hore ka jirtay halkan goobtan!!!! Waxa Jiray laba nin oo hawl wadeeno ka ahaa dajinta dadka dalka yimid iyo hawshooda karantiinka oo markaasi aannan anigu garanayn wajiyaddooda iyo darjadoodda midna.!! Halkaasi marka ay marayso wax dhacay buuq iyo ismaan dhaaf xoogan oo dhex maray labbadan nin iyo dadkii oo ku doodaya meeshani maaha meel aannu karantiin ku gali karno 14 casho nadaafada iyo faya dhawrkeeda darteed. Muddo markii muran iyo hadal la waday ayaa kooxddii waxay dalbadeen in ciddii hawshan masuulka ka ahayd oo ay ula jeedeen masuuliyiintii qaranka loogu yeedho muddo saacaddo ah ayaa labbaddii nin ay la meeraysteen Kooxddii. Badiba kooxddu way sooman yihiin marka laga reebo intaa cudurdaarka haysata ee aan soomi Karin, Mardambe oo dadkii daal iyo dambaab isugu biiray, ayaa waxa yimid guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex Mr. Khadar, laba qof oo kooxdu dirsatay ayay wada hadleen oo u sheegay cabashada ay qabaan, hadal la wad oo la wad oo sheekaddii Laysla fahmi waa’, ayaa meesha ka dhacay, waxa yimid ciidan tiro badan oo iyaguna loo keenay inay hawsha qayb ka noqdaan, waxaan boggaadinaya ciidankaasi sidii milgaha lahayd ee ay kooxda ula dhaqmeen iyaga oo na garab istaagay. Sheekadaasi waxay ku soo gaba gaboowday in halkii iyo goobtii dadku diidanaayeen mooyaane meel kale aan loo hayn Isla markaana ay ku qabsan yihiin in ay ku dagaan!! Afar saacadood ka dib kooxdii iyaga oo aad u daallan niyadooduna aanay wanaagsanayn ayay baskii ka soo daggeen”. Ayay qoraalkeeda ku soo gunaanaday Nimco Cabdi Gool. Source
  8. Ethiopian forces in Somalia have admitted to shooting down a Kenyan cargo plane on Monday, leading to six deaths, on ‘mistaken identity’. A preliminary report filed by the African Union Mission in Somalia (Amisom) indicated that the forces guarding Bardelle airstrip in Baidoa adjudged the plane’s unusual flight towards the facility as a potential suicide mission. But the revelations that that the troops on guard at the facility were non-Amisom members of the Ethiopian National Defence Forces (ENDF) could raise legal questions on their presence in Somalia. A report filed by the Sector III Force Commander of the African Union Mission in Somalia said the troops at Bardelle, some 300km northwest of Mogadishu were unaware of any incoming civilian flight at the time. “There was no information that the aircraft would be at Bardelle… the aircraft was flying out of usual site repeatedly closer to the ground,” Ethiopian forces said. “The troops suspected that the aircraft was a suicide attacker and seeking a target to attack. Due to the above reason, the African Express Type E-120 was shot down by our force.” The original count was that the cargo plane operated by Kenyan company, African Express, was carrying six people when it came down. The Ethiopians say three Kenyans and two Somalis bodies were recovered. The aircraft, 5Y-AXO, had actually been permitted by the Somali Civil Aviation Authority to fly from Mogadishu to Baidoa and back, a 600km round trip. Ethiopian forces claim they had no communication. A report by the Amisom headquarters says it approached the airstrip in the unusual West-East movement, as opposed to the usual East-West when landing. “Because of lack of communication and awareness, the aircraft was shot down and thre Kenyan and two Somali citizens died in the incident,” Amisom headquarters in Mogadishu said. But while the rare admission could help remove suspicions, the presence of Ethiopian forces who are not part of the Amisom could raise new questions. Ethiopia, which has provided some 4,395 troops, usually man Sector III of the Mission. “The incident was performed by non-Amisom troops of Ethiopia, which will require mutual collaborative investigation team from Somalia, Ethiopia and Kenya to further understand the truth,” said a preliminary report forwarded to Amisom boss and Mozambican diplomat Francisco Madeira on May 5. The incident has touched off a political spark in Somalia especially among leaders opposed to Ethiopia’s ventures. “Mr President, now we fully understand the details of the unholy alliance between you and Abiy Ahmed, which you have been concealing from the Parliament and the Somali public,” said Ilyas Ali Hassan, a Somali Senator who is also the Foreign Secretary of the Himilo Qaran party. “Parliament and the Somali people should take decisive actions to protect the sovereignty, territorial integrity and the Somali blood shed in bardelle.” Idd Bedel Mohamed, a former Somali diplomat who has indicated he will contest for Presidential elections, says the Somali government and Amisom must clarify who authorised the deployment of the non-Amisom troops and what their mandate is. “It takes courage and leadership to confess, and both commanders showed professionalism,” he said. “For Ethiopian leaders, their country’s credibility is at stake. Ethiopia should ask President Farmaajo to address the public, parliament and international partners on the issue of non-Amisom troops in the country,” he added. The presence of Ethiopian troops had always been contentious. Long before Amisom were deployed in 2007, Ethiopian forces had ventured into Somalia ostensibly to fight the Union of Islamic Courts, the precursor to Al-Shabaab. When the crash happened on Monday, Somalia’s President Mohamed Farmaajo told his Kenyan counterpart Uhuru Kenyatta the matter will be fully investigated, in cooperation with Kenyan authorities. It was the first call to cooperation on a major incident between them in almost a year that has seen relations turn lukewarm over a maritime boundary dispute. The airstrip is also a military base for Ethiopian troops participating in the African Union Mission in Somalia (Amisom). Addis Ababa on Tuesday labeled the incident as a “accident” but said it will leave the matter to the “competent authorities” in Somalia to investigate. Officials in Nairobi worry that the lack of clarity surrounding the accident could deter further humanitarian delivery to the country whose road network is either too poor or littered with Al-Shabaab roadblocks in areas the militants control. Kenya’s Foreign Cabinet Secretary Raychelle Omamo, in a preliminary statement, had asked Somalia and Amisom to “thoroughly and swiftly investigate the matter because it impacts humanitarian operations at a time of highest need.” Source: Daily Nation View the full article
  9. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Macalin FIqi sidoo kalana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay is casilaada Taliyihii Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb Burhaan Axmed oo Xalay is casilay. Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay Galmudug kasoo gudubtay waqitigii kooxeysiga, wuxuuna taliyaha ku eedeeyey inuu weli ku dhagan yahay fikirkii kooxdii Ahlu Sunna. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inuu taliyaha yahay sarkaal aan aqoonsaneyn maamulka uu u shaqeeyo oo uu u yaqaano Al-Shabaab, isagoo ku eedeyey inuu rabo inuu isku noqdo Askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukunka rida sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook Habeenka xilliga uu mugdigiisu ugu badan yahay waa waqtiga ka horeeya waaberiga! Galmudug maalmahaan waxay ku jirtaa daqiiqadaha ka horeeya inta uusan waagu beryin. Waxaa gabaabsi sii ah oo gebagebo ku dhow baaqigii ka haray waqtigii fowdada iyo kooxaysiga!.. Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida.. Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo. Ma dhacayso in ciidamanimada ama derajooyinka ciidanka loo adeegsado In lagu fushado dano ka baxsan kuwii la isku igmaday!.
  10. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa Maanta Shaacisay Tirada Dad Hor leh oo laga helay Xanuunka iyo weliba Hal Qof oo u Geeriyooday Xanuunka Covid_19. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid_19 Warbaahinta siiyay ayaa shaaciyey Kiisas cusub. Agaasimuhu wuxuu sheegay in Sabtida Maanta Xanuunka laga helay 11 Qof oo cusub, taasi oo tirade Dadka Xanuunka qaba ee Somaliland ka jooga ka dhigaysa 34 Qof. Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in hal qof oo kalena u Geeriyooday Covid_19, kaasi oo tirada Dadka Xanuunka dalka ugu Geeriyooday ka dhigaysa 4 Qof. Sidoo kale, wuxuu sheegay in bogsashadu tahay 3 Qof, halka Dadka la karantiilay dhan yihiin 64 Qof. Somaliland ayaa dhawaan Hawl-gelisay Mishiinka lagu ogaado Dadka qaba xanuunka Covid_19, kaasi oo ay ka heshay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxaana illaa xilligaa la joojiyey Dheecaannadii dalka dibeddiisa lagu soo baadhi jiray. Source
  11. Ciidammada Dawladda Federaalka Itoobiya ka jooga Dalka Soomaalya ee qaybta ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM , ayaa qirtay inay soo rideen diyaarad Toddobaadkii hore ku dhacday degmada Bardaale ee dalka Soomaaliya. Diyaaradda oo ay lahayd Shirkadda African Express oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxa ku dhintay Lix Qof oo laba ka mid ahi Soomaali ahaayeen, waxayna Deegaanka Bardaale u sidday Agab Caafimaad oo ay ku jiraan waxyaabaha lagaga hor-tago Xanuunka Covid_19. War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay inay diyaaradda soo rideen Ciidammada Itoobiya, kuwaasi oo ka shakiyey in diyaaraddu tahay mid isku miidaaminaysa Saldhiggooda Baadheere, sidaasi darteedna ay u toogteen. War-bixinta ayaa lagu sheegay in diyaaraddu intii aan la toogan aan laga haynin wax macluumaad ah oo sheegaya inay ku soo waajahan tahay Bardaale, taasina tahay waxa keenay cabsida in Ciidammada oo falal Argagixso ka baqayaa Toogtaan. “Diyaaradda waxa toogtay Ciidammadayada…” ayay sheegeen Ciidammada Itoobiya ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM, waxayna ku sababeeyeen inay uga shakiyeen inay Saldhiggooda isku miidaaminayso. AMISOM ayaa sheegtay in Burburka diyaaradda laga soo saaray Meydadka saddex Qof oo Kenyaan ah iyo laba Soomaali. Warkan waxa daabacay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya. Source
  12. Two Kenyan pilots who died in a plane crash in Bardale, Baidoa, Somalia were buried in a low profile ceremony in Mombasa on Thursday night. The corpses of Mabrouk Sherman who was flight officer and Omar Jamal Chirgdin a flight crew arrived at Moi international airport in Mombasa on Thursday evening aboard a private jet African express, the plane belonging to the company they were working for. They were buried at Kikowani and Aldina Visram cemeteries at around 7 pm with only a few family members and politicians in attendance. Mabruk came from Ganjoni in Mombasa while Jamal’s parents hail from Kikambala in Kilifi county. Airport police boss Adamson Furaha confirmed the arrival of the flight which touchdown at 6:30 pm.”The flight, African Express airline ferrying the bodies of the two pilots arrived at around 6:30 pm, the families picked the bodies and proceeded for the burial ceremony,” said the police chief. The plane ferrying the bodies first landed in Nairobi on Thursday at around 5 pm before they were ferried to Mombasa. The duo perished with four others on Monday after their plane crashed and burst into flames under unclear circumstances. Kenyan and Somalia authorities are probing the matter. The aircraft with six onboard was loaded with relief and medical supplies when it came down. Kenya has demanded an investigation into the crash and Somalia has pledged to invite her investigators for a joint probe. Source: The Standard Digital View the full article
  13. More than 220,000 Somalis have been internally displaced due to armed conflict and natural disasters while facing deadly coronavirus since the start of 2020, the UN Refugee Agency said Friday. “UNHCR, the UN Refugee Agency, fears these multiple, compounding emergencies will lead to devastating consequences unless there is a strong and coordinated response from the international community, national and local Somali authorities and humanitarian actors to meet the massive humanitarian needs,” UNHCR spokesperson Charlie Yaxley said in a statement. The majority of group, 137,000 Somalis, were displaced due to conflict, he said, elaborating that in both March and April “armed operations against Al Shabab resumed in Lower Shabelle, resulting in more than 50,000 people being forced to flee their homes.” He also said communities were exposed to crossfire and mortar attacks and roadside explosions while they were fleeing. “UNHCR believes the humanitarian situation will worsen as COVID-19 further spreads. Most of the 2.6 million IDPs [internally displaced people] in Somalia live in overcrowded settlements and many, especially those newly displaced, live in makeshift shelters made of plastic bags, cardboards and sticks,” he said. Physical and social distancing is gravely hard to observe and the water scarcity threatens health as it is hardly enough for drinking, let alone hand-washing, Yaxley added. View the full article
  14. Qudus (Caasimada Online) – Maraykanku waxaa uu diyaar yahay in uu Daanta Galbeed u aqoonsando dhul ay leedahay Isrell todobaadyadda soo socda, sida uu sheegay Safiirka Maraykanka ee Israel David Friedman. Wareysi uu siiyay wargeys laga leeyahay Israel oo lagu magacaabo Israel Hayom ayuu Friedman ku sheegay in mar horse loo baahan yahay dhowr tallaabo inay qaado Israel ka hor aqoonsiga. Wareysigaan waxaa uu bixiyay xilli ay ku beegnayd sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay markii safaaradda Maraykanka laga raray Tel Aviv ee la geeyay Qudus. “Washington ma qorsheyneyso in shuruudo cusub kusoo rogto tallaabadaan,” ayuu yiri. Freidman ayaa sheegay in Maraykanku uu aqoonsan doono in Daanta Galbeed ay ka tirsan tahay Israel, haddii Israel ay sameyso saddexdan talalabo. 1 – In la dhameystiro naqshadeynta qariiradda cusub ee Israel oo ay ka muuqato Daanta Galbeed. 2 – Israel ay joojiso deegaameynta goobaha cusub ee aaga loo yaqaan “C”. 3 – Iyo in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ogolaado in uu Falastiiniyiinta kula xaajoodo qorshaha nabadda ee Maraykanka, taas oo mar hore uu Netanyahu ogolaaday. “Ma ahan Maraykanka cidda madax banaanida ku dhawaaqaysa ee waa Israel. Markii ay ku dhawaaqdana Maraykanku diyaar ayuu u yahay in uu aqoonsado” ayuu yiri safiirku. Israel waxaa la filayaa in Daanta Galbeed ay dhulkeeda ku darsato 1-da July, sida ay isku raaceen Netanyahu iyo madaxa xisbiga Blue and White Benny Gantz, oo hadda wada dhisay Dowlad wadaag ah. Sidoo kale guddi ka kooban ergo ka kala socota Maraykanka iyo israel ayaa ka shaqaynaya naqshadeynta dhulka ay Israel goosaneyso, Maraykankuna uu doonayo in uu aqoonsado. Nabil Abu Rudeineh oo ah afayeenka Madaxtooyadda Falastiin ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay hadalka Friedman. War lagu daabacay wakaaladda wararka WAFA ayuu ku sheegay in go’aanka dhul goosiga uu ku saleysan yahay “heshiiskii qarniga” ee Maraykanka. Qorshaha uu Madaxweyne trump ku tilaamo “heshiiska qarniga” waxaa uu ku dhawaaqay 28-kii bishii January. Waxaana uu dhigayaa in Qudus ay tahay caasimadda aan kala qaybsaneyn ee Israel, islamarkaana inta ugu badan ee Daanta Galbeed ay dhulka Israel ka mid tahay.
  15. Ex Xildhibaan iminkana ah Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa difaacay rag ay boolisku ku eedeeyeen iney Al-shabaab yihiin oo Xabsiga lagasii daayey. Wasiirka [...] Source
  16. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaannadooda halka sidoo kale ay korortay tirade dadka u geeriyoonaya xanuunkaan. Agaasimaha wasaaraddaasi Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 11 qof ooh or leh laga helay safmarka COVID-19 waxa uuna intaas ku daray in hal qof oo ka mid ah uu xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee haatan laga xaqiijiyay deegaannada Soomaaliland ee Coronavirus ayaa ah 34 kiis halka 4 qof ay xanuunka u geeriyoodeen waxaana sida ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay cudurka ka bogsaday 3 qof. Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan uu ku dhacay 928 halka ay u geeriyoodeen 44 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Diyaaradii xamuulka ahayd ee laga lahaa dalka Kenya ee Isniintii ku burburtay degmada Bardaale ayaa waxaa imika la xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen. Ciidamada Itoobiya ee diyaaradda soo riday ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn ciidamada nabad ilaalinat ee Midowga Afrika ee Amisom. Bayaan ka soo baxay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo nuqul ka mid ah ay BBC heshay ayaa lagu sheegay in diyaaradani markii ay ku soo hobatay garoonka ay sameysay weec-weecad aan lagu aqoon diyaaradaha taasi oo keentay in cidamada ay toogtaan iyaga oo ka shakiyay in howlgal is-miidaamin ah ay u socoto. Amisom ayaa intaa ku dartay in uu jiray xiriir la’aan ka dhaxeysay ciidamadii goobtaasi ku sugnaa iyo diyaaradda taasi oo la xiriirta hanaanka ammaanka ee maareynta duulimaadyada. Abaanduulaha ciidamada ayaa sheegay in koox baaritaan oo isku-dhaf ah islamarkana ka kooban saraakiil ka kala socota Somaliya, Itoobiya iyo Kenya ay baaritaan ku sameyn doonaan diyaaradda Isniintii la soo riday. Diyaaradan oo ka diiwaan gashaneyd Kenya islamarkana ay iska laheyd shirkadda African Express ayaa markii la soo ridayay waxay sidday gargaar caafimaad. Dhammaan shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi ayaa dhacdadani ku geeriyooday Qaran News
  18. Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka Katie Miller, oo la taagan madaxa shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka Kaaliya sare oo ka tirsan xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mareykanka ayaa laga helay cudurka Corona maalin uun ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalaha Aqlaka cad laga helay Covid-19. Katie Miller, ayaa noqonaysa sargaalkii labaad oo ka tirsan Aqalka cad oo toddobaadkan cudurka laga helo. Waxaa sidoo kale karantiil lagu sameeyay xubnaha qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka. Aqalka cad ayaa sheegay in madaxwayne Trump iyo ku xigenkiisa imika maalin walba laga baaro cudurka islamarkana ilaa iyo imika aan feyrsika laga helin. Mrs Miller ayaa u dhaxday kaaliyaha madaxwayne Trump, Stephen Miller. Waxaa horey cudurka Corona looga helay mid ka mid ah saraakiisha militariga ah ee sida dhaw ula shaqeeya madaxwayne Trump. Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uusan ka walaacsanayn feyriska ku soo fidayo aqalka cad. Mar wax laga waydiiyay sababta uusan u xiran qalabka Sanka lagu xirto mar uu dhawaan booqday meelo ka baxsan Aqalka cad ayaa waxaa uu sheegay in uu dadka ka fogaado. Madaxwaynaha ayaa caddeeyay in uusan jeclayn qalabka afka iyo sanka lagu duubto isaga oo sheegay in uusan jecleyn qaabka uu u ekaado marka uu xirto. Mar wax laga waydiiyay suurtagalnimada in uu cudurka ku sii faafo Aqalka cad ayuu Mr Trump waxaa uu wariyayaasha u sheegay “waxa kali ah ee aad sameyn karto ayaa ah in aad qaado tallaabooyiin taxadar ah .” Guddiga xakameynta cudurka Corona ee Mareykanka ayaa waxay sheegeen in maalin walba dalka Mareykanka imika la baaro 248,000 qof Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey arrimo ku aadan diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay ciidamada Itoobiya ku soo rideen degmada Bardaale ayaa shaaciyey in shilkaasi uu banaanka soo dhigay xiiriirka qarsoon ee ka dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa xusay dhacdadaasi ay muujineyso sirta u qarsoon Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qaadi doono go’aano sharci oo ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku aadan xad-gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga ku daaday Berdaale, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne Farmajo, hada waan fahaney waxa adiga iyo Abiy Ahmed idinka dhaxeeyo aad BFS iyo umada Soomaaliyeed kaqarineysey inaad usharaxdo laakiin Ilaah ayaa banaanka keeney ceebtaada. Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed na waxay qaadi doonaan goaano sharci oo kadhan ah ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga Berdaale kudul daadisey.” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Senator Ilyaas Cali. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Soo gelitaanka Ciidanka Ethiopia ee aan qeeybta ka aheyn AMISOM waxay si cad uga soo horjeedaa sharafta iyo madaxa banaanida dhulka Soomaaliyeed.” Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo AMISOM bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in diyaaraddii todobaadkii la soo dhaafay ku dhacday degmada Bardaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha degmadaasi, kuwaas oo aan ka tirsaneyn howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda gudaha Soomaaliya.
  20. Qoraal ka soo baxay taliska midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM ayaa waxaa warbixin looga soo saaray diyaaraddi ay lahayd African Express ee 4-tii bishan ku burburtay degmada Bardaale taas oo ay sheegeen inaysan soo ridin ciidamadooda balse ay ahaayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxsan AMISOM islamarkaana ay tahay inay kawada hadlaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Qoraalka AMISOM waxaa ku jiray in diyaaradda looga shakiyay mid ismiidamin ah oo u jeedkeedu ahaa inay isku qarxiso xero halkaasi ku taal iyaga oo intaa raaciyay in diyaaradda ay ka timid dhinacii la filayay maahane dhinac kale. Isla warbixintaan waxaa ku xusan in xiriir xumi ka jiraty qeybaha kala duwan ay keentay in diyaaradda la soo rido halkaasina ay ku dhintaan saddex kenyaan ah iyo labo Soomaali ah. 4-tii bishaan ayey ahayd markii diyaarad sidday shixnad ka koobnayd maro kaneeco iyo buskudka caruurta ay ku burburtay degmada Bardaale waxaana ugu dambeyn la xaqiijiyay in diyaaraddaasi ay soo rideen ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka ahayn ciidamada AMISOM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Waxaa xalay saq dhexe xilkii iska casilay taliyihii booliska Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isaga oo faahfaahin ka bixiyay sabatii keentay iscasilaaddiisa. Taliyaha oo isla xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Galmudug ayaa sababta iscasilaaddiisa ku micneeyay arrimo la xiriira awood sheegasho isaga ka sareysa oo loo geystay waxa uuna hoosta ka xariiqay in shaqsiyaad looga shakiyay Al shabaab oo uu xiray in saacado ka yar 10 saacaddod ka dib xabsiga laga sii daayay iyada oo aan la marin wax baaritaanno. Sidoo kale taliyahan xilka banneeyay ayaa tibaaxay in shabakad isku xirnayad oo ay taleefanadooda ka heleen xog muujinaysa inay xiriir la leeyihiin Al shabaab kuwaas oo xabsiga la dhigay si baaritaanno dheeri ah loogu sameeyo in loo fakiyay dhinaca magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxa uuna intaas ku daray in madaxda ka sareysa isaga inaysan ku aaminin xilka loo igmaday. Dhame Burhaan Axmed ayaa horey uga mid ahaa saraakiishii Ahlu Sunna ee lagu biiriyay ciidanka dowladda federaalka ah waxaana xilkan uu haatan iska casilay loo magacaabay 22-kii Febaraayo ee sanadkan waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ee ka howlgalaysay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo isugu jira nabad sugid iyo milatari la geeyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaanka Qalaanqalle oo hoostaga magaaladaasi, kaas oo dhowaan ay ku dagaalameen laba beelood. Ujeedka ciidamada loo geeyey halkaasi ayaa ah, sidii ay u kala dhex gali lahaayeen maleeshiyaadka labada dhinac, iyagoona la wareegay amniga guud ee deegaankaasi. Taliyaha nabad sugida ,Mahdi Cumar Muumin, taliyaha howwlgalinta milatariga qaybta 21-aad Cali Cagawayne iyo saraakiil kale ayaa haatan ku sugan deegaanka Qalaanqalle. Sidoo kale waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisada u dhexeysa labad beel oo isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed. Xaalada deegaanka ayaa degan, balse waxaa dagaalkii u dambeeyey oo dhacay todobaadkii la soo dhaafay ku dhintay 6 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.
  23. Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay webiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Webiga ayaa ku fatahay tuulooyinka Buuf-Fuule, Xudur Ciise iyo Shiidle Bari oo dhammaan hoostaga degmadaasi. Sidoo kale dadka deegaanka oo ay saameysay fatahaadaasi lagu soo warramayaa inay bilaabeen in ay isaga barakacaan halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxa cabsi iyo walaac laga muujinayey fatahaada webiga Shabelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. View the full article
  24. Ethiopian forces in Somalia have admitted to shooting down a Kenyan cargo plane on Monday, leading to six deaths, on ‘mistaken identity’. Source: Hiiraan Online
  25. Degmada Waabari ee gobolkaan Banaadir ayaa xalay daaqada kala baxday dhiggeeda degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka D ee wareega koowaad, tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan adag oo xiiso badan. Sidoo kale labada degmo ayaa u dambeeyey guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle oo haatan maraya meel xasaasi ah. Waabari oo guusha la hoyatay ayaa la timid 14 dhibcood, halka Afgooye oo dhinaca dhulka loo dhigay ay keenstay 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay Wariye Xasan Weli. Degmada Waabari sidoo kale waxay horay barbaro ula soo gashay dhiggeeda degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose laga soo badiyey, kadib markii ay isku beegmeen degmada Kaxda ee G/ Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article