-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Shirkaan ayaa caawa cod loogu qaaday ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311, waxaana lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan. Kororka miisaaniyadda marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%. Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha. The post Golaha Wasiirrada oo kulan deg deg ah ku ansixiyey miisaaniyadda DF oo korortay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo ayaa ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in dekedda Hobyo ay fursad weyn u tahay shacabka deked la’aanta ah ee Itoobiya. Waxay aheyd munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah oo lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo, kaas oo bilaaban doona 45 cisho kadib. Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, Mahad Salaad iyo Liibaan Axmed oo ayaguna ah musharaxiin u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, heshiiskaan wuxuu ahaa mid si weyn loo daneynayo. Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Qoor Qoor ayaa ku faanay in hormar badan uu gaarsiiyey Galmudug, sidoo kale wuxuu sheegay in reer Galmudug ay fursad u abuuri karaan wadamada deriska ah oo Itoobiya ay ugu horeyso, isagoo soo hadal qaaday khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Dekadda Hobyo kaliya faa’iido uma leh dadka reer Galmudug ee bulshooyin kale ayaa ku tiirsanaan doona, waa meesha ugu haboon gobolka oo dhan, waxay ka mid noqon doonta dekedaha ay ka faa’iideystaan shacabka Itoobiya, markii la xaliyo khilaafka hadda jira,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Wuxuu sheegay in khilaafkaan uu iska dhamaa doono, isla markaana Itoobiya ay ku qasbanaa doonto inay soo marto dariiqa saxda ah, markii ay taasi dhacdana wuxuu Qoor Qoor tilmaamay in Hobyo tahay deked istiraatiiji ah oo il dhaqaale u noqon doonta Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Hoos ka daawo The post Daawo: Qoor Qoor oo sheegay in Itoobiya ay isticmaali doonto dekedda Hobyo appeared first on Caasimada Online.
-
President Hassan Sheikh Mohamud proposed one person, one vote elections two years before the end of his mandate. Mogadishu (PP Editorial) — The collapse of the National Consultative Council summit in Mogadishu yesterday places Somalia on the path to a deadlock over the electoral model ahead of the 2026 presidential elections. Unlike his predecessor, President Hassan Sheikh Mohamud proposed one person, one vote elections two years before the end of his mandate. However, this plan encountered an unexpected setback when the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam, rejected Villa Somalia’s proposal to hold national and federal state presidential elections concurrently. Villa Somalia’s proposal clashes with the electoral schedules of Jubaland, Hirshabelle, and South West State. President Ahmed cited Puntland’s electoral independence to prevent the Federal Government of Somalia from interfering in Jubaland’s electoral process. With the bicameral legislature already under the control of the executive, it would have been a serious setback for state-building efforts in Somalia had President Hassan Sheikh Mohamud succeeded with his proposal. President Ahmed cited Puntland’s electoral independence to prevent the Federal Government of Somalia from interfering in Jubaland’s electoral process. As the plan to amend the draft federal constitution stalls, the federal leaders must return to the drawing board and make the necessary concessions to build consensus, as emphasised by UNSOM Chief James Swan in his address to the United Nations Security Council. Mid-term fatigue is already taking a toll on the aspirations of the incumbent federal President. In a joint letter, former President Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Kheire and former Presidential Candidate Abdirahman Abdishakur condemned what they described as an attempt by Villa Somalia to extend the presidential term. They accused President Hassan Sheikh Mohamud of causing the summit’s collapse. Earlier today, Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam returned to Kismaayo. His rejection of Villa Somalia proposal won unexpected praise from Puntland’s Interior Minister, Abdi Farah ‘Juha,’ who hailed the Jubaland leader as the defender of “the constitutional order.” Much political power now rests with the Federal Member States, particularly Galmudug, South West State and Jubaland, whose leaders may now have a second opportunity to prepare Somalia for indirect elections similar to those held in 2022. The proposed one person, one vote elections seem to have been thwarted by the consolidated political power of the current occupant of Villa Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Villa Somalia Faces Setbacks as Jubaland Rejects Concurrent Election Proposal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay heshiiskii maanta lagu saxiixay dhismaha dekedda Hobyo ayaa farriin u diray madaxda Soomaaliya, isagoo aan kala reebin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Rooble ayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada dalkaan, una istaagaan hormarintiisa. “Waxaa idin sugaya shacab Soomaaliyeed oo u diyaarsan inay mustqabalkooda dhistaan, danta guud mar kasta ka hormariya dantiina gaarka ah,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa ka digay in dib loogu noqdo wadadii Soomaali ku kala tagtay ee horay loo soo arkay, isagoo tilmaamay dhibaatada ku dhici karta qofkii dib u dhac ka shaqeeya. “Wadadii shalay isha lagu soo belay yaan dib loogu noqon, waxaad ogaataan qofkii wadadaas ku noqda labada indhood ayuu beelayaa,” ayuu maanta yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble. Hadalka R/Wasaare hore Rooble ayaa ku soo aadaya xilli madaxda Soomaaliya uu shir xasaasi ah muddo toddobaad ku dhow uga socdo madaxtooyada qaranka, iyagoo ku heshii la’ halka loo jiheynayo masiirka dalka, gaar ahaan hanaanka ay u dhacayaan doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Jubbaland oo shirka isaga tagay ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, waxaana muuqata in siyaasadda dalka ay cakiran tahay, waxaana laga warsugayaa waxa ka soo bixi doona shirka golaha wadatashiga qaranka ee weli socda. Rooble ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo, taasi oo kulmisay Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah. Muddo 45 cisho ah ayaa la go’aamiyey in lagu bilaabo dhismaha dekedda Hobyo, waxaana dhisaya oo qandaraaska qaatay labo shirkadood oo Soomaali iyo Turki ay kala leeyihiin. Kharashka ku baxaya dhismaha dekedaas waxaa maanta laga sheegay madasha in la hayo 70% halka inta kale la rijeynayo inay soo uruurto inta uu socdo dhismaha dekedaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Rooble oo farriin u diray madaxda dalka “Yaan loo noqon jidkii 2-da indhood na tiri lahaa” appeared first on Caasimada Online.
-
Shir socon doona mudda shan cisho ah oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka digista xaaladaha halis wadareedka ayaa waxaa Nairobi ka daahfuray Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalij Cabdulle, kaasi oo ay ka qeybgaleen Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa xaaladaha ka digista qataraha oo ay sababan fatahaadaha iyo abaraha., kaasi oo ka dhaca dalkeena. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle oo ugu horeyn daahfuray shirkan ayaa tilmaamay muhiimadda uu bulshada u leeyahay maadaama shirka lagu casuumay madax ka socotay Hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ka shaqeeya Arrimaha Bulshada. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa tilmaamay inta uu ku suganyahay Nairobi uu Madaxda IGAD kala hadli doono fatahaadda aan la fileyn ee uu sababay Webiga Shabeelle kaasi oo la rumeysanyahay in Ethiopia ay biyaha xooggan soo deysay. Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in Hay’adaha beesha caalamka ay u bandhigi doonaan sidii looga caawin lahaa ka hortegidda abaarta La Nina ee la saadaalinayo iyo doorka Hay’adda uga aadan arintaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo daah-furtay Shir ku saabsan ka digista halista Fatahaadaha iyo abaaraha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiiska dhismaha dekadda Hobyo. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa, iyadoo goobjoog ka ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ka qeyb-galay mudanayal ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa madasha ka sheegay in dhismaha dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, ayna dowladdiisa ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Qoor-Qoor ayaa horey u asteeyay goobta laga loo asteeyay dekadda Hobyo, isagoo markaas amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn dhulkii hore loo deegaamayay. “Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor. Si kastaba, dhismaha dekadda Hobyo ayaa muhiimad gaar ah u leh reer Galmudug, oo ayagu muddo ku taamayey inay heleen dekad casri ah, taas oo kor u qaadeysa kobaca dhaqaale ee deegaanada maamulkaasi. The post Heshiiska dhismaha dekadda Hobyo oo maanta lagu saxiixay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la joojiyo hubka la siinayo Israa’iil oo duqeymo ka waday marinka Qasa iyo dalka Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimashada kumanaan dad ah. “Waxaan u maleynayaa in maanta, muhiimadu ay tahay inaan ku laabano xal siyaasadeed, inaan joojino hubka looga dagaalayo Qasa,” ayuu yiri Macron oo la hadlayay warbaahinta gudaha ee France Inter. Madaxweynaha Faransiiska ayaa horay u jeediyay hadallo badan oo Israa’iil ay ka Carootay, asagoo dhowr mar ku baaqay in dagaalka ka socda marinka Qasa degdeg oo loo joojiyo, islamarkaana loo bayro wada-hadallo lagu gaarayo xal nabadeed. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Taliyaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Laanta CID iyo hannaanka hufnaanta shaqo ee loogu adeego shacabka, isaga dhageystay cabashooyinka qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee xarunta loogu adeegayay. Sidoo kale, Taliyaha oo kormeeray habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hortagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Kooxda Alshabaab iyo qorsheyaasha cusub dardargelinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in la gaaray xilligii dadka gobolka Banaadir ay aayahppda ka tashan lahaayeen, isagoo farriin culusna u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Islow ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu usoo jeesto sidii gobolka Banaadir u yeelan lahaa gole deegaan iyo maamul la mida maamullada kale ee dalka ka jira. “Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda dastuuriga ah uga tanaasuleen dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Islow oo sidoo kale tilmaamay in reer Muqdisho ay yihiin canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda federaalka dhaqaalaha ka hesho. Hoos ka aqriso qoraalka Islow TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA IYO DADWEYNAHA GOBOLKA BANAADIR Waxaa la gaaray xilligii ay dadka Gobolka Banaadir aayahooda ka tashan lahaayeen oo ay heli lahaayeen Madax iyo Maamul iyaga metala oo ay soo doorteen. Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud waxaan ugu baaqayaa inuu u soo jeesto sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Gole Degaan iyo Maamul la mida maamullada kale. Dadweynaha Muqdisho waxay xaqooda Dastuuriga ah uga tanaasuleen Dowladnimada Soomaaliya. Waa xaruntii Dowladda, waana canshuur bixiyeyaasha kaliya ee dowladda Federaalka dhaqaalaha ka hesho. Sidoo kale waxaan Xildhibannaada, Odayaasha, Mas’uuliyiinta iyo Qeybaha Bulshada ugu yeerayaa inay bilaabaan wadatashiyo ku saabsan sidii Gobolka Banaadir u yeelan lahaa Maamul Goboleed ay leeyihiin. Mahadsanidiin The post ISLOW oo farriin culus u direy madaxweyne Xasan, baraarujiyeyna reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
462422561_840034394990271_6366897738508788865_n Qaran News
-
462398193_1070075088054073_2080295408246132446_n Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.9 magnitude ayaa fiidnimadii xalay laga dareemay deegaanka Awash Fentale ee dalka Itoobiya. Machadka arrimaha hawada ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa xaqiijiyay arrintan oo warsaxaafadeed uu soo saaray u qeybiyay warbaahinta gudaha. Barta internet-ka ee rasmiga ah ee Mareykanka ee arrimaha dhulgariirka ayaa ku dhawaaqday in dhulgariir dhexdhexaad ah uu sidoo kale ka dhacay deegaanka Methara. Abbaaro 2:10 pm, dad badan oo deggan magaalooyinka Addis Ababa iyo Adama ayaa baraha bulshada ku wadaagayay waxa ay dareemeen marka dhulgariirku dhacay. Sida laga soo xigtay barta internet-ka ee Mareykanka, dhulgariirka ayaa dhacay abbaaro 2pm xilliga gudaha. Barta ayaa sheegtay in dhulgariirka oo ka dhacay meel 30 kilo mitir u jirta magaalada Mehtahara laga dareemay meel ka fog 380 kilo mitir. Wuxuu sheegay in xawaaraha uu ahaa 0.48 seken. Dhulgariirka ayaa gaar ahaan laga dareemay xaafado badan oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dadka deegaanka ee Hayat, CMC, Bole Arabsa, Ka Abado iyo qeybo kale ayaa iyagana sheegay inay dareemeen dhulgariirka. Sawirrada dhulgariirka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxayna muujinayaan dad badan oo guryahooda isaga baxaya iyagoo naxsan isla markaana waddooyinka isugu yimid. Barta Crisis24 ayaa ku warrantay in dhulgariirka laga dareemay bartamaha Itoobiya. Baraha internet-ka ee korjoogteeya arrimaha dhulgariirka ayaa sheegay in dhulgariirka uu ka dhacay meel 23 kiilo mitir u jirta deegaanka Awash, waxayna intaa raaciyeen inuu ahaa mid dhexdhexaad ah. Dhanka kale barta kale ee arrimaha hdulgariirka ee Jaamacadda Berkeley ee Mareykanka ayaa ku warrantay in dhulgariir 4.5 laga soo sheegay 30-kii September qeybo Yurub ka tirsan. Dr. Elias Levi, madaxa machadka arrimaha dhulgariirka ee Jaamacadda Addis Ababa ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dhulgariirka uusan khatar ku ahayn dadka deegaanka. Khabiirka ayaa intaa raaciyay in dhulgariirka ka dhacay deegaanka Awash laga dareemay qeybo ka mid ah Addis Ababa. Wuxuu intaa raaciyay in dhowaan uu dhulgariir ka dhacay gobolka Cafar ee dalkaasi Itoobiya. Wax khasaaro ah amaba waxyeello gaartay guryaha lama sheegin taasoo ka dhalatay dhulgariirkii xalay. Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo xiray kaabayaasha gaadiidka ee halka uu dhulgariirku ka dhacay si baaritaan loogu sameeyo. Waxaa kale oo lagu soo warramayaa in xannibaad ku meel gaar ah lagu sameyn doono isu socodka gaadiidka, balse si degdeg ah loo fasixi doono haddii aysan jirin wax waxyeello ah. Ma aha markii ugu horreysay ee dhowaan uu dhulgariir ka dhaco qeybo ka mid ah Itoobiya. Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 5.6 uu xilli fiidnimo ah ku dhuftay waqooyiga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea. Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo xilligaasi la soo sheegay. Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mekelle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga. Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa sheegay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka. Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea. Isha: BBC The post Xogta dhul-gariir culus oo ka dhacay Addis Ababa iyo qeybo kale oo Itoobiya ah appeared first on Caasimada Online.
-
Goob kulmisay Suldaanka guud ee bariga Hargeysa suldaan Yusuf Muxumed Xiiray iyo xubnihii doraad buuq abuuray, kuwaasi oo maanta suldaan Yuusuf ku hanbalyeeyay xilka uu reerka u hayo ee suldaanka guud iyo hawlaha isbedel doonka. Mar hadii suldaankii guud suldaan Yusuf Muxumed Xiiray uu dhisaayo Cirro beeshii bariga Hargeisa waxa ay gacanta ugu jirtaa isbedelka arinkaasna waa in aan tix galinaa sidaasi waxa goobtaasi ka sheegayb xildhibaan Jamaal Adan Diiriye Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligaan u furan tahay saddex kala daran midkood. Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu marxalada siyaasadeed uu kaga bixi karo inuu talada dhulka dhigay, uuna cid walbana uu la tashado, ama uu lasoo heshiiyo Saciid Deni intuu Garoowe ka dago. “Odayga (Xasan Sheekh) haddii ay ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad; Madaxweyne Xasan Sheekh saddex kala daran inuu kala doorto unbaa u furan; 1. Inuu Garowe ka dago oo uu Saciid Dani kusoo qanciyo ajandihiisa siyaadadeed. 2. Inuu Abu Dhabi ka dago oo uu sifiican isku dhiibo, uguna dhaarto inuu labada kale ka baarisan yahay. 3. Inuu galabta shir jaraa’id ku qabto Villada oo ku dhawaaqo inuu talada dhulka dhigay, cid walbana uu la tashanayo. Saddexdaas haday Odayga ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay. The post Fahad: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u furan inuu kala doorto saddex kala daran appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa si weyn u taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo horleh. Geeddi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna aad u boggaadiyay dadaalka uu gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugaayeen inay codadkooda dhiintaan, si ay u doortaa hoggaankooda, taas oo ah fursad muhiim ah. “Waan la socdaa in dowladda ay dadaal badan ku bixineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana waxa umadda Soomaaliyeed si wayn u sugeysay mudda kabadan 50-sano.,shacabkuna soo doortaan cidda hogaamineyso waana arin fiican in awooda shacbka loo celiyo” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cali Maxamed Geedi. Waxaa kale oo uu farriin u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay u turaan dadkooda, ayna raacaan rabitaankooda. “Golaha wadtashiga iyaga ayaa kal hore ku heshiiya doorasha qof iyo cod ah hadan in siyaasiyiinta qaar ka horyimadaan waxa ay shalay ay noo sheegeen waxa laga filayay ma ahan, balsa waxaan kula talin lahaa in loo tanaasulo dalka iyo dadka”. ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorashada shacabka loo celiyo too abuureyso kalsooni buuxda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay dadaallada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah garab wayn lagu siiyo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la’isku mari waayay arrinta doorashada, waxayna taasi keentay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu isaga baxao madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalo xeebeedka Kismaayo. The post Cali Maxamed Geedi oo si weyn u taageeray qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxay safar dibadeed, isaga oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, sida lagu shegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta” Aadan Madoobe ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee Imaaraadka, wuxuuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha soo kordhay. Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu joogo waddanka Isu tega Imaaraadka waxa uu madaxda dalkaasi, kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal. Safarka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay haatan taagan tahy xiisad siyaasadeed oo xoogleh, kadib markii uu sii kordhay khilaafka ka jira gudaha dalka. Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee saameynta ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageeraa dowladda federaalka. The post Aadan Madoobe oo looga yeeray Imaaraadka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi. Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi. Socdaalka Guddoomiye Aadan madoobe ayaa ku soo beegmaya maalmo kooban ka dib markii Guddoomiyaha aqalka sare uu dalkaas booqasho ku tagey. Source: goobjoog.com