Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbullah iyo Israa’iil Isniinti shalay is weydaarteen madaafiic cusub. Xisbullah ayaa gantaallo ku duqeysay magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay madaafiicdaasi. Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa. Millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Israa’iil Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen in gantaalladi ay ku dhaawacmeen. Waxay kaloo sheegeen in koofurta Lubnan shalay looga dilay laba askari, taasi oo tirada askarta Israa’iil lagaga dilay dagaalka Lubnan ka dhigeysa 11. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa iyaduna sheegtay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaannada xadka Lubnan iyo Isra’il lagu dilay tobnaan qof oo ay ku jiraan 10 ka mid ah shaqaalaha dab damiska. Tan iyo marki ay Israa’iil billowday duqeymaha iyo dagaalka ay ka waddo Lubnan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in la dilay ilaa 2,000 oo qof. Source
  2. Dowladda Itoobiya ayaa Taye Atske Selassie u dooratay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Itoobiya ee lixda sanno ee soo socota. Taye Selassie ayaa ahaa wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya, wuxuuna hadda bedelay Sahle Worke Sawde oo ah madaxweynaha xilka ka degay. Dowladda Itoobiya ayaa u dooratay Taye Atske Selassie in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaas, ee lixda sano ee soo socota. Taye Selassie waxaa lagu magacaabay wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya, waxaana hadda soo dhammeystay Sahle Worke Sawde oo ah madaxweynaha xilka ka degay. Doorashada madaxweynaha ee Itoobiya ayaa ah mid ka mid ah doorashooyinka ugu weyn ee dalkaas, waxaana ka dhacay 2020-kii. Taye Selassie ayaa ah nin ka soo jeeda xukuumadda Itoobiya, waxaana uu ka mid ahaa wasiirka Arrimaha dibada ee madaxweyne Abiy Ahmed. Source
  3. G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan Dowladda Puntland ayaa shaqa joojin ku samaysay dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan iyo dhammaan xubnihii Maxkamaddaasi ayaa sida la xaqiijiyay shaqada laga joojiyay kaddib markii dowladdu ka carootay xukunno ay rideen. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dalka dibaddiisa ku maqan ayaa wararku sheegayaan in uu shaqada ka joojiyay xubnaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland kadib markii ay cabashooyin badan ka yimaadeen xukunno ay rideen. PUNTLAND POST The post Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
  4. Garowe (HOL) – Puntland's Minister of Information, Eng. Mohamud Aydid Dirir, on Tuesday accused Somali President Hassan Sheikh Mohamud of failing to prepare for the country's 2026 elections. Source: Hiiraan Online
  5. Switzerland (SONNA):-Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila. Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, iyagoo sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda gobolka iyo hanaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka iyo in si dhow uwada shaqeeyaan labada xafiis. Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Safiirka Kuwait ee halkaasi Ambassador Nasser A. Al-Hayan kuwaas ka hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
  6. At least a million people in Kenya are struggling with food insecurity and in need of humanitarian assistance, the country's National Drought Management Authority (NDMA) said Monday. Source: Hiiraan Online
  7. Saxmad dheer ayaa ka taagan gobolka Florida ee dalka Mareykanka iyadoo in ka badan hal milyan oo qof lagu amray inay qaxaan, ka hor inta aysan iman duufaanta Milton. Duufaanta, oo la saadaaliyay inay noqon doonto tii ugu xumayd muddo qarni ah, waxa ay imanaysaa in ka yar laba toddobaad ka dib oo duufaantii waxyeellada geysatay, ee Helene, ay gobolkaa haleeshay. Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay duufaantii dhawaan dhacday ay keeni karto in aaggaasi uu noqdo mid u nugul duufaantan oo tii hore ka sii weyn. Dufaanta Milton waa mid aad u baaxad weyn taas oo uu xawaaraheedu gaadhayo waa dabaylaha (270km saacaddiiba. Waxaa la filayaa in ay si buuxda ugu dhufato habeenka Arbacada, wax ka yar laba toddobaad ka dib markii ay gobolka ku dhufatay duufaantii Helene ee wax yeeleysay. Madaxweyne Joe Biden ayaa uga digay dadka ku nool Florida talaadadii inay ka baxaan guryahooda isagoo sheegay in tani ay tahay “arrin ku saabsan nolol iyo geeri” iyadoo gobolku uu sameynayo dadaalkiisii ​​ugu weynaa. Gerald Lemus oo ku noolaa Bradenton noloshiisa oo dhan, wuxuu sheegay inuusan waligiis ka qaxin duufaanadii hore Laakiin hadda waxa uu go’aansaday in ka baxo isaga oo eegaya badbaadada inantiisa siddeed jirka ah. Bbcsomali Qaran News
  8. Fifty-nine Al-Shabaab terrorists and four soldiers were killed in two separate military operations in Somalia’s southern and central provinces, the country’s Information Ministry said on Tuesday, Anadolu Agency reports. Source: Hiiraan Online
  9. Kenya’s lawmakers approved a motion Tuesday to impeach the country’s deputy president, following daylong discussions and after Rigathi Gachagua appeared in parliament to defend himself against several charges, including allegations that he supported anti-government protests in June. Source: Hiiraan Online
  10. With a great deal of fanfare, Turkish President Recep Tayyip Erdogan attended the leaving ceremony of Turkey's energy research vessel Oruc Reis, which set sail this month to Somalia accompanied by two Turkish naval vessels. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqan doono xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle, halkaas oo sidoo kale lagu tababaro ciidanka Danab. Lama shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee Balidoogle, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in halkaas uu kula kulmi doono saraakiisha Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada ciidanka Xoogga. Sidoo kale warar kale oo madax bannaan ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu ka qayb-galayo munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay xerada Balidoogle, kuwaas oo kamid noqonayo kumaandooska ee Danab. Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose. Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle. The post Xog: Madaxweyne XASAN oo tegaya xerada ciidanka Mareykanka ee Balidoogle appeared first on Caasimada Online.
  12. Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad bani’aadamnimo oo aad u adag, iyadoo ay jiraan malaayiin qof oo la kulmaya macaluul ba’an iyo nafaqo-xumo, gaar ahaan carruurta. Xafiiska Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa ka digay in tirada dadka la ildaran macaluusha ay gaari karto 4.4 milyan inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar 2024. Xalka dhibaatadan ma aha mid fudud, laakiin waxaa jirta dhowr waddo oo wax looga qaban karo oo u baahan iskaashi caalami ah, hirgelinta qorshayaal joogto ah, iyo ka jawaabidda degdegga ah ee xaaladda. Maalgelinta Gargaarka Bani’aadamnimo oo la Kordhiyo Xalka ugu horreeya ee wax looga qaban karo macaluusha iyo nafaqo-xumada Soomaaliya waa in la kordhiyo maalgelinta gargaarka bani’aadamnimo. Sida ay sheegtay OCHA, maalgelinta qorshaha baahiyaha bani’aadannimo ee Soomaaliya sannadka 2024 ayaa haatan ah 37%, taasoo ah heer aad u hooseeya. Taageerada caalamiga ah waa in si degdeg ah loo xoojiyo si loo kordhiyo barnaamijyada gargaarka sida bixinta cunno, daawooyinka nafaqada, iyo adeegyada caafimaadka ee dadka dhibaataysan. Beesha caalamka waa inay si firfircoon uga qaybqaadato si looga hortago masiibo weyn oo bani’aadamnimo. Horumarinta Kaabayaasha Biyaha iyo Fayadhowrka Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cudurrada faafa iyo nafaqo-xumada Soomaaliya waa helitaanka biyo nadiif ah oo yar iyo adeegyada fayadhowrka oo aan ku filnayn. Roobabka yaraanaya waxay keenayaan in biyo la’aanta ay sii kordho, taasoo keenta cudurro ay ka mid yihiin shuban-biyoodka oo si fudud uga dillaaca deegaannada abaaruhu saameeyeen. Xalalka waa in lagu saleysaa in la dhiso kaabayaasha biyaha ee nadiifka ah iyo in la hormariyo adeegyada fayadhowrka ee bulshooyinka miyiga ah iyo kuwa barakacay. Barnaamijyo Joogto ah oo Waxbarasho iyo Shaqo-abuur ah Si xal waara loogu helo macaluusha iyo nafaqo-xumada, Soomaaliya waxay u baahan tahay barnaamijyo waxbarasho iyo shaqo-abuur oo ku saleysan horumarinta wax-soosaarka gudaha. Taageerada beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, kuwaas oo si weyn u saameeyay abaaraha iyo isbeddelka cimilada, waa mid muhiim ah. Waxbarashada iyo tababarka xirfadaha shaqada ayaa kor u qaadi kara kartida dadka deegaanka, si ay ugu tiirsanaadaan shaqooyinka wax-soosaarka gudaha ee joogtada ah halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen gargaarka dibadda oo kaliya. Maareynta Khayraadka iyo La-dagaallanka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu daran ee ay saameeyeen isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro iyo roob la’aan soo noqnoqday ay sii xumeeyeen xaaladda. Maareynta khayraadka dabiiciga ah iyo la-dagaallanka isbeddelka cimilada waa tallaabo muhiim ah oo lagu xallin karo xaaladda macaluusha. Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah waa inay hirgeliyaan qorshayaal wax-ku-ool ah oo la xiriira ka-hortagga isbeddelka cimilada, iyo sidii loo dhisi lahaa nidaamyo wax-soosaarka cuntada ee waara oo ku saleysan beeraha iyo xoolo-dhaqatada deegaanka. Wacyigelinta Bulshada iyo Kordhinta Wadatashiga Bulshooyinka ay sida weyn u saameeyeen abaaraha iyo macaluusha waa in si wanaagsan loogu wacyigeliyaa sidii ay u qaadan lahaayeen hababka ka hortagga nafaqo-xumada iyo sidii ay ula qabsan lahaayeen isbeddelada cimilada Source: goobjoog.com
  13. Sida ay sheegtay Hey’adda FBI-da Marykanka waxa ay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalka ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ayaa sheegtay in ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan. Source: goobjoog.com
  14. Washington (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Sida ay sheegtay wasaaradda cadaaladda Mareykanka ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magacaaba Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan. Sida ay sheegtay waaxda cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray kadib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka oo xiray nin Afghani ah oo qorsheynayay weerar culus appeared first on Caasimada Online.
  15. Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday. Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu isaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee bishii June. 281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mooshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod. Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono. Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Kenya oo xilka xayuubin ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi appeared first on Puntland Post.
  16. Hay’adda FBI-da Marykanka ayaa sheegtay in ay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Sida ay sheegtay wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray ka dib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka. PUNTLAND POST The post FBI-da Marykanka oo xirtay nin u dhashay Afgaanistan oo taageersan Daacish appeared first on Puntland Post.
  17. 1. Madaxwaynaha 2. Gud. Maxkamadda Sare 3. Taliyaha Ciidanka 4. Taliyaha Dabdamiska 5. Taliye-XIgenka Sirdoonka 6. Taliye-xigeenk Socdaankla 7. Taliye-xigeenka Badda 8. Wasiirka Maaliyadda 9. Wasiirka Arrimaha Bulshada 10. Wasiirka Macdanta 11. Wasiirka Beeraha 12. Wasir- xigenk Amniga 13. Wasir-xigenka Waxbarashada 14. Gud. Hayada Shaqalaha 15. Gud NADFOR 16. Gud Komishanka Tamarta 17. Gud. Mihnadlayaasha caafimaadka 18. Gud. Aaga Cashuuraha ka caagan 19. Mareyaha Wakalada biyaha Hargeysa 20. Garyaqaanka Guud 21. Hanti- dhawraha Guud 22. Mareyaha Dekadaha 23. Badhasaabka Saaxil 24. Badhasaabka Selel 25. Badhasaabka Saraar 26. Ag. Guud Caafimaadka 27. Ag. Guud Ganacsiga 28. Ag. Guud Khayraadka Biyaha 29. Ag. Guud Dastuurka 30. Ag. Guud madaxtooyada 31. Ag. Guud Banka 32. Ag. Guud Caymiska 33. Ag. Guud Arrimaha Dibeda 34. Ag. Guud W Qorshaynta 35. Ag. Fulinta maxadka shaqalaha 36. Ag. Fulinta Sanduqa dhalinyarada 37. Ag. Fulinta Maxadka Beeraha 38. Ag. Fulinta Mihnad Cafimadka 39. Ag. Fulinta Xuquulul Insaanka 40. Safiirka Djibouti 41. Safiirka Sweden 42. Safiirka Taiwan 43. Safiirka Norway 44. Safiirka Germany 45. Safiirka Sucuudiga 46. Safiir -xigenka ETHIOPIA 47.Badh-xigeenka Hargeysa 48. Mar-xigenka Duulista 49. Mar. Xigenka Free Zone ka 50. Gud.xigenka banka 51. Gud. Xigeenka caymiska 52. Gud.xigenka Madbacada 53. Badh. Xigenka Gabiley 54. Gud. Xigenka Tacliinta sare 55. Ag. Wacyigelinta Solnac 56. Xubin NEC 57. Xub. Komishanka Tamarta 58. Xubin Kom maaulwanaga 59. Xubin. Hay’da shaqalaha 60. Xubin. Xuquul isnaanka 61. Xubin xuquul Insaanka ? 62. Xubin Tacliinta sare 63. Xubin Boodha DPW 64. Xubin qandaraashyada 65. Xubin Hayad Shaq 66. Xubin Gud. Ururada 67. taliyaha Ilaalada Madax 68. Xog. Madaxwaynaha 69. Badh. Xigenka Hawd 70. Kusimaha Afhayenka 71. Xog. Golaha Wasiiradda 72. Ag. Fulinta Maxadka Dawladaha hoose 73. Lataliyaha dhaqalaha 74. Lataliyaha Garka ah Mustafe Irshad 75. Gud.-xigeenka Guurtida 76. Ag. Cisbitalka Guud 77. Safiirka Faransiiska 78. Xubin Boardka Banka 79 Safiirka Imaaraadka 80 Badh.xigenka Gabilay 81 Maareeyaha Mabdacada 82. Hay’ada Qurba jooga West Burco Clan. 1. Wasiirka Qorshaynta 2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha 3. Wasiirka Deegaanka 4. Wasiirka Kaluumaysiga 5. Wasiir-xigeenka Beeraha 6. Wasiir-xigeenka Ganacsiga 7. Wasiir-xigeenka Jidadka 8. Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud 9. Taliyaha Booliska 10. Gudoomiha Banka 11. Maareyaha Duulista 12. Gud. Maamul-wanaaga 13. Gud. Xuquul Insaanka 14. Gud. Tayada 15. Badhasabka Gabiley 16. Badhasaabka Oodwayne 17. Ag. Guud Warfaafinta 18. Ag Guud ee Arimaha Gudaha 19. Ag. Hawlaha Guud 20. Ag. Ciyaaraha 21. Ag. Guud Tayada 22. Xubin Boardka Banka 22. Gud.xigenka Qandaraasyada 22. Badh.xigenka Togdheer 23. Badh. Xigenka Saaxil 24. Badh.xigenka Oodwayne 25.safiirka EUda 26. Xubin NEC 27. Xubin NEC 28. Xubin Qandarasyada 29. Xubin Xuquul Insanka 30. Xubin Tacliinta sare 31. Xubin Tacliinta sare 32. Xubin tayada 33. Gudida Urarada 34. Xubin Solnac 35. Lataliye Gaarka ah 36. Lataliye Cawil 37. Ag. Guud Diinta Iyo Awqaafta East Burco Clan 1. Gud. Guurtida 2. Gud.xigenka Wakiilada 3. Wasirka Daakhiliga 4. Wasiirka caafimaadka 5. Wasiirka cadaaladda 6. Wasiirka Warfaafinta 7. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta 8. Wasir-xigenka Arrimaha Dibeda 9. Wasiir-xigeenka Maaliyadda 10. Gud. Qandaraasyada 11. Gud. Qoxoontiga 12. Gud. NEC 13. Gud. Tacliinta sare 14. Taliyaha Sirdoonka 15. Gud. Caysmiska 16. Gud. Dicdic 17. Badh. Togdheer 18. Badh. Sanaag 19. Badh.xigenka Saraar 20. Gud. Xigenka Hay’adda Shaqalaha 21. Gud. RDA 22. Gud. Xigeenka Mihnadlayaasha 23. Mar.xigenka Dekedaha 24. Gud. Xigenka Tayada 25. Gud. Xigenka G. Urarada 26. Saiirka Kenya 27. Sfiirka UK 28. Safiirka AU 29. Ag. Guud Deegaanka 30. Ag. Guud Beeraha 31. Ag. Guud Waxbarashada 32. Ag. Guud Macdanta 33. Ag. Guud Amniga 34. Ag. Guud Boosaha 35. Taliya Ciidanka Badda 36. Xubin Komishanka Tamarta 37. Xubin Xuquul Insaanka 38. Xubin DPW 39. Xog. G. Wakiilada 40. Xubin Boardka Banka 41. Taliye-xigeenka Asluubta Arab. 1. Wasiirka Arrimaha Dibeda 2. Wasiirka Ismgaadhsinta 3. Wasiir ku Caafimaadka 4. Badhasaabka Hargeisa 5. Ag. Guud Xanaanada Xoolaha 6. AG. Guud Maaliyadda 7. Ag. K Tamarta 8. Taliye-xigeenka Booliska 9. Safiirka Turkiga 10. Ergayga Wadahadalada somalia 11 Safiirk . K. Afrika 12. Xubin NEC 13. Xubin Tacliinta sare 14. Xubin Guddida Ururada 15. Xubin Maamul-wanaaga 16. Xubin Qandarasyada 17. Hay’da shaqalaha 18. Xuquulul Insaanka 19. Xubin Solnac 20. Lataliyaha Madaxweynaha Ee ITga Ayuub 1. Wasiir Xigenka Arrimaha Bulshada 2. Maryaha Haamaha Shidaalka 3. Ag. Guud Gaadiidka 4. Xubin Gud. Ururada Toljecle 1. Wasiir-xigeenka Biyaha 2.Xeer Ilaaliyaha Guud 3 Xubin Gudida Tamarta Gabooye 1. Wasiir Xigenka Cadaaladda 2. Xubin Tayada 3. Xubin Xuquulul Insaanka Others 1. Hanti-dhawre- xigeenka 2. Mareye xigenka Hamaha 3. Ag. Guud Maamul-wanaaga Awdal Clan 1. Madaxwayne Xigenka 2. Gud. Xigenka Wakilada 3. Wasirka Ganacsiga 4. Wasirka Waxbarashada 5. Wasirka Xidhiidhka Golahayasha 6. Wasir-xigenka Xanaanada Xoolaha 7. Wasir-xigenka Warfaafinta 8. Taliya Asubta 9. Taliye-Xigenka Ciidanka Qaranka 10. Mar. RDA 11. Xisabiyaha Gud 12. Ag. Guud Beeraha 13. Ag. Guud Shaqagelinta 14. Ag. Guud Hay’da shaqalaha 15. Ag. Tacliinta sare 16. Ag.fulinta Solnac 17. Badhasaabka Awdal 18. Safiirka USA 20. Safiirka Yemen 20. Safiir xigenka Kenya 21. Safiirka Ethiopia 22. Xubin NEC 23. Xubin Qandarasyada 24. Xubin G. Ururada 25. Xubin Hay’da shaqalaha 26. Tacliinta sare 27. Xubin Boardka Banka 28. Maamul-wanaaga 29. Tayada 30. Xuquul Insanka 31. Wasiir-xigeenka Tamarta 32 Ag.Guud Kaluumaysiga Ciise. 1. Wasiir Gaashaandhiga 2. Wasiir Xigenka Hawlaha Guud 3. Badhasabka Hawd 4. Badh. Xigenka Awdal 5. Xubin Tacliinta sare 6. Xubin Xuquul Insaanka 7. Taliye-xigeenka Booliska Sool clan 1. Gud. Wakiilada 2. Wasiirka Biyaha 3. Wasiirka Maalgashiga 4. Wasiirka Ciyaaraha 5. Badhasaabka Sool 6. Badhasaabka Xaysimo 7. Badhasabka Buuhoode….? 8. Badh. Xigenka Xaysimo 9. Badh Kuxigenka Sool 10. Badh. Xigenka Sanaag 11. Gud. G Urarada 12. Gud. Xigenka NADFOR 13. Ag.Guud Cadaalada 14. Ag. Guud NEC 15. Taliyaha Ciidanka Socdaalka 16. Xubin Qandarasyada Qaranka East Sanaag Clan. 1. Gud. xigeenka Guurtida 2. Wasiirka Hawlaha guud 3. Wasiirka Jidadaka 4. Ag. Guud Qandarasyada 5. Ag Guud Gaadhaandhiga 6.Badhasaabka Badhan 7. Xubin NEC Qaran News
  18. 462358295_415459651584178_1111621850072789596_n Qaran News
  19. 462532184_510342025179124_5542639640271050445_n Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay oo la xiriirta heshiiska badda siisay dowladda Itoobiya, si ay uga laabato. Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqti badan dowladda federaalka ay siisay Itoobiya, balse aanu sameyn wax isbeddal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan la gaaray muddadii kama dambeys ahayd. La-taliyaha amniga qaranka oo la hadlay Wargeyska The New Humanitaria ayaa xusay in Itoobiya ay u qabanayaan ugu dambeyn inay heshiiska Somaliland uga baxdo inta lagu guda jiro bishaan October ee sanadkaan 2024-ka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan heshiiska badda ee Somaliland. “Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weli ku socoto gardaro iyo boobka ka dhan Soomaaliya, kaas oo ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli weli halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiis Abiy uu horraantii sanadkan la galay Muuse Biixi. Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda taagan, waxaana lagu beddali doono ciidamo Masaari ah oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalayo ATMIS, marka ay baxaan dhammaadka sanadkaan. The post Soomaaliya oo digniintii ugu dambeysay ee hiishiiska badda siisay Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  21. 281 xildhibaan ay u codeeyay mooshinka xilka looga qaaday Masuulkaas, waxaa diiday 44 Xildhinaan halka uu ka aamusay 1 Xildhibaan. Guddoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula, ayaa toddobaadkii hore ku wargeliyay baarlamaanka mooshinka oo ku saleysan 11 sababood oo xil ka qaadistiisa ah. maanta, iyadoo la raacayo habraacyada baarlamaanka Kenya, xildhibaanka mooshinka waday ayaa ugu yaraan hal saac ku bixiyay soo bandhigista sababaha mooshinka, kaddibna xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay. Isniintii galabnimadii, Gachagua ayaa kula hadlay suxufiyiinta hoyga ku xigeenka madaxweynaha ee Nairobi, halkaas oo uu ku ballanqaaday inuu dagaal adag kala hor tagi doono mooshinka xil ka qaadista oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Sababaha xil ka qaadistiisa loo cuskaday waxaa ka mid ah eedeymo sheegaya in Gachagua uu door ku lahaa mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dalka ka dhacay saddex bilood ka hor. Sababaha kale waxaa ka mid ah: eedaymo musuqmaasuq, qabyaalad, iyo inuu ku xad-gudbay madaxweynaha isaga oo sameeyay hadallo ka hor imaanaya kuwa madaxweynaha iyo inuu wax kama jiraan ka dhigay go’aammada golaha wasiirrada Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo ku socota shacabka magaalada Muqdisho, taas oo la faray inay dhaqan-geliyaan ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan. Booliska oo ka duulayo go’aankii wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada ayaa sheegay in mamnuucayin dalka laga soo dejiyo lagana ganacsado bacaha, si loo ilaaliyo deegaanka. Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo faah-faahiyay awaamiirtan ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu helo inay ka ganacsaneyso bacda ama isticmaaleyso. “Cidii lagu arko bac am aka ganacsaneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag hadda kadib bacaha waa mamnuuc” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu u digay kooxaha ciyaal weerada ee mar kale kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Booliska uu ka qaado doono tallaabo sharci ah. “Ciddii lagu arko iyada oo falal ciyaal weero ah ku dhaqaaqeysa, dadka dhibaateyneyso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri mar kale afhayeenku Booliska ayaa sidoo kale mamnuucay baabuurta lagu baakiyo meelaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, taas oo ay ka dhalato cabsi la xiriirta ammaanka. Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho howlgallo amni xaqiijin ah ka waday Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ujeedkooda uu ahaa ka hortega amni darrada. The post BOOLISKA oo soo saaray awaamiir culus oo ku socota reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya Jeneraal Birhanu Jula Gelalcha oo mar kale soo hadlay ayaa u jawaabay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ku eedeeyay in Itoobiya ay hub soo gelisay Soomaaliya. Jeneraal Birhanu Jula ganafka ku dhuftay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray in Itoobiya ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya. Taliyaha ciidamada difaaca oo hadalka sii wata ayaa ku hanjabay haddii ay sii socdaan hadallada ka imaanaya Soomaaliya in Itoobiya ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo dheeraad ah. “Hadda Itoobiya hub sharci ah ma gelin Soomaaliya, laakiin haddii hadallada noocaas ah ay sii socdaan waxaa dhici karto in Itoobiya ay qaado tallaabooyin kale oo aan ahayn hubka nalagu eedeynayo” ayuu yiri Jeneraal Birhanu Jula. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor madaxweyne Xasan Sheekh uu Itoobiya ku eedeeyay inay hub soo gelisay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejisay maleeshiyaad qabaa’il gudaha ah, si ay uga dhex faa’iideysato coladdaasi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo ku eedeeyay inay qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi. Si kastaba, eedeymaha labada dal ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay maamulka Somaliland. The post ITOOBIYA oo war culus kasoo saartay hubka ay soo gelisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  24. Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu ka soo xirmay jidkii mudda kororsiga uu raadinayay in uu xukunka ku sii joogo. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fashilmay qorshihii mudda kororsiga xukunka kadib markii uu burburay Shirkii Muqdisho ee lagu ansixin lahaa mudda kororsiga. “Xasan iyo mabaadiidiisii kali-taliska ahayd gidaarkay soo taabatay. Gidaarka hadday soo taabatayna Mariyaanana way sugaysaa, In guntiga lagu dhego lix bilood oo la dhaho Xasanow soo bax. Isagaa oran jiray Maxamadow soo bax” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland. Wasiir Dirir ayaa sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay in madaxweyne Xasan Sheikh uusan diyaar u ahayn inuu dalka doorasho u diyaariyo sanadka 2026 wuxuuna sheegay in damaca siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheikh uu dalku gelin karo qalalaase siyaasadeed. Halkan ka daawo Muuqaalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in uu fashilmay mudda kororsi uu raadinayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
  25. London (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka ee dowladda Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaaso joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Ken McCallum oo bixiyay warbixintiisa sanadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laheyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska, kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka. MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah. Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa jiray “aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran” oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London. “20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yiri. Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare – taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan. In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in “intooda badan” ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum. The post Sirdoonka UK oo ka digaya shirqoollo ay Iran ka dhex wado gudaha dalkooda appeared first on Caasimada Online.