Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sucuudiga u jooga Soomaaliya mudane Axmed Bin Maxamed Almowallad. Taliyaha iyo Danjiraha ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, ka hortagga qataraha argagixisada, xoojinta taageerada Boqortooyada Sucuudiga ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka kooxaha xagjirka ah. Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah saaxiibada istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, waxayna labada dhinacba ku wada jiraan isbahaysiyo dhowr ah. Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) - Somali forces, supported by international partners and local militia, have killed at least 59 al-Shabab militants in two operations in the Galgadud and Middle Shabelle regions over the last two days. Source: Hiiraan Online
  3. Alle ha u naxariistee, waxaa Maanta magaalada Gaalkacyo lagu aasay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan (Shuuke) oo dhawaan geeriyooday. Marxuumka oo mudda dheer ahaa Hormuudka Bahda Waxbarashada Soomaaliya, waxaa Aaskiisa ka qeybka galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, Bahda Waxbarashada, Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo. Marxuum Cabdiraxman Cabdile Shuuke wuxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay horumarinta waxbarashada iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa raggii dhidibbada u taagay waxbarashada dalka, isaga oo noloshiisa u huray dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed, waxbarashada, iyo hagaajinta nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya. Wuxuu ku dhashay magaalada Garoowe oo markaasi Tuulo yar ahayd Sannadkii 1937 wuxuu mudda dheer ahaa Macallin heerarka kala duwan ee Waxbarashada, waxaana uu uga gudbay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ilaa uu noqday Wasiirka Waxbarashada dalka. Burburkii dalka kadibna wuxuu kamid noqday Asaasayaashii Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC. Halkan ka eeg Sawirada Aaska Marxuumka PUNTLAND POST The post Hormuudkii Bahda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo Maanta Gaalkacyo lagu aasay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sii wada kulamadooda, xilli uu shirka isaga baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si wayn uga biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah. Kulanka maanta ay yeesheen golaha ayaa ka dhacay guriga ra’iisul wasaare Xamza, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho, madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa looga hadlay kulankan, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka ahaa shirarka weli u socdo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan ay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen hoyga Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamae Cabdi Barre oo qado sharaf ku maamuusay xubnaha Golaha” ayaa lagu yiri qoraalka. Inkastoo shirka uu ka baxay Axmed Madoobe, horana ay uga maqneyd Puntland ayaa waxaa xalay ra’iisul wasaare Xamza oo qabtay shir jaraa’id uu sheegay in uu sii soconayo shirka, lagana soo saari doono go’aanno iyo war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay. “Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu xalay yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab. “Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.” The post Golaha wadatashiga oo yeeshay shir ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo DENI + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Borame ,(Qaran news)-Magaaladda Borama waxa kulan ku yeeshay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci iyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Maxamed Cali. Ma jiraan wax war ah oo faah faahsan oo kulankaasi ka soo baxay, hase ahaatee Madaxweyne kuxigeen Somaliland Mr Saylici ayaa hore u sheegay in uu dòorashada dhici doonta sanadkani 13ka November uu dhex ka noqon doono oo aanu u ololayn doonin madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye toona Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo maanta ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee maamullada Galgaduud iyo HirShabelle. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, isla markaana lagu dilay illaa 32 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale howlgalka labaad ayaa ka dhacay taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 27 kale. Waxaa kale oo howlgalladan lagu burburiyay fariisimo ay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada ay ka dhaceen howlgalladu. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- Muqdisho, October 08, 2024: ilaa iyo 59 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay. Hawlgalada bartimaameedka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la kordhiyay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay si wayn cadowga loogu naafeeyay. The post Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay laba bartilmaameed appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku xegeenkiisa iyo madaxda dowlad gobololeedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Masuuliyiintan oo uu shirka Madasha wada-tashiga qaranku uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ku kulmay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo munaasabad qado sharaf ah loogu sameeyay. Madaxda Sare ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobololeedyada ayaa waxaa weli u socda shirkii madasha wada-tashiga qaramka oo dhowaan ka furmay xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland oo dhowaan ku laabtay magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka horyimid qodobo kamida ajandaha shirka. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta dhismaha SSC-Khaatumo ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu garab siin waayay dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka libin dhacday hoggaanka iyo shacabka deegaamada SSC-Khaatumo, isaga oo uu tilmaamay in loo tixgelin waayey jacaylkii ay u qabeen dalkooda, ayna u goyn weysay ka qaybgalka shirarka Muqdisho. “Madaxda SSC oo lahaa Xasanow waanu ku jecelnahay xitaa waa la tixgalin waayay jacaylkoodii oo ku hungoobeen Xamar” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad. Horay SSC oo war-saxaafadeed usoo saartay ayaa garnaqsatay, waxayan farriin u dirtay golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan. “Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Qoraalka Khaatumo waxaa sidoo kale lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan. “Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka SSC-Khaatumo. The post War cusub oo kasoo kordhay arrinta SSC-Khaatumo iyo DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
  9. Musharraxa Cabdiraxmaan Cirro Iyo Gudomiye Xirsi ayaa 4 neef oo Geel ah iyo 50 Adhi ah ku wareejiyay Ciidamada kala duwan ee ku sugan aagga gobolka Sanaag. Deeqaadaas xoolaha ah Waxaa la wareeegay taliyaha qaybta 3aad Cabdillaahi Axmed Cali (Cabdillaahi Suufi). Taliyaha ayaa uga mahadnaqay Musharraxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI deeqdaas ay soo gaadhsiiyeen ciidamada kala duwan ee ku sugan Sanaag. Qaran News
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si weyn usoo dhaweysay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu isaga baxo shirka golaha wadatashiga qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku amaanay Axmed Madoobe inuu diiday ka qeyb noqoshada wax ugu yeeray “tallo xumada hoggaanka dowladda federaalka.” “Axmed Madoobe markuu labo maalmood soo horfariistay, waxaa lagu yiri annagaa muddo kordhin ku siinayna ee dastuurka Jubbaland iska tuur,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha ay wado dowladda federaalka aan dalka lagu gaarsiin karin doorasho qof iyo cod ah, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay in loo laabto doorasho dadban. “Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxuu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, haddana wuxuu rabaa inuu tuuro dastuurkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka. Madaxweynaha Jubbaland oo ka biyo diiday sida ay wax u wado Villa Somalia ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, waxaana durba tallaabadan ku amaantay Puntland oo ayadu kal hore kala furteen dowladda dhexe. Si kastaba, shirka golaha wadatashiga qaran oo wajahaya fashil culus ayaa haatan waxaa socdo qorshe la doonayo in go’aanno looga soo saaro, iyada oo uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, uuna horey uga maqnaa Saciid Deni. The post Maxay Puntland ka tiri go’aanka uu Axmed Madoobe uga baxay shirka? appeared first on Caasimada Online.
  11. 462532503_1788072975060235_5724032158019692783_n Qaran News
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in mashruuca Badmaal ay ka faa’iidaysan doonaan kumanaan ka tirsan kalluumaysatada Soomaaliyeed, islamarkaana dib u dhis loogu samayn doono kaabayaasha muhiimka u ah kalluumaysiga dalka. Barnaamijka Badmaal ayaa ah mid diiradda saarayaa taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kaluunka ee dalka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka baddeena hodanka ah ceegaaga. Raiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta daah-furaayey barnaamijka Badmaal lagu horumarinayo iskaashatooyinka kalluumaysiga, iyada oo xoogga la saarayo tayeynta qalabka, xirfadaha kalluumaysatada, kobcinta dakhligooda, iyo guud ahaan kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaa waaxda kalluumaysiga. Source: goobjoog.com
  13. Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha a dhashay qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac. Saraakiisha milatariga ayaa xaqiijiyay in askar ka tirsanaa ciidankooda ay waxyeelo soo gaartay, balse ay fashiliyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, ayna ku dhaawaceen saddex kale. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada dowladda lasoo wariyay inay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose. Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax culus maanta lala beegsaday + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  14. Baarlamaanka Kenya ayaa maanta bilaabay fadhigii uu ku doodayay mooshin xilka looga tuurayo ku xigeenka madaxweynaha dalka, Rigathi Gachagua. Si kastaba ha ahaatee, Gachagua ayaa la filayaa inuu hortago baarlamaanka dalka si uu isaga difaaco mooshinka uu horgeeyay Xildhibaan Mwengi Mutise oo ka socda Kibwezi West. Guddoomiyaha baarlamaanka, Moses Wetangula, ayaa toddobaadkii hore ku wargeliyay baarlamaanka mooshinka oo ku saleysan 11 sababood oo xil ka qaadistiisa ah. maanta, iyadoo la raacayo habraacyada baarlamaanka Kenya, xildhibaanka mooshinka waday ayaa ugu yaraan hal saac ku bixiyay soo bandhigista sababaha mooshinka, kaddibna xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay. Isniintii galabnimadii, Gachagua ayaa kula hadlay suxufiyiinta hoyga ku xigeenka madaxweynaha ee Nairobi, halkaas oo uu ku ballanqaaday inuu dagaal adag kala hor tagi doono mooshinka xil ka qaadista oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan. Sababaha xil ka qaadistiisa loo cuskaday waxaa ka mid ah eedeymo sheegaya in Gachagua uu door ku lahaa mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda ee dalka ka dhacay saddex bilood ka hor. Sababaha kale waxaa ka mid ah: eedaymo musuqmaasuq, qabyaalad, iyo inuu ku xad-gudbay madaxweynaha isaga oo sameeyay hadallo ka hor imaanaya kuwa madaxweynaha iyo inuu wax kama jiraan ka dhigay go’aammada golaha wasiirrada. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa dhawaan warbixin u gudbiyay golaha ammaanka, taas oo ku saabsaneyd arrimaha Soomaaliya ayaa uga hadlay qodobo xasaasi ah. Swan ayaa warbixintiisa marna kusoo hadal qaadin maqnaashaha Puntland, isaga oo carabaabay wax ka beddelka dastuurka dalka oo uu sheegay inay dib u eegis ku socoto cutubyada 5-aad illaa 9-aad. “Waxaa la dhiirri-gelinayaa wada-hadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada,” ayuu yiri James Swan. Hoos ka aqriso 5-ta arrimood ee Swan uga hadlay warbixinta uu golaha ammaanka u gudbiyay. 1. Wax ka bedelka dastuurka iyo Horumarrada Siyaasadda: Dowladda Soomaaliya waxay diiradda saareysaa arrimaha mudnaanta Qaran leh, gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka. Cutubyada 5aad ilaa 9aad ayey dib-u-eegis ku socotaa, waana kuwa ka hadlayo arrimaha awood qeybsiga ka dhaxeeya dowladda Federalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah Horay ayaa loogu ruqaansaday dhanka u guurista hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo shuruucda aasaasiga u ah dooraashada laga shaqeeyay. Waxaa la dhiirrigelinayaa wadahadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada. 2. Ammaanka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada: Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab wali waa muhiimmadda aasaasiga ah ee amniga, iyadoo dowladdu ay sii waddo howlgallada milatari. Soomaaliya waxay wax ka qabanaysaa dhisidda ciidan, waxayna ka guureysaa Hawlgalka Kumeelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una guureysaa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee la qorsheynayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyada oo hirgelinaysa barnaamijyo xasillineed. Al-Shabaab waxay sii wadaa weerarada, waxaana sii kordhaya joogitaanka ISIS wuuna cambaareeyay. 3. Xiisadda gobolka iyo dublamaasiyadda: Wal-wal ayaa laga muujiyay xiisadda gobolka ee ka dhalatay heshiiska is afgaradka ah ee Ethiopia la gashay Somaliland. Waxaa la oso jeediyay in arrinta loo xalliyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Dadaallo dublamaasiyadeed oo ay kamid yihiin wadahadallo ay Turkidu dhexdhexaadineyso ayaa muhiim loo arkaa si loo xakameeyo xaaladda. Xiisadda Sool iyo Sanaag ayuu ka hadlay, isagaoo ku baaqay helitaanka wadooyin bani’aadamnimo iyo gargaar. 4. Caqabadaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarineed: Soomaaliya waxaa ka jira baahiyo bini’aadanimo oo ba’an sababo la xiriira masiibooyinka cimilada, colaadaha, iyo saboolnimada, waxaana loo baahan yahay taageero dheeraad ah oo ku aaddan Qorshaha Baahiyaha iyo Gurmadka Bini’aadanimo ee 2024. Isbeddelka cimilada ayaa loo arkaa inuu yahay sabab keenta colaadaha, waxaana la wadaa dadaallo lagu dhisayo adkeysiga iyada oo loo marayo helitaanka Sanduuqa Cimilada Cagaaran 5. Xilliga kala guurka hawgalka QM ee Soomaaliya Qorshe ku saabsan in laga guuro Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loona guuro koox dalka ka howl-gasha oo UN ah ayaa loo gudbiyey Golaha Ammaanka. Tani waxay daba socotaa wadahadallo lala yeeshay hoggaanka Soomaaliya, Qaramada Midoobayna waxay rajeyneysaa inay taageerto mudnaanta qaran ee Soomaaliya. The post Swan oo iska indho tiray maqnaashaha Puntland, kana hadlay 5 qodob oo xasasi ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka shaacisay in ay hawlgallo qorshaysan ku dishay 59 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Al-shabaab. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in hawlgalkaasi ay fuliyeen ciidamada dowladda oo kaashanaya ciidamo degaanka ah iyo saaxiibada Caalamiga ah. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallada laga fuliyay degaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe islamarkaana mileeshiyaadka lagu dilay ay ku jiraan qaar horjoogayaal ah. Hawlgalka kowaad oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Goosa weyn ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay 32 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Shabaab halka ciidamada dowladda ay kaga dhinteen 4 askari sida ay sheegtay wasaaradda Warfaafinta. Hawlgalka labaad oo oo laga fuliyay tuulada Yaaqle oo u dhow degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 27 ka tirsan Al-shabaab sida ay tilmaantay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay hawlgallo ku dishay 59 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) – Somali Cabinet of Ministers has approved a $1.3 billion budget for the 2025 fiscal year following an emergency meeting chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  18. Addis Ababa (HOL) - The Ethiopian government has begun evacuating its nationals from Lebanon as Israeli airstrikes and ground operations continue in southern Lebanon. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) – Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre confirmed on Tuesday that the National Consultative Council (NCC) meeting in Mogadishu is still ongoing, despite the recent return of Jubbaland leader Ahmed Madobe to Kismayo following a political standoff over upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  20. Marka loo eego jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarka gantaallada ee Iiraan, dad badanina ay la socdaan isbeddellada suurtagalka ah ee ku yimid isu-dheellitirka awoodda Bariga Dhexe ee u dhexeeya Israa’iil iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaa sidoo kale isha lagu hayaa dalalka Carabta ee Khaliijka, kuwaas oo muddo dheer lagu tilmaamay in xiriirkooda Tehraan uu xumaa. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa labo ilo oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in “dawladdaha khaliijku ay fariin u direen Iran, iyaga oo doonaya in ay u xaqiijiyaan dhex dhexaadnimadeeda khilaafka Israa’iil” iyadoo la tixraacayo shir “aan rasmi ahayn” oo ay si wada jir ah u wada yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Khaliijka oo la qabtay Oktoobar 3, oo uu shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee Golahaas, Jassim Al-Badawi. Dadka wax indha indheeya ayaa la yaabban suurtagalnimada in hoos u dhac ku yimaado saameynta Iran ee gobolka iyo falcelinta dowladaha Khaliijka ee arrintan, balse ma suurta gal ah in la isku keeno dhammaan dalalka Khaliijka oo dhan, maaddaama danaha iyo walaaca ay ku kala duwan yihiin dalalka oo dhan. Labo wajiilaynta Sacuudiga Xigashada Sawirka,Getty Images Haddii aan sheekada ka billowno Sacuudi Carabiya, falanqeeye siyaasadeed Xasan Mneimneh, oo ah bare sare oo wax ka dhiga Machadka Bariga Dhexe ee Washington, ayaa aaminsan in “Boqortooyada – laga yaabo – inay ku sii jirto booska ugu wanaagsan ee wadamada Khaliijka ee ku saabsan xiriirka Iiraan,” Imaaraadku waxay gaareen meel an laga soo laaban karin Sannadkii 2020, Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu caadi ka dhigay xirirka uu la leeyahay Israa’iil, tallaabadan ayuu falanqeeye Xasan Mneimneh ku sheegey: “waxay ujeedadeedu ahayd in la gaaro guulo dublamaasiyadeed oo ka dhigaya inay u muuqato dhexdhexaadiye u dhexeeya dalalka Carabta iyo Israa’iil.” Xaaladdan oo kale, Imaaraadku wuxuu xiriir “xoog” ah la galay Israa’iil, wuxuuna aaday, sida Mneimneh ku qeexay, “ilaa heer aan soo noqosho lahayn,” taas oo dhigaysa “mawqifka ugu xasaasisan” marka la eego iskahorimaadyada hadda u dhexeeya Israa’iil iyo Iran. Iyadoo Imaaraadku uu ku guuleystay inuu xiriir “macquul ah” la sameeyo Iiraan, ma doonayo inuu jebiyo xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, laakiin wuxuu doonayaa inuu sii wado sida uu tilmamay Xasan Mneimneh. Mneimneh, waxa uu ku macneeyey in xidhiidhka Imaaraadku la leeyahay Israa’iil uu keeni karo meel la beegsado haddii uu dagaal ka qarxo gobolka, isaga oo tilmaamay in ay suurtogal tahay in Iiraan ay bar-tilmaameedsato khadka sahayda dhulka, kaas oo ay Israa’iil sheegtay sannadkii hore. Dhanka Baxrayn, Mneimneh wuxuu sheegay in sidoo kale laga yaabo inay waxyeelo ka soo gaarto cawaaqib xumada Iran iyo Israa’il ee sii kordheysa, , isagoo xusay in Manama laga yaabo inay “ku tiirsanaado ilaalinta Mareykanka in ka badan Emirates,” sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlayay Qatar, Mneimneh , waxa uu aaminsan yahay in ay tahay dalka ugu ammaanka badan Khaliijka ee ka jira dalalka kale ee Khaliijka haddii uu dhaco dagaal goboleed. Waxa uu sheegay in ay aad uga shaqeysay sidii ay u dhex dhexaadin lahayd Israa’iil iyo Xamaas, taasi oo ka ilaalisay in la bartilmaameedsado, inkastoo laga yaabo in ay soo gaarto khasaare dhaqaale. Dhanka Cumaan, Fawaz Gerges oo wax ka qora bariga dhexe ahna khabiir waxa uu aaminsan yahay in, sida Qatar, aysan rabin in ay wiiqdo Iran, tanina waxay ka muuqataa hadal uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badar bin Hamad, oo uu ku dhaleeceeyay wax lagu tilmaami karo “laba boglayn ” la tacaalidda horumarka ka socda Bariga Dhexe, isagoo leh: “Way u fududdahay dowladaha qaar inay is garab istaagaan oo ay cambaareeyaan ficillada Iran, laakiin tani waxba ma xalliso ayuu yiri Busaydi waxa uu tilmaamay in xalka ugu weyn ee xiisadda taagan uu yahay in la soo afjaro colaadda Israa’ii; l iyo Falastiin. Xigasho bbcsomali Qaran News
  21. Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, ayaa ku warrantay in Baarlamaanka Iran ay diyaarinayaan hinside sharciyeed lagu abuurayo isbahaysi militari oo rasmi iyo iskaashi lala yeelanayo dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ee ka jira Suuriya, Lubnaan, Yemen, Ciraaq iyo Qasa. Sharcigan ayaa u oggolaanaya militariga Iran in ay howlgallo wadajir ah la fulin karaan dhaqdhaqaaqyada, inay wadaagaan kaabayaasha militari, sida saldhigyada , hubka iyo xeeladaha dagaalka, waxayna la mideynaya saldhigyada iyo agabka si loo xoojiyo awoodda difaac. Qodobbada kale ee ku jira sharcigan, waxaa ka mid ah ; in dhaqdhaqaaqyada iska caabinta iyo militariga Iran inay qaadaanayaan tababaro wadajir ah ayna sameyn karaan dhoolatusyo militari , waxaa dheer kaalmo militari iyo mid bani’aadanimo; Haddii xubin ka mid ah uu la kulmo weerar ka imanaya Maraykanka ama Israa’iil, dhammaan kuwa kale waa in ay kaga jawaabaan gargaar militari iyo mid bini’aadantinimo. Marka la ansixiyo sharcigan Iran ayaa heshiis difaac iyo istiraatijiyadeed oo dhammeystiran la galaysa dhaqdhaqaaqyada , markaa oo ay militariga Iran awood u yeelanayaan si sharci ah inay howlgallo iyo weerarro jawaab wadajir ah ay la fulin karaan dhaqdhaqaaqyada. PUNTLAND POST The post Dowladda Iran oo Bariga dhexe ka dhisaysa isbahaysi militari oo xooggan appeared first on Puntland Post.
  22. (Reuters) - Hamas leader-in-exile Khaled Meshaal said the Palestinian group would rise "like a phoenix" from the ashes despite heavy losses during a year of war with Israel, and that it continues to recruit fighters and manufacture weapons. Source: Hiiraan Online
  23. Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Islamic Relief Somalia ayaa muujineysa in cunno yari ay sii xumaanaysaahi ay ka taagan tahay gobolka Baay ee koonfur galbeed Soomaaliya. Waxyaabaha keenay cunto yaraantan ayay hay’addu ku sheegtay abaaraha, daadadka, iyo rabshadaha socda ayaa sii kordhinaya faqriga iyo barakaca, taasoo abuuraysa gaajo iyo xasillooni darro. Warbixintu waxa ay iftiimisay sida tartanka loogu jiro cuntadu uu u huriyo xiisadaha ka dhex aloosan beelaha, taasoo horseedda iskahorimaad iyo barakac hor leh. Daraasada oo lagu sheegay Aragtida Bulshada ee ku aadan Cunto yarida inay horseed ka tahay Colaada, ayaa diiradda lagu saaray Degmooyinka Baydhabo, Berdaale, iyo Diinsoor. Deegaanadan oo markii hore loo yiqiin “dambiisha rootiga” ee Soomaaliya markii laga eego dhinaca wax soo saarka ayaa waxaa ka dhacay burburka ama hoos u dhac dhanka howlaha beeralayda ah, taasoo ay ugu wacan tahay amni darro, isbeddel cimilo iyo culaysyada ka imaanaya kooxaha hubeysan. Beeraleyda ayaa lagu qasbay in ay ka tagaan dhulkooda, taas oo ka sii dartay cunto yari iyo in qaar badan ay u kaxeeyaan xeryo ciriiri ah oo ay ku nool yihiin barakacayaal (IDPs) sida ay sheegtay hay’addu. Si kastaba ha ahaatee Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in in ka badan lix milyan dadka Soomaaliyeed ee ay soo food saartay cunto yaridu, iyadoo gobollo badan ay qarka u saaran yihiin in ay cunno yari ka dhacdo. Source: goobjoog.com
  24. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyay ku-tala-galka Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025. Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xamse Cabdi Barre, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan. Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%. “Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay golaha Wasiirada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Sannadka 2025 appeared first on Puntland Post.