Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Asmara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho shaqo oo rasmi ah. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea. Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay. Arrimaha miiska saaran ee safarkaan uu ku saabsan yahay waa sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan ayaa safaradii hore u tegi jiray ciidamada Soomaaliya ee dalkaas tababarku uga socdo. Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi, waana markii ugu horeysay oo masuul xil haya uu Xasan Sheekh u watay dalka Eritrea oo 7 jeer uu tegay intii uu xilka hayey. Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin dalka Eritrea wuxuu tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo saldhig military uu ku leeyahay Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogg dalka, wuxuuna tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeeno iyo askar cusub oo Danab ku biirtay. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Eritrea ku tegay safar ka duwan kuwii hore – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea. Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Aqalka Hoose ee baarlamaanka Kenya ayaa shalay u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, kadib markii lagu soo oogay eedo ay kamid yihiin musuq-maasuq iyo in uu abuuray naceyb dhinaca isirka ah. Codka baarlamaanka ay ku ogolaadeen xilka qaadistiisa ayaa waddada u xaaraysa in aqalka senate-ka uu u fariisto mooshin uu ku eegayo xil ka xayuubintiisa ugu danbeysa. Tan ayaa timid kadib muddo la sheegay inuu khilaaf u dhaxeeyey madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweyne William Ruto. Gachagua oo noqonayaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurka Kenya ee 2010-kii, ayaa waxa uu kiiskiisa u gudbi doona Aqalka Sare ee dalka Kenya. Aqalka Sare ee dalkaas oo ka kooban 67 xubnood ayaa awood u leh “inay ayidi karaan go’aanka Aqalka Hoose ama ay diidi karaan.” Si kastaba, xil ka qaadista ku xigeenka madaxweynha Kenya ayaa loo cugsaday eedeymo la xiriira inuu si sharci darro ah ku aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay. Gachagua oo 59 jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wiiqay shaqooyinka xukuumadda, uuna ku lug lahaa xasarado ku salaysnaa kala qaybinta qowmiyadaha dalkaas. The post Maxaa xiga xil ka qaadista madaxweyne ku-xigeenka Kenya? appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud departed for Asmara, Eritrea, on Wednesday to meet with Eritrean counterpart Isaias Afwerki. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa u amba-baxay magaalada Asmara sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa magaalada Asmara shir ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal gaar ahaanna arrrinaha gobolka kula yeelan doona dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki sida ay ku warrantay wakaaladda SONNA. “Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika” ayaa lagu sheegay warbixinta SONNA. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta safar ugu baxay dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar sare u soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada dadaalkooda iyo geesinimadooda, waxa uuna adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu ku yimid isku-duubnida iyo naf-hurnimada ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo dhammaantood ku dhiirrigeliyay ciidamada in ay sii wadaan hawlahooda qaranimo iyo difaaca dalka. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi. Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin magaalada Asmara ee dalka Eritrea tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka. Madaxweynaha ayaa markii uu tegay xerada salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugan xeradaasi. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay Balidoogle, isaga oo tababarka usoo xiray ciidamadaas oo kamid noqonayo kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamadaan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono howlgallada haatan socda ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, kauwaas oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay xerada Balidoogle kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono taageerada dowladdooda ay siiso Soomaaliya. The post DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay Eritrea + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  8. A Turkish Airlines (THY) pilot tragically passed away after collapsing mid-flight, prompting the airline to make an emergency landing in New York, the national flag carrier announced on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Beirut (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Xizbullah ayaa maanta ah gantaallo ku weeraray Israel, ayaga oo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen duullaan dhulka ah maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digay in Lubnaan ay wajihi karto burbur la mid ah midka Gaza. Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah kala hadlo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden jawaabtii ay Israel ka bixin laheyd weerarkii gantaallada ee Iran ee asbuucii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah. Xizbullah ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen laba isku day oo ay Israel ku doonaysay in ay ku soo jebiso xuduudda, iyada oo adeegsatay gantaallada riddada dheer iyo in ay dagaal dhulka ah la gashay askarta Israel. Israel waxay sheegtay in difaaceeda cirka ay ka hortageen laba gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan, ayada oo sayrinka digniinta laga maqlay aagga Caesarea, ee koonfurta Haifa. Talaadadii, milatariga wuxuu sheegay in Xizbullah ay 180 gantaal ku soo rideen Israel, gaar ahaan agagaarka Haifa, iyadoo Israel ay kordhisay duullaanka dhulka ee ay ka waddo xeebta koonfureed ee Lubnaan. Digniinta culus ee Netanyahu ayaa timid sanad iyo maalin kadib markii Israel ay billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Xamas ee ay xulufada yihiin Xizbullah. “Waxaad haysataa fursad aad ku badbaadiso Lubnaan ka hor inta aysan ku dhicin godka dagaal dheer oo horseedi doona burbur iyo silic la mid ah midka aan ku aragno Gaza,” ayuu ku yiri khudbad muuqaal ah. “Waxaan idin leeyahay dadka reer Lubnaanow, dalkiinna ka xoreeya Xizbullah si dagaalkan loo soo afjaro,” ayuu yiri. Iyadoo Israel ay Xamas kula dagaalameyso Gaza, waxa ay sidoo kale dooneysaa in ay sugto xuduudda waqooyi si ay ugu ogolaato tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah oo ku barakacay dagaalka xuduudda inay ku soo laabtaan guryahooda. Xamas iyo Xizbullah ayaa labadaba wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda, iyadoo ku xigeenka hogaamiyaha Xizbullah Naciim Qasem uu Talaadadii sheegay in kooxdu ay mid aan suurta-gal aheyn ka dhigi doonto in Israa’iiliyiinta ay ku soo laabtaan woqooyiga. Israel ayaa xoojisay duqeymaha ka dhanka ah meelaha ay ku xoogan yihiin Xizbullah ee Lubnaan tan iyo 23-kii September, taasi oo horseeday dhimashada 1,150 qof, kuna qasabtay in ka badna milyan in ay qaxaan. Inta badan weeraradeeda ayaa lagu bartilmaameedsaday koonfurta iyo bariga Lubnaan, iyo sidoo kale koonfurta Beirut. Milatariga Israel ayaa sheegay Talaadadii in ay ballaarinayaan weerarkooda. Xizbullah ayaa sheegtay in ay dib u celisay ciidamada Israel oo “ka soo galay gadaasha” meel ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee tuulada Labboune ee koonfurta xuduudda. Ku xigeenka hogaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay in inkasta oo Israel ay duqaymo “xanuun leh” ku garaacday, haddana hoggaanka kooxdu uu nidaamsan yahay, awooddooda ciidanna ay “wanaagsan tahay”. The post Xizbullah oo maanta gantaallo ku garaacday Israel appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa geeriyooday kabtankii Diyaaradda Turkish Airlines kadib markii uu xanuunsaday isagoo ku jira duulimaad ka yimid Seattle oo ku sii jeeday Istanbul, Turkiga. Kabtanka Ilcehin Pehlivan, oo 59 jir ahaa, ayaa ku xanuunsaday hawada, waxaana duulimaadka la wareegay kabtankii labaad iyo co-pilot, sida uu sheegay afhayeenka shirkadda diyaarada ee Yahya Ustun bartiisa X (Twitter). “Waqtigii gurmadka degdega ah lagu sameeyay kabtankeena diyaaradda gudahooda uu guuleysan waayay, shaqaalaha qolkii duulimaadka… waxay go’aansadeen inay samaystaan degitaan degdeg ah, balse wuu dhintay ka hor intaan la degin,” ayuu yiri Yahya Ustun. Diyaaradda Airbus A350 waxay ku degtay New York, waxaana la sameeyay qorsheyaal lagu sii qaadayo rakaabka ilaa Turkiga, ayuu intaas ku daray. Duulimaadka TK204 wuxuu ka duulay Seattle wax yar ka dib 19:00 fiidnimo Talaadadii. Pehlivan wuxuu la shaqeynayay Turkish Airlines tan iyo 2007, waxaana bishii Maarso ee ugu dambeysay lagu sameeyay baadhitaan caafimaad oo joogto ah, kaasoo aan wax dhibaato ah lagu arkin oo saameyn karta shaqadiisa, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradda. Ururka kormeerayaasha hawada Turkiga ee TATCA ayaa sheegay inuu sanado badan u adeegayay bulshada duulista, waxayna tacsi u direen qoyskiisa, saaxiibadiis iyo asxaabtiisa shaqada. Sababta dhimashada duuliyaha weli lama shaacin. Duuliyayaasha waa in ay maraan baaritaan caafimaad 12 bilood kasta, halka kuwa ka weyn da’da 40 ay cusbooneysiiyaan shahaadada caafimaad lix bilood kasta. Sannadkii 2015, duuliye ka tirsan American Airlines oo 57 jir ahaa ayaa dhintay intii lagu guda jiray duulimaad habeenimo oo u dhexeeyay Phoenix iyo Boston. Source: goobjoog.com
  11. Dagaal-yahanada Xizbullah ayaa maanta ah gantaallo ku weeraray Israel, ayaga oo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen duullaan dhulka ah maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digay in Lubnaan ay wajihi karto burbur la mid ah midka Gaza. Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah kala hadlo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden jawaabtii ay Israel ka bixin laheyd weerarkii gantaallada ee Iran ee asbuucii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah. Xizbullah ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen laba isku day oo ay Israel ku doonaysay in ay ku soo jebiso xuduudda, iyada oo adeegsatay gantaallada riddada dheer iyo in ay dagaal dhulka ah la gashay askarta Israel. Israel waxay sheegtay in difaaceeda cirka ay ka hortageen laba gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan, ayada oo sayrinka digniinta laga maqlay aagga Caesarea, ee koonfurta Haifa. PUNTLAND POST The post Xizbullah oo maanta gantaalo ku weeraray Israel appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay xaafad ku taalla Carwada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo wayn Dabka oo ka billowday kaalin shidaal ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaaasi , sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa dad shacab ah, iyada dukaamo iyo mootooyin nooca Bajaajta ay gubteen. Axmed Khaliif oo kamid ah dadka ku hanti beelay dabkan ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha, wuxuuna sheegay in 9 qol iyo Bajaaj ay ka gubatay. “Meeshaan 9 qol ayaa iiga dhisneyd hal shayna iima badbaadin, sidoo kale mooto Bajaaj ayaa iga gubatay, marka musiibaadaas ayaa igu dhacday” ayuu yiri Axmed Khaliif. Dabka ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay, waxaana soo gaaray gaadiidka dab damiska oo dadaal dheeraad ah sameeyay, si loo xakameeyo dabkaasi. Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada. The post Daawo: Xaafad ku taalla MUQDISHO oo gubatay appeared first on Caasimada Online.
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/VID-20241009-WA0002.mp4 Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) - Somali Deputy Minister of Information, Abdirahman Yusuf Adala, has accused the Puntland administration of obstructing efforts to create a unified national army capable of operating across Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Afgooye (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka. Madaxweynaha ayaa marka uu tegay xerada salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugan xeradaasi. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayaan ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay Balidoogle, isaga oo tababarka usoo xiray ciidamadaas oo kamid noqonayo kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamadaan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqon doono howlgallada haatan socda ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, kauwaas oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay xerada Balidoogle kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka Mareykanka ee gacanta ku haya xeradaasi, isaga oo kala hadli doono taageerada dowladdooda ay siiso Soomaaliya. Horay xeradan waxaa u booqday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqalaal ah iyo saraakiishooda ay joogaan xerada Balidoogle ee Shabeelaha Hoose. Waxaa kale oo uu Mareykanka taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhiggooda ugu wayn uu yahay xerada Balidoogle. The post Madaxweyne Xasan oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray xerada Balidoogle + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  16. Ceelwaaq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Weerarka oo aha mid xoogan ayaa lagu eekeeyay saldhigga, waxaana kadib xigtay rasaas ay u jawaabeen ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, kadibna uu xigay iska hor imaad kooban. Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in aanu jirin khasaare soo gaaray ciidamada, isla markaana ay ka feejignaayeen weerarka Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Ma shaacin Al-Shabaab khasaare uu gaystay weerarkooda, balse waxa ay tilmaameen inay beegsadeen saldhig ay ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin halkaasi. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidamada DF ee degmada… appeared first on Caasimada Online.
  17. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, Tamim Khallaf, ayaa faahfaahin ka bixiyay taageerada milatari ee Masar u fidisay Soomaaliya intii uu socday wareysi telefoon ah oo lagu qabtay barnaamijka “Yahdoth fi Masr” ee MBC Masr. Wuxuu adkeeyay in Soomaaliya ay tahay saaxiib leh xiriir taariikhi ah oo wanaagsan la leh Masar. Khallaf wuxuu caddeeyay in mowqifka Masar uu yahay mid cad, iyadoo ay taageerayaan dadaallada dowlada dhexe iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya si ay u la dagaallamaan argagixisada iyo inay gaaraan ammaanka iyo xasiloonida. Wuxuu sheegay in Masar ay ixtiraamto midnimada, jiritaanka, iyo madax-bannaanida dhulka Soomaaliyeed, isagoo si adag u diidaya wax kasta oo ku saabsan faragelin ku yimaada arrimaha gudaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusay saxiixa protokoolka iskaashiga milatari ee u dhaxeeya labada dal bishii Ogosto, isagoo tilmaamay codsiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan in Madaxweyne Sisi uu bixiyo taageero milatari, iyada oo la tixgelinayo qalalaasaha iyo caqabadaha culus ee Soomaaliya ka haysta la dagaallanka argagixisada. Khallaf ayaa ku baaqay in heshiiskan loo arko mid ka mid ah iskaashiga labada dhinac, iyadoo ujeedkiisu yahay in la caawiyo qaran Carab ah oo u baahan caawimo, halkii laga beegsan lahaa koox gaar ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in gobolka Geeska Afrika uu yahay mid aad muhiim u ah amniga qaran ee Masar, isagoo sheegay in taageerada Masar ee Soomaaliya aysan kaliya u adeegayn amniga Masar, laakiin sidoo kale amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa diiday qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ciidamo uga qorato deegaanada maamulkaasi, si ay uga howlgalaan halkaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Puntland ay ka hortimid in ciidamo laga qoro deegaanadeeda, kuwaas oo kamid noqonayo Xoogga dalka, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish. “Ciidanka qaranka ee loogu talagalay in deegaanada Puntland laga qoro waxaa diiday Puntland, iyada oo u diiday inay galaan ciidanka qaranka oo ay kamid noqdaan” ayu yiri. Al-Cadaala ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland in ay siyaasadeeyeen arrimaha ciidamada, isaga oo ku dooday in ciidanka la qorayo ay yihiin qaybta 54-aad ee loogu talagalay inay ka howlgalaan deegaanadaas, si lamid ah guutooyinka Xoogga dalka ee jooga Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. “Hadda marka aan kula hadlaayo guutooyinkii loogu talagalay inay 54-aad ka howlgalaan deegaanadaas in maamulka Puntland uu hortaagan yahay oo sida 43-aad ay Kismaayo u joogto oo 60-aad ay Baydhaba u joogto ciidankii loogu talagalay Puntland inay ka howlgalaan waxaa hortagaan maamulka” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku. Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta tabashada Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in la xallin doono cabasho kasta, balse loo baahan yahay in horay loo sii wado dowladnimada dalka. “Ma dhici doonto in qof Soomaaliyeed aan la tixgelin oo aan la dhageysan ma dhaceyso horay ayay Puntland go’aanno aan munaasab ahayn u qaadatay waa lala fariistay waa la xalliyay, maantana intii kama duwana, waana lala fariisanaa” ayuu yiri Al-Cadaala. Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxaana hakad galay wada shaqeyntii labada dhinac. The post Puntland oo diiday qorshe ay DF ciidamo uga qoraneyso deegaanadeeda appeared first on Caasimada Online.
  19. The number of people experiencing crisis levels of hunger in Somalia is expected to rise to 4.4 million between October and December, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said Monday. Source: Hiiraan Online
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Duqii hore ee magaalada Beledweyne Cali Sandheere oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda HirShabelle oo todobaadkan u dabaal-degtay sanad guuradeed sideedaad. Cali Sandheere ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyao madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ku eedeeyay inuu la dagay horumarkii HirShabelle oo uu tilmaamay inay ka hartay maamulladii kale ee asaaga la’ahaa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa HirShabelle aysan lahayn madaxtooyo ay maanta ku shiri karaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay, “HirShabelle waa la socotaa madaxtooyo lama dhisin ma aragtay weli maamul goboleedyada oo ku shiraayo” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Beledweyne. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wasiirada HirShabelle aysan lahayn meelo ay ku shiraan, isla markaana ay isugu tegaan geedaha hoostooda. Golaha wasiirada HirShabelle meel ay ku shiraan ma laha waxay isugu yimaadaan meel yar oo geedo hoostood ah, sababtana waxaa waayey waa maamul xumo” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale, Cali Sandheere ayaa ku eedeeyay madaxda HirShabelle inay hortaagan yihiin mashaariic muhiim ah oo laga hirgelin lahaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sababtuna ay tahay maamul xumo dartood. “Hay’adaha waxay jecel yihiin inay mashaariicda ka fuliyaan HirShabelle, haddana waxaa laga fulin waayay waa maamul xumo, wuxuu noqoyay fadhiid, ma jiro illaa iyo hadda hal mashruuc oo wax ku ool ah oo fulay illaa iyo hadda” ayuu mar kale yiri Cali Sandheere. The post GUUDLAAWE oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - Somali government has defended its recent security agreement with Egypt, calling it similar to existing partnerships with the U.S., Turkey, the European Union, and Gulf nations. Source: Hiiraan Online
  22. Hey’adda FBI-da Marykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay, inay soo xidhay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish. Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November. Sida ay sheegtay wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir. Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu qalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Ttikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan. Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray ka dib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka. Source
  23. Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa shalay ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya, kaddib doodo maalmo socday. Rigathi Gachagua, madaxwyne ku xigeenka Kenya ayaa ka soo muuqday baarlamaanka si uu iskaga difaaco eedo dhowr ah oo loo heysto oo ay ka mid yihiin, inuu taageeray dibadbaxyadiagaga soo horjeeday ee bishii June. 281-ka xubnood ee Baarlamanka Kenya ayaa ogolaatay mowshinka xil ka qaadista. Si xilka looga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka ,waxuu baarlamanka u baahanyahay 44 cod. Mooshinkan ayaa hadda u gudbay aqalka sare ee baarlamaanka, iyagoo ka doodi doona arrintan, sidoo kalena cod loo qaadi doono. Ma cadda goorta ay codbixintu noqon doonto kama dambeys. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin, Inkastoo uu eedahaasi iska fogeeyay. Source
  24. Hay’adda Sirdoonka ee dowladda Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaase joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Ken McCallum oo bixiyay warbixintiisa sannadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laheyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska, kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka. MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah. Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa jiray “aaminaad iyo fikrado kala duwan oo aad u qaab daran” oo ay noqotay in MI5 ay wax ka qabato, ayuu ku sheegay warbixin kooban oo uu ku bixiayay xarunta MI5 ee hawlgallada ka hortagga argagixisada ee ku taalla London. “20-kii sano ee ugu horeysay ee shaqadeyda halkan waxaa jiray hanjabaado argagixisanimo. Hadda waxaan wajahaynaa kuwa ay barbar socdaan shirqoollo ay dowladdu taageeriyaan iyo cuuryaamino,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Kaalinta hogaamineed ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ee taageerada Ukraine waxay la macno tahay “waxaan aad ugu soo horjeednaa mala-awaalka foosha xun ee nidaamka uu hugaamiyo Putin” iyo in aan hadaba ka sii hortagayno falal duulimaad gardarro ah oo uu ku soo qaado ciidda Ingiriiska, ayuu si ka digitaan ah u yidhi. Heerka khatarta argagixisanimada ee Ingiriiska ee hadda waa mid sare – taasoo la micno ah in ay suurtogal tahay in weeraro dhacaan. In ka badan 750 dublamaasiyiin Ruush ah ayaa laga eryay Yurub tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine, isagoo sheegay in “intooda badan” ay ahaayeen basaasiin, sida uu yiri McCallum. Source