-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Jigjiga iyo guud ahaan dhulka Soomaali galbeed ee la haysto waxaa ka taagan hadal-hayn baaxad leh oo ka dhalatay fal la yaab leh oo dhowaan halkaas ka dhacay, kaas oo dadweynaha iyo maamulkuba ay wada-jir uga dhiidhiyeen. Dhacdadan ayaa ahayd in dowladda Itoobiya ay shir ugu yeertay boqol oday oo waxgaradka Soomaalida dgulkaas kamida si ay ugala hadasho arrimaha deegaanka, balse markii ay tageen madashii ayaa loo sheegay in 25 kamid ah odayaash laga soo xulayo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, ayaguna ay keliya xaq u leeyihiin 75 xubnood. Odayaashii goobta ku sugnaa oo arrintaas ka gadooday ayaa shirka buuq ka dhex aloosay, waxayna sheegeen in wixii deegaankooda ku saabsan aan lagala hadli karin cid aan Soomaali ahayn. Sidoo arrintan ayaa kacdoon bulsho iyo hadal-hayn abuurtay, ayadoo ay dadweynuhu ka walaacsanyihiin in maamulka magaalada jigjiga iyo guud ahaan Soomaali galbeedba hadda ka dib Amxaaro iyo Oramo wax laga weydiin doono. Guuxa ka jira magaalada jigjiga ayaa cirka isku sii shareeraya, ayadoo dadweynaha iyo Siyaasiyiinta deegaankuba ay si adag uga falcelinayaan falka bahdilaadda ku ah Soomaalida ee ay Itoobiya ku dhaqdhaaqday. Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — The Somali community in Eastleigh, Nairobi, is reeling after the brutal murders of three women from the same family, whose bodies were discovered on Monday in separate locations across Kenya. The victims—Waris Daud, her 22-year-old daughter Amina Abdirashid, and her 12-year-old niece Nuseiba Dahir—had gone missing from their home in Eastleigh the night before. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Xalay ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku sheegay Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada oo xalay qabsoomay in lagu ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay. PUNTLAND POST The post Golah Wasiirada Soomaaliya oo xalay ansixiyay Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, madax ka socotay dalka Kenya iyo qaar ka tirsan dalalka ku bahoobay Urur Goleedka IGAD ayaa ka qeyb-galay xaflada abaalminta warbaahinta ee sanadka 2024, taas oo ay soo qabanqaabisay Urur Goboleedka IGAD. In ka badan 4,000 oo wariyayaal ama shaqsiyaad kamida kuwa la shaqeeya hay’adaha warbaahinta ayaa ku tartamay inay ku guulaystaan abaalmaringa warbaahinta la siinayo. Dadkii ku guuleystay abaalmarinta ee aqoonsiga la siiyay waxaa kamid ahaa wariyayaal ka tirsan bahda Saxaafadda Soomaaliya. Guddoomiyaha KMG ee Golaha Warbaahinta Moxamed Shiil Xasan oo muddo fog ka soo shaqeynayay warbaahinta Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday in la gudoonsiiyo bilad iyo abaalmarinta loo yaqaano “Abaalmarinta iyo Aqoonsiga soo-jireenka ah” ama luuqada Ingriiska lagu yiraahdo “Lifetime Achievement Award”. Wariye Shiil oo noqday wariyaha ku guuleystay abaalmarinta ugu qiimaha badnayd ee la bixiyay ayaa ku tilmaamay guushaas mid wayn oo ka turjumayso awoodda warbaahinta Soomaaliya. Sidoo kale waxa isna bilad iyo abaalmarin la siiyay wariye Cabdirashid Nuur Ibrahiim muddo fog ka tirsanaa warbaahinta Qaranka, kaas oo ku guuleystay tabinta warar sameeyn yeeshay kaas oo lagu tabiyay luuqada Soomaaliga. Danjire Jibriil oo la hadlay Soomaalidii ka soo qaybgashay xaflada iyo kuwii ku guuleystay biladaha iyo abaalmarinta ayaa ku booriyay in ay dardar galiyaan doorka warbaahinta ee Nabada iyo isku soo dhaweeynta ummada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — After five months of relative calm, Somali pirates have returned to the high seas, posing renewed threats to global shipping lanes. The European Union Naval Force (EUNAVFOR), operating under Operation ATALANTA, has raised an alert following the departure of a suspected pirate action group (PAG) from Somalia’s northern-central coast. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiggiisa Madaxweynaha Turkiga uga tacsiyeeyay Weerarkii Xarunta Warshadaha Ankara appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI (Xinhua) -- Kenyan and Somali leaders have called for a smooth transition of security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) to the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), scheduled to commence in January 2025. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Jinay Isaaq Hassan has spent her life in the small village of Mintaanyo, tending her six-hectare farm and raising her children. But earlier this year, everything changed. The rains that should have come never arrived, and her crops—sorghum, sesame, tomatoes, maize, and beans—withered in the scorching sun. Now, Jinay and her 11 orphaned children are among 120 families who have fled to the outskirts of Baidoa, desperate for survival. Source: Hiiraan Online
-
Weerarkii gelinkii dembe ee arbacada lagu qaaday mid kamida warshadaha sameeya qalabka hawada sare ee Turkiga (TUSAS) oo ay dowladdu maamusho ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof, waxaana ku dhaawacmay 22 kale. Weerarkan ayaa waxaa fuliyay koox hubaysan oo gudaha u galay warshada ka dibna rasaas ka billaabay, sidoo kale qarax xoogan ayaa goob ka dhacay. Dowladda Turkiga ayaa masuuliyadda weerarkan ku eedeysay kooxda PKK ee Kurdiyiin, waxayna militariga dalkaasi duqeeyeen goobo ay ururkani uga suganyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayagoo sheegay inay uga jawaabayaan falkan lama filaanka noqday ee ka dhacay warshada. Weerarka warshada TUSAS ayaa dhacay maalin ka dib markii hadal aan horay loo aragi uu ka soo yeeray hogaamiye sare oo ka tirsan isbahaysiga madaxneynaha, oo ku saabsanaa suurtagalnimada in dib loo billaabo hannaan nabadeed oo lala yeesho xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee dalka laga mamnuucay ee (PKK). Kooxda oo uu Turkigu u arko waxaay 40 sano ka badan la dagaalamayeen dowladda, waxayna masuuliyiintu rumaysanyihiin in PKK laga yaabo in ay weerarkan ula jeeddo fariin ah in aysan diyaar u ahayn wada-hadal iyo in ay hubka dhigaan. Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay 164 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay xabsiyada dalka Liibiya. Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyaradaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 109 qof oo kamid ah dhalinyaradaasi laga soo dejiyay magaalada Muqdisho halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa. PUNTLAND POST The post 164 dhalinyaro laga sii daayay xabsida dalka Liibiya oo saaka laga dejiyay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal beeleedyada ka socda degmada Luuq ee Jubaland tan iyo bishii Luulyo 2024 ayaa sababay barakaca 30,000 qof, iyadoo dadkaasi ay hadda wajahayaan xaalad bani’aadamnimo oo halis ah. Dadka barakacay ayaa si degdeg ah ugu baahan raashin, hoy, biyo, adeegyo caafimaad, iyo fayadhowr. Inkasta oo dadaallo nabadeed ay socdaan, amni darradu weli way taagan tahay, taas oo dhibaato ku haysa gaarsiinta gargaarka hay’adaha bani’aadamnimo ee ku howlan taakuleynta dadka dhibaateysan. Meelaha ay joogaan kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn ayaa gaar ahaan noqday kuwa adag in la gaaro. Barakaca iyo Meelaha ay Dadka u Qaxeen Dadka barakacay oo lagu qiyaasay 30,000 qoys Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobey ee OCHA ayaa u kala firxaday meelo kala duwan. Qaar badan ayaa ku sugan: Goobo ku dhow magaalada Luuq, sida Yurkud iyo Ceelbon Gudaha Luuq iyo Xero Kowad, oo ku taalla waddada aada Doolow. Waxaa la ogaaday in dadka barakacay ku sugan yihiin 28 goobood, waxaana 16 kamid ah meelahaas marar badan dib loo barakacay. Wararka laga helayo dhulkaas ayaa sheegaya in 900 qoys oo ku noolaa deegaannada Neebsoy iyo Bashiro ay markale u qaxeen Yurkud iyo Ceelbon. Khasaaraha Nolosha iyo Xaaladda Amniga Rabshadihii ugu dambeeyay ee dhacay 20-kii Oktoobar ayaa sababay dhimashada lix qof, taasoo tirada guud ee dadka ku dhintay rabshadahan ka dhigaysa sagaal qof tan iyo markii colaadu billaabatay. Inkasta oo maamulka iyo odayaasha dhaqanku wadaan dadaallo nabadeed, xaaladda amniga wali way kacsan tahay, taas oo saamayn taban ku leh gargaarka. Gurmadka iyo Caqabadaha Horyaalla Hay’adaha gargaarka ayaa bilaabay qorsheynta caawinta dadka barakacay, iyagoo isku dayaya in ay ogaadaan halka dadkaasi ku sugan yihiin. Hay’ad ka shaqeysa gargaarka bani’aadamnimada ayaa durba bilaabay diiwaangelinta qoysaska si loo siiyo raashin iyo lacag gargaar ah, iyadoo qorshuhu yahay in 2,000 qoys la caawiyo. Hase yeeshee, amni darrada ayaa xaddidaysa hawlgalada, taas oo yaraynaysa in adeegyo muhiim ah la gaarsiiyo dadka u baahan. Dhibaatooyinka ka dhashay colaadda ayaa sidoo kale saameeyay waxbarashada caruurta, iyadoo iskuullada qaar ay hakad galeen. Qoysaska barakacay ayaan weli helin adeegyada aasaasiga ah sida hoy iyo biyo nadiif ah, taasoo xaaladda bani’aadamnimo uga sii dareysa. Source: goobjoog.com
-
Kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey heshiis muhiim ah oo is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Tanzania. Heshiiskaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca. Wuxuu siinayaa labada waddan fursado wada-shaqeyn oo ku saabsan arrimaha millatariga, tababarrada ciidanka, iyo la-dagaallanka argagixisada. Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo hirgelinta qorshayaasha qaranka ee muhiimka ah. Warbixinahaas waxa ay ka koobnaayeen dhowr qodob oo ay kamid yihiin: Amniga iyo Xaaladda Dalka: Waxaa la isla falanqeeyey xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada looga horjeedo kooxaha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku haya amniga qaranka. Wasiirrada ayaa adkeeyey baahida loo qabo iskaashi xooggan oo gudaha iyo dibadda ah si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka. Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP): Waxaa la faahfaahiyey halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo ah qorshe istiraatiiji ah oo lagu hormarinayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada. Waxaana la soo bandhigay guulaha ilaa hadda laga gaaray iyo caqabadaha horyaalla hirgelinta qorshahaas. NTP wuxuu muhiim u yahay in dalka loo jiheeyo tubta horumarka iyo dib-u-dhiska qaranka. Jihaynta Warbaahinta: Golaha Wasiirrada ayaa dood ka yeeshay habka loo hago warbaahinta dalka iyo muhiimada ay leedahay wacyigelinta bulshada. Waxa uu qorshuhu yahay in warbaahinta loo adeegsado xoojinta nabadda iyo wacyiga bulshada, si ay kaalin muuqata uga qaadato horumarinta qaranka. Dhaqan-gelinta Canshuurta Gadiidka: Waxaa sidoo kale laga hadlay dhaqan-gelinta canshuurta gadista (VAT) oo dalka laga hirgelinayo. Wasiirradu waxay isla garteen muhiimadda ay canshuurtaasi u leedahay dhaqaalaha dalka iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku-xigeenka xilka laga xayuubiyay ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ciidankii ilaalinayay lagala laabtay, waxa uuna ka digay in wax kasta oo ku dhaca uu mas’uul ka noqonayo madaxweyne William Ruto. Gachagua ayaa xilka waayey kadib markii mooshin xil ka xayuubin ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamanka, islamarkaana uu ku guul-darreystay in maxkamadda sare ay joojiso. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, si uu uga tacsiyeeyo weerar argagaxiso oo ka dhacay magaalada Ankara. Weerarkani waxa uu ka dhacay galabta, wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay shacabka iyo dowladda Türkiye. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyey sida Soomaaliya uga xun tahay falkaas argagaxiso, isagoo adkeeyey xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Türkiye, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in labada dowladood ay ka mideysan yihiin dadaallada ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagaxisada caalamiga ah. Taageerada uu Madaxweyne Xasan Sheekh muujiyey waa qayb ka mid ah diblomaasiyadda iyo xiriirka dhow ee labada dal, kuwaas oo ku saleysan taageero dhinacyo badan leh oo isugu jirta amni, dhaqaale, iyo gargaarka bani’aadamnimo. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka bilowday banaanka xarunta Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee dowladda Turkiga. Masuuliyiinta Turkiga ayaa ku tilmaamay tan inay tahay “weerar argagixiso.” Afar qof ayaa la dilay, waxaana ku dhaawacmay 14 oo kale, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Turkiga. Hadaba waa maxay Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee Turkiga? TAI waa shirkad dawladeed oo ku takhasustay hubka iyo tiknoolajiyada hawada ee dowladda Turkiga. Warshadaan waxay ku taallaa Kahramankazan oo qiyaastii 28 KM waqooyi galbeed ka xigta magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. The post Sawirro: Weerar ka socda xarunta diyaaradaha dagaalka ee Turkiga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkan dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama. Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa awooddii reer Waqooyiga u gacan geliyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salaax Jaamac iyo Biixi Iiman Cige oo hadda ah wasiirka maaliyadda, kuwaas oo Xasan Sheekh codad kula heshiiyay dhowr habeen kahor doorashadii madaxweynaha ee 15-kii May. Dr. Cilmi waxaa loo arkaayay qofka ugu muhiimsan reer Waqooyiga la jooga Xasan Sheekh, laakiin dharbaaxadii ku dhacday bishii July 2023 ayaa si weyn u dhaawacday. Dhinaca Cilmi, midda dad badan ka yaabisay waa in uusan mucaarad noqon, si dhowna ula sii shaqeeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayey dad badan ku dhalleeceyeen inuu ku abaal dhacay Dr. Cilmi oo muddo xileedkiisi hore ku kharash gareeyay inuu Xasan Sheekh wax ka dhisto. Intii uu ka maqnaa xukuumadda waxa uu ninkaan soo bandhigay dhaqan siyaasadeed ugub ah, isagoo sii difaacayay dowladda, taageerana u muujinayay madaxweynaha iyo nidaamkiisa, taas oo Xasan Sheekh ku qasabtay inuu is-ceebsado kadibna amro in Dr. Cilmi lagu soo celiyo golaha wasiirada. Ninkaan ayaa shalay loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ee dowladda federaalka ah, waxaana sidaas ku baxay oo kursiga xisaab beeleed ahaan ku waayay wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada. In Dr. Cilmi dib loogu soo celiyo golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah waxay dad badan u arkaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib u saxay qaladkiisi iyo “inuu iska tiray eedii abaal-dhac siyaasadeedka.” Inkasta oo wasaaraddii laga eryay Dr. Cilmi iyo midda hadda la siiyay uu farqi weyn u dhaxeeyo marka laga hadlayo awoodaha iyo mudnaanta gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, haddana in si guud lasoo celiyo ayaa Dr. Cilmi dib uga caawin doonta inuu hagaajiyo bandhigiisa siyaasadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo dhaliilo badan leeyahay, haddana nin kooxnimada ku xun laguma sheego. Mararka qaar waa dhacdaa inay qoysnimada kala xoog badiso siyaasada iyo saaxiibtinimada, haddana nin baraarug fiican leh ayaa loo arkaa. The post XASAN Sheekh oo iska tiray mid kamid ah eeddihii abaal-dhaca siyaasadda appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS. “Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS. “Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay. Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda. Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna ku jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta. “Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya”. Waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Source: goobjoog.com
