Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qareen Daahir Maxamed Cali oo ah qareen u dooda hay’adaha warbaahineed ee gaarka loo leeyahay iyo ururada saxaafadda ayaa waxa uu warqad cabasho ah u diray madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha. Cabashada qareenkaan ayaa ku qotonta tacadiyo kala duwan oo loo geysto saxaafadda xorta ah. Qareen Daahir ayaa sidoo kale cabashadiisa ku daray inaysan badqab uu haysto wariyaha iyo in laga gaabiyo difaaciisa waxa uuna xusay in saxaafadda xorta ah ay ka cabanayso helidda xogaha dowladda oo ay helaan iyaga oo faaf reeban. Maanta ayaa Soomaaliya waxaa laga xusay maalinta saxaafadda adduunka oo ku began 3-da May. Halkaan ka akhriso cabashada qareenka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Aadan Yabaal ( Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaallka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe waxay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa dowladda Mareykanka. Ninkan, oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamuud Cumar, ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Yaasiin uu qirtay inuu xogta iyo lamabarada xubno ka tirsan Al-Shabaab usoo diray sarkaal Mareykan ah oo ku sugan Xerada Xalane ee Muqdisho, kana tirsan hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Ma jirto cid xaqiijin karta in Yaasiin uu galay dambiyada lagu eedeeyey iyo qirashada Al-Shabaabka ay sheegeen inuu sameeyey. Sida maxkamadda ay sheegtay, Yaasiin iyo sarkaalka CIA-da ayaa waxa aisku xiray sarkaal ka tirsan sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxkamadda Shabaabka, oo warkeeda ay baahiyeen warbaahinta kooxdan tagaeertay, ayaa sheegtay inuu Yaasiin soo qaatay qadandaraas la xiriira inuu keeno macluumaad dhameystiran oo lagu dili karo madax ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Shabeelada Dhexe, iyadoo loo ballan qaaday lacag badan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Yaasiin ay gacanta ku dhigtay isagoo gacanta kula jiro howlo basaasnimo ah. Al-Shabaab ayaa waqtiyo kala duwan dil ku fulisay rag ay ku eedeysay inay jaajuus u yihiin Dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyeye, inkastoo aan dadka loosoo bandhigin qaabka ay u dhacdo maxkamadeynta iyo dadka la eedeeyey oo qiranayo ama diidayo waxa lagu eedeeyey.
  3. Gurmadka Qardho wuxuu si rasmi ah uga socdaa Dacalada Aduunka, Soomaalida Qurbuhu una aysan kala harin, waxaana wali docda Ururinta Lacagaha Gurmadka. Jaaliyada Puntland ee [...] Source
  4. Tartanka bisha Ramadaan oo caawa galaya habeenkiisa 11-aad ayaa waxaa ku ballansan degmooyinka Dayniile iyo Xamar-weyne ee gobolka Banadir. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka B ee wareega koowaad tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Dayniile ayaa lugtii hore soo garaacday dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, halka Xamar-Weyne ay babaro la soo gashay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadior. Tartamayaasha kala mataya labada degmo ee barnaamijka caawa isaga hor imaan doono ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyeY. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  5. Maaanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta xorriyadda saxafaadda caalamka, balse maanta waxaan la dhigeynin munaasabad, sababo la xariiro Coronavirus. Xoghayaha guud ee ururka qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa hambalyo u diray dhammaan suxufiyiinta iyo bahweynta warbaahinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in munaasabadda maalintan ay ku soo aaday, xilli dalka uu ka dilaacay cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana aan la’isku imaan karin. Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale ku boggaadiyey wariyeyaasha Soomaaliyeed shaqada adag ee ay hayaan, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Safa-.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-030520.mp3 View the full article
  7. Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Anagoo ah hay’adaha hoos ku saxiixan ahna wakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga walaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan. Sanadkii tegay ee 2019 waxa uu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeennada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, 12 suxufina dalka ayay ka carareen kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen jilayaal kala duwan, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, in ka badan 15 goorna waxaa hor istaag lagu xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda oo aan u daneyneyn saxaafadda, dhamaan qodobada kor ku xusan waxa ay yihiin kuwo xadgudub ku ah xuquuqaad dastuuri ah oo ay ahayd in mawaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan. Sanadkan keli ah, weriye Cabdiweli Xasan Cali (Online) oo ah suxufi madax banaan, ayaa 16 Febraayo ee sanadkan dabley hubeysan ku toogteen degmada Afgooye, 19 warfidiyeen xabsiga ayaa loo taxaabay, oo qaarkood laga tirtiray agabkoodii laga tirtiray shaqooyinkii ay soo qabteen, 4 suxufi waa la garaacay, labo warbaahin waa la mamnuucay iyo horjoogsi xaqa helista xogta oo saxafiyiin badan lagu sameeyay iyo handadaad lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta wax-ku-oolka ah waxa ay muujineysaa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dagaalka ay kula jirto warbaahinta madaxa banaan. Hay’adaha metela warbaahinta madaxa banaan iyo suxufiyiinta waxa ay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinka qallafsan oo ay ku dowladdu ku dooneyso inay ku caburiso warbaahinta iyo suxufiyiinta safka hore kaga jirto tebinta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, iyadoona hor istaag ku sameyneysa qulqulka iyo helista xogta. Waxaan aaminsanahay in doorka warfidiyeenada iyo suxufiyiinta oo lagu qeexay dastuurka Federalka KMG ah uu yahay inay ku wargeliyaan shacabka xogaha daruuriga ah ee saameynta ku leh noloshooda oo ay ku jirto helista xogta iyo baahinta wararka la xiriira cudurka Korona. Anagoo ugu baaqeynaa dowladda Federalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah inay si deg deg ah u joojiyaan dhamaan hanjabaadaha, cagajugleynta, xarigga iyo gabood-falkada ka dhanka ah warfidiyeenada, ayaan haddana, anagoo mareyna qareenkeena waxaan warqad cabasho oo rasmi ah oo qeexeysa tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta iyo suxufiyiinta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Md. Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Haddii dowladdu dhegaha ka fureysato cabashadeena, ma jiro doono waddo kale oo noo furan oo aan ahayn in aan cabashadeena u gudbino Maxkamadaha awoodda u leh. War-murtiyeedka waxaa wada saxiixay: Somali Media Association (SOMA) Somali Independent Media Houses (SIMHA) Federation of Somali Journalists (FESOJ) Somali Women Journalists Organization (SWJO) Somali Journalists Syndicate (SJS) Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ay weheliyaan Masuuliyiin kale ayaa maanta waxay Socid ku mareen Magaalada Qardho qaybteeda uu kasocdo u gargaarida Shacabka. Madaxweynuhu wuxuu booqdey [...] Source
  9. Laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Mesut Ozil ayaa gargaar loogu talo galay bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa uu ka qeybin doonaa meelo ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ugu deeqay 713,000 oo lacagta Turkish lira ah oo u dhiganta 101,000 oo dollar hay’adda Bisha Cas ee Turkiga si uu uga qeyb qaato ololaha gargaarka muslimiinta bisha barakaysan ee Ramadaan. Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in afur lagu siiyo 16,000 oo qof oo ku nool dalka Turkiga, inta lagu guda jiro bisha Ramadan, sida ay sheegtay hay’adda Bisha cas ee Turkiga. Qoysas ku kala nool Turkiga iyo Syria ayaa sidoo kale 2,000 oo xirmo oo gargaar ah ka heli doona deeqda ciyaaryahan Ozil, halka 90,000 oo xirmo oo afur ah laga qeybin doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sida ay daabacday wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga. Kerem Kinik oo ah Madaxa hay’adda Bisha cas ee Turkiga ayaa xiddigan ka ciyaara yahay magaalada London uga mahad-celiyey deeqdan, waxaana uu yiri: “Waxaan qeybin doonnaa xermooyinka gargaar ee uu ku deeqay walaalkeey Mesut, waxaana u gaarsiin doona dadka loogu talo-galay sida ugu macquulsan uguna dhaqsiyaha badan.” Mesut Ozil ayaa asal ahaan ka soo jeeda Waddanka Turkiga oo uu deeqdan soo gaarsiiyey, inkastoo uu ku dhashay kuna barbaaray dalka Jarmalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) joins the rest of the world in celebrating 2020 World Press Freedom Day which is being commemorated under unusual and extremely difficult circumstances due to challenges and hardships stemming from COVID-19 pandemic. Albeit the terrible conditions, and the threat to health and safety, hundreds of journalists and other media workers across the country have continued to serve on the frontline to ensure the people are informed and educated about the dangers of COVID-19. Following the imposition of the curfew in Mogadishu, NUSOJ made representation to the government and secured classification of journalists and news media organisations as key/essential service providers who are exempted from the curfew restrictions. NUSOJ salutes these men and women in the media who have shown amazing resilience and exemplary commitment in the fight against Coronavirus. The union calls on the government, regional authorities and media owners to guarantee the provision of safe and healthy working conditions for journalists and other media workers who are on the frontline. The theme of this year’s World Press Freedom Day, “Journalism Without Fear or Favour”, is not only apt but also timely. NUSOJ is saddened to observe a climate of extreme fear within journalists’ community as attacks on journalists through killing, arbitrary detention, malicious arrests, prosecution or brutal physical assaults, arbitrary confiscation of equipment negatively impact on their ability to gather and objectively impart information without fear or favour. From January this year to 3 May, NUSOJ documented 13 wanton acts in Mogadishu, Baidoa, Afgoye, Bule Burte, Garowe, Galkayo which have a chilling effect on journalists. Such painful acts are aimed at silencing critical journalists and keeping the citizenry under control and perpetual fear. The journalists are attacked for simply discharging their professional duties, or expressing their views through the mainstream or the social media channels. In recent weeks, journalists find themselves in the dock often on trumped up charges under Somalia’s outdated and draconian Penal Code as an attempt to silence journalists that are critical of the authorities or government officials. These uncalled for and uncorroborated accusations are envisioned to coerce, criminalise and threaten journalists and their news media organisations. The criminal accusations are further aimed at instilling self-censorship among independent journalists and above all, to stifle and suffocate press freedom. “You cannot be talking about freedom of the media, while at the same time harassing and arresting journalists seen to be critical or offensive on obstinately bogus charges,” NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman alarmed. “Reporters doing their journalistic work must not be regarded as criminals”. NUSOJ fears that the police and judicial authorities will use the criminal allegations to justify their actions to intimidate, harass, arrest, assault and fabricate further charges against journalists, and as a result scare the media from giving comprehensive coverage to fight against global pandemic COVID-19. Since 2019 World Press Freedom Day, the Federal Government of Somalia has made a number of very positive pledges and took concrete actions against errant soldiers when it comes to press freedom and the fight against impunity. “With just a few months ahead of almost unprecedented national elections and amid a worldwide sanitarian crisis, Somalia is at a turning point of its History. No one can now deny that reliable and credible information is more important than ever and that it should be the cornerstone of a society. As press freedom is still under significant threats in Somalia with journalists being killed or arbitrarily arrested way too often, RSF is advocating for new significant reforms to be implemented as soon as possible. The federal government and the president have demonstrated willingness to fight against impunity for the crimes committed against journalists,” said Arnaud Froger, Head of Africa Desk at Reporters Without Borders (RSF). “They now have a huge responsibility to continue on this path. Reducing the level of exactions against media professionals and breaking the cycle of violence can only be achieved with significant reforms. A national mechanism dedicated to the safety of journalists and a moratorium on arrests of journalists in the course of their duty until a new and more protective media law is adopted are a way forward. Low ranking in the Press Freedom Index as Somalia has been used to for many years is not inevitable. It is not a matter of fate. It is essentially about political will and strong commitment to establish long-lasting solutions in favour of press freedom. It is within reach,” emphasised Froger. “The Federal Government should ensure that the criminal justice system is not used to harass or intimidate journalists. We cannot hope to make human rights protection truly a national priority without an end to organised judicial harassment of journalism and attacks on media freedom” added Osman. NUSOJ is calling for: All existing criminal charges levelled against journalists should be dropped. All laws (Somali Penal Code) criminalizing journalism and freedom of expression should be struck off the law books. Draft Media Law is draconian and must not be signed into law. People should have access to information, and access to information law should be enacted. View the full article
  11. Qardho-3/5/2020-Pi- Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wali Qardho ku sugan ayaa maanta wuxuu socod ku maray Goobaha lagu caawinayo Qoysaskii uu khasaaraha u [...] Source
  12. Seoul (Caasimada Online) – Ciidamada Korea-da Waqooyi iyo kuwa Korea-da Koonfureed ayaa Axaddii rasaas xooggan isku weydaarsaday xuduudda labada dal, sida uu sheegay militariga Korea-da Koonfureed. Militariga Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kuwa Waqooyi ay rasaas kusoo fureen bar kontorool oo cidankooda ay ku sugan yihiin, kadibna ay jawaab ka bixiyeen. Ma jiro wax khasaare ah oo laga soo weriyey dhanka Korea-da Koonfureed, sida uu sheegay militariga dalkaas. Weli wax war ah lagama hayo dhanka Korea-da Waqooyi. Xudduuda 250-ka km teedsan ee labada dal ayaa ah tan ugu ciidanka badan caalamka. Korea-da Koonfureed ayaa waxa ay sheegtay inay xiriir la sameysay Koreada- Waqooyi, iskuna dayeyso in laga hortago in xiisadda ay kasii darto. Rasaasta la is-weydaasarday ayaa timid maalin kadib markii Korea-da Waqooyi ay ku warrantay in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu bulshada kasoo dhex muuqday kadib toddobaadyo ay jireen warar ka dayrinayey xaaladdiisa caafimaad. Xuduudda labada Korea ayaa waxaa ka buuxa miinooyin, goobo ilaalo, xeendaabyo, waxaana ku sugan qiyaastii laba milyan oo ciidan oo labada dhinac ah, kuwaas oo daqiiqad kasta diyaar u ah dagaal. Labada dhinac ayaa dhowr mar rasaas isku weydsarsaday xuduudda, sanadihii tegay. Labad Korea ayaa farsamo ahaan waxaa weli ka dhaxeeya dagaal kadib markii Dagaalkii Korea ee 1950 ilaa 53-kii lagu hakiyey xabad joojin, balse aan la saxiixin wax heshiis nabadeed ah. Iska hor-imaadkii ugu darnaa ayaa dhacay 2010, markii oo Korea-da Waqooyi ay gantaallo ku garaacday xuduudda Korea-da Koonfureed, halkaasi oo ay ku dileen laba askari iyo laba qof oo shacab ah, ayada oo Korea-da Koonfureed ay jawaab ka bixisay.
  13. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey gurmad deg-deg ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiinayso Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad binu aadantinimo oo adag. Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaataysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadka ku fatahay. Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ka tacsiyeeyey dadka ku nafwaayey fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyey sida Madaxweynaha, Raaiisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga murugaysan yihiin dhibaatadan. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga. Deegaanka Baacadweyn ayaa waxaa ka jirto xaalad bani’addanimo iyada oo ay deegaankaasi ku geeriyoodeen dad ay ku rogmadeen daadad iyada oo dowladda Soomaaliya ay kala daahday inay dadkaasi gurmad gaarsiiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka warbixiyey dagaalkii xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Teerage oo dhaca galbeed magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolkaasi. Axmeed Muuse Nuur ayaa sheegay inuu weerar xoogan uu uga yimid maleeshiyaad hubeysan oo burcad ah ama shufto ah, kuwaas oo dagaal ku qaaday saldhig ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxdaasi oo isa soo abaabushay ay ka timid dhanka maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. “Xitaa ma aaminsanin in weerarkii xalay uu soo qaaday ciidan beeleed, balse weerarkaas waxaa ka dambeeyey koox abaabulan oo ka yimid dhinaca Galmudug, kuwaas oo doonayey inay arbushaad ku sameeyaan ciidanka Puntland ee saldhigga ku leh Teerage.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo dheeraad ah ay u direen degaanka lagu dagaalamay ee Teerage, si ay uga hortagaan raggaasi hubeysan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid aad u degan. Inta badan Maleeshiyaadka ku wada ku sugan gobolka Mudug ayaa ku dagaalama qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro rayidka.
  15. Wararka rasmiga ah ee laga helay Ciidamada Waxay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn balse uu socdo Baaritaan [...] Source
  16. Guddoomiyaha gobalka Mudug dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaas oo wararka qaar ay sheegayeen inuu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland. Duqada gobalkaasi ayaa beeniyay inuu dagaalku u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland balse waxa uu sheegay in maleeshiyaad abaabulan ay weerar ku soo qaadeen xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta dowlad goboleedka Puntland, dadka deegaanka ayaana soo wariyay in xalay gelinkii dambe ay maqlayeen dhawaaqa hub culus. Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur waxaa shaqaaqadaasi ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland iyo shaqsi kale oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaadday waxaana sidoo kale dagaalkaasi ka dhashay dhaawac aan la xaqiijin tiradiisa. Halka uu ka dhacay dagaalka ayaa xalay gelinkii dambe waxaa gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Puntland kuwaas oo goobta ka bilaabay xaqiijinta amniga iyo sidii ay u xoojin lahaayeen ciidamada weerarka lagu soo qaaday. Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan waqooyigeeda waxaa inta badan ka dhaca weeraro isugu jira dilal qorsheysan iyo qarxyo kuwaas oo inta badan lala beegsado masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan. Warbixin ka kooban ilaa shan bog ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba. Sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan. Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen Xilligii Deyr-ta ee dhammaadkii sanadkii hore 2019, waxaa Dalka ka dhacay mid ka mid ah fatahaadihi ugu ba’naa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Sidoo kale Gugi sanadkii ka horreeyay ee 2018 waxa dhacday fatahaad maasheysay hanti iyo kaabaashi dhaqaale iyagoo barakiciyay kumannaan dad ah. Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka. Meelaha loo Cabsado Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale. Saadaasha Daadadka dhulka aan webiyamareenka ahayn Marka loo barbar dhigo dhulalka wabi mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga Gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka. Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale. COVID19 iyo Fatahaadahu Markey bohoobaan; Waa Masiibo lamaan Iyadoo ay bulshooyinkeennu haatan la daalaa dhacayaan saameeynta dhaqaale iyo mida caafimaad ee uu keenay caabuqa safmarka ah ee COVID19, waxaa murugo iyo tiiraanyaba leh sida ay u muuqato in fatahaaduhu ay sii murjinayaan xaalad horeba dadku ay ula daalaa dhacayeen dhaqaale xumi baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo ka jirta wadanka dacaladiisa. Tala bixin Warbixintan oo ay diyaariyeen qubarada ka howl-gasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxaa ku jirta talooyin muhiim ah oo haddii ay bulshooyinka qaataan yareyn karta halista ay wajahayaan “Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta Warbixinta waxaa lagu soo bandhigay talooyinka hoos ku xusan: In bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto. Iyo in xilligan xasaasiga ah dartiis la mideeyo ka jawaab bixinta caabuqa COVID19 iyo ka jawaab celinta Fatahaadaha iyo Daadaka roobka si loo baajiyo dayac ku imankara qeyb bulshadeena ka mid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyey kulan khadka telefoonka ah oo uu la yeeshay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan cudurka faafa ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus iyo sida ay u la taacaleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhankiisa Tedros Adhanom ayaa u ballaan qaaday xukuumadda federaalka Soomaaliya inay WHO si weyn uga gacansiin doonto dagaalka lagu jiro cudurka Covid-19. Kulankaan khadka taleefoonka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan socdaan dadaallo oo ay dowladda federaalka ay ku dooneyso inay ku xakameyso fidista cudurkaasi. Soomaaliya ayaa waxaa laga diiwaan-geiyey kiisas gaaraya 671 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka xukuumaadda federaalka.
  19. An official says at least two people have been killed and several others wounded in a fresh battle erupted Sunday on the outskirts of Galkayo city, the regional capital of Mudug in central Somalia. The skirmish flared up in Teegare area, which is located west side of Galkayo after a dispute between two clan militia turned into conflict, according to the official who spoke on condition of anonymity. Those injured in the inter-clan clashes were admitted to a local hospital with reports that the situation was calm on Sunday morning despite claims that both warring sides are gaining reinforcements. It’s not yet clear what triggered the combat as both Puntland and Galmudug did not comment on the conflict. Local elders launched a mediation to halt the bloodshed and end the rift through dialogue. View the full article
  20. Warren Buffett, the legendary American investor, has sold his firm’s entire holdings in the four major US airlines, warning that the “world has changed” for the aviation industry because of the coronavirus crisis. Source: Hiiraan Online
  21. Somalia has announced 70 new cases of the Coronavrus during the last 24 hours. This takes the national COVID-19 tally to 671. Source: Hiiraan Online