-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Bilooyin kadib Soomaaliya ayaa maalgashadayaasha dunida u bandhigeysa boqcado shidaal oo laga helay badda Soomaaliya sida ay sheegtay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta. Qorshahaan maahan in durba shirkado lagala xaajoonayo shidaal qodista, balse ay tahay shaacin si loo helo cid dooneysa iney maalgashi ku sameyso shidaalkana soo saarto. Waxaa idaacada adduunka la hadasha ee BBC-da qeybteeda Af-ka Soomaaliga la hadlay wasiirka Batroolka iyo Macdanta Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed kaas oo ka hadlay waxyaabo badan oo la xiriria shidaalka laga soo saarayo badda Soomaaliya. Waxa ugu weyn ee su’aal la iska weydiiyay waxey aheyd haddii badda ay kula muransan yahiin Kenya ay ku jirto goobaha maalgashiga loo raadinayo, balse si cad ayuu u beeniyay wuxuuna sheegay ineysan ku jirin goobahaas. “Waligeena horey uma soo bandhigin (xirmooyiinka lagu muransan yahay) hadana kuma jiraan”, ayuu yiri Mr Cabdirashiid. Wasiirka wuxuu sheegay in xirmooyinka shidaal ee la helay ay ku yaalaan deegaanada Jubbaland iyo Galmudug, wuxuuna ka bilowdaa Kismaayo isagoo gaaraya ilaa Hobyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bini’aadninimo ee xilligan ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ee gobalka Shabeellada Dhexe ee uu ku fatahay wabiga Shabeelle. Shirkaas waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday dalalka iyo hey’adaha deeqaha ka taageera Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, AMISOM iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faah-faahsan uga hadlay xaaladihaii u dambeeyay Hir-Shabeelle, gaar ahaan dhulka uu maro wabiga Shabeelle oo ay ugu horeyso magaalada Baledweyne, sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyay talooyin ku aaddan sida xal waara loogu heli karo khataraha ku aaddan fatahaad hor leh oo uu sameeyo wabiga Shabeelle . Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulankaas ka hadlay ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah lala gaaro dadka barakacay si looga hor tago in xaaladdu kasii darto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri, “Dowladda oo la daalaa dhaceysa dhibaatada ka dhalatay cudurka Coronavirus ay haatan wajaheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle oo kar-kaarrada jabdaday meelaha qaar, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweyn saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.” Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa, inta daadadka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, in loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha uu wabigu ka geystay magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-___-Qubanha-Wrarka-13052020-web.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal lagu dilay sarkaal iyo dagaalamayaal kale oo Al-Shabaab ah waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalka lagu dilay howlgalkaas uu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo degaanada hoos taga, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar). Sidoo kale sarkaalkaas waxaa lala dilay illa shan dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Dhulka ee militeriga Soomaaliya. S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha ciidanka Dhulka ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ninka ay dileen ciidamadu uu Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarrada ay ka geystaan degmada Qoryooley iyo deegaano kale oo hoos taga. Sidoo kale Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalladii ay maanta sameeyeen ciidanka xoogga dalka uu gaaray deegaano kale oo ay ka mid yihiin, Kabtan-laas, Buulo-Sheekh iyo tuulooyin kale oo dhaca inta u dhaxeysa Janaale iyo Qoryooley. Bilihii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo iyo weerarro ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen inta badan gobolka Shabeellada Hoose oo kamid ahaa gobollada ay ku xooganaayeen Al-Shabaab. Hase yeeshee Al-Shabaab haatan waxay u muuqdaan kuwo kasii suulaya gobolkaas oo muhiim u ah ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo sanado badan ay ragaadiyeen qaraxyo ay kooxdu kusoo diyaarin jirtay dhulka ay ka maamulaan gobollo uu ugu horeyay Shabeellada Hoose.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in kadib kulan ay ka yeesheen madaxdoodu arrimaha cudurka Coronavirus ay iska dhex magacaabeen gudigi ka kooban todoba xubnood. Sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab, guddigan oo isugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray inay ka howlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee dalka, sida lagu sheegay qoraalkooda. “Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada ee Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa ay sheegeen in iyaga oo ka duulaya mas’uuliyad, sida ay ku sheegteen qoraalkooda, ka saaran ilaalinta bad-qabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ay magacaabeen guddiga lasocodka xaaladaha cudurka Coronavirus. “Gudigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxa loo xilsaaray inay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee talabixinta hadba wixii soo kordha” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Qoraalkooda ayaa intaas ku daray, “Gudiga lasocodka xaalada cudurka Coronavirus ee Al-Shabaab wuxuu shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah.” Hoos ka aqriso
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Kismaayo ku geeriyootay guddoomiyihii ururka Haweenka degmada Kismaayo Sureer Maxamed Cali oo maalmihii dambe ku xanuunsaneyd isbitaalka guud ee magaalada. Sureer Maxamed ayaa ka mid aheyd dadkii laga helay xanuunka Coronavirus, waxaana maalmihii lasoo dhaafay caafimaadkeeda lagula tacaalayey isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Dad badan oo la il daran xanuunka COVID-19 ayaa ku jira xilligan isbitaalka magaalada Kismaayo, dhakhaatiirta isbitaalka ayaana ka dareyrinaya xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaano badan oo jiifa isbitaalka. Waa qofkii seddaxaad oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooda magaalada Kismaayo, waxayna magaaladaasi ka mid tahay meelaha ugu badan dalka ee laga diiwaan geliyay kiisaska cudurka Coronavirus. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,219 xaaladood, tirada guud ee bogsashada ayaa gaartay 130 qofood, halka dhimashada uu sababay cudurkaas ay weli tahay 52 qofood, inta la ogyahay.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa si faah faahsan kaga hadlay Saameynta Fatahaada Beledweyne iyo guud Ahaan Hirshabelle Shir Online ahaa Oo uu oo siwadajir ah uga qeyb galeen isaga iyo Ra’iisalwasaare Keyre ula yeesheen wakiillo ka socda Beesha caalamka oo looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe oo maalmahaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle. Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda Beesha Caalamka, Saaxiibada daneeyo Soomaaliyam hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka iyaga oo lafo guray sida ugu sahlan ee xal loogu heli karo. Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka hadlay sida muhiim ay u tahay Xal u helida fatahaada Beledweyne ku soo noq noqday, iyo saameynta Culus ay ku yeeshaan Bulshada Hirshabelle, waxaana uu soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa biyaha sanad weliba ka soo rogmanayo webiga oo khasaare badan geysta markaas. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, iyo In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar kuwaas oo qobowga iyo qoraxda maalintii ah ku wajahayo duleedyada Jowhar iyo Baledweyne. Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka dalka Xasan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga maadaama maalmihii tagay meelo badan oo webiga ah ay caro buuxin lagu sameeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaaraddaan ayaa sidday shixnad gargaar ah oo ka koobneyd 22.5 tan oo ah agabka fatahaaddaha sida teendhooyin,maro kaneeco,maacuun Iyo kuwa kale oo muhiim u ah dadka ka barakacay goobaha ay ku dhufteen fatahaadaha ,daadadkii ka dhashay roobabkii ma hiigaanka ahaa ee ka da,ay deegaanno ka tirsan gobolada dalka iyo hal-tan oo ah qalabka looga hortago cudurka safmareenka ah ee karoona Fetus,Waxaana Dowladda Soomaaliya ay agabkaan ka heshay Hay,adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR iyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO. Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka gargaarka Iyo maareynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay hay,addaha kasoo jawaabay gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaddaha Iyo daadadkii ka dhashay roobabkii da,ay kuwaasi oo waxyeelo ugeysay dadka danyarta ah . “Waxaan uga mahadcelineynaa Haya’ddaha kasoo jawaabay baaqeynaa ee ahaa in loo gargaaro dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale roobabkii mahiigaanka ahaa ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada dalka kuwaasi oo waxyeelo u geystay dadka danyarta..ayuu yiri wasiirka Gargaar Xamsa Saciid xamsa. Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda gargaarka iyo Maareeynta masiibooyinka xukumadda federaalka soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ka akdhaw fatahaadda Iyo inay illaaliyaan nadaafadda iyagoo raacaya fariimaha Caafimaadka ee cudurka covid -19. “Dadka soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan meelaha wabiga uu fatahaadda uu kawada iyo sidoo kale inay illaaliyaan nadaafada iyagoo qaadanayo fariimaha wacyigalinta uga imaanaya bahada caafimaadka ee looga hortagayo cudurk karoona ee saameyn ku haayda dalka “Sidaas waxaa yiri wasiir Cabdirishiid Maxamuud xasan. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineyso sidii loo samata bixin lahaa dadkii ay saameeyn roobaabki mahiigaan ahaa ee ka da,ay qaar ka mid ah gobolada dalka iyo fatahaaddihii wabiyada shabeele iyo jubba ay ku dhufteen daagaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa Talaadadii diiday soo jeedin Dowladda Itoobiya ay ku dooneysay in lagu saxiixo heshiis horudhac ah oo lagu buuxinayo biyo xirenka dhismihiisa lagu muransanyahay ee webiga Nile. “Ma aqbali karo in aan saxiixo heshiiska qabyo qoraalka ah wajigiisa koowaad, sababtoo ah waxaa ku jira dhibaatooyin farsamo iyo kuwo sharci kuwaas oo ay tahay in la saxo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaaha Sudan Abdalla Hamdok. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa dhankiisa ku booriyay Hamdok in uu heshiiska saxiixo. Xukuumadaha Khartuum iyo Qaahira waxaa ay ka cabsi qabaan in biyo-xireenku uu yareeyo biyaha ay ka helaan wabiga Nile marka ay Ethiopia buuxiso bisha July ee sanadkan. Hamed Saalax, oo Sudan u qaabilsan wadaxaajoodka biyo-xireenka ee uu fududeeyay Maraykanka ayaa sheegay in “inta badan arrintu ay isku xirantahay… lamana kala saari karo saameynta deegaanka iyo midda bulshada ee mustaqbalka fog.” Xiisadda ka dhalatay Nile ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyay markii Ethiopia ay biyo xireenka jeexday 2011-kii. Addis Ababa waxaa ay sheegeysaa in biyo xireenku ay muhiim u tahay dhaqaalaheeda, Masarna waxaa ay ka baqaysaa in ay weyn doonto inta badan biyaheeda oo ay ka hesho wabiga Nile. Sudan waxaa ay rajeyneysaa in webiga ay ka heli doonto koronto ay aad ugu baahan tahay islamarkaana ay xakamayn doonto qul-qulka biyaha. Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka iyo Bangiga Aduunka ayaa sanadkii lasoo dhaafay u dhaqaaqay in ay fududeeyaan wada-hadllada u dhaxeeya sedaxda waddan kadib markii ay ku guul dareysteen wada-hadallo dhex maray. “Wadada kaliya ee lagu gaari karo heshiis dhameys tiran waa dhammaan qaybaha oo ku laabta miiska wada hadallada,” ayuu hadalkiisa ku daray Hamok. Webiga Nile oo dherarkiisu dhanyahay 6,600 km waxaa uu halbol u yahay biya iyo korontada 10 wadan ee uu maro.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-13052020.mp3 View the full article
-
Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinayso dalka Soomaaliya iyadoo laabashada muwaadiniintaan safaaradda ay ku xirtay dhowr shuruudood oo looga baahan yahay muwaadiniinta dalka doonayo in ay dib ugu laabtaan. Safaaradda ayaa sheegtay in dadka la celinayo ay qasab tahay in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha gudaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka xanuunka safmarka ah ee COVID-19 oo kiisas badan laga helay labada wadan sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda. Safaardda ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya, iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman. Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May. Dowrka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan muddo ku xanibtay markab nooca shidaalka ah oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Som Petroleum, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dekedda Berbera. Somaliland ayaa markabkaasi xanibaad kusoo rogtay xili uu kusoo xidhay dekedaasi, iyada oo aan si cad usoo bandhigin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaad lagu soo rogay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi ayaa muddadii uu ku sugnaa dekedda Berbera waxa la dajiyay maraakiib kale oo siday shidaal, midaasi oo meesha ka saareysa in Haamaha keydka shidaalka ee dekeddu ay buuxaan ama xukuumada ay soo rogtay awaamiir ka dhan ah Shidaalka oo aan la shaacin. Ilo xogagaal ah oo ku dhow Ganacsatada uu ka xaniban-yahay markabkaasi ayaa inoo xaqiijiyey in sababta loo haysto u aaneynayaan mid qabyaaladeeda, halka ay ku sheegen in Maraakiib kale oo rag ay isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi loo ogolaaday inay shidaalkoodii ka rogtan, halka markabkoodu uu weli xayiran yahay. Talaabadan lagu xanibay markabkaasi shidaalka ah ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo hurinta colaado dheeraad ah oo khal-khal gelin karta deganaanta Somaliland, xili dhawaan ay Jabhad cusub ka abuurmatay bariga gobolka Sanaag, midaasi oo kasoo horjeeday talaabo ay xukuumadu kaga laabatay heshiis ay hore u gaashay, kaasi oo ay dib ugula soo laabaneysay huteelka Hargeysa Club. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan xanibaada markabkaasi, xili aan wax xayiraada lagu soo rogin shidaalka soo galaya deegaanada Somaliland, isla markaana aysan buuxsamin haamihii keydka shidaalka ee dekeddu.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay qorsheyneyso in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xarumo dheeraad ah oo dadka looga baaro cudurka COVID-19, xilli kiisaska cudurka ay sii kordhayaan. Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegtay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, taasi oo laga maarmaan ah Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19 Qorshahan ayaa imanaya ayada oo wasaaradda ay maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka. Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay inaysan jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Goobaha kiisaska cusub laga diiwaan geliyay, ayaa kala ah gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah, halka 11 ay yihiin haween. Guud ahaan Soomaaliya, 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.
-
Amniga Garoowe ayaa u muuqda inuu galay marxalad cusub ama qaaday wajhad ka duwan kuwii lagu yaqaannay, kadib markii muddooyinkii dambe ku soo badanayeen falalka la xiriira amni darrada, kuwaasi oo iskugu jira kooxo meelo qabsada, weeraro iyo dhac. Muddooyinkii u dambeeyey dhowr jeer ayay kooxo hubaysani qabsadeen meelo muhiim ah oo ka mid ah bartamaha magaalada, kuwaas oo markii dambe lagaga kexeeyey waanwaan odayaal dhaqameed awgeed. Dhacdooyinka amni daro ee bilihii u dambeeyey ka dhacay Garoowe haddii aannu qaar ka mid ah dul istaagno waxaa ka mid ah, bishii Maarso 2020 koox hubaysan ayaa saacad haystay agagaarka xarunta dowladda hoose ee Garoowe, kuwaas oo markii dambe kaga tagay wadahadal ay lagaleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, sababta ay meesha u qabsadeen ayaa la xiriirtay dhul dowladdu dumisay. 29 Maarso, 2020 qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qaraxiyey gaari uu watay Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, guddoomiayha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaaas oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga bartamaha Garoowe, sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhaawacmay sarkaal hore uga soo shaqeeyey booliska gobolka Nugaal, dowladdu waxay wali sheegtaa in ay baarayso falkii lagu dilay Guddoomiye Gu’jir. Bishii Abriil 2020 kooxdii hubaysnayd ee aannu horey u soo sheegnay ayaa mar kale qabsatay halkii hore, saacado badan oo ay haysteen oo ay kala xireen isu socodka dadka iyo gaadiidka, mar kale ayaa baryo ay ka qeybqaateen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan lagaga kexeeyey goobtii, mana jiro xal laga gaaray arrintaas ilaa iyo hadda oo la ogyahay. Bishan Maajo 11-keedii koox hubaysan oo afka soo duubatay ayaa dharaar cad xoog uga qaaday $19,472 shirkadda isgaarsiin Somtel ee Garoowe, mana jrto cid soo qabatay ilaa hadda kooxda dhaca hubaysan geysatay. Xalay saqdii dhexe waxaa Garoowe dadka hurdada ka kiciyey rasaas xooggan oo ka dhacaysay inta u dhexeysa saldhigga bartamaha Garoowe iyo dowladda hoose, kaddib markii kooxo hubaysani ay weerareen saldhigga dhexe ee Garoowe, dad shacab ah oo xiligaas goobo ganacsi ay uga furnaayeen agagaarkaas ayaa khatar ku galay iska hor-imaadkaas. Falalka amni darro ee caasimadda Puntland waxaa walaac weyn ka muujiyey shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe, waxayna eedda dusha ka saaran tahay dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo waajibkeeda koowaad yahay ilaalinta nabadgalyada. Garoowe ayaa horey uga mid ahayd magaalooyinka ugu nabadgalyada fiican Soomaaliya, hadaysanba ahayn magaalada kowaad, waxayna ahayd magaalo ka nabad-gashay qaraxyada iyo falalka kale ee amni-darro. Way caddahay in beddelistii hoggaanka boolisku uusan noqon karin siyaasad wax lagaga beddelayo xaaladda amniga. Puntland madaxdeedu way siyaasadeeyaan hay’adaha ka madaxbannaan siyaasadda sida booliska. Inta taasi socoto eex iyo qof-jeclaysi baa beddeli doona karti iyo hufnaan. PUNTLAND POST The post YAA LEH EEDDA NABADGELYO-DARRIDA GAROOWE KA SOO CUSBOONAATAY? appeared first on Puntland Post.
-
Rome (Caasimada Online) – Silvia Romano ayaa waxaa beegsanaya ololaha nacaybka ee kooxaha garabka-midig ee Talyaaniga kadib markii ay wadankeeda dib loogu celiyay 18 bilood oo ay Al-Shabaab Soomaaliya ku haysteen kadib. Silvia Romano waxaa ay diinta Islaamka qaadatay in tii ay Al-Shabaab madax furashadda u haysteen, qoskeeduna waxay xaqiijiyeen in 24 jirkan magaceeda ay u bedeshay Caa’isha. “Islaam iyo farxad. Silvia kuma mahadsana,” ayaa lagu qoray bogga hore ee wargeyska garabka midig ee Il Giornale. Siyaasi kasoo jeeda gobolka Treviso ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Romano la dal-dalo. Balse durbadiiba qoraalkii waa la tir-tiray. Ururkii ay la shaqayneysay ee Africa Milele oo raashin iyo dhar siiya caruurta Kenya ayaa war ay ku daabaceen websitekooda waxay ku sheegeen “soo dhawow Silvia, dhamaanteen waan ku sugeynay.” Madax Furasho Talyaanigu waxaa uu heystaa madhabka masiixiga ah Roman Catholic, kaniisaduna si diiran ayey u soo dhoweysay dib u noqoshada nabad-gelyada ah ee Romano. “Hadda waxaan dhamaanteen dareeymeynaa in ay gabadheenii tahay,” ayuu yiri wadaad kaniisadda ka tirsan oo lagu magacaabo Gualtiero Bassetti. Warbahinta Talyaaniga ayaa warisay in xukuumada Rome ay soo deynta Romano ku bixisay madax-furasho dhan 1.5 million oo Euro una dhiganta 1.6 million oo dollar. Dowladdu weli ma aysan xaqiijin arrintaan. “Qiyaas argagixisada Islaamiga ah: Lacagtii waa ay qaateen, waxay ku geysanayaan dambiyo, waxayna ku guuleysteen dagaalkii dhaqanka iyagoo adeegsanaya magaca Islaamka iyo Muslimin,” ayuu yiri Matteo Salvini oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee garabka-midig. Garsooreyaasha Maxkamadaha hoose ayaa furay baaritaan ku saabsan xad gudub si loo eego haddii ay jiraan eedeymo hanjabaad ah oo laga gudbi karo qaar ka mid ah kuwa soo diray farrimaha ka dhanka ah Romano. Wargeysyo ayaa saraakiil kasoo xigtay in Romano ay sheegtay in ay iyadu dooratay in diinta Islaamka qaadato, waqtigeeda firaaqada ahna ay qur’aanka aqriso, islamarkaana aysan ku xad gudbin kuwii ay u afduubneyd. Alessandro Sallusti, oo madax ka ah Wargeyska Il Giornale, ayaa Twitter-ka kusoo qoray “Silvia waa ay soo laabatay waana ay nabad qabtaa. Laakiin waxay u egtay maxbuus aad loo ilaalinayay waxayna u labisneyd sida Nazigiii, ma fahmin mana fahmi doono.”
-
Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaaray kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019. Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda, halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah. Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Haweeney Talyaaniga u dhalatay oo Afduubka loogu haystay Soomaaliya Muddo 2 sano ah oo Muslintay+Hanjabaado ay kala kulantay Muslinnimadeeda Silvia Romano ayaa dib loogu celiyay Taliyaaniga Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano oo ah Haweeney Talyaaniga u dhalatay ee Afduubka loogu haystay Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA. Waxay ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka, waxaana sannadkii 2018-kii laga afduubtay gudaha waddanka Kenya. Silvia waxaa dib loogu celiyay dalkeeda ka dib markii laga sii daayay kooxdii haysatay. Sidoo kale wakaaladda ANSA waxay sheegtay in Silvia Romano ay ku biirtay diinta ayna la baxday magaca “Caaisha”. Waxay la kulantay naceyb lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu eedeeyay “in aysan weji xumeyn ururka Al-Shabaab iyo in ay qaadatay diinta Islaamka”, sida ay xustay ANSA. Xubnaha ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Talyaaniga ayaa bilaabay olole ka dhan ah gabadhan oo naceyb abuuri kara sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Siyaasi ka soo jeeda gobolka Treviso ayaa barta Facebook soo dhigay muuqaal uu ku sheegayo in Silvia (Caaisha) Romano la dal dalo, waxaana markiiba Facebook laga saaray muuqaalkaas. Muuqaalkaas waxaa wehliyay ereyo “xadgudub ah” oo ka dhan ahaa “Caa’isha” Romano. Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Silvia Romano oo 25 sano jir ah, waxay Talaadadii iska xirtay barta ay ku leedahay Facebook ka dib markii ay kala kulantay qoraallo lagu aflagaadeynayo oo naceyb ah, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA. Dadka soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Taliyaaniga Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga. Hooyada dhashay waxay weriyeyaasha ku sugan magaalada Milan u sheegtay: “Maxaad ka fileysaan gabadha? mid ka mid ah qoysaskiina u dira halkaas muddo labo sanno ah, marka waxaan ka dhuursugayaa in uu soo laaban doono isaga oo aan ku biiray diinta islaamka, adeegsada maskaxdiina… waxaan dooneynaa in aan ku noolaano nabad… waxaan u baahanahay nabad,” sida ay tebisay ANSA. “Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan soo dhoweyno Silbia iyadoo xilligan adag uu dalka ku jiro. Waddanka weligii wuu jirayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha taliyaaniga Giuseppe Conte.. Silvia Romano, markii ay Rome ka degtay waxaa soo dhoweeyay oo laabta geliyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda xilli ay qabtay dhar xijaaban. Silvia Romano markii ay gaartay magaaladii ay ka soo jeeday ee Milan waxay sheegtay in kooxdii afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay xushmad u muujiyeen. “Waxaan la qarxi rabaa farxad hadda. Way adag tahay in la qiyaaso, fadlan ii ogolaada inaan neefsado. Waxaan la taaganahay amakaag iyo farxad, aad ayey iiga tanbateen, wayna qarxi rabaan,” ayuu yiri aabeheed Enzo, oo Axaddii la hadlay warbaahinta sida ay qortay Reuters. “Waan adkeystay, mana is jilcin”, ayaa la soo xigtay iyadoo dheheysa Silvia, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, oo Sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Caa’isha” Romano waxa ay sheegtay inay “maskax iyo jir ahaanba,” caafimaad dareemayso. Qaran News
-
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaalada Nairobi ee is-diiwaangeliyay dalka dib loogu celinayo, islamarkaana ay shirkadda Daallo Airline u jari doonto Tikityadii ay ku laaban lahaayeen. War ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in shirkadda Daallo Airline ay la xiriiri doonto dhammaan dadkii is-diiwaangeliyay ee heysta baasaboorka Soomaaliya ama degenaanshaha Kenya. Safaaradda ayaa sheegtay in qof kasta oo safraya inuu iska baara cudurka Covid-19, isla markaana dadka laga waayo cudurkaas la qaadi doono. “Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa, Sidoo kale dadku waa inay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa dhowaan soo saartay wargelin ku aadan in dadka ku xayiran M/ Nairobi ee doonaya in dalka dib ugu laabtaan inay is diiwaan geliyaan, waxaana la soo bandhigay shuruudo la xiriira dadka dib loogu celinayo dalka. View the full article
-
An Italian aid worker has become the focus of a far-right hate campaign after returning home this weekend having been freed from 18 months of captivity by al-Shabab in Somalia. Silvia Romano converted to Islam while being held for ransom, with her family confirming the 24-year-old had changed her name to Aisha. “Islamic and happy. Silvia the ungrateful,” read the front-page headline of right-wing daily Il Giornale on Monday. A politician from the province of Treviso posted on Facebook that Romano should be hanged. The post was swiftly removed. Romano was working as a volunteer in an orphanage in a village in southeast Kenya when she was seized by gunmen in November 2018. She was smuggled across the border into Somalia, where she was believed to have been detained by the armed group al-Shabab that advocates a fringe interpretation of Islam. The group she was working with, Africa Milele, aims to provide food and clothing to children in Kenya. “Welcome back Silvia, we all have been waiting for you,” said a statement on their website. Ransom Italy is predominantly Roman Catholic and the Church warmly welcomed Romano’s safe return. “At this time, we all feel her to be our own daughter,” said Cardinal Gualtiero Bassetti. Italian media reported that Rome paid a ransom of some 1.5 million euros ($1.6m) to secure Romano’s release. As always in such cases, the government declined to comment. “Imagine the Islamic terrorists: They have brought home the money, committing a criminal act, and ‘won’ the cultural battle in the name of the Islamic veil and conversion,” said Matteo Salvini, leader of the far-right opposition League party. Magistrates have opened an investigation into the abuse to see if charges of aggravated criminal threat can be laid against some of the senders, sources told Reuters. Newspapers quoted Romano as telling officials that she had chosen to become a Muslim of her own free will after reading the Quran, and had not been abused by her captors. Alessandro Sallusti, head of the Il Giornale newspaper, which is owned by the brother of former Italian prime minister Silvio Berlusconi, tweeted: “Silvia is back, and well. But it was like seeing a concentration camp prisoner proudly dressed as a Nazi. I don’t understand, I will never understand.” In an interview with La Repubblica newspaper, a spokesman for al-Shabab, named as Ali Dehere, confirmed a ransom had been paid, but declined to say how much. “Some will be used to buy weapons, which we need more and more of to fight jihad (holy war). The rest will be used to run the country: to pay for schools, to buy the food and medicine we distribute to our people, to train the policemen who maintain order and enforce the laws of the Quran,” he said. The spokesman said Romano had converted voluntarily “because she clearly saw with her own eyes a better world than she knew before”. Source: Aljazeera
-
Turkiga oo shaaciyey dhibaato ay Imaaraadka ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale Dowladda Turkiga ayaa dhigeeda Imaaraadka Carabta ku eedeysay iney khalalaaso ka wadaan waddamo ay ku jirto Soomaaliya, waxeyna arintaan keeni kartaa in xiisadda labada wadan u dhaxeysa ay sare u kacdo. Turkiga waxaa lagu cambaareeyay kaalinta uu ka qaadanayo dagaalka Liibya maadaama uu halkaas geeyay dagaalyahanno kasoo jeeda Syria oo caawinaya dowladda uu caalamka aqoonsan yahay. Imaaraadka iyo Masar, oo taageearaya ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Libya, ayaa ayaga oo ay wehliyaan Greece, Qubrus iyo Faransiiska, waxay soo saareen bayaan lagu cambaareeyey “faro-gelinta militari ee Turkey ay ka waddo Libya”. Cavusoglu ayaa taleefishinka Akit ee Turkey u sheegay in Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin “ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan” wuxuuna si gaar ah u beegsaday Imaaraadka. “Haddii aad I weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,” ayuu yiri. “Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen. Cavusoglu ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageerayaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, halkaasi oo Turkey ay ku leeyihiin saldhig ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya. Hadalka Cavusoglu ayaa yimid kadib markii wasaaraddda arrimaha dibedda ee Ankara ay Isniintii ay cambaareysay bayaanka shanta dal, islamarkaana ku eedeysay Faransiiska “inay isku dayayaan inay noqdaan taageeraha isbaheysiga naceybka.” Imaaraadka Carabta weli kama jawaabin eedeynta Cavusoglu. Qaran News
