-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal guri ka guri ah oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ayaa laga billaabay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka, ayada oo kuwa kalena la filayo, sida uu sheegay maamulka amniga gobolka Banaadir. Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaada gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo xalay kormeer dhinaca Amniga ah ku tagay degmooyinka Wadajir, Dharkeenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Tuulax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in degmooyinka ay soo mareen amnigooda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ciidamada ay ka wadeen howlgallo kala duwan. Tuulax ayaa sidoo kale sheegay in ciidmada Booliska Soomaaliya ay howlgal guri guri ah ka sameeyeen degmada Wadajir ee Gobolka Gobolka Banaadir, sidoo kalena degmoyinka kale ee gobolka laga sameyn doono. Howl-galladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, ayada oo guryaha looga baarayo hub iyo shakhsiyaadka la tuhunsan yahay. Hadalka Gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Mamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmooyinka Gobolka Banaadir waqtiyada habeenkii uu bandow saaran yahay, sababi la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19. Amniga magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa u muuqday mid kasoo raynaya ayada oo ay yaraadeen qaraxyada iyo dilalka magaalada ka dhacay.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda fedraalka dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay ragyihiin 19-na haweenyihiin. 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug. Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo ah cudurka COVID-19. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hal qof uu cudurka u geeriyooday, halka 10 qof oo ka mid ahaa dadkii uu ku dhacay ay kasoo bogsadeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la diiwaan-geliyey ay yihiin rag, ahlka 19-ka kalena ay yihiin haween. 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, oo ah gobolka kiisaska ugu badan ee Soomaaliya laga helayo, halka laba qof laga helay deegaanada Galmudug, ayada 12 kiis-na laga diiwaan geliyey Puntiland. 12-ka kiis ee Puntland ayaa ah tiradii ugu badenyd ee 24 saac gudahood laga diiwaan-geliyo meel ka baxsan Muqdisho. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 qof, halka 32 qof ay cudurka u dhinteen.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 19-na haween. 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug. Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. View the full article
-
Ali Mohamed Gedi, a former Somali Prime Minister, leads Somali Patriotic Party, one of the political parties that will contest the 2021 elections in Somalia. In April Puntland Post Monthly interviewed him. Ali Mohamed Gedi: Leader of Somali Patriotic Party Puntland Post Monthly: As a former Prime Minister of Somalia you lead a political party. When and why was the political party established? Ali M. Gedi: First and foremost, let me take this opportunity to express my thanks and gratitude to PUNTLAND POST team for the interview. To answer the first question, Somali Patriotic Party (SPP) was established in February 2016 (even before the political parties’ law was enacted by the Federal Parliament) to shift the country from centralised/dictatorial rule to decentralised and democratic governance through multi-party system. SPP was established by competent and qualified scholars (men and women) who complement my professional and political experience. PPM: What differentiates the political party you lead from other parties? Ali M. Gedi: My long-term academic and research activities coupled with more than a decade-long collaboration, partnership and interaction with international organisations, plus three years (2004-2007) of working as a Prime Minister of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia have equipped me with the necessary knowledge, experiences and tools that make difference to leading a modern party compared to the other political parties. PPM: Somali Patriotic Party is not a member of the Forum for National Parties. Does that mean your party supports an open contest in place of building coalitions based on a desire to unseat the incumbent administration? Ali M. Gedi: Yes. SPP is not and will not be a member of the Forum for National Parties due to differences in vision and mission, principles, objectives and goals. In this regard, SPP has a political and moral philosophy based on secularism, equality, freedom of speech, freedom of press, human rights, corruption-free, anti-tribalism, anti-radicalism/extremism and terrorism among others. Somali Patriotic Party’s Logo PPM: What is the position of SPP on possible postponement of elections due to Covid-19? Ali M. Gedi: The position of SPP on possible postponement of the coming elections is very clear. The current government has been given 4 years mandate to run the affairs of the country, ending January 2021. Therefore, by constitution, the federal government must hold elections timely, freely and fairly without any further delay. Yes, Force Majeure is an issue, in the event of unexpected disasters like the Coronavirus Pandemic. In this case, the leadership of the Federal Government of Somalia must come up with options and mechanisms acceptable to all the political stakeholders of the country so as to proceed smoothly to a conducive environment which can allow free and fair elections to take place next year. PPM: Some federal member states criticise the Federal Government for bringing back centralised governance. In your view is there a substance to the criticism? Ali M. Gedi: Criticism is a regular act before the eyes of a public administration. Hence, expressing adverse or disapproving judgment on governmental institutions is a tool for dealing with mistakes and the leaders must take it easy as corrective measures. Based on the above, the Federal Member states have the right to constructively criticise the Federal Government within the framework of the Provisional Federal Constitution and the government must accept it as such. Destructive or divisive criticism must be avoided by all stakeholders. PPM: Does Somali Patriotic Party have branches in other parts of Somalia? Ali M. Gedi: At the levels of the Federal Member States of Somalia, local regulations and guidelines in conformity with the federal government, for opening offices of the political parties are not yet in place; but SPP members and supporters are in action everywhere in the Federal Member States and district authorities country-wide as well as in each and every Diaspora community of Somalia world-wide. © Puntland Post Monthly, 2020 The post An interview with Ali Mohamed Gedi appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Borama)-Guddida heer qaran ee La Tacaalidda iyo ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee COVID19 ayaa shalay galab si rasmi ah shaaca uga qaaday qofkii dhawaan ku dhintay Magaalada Boorama uu u dhintay Caabuqa Karoona Fayras dhawr qof oo kalena laga helay cudurkaasi taasi oo tirada guud ee ay illaa hadda Guddidani ku dhawaaqday Somaliland ka dhigaysa in cudurkaasi haleelay 9 qof. Halka sidoo kale walaac weyn ay Gobolada Galbeedka Somaliland ka qabaan dad si xawli leh uga soo galayay muddooyinkan dambe dhinaca Jabuuti. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo xubin ka ah Guddida ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee Covid19 Mudane Cumar Cali Bade oo warbaahinta shalay la hadlay waxa uu yidhi: “36 kiis oo aanu dirnay dhiiggooda ayaa jiray. Shalay (Dorraad) ayay na soo gaadhay xogtii baadhistu. Xogtaasi waxa ka soo baxay qodobo Afar ah oo ay muhiim tahay in dadka Muwaadiniinta ahi aad iyo aad u ogaadaan. Dadka dhiigga laga qaaday gudaha Magaalada Hargeysa waxa ay ahaayeen 20 qof. 1 qof oo ka mid ah ayaa la xaqiijiyay. Qofkaasina waa qofkii Magaalada Boorama ku dhintay. Xanuunku wuu innagu jiraa. Qofkaasi ma aha qof qurbaha ka yimid. Ma aha qof safarro galay oo dibadaha u baxay. Saddex qof ayaa iyaguna ahaa kuwo dhiigga la qaaday laga keenay Burco dhammaantoodna waa laga waayay. Qof kale oo Berbera ka yimid oo aannu gacanta ku hayno ayaa isna laga helay. Waxa jiray 12 qof oo Karanriin ku jiray hal qof ayaa iyagana laga helay oo qaba cudurkan. Arrimahani waxa ay muujinayaan in cudurkii u gudbay heer cusub oo uu fidayo waana arrin u baahan in taxadar weyn oo cusub la galo”. Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boorama ee Caasimadda Gobolka Awdal waxa ay sheegayaan in Gobolada Galbeedka ay walaac weyn ku hayaan dad badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku soo qulqulaya, kuwaasi oo ka imanaya waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah waddanka illaa hadda tirade ugu badani ug le’edeen cudurkan kuwaasi oo ka soo tallaabaya dhinaca Xadka deegaamada u dhaw Magaalada Xariidad ee Itoobiya. Dadkan ayaa marka hore inta ay Jabuuti uga soo gudbaan dhinaca Itoobiya kadibna Somaliland uga soo gudbaya deegaanka Xariirad. “Dad badan oo aanay cidina kantaroolin ayaa maalin walba si xawli leh uga soo gudbaya Xariirad. Waxa ay dadkaasi marka hore ka imanayaan Jabuuti waxaanay soo marayaan Deegaanka Ayshaca oo ah dhinaca Itoobiya kadibna Xariirad ayay soo beegsanayaan oo dalka ka soo galayaan. Taasi ayaa ah walaac weyn oo jira mana naqaano wax cudurkan qaba, haddii dadku xanuusadaan ma jiro meel ay tagaan iyo cid qaadaysaa toona” sidaa waxa yidhi wariye ka hawl gala Gobolka Awdal oo aannu la xidhiidhnay. Source
-
Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo miina baaris ah waxa ay saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen nin dhallinyaro ah oo miino ku aasayay wadada soo gasha degaanka Janaale. Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamada Ciidamada, si loo mariyo ciqaabta miinada uu doonayay in uu dadka ku dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada Milateriga ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Janaale waxay wadeen howlgalo miino baaris ah, waxaana dhowr jeer lala eegtay qaraxyo miino, kuwa kalena waa ay ka hortageen.
-
(SLT-Hargeysa)-Ganacsatada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa si weyn u dareemay hoos u dhac ku yimi dhaqaalihii ka soo geli jiray jaadka loo iib keeni jiray Somaliland oo ay dawladda Somaliland u joojisay ka hortagga faafitaanka xanuunka Covid_19. Ganacsiga qaadka oo ay ganacsatada Oromada uga xaroon jirtay lacag adagi, ayaa waxa uu sababay inuu hoos u dhaco dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee guud ahaan deegaanka Oromada, waxaana sida ay sheegayaan dadka Soomaalida ah ee degen magaalada Jigjiga suuqyada magaalooyinka Oromada laga dareemayaa hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn, iyagoo uu hore dhaqaalaha Itoobiya u saameeyay xanuunka covid_19. Ganacsato Soomaalida Itoobiya ah oo jooga magaalada Jigjiga oo Geeska Afrika la soo xidhiidhay ayaa sheegay inay jiraan shir doceedyo kala duwan oo ay wadaan ganacsatada oromada iyo madaxda dhaqanka ee loo yaqaano ‘Abagaadhaha’, kuwaas oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa jaadka ay Somaliland joojisay mudada bisha ah. Wararka qaar ayaa sheegaya inay kulamo arrintan ku saabsan la yeesheen madaxda dawladda deegaanka Oromada. Waxa suurtogal ah in ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ee Oromadu ay dawladda federaalka Itoobiya ka codsadaan inay dawladda Somaliland kala hadasho joojinta jaadka oo haddii uu sii socdo ay aaminsanyihiin inuu dhaawacmayo dhaqaalihii ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxa iyaguna soo baxaya in dawladda Itoobiya ee federaalka lafteedu dareentay dhaqaalaha uga soo xaroon jiray jaadka, waxaana la sheegayaa in baadhis lagu samaynayo ganacsatada qaadka gaysa Somaliland oo la sheegay inay kooto ku haystaan iib gaynta qaadka. Geesta kale waxa isna hoos u dhacay oo joojinta qaadka laga dareemayaa ganacsatada oromada ee safarada ku iman jirtay magaalada Wajaale oo uu dhaqdhaqaaqoodii yaraaday. Source
-
The government has thwarted planned attacks by al-Shabaab during the Holy Month of Ramadhan, which would have seen a number of abductions and hijacking of government vehicles, a confidential security brief seen by the Sunday Nation shows. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay. Guddoomiyaha guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta, Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi ku soo dhoweeyey. Siciid Deni ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa Gargaar Caafimaad gaarsiiyey Jubbaland, Gargaarkaan ayaa wuxuu ka kooban yahay Aalkolada la isaga ilaaliyo Virus-ka, Afxirka iyo Qalabka [...] Source
-
Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jamaame ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen agagaarka magaaladaasi. Ciraaqi ayaa sheegay in deegaanada ay ka sameeyeen howlgallada ay qeyb ka yihiin Kobon iyo Araare. Sidoo kale wuxuu u jeedkooda ku sheegay inay yihiin kuwo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab looga saarayo halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolladaasi. View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dhinacyada Falastiin iyo qaar ka tirsan Shacabka Falastiin ayaa cambaareeyey taxane riwaayad ah oo TV-ga Sacuudiga laga soo daayo, kaasi oo wax caadi ah ka dhigaya in xiriir lala sameysto Israel, oo xoog iyo si sharci darro ah ku qabsatay dhulka reer Falastiin. Taxanahan oo lagu magacaabo Umm Haauun, ayaa waxaa sii daaya Taleefishinka Sacuudiga ay lee yihiin ee MBC, oo fadhigiisu yahay Dubai. Umm Haaruun ayaa qeyb ka ah riwaayadaha iyo musalsalada habeen walba hawada ku jiro inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo bilaabatay Asbuucii hore, waxaana soo dhoweeyey oo qeexid wanaagsan ka bixiyey warbaahinta Yahuudda iyo Reer Galbeedka. Waxa uu ka sheekeynayaa kalkaaliso caafimaad oo Yahuud ah, taasi oo ay aad u jecel yihiin deriskeeda, sida taxanaha lagu muujinayo, maadaama ay tahay qof wanaagsan. Wuxuu sidoo kale muujinayaa Yahuudda iyo Muslimiinta oo si deris wanaag ah ku wada nool, oo xitaa qaarkood ilmahooda ay dhex-marayaan xiriir jaceyl. Musalsalka ayaa waxaa la muujinayaa in waqtigiisu yahay 1948-kii, xilligaas oo ahayd markii Yahuud badan ay ku noolaayeen dalalka Carabta, iyo markii Israel ay qabsatay dhulka Falastiin. Hazem Qassem, oo ah afhayeen u hadlay ururka Xamaas, oo ah kooxda xukunta marinka Gaza, ayaa sheegay in riwaayadaha TV-ga ay tahay inay ka tujumaan dadka iyo fikradahooda balse aysan aheyn in qaab kale laga dhigo. “Qaar ka mid ah riwaayadaha Carbeed ee la soo saaray sannadkan ma ixtiraamaan arrintaan, waxay faafinayaan fikrado dadka ugu yeerayo inay si caadi ah ula noolaadaan gumeysiga Israel lana jeclaado, waxayna isku dayayaan inay su’aal ka keenaan qadiyadda Falastiin,” ayuu Hazem Qassem u sheegay wakaaladda Wararka ee Anadolu. Qaasim ayaa intaas kusii daray “Israel waa cadow, waligeedna way sii ahaan doontaa cadowga koowaad ee wadamada Carabta”. Musab al-Braim, oo ah afhayeenka Xarakada Islamic Jihaad ee Falastiin, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey musalsalkaan laga sii daayo TV-ga Sacuudiga isagoo ku tilmaamay inay tahay “dharbaaxo taariikhi ah” oo ku dhacday dhammaan Carabta iyo Wadamada islaamka. Salama Marouf, oo ah madaxa Xafiiska warbaahineed ee dowladda ka talisa marinka Gaza, ayaa sheegay in ruwaayadaan laga sii deynayo TV-ga Sacuudiga ay muujineyso rabitaanka ah in wax laga badalo dareenka Carabta ay ka qabaan arrimaha Falastiin. “Baaqa ah in xiriir caadi ah lala yeesho Israel waa hoos u dhac xagga akhlaaqda iyo anshaxa, gaar ahaan marka uu baaqaas ka yimaado dalalkii iyo xisbiyadii ay aheyd in ay kamid noqdaan safafka hore ee kuwa u doodayo xuquuqda koowaad ee Falastiin” ayuu yiri. Saraakiisha Dowladda Sacuudiga weli ma aysan ka hadlin arrintaan dooda weyn ka dhex dhalisay dowladaha Carabta ee ku saabsan in dadka la jecleysiiyo Yahuuda.
-
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah. War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska James Swan oo looga hadlay munaasabadda maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da Maajo (May) ayaa lagu sheegay in xilliga lagu jiro doorashooyinka Soomaaliya ee qof iyo cod iyo la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, loo baahan yahay warbaahin firfircoon oo xor ah, taas oo awood u leh inay wararka u soo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah. “Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhiimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid, waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” ayuu raaciyay. Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3-da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay “Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,” iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta. Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay suxufiyiinta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Iyadoo ay maanta ku beegan tahay maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka ayaa wakiilka QM ee Soomaaliya, Ambassador James Swan wuxuu ku baaqay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tahay in si madax banaani leh ay u gutaan howlahooda shaqo. Danjire James Swan ayaa sheegay in warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa banaan ay door muuqda ka qaadanayaan horumarka siyaasadda dalka, sidoo kalena ay cod u yihiin dadka danyarta ah iyo kuwa la kulmay xad-gudubyada. Sidoo kale ergeyga Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ayaa soo jeediyey in lagama maar-maan ay tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay shaqadooda u gutaan, iyaga oo aan la kulmeynin xad-gudubyada hanjabaadda, xariga iyo caburinta. Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xilligan ku shaqeeya xaalado adag iyo duruufo dhanka ammaanka ah, waxaana gudaha dalka suxufiyiinta ay la kulmaan dil, xarig, hanjabaad iyo caburin, waxaana maanta oo ay ku beegan tahay maalinta xorriyada saxaafadda adduunka magaalada Muqdisho ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ku qabteen dibadbax ay uga soo horjeedaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan, gaar ahaan saddexdii sano ee la soo dhaafay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Al-Cadaala, gaar ahaan halka loo yaqaan Gumbacoole oo ka tirsan Kaaraan ayaa wuxuu dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Kaaraan iyo kuwa Militariga. Sida aan xogta ku helnay, dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhashay muran ku saab dhul ku yaalla Degmada Kaaraan, waxaana weli halkaas ka taagan xiisad. Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimada Online, dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Shacab ah, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo shacab ah oo la geeyey isbitaalada Muqdisho. Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay Xaafadda Al-Cadaala. Ciidamada dowladda ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaalamay magaalada Muqdisho, ayaga oo kala taageeraya dad ku beel ah oo isku haystaan dhul ama guryo. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online.
-
Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta aqbalay codsi uga yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo Xukuumada cusub. Kulan ay Kismaayo ku yeesheen Baarlamanaka Jubbaland oo shir gudoominayay Gudoomiyaha Baaarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa Golaha laga hor akhriyey codsiga ka yimid Madaxwayne Axmed Madoobe. Kadibna Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey codsiga madaxweynaha Jubbaland, waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan, 2 mudane ayaa diiday, hal mudane waa ka aamusay, waxaana kulanka fadhiyey 51 mudane. Waa markii labaad oo Baarlamaanka Jubbaland ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga la soo dhisayo Xukuumadda cusub, waxayna tani ku soo aadaysaa iyadoo dhawaan ay heshiis gaareen madaxweynaha Jubbaland iyo golihii is beddel doonka ee mucaardka jubbaland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Jubbaland oo aqbaly codsi uga yimid madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi ka socda xafiiska R/wasaaraha oo siday daawooyin iyo qalab kale oo loogu talagalay ka hortagga Covid-19 ayaa gaaray magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa wafdigan garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubbaland, waxaana qeyb ka ah xubno loogu talagalay inay soo darsaan baahiyaha caafimaad ee ka jira halkaasi iyo la socodka xarumaha loo diyaariyey in lagu daryeelo dadka caabuqu uu soo rito . Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya kii afaraad ee deeq ceynkaan oo kala ah ka hela xafiiska madaxa xukuumaddda Soomaaliya oo kal hore u ballan qaaday maamulada gobolada in la siin doono wixii agab caafimaad ah oo lagu xakameynaayo Covid19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Popular Contributors
