-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bardaale (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Diyaaraddan ayaa waxaa la sheegay inay lahayd shirkadda diyaaradaha African Express, islamarkaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan shirkadda. Diyaaradda ayaa lagu warramayaa inay ku dhacday meel u dhow garoonka, oo banaanka ah. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dad gaaraya illaa shan qof ay diyaaraddaas saarnaayeen, kuwaas oo illaa hadda aan la ogeyn xaaladdooda. Illaa iyo ma cadda waxa sababay inay diyaaraddaas ay dhacdo, waxaana weli wararka arrintan ku saabsan ay yihiin kuwa isa soo taraya. Nagal filo faah-faahin dhowaan Insha Allah
-
Somali army confirmed on Monday that its forces killed 10 al-Shabab fighters on Sunday at one of its military bases in southern region. The Somali National Army (SNA) said several militants were injured during a hit and run attack on SNA bases in Ceel-Salini and Barire towns in Lower Shabelle. “The attacks were repelled. Further, 10 al-Shabab terrorists were confirmed to be killed and many injured,” SNA said in a statement issued in Mogadishu. The soldiers, who had been fighting along with African Union Mission in Somalia (AMISOM) to stabilize the Horn of African nation, said there were no casualties suffered by SNA. It said the security forces had degraded al-Shabab capabilities to take effective attacks in Somalia. The allied forces have been on major offensives against the extremists in central and southern Somali regions, but the militants still hold swaths of territory in those regions, conducting ambushes and planting roadside bombs. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo ka tirsan degmada ay kusoo dhaceen hoobiyeyaal, la aaminsanyahay inay ahaayeen kuwo habow ah. Ugu yaraan laba madfac, oo la sheegay inay ahaayeen kuwo laga soo riday qoriga loo yaqaano hoobiyaha, ayaa kusoo dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis, waxuuna mid kamid ah ku dhacay gudaha Garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yariisow. Weli lama oga in khasaare ka dhashay iyo in kale labadaas madfac ee ku soo dhacay qeybo ka tirsan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Sidoo kale lama oga halka uu ahaa bartilmaameedka loo waday madaafiicdan, mana jirto cid weli ka hadashay. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dusha u ritay mas’uuliyadda weerarro ay u adeegsadeen qoriga hoobiyaha oo ka dhacay meelo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Inta badan goobaha ay ku qaadaan weerarrada nuucaas ah waxaa ka mid ah xarunta Xalane oo ay maalmihii lasoo dhaafay dhowr gantaal ku tureen, kuwaas oo qaarkood ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo xoolo u badnaa Geel ku xareysan xaafad ka tirsan degmada Wadajir.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faafaahiyay waxyeeladii ka dhalatay roobaabkii Gu’ga ee ka dhawaan ka da’ay deegaanada Galmudug oo gaar ahaan waxyeello ga geystay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, isaga xusay in daadad xoog leh kusoo rogmadeen magaaalada Bacad-weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug kuwaas oo sabab qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in roobabka Gu’ga ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesheen deegaano hoos yimaada Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb isla markaana ay biriq ku waxyeelaysay qoys ka koobnaa Todobo ruux oo Afar qof oo ka mid ah oo caruur ahaa ay geeriyootay ka dib markii biriq kula dhacday degaan hoos yimaada Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa iyadoo laga tixraacayo waxyeelada roobabka waxuu maanta magacaabay guddiga gurmadka daadadka ka di b Markuu arkay, madaxweynuhu Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta gobolka Mudug kaas oo geystay saameyn nafeed iyo mid dhaqaale. Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxweyne Axned Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban 5 wasiir guddigaan ayaana ka shaqeyn doona sidii gurmad loogu sameyn lahaa deegaannada daadadka ay ku soo rogmadeen ee ka tirsan gobolka Mudug , waxaana uu ugu baaqay guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howlgalaan deegaannada ay ka jirto xaaladaha nololeed ay keeneen roobabka Gu’ga ee ka curtay Galmudug. Qodobka 1aad Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Kahortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah: 1. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. 2. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. 3. Wasaaradda Maaliyadda 4. Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta 5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska. Qodobka 2aad 1. Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku belay roobabkii xooganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale. 2. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: COVID-19 Impact Update No. 4 (As of 4 May 2020) From 26 April to 3 May, confirmed cases rose from 390 to 722, with 32 deaths and 44 recoveries GENEVA, Switzerland, May 4, 2020/ — Situation Overview The exponential rise in the number of confirmed COVID-19 cases in Somalia continues. From 26 April to 3 May, confirmed cases rose from 390 to 722, with 32 deaths and 44 recoveries. The new cases are largely due to community transmission. On 23 April, WHO warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. Somalia will need to make difficult decisions to balance the overwhelming demands of responding to COVID-19, while maintaining essential health service delivery to prevent health systems from collapse. COVID-19 impact The measures announced by authorities to contain the spread of COVID-19 have had a significant impact on livelihoods. In March, Somalia saw slight price increases of imported food items due to the partial disruption of the supply chain and panic buying due to the pandemic. On 19 April, Saudi Arabia announced plans to temporarily lift the ban on importing livestock as well as import at least 600,000 sheep and 100,000 camels from Somalia in the next 30 days; a move that offers some economic respite. The measures taken by individual agencies have also impacted on humanitarian activities and development programmes. An OCHA survey of NGO partners in South West State found that 36 per cent reported they were unable to conduct field activities, 40 per cent had reduced field presence to focus on immediate lifesaving activities and 66 per cent were adapting primary activities to COVID-19 directives. With the addition of COVID-19, Somalia faces increased threats with looming floods and an ongoing, historic desert locust infestation in various parts of the country. According to African Development, the pandemic will affect ongoing efforts to contain the locusts, particularly given limitations on movements of people and flights, and disruptions in supply chains. Distributed by APO Group on behalf of Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA). SOURCE Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Qaran News
-
Oslo (Caasimadda Online) – Ku dhawaad 1600, oo qof oo Somali ah oo horey sharciga degenaanshaha dalka Norway looga xayiray, ayaa dhawaan loo ogolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan. Dadkaan ayaa horay u dalbaday in ay helaan sharciga u ogolaanaya in ay kamid noqdaan muwaadiniinta dalkaas, isla markaana ay helaan xuquuq, maadaama ay u diiwaangashan yihiin qaxooti ahaan. War ka soo baxay wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay in dadlkaasi oo badankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu ogolaaday siyaabo kala duwan oo la xidhiirta xaaladaha bani’aadannimo. Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sanadihii 2012 illaa 2016. Xildhibaan Baashe Muuse oo katirsan Golaha Deegaanka Oslo oo la hadlay VOA-da in uu dadaal badan ku bixiyay sidii loo baajin lahaa dadkaan oo Dowladda Norway mar qorsheysay in ay dib ugu soo celiso Soomaaliya. Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay Somali badan oo dalka Norway ku sugan, kuwaasi oo muddo sugaayay inay helaan sharci. Norway ayaa ka mid dalalka sida wayn u adkeeyay bixinta Sharciga dalkaasi, waxaana sidoo kale jiray in Somali kala duwan laga qaatay sharciga dalkaasi oo lagala noqday. Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaan Baashe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Norway-Soomaali.mp3
-
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka iyo ka hortagga Daadadka, wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne; Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka gaartay daadadka Gu’ga; Markuu tixgaliyey: In wali lagu jiro xilli roobaadkii Gu’ga, iyo in ay soo laaban karaan daadad nuucaas oo kale ah; Wuxuu Xeeriye Qodobka 1aad Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Ka hortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah: Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Wasaaradda Maaliyadda Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska. Qodobka 2aad Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku beelay roobabkii xoogganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga ka hortagga Daadadka appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Coronavirus: Kenya Covid-19 cases rise by 30 , total now 465 Nairobi Sunday May 3, 2020 Bungoma is the latest County to be affected by the virus bringing to 16 the total number of Counties that have so far recorded Covid-19 cases NAIROBI, Kenya, May 4, 2020/ — Kenya has recorded 30 more cases of coronavirus from an analysis of 883 tests done in the last 24 hours, bringing the total number of total cases to 465. The results were released by the Chief Administrative Secretary (CAS) Dr. Rashid Aman who disclosed that 19 cases are from Mombasa, 8 from Nairobi, 2 from Bungoma and one from Kitui, aged between 4 years and 64 years, of which 23 are males and 7 females. Bungoma is the latest County to be affected by the virus bringing to 16 the total number of Counties that have so far recorded Covid-19 cases. “What this means is that the disease is spreading across the country and within the estates,”Dr. Rashid said and urged people in the targeted areas to go for testing. In Nairobi, Kawangware has two cases, Eastleigh five and Kibera has one. In Mombasa, Mvita has a record of 15 cases, Kisauni has three, and Likoni one. Others are Kitui, which has one case from Mwingi town and Bungoma County has two cases from truck drivers. On a positive Dr. Rashid disclosed that 15 patients have recovered and hav been discharged from various hospital. “Unfortunately we lost two more patients from Mombasa,” he said. He also lamented that despite the government’s efforts in ensuring targeted testing is done in high risk areas as part of the measures to control the disease, a low turnout of people going for the testing is dragging the process. The CAS highlighted that the outcome of the testing exercise has shown a very low turnout in some areas. “In the last two days, the testing teams have tested 803 against a target of 2000 in Kawangware, 494 in Eastleigh against a target of 3000,” he noted and appealed to Kenyans especially those in the hotspot areas to willingly come forward to be tested for the country to flatten the curve and minimize the risk of transmission. He reminded Kenyans that there are countries where people beg to be tested, yet their governments are unable to do so. “The Ministry of Health has acquired the testing capacity to undertake targeted testing, but the willingness to be tested is low,’ he re-emphasised. He also announced that NERC has directed the Inspector General to designate a place for curfew offenders where social distancing requirement can be observed and cautioned mosques that have revised prayer time and are now opening for prayers at night during this month of Ramadhan. “All religious leaders are advised to stop this practice forthwith, failure of which legal action will be taken against them in accordance with Public Health Act,” he said. The CAS also warned the hoteliers, matatus and bodaboda operators who have gone back to their normal ways and urged them to abide by the containment measures in place. Education Cabinet Secretary Prof. George Magoha clarified that schools will still remain closed for the next one month despite calls and rumours that they will reopen for second term. “As I have alluded earlier a lot of things will determine whether we open schools and we are discussing at the NERC meetings,” he said and noted that going by the ongoing facts on Covid, children should stay at home and if there was any pronouncement on any matter of education, it will be communicated at the right time. “It is disturbing to hear that parents and the public are thinking of opening schools and issues of fees. This is a medical crisis it’s not economic, and we must control the medical crisis first,” Prof. Magoha said. He also emphasized that Kenyans should stop pretending like the disease is a Kenyan thing but should know it is worldwide warning that our culture is going to get us where we do not want to go and our behavioural might lead us to doomsday. The coronavirus pandemic continues to wreak havoc globally with the current global Covid-19 disease situation standing at 3,018, 952, out of which 207,973 have died. In Africa, the confirmed cases stand 23,254, and fatalities are 903. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: Joint statement on reconciliation processes in Jubaland International partners signed a joint statement welcoming the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council for Change MOGADISHU, Somalia, May 4, 2020/ — The below statement was signed by United Kingdom, Austria, Belgium, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, United States and the United Nations. “We, the undersigned international partners welcome the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council for Change which culminated in a reconciliation agreement signed on 23 April”. “Disputed electoral outcomes in Jubaland and other Federal Member States over the past 18 months underscore the importance of credible electoral processes in which Somalis may choose their leaders in accordance with the Provisional Federal Constitution and Federal Member State constitutions”. “We encourage all Jubaland stakeholders, including political leaders, communities and traditional leaders to build upon the 23 April agreement, implement the follow-up steps, and continue their constructive dialogue”. “We also welcome the willingness expressed by the Jubaland stakeholders to engage the Federal Government of Somalia, and that Jubaland is ready for full collaboration with the Federal Government. International partners urge the Jubaland administration and the FGS leadership to peacefully resolve their continuing differences through dialogue, and to de-escalate the ongoing tensions in Gedo region”. “We stand ready to provide the necessary support to the FGS and all FMS leaders as they strive for reconciliation and cooperation to advance national interests. In this regard, partners also welcome other recent reconciliation initiatives, in particular in South West State and Galmudug, aimed at forming inclusive, unified state-level administrations”. “We urge that these efforts continue throughout Somalia for the benefit of the people. We call on all Somalis to foster unity and reconciliation as they begin the Holy month of Ramadan while facing not only the unprecedented menace from COVID-19 but also the continuing threat from terrorism”. SOURCE British Embassy Mogadishu Qaran News
-
Saxaafaddu waa mid ka mid ah tiirarka Dawladnimada Casriga ah. Waxaa ay afareysaa saddexda tiir ee dawladnimada ee kala ah fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka. Saxaafaddu waa garsooraha u kala garqaada adeegaha (dawladda) iyo loo-adeegaha (shacabka). Sida ka muuqata ereyga “Media” oo ah dhex-dhexaadnimo waa in saxafigu uu si eex la’aan ah oo xirfad xambaarsan warka u sugaa una tabiyaa. Balse saxaafadda madaxbanaan mar walba waxaa loo tiiriyaa inay sheegto dhaliilaha maamuleed ee dawladda. Maxaa yeelay wax-qabadka dawladda ayada ayaa sheegata oo hay’ad warka u faafiso ayay leedahay sida Wasaaradda Warfaafinta. Cidda aan wasaarad iyo awood maamul midna lahayn waa shacabka oo ay tahay in loo hadlo lana wacyi geliyo. Sidaa awgeed, saxaafadda Madaxbannaan waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta danaha iyo xuquuqda shacabka, sare u qaadidda codadka dadka aan codkooda la maqlin iyo ilaalinta mabaadii’da aas-aasiga ah ee dimuqraadiyadda. Soomaaliya dawlad ahaan iyo shacab ahaanba waxaa ay ku jirtaa xaalad jilicsanaan ah “fragility”, saxaafaddana waan ognahay in xaaladdaas jilicsan ay qayb ka tahay. Balse waxaan u baanahay in saxaafaddeenu ay faham, xirfad iyo awood cilmi u yeelato saxafinimada ama weriyenimada. Dastuurkeena KMG waxaa uu damaanad qaadayaa guud ahaan Xuquuqaadka aas-aasiga ah sida kan Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta ee ku xusan qodobka 18aad balse sida ay qabto Diinteena Islaamka laguna xusay qodobka 42aad ee dastuurka, waa inay jirtaa isku-dheellitirnaan xuquuqda iyo waajibka muwaadinka. Waa nasiib darro weyn in dawladda aan qayb ahaan ka mid ahay ay maanta geysaneyso tacaddiyo lagula kacayo saxaafadda madaxbannaan kana soo horjeeda qodobka 18aad ee dastuurka. Waxaan la soconaa in weriyeyaashu ay la kulmaan dil, xabsi, handadaad iyo is-hor istaag shaqadooda. Waxaa kale oo aan ognahay in Maamulada Dawlad goboleedyadu ay sidoo kale tacadiyo u geysanayaan saxaafadda. Waxaa tusaale kaaga filan xorriyada ka qaadista dhowaan lagu sameeyey Weriyeyaasha kala ah Cabdiaizi Gurbiye oo Goobjoog u shaqeeya iyo Mukhtaar Maxamed Catoosh oo VOAda Soomaaliga u shaqeeya ayadoo kuwo kale weli lagu handadayo sharciga sida Haaruun Macruuf. Waa dhaqan keli-talisnimo iyo kalsooni darro shakhsiyadeed ah in dhaliilahaaga aad dhageysan waydo waana astaamaha aan ku aragno Maamulada hadda jira ee heer federaal iyo heer dawlad goboleedba. Waxaan soo dhoweynayaa warka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo ah in dawladiisu dhowrayso xuquuqda iyo madaxbannaanida saxaafadda islamarkaana soojeediyey in wax-ka-beddelka lagu sameeyo xeerka ciqaabta si uu ula jaanqaado xaaladaha waddanka. Balse intaan taasba la isla gaarin maxaa kaa hor taagan mudane Madaxweyne inaad talaabo qaado aad ku joojinaysid xarriga iyo caga-jugleynta joogtada ah ee weriyeyaasheena? Baarlamaanka Federaalka ee aan ka mid ahay waxaan ku dhaliilayaa in si nidaam hay’adeed ah aaney wax la taaban karo uga qabanin tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda muwaadiniinta gaar ahaan suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaanse ku boorinaa guddoonka iyo guddiyada arrimaha bulshada iyo saxaafadda ee labada Aqal in tallaabo wax ku ool ah ka qaadaan tacaddiyada iyo maal-ka-dhacyada ka dhanka ah xuquuqda bulshada gaar ahaan saxaafadda madaxbannaan ee Soomaaliya. #Saxaafad madaxbannaan oo horumarsan waa DAL horumarsan! Senator Hussein Sheikh Mohamud Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maamulada Cisbitaalada dawladda uga digtay in ay lacag qadaan maydka lagu rido tagaalada qaboojiyaha . Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in aan la ogolayn in lacag laga qado Maydka ku jira qaybta qaboojiyaha ee maydka lagu rido . “talaagada Maydka looma isticmaali karo wax lacag ah ee ay tahay lacag la’aan wixii ku baxaaya ay bixinayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka , lacaga laga qadaayo qofku ma jirto , hadday hore u dhacdayna waa khalad” ayuu yidhi Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray weeraro ay maleeshiyada Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada Ceel-Saliini iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa isku day ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo arbushaad ah, oo ciidamada dowladda ay iska caabiyeen. Qoraalka ayaa intaas ku daray in toban ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay weeraraka, islamarkaana tiro kale oo badan looga dhaawacay. Ciidamada waxay sheegeen inaysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in aad loo wiiqay awooddii Al-Shabaab ay u lahayd inay fuliso weeraro wax ku ool ah, taasina ay tahay sababta ay weeraradooda ugu fashilmeen. Kooxda Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin weeraradan. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey u weeraray saldhigga Ceel-Saliini, waxaana kii ugu dambeeyey uu dhacay 19-kii Febraayo ee sanadkan. WeerarkiiFebraayo ayaa lagu dilay 24 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, isla markaana la gubay lix gaadiid ah oo iskugu jira booyad, baabuurta kale ee ciidanka iyo mootooyin. Al-Shabaab ayaa looga dilay 40 maleeshiyo.
-
(SLT-Oslo)-Ku dhawaad 1600, oo qof oo Somali ah oo horey sharciga degenaanshaha dalka Norway looga xayiray, ayaa dhawaan loo ogolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan. War ka soo baxay wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay in dadkaasi oo badankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu ogolaaday siyaabo kala duwan oo la xidhiidha xaaladaha bani’aadannimo. Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sannadihii 2012 illaa 2016. Source
-
Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Qaasim Carab ayaa faah faahiyey dil xalay degmadaasi loogu geystay Macalin Dugsi Qur’aan. Ibraahim Carab ayaa tilmaamay in ragga dilka geystay ay Macalinka oo sidoo kale Mu’adin ahaa ku toogteen xaafadda Xaawo-Taako ee degmada Afgooye. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku raad-joogaan ciidamada ammaanka raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ww.mp3 View the full article
-
Degmooyinka Heliwaa iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka C ee tartanka sanadlaha ah ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Heliwaa ayaa horay barbaro ula soo gashay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir, halka Balcad laga badiyey, kadib markii ay isku beegmeen Dayniile. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya dallada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University. View the full article
-
Iyadoo Wasaarada ciyaaraha Dowlada Soomaaliya ay xayiraad saartay in aysan garoomada isboortiga kasoo warami karin wariyaasha ciyaaraha Goobjoog ayaa waxaa isa soo saataraya baaq loo jeedinayo madaxda Dowladda,kaas oo ah in caburinta sharci darada laga qaado warfidiyeenada Goobjoog. Dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa Madaxda dowladda ku dhaliilay caburinta joogatada ay wasaarada ciyaaraha ku haayso wariyaasha isboortiga Goobjoog,iyagoo sheegay in warbaahinta Goobjoog ay tahay isha kaliya ee bahda isboortiga gudaha iyo dibadda ay kala socdaan warbixinada,horomarada iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa ciyaaraha Soomaaliya. Sidoo kale ururada u dooda saxafiyeenta ayaa iyagana dhankooda Goobjoog u sheegay in ay ka walaac sanyihiin xad gudubka lagu haayo wariyaasha ciyaaraha Goobjoog Media Group . Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo la hadlay Goobjoog ayaa iyaga qudhooda ka xumaaday talaabadan,iyagoo ku baaqay in xayiraad iyo caburinta laga daayo saxifiyeenta Goobjoog Media Group. Si kastaba Marka laga tago cabburinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee Goobjoog kala kulanto, Wasaarada Ciyaaraha Dowladda Fedraalka waxa ay wasiir Khadiijo baqdin gelin iyo tifaftir ku haysaa warbaahinta kale ee cayaaraha,iyadoo arinka ay tahay mid xad gudub ku ah xuriyada hadalka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cabinta Goobjoog Ay Kala Kulanto Wasaarada Ciyaaraha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta ruux shacab ahaa lagu dilay deegaanka Taaruge oo galbeed ka xiga magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen dilkaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Wararka ayaa sheegaya in toogashadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Dhinaca kale waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Taaruge ee gobolka Mudug. Wariyaha Shabelle Cali Gaab ayaa sheegay in kulamadaasi uu garwadeen ka yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warbixin.mp3 View the full article
-
Mandheera (Caasimadda Online) – Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya, Musliiminta dalkaas kasoo jeedo ayaa bilaabay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha Soomaaliya, si ay kaliya u dukadaan Salaada Taraawiixda. Wargeyska ayaa qoray in Booliska ay ku raad joogaan shaqsiyaadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Mandheere ee habeenkii Taraawiixda u aado gudaha Soomaaliya. Taliyaha Booliska Mandheera Onesmus Kyatha ayaa sheegay in la karantiili doonaan cid kasta oo ka gudubto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya “Waxaan haynaa macluumaad ah in dhowr qof oo reer Mandheera ah ay u gudbeen Soomaaliya si ay salaad ugu dukadaan masaajidyada halkaas ku yaal. Waxaan hawl galinay ciidamadeena Amniga, qof kasta oo lagu helo waa la qabanayaa, maxkamad ayaa la saari doonaa markii ay soo dhameystaan karantiilka 14 maalmood ah,” ayuu yiri Mr Kyatha. Taliyaha ayaa dadkaas ugu baaqay inay qaataan talooyinka hey’adaha Caafimaadka Kenya, si looga hortagi faafitaanka cudurka COVID-19 isla markaasna ay iska dhaafaan dhuumaaleysiga ay ku galayaan gudaha Soomaaliya oo kamid ah dalalka uu ku faafay cudurkaan. Tallaabada muslimiinta Kenya ay qaadeen oo ah inay si dhuulaameysi ah Taraawiixda ugu soo dukadaan gudaha Soomaaliya ayaa timid kadib markii la xiray dhammaan Masaajida dalka Kenya, taasoo qeyb ka ah ololaha looga hortagayo cudurkaan. Dalka Kenya ayaa laga helay illaa 400 kiis oo cudurkaan ah halka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey illaa 700 qof oo uu ku dhacay cudurkaan. Dhammaan Masaajida ku yaalo gudaha Soomaaliya ayaa waxaa laga oogaa Salaadaha Waajibka iyo kuwa taraawiixda, waxaana fashilmay isku day ay Dowladda ku dooneysay inay masaajida ku xirto kadib markii ay arrintaas ka hor imaadeen culumada iyo Shacabka Soomaaliya.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo ku bilowday qaraxyo oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaallada oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanada Ceelsaliini iyo Bariire ee gobolkaasi. Taliyaha ciidanka dhulka oo ka warbixiyey dagaalladan iyo weeraradii ka horreeyey ayaa sheegay inay ku dileen tobaneeyo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka furteen dagaalyahanadii weerarada soo qaaday hub iyo gaadiid, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-04052020-ww.mp3 View the full article
-
Finance Minister Abdirahman Duale Beileh spoke to writer Aggrey Mutambo on Somalia’s debt relief, security and Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
A Turkish plane carrying medical aid landed early Monday in the Somalian capital to help the country combat the novel coronavirus outbreak. Source: Hiiraan Online
-
Amiirka Qatar oo soo saaray amar loogu gurmanayo Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Doha (Caasimadda Online) – Amiirka Qadar Tamim bin Xamad Al Thani ayaa markii ugu horeysay amar ku bixiyey in Soomaaliya loo gurmado tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka Coronavirus. Amiirka Qatar ayaa amray in si deg deg ah loogu gurmado Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya lagu geeyo agabkii looga hortagi lahaa cudurkaan dhibaatada ku hayo adduunyada. Amiirka oo soo saaray hadal kooban ayaa sheegay inay Qatar diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaalamayo Viruska Corona. Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona, ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah, hayeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladan weli uma soo gurman Soomaaliya. Hadal kasoo yeeray Amiirka Qatar ayaa kusoo aadayo xilli Dowladda Turkiga ay Maanta Magaalada Muqdisho ka dajisay diyaaradii sedexaad oo siday gagaarka iyo qalabkii looga hortagi lahaa cudurka COVID19 oo Soomaaliya ku faafay.
-
Popular Contributors
