-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay amarro ku wajahan bulshada ku dhaqan deegaannada Jubbaland waxaana amarku si gaar ah u samaynayaa Haweenka oo looga digay in ay xirtaan Niiqaabka indhaha lagu xirto ee dumarka ay qaataan. Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in hey’adda horay u joosisay mar kalena ay ku cilinayso in loo hoggaanamo mamnuucidda Niqaabka, sabab la xiriirta feejignaan dhinaca nabad-gelyada ah, waxaana lugu yiri qoraalka ka soo baxay Nabad-suggidda & Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland. “Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay. Iyadoo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xirashada Niqaabka ama indho shareerka waxaa suurto gal ah in Cadowga umada soomaaliyeed ay ka faai’deystaan Xirashada Indho-shareerka Xiliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga Aafada COVID_19, shacabka rag iyo dumarba waxaa ay si siman u isticamaali karaan Gafuur Xirka afka qalaad lagu dhaho Face Mask” Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey si ay uga hortaggaan falal liddi ku ah amniga inta lagu jira xaaladda adag ee uu sababay sababay cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo bisha barakaysan ee Ramadaan waxaana muddooyinkii dambe xaafada kala duwan ee magaalada Kismaayo ciidamada ay ka wadeen baaritaanno amniga lagu adkaynayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay maaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa madaxwayne ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Madaxwayne ku xigeenka ayaa imaanshihiisa kadib khudbad ka jeediyay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan isaga oo ka warbixiyay hawlihii shaqo ee uu safarkiisan daaranaa isla markaana faahfaahiyay in hawlihii uu u aaday gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ay ugu qabsoomeen sidii ay dawladdu u qorshaysay guulna ay ku soo dhammaadeen. Wuxuu sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale khudbadiisan kaga hadlay halista xanuunka saf marka ah ee COVID-19 ee ku faafaya guud ahaan dalka gaar ahaanna magaalada Kismaayo isaga oo shacabka ugu baaqay in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan qaataanna talooyinka dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay kaalinta Soomaaliya ay ka gashay isbrabardhigga lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (Mobile Data). Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 10-ka dal ee ugu qiima jaban adduunka oo dhan iyo dalka 1-aad ee qaaradda Afrika. Warbixin uu soo saartay Cable.co.uk – oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka – ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7-aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1-aad dhinaca qiimaha 1GB ee internet-ka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka. Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12-kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134-aad ee adduunka ama kaalinta 37-aad ee Qaaradda Afrika. Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay. Wasiir Cashuur, oo soo dhoweynayay natiijadan, ayaa sheegay in arrintani ay muujineyso in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada. “Natiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami,” ayuu yiri wasiirku.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gshaanle Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi. Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi. Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib ula wareegaan saldhiggaasi. “Saldhigaan waxa soo soo shaqeynay muddo dheer waxaana soo dhaweynayaa in Ciidamada Booliska ay la wareegaan waana bogaadineynaa’Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jacfar. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen. “Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa”ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda . “Sidoo kale waxaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iga digeynaa inay bulshada u isticmaalaan adoow ka baxsan masuuliyadda ay bulshada u hayaan si loo illaaliyo kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ah ee u yaalla dalka”Xeer illaaliyaha Guud ee Qaran. Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka . Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo ka dhan ah bani’aaddanimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 55 xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 828 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka. Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn, qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona. Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad. Gobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa inta badan sheegata in qaab gaar ah oo adeeg heer sare ah ay u diyaarisay dadka looga shakiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo dhowr jeer oo horena soo bandhigtay goobo ay ku sheegtay in lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi. Arrinta yaabka leh ee ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in xukuumada Biixi ay gebi ahaanba adeeg caafimaad oo habeysan aysan u diyaarin dadka cudurkaasi looga shakiyo ama uu aad u soo rito xanuunkaasi ka hor inta ay soo bixin natiijada baaritaankiisu, midaasi oo kor u sii qaadeysa halista caafimaad ee ka taagan gudaha Somaliland. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa qaab burinaya sheegashada xukuumada Muuse Biixi ula dhaqmay Gabadh dhawaan iskaga shikisay cudurka Coronavirus, oo ka dalbatay caawimaad deg-deg ah. Gabadhaasi oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegtay inay ugu horeyntii isku aragtay Qufac, xumad iyo neef qabatin, midaasi oo dhalisay inay iskaga shakiso cudurka halista ee Coronavirus, maadama ay isku aragtay astaamihii ugu waaweyn ee lagu aqoonsanayey cudurkaasi. Dhowr jeer oo ay wacday telefoonka ay wasaarada horumarinta caafimaadku u sameysay inay la soo xiriiran dadka iskaga shikiya cudurkaasi, ayaa haba yaraate laga jawaabin, iyada oo xaaladeeda caafimaad ay kasii dareysay marba marka kasii dambeysa. Qoyska Gabadha ayaa isku raacay inay Gabadhooda gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah ay uga doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, si ay u hesho Oxygen oo xiligaasi ay si aad ah ugu baahneyd, maadama ay laheyd neef qabatin saa’id ah. Iyada oo loo sii qaaday Isbitaalada gaar ah ee Hargeysa, ayaa waxa suurta-gashay in khadka telefoonka isku helaan wasaarada caafimaadka oo iyagu markiiba ka dalbaday in Isbitaalka dowladda ee Hargeysa la keeno gabadha, isla markaana lagula tacaali doono xaaladeeda, waa sida uu waqtigaasi u sheegay sarkaalkii caafimaad ee telefoonka kala hadlayey. Markii la geeyay gabadha Isbitaalka Hargeysa ayaa waxa markiiba la galiyey qeybta Emergency-ga maadama ay aad u qabaneysay Neeftu, walow aysan helin adeeg caafimaad oo dhameystiran, iyada oo aan lagu xareyna meel gaar ah maadama ay iskaga shaki qabto cudurka Corona oo si fudud ugu dhex faafi kara bukaanada kale ee xanuunada kala duwan u jiifa isbitaalkaasi. Arrinta la yaabka leh ee ay Gabadhu noo sheegtay ayaa aheyd in markii lagu xiray Oxygen-ta aysan dhakhaatirtu xirneyn wax qalab ka hortaga, iyagoona qaab aan wanaagsaneyn ula dhaqmayey, waxaana xiligaasi loo ogolaadeyna in gabadh walaasheed ah oo iyadana aan la siin qalabka la iskaga difaaco Coronaha ay xaaladeeda dul joogteyn ka noqoto, midaasi oo meesha ka saaraysa Karantiilkii ay hore u sheegtay xukuumadu Muuse Biixi, kaasi oo ahaa in goob gaar ah lagu baxnaaniyo qofka looga shakiyo iyo kuwa uu soo rito cudurkaasi Ugu dambeyntiina markii ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday Gabadhaasi Isbitaalka dowlada, waxay qoyskeedu go’aansadeen in iskaga noqdaan gurigooda, halkaasi oo lagu baxnaaniyo, isla markaana ay ku sugayaan natiijada baaritaanka cudurka ay iskaga shikisay ee Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si dhab ugu diyaar garoobin cudurkaasi safmarka ah oo ku faafay qaar kamid deegaanadeeda, iyada oo ay dhowaana u geeriyoodeen labo qof oo cudurkaasi qabay, iyada oo lala xiriirinayo inaysan helin adeeg caafimaad oo tayo leh, walow ay dhamaatay saacadoodii.
-
Wasaaradda caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteeda maalin-laha ah ee Covid-19 ayaa shaacisay dad hor leh oo uu soo ritay xanuunka 24-kii saac ee u dambeysay. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus laga hlay 55 qof oo hor leh, kadib baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in 41 ruux laga diiwaan-geliyey magaalada Muqdisho, halka Puntland laga diiwaan-geliyey 13 qof iyo HirShabelle oo ah 1 ruux. Waxa kale oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya warbixinteeda ku sheegtay in ay cudurka u geeriyoodeen 5 qof, halka ay ka bogsadeen illaa 19 kale. Tirada guud Covid-19 ee Soomaaliya ayaa ku dhow 1000 qof, waxaana haatan ay sii cagacageyneysaa 928 ruux, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka. View the full article
-
Deegaannada Jubbaland Oo Laga Mabnuucay Xidhashada Niqaamka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Jubbaland)-Maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa deegaannada uu ka taliyo ka Mabnuucay xidhashada Nidaamka ama Indho-shareerka ay Dumarku adeegsadaan. Maamulka ayaa sidaa u yeelay Cabsi laga qabo Falal Amniga lid ku ah, kuwaasi oo ka dhici kara deegaannada Jubba-land. Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal War-gelin ah oo ay soo saartay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee Dawlad Gobolleedka Jubba-land. Hay’adda Nabad-sugidda ayaa Qoraalkeeda ku sheegtay “Hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war-gelinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaannada Jubbaland inay ka feejignaadaan adeegsiga ama Xidhashada Indho-shareerka oo kol hore la mabnuucay.” Hay’addu waxay sheegtay in sababta loo Mabnuucay tahay in aanay sifo khaldan uga faa’idaysan waxay Hay’addu ku sheegtay Cadowga Ummadda Soomaaliyeed “iyadoo laga hor-tagayo khatarta amni ee ka dhalata Xidhashada Niqaamka amba Indho-shareerka, waxa suurto-gal ah in Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ka faa’idaystaan Xidhashada Shareerka xilligan adag ee lagu guda jiro ka hor-tagga Aafada Covid_19. Shacabka, Rag iyo dumarba waxay si siman u isticmaali karaan Gafuur-xidhka afka Qalaad lagu dhaho Face Mask.” Ugu dambayn, Hay’addu waxay shacabka ka codsatay inay ka qayb-qaataan ilaalinta Amniga “Ka qayb qaado ilaalinta Amniga xilli walba iyo xaalad walba..” ayaa la yidhi, qoraalka ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Maamulka Jubbaland. Source -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa Maanta Booqasho ku tagay Saldhigga Degmada Dayniile oo maalmihii ugu dambeeyey la sheegay in lagu ciqaabayey shakhsiyaad gaar ah oo dhaliilay Maamulka degmadaas. Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ugu horeyn ka hadlay eedeyntii loo jeediyey Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar ee ahaa inuu saldhigaas oo hadda loo bixiyey Cusboole ku ciqaabay dad Shacab ah ayaa sheegay in eedeyntaas ay hadda ku jirto baaritaan, islamarkaana natiijadeeda la ogaan doono. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in Saldhiggaan wixii hadda ka dambeeyo ay la wareegeen taliska Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir, wixii hadda ka dambeeyana uu noqon doono saldhig Boolis oo kamid ah kuwa ku yaalo Gobolka Banaadir. Suleymaan ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeyo saldhigaas mas’uuliyadiisa laga wareejiyey Degmada Dayniile, wixii dhib ah oo hadda kadib laga soo sheegana lagula xisaabtami doono Madaxda Booliska Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xeer Ilaaliyaha ayaa ugu baaqay madaxda Degmooyinka inay ku dadaalaan inay sharciga fuliyaan iskana ilaaliyaan inay qof si sharci darro ah xoriyadda uga qaadaan islamarkaana aan lasoo ogeysiin hey’addii shaqada ku lahaa. Booqashadaan ayaa timid kadib markii Guddoomiyaha Gegmada Dayniile lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook inkastoo Guddoomiye Jacfar uu arrintaas wax kama jiraan ku tilmaamay mar uu wareysi siiyey telefishinka Qaranka. Halkaan hoose ka daawo hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka
-
Bishii Maarij ee sannadkii 1988-kii ayaa 25 qof oo laga soo afduubtay Gabiley iyo Tog-Wajaale ay Maxkamaddii Wareegaysay ee Ciidanku ku xukuntay xabsi abadi ah. Dadkaasi idilkoodba waxay ahaayeen dad rayid ah, waxa se la saaray Maxkamad Ciidan. Isla maalintii ayaa xukunkii loo beddalay dil toogasho ah, isla maalintii ayaana toogashadii la fuliyay. (HRW, a government at war with its own people, bogga 66aad). Bogga 67aad, warbixintu waxay ku sheegtay in nin gaadhi watay ay ciidanku Afweyne gaadhigiisii ku joojiyeen meel ku dhaw Xabsiga Weyn ee Hargeysa, ka dibna ay ku amreen inuu ku wareejiyo furaha gaadhiga. Ninkaasi wuu diiday inuu furaha wareejiyo, isla halkii ayayna ku toogteen. Isla boggaas, warbixintu waxay sheegtay in nin la odhan jiray Aw Axmed Daa’uud Yuusuf ay ciidankii Afweyne ka qaadeen lacag gaadhaysay 2,000 oo shilling, kolkii uu ciidankii kula gorgortamay lacagtiisana ay isla bartii ku toogteen. Waxay ahaayeen budhcad shaadh dawladeed u soo xidhatay si ay wax ugu dhacdo, ugu boobto oo ay ugu bililiqaysato. Nafta basharka ee qaaliga ah, waxay gaadhsiiyeen heer uu qiimaheegu hoos maro furayaasha gaadhiga. La yaab ma noqonayso haddii aad maqasho in qof bani-aadan ah ay ku dileen midh xanjo ah. In loogu aargudo weerraro guuldarraystay oo ay ciidankii Afweyne ku qaadeen SNM ayaa ahayd sababta loo gummaaday 25kaas qof (Ibid). Kolka loo eego indhaha dawladda, wax farqi ah uma dhaxayn qofka Isaaqa ah ee dawladda taageersan iyo ka la dagaallmaya. Qof kasta oo Isaaq ahi waxaa loo dilayay aanada SNM, askari kasta oo ay SNM dishana waxaa loogu aarayay qof shacab ah oo magaalooyinka iska jooga. 25-kaas qof waxa ku jiray aabbe iyo labadiisii ciyaal ahaa, waxaana lagu toogtay tuulada Gaas-dheere. Akhriso magacyadoodii: 1. Sh. Ciise Yuusuf Good 2. Maxamed Cabdi Xawsi “Jawaan” 3. Maxamed Cabdi Koofil 4. Dagaal Dhinbiil 5. Muxumed Sahal 6. Kalinle Cashuur Raage 7. Muxumed Gurey Mixille 8. Xuseen Amiir Faarax 9. Mawliid Xuseen Amiir (Ninka sare inankiisii) 10. Cali Xuseen Amiir (Ka sare walaalkii) 11. Haybe Gurey Xasan 12. Siyaad Isaaq Xaaji 13. Aadan Cali Ibraahin 14. Cabdillaahi Jaamac Caqli 15. Xaaji Xasan Abraar 16. Barre Muxumed 17. Saleebaan Diiriye Xirsi 18. Maxamed Cali Samatar 19. Siciid Xasan Deeqsi 20. Ardaale Warsame Faarax 21. Aw Cali Sahal Taani 22. Cabdi Sahal Tani, (ka sare walaalkii) 23. Cabdi Maxamed Sahal (Ka sare ayaa adeer u ah) 24. Shamah Elmi Fahie 25. Daa’uud Qawrax Tixraac: Human Rights Watch, a government at war with its own people, bogga 66 – 67aad, iyo lifaaqa 5aad. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa gebi ahaanba mamnuucay xirashada Indho-shareerka ama Niqaamka, iyadoona digniin adag u dirtay dadka xirta oo u badan Gabdhaha. Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa bulshada ku nool deegaanada maamulkaasi uga digtay xirashada Indho-shareerka oo ay ku sheegen inay ka dhalato khatar amni oo hor leh. Nabad-Sugidda Jubaland ayaa aaminsan in mamnuucida xirashada Indho-shareerka looga hortagi karo khataro badan oo dhanka amniga, oo ay maleegayagaan kooxaha xagjirka ah ee weerarada ka geysta gudaha Soomaaliya. Hay’adda ayaa digniintaasi ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook, iyada oo bulshadana ku wargelisay in xiligan adag ee dagaalka lagula jiro Coronavirus aan looga faa’iideysan xirashada niqaamka oo mararka qaar loo adeegsado fulinta falal lidi ku ah amniga. “Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Guud ahaan Deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Maaha markii u horeysay ee deegaanada Jubaland laga mamnuuco Indho-shareerka ama Niqaamka, balse waa go’aankii ugu cuslaa ee gebi ahaanba lagu mamnuucayo xirashadiisa xili lagu guddo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
-
Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ayaa bayaan uu soo Saaray kaga Hadlay Colaada Deegaanka Ceel Afweyn. Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waxa uu ku yidhi sida tan: Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen Waxaan leeyahay samir iyo iimaan Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono Dhamaan qodobadii shirkii Burco ee ay ku heshiiyeen West Burco Clan iyo East Burco Clan waxaan Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha East Burco Clan Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay Beelaha biciide iyo guud ahaan East Burco Clan Waxaan baraha bulshada ku arkaayey Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha East Burco Clan Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo Ilaalinta qaranimada iyo isu tanaasulka Wabilaahi tawfiiq Qaran News
-
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa digniin adag ka soo saartay xirashada indha-shareerka dumarka ee loo yaqaan Niqaabka. Qoraal maanta oo Khamiis ah ka soo baxay hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa loogu baaqay dadweynaha ku dhaqan Jubaland in ay ka feejignaadan xirashada indha-shareerka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in degaannada Jubaland laga mamnuucay xirashada insha-shareerka si looga hortago amni-darro ka dhalan karta gaar ahaanna in kooxaha Argagixisada ah ay ku soo dhuuntaan. Balse Jubaland waxay sheegtay in shacabku ay xiran karaan Face mask ( fool-saab) maadaama lagu jiro wakhtigan ay sii kordhayaan kiisaska xanuunka COVID-19 ee laga helayo dalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo mamnuucday xirashada Niqaabka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay iska caabin kala hortageen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. View the full article
-
The effects of a government lockdown in Eastleigh, Nairobi and Old Town, Mombasa dawned on residents Thursday morning after the police flooded the estates to ensure movement was restricted. Source: Hiiraan Online
-
Degmooyinka Kaxda iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa isaga hor imaan doono barnaamijka tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle. Labad degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka D, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Kaxda ayaa lugtii hore soo garaacday ama ka soo badisay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Hodan ayaa kulankii hore barabro la soo gashay dhiggeeda degmada Waabri, kadib markii ay la yimaadeen min 12 buundo. Tartamayaasha labada degmo oo uu dhinac kasto guusha rajeynayo ayaa haatan wada diyaar garowgii u dambeeyey. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaare hantiyeed geystay oo maanta ka kacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa ka kacay guri ku yaalla halka loo yaqaano Efeko oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dabka uu sameeyey gooba ganacsi oo ku yaallay halkaasi. Dhinaca kale waxaa xalay dab xoogan uu ka kacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel lagu magacaabo Riham oo ku yaal isgoyskaasi. Ilaa afar dukaan ayaa dabkaasi oo isna ka dhashay Koronto ku bas beelay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi, iyadoona ay goobta gaareen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Waxaan ku qasbannahay inaan qaadno tallaabbo amniga dalka aan ku sugeyno” Rai’sal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya. Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin. “Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen iney doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada iney xilligeeda ku dhacdo diyaar garow ballaaranna la billaabay.” “Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.” Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri: “Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shruucda dalka iyo kan caalamka intaba.” “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. Dr Abiy Axmed oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay “Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.” “Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.” “Cid kasta oo doorasha aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Hadallada kulul ee Dr Abiy maxaa keenay? Xisbiga deegaanka Tigreega ka arrimiya ee TPLF ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay iney deegaan ahaan ay qabsanayaan doorasha iyaga u gaar ah oo dalka Itoobiya intiisa kale aan la socon. Guddiga fulinta xisbiga TPLF oo shir seddex maalmood uga socday magaalada Maqale ee caasimadda deegaanka Tigreega soo gabagabeeyey ayaa soo saaray amar ay maamulka deegaanku ku amrayaan in laguda galo diyaargarowga iyo qabanqaabada uu deegaanku doorashadiisu ku qabsan lahaa. Hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega ayaa noqday mid aan horay looga baran dalka Itoobiya tani iyo marki uu ka hirgelay nidaamka federaalka ee qowmiyadaha ku saleysan. Go’aanka Xisbiga TPLF ee doorashada ku aaddanna waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga TPLF ahna madaxweynaha deegaanka Tigreega Dr Gebresiyon Gebre-Mikaael. Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey? Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darra ah. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka” ayey tiri. “Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go’aan ka gaari karo oo keli guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya.” “Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah uu u qabsan karaan marka uu codsigiisa uu soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah balse, ay jirin ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasha inuu qabsado soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka, xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 iney deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yirahdaan doorashaan qabsaneynaa waa nasiib darro” ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa. Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. Qaran News
-
Qaran News
-
Labo askari oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay shalay si bareer ah rasaas ugu fureen dad barakacayaal ah oo lacag ay ku Afuraan loogu soo qeybiyey degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dadka la rasaaseeyey oo tiro ahaan gaarayey illaa 22 qof oo ka soo baxay deegaanka Garasbaaley ayaa saarnaa labo gaari oo Noah ah, waxaana ay marayeen agagaarka Warshadda Caanaha, gaar ahaan qeybta soo xigta dhinaca degmada Hodan. Inta la xaqiijiyey waxaa falkaasi ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday iyo Islaan da,ah oo 70 jir ah, kuwaas oo la kala geeyey isbitaalada Digfeer iyo Soomaali Suudaanees. Sidoo kale magacyada labada qof ee dhaawaca ah ayaa waxaa lagu kala sheegay Xabiibo Cali Xasan iyo Maxamuud oo ahaa wiilka gaariga ku waday qoysaskaasi. Aamino Xasan Cumar oo gaariga la rasaaseeyey wax ka saarneyd ayaa Shabelle uga warrantay, sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cc.mp3 View the full article
-
Marxuum: Axmed Cumar Gaabow Waxaa maanta magaalada Jowhar ku geeriyooday Wasiirkii Hubka Dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Cumar Gaabow. Axmed Cumar Gaabow oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sida la sheegay maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Jowhar, lama sheegin xanuunka uu u geeriyooday in uu yahay Covid1-19 iyo in kale. Marxuum Axmed Cumar Gaabow ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo la unkay maamulkaas, wuxuuna muddooyinkii u dambeeyey ahaa Wasiir. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsiyeeyey geerida Wasiirkii Hubka Dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Cumar Gaabow. Madaxweyne Waare oo ku hadlay afka golayaasha dowladda, iyo dadweyna Hirshabeelle ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
