Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (PP News Desk) — The founder of the global money transfer company WorldRemit Dr Ismail Ahmed has donated one million US dollars to the Covid-19 Fund in Somaliland. The donation to the Fund comes in the form of medical supplies and equipment to combat Coronavirus. It is the first and single largest donation from a pioneering Somali business person to efforts to prevent spread of Covid-19. The donation to the Fund boosts efforts by Somaliland Government through Somaliland health service providers to which it committed three million dollars. The Director of the Somaliland Diaspora Department Sa’ad Mohamed Abdi thanked Dr Ismail and WorldRemit for the timely contribution to the Somaliland Covid-19 Fund. WorldRemit is based in London. © Puntland Post Monthly, 2020 The post WORLDREMIT FOUNDER DONATES ONE MILLION DOLLARS TO COVID-19 FUND IN SOMALILAND appeared first on Puntland Post.
  2. Somali elite forces have liberated two villages in Southern Somalia following operations against al-Shabaab. According to a statement issued by SNA on Monday, Somalia’s DANAB forces have engaged al-Shabaab fighters in Abdi-Dhore and Berhani villages which lies 50km west of Kismayo town in Lower Jubba region. The forces managed to dislodge the group’s fighters from the villages. The locals in the villages have welcomed Danab soldiers. The villages are now secure and are in the hands of the forces,” the statement reads in part. The military said in its statement that the forces killed a number of al-Shabaab fighters during the clashes. The liberation of the two villages came hours after the Somali national army recaptured Bandhub and Bilane villages near Dinsor district of Bay region. The Somali government has intensified aerial and land operations against al-Shabaab in southern Somalia. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali, xilli uu wajahayo eedeymo la xiriira musuq-maasuq. Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa markii xilka laga qaaday kadib lagu xiray xarunta dambi-baarista CID ee Muqdisho, ayada oo uu ku socdo baaritaan musuq-maasuq oo ka dhashay lacag lagu soo rogay dadka degan degmada Shibis. Maamulka Degmada Shibis ayaa dhowaan waxa uu qoysaska dagan degmadaasi ku amray in ay bixiyaan lacagta dhan 12$, taasi oo laga rabo guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaalla degmada. Lacagta ay soo rogtay degmada Shibis ayaa ahayd mid ku kooban oo maamulka gobolka uusan ka war-hayn islamarkaana aysan la wadaagin degmooyinka kale ee gobolka. Warqadda lacagta oo lagu sheegay lacag diiwaan-gelin ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay dadka xaafadda, ayaga oo cabasho ka muujiyey taasi oo sida la sheegay maamulka gobolka uu ka war-helay. Markii maamulka Shibis uu soo saaray amarkan, ayaa dadka xaafadda la amray inay bixiyaan lacagtan dhan 12$ qoys kasta, qoyskii diidana laga qaadi doono tallaabo adag, sida ku qoran warqado shacabka loo qeybiyay. “Ma awoodno lacagtaan sababtoo ah shaqo ma jirto, shaqooyinkii waxaa loo fasaxay Covid-19 caruurtayda ayaa u la’ahay waxay cunaan meel kale lacag igama soo gasho dowladda waxaan ka codsanaynaa iney naga joojiso go’aankaan,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool degmadaasi oo la hadlay Caasimada Online.
  4. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faah-faahinno kala duwan oo ka soo baxaya laba Qarax oo barqabbinadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose. Sheikh Shaakir oo sheegay in Dowladda federaalka ay dano gaar ah ka leedahay Siyaasadda Galmudug. Guddiga ka hortagga CRONA VIRUS oo ka digay halista ka dhalan karta in la qarsado xanuunkaan. Puntland oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka CRONA laga helo deegaannada Maamulkaasi. Maamulka Puntland oo Kordhinayay Goobaha lagula Tacaalayo Xanuunka Coronavirus oo dhowr iyo boqol kiis laga helay gudaha Dalka Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay 3 milyan oo doller ay u diyariyeen la tacaalidda xanuunka COVID-19. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-20-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Shibis, Cabdiraxmaan Sayid Cali. Qoraal kooban oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale xabsiga la dhigay mas’uulkaasi, islamarkaana loo heysto musuq-maasuq. Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu haatan Cabdiraxmaan Sayid Cali ku xiran yahay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, islamarkaana lagu hayo baaris. Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo loo xero eedeymo la xaruura wax is-daba marin ama musuq-maasuq. View the full article
  6. Wararka ka imaanaya gobolka Sanaaga ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda deegaanka Fadhigaab oo ay shalay ku dagaalameen labo beelood. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay haatan socdaan dadaallo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in labada beelood oo walaalo ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Dagaalkii u dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 5 qof oo isugu jiray dhinacyada diriraya iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan. View the full article
  7. Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay tahay ka hortagga faafitaanka Covid-19. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo qorshuhu ahaa inuu maanta furmo kal-fadhiga 7-aad ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso: oon View the full article
  8. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka adeegyada mashaariicda Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNOPS ayaa 12 gaadiid ah kuwa ammaanka ah ku wareejisay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. QM ayaa sheegtay in gaadiidka ay ku wareejiyeen Booliska Soomaaliyeed loogu tala galay in lagu xoojiyo ammaanka baraha koontarool ee magaalada Muqdisho. Gaadiidkaasi ayaa waxaa UNOPS kala wareegay ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda amniga, Mudane Axmed Cabdi Kooshin. Sidoo kale mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay kala wareegay gaadiidkaan ayaa waxaa ka mid ah agaasimaha gaadiidka ee Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Cabdulaahi Dabshid. Mas’uuliyiintii ka socday wasaaradda amniga iyo Booliiska ee la wareegay gaadiidka ayaa QM uga mahadceliyey deeqda ay soo gaarsiiyeen. Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada iyo ammaanka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  9. Waxaa maanta baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay muddo kordhin u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo wax ka yar saddex sanno ay uga harsan tahay muddo xil heyntiisa. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyay in madaxweyna Cabdicasiis Laftagareen loogu daro muddo hal sanno ah, si la isku waafajiyo doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. 87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka hal mar wakhtigooda ku egyahay oo ay isla dhacayaan. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Hogaamiyaha Ehlu Duna Waljameeca Ayaa Shacabka qaaday inuu Nairobi kula kulmay Beesha Caalamka uuna Kenya u joogo danaha Shacabka uu Madaxweynaha u yahay re Deegaanada [...] Source
  11. Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyey madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen. 87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka madaxweynaha iyo barlamaanka hal-mar wakhtigooda ku egyahay. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa muddadii la doortay waxaa haatan ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood, balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-200420-ok.mp3 View the full article
  13. Qoraal si wada jir ah uga soo baxay guddoonka labada baarlamaan ee federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu go’aamiyay in dib loo dhigo kal fadhiga 7-aad ee baarlamaanka labada aqal ee golaha shacabka iyo kan aqalka sare. Go’aankaan ay qaateen labada guddoon ayaa waxa ay ku sheegeen inay uga gon leeyihiin sidii loo ilaalin lahaa badqabka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, xilli gudaha Soomaaliya ay sii kordhayso tirade daka laga helayo caabuqa Coronavirus. Kal fadhiga 7-aad ee laba gole ayaa lagu waday in uu furmo maanta oo ay taariikhdu tahay 20-04-2020, waxaana labada guddoon ay isku raaceen in inta xaaladdu cudurka COVID-19 ay dhinac u dhaceyso xildhibaanadu ay fasaxyihiin. Halkaan ka akhriso warqadda ka soo baxday labada guddoon Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe abaaro 1:30-AM lagu qaaday hoyga uu degan-yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga uu Boorama ka deganaa Mas’uulkaasi, xilli ay ku sugnaayeen qoyskiisa. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale xubnaha qoyskiisa ayey waxba ka soo gaarin weerarkaasi oo bad-qaba, sida ay Caasimada Online u sheegen dad deegaanka ah. Weerarkaasi ayaa waxyeelo u geystay guriga Mas’uulka oo rasaas daran-doori ah ay ku fureen Raggii soo weeraray, midaasi oo si cad u muujinayaan Sawirro laga soo qaaday Guriga duqa ee xalay la weeraray. Iyada oo isla saakaba ay tageen goobtaasi Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan weerarka lagu soo qaaday guriga Maayirka. Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in xiliga xalay saqdii dhexe lagu soo qaadayey weerarka guriga Duqa Boorama, uusan joogin Maayir Saleebaan, midaasi oo gebi ahaanba ka bad-baadisay shirqool lagu rabay in lagu khaarajiyo. Dableyda weerarka soo qaaday ayaa Caasimada Online loo sheegay inay ahaayeen Beel kamida ah kuwo dhowaan ku dagaalamay bariga magaalada Boorama, kuwaasi oo Maayirka Boorama ka tirsanayey in uu eex qabiil garab ugu muujiyey beesha kale ee ay is-hayaan. Caasimada Online oo isku deyday inay xiriir la sameyso Maayirka magaalada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi ayeysan u suurta-galin kadib markii aanu ku weynay khadka telefoonka. Ilaa iyo haddana majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Somaliland, oo la xiriira Weerarkaaasi oo u muuqday shirqool fashilmay oo lagu dili rabay Maayirka Boorama. Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta Jabhado hubeysan oo qaab beeleysan u dhisan, inkasta oo aysan weli jirin cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa Boorama ayaa haddana sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu salka ku hayaa muran dhuleed maalmihii dambe ka taagnaa magaalada Boorama.
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa ka dooday mooshin muddo kordhin loogu sameynayey madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen illaa 87 Mudane ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshinkaasi, iyaga ogolaaday in muddo 1-sano ah loogu daro madaxweynaha. Arrintaan ayaa ka dhigeysa in xilheynta madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamanka la’isla ekeysiiyey, islamarkaana ay ku eg-tahay sanakda 2024-ka. Tallaabada ay qaadeen xildhibaanada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa fursad cusub siineysa Madaxweyne Lafta Gareen oo haatan xafiiska jooga sanad iyo dhowr bilood.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdixaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay Kal-fadhiga 7-aad ee labadaasi gole. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay inay qaateen go’aankaasi, si loo ilaaliyo bad-qabka xildhibaanada iyo senatorada. Sidoo kale labada guddoomiye oo haatan ku xayiran dalka Turkiga ayaa qoraalkooda waxay ku shaaciyeen in markii ay xaalada caadi ku soo noqoto la furi doono kulamada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kal-fadhiga 7-aad ee labada gole ayaa waxaa lagu waday in la furo 20-ka bishaan April ee sanadkaan 2020-ka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla. Dib u dhac ku yimid furitaanka fadhiyada labada aqal ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo xileedka baarlamaanka uu gabagabo yahay, si loo aado doorashada 2020/201-ka Halkaan hoose ka aqriso:-
  17. (SLT-Hargeysa)-Khabiirro Caafimaad oo ka socda ha’yadda Caafimaadka ee WHO ayaa soo gaadhay magaalada hargeysa kuwaasi oo tababar siin doona shaqaalaha ku shaqaynay mashiinka lagu baadho fayraska COVID-19. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in khabiirradan ay muddo laba bilooda dalka joogayaan iyaga oo tababar siin doona da’ yarta lagu talo galay in ay ku shaqeeya mashiinka lagu baadhayo dadka qaba fayraska dunida kusii fidaaya ee COVID-19. “Waxa nasoo gaadhay khubarro ka socota ha’yadda WHO , kuwaasi oo rakibaad ka shaqaysiin ku samayna mashiinkii la odhan jiray PCR ee hore inosoo gaadhay waxanay bilaabeen in ay ka rakibaan oo ka shaqaysiiyaan mashiinka iyaga oo inala joogi doona muddo laba bilood ah, tobabarna siin doona shaqalaheena shaybaadhka ilaa inta ay ka hanannayaan mashiinka sida loogu shaqeeyo “ ayuu yidhi Source
  18. (SLTSuldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka Beelaha Maroodi-jeex, Saaxil, Hawd iyo Gabiley, ayaa baaq nabaddeed u diray laba beelood oo dagaal ku dhex maray deegaanka Fadhi-gaab oo ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Suldaanka ayaa ugu baaqay Isimada dhaqanka, Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Gobolka Sanaag in daminta dagaalkaasi laga wada qayb-qaato, isla markaana loo istaago sidii loo baajin lahaa dhiig dambe oo qubta. Suldaan Maxamed oo goor-dhaweyd Warbaahinta soo gaadhsiiyey beyaan baaq-nabadeed ah, ayaa kula taliyey labada beelood ee dirirtu dhex martay in ay xabbada joojiyaan, isla markaana geedka wada-hadalka ee dhaqanka ku xalistaan wixii utun ah ee ka dhaxaysa, Suldaanku waxa uu fool-xumo iyo waxaan la aqbali karin ku tilmaamay colaada labada beelood ee soo noqnoqotay iyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay isu geysanayaan, waxaanu tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadka ku dhintay dagaalkaasi. Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan runtii uga tiiraanyeysanahay iska-hor-imaadka maanta ka dhacay deegaanka Fadhi-gaab ee sababay dhimashada iyo dhaawaca. runtii Dagaalkaasi waa arrin aad iyo aad fool-xumo u leh oo ceeb ku ah degmada Ceel-afweyn, gobolka Sanaag iyo guud ahaan qaranka Somaliland oo dhan, waxaan leeyahay waar xabbada hala joojiyo, geedka wada-hadalka hala isugu yimaado. waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, Gobolada Togdheer, Saraar, Sanaag, Sool iyo dhamaan gobolada bariga ee si’ fudud u gaadhi kara goobta lagu dagaalamay in ay arrinta gacanta ku dhigaan, xabbad joojin ku dhawaaqaan. Madaxda dhaqanka ee gobolka sanaag waxaan baaq gaar ah ugu jeedinayaa in ay si deg deg ah uga howl-galaan sidii colaada loo joojin lahaa. waxa kale oo aan aad ugu mahad-celinayaa Ciidamada qalabka sida ee maalin iyo habeen heeganka ugu jira sidii loo joojin lahaa colaadaas oo aan leeyahay alle ha idinka abaal-mariyo.” Suldaanku waxa uu farriin gaar ah u diray Labada beelood ee dirirtu dhex martay “labada beelood anigoo si gaar ah ula hadlaya waxaan leeyahay xabbada hala joojiyo. nimanyahow dhulku idiin kala go’i maayo illaahaybaa halkaa idinku wada beeray, ee in lala yimaado caqli caafimaad qaba oo colaadan aynu xididdada u saarnaa loo baahan yahaye xabbada hala joojiyo oo miiska wada hadallada cid waliba wixii ay sheeganayso hala timaado”. Xabbada dambe yey dhicin intii inaga dhimatay ayaa fool-xumo inoogu filan, waa dad qaranka Somaliland ka baxay labada dhanba, marka waxaan ugu baaqayaa labada beelood, waxgaradkooda, aqoonyahankooda, dhalinyaradooda, qurba-joogga iyo dhamaan qaybaha bulshada ee labadaas beelood in ay colaadaas joojinteeda ka qayb-qaataan, in buunbuuninta iyo in la sii shido colaadaasi laga waantoobo”ayuu yidhi. Gebgebadii Suldaan Maxamed Suldaan Axmed, waxa uu tilmaamay in qofka kasta oo colaadaasi hurinteeda ka qayb-qaataa uu ku cadaab mudan doono, kii daminteeda ka qayb-noqdaana uu xasannaad ka helayo, “waxaan ku celinayaa waar xabbada hala joojiyo, wadahadal ha la isugu yimaado, anaguna wixii nabaddeyn ah waa ka qayb-qaadanynaa”. Beelaha ay dirirtu dhex martay ayaa ka soo jeeda ardaayo hore ugu dagaalamay isla degmada Ceel-afweyn iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo muddo dheer kaddib colaadooda lagu soo afjaray madal-nabadeed oo lagu soo gunnaanaday Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa sidoo kale beelahan ugu baaqay beelahan in ay joojiyaan colaada oo ay heshiiskii nabaddeed ee hore loo galay adkeeyaan. Source
  19. MOGADISHU (HOL) - The Somalia based money transfer company Taaj has dismissed as fake a receipt published by a Kenyan newspaper alleging the company was used by an intelligence official to transfer money to the militant group Al-Shabaab and warned of legal action. Source: Hiiraan Online