Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tan iyo intii uu arlada soo galay xanuunka Covid-19 Maalin kasta oo Khamiis ah marka ay Saacadu tahay Sideeda Fiidnimo waxa ay Dadweynaha reer UK isa soo hor tubaan afaafka hore ee guryahooda iyo daaradaha aqaladooda iyaga oo Sacab iyo dhawaaq isla oogsanaya si ay u dhiirri geliyaan Hawlwadeenada Caafimaadka iyo Laamaha Gurmadka Degdega ah iyo Shaqaalaha kala duwan ee safka hore kaga jira la dagaalanka Xanuunka Coronavirus. Guud ahaan dadweynaha reer UK rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, iyo Madax iyo Mijo waxa ay Sacabkaas ay garaacayaan ay ku muujiyaan sida ay u ogsoon yihiin una garab taagan yihiin shaqaalaha dagaalka kula jira Cadawga Coronavirus. Dhiirri- gelintaas iyo wanaaga ay Ummada reer UK u muujiyaan Laamaha Caafimaadka iyo Shaqaalaha Safka hore, waxay qalbi qaboojin iyo farxad gelin u noqotaa madaalayaashaas habeen iyo maalinba ku hawlan la dagaalanka Covid-19. Hadaba inagu Ummad ahaan wax qadarin iyo dhiirri gelin ah marna ma tusnaa shaqaalaheena Caafimaadka, Macalimiinteena iyo Ciidamadeena Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalinba u taagan Daryeelka Caafimaadka, Waxbarida ubadkeena iyo ilaalinta Ammaankeena? Waxaynu u baahanahay inaynu dhiirri gelino oo aynu is barbar taagno oo u mahad naqno shaqaalaheena masaakiinta ah ee iyaga oo aan mushaarooyin ku filan qaadan hadana inoo shaqaynaya habeen iyo maalinba, Ciidamadeena Geesiyaasha ah ee iyaga oo duruufo qallafsani ay haystaan hadana u taagan ilaalinta Nabadgelyadeena, Macalimiinteena Tamaashiirtu ay indho tirtay ee iyaga oo gaajada iyo darxumada u adkaysanaya hadana Sabuuradaha hor taagan subax kasta si ay carruurteena wax u baraan. Waxaa la soo gaadhay xiligii aynu Geesiyaashaas tusi lahayn inaynu Abaal u hayno. Ramadan Wanaagsan Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirkadda Ethiopian Airlines kala shaqeysay inay magaalada Muqdisho kasoo qaaddo muwaadniniinta Mareykanka iyo dadka haysta deganaanshaha dalkaas. Duulimaadkan, oo ku wajahan garoonka diyaaradaha Dulles Airport ee gobolka Virginia ayaa waxa uu baxayaa 14-ka bisha May, isaga oo sii maraya magaalada Addis-Ababa. Diyaaraddan ayaa waxaa qorshuhu yahay inay qaaddo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka haysta Green Card-ka ee ku go’doonsan Soomaaliya kadib markii duulimaadyada caalamiga ah loo joojiyey sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Dadka doonaya inay kasoo baxaan Muqdisho, oo badankood Soomaali ah, ayaa waxaa laga doonayaa inay ayaga si gaar ah ticket-ka uga goostaan website-ka shirkadda Ethiopian Airlines. Sida ay safaaradda sheegtay, waa inay kala goostaan laba ticket oo kala duwan oo hal dhinac ah (One way), oo mid yahay Muqdisho ilaa Addis Ababa, halka kan kalena uu yahay Addis Ababa illaa Virginia. Safaaradda waxay sheegtay in adeegan uu yahay sida loogu kala hormaro (first-come, first-serve), oo inta qof ee ugu horgoosataa ay bixi doonaan oo kaliya. Safaaradda Mareykanka ayaa ku boorisay in cid kasta oo dooneysa inay ka baxdo Soomaaliya ay ka faa’iideysato fursaddan, waxaana ay sheegtay in go’aan kasta oo la isku dhaafiyo fursaddan uu yahay mid ku talo-gal iyo ujeeddo lagu gaaray. Waxay sheegtay inaysan damaanad qaadi karin duulimaadyo kale oo kan xiga mustaqbalka. Haddii aad dooneyso inaan ka baxdo Soomaaliya, fadlan link-ga safaaradda oo aad ka heli karto link-ga aad ka goosaneyso ticket-ka waxaad ka eegta hoos. Fadlan markaad gasho si fiican u aqri tilmaamaha iyo habka aad u goosan karto ticket-ka. HALKAN CLICK SII SI AAD U GOOSATO
  3. Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sheegaya in doomahan ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jireen inay kaga gudbaan webiga Shabeelle ee deegaanada Janaale, Awdheegle iyo Degwarir, si ay weeraro ugu qaadaan ciidanka qaranka. Doomahan ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gal ay ciidanka halkaas ka fuliyeen saaka, waxaana tani ay wiiqi doontaa awoodda Al-Shabaab ay ku fulin karaan weeraro, sida ay sheegeen ciidanka. Dhinaca kale, ciidamada ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka ku leeyihiin Awdheegle, halkaasna ay khasaare ku gaarsiiyeen. Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegaya inay halkaas ku dileen sagaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay maleeshiyadii weerarka soo qaaday ka furteen hubkii ay wateen, isaga oo sheegay inay rumeysan yihiin in khasaaraha gaaray Shabaabka uu intaas ka badan yahay.
  4. Iyadoo shalay barakacayaasha ku nool degmada Dharkenley ay ka hadleen xaaladdooda nololeed ayaa isla maanta waxaa dhacday in la leexsado gargaar loogu talagalay sida ay sheegeen dad deegaanka oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle. Mustaf Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degmadaasi ayaa sheegay in uu goobjoog u ahaa dhacdadaan maanta ka dhacday xerada Badbaado 1, waxaana uu tilmaamay in raashinkii loogu talagalay dadkaasi danta yar gawaari lagu daabushay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey falkaasi inay geysteen maamulka Dharkenley oo uu Hormuud u yahay guddoomiyaha degmadaaasi. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, isagoona ka dalbaday in laga warqabo dadkaasi la dudsiiyey xuquuqdooda. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-dharkenley.mp3 View the full article
  5. Waxgaradka deegaanka Soomaalida oo taageeray hadal kasoo baxay Abiy Axmed Waxgaradka deegaanka Soomaalida waxay taageereen hadalka Ra’iisul wasaaraha Ugaasyada, Salaaddiinta, Aqoonyahannada, Odayaasha, iyo waxgaradka deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa taageeray hadal ra’isal wasaaraha shalay ka soo baxay oo ahaa in uu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo dastuurka dalkaas ka hor imaado. Waxayna sheegeen iney tageerayaan doorshada guud ee dalka ka dhici lahayd ee dib loo dhigay Coronavirus awgii si shacabka caafimaadkiisa wax weliba looga hormariyo. Odayaasha oo u warramay talefishiinka qaranka dalka Itoobiya waxay sheegeen doorashada dib uu dhigisteeda iney sax tahay isla markaana caafimaadka wax weliba ka horreeyo. Cid kasta oo dooneyso doorashada dib loo dhigay iney iskeed u qabsatana ay tahay cadow umadda reer itoobiya ku soo duushay oo u baahana in dhinac looga soo wada jeesto. Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli deegaanka Tigreega ay maalma ka hor uu sheegay inuu doorasha iskii u qabsanayo, iyada Dr Abiyna uu sheegay cid kasta oo sharciga ku xadgudubto inuu tallaabba ka qaadayo. Qaran News
  6. Wasiir hore oo si weyn ugu dhawaa Meles Zenawi oo maxkamadi xukun ku riday Maxkmad ku taalla magaalada Bahirdar ee waqooyiga Itoobiya ayaa maanta xukun ku riday wasiirkii hore ee warfaafinta dalkaas Bereket Simon oo si weyn ugu dhawaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Maxkamadda ayaa ku riday lix sanno oo xadhig ah. Bereket ayaa la xidhay bishii January ee sannadkii 2019 xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa, waxaa uu ku xidhnaa magaalada Bahirdar, waxaana loo heystay fadeexad musuq maasuq. Wuxuu ahaa nin awood leh oo ay ka go’do talada xisbiga ka arrimiyo Itoobiya, wuxuu kusoo dhexjiray xisbiga EPRDF tan iyo horraantii sagaashamaadkii. Qaar kamid ah taageerayaashiisu waxay sheegeen in maxkamadeyntiisa la siyaasadeeyay. Qaran News
  7. Barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo caawa galaya habeenkiisii 16-aad ayaa waxaa isaga hor imaan doono Waabari iyo Afgooye oo kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir & Sh/Hoose. Labada degmo oo sidoo kale ku wada jira group ka D ayaa u dambeeya guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waabari ayaa horay barbar dhac ula soo gashay dhiggeeda degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose laga soo badiyey, kadib markii ay isku beegmeen degmada Kaxda ee gobolkaan Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  8. Nabadoon Cabdi Cismaan Wehliye oo ka qeyb galayey Barnaamijka Dooda Jimacaha ee Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan fatahaada Webiga Jubba. Wehliye ayaa sheegay in xaalado adag oo is-biirsaday ay ka jiraan gobolkaasi, isagoona xusay in la siyaasadeeyey gargaarkiii loogu talagalay shacabka ku dhaqan halkaasi. Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in dowladda federaalka aysan sidii laga filayey ugu gurman gobolka Gedo, islamarkaana ay ka gaabisay doorkeeda. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Nabadoon.mp3 View the full article
  9. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacbka ku nool magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay ku soo wajahan yihiin xaalado adag oo ka dhalan kara fatahaad laga cabsi qabo inuu wabiga Shabelle ka sameeyo xaafado ka tirsan gudaha magaalaadaasi. Jeesow ayaa tilmaamay inay haatan socdaan dadaalo xooggan oo looga hortagayo fatahaadaasi, kuwaas oo ay wadaan maamulka gobolka iyo shacabka Beledweyne. Sidoo kale wuxuu dowladda federaalka ka dalbaday in laga war qabo xaaladda magaaladaasi oo marar uu sameeyen ku yeeshay webiga Shabelle. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-turki-xildhibaan-jeesow.mp3 View the full article
  10. Tripoli (Caasimada Online) – Ruushka ayaa calooshood u shaqaysteyaal ka tirsan ciidanka Bashar Al-Assad ee jooga magaaladda Daraa ee koofurta Syria u diraya in ay ka bar-bar dagaalamaan ciidanka dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Haftar ee jooga bariga Libya, sida ay ilo wareedyo maxalli ah u sheegeen wakaaladda wararka Anadolu. Tan iyo 24-kii April, taliye darajadiisu sarreyso oo Ruush ah iyo kooxdiisa ayaa kulamo is xig-xigay la qaatay calooshood u shaqaysteyaal ka barbar dagaalama ciidanka Syria ee jooga Daraa. Kulamaas waxay Dowladda Ruushku kusoo bandhigtay heshiis soconaya seddax bilood oo askari kasta bishii lagu siinayo 1000 dollar, lana cusbooneysiin karo. Waxaa lagu warramay sheegay in qaar ka mid ah kooxda calooshood u shaqaysteyaasha ay diideen kuwo kalena ay ogolaadeen heshiiska. Kuwa aqbalay ayaa ka shaqaynaya in ay magaaladda Daraa kasoo ururiyaan xoogag kale oo calooshooda u shaqysteyaal ah. Waxaa xoogagaan mushaarka siin doona Ruushka, markii lagu tababaro xeryo militari oo ku yaala Syria ayaana loo diri doonaa Liibiya. Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Haftar ee la baxay LNA. Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Haftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli. Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-08052020.mp3 View the full article
  12. Mareykanka ayaa sheegaya in ay Soomaaliya ka taageerayaan doorashada guud ee 2020/2021 balse aaney u yeerin-doonin. Ambassador Yamamoto oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheeko muuqaal ah uu la yeeshay saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa uu ku sheegay in Soomaalida ay tahay cidda go’aamineysa goorta ay doorashada dhici doonto, laakin ay muhiim tahay in waqtigeeda lagu qabto. “Doorashada go’aankeeda waxaa leh Soomaalida, haddii dib loo dhigayo xoogaa waa go’aankiinna” waxaa uu ambassador Yamamoto uga jawaabay su’aal aheyd ma dhici dhici kartaa cabsida ah in COVID-19 uu dib u dhac u keeno doorashada. “Mareykanka waxaa ay ku kabi doonaan talo galnay $6 million oo ah in doorashada lagu qabto, wax kasta oo aad dooneysaan waxaa diyaar ula nahay 100%, lacag ayaan ugu talogalnay, $4 million waxaan dib ugu dhignay waxaan dooneynaa in aan hubsanno in waxa aan qabaneyno ay tahay baahida shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ambassador Yamamoto Soomaaliya waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo October sanadkan doorasho guud, si madaxweyne cusub loo doorto horaanta 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Iyada oo dalku uu ka jiro Covid 19, baarlamaanka federaalka ah oo fasax tahay ayaa hadana waxaa dhow doorashada 2020/2021 oo ay aheyd in xilliga ay meel fiican mareyso. Haddaba Goobjoog News ayaa arrintaas kala hadashay Prof Afyare Cabdi Cilmi, Cabdinuur Daahir, Faysal Cabdi Rooble iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Ugu horreyn, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah. Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto, sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”. Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda isaga oo yiri“Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” . Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku iman karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo, laakiin waxaan kaloon ognahay waayahaan dambe oo dhan waxa inta si ula kac ah dib loogu dhigo oo la lug jiido ayaa marka saddexda bilood ee dambe la eryaa oo la rashgareeyaa laga yaabee inay taas hadda isleeyihiin taas ayaan yeelaynaa waana inay isku yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka si ay go’aan uga gaaraan waqti intee la eg ayaa lagu dari karaa” ayuu yiri. Dhankiisa, Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul oo u warramay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah. Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga hal qof iyo hal cod hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas” ayuu yiri Cabdinuur Daahir. Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo”. “Soomaaliya doorashadeeda dadka saameynta ku leh ama taageeraya beesha caalamka aa ka mid ah oo lacagta doorashada lagu sameeya dhiiba waxaa sidoo kale ka mid ah ciidanka AMISOM labadoodiba waxa ay ku mashquulsanyihiin inay iska difaacaan cudurka Coronavirus marka waxaan isleeyahay haddii ay dhacdo in Coronavirus sadexda ama afarta bil ee soo socota laga guuleysto waa laga yabaa in doorashadu laba ama saddex bil dib ha u dhacdee inay dhacdo laakiin haddii caalamka ay ku qaadato 5 bilood Soomaaliyana ay ku qaadato 10 bilood in doorashadu hal sanno dib u dhacayso ayey ila tahay” ayuu sii raaciyay Cabdinuur Daahir. Falanqeeyahan ayaa sidoo kale sheegay in xitaa Soomaaliya haddii uu waqtigaan ka dhamaado Coronavirus ay marwalba doorashadu waqtigeeda kadaba marayso isaga oo yiri “Anigu waxaan qabaa oo aan isleeyahay marwalba doorashaan Soomaaliya dib waa u dhacaysaa xilliga loogu tala galay ma qabsamayso Corona dhan haddii xitaa Soomaaliya laga waayo ma suurta galaeyso in bisha December ee soo aaddan baarlamaanka dalka lagu soo doorto hal qof iyo hal cod”. Waxaa sidoo kale, doorashada 2020/2021 Goobjoog News kala hadlay ka mid ah, aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika isaga oo yiri “Aad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo, madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer ha u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto, dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato” . Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in guddiga ay shaqo wadaan, oo haddii lagu dhaqaaqo in doorasho la qabto ay awoodaan. Mar aan weydiiney sida Covid 19 u saameyn karo shaqadooda waxa ay tiri “ Waan ku faraxsanahay, dadkana ay aad uga welwelaan, waddankan waxaa uu soo maray dhibaatooyin badan, waxaa uu soo maray xuquuq la’aan, dimoqoraadiyad la’aan, isdardar iyo is dilid, waxaanna hiigsaneynaa adduunka sida uu u socdo, kama duninin, oo dad banii’aad ayaan nahay, xoolo ma nihin, maskax ayaa ilaah na siiyey, dadku waa fekerayaan oo dunida wax fiican ayaa ka socdo.., waxaa lagu wada fekeraa in aan noqonno kuwa wax fiican hiigsada, doorasho wax caan ah, oo adduunyada oo dhan ka dhacda, oo qofkii, hey’addii ama dadkii la rabay in dalkaan maamulaan, in la doorto, oo raali laga yahay, shacabkeena middaas ayey sugayaan, xuquuq ka maqan waayey 50 sano. Covid dunida ayaa la mid nahay, waan ka tabar yahay, oo 30 sano ku dhawaad dagaal ku jiray ama soo kabanaayo, hadana la isma dhiganaayo, oo wixii la qaban karo ayaa la qabanaa, oo sida adduunka u saameeyo ayuu noo saameyn doonaa”. Guddiga baarlamaanka u saaray habraacyada waxay ka tiri” Waajibka saaran waxaa waayey, afta qeybood ee ahaan magaalada Muqdisho maxaa laga yeelayaa? Haweenka side loo ilaalinaa 30%, Somaliland xagee doorashadeeda laga qaban doonaa iyo kuraasta xagee la kala geynaa golaha shacabka”. Ma dhaceysaa doorasho qof iyo cod ah sanadkan waxaa ay ka tiri “Doorasho qof iyo cod ah wey dhaceysaa haddii umadda Soomaaliyeed ay u soo diyaar garoobaan, guddi ahaan innaga diyaar ayaan u nahay iney dhacdo doorasho” Ugu dameyntii waxaa ay Xaliimo Ismaaciil guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay sheegtay in May 27 hotgati doonaan Baarlamaanka iyaga oo wada go’aanka la xiriira dhicista doorashada ee waqtigeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. 140 haween danyar ah ayaa kafaa’ideesatay deeq lacageed oo hay’ada Hormuud foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeebinayay deeqdan oo ka dhacday xarunta dhalin yarada gabolka Banaadir ay soo qabanqaabisay gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Ugu horeyn Jawaahir Baarqab, ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank uga mahadcelisay deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyay haweenka danta yar , waxaana ay sheegtay in haweenkan ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii uu sameeyay caabuqa Covid-19. Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa tilmaantay in haweenkan danta yar ay isugu jiraan kuwa haysta caruur agoon ah, kuwo baahiyaha gaarka ah qaba oo lagasoo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo ku tilmaantay shirkada Hormuud in ay tahay halbowlaha ama udub dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Madaxa hay’ada Hormuud foundation iyo Salaam Bank Cabdullahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamij lagu kaalmeynayo dadka danta yar kaasoo mudo ay soo wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyadoo laga duulayo shaqa la’aanta ka dhalatay Covid-19 deeqdaan ay soo gaarsiiyeen haweenkan danta yar. Haweenka danta yar ee maanta loo qeeybiyay deeqda lacagta ah ayaa u mahceliyay Hormuud Foundation iyo Salaam Bank iyagoo tilmaamay in xiligii ay u baahnaayeen in lasoo gaarsiiyo iyagoo hadalo ubadan duco ujeediyay muxsiniintii soo gaarsiisay gargaarka. Dhinaca kale Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in shirkada Hormuud ay gacan ka geysanayso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka Covid-19 iyada oo sidoo kale ambalaasyo ay ku deeqi doonaan Isbitaalka Martini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maalin kasta Hormuud Foundation iyo Salaam bank ay kaqeyb qaataan afurinta dad badan isaga oo sheegay in lacag gaaraysa 10,000 oo doolarka Mareykanka lagu afuriyo dad aad ufara badan oo dan yar ah. Barnaamijka lagu taakulaynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay kawadeen gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho iyadoo ay kafaa’iideesteen dad aad ufara badan waxaana madaxda hay’ada ay balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax uqabashada dadka danta yar. View the full article
  15. Tan iyo markii qalabka lagu baaro cudurka Covid 19 la geeyey dowlad goboleedka Puntland, waxaa laga helay kiisas badan. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo xalay ka warbixiyey tirada laga helay saacadihii ugu dambeysay ayaa sheegay in la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland. Dhanka kale, wasiirka Caafimaadka waxaa uu intaas ku daray in qofkii 2-aad uu Puntland ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen oo lagu baahiyey warbaahintoda ku sheegtay dilka goolhayihii hore ee xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya Cabdiweli Colaad Qanyare Gaatamow. Allaha u naxariistee Gaatamow ayaa waxaa xalay lagu dhex dilay masjid ku yaalla degmada Afgooye, halkaasi oo ay ku weerareen rag hubeysan, isaga oo tukanayey saaladda Taraawiixda. Qoraalka warbaahinta Al-Shabaab lagu daabacay ayaa lagu sheegay in inay hawlgal gaar ah ku dileen wax ay ugu yeereen Sarkaal ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in Gaatamow aanu ka tirsaneyn dowladda “Hawlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabellaha Hoose waxay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa kooxda ridada Soamaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka mintidiinta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Gaatamow uu ahaa gudoomiyihii isboortiga ee dowlada federaalka ee degmada Afgooye. Si kastaba, cayaaraha Soomaaliya iyo xiriirkaba ayaan wax shaqo ah ku lahayn dowlad, waana xiriiro ka madax banaan siyaasadda, oo xitaa haddii dowladda ay faro-gelisay horseedi karta ganaax ka yimaada xiriirka kubadda cagta caalamka ee FIFA, waana wax yaab leh in Shabaab ay Gaatamow ku sheegto inuu ka tirsanaa dowladda. Shabaabka hubeysan ee dagaalka dhiigga badani ku daadanayo dalka ka wada ayaa waxay xilliyada qaarkood ay dadka ku dhex dilaan Masaajida, xilli ay sheeganayan inay diinta Allah u dagaalamayan.
  17. Boosaaso (PP) — Dunidu maanta waxay ku jirtaa xaalad caafimaad oo degdeg ah Covid-19 awgiis. Dalal badan waxay ku baraarugsan yihiin cunto-yari dhici karta marka dalalku boob-iibsanayaan xoolaha. Dalalka Carabtu waxay si degdeg ah u iibsanayaan xoolaha Soomaaliya. Hal barmiil oo shidaal aan sifaysnayn ihi wuxuu joogaa in ka yar 25 doollar. Neefka ariga ihi wuxuu marayaa boqol doollar. Haddii xoolo dhoofiyeyaashu awoodaan waxay wada dhoofin lahaayeen xoolaha Soomaalida oo dhan waayo dalku ma laha hay’ado haya tirada xoolaha aannu dhaqanno si aan loo xaalufunin xoolaha haray. Muddo ku dhow soddon sanadood waxaa hoos u dhacayay wax soo saarka beeraha beeralayda badankood oo barakacayaal noqday awgeed. Reer guuraagu ma lahayn hab beekhaamin (barkaduhu waa wax cusub mana badna) ama uma took-hayaan abaaraha ba’an oo soo noqnoqda. Beeralayda Soomaaliyeed waxay ugu diyaargaroobi jireen waqtiyada adadag samaynta bakaaro — godad dalagyada soo go’ay oo dheeriga ah lagu keydiyo si loogu baxsado marka abaari ay dhacdo. Dunidan casriga ah abaar oo keliya may keento cunto-yari. Xaaladda dhaqaalaha ( tusaale marka dalalka qaarkood canshuuro sarsare ku soo rogaan waxyaabaha loo soo dhoofiyo) ama dagaal weyn baa keeni kara cunto-yari ama macaluul. Mararka qaarkood siyaasiyiinta ayaa si u la kac ah u abuura cunto-yari ama macaluul iyagoo u danaynaya ganacsato ama hirgelinaya siyaasado aan laga baaraandegin, sida dhacday qarniyadii 19aad iyo 20aad. In ka badan soddon sano Soomaaliya may lahayn bedqab cunto (food security). Colaado iyo burbur baa Soomaalida u sii nugleeyay abaaraha, daadadka iyo fatahaadyada. Wax soo saarka baddu aad buu hoos ugu sii dhacayay. Beeralay, kalluumaysato iyo xoolalay baa Soomaaliya quudiya. Seddexdan dabaqadood ee bulshadu waa kuwa ugu dulman waayo si xaq ah uma helaan dheefta wax soo saarkooda. Bulshooyinka qaarkood xoolalay iyo beeralay waxay ku tilmaaman yihiin hantiley — dad hodan ah. Xooluhu waxay Soomaaliya soo geliyaan lacag adag. Waa sababta ganacsatadu u maalgeliyaan dhoofinta xoolaha. Maalgelinta beeruhu waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo-aragnimo aan la heli karin haddii beelihii beeralayda ahaa aysan helin kalsooni ay beeraha ku fashaan. Soomaaliya waxay leedahay xoolo-dhaqato, kalluumaysato iyo beeralay oo aan helin maalgelin iyo dhiirrigelin ku habboon. Badeecooyin badan oo aannu dibadda ka keenno ayaannu kaga maarmi karnaa u soo jeesashada maalgelinta iyo kobcinta quudiyeyaasha qaranka — beeralay, xoolalay iyo kalluumaysato — si dadkeennu uga badbaadaan cunto-yari ama macaluul laga hortagi karo waqtiga dhow iyo waqtiga dheerba. © Puntland Post, 2020 The post Miyay Soomaaliya diyaar u tahay cunto-yari dunida ka dhici karta? Faallo appeared first on Puntland Post.
  18. Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in qof labaad uu geeriyooday xanuunka COVID-19 wasaaradda ayaana intaas ku dartay in ruuxaan horay loogu arkay calaamadaha Coronavirus ka dib wasaaraddu ay karaantiil ku samayasay. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku sheegtay warbixinteeda maalinlaha ah ee wasaaradda in baaritaan lagu sameeyey 22 ruux oo ku sugan deegaannada Puntland xanuunka laga helay ilaa 8 ruux kuwaas oo ku kala nool gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug sida wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo gelisay barteeda Facebooke. Wasiirka waafimaadka Caafimaadka dowlad goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa dhanka kale xusay inay walaac badan Puntland ay ka qabto faafitaanka Feyruska COVID-19 ,isla markaana Shacabka reer Puntland ay yihiin kuwo aan feejignaan badan ka qabin Cudurka iyo faafitaanka uu bulshada ku dhex samaynayo isaga oo guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay feeljignaan badan muujiyaan. “07 May, 2020: Sida uu wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan caawa warbaahinta usheegay waxaa korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid 19. Wasiirka ayaa cadeeyay in maanta la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah. Dadka laga helay waxaa ku jira labo ka mid ah wasiiradda Puntland oo xaaladooda ay wanagsantahy. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in qofkii labaad uu Puntland maanta ugu geeriyooday xarunta kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59 Halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka” Xaaladda guud faafitaanka xanuunka Coronavirus ayaa saamayntiisa maalinba maalinta ka dambayso lagu arkayaa gobolada dalka iyadoo dhammaan dowlad goboleedyada dalka ay xaqiijiyeen kiisas kala duwan oo xanuunka COVID-19, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda ah goobta ugu badan ee lagu arka kiisaska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyn ayaa sheegay in saaka magaaladaasi ay ka barakaceen dad badan, ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan. Dad badan oo ku noolaa Baladweyne ayaa saakay ka barakacaya halkaasi,iyagoo u ambabaxaya dhinca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada,waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan Biyahu ay gaaraan Magaalada qeybaheeda kla duwan. Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene, Ganacsato iyo dadweyne kale oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu xakameynaayo . Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku howlan dadaalo iyo qorshayaal looga hortagaayo qatarta wabiga shabeelle ee Magaalada baladweyne,ka dib markii halkaasi la geeyay qalab loogu talagalay in carro tuur loogu sameeyo wabiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Africa (Caasimadda Online) Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan xaaladda caafimaadka qaaradda Afrika, waxeyna ka digtay iney tiro ka badan 100 kun oo qofood u geeriyoon karto cudurka COVID19 hadii lagu guuldareysto in bulshada ay raacaan talaabooyinka lagu xakameynayo xanuunka. Sida la sheegay WHO waxey saadaalineysaa in ku dhawaad laba boqol kun (200,000) qofood ay u dhiman karaan safmarkaan hadii aan la raacin hababka looga hortago. Matshidiso Moeti oo ah agaasimaha Afrika ee hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa qiray in Africa uusan si xawli ah ugu fidin xanuunka, balse ay macquul tahay inuu sare u kac sameeyo hadii aan la raacin tallaabooyinka looga fogaanayo. WHO waxey soo jeedisay talooyin caafimaad oo ay tahay in la raaco si looga fogaado xanuunka, balse in laga adeegsado qaaradda Afrika waa wax aad u hooseeya. Haweeneyda WHO u qaabilsan Afrika waxey warbaahinta u sheegtay in loo baahan yahay dabagal dheer in lagu sameeyo baaritaanada COVID19, sidoo kalana daaweyn iyo karantiilba loo sameeyo qof walba oo laga helo.
  21. Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19 oo xalay ka qabsoomay isgaarsiinta Internet-ka, ayaa waxaa Shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre,iyada oo looga hadlay qodobo dhowr sh. Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska Karoona. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray Xubnaha Guddiga in ay badiyaan wacyigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay yeesheen kulan joogto ah,kaas oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaas oo qaarkood aan weli dhaqan gelin. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amar siiyay Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 appeared first on Puntland Post.
  22. Waxaa Kismaayo ka socda qabanqaabada aas Qaran oo halkaas loogu samaynayo Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ku geeriyooday Dalka Hindiya. Meydka [...] Source
  23. Dadkii ugu badan ee ku nool Beledweyne ayaa saakay ka barakacaya Magaalada ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada haba ugu badnaato xaafada xaawo taako. Dadka ayaa la sheegay inay aadayaan dhinca degaanka Ceeljaalle ee Duleedka Magaalada Beledweyne si la mid ah ay sanadkii horey ay ku barakaceen waxaan jirto cabdi xooggan ah oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada . Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene iyo Ganactasada oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carra-tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu kameynayo. PUNTLAND POST The post Barakac xooggan oo ka socda Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  24. Washington (Caasimadda Online) Warbaahinta Mareykanka ayaa durba tabineysa inuu jiro walaac laga qabo xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump, waxaana jira shaki laga qabo inuu haleelay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Sida ay soo tabisay warbaahinta, Askari ka tirsan ciidamadda Badda Mareykanka ayaa laga helay xanuunka kadib markii dhawr jeer baaritaan lagu sameeyay, wararka la helay ayaa sheegaya in Trump uu ka carooday maadaama uu ku baraarugay wakhti dhaw. Talafashinka CNN ayaa warbixintaan baahiyay, sidoo kale ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Hogan Gidley ayaa kiiska Askariga la wadaagay saxaafadda. Walaaca laga qabo in Trump ayaa jira, balse waxaa sidoo kale jirta in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la marsiiyay baaritaan lagana waayay fayriska. Dhamaadkii sanadkii hore ayey aheyd markii uu xanuunkaan ka dilaacay Shiinaha, tan iyo markaas waxaa jiray su’aalo badan oo la iska weydiiyay xaaladda caafimaad ee Trump. Mareykanka waa wadanka ugu horreeya dhan walba saameynta xanuunka Coronavirus, in ka badan hal malyan oo ruux ayuu soo ritay xanuunka, waxaana u geeriyooday dad ku dhaw 100 kun.
  25. Mareykanka oo shaaciyey lacagta ay doorashooyinka Somalia ku bixinayaan iyo xilliga ay tahay inay dhacaan Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacagta ay ku taageereyso doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dabayaaqada sanadkan illaa horraanta sanadka dambe. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo shalay jir jaraa’id oo dhanka muuqaalka intenetka ah u qabtay suxufiyiinta Muqdisho, ayaa sheegay in qambsoomidda doorashooyinka Soomaaliya ay u diyaariyeen lix milyan oo dollar. “Waxaan heynaa lacag aan ku caawineyno doorashada taasi oo dhan qiyaastii lix milyan oo dollar, oo 4 milyan oo ka mid ah aan hadda gacanta ku hayno,” ayuu yiri Yamamoto. Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda, taasina ay kala hadleen madaxweynaha iyo guddiga qaran ee doorashooyinka. “Doorashada soo socota, muhiimada waa qabashada doorashada waqtigeeda, waa inaad aamintaan tani waa midda aan kala hadlay madaxwayne Farmaajo, ra’iisul wasaraaha, gudoomiye Xaliimo Yareey iyo beesha caalamkaba, muhiimada ugu weyn waa qabashada doorashada waqtigeeda,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ah in la qabto doorasho dadka ay codeynayaan iyo in laga gudbo nidaamka qabiilka ku dhisan. “Waxaan dooneynaa in habkii qabiilka laga gudbo, oo baarlamaanka ay dadka doortaan, markaaas wax waliba oo aad rabtiin waan idinka taageyreynaa 100 %, sababta oo ah waa doorashadiina, sidaas darteed waxaan bixineynaa taladda ugu fiican,” ayuu yiri Yamamoto. Hadalka Yamamoto ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo, ayaga oo ku cudurdaaranaya cudurka Coronavirus. Qaran News