-
Content Count
214,485 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar, oo lagu yaqaan inay si adag u dhaleecayso siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka ee ku wajahan Iran iyo Guddiga u ololeeya Israel ee AIPAC, ayaa ka yaabisay tageereyaasheeda kadib markii shaaca laga qaaday in ay saxiixday warqad Washington ugu baaqaysa in ay cusbooneeysiiyo cuna-qabateynta saaran Iran. Kooxda u ololeysa Israel ee magacooda loo soo gaabiyo AIPAC waxaa lagu yaqaaqaana in ay yihiin tan ugu weyn ee naqshadeysa siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Bariga Shexe, waxaaana si joogto ah loogu cambaareeyay in ay saameyn aan habooneyn ku yeesheen siyaasadda Maraykanka ee gobolka. Waxa la yaabka ka dhigay saxiixa Ilhaan Cumar, oo sidoo kale ay saxiixeen 391 xubnood oo ay aqalka ka wada tirsanyihiin, ayaa ah in Ilhan qudheeda ay kol hore si xooggan cambaareeysay AIPAC. Waxa sidoo kale xiisaha u yeelaya ayaa ah in Ilhaan Cumar ay dooratay in ay ka leexato xubno kale oo ka tirsan Congress-ka sida Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo la sheegay in aysan warqada saxiixin. Warqadda waxaa gadaal ka riixayay gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka Eliot Engel iyo Mike McCaul oo Jamhuuriga ka tirsan, waxayna ugu baaqaysaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo “in uu kordhiyo cuna-qabateynta si Iran looga ilaaliyo in ay hub iibsato iyo in ay iska iibiso.” Markii ugu horeeysay go’aanka Ilhaan Cumar waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Al-Monitor 4-tii May, warbixintaas oo ay durbadiiba faafiyeen warbaahinta Israel. Bryant Harris oo ka tirsan Al-Monitor ayaa kasoo xigtay war kasoo baxay xafiska Ilhaan Cumar “Xildhibaan Ilhaan waxay si joogto ah, muddo dheerba, u taageeri jirtay cuna-qabateynta hubka ee ka dhanka ah kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha.” “Ma jirto sharaxaad u qalanta oo uu bixiyay xafiiska Ilhaan, ama caqli ahaan u qalanta go’aankaan ceebta ah” ayuu yiri suxufi Falastiin u dhashay oo lagu magacaabo Ramzy Baroud, tifatire na ka ah wargeyska The Palestine Chronicle. “Ilhaan Cumar aaminaadda waxay ku heshay awoodda ay u leedahay in ay caqliga iyo dareenka wanaagsan u bandhigto siyaasaha Maraykanka ayna soo jeediso doodo cusub oo siyaasadeed oo ku wajahan siyasadda arrimaha dibadda Mareykanka, si gesinimo leha” ayuu yiri Baroud. Bishii January, Ilhaan Cumar waxay soo jeedisay qaraar ujeedkiisu ahaa in la hor istaago in Maraykanku uu awood militari u adeegsado Iran isaga oo aan ogolaansho ka heysan Congress-ka. Talaabadaas waxaa dhiiri geliyay shirqoolkii Maraykanku ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan militari-ga Iran, Gen. Qassem Soleimani. “Dilkii Qasem Soleimani waxaa uu ahaa ficil dagaal oo aan fasax ka ahaysan Congress-ka, xadgudubna ku ah dastuurka Maraykanka. Congress- ahaan waa in aan qaadanaa waajibkeena dastuuriga ah, aanna awooda u adeegsanno in aan joojino dagaal musiibo ah,” ayey Ilhaan ku sheegtay war soo saartay 5-tii January. Ma cadda in Ilhaan Cumar ay hadda kadib ka tanaasuli doonto booska ay ka taagantahay Ssyaasadaha Maraykanka iyo in kale.
-
In a video message released this morning Prime Minister Abiy Ahmed issued a stern warning that his government will be forced to take all the actions against those who are engaged in illegal political activities and acts that are threatening to violate the constitution and constitutional order in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Flooding as a result of recent heavy rains has killed more than 260 people across East Africa. Source: Hiiraan Online
-
SAVANNAH, Ga. (AP) — Georgia authorities arrested a white father and son Thursday and charged them with murder in the February shooting death of a black man they had pursued in a truck after spotting him running in their neighborhood. Source: Hiiraan Online
-
Mississauga (Caasimada Online) – Go’aan loogu ogolaaday masaajidada Soomaalida iyo kuwa kale ee magaalo ku taalla dalka Canada, inay cod sare lagu bahaiyo aadanka, ayaa dhaliyey xiisad xooggan, iyo hanjabaad ka timid koox midigta fog ah oo dalbaneysa in laga laabto. Magaalada Mississauga ayaa Arbacadii meel marisay mooshin si ku-meel gaar ah u ogolaanaya in Masaajidada laga reebo sharciga ilaalinta buuqa, si loogu ogolaado inay cod sare ku baahiyaan aadaanka maalinkii hal mar inta ay socota bisha Ramadan, taasi oo ku eg 23-ka May. Ayaga oo isku dayaya inay xiisad kiciyaan, ayaa kooxda Faith Goldy ee aaminsan sarreynta dadka caddaanka waxay twitter-ka soo dhigeen in aadaanka uu astaan u yahay “halis jiritaan oo Islaamka iyo Muslimiinta ay kusoo rogayaan” Canada. Go’aankan ayaa sidoo kale horseeday in nin uu ku xadgudbo Masjid ku yaalla magaalada Edmonton, kuna hanjabo olole bam. Waxaa sidoo kale dhowr ka mid ah website-yada codsiyada dadweynaha lasoo dhigay saddex codsi oo lagu dalbanayo in go’aanka laga laabto, ayaga oo ku doodaya “inuu xadgudub ku yahay xuquuqda aadanaha”. Hani Tawfillis, oo horey ugu guul-darreystay olole doorasho isaga oo ka socda xisbiga Conservative-ka ee Canada, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in maqalka aadaanka uu dhaawacayo qalbiyada ciidamadii Canada ee Bariga Dhexe kula soo dagaalamay kooxda Dacaish. Kulankii Arbacada ee golaha magaalada Mississauga ayaa waxaa lagu soo bandhigay mooshin kale oo lagu dalbanayo in laga laabto go’aanka lagu ogolaaday in cod sare lagu baahiyo Aadaanka. Kooxda Canadians United Against Hate, ee la dagaalanta naceybka, ayaa ku baaqday inaan go’aankan laga laaban, islamarkaana la isku dhiibin kuwa naceybka uu ka buuxo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin sirdoon oo laga helay gudaha Shiinaha ayaa ka digeysa in Beijing ay wajaheyso mowjad cadaawad ah oo ka dhan ah dilaacista feeyruska Corona, taasi oo horseedi karta isku dhac dhex-maray Shiinaha iyo Maraykanka, xubno wax ka og warbixinta ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Warbixin ay Wasaaradda Amniga Qaranka horraantii Bishii lasoo dhaafay u jeedisay hogaamiyeyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegtay, in dareen caalami ah oo ka dhan ah Shiinaha uu gaaray meeshii ugu sarreeysay tan iyo sanadkii 1989-kii xilligaas oo fagaaraha Tiananmen dad badan lagu laayey, taasi oo Shiinaha ku dirtay caalamka. Beijing waxay wajaheysaa dareen mowjad ah oo ka dhan Shiinaha, oo uu hogaaminayo Mareykanka, kaasi oo ka dhashay Coronavirsu, wuxuuna Shiinuhu u baahanyahay in uu diyaar garoobo iskudhac hubeysan kisii ugu xumaa oo dhexmara awoodaha dunida, sida ay sheegeen dad wax ka og qoraalka warbixinta, kuwaas oo diiday in aqoonsigooda la shaaciyo, xasaasinimadda arrintaan awgeed. Warbixinta waxaa diyaariyey Machad Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo China Institutes of Contemporary International Relations (CICIR), waa xarun talo soo jeedin oo raacsan wasaaradda amniga Qaranka oo ah qaybta ugu sarreysa sirdoonka Shiinaha. “Mahayo akhbaar xiriir la leh warbinxta,” ayaa lagu sheegay war uu xafiiska afhayeenka arrimaha dibadda ugu jawaabay Reuters oo wax ka weydiisay warbixinta. Machadka warbixinta diyaariyey, waa talo soo jeediye saameyn leh kaasi oo tan iyo 1980-kii ka dhex shaqaynayey Wasaaradda Amniga kalana taliya dowlada Shiinaha siyaasadda amniga iyo arrimaha dibadda. Xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa si weyn loo arkayay in uu joogo meeshii ugu hooseysay muddo tobanan sano ah, iyadoo ay kasii dareysay is aaminaad la’aanta iyo khilaaf kasoo bilowday eedeynta Mareykanka ee ah ganacsi aan cadaalad aheyn ilaa muranka Hong Kong, Taiwan iyo Badda Koonfureed ee Shiinaha. Maalmihii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahayay culeys dib u doorashadiisa ah, iyadoo Coronavirus uu tobanaan kun ku dilay dalka Mareykanka, dhaawacweyna u geystay dhaqalaha Mareykanka, Madaxweyne Trump waxa uu kordhiyey eedeynta uu u jedinayo xukuumadda Beijing, waxaana uu ku hanjabay canshuuro cusub. Sidoo kale maamulka Madaxweyne Trump waxaa uu tixgelinayaa tallaabooyinka aargoosiga ah ee la xiriira Coronavirus oo ka dhan ah Shiinaha. Waxaa aad looga rumeysan yahay Beijing in Mareykanku uu doonayo in uu is-hortaago sare u kaca Shiinaha ee aduunka ee lagu rajo weynyahay, dhaqaalihiisuna uu kordhayo. Warbxintu waxa ay sheegeysaa in Washington ay sare u kaca Shiinaha u aragto khatar amni iyo mid dhaqaale, isla markaana ay caqabad ku tahay Dimoqaraadiyadda reer Galbeedka, ayey sheegeen dadka u waramay Wakaladda Wararka ee Reuters. Warbixintu waxay intaas ku dartay in Mareykanku uu doonayo in uu xididada u siibayo xisbiga shuuciga ee Shiinaha, isaga oo wiiqaya kalsoonidiisa dadweynaha. “Saraakiisha Shiinaha ‘masuuliyad gaar ah’ ayaa ka saarneyd inay dadkooda iyo aduunkaba ku war geliyaan khatarta Coronavirus, maadaama ay markii ugu horreysay iyagu ogaadeen,” ayey tiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Morgan Ortagus oo ka jawaabaysay su’aal uga timid Reuters. Iyadoo oo aan si toos ah u abaareyn qiimeynta warbixinta Shiinaha, ayey Ortagus tiri “dadaalada Beijing ay ku aamusineyso seynisyahanadda, weriyeyaasha, muwaadiniinta iyo wargelin la’aanta cudurka ayaa uga dartay khatarta xasaradaha caafimaadka.” Warbixinta loo sharaxay Reuters ayaa ka digtay in dareen ka dhan ah Shiinaha oo ka dhashay Coronavirus uu shidaal ku dari karo iska caabinta mashuuca maalgashiga Shiinaha ee Belt and Road infrastructure investment, Waashington-na ay kordhiso taageeradda dhaqaale iyo midda militeri ee ay siiso xulifadeeda caalamka, si loo carqaladeeyo amniga Asia. Mar laga joogo wax ka badan 30-sano, kadib kacdoonkii Tiananmen, Mareykanka iyo dowlado badan oo reer Galbeed ah, ayaa cuno-qabateyn kusoo rogay Shiinaha, waxayna mamnuuceen in hub laga iibsado sidoo kalena teknoolajiyadda lala wadaago. Shiinuhu waa uu awood badanyahay maalmahaan Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa horumariyay Istiraatiijiyadda Militeriga, si uu u abuuro awood u qalabeysan inay ku guuleysato dagaalka casriga ah. Waxaa uu balaarinayaa awoodda Shiinaha ee cirka iyo badda si uu u gaaro ciidanka Mareykanka oo 70 sano heystay Asia. War ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Shiinaya ayey ku baaqday wadashaqeyn, iyada oo sheegeysa “in quruxda iyo horumarka fadhiya ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka” uu u adeegayo danaha labada dal iyo beesha caalamka. Warku waxaa uu intaas ku daray “erayo kasta ama ficil kasta ee dhaliyana awood sheegasho siyaasadeed, iyada oo lagu gambanayo safmareenka Corona, lagana faa’iideysanayo is-faham waaga labada dal, ma saacideeyso iskaashiga caalamiga ah oo ka dhanka ah feyruskan safmareenka ah. Dagaalkii Qaboobaa Mid ka mid ah dadka aqoonta u leh warbixinta ayaa sheegay in warbixinta ay maamuleen bulshada wax garadka ah ee Shiinaha, sida tabtii Shiinaha ee “Telegramkii Novkov”, 1946-dii ayaa waxaa diray safiirkii Midowgii Soofiyeeti u fadhiyay Washington Nikolai Novikov, kaas oo sheegay khatarta dhaqaalaha Mareykanka iyo hamigiisa militeri ee dagaalkii labaad ee dunida. Fariimtii Novikov waxay jawaab u aheyd Telegram kii uu George Nennan kasoo diray Moscow oo uu ku sheegay in Midowga Soofyeeti aysan suurta gal ka ahayn in uu reer Galbeedka Nabad kula degenaado, isla markaana ay tahay in la iska dhiciyo, oo loo is ticmaalo Istiraatiijiyadda ugu fiican. Labada fariimoodba waxay caawiyeen in agu tilmaamo dagaalkii qaboobaa. Mareykanku waxa uu Shiinaha ku eedeeyay in uu xadiday akhbaartii ugu horreeysay ee Viruska, kaas oo markii hore laga ogaaday bartamaha magaaladda Wuhan, ayna yareysay khatartiisa. Beijing ayaa inkirtay inay dabooshay jiritaanka iyo faafista xanuunka Coronavirus. Shiinuhu waxaa uu maareeyey in uu xakameeyo faafista Birus ka ee dalkiisa waxaana uu isku dayayaa in uu door hogaamineed ka qaato dagaalka uu aduunku kula jiro COVID-19. Laakiin Shiinuhu waxaa uu wajahayaan jawaab isisoo tareysa oo kasoo bilaabaneysa cambaareyn iyo in Beijing lagula xisaabtamo doorkii ay faafinta cudurka ku lahayd. Trump ayaa sheegay in uu jari doono maalgelintii Hey’adda Caafimaadka Aduunka, taas oo uu ku eedeeyay inay Shiinaha u xaglineeyso, waana arrin ay diiday xukuumadda Beijing. Dowladda Australia ayaa ku baaqday baaritaan caalami ah in lagu sameeyo meeshii uu kasoo askumay feyruskan Corona iyo sida uu ku faafay. Bishii lasoo dhaafay, Faransiiska ayaa u yeertay safiirkii Shiinaha u fadhiyay Paris, si ay uga cabato qoraal safaaradda websitekeeda lagu daabacay oo lagu cambaareeyay, sida reer Galbeedku xanuunka ula tacaalayaan. Virusku waxa uu ku dhacay ilaa hadda 3 million oo qof aduunka oo dhan, waxaana uu sababay inay u dhintaan dad ka badan 200,000 qof, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus. Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 23 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay. Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan, ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay kamid yihiin laba wasiiro, balse ma uusan magacaabin. Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa laba kamid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa laba, sidda xogta ku cad. Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay in ay wanaagsan tahay. Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida waa laba qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waxay ku taagan tahay hal muwaadin. Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka. Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas. Isha: Garowe Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysa khatar hor leh oo ku aadan faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo si weyn ugu faafay qaar kamid ah deegaanadeeda, iyada oo ay gudaha Somaliland cudurkaasi ugu geeriyoodeen labo qof. Xukuumada Somaliland ayaa lagu eedeyaa in weli dagaalka Covid-19 uu ku jiro gaabis, inkasta oo ay wado dadaalo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaasi oo ku fiday deegaano hor leh. Xaalada Coronaha ee gudaha Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayaa maadama aysan laheyn tayo caafimaad, iyada oo uu dhowr jeer oo horena uu si cad u sheegay Madaxweynaha Somaliland in taagtooda caafimaad ay liidato. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in tabartooda ku aadan dagaalka Covid-19 ay iska yartahay, xili ay u maaro waayeen dalal quwad iyo dhaqaale-ba ka horeeya Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Somaliland ayaa wajaheysa halistaasi ku aadan cudurkaasi, iyada oo la rumeysan yahay in xukuumaduna aysan weli soo saarin go’aamo si adag uga hortagaya faafitaanka cudurkaasi, maadama ay weli furan yihiin goobaha ay iskugu yimaadan dadweynuhu. Xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan ku dhawaaqday go’aan u muuqday in uu wax ka tari doono faafitaanka cudurka oo ahaa joojinta Qaadka, walow ay ku fashilantay in deegaanadeeda si rasmiya uga joojiso qaadkaasi, iyada oo sidii caadiga ahaana loogu kala iibsado suuqyada magaalooyinka. Dadweynaha ku nool Somaliland ayaa wadnaha farta ku haya, maadama aysan haysan adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xukuumad u babac dhigi karta dagaalka Coronavirus, xili ay ku mashquulsantahay dagaalada ka dhanka ah mucaaridka iyo dhaliilaha loo jeediyo.
-
A decision to allow mosques in a Canadian city to broadcast the Adhan, the Muslim call to prayer, once a day has resulted in threats against the faith group, with far-right activists demanding the decision be reversed. The City of Mississauga passed a motion last Wednesday to temporarily exempt mosques from a noise bylaw so they can broadcast the Adhan once a day until the end of the Muslim fasting month of Ramadan, which should finish by 23 May. A condition was that the Adhan did not call on people to congregate in mosques, because places of worship are shut as a part of measures to contain the spread of the coronavirus. In an attempt to inflame tensions, Faith Goldy, a white nationalist who was barred from Facebook last year, tweeted that the Adhan was a sign of the demographic threat Islam and Muslims pose to Canada. The motion also prompted a man to trespass and stalk a mosque in Edmonton, and threaten to take part in a “Ramadan Bombathan”. A letter was also placed in three different online petitions calling for the decision to be reversed, arguing that it was a “violation of human rights”. Another open letter was posted on Facebook by Hani Tawfillis, a pharmacist who ran unsuccessfully as a Conservative Party candidate in the last federal election, said that Canadian soldiers who fought in the Middle East would be hurt by hearing the call to prayer, and equating it with slogans used by the Islamic State group. “Had we thought about our beloved Canadian veterans who fought in Islamic countries such as Afghanistan or Iraq, after hearing some words used by ISIS, which is part of the Adhan that remind them by announcement in these war zones for a call of an attack to be imminent,” he wrote. He also stressed that he was not an Islamophobe. The petitions, placed on both Change.org and the ultraconservative CitizenGo website, have since been removed. Vice News was the first to report about the campaigns. Change.org told Vice that the campaign was removed because it was “violating hate speech community guidelines”. Still, before being removed the online petition gathered about 20,000 signatures. On Wednesday during a city council meeting, a motion was put forth to reverse the decision, according to local media reports. The group Canadians United Against Hate called on council members to uphold the orignal decision and warned against “giving in to hate”. In a letter to the councillors, the group’s founder Fareed Khan said the Adhan is an example of “multiculturalism, pluralism and acceptance of diversity in practice. It demonstrates the best of what Canada is about.” “To cave in to pressure from these hateful elements in society is to take a step back and say to all minority communities that hate is stronger than love and acceptance.”
-
Afgooye (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw oo caawa ah lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye goolhayihii hore ee kooxda Banaadir iyo xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya Cabdiweli Colaad Gaatamow. Marxuumka ayaa wuxuu Salaada Taraawiixda ku dukanaayay masaajid ku yaallo Degmada Afgooye, waxaana gudaha Masaajidka ugu galeen dabley hubaysan oo rasaas la dhacay. Allaha u naxariisto Marxuum Gaatamow, ayaa hadda wuxuu ahaa Guddoomiyaha Ciyaaraha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, sidoo kalena waa shaqsi si wayn u garanayaan Bahda Sportiga dalka. Arxanlaawayaashii dilay Marxuumka ayaa waxa ay ka baxsadeen Masaajidka dhexdiisa, kadib markii ay toogteen Marxuumka. Dilka Marxuumkaan loo gaystay ayaa waxa uu muujinayaa in Kooxaha Manaxayaasha ah xittaa qofka uusan kaga badbaadeyn Masaajidka dhexdiisa oo ay ku dilayaan haddii uu dukanaayo iyo haddii kaleba.
-
Guddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta deeq lacageeed waxaa ay gaarsiiyeen qoyskii ku waxyeeloobay fatahaadda Webiga Jubba uu dhowaan uu ka sameeyey magaalaasi. Deeqdaan Lacageed ayaa waxaa ka faa’ideystay kun qoys oo deganaa qaar ka mid ah xaafadaha Baardheere kuna barakacay fatahaadii uu sameeyey webigga Jubba ayaa qoyskasta wuxuu helayaa lacag dhan $60,lacagtaas oo maanta lagu wareejiyey shirkadda Hormuud ee magaalada Baardheere . Lacagtani waxay qeyb ka tahay $80 kun oo baaqi ka ahaa deeqdii lacageed ee Dowladda Federaalka soo gaarsiisey Baardheere, barakacayaasha ayaa lacagtani waxay ku gaari doontaa hab EVC shacabka barakaca ah ee Baardheere. Gargaarkani ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey oo ay helaan Qoysaska faraha badan ee ka barakacay guryahooda kuwaas oo weli deegaansanaya banaanka magaalada maadaama guryahoodii ay weli fadhiyaan biyihii Webiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Jawar Mohammed, oo ah nin u dhaqaaqa arrimaha qowmiyadda Oromada dalka Itoobiya, ayaa jawaab ka bixiyey hanjaabaddii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed u jeediyey xisbiyada mucaaradka, xilli la isku hayo doorashada Itoobiya ee dib loo dhigay. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo u hanjabaya dadka diidan dib u dhigista doorashada, ayaa goor sii horreysay oo maanta ah wacad ku maray in cid kasta oo isku dayda inay go’aankaas ka hor-timaada laga qaadi doono tallaabo. “Cid kasta oo doorasho aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. Jawar Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa hadalladdii ugu dambeeyey ee Abiy ku qeexay “hanjaabad aamusin ah iyo hanjabaad cabsi gelin ah.” Waxa uu sheegay in hanjabaadda Abiy Ahmed ay tahay mid aan la aqbali karin, islamrkaana aan waxba soo kordhineyn. “Ma jirto cid tiri waxaan dooneynaa inaan awoodda ku qabsano si aan dastuuri ahayn. Xaqiiqdii waa isaga [Abiy Ahmed] iyo xisbigiisa cidda taas iminka sameyneysa,” ayuu yiri Jawar Mohammed. Hanjabaadda Abiy ayaa timid kadib markii Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ay sheegtay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyinka. TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.
-
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid-19. Wasiirka ayaa tilmaamay in maanta la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland oo uu sheegay in hadda xaaladooda ay wanagsantahy. Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa xusay in qofkii 2-aad uu Puntland maanta ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka. Puntland Post, way haysaa magacyada labada Wasiir ee laga helay Covid-19 oo xaaladdoodu hadda ka soo raynayso. PUNTLAND POST The post Puntland: Qofkii labaad oo Covid-19 u geeriyooday iyo wasiiro laga helay appeared first on Puntland Post.
-
Midwife Edna Adan has always dreamt of building her own hospital. After training in London in the 1950s, she qualified as a midwife and returned to her home in Somaliland. Unfortunately, a protracted civil war meant that it was many years before her plan could be realized, and she had to leave her homeland. During the thirty-year civil war, Edna worked for the World Health Organization (WHO) in many countries across Africa, the Middle East, and Central Asia, and was responsible for training midwives and traditional birth attendants in 22 countries. Edna shared her story of how ultrasound played a role in her quest to improve healthcare for the most vulnerable patients. Building a Hospital and a University In 1991, I went on a fact-finding mission for WHO, returning to my home with a team of nine experts from the UN. There, I saw my hometown of Hargeisa levelled to the ground. Over half a million Somalis had lost their lives in the war, and millions had fled the country. Schools and health services had been razed to the ground, with the added tragedy of the death or disappearance of healthcare professionals. Somalia currently has the highest rates of infant and maternal mortality in the world. When I retired from WHO in 1997, I sold everything I had and moved back to Somaliland. In 2002, I officially opened the Edna Adan Maternity Hospital in Hargeisa. It took everything I had, plus generous contributions from the local community—who gave all the construction materials for free—and constant fundraising from supporters in the U.S. and UK. Meeting a Desperate Need I recruited more than 30 nurse candidates. That training initiative eventually became Edna Adan University, with over 1,000 students currently enrolled in courses in nursing, midwifery, medicine, anesthesia, pharmacology, laboratory technology, dental technology, and public health. After safely delivering over 22,000 babies, our hospital has infant and maternal survival rates 75% higher than the national average, and we pioneered the specialty of repairing obstetric fistulas. We treat anybody who comes to us—patients who nobody else wants to serve because they’re too poor, too complicated a case, or refugees from Yemen and Ethiopia. In Somaliland, women who have normal pregnancies don’t go to hospitals. So if a patient makes the journey to us, there is usually something seriously wrong. These women have never had a prenatal examination and never been to a hospital in their lives. They have nowhere else to go and no money to pay for the essential healthcare for them and their unborn children. The Gift of Ultrasound Eight years ago, a team of ultrasonography experts visited us at the hospital and trained our doctors and midwives to perform ultrasound evaluations using two Fujifilm Sonosite machines. After my staff had practiced on over 100 patients, the team gifted the machines to us. The ultrasound machines are extremely robust in this challenging environment. We have become so used to depending on the vital information gained from ultrasound evaluations that we now do everything we can to acquire used and refurbished ultrasound machines. All our doctors are trained in the use of ultrasound, and most senior midwives in the prenatal clinic know how to find the uterus, find placental insertions, identify the gestation period, and assess the fetal heartbeat. Ultrasound is incredibly useful. For instance, we have identified triplets, and we can identify placenta previa during a prenatal check-up and prepare for a caesarean section rather than wait for the woman to start bleeding. Sometimes there’s an abruption, and we don’t know what’s causing it, and ultrasound images can give us this information. We often need to know whether a baby is alive or not and, if we cannot pick up a heartbeat using a stethoscope, the ultrasound picks up signs of life for us. There is no doubt that using ultrasound on expectant women saves maternal and infant lives. Qaran News
-
Allah u naxariisto waxaa maanta magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ku geeriyooday wasiirkii dhaqan cellinta Maleeshiyaadka maamulkaasi. Allah u naxariistee Axmed Cumar Gaaboow ayaa ahaa wasiir iyo xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaana uu u geeriyooday xanuun maal mihii la soo dhaafay uu la jiifay wasiirka. Masuuliyiinta dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa xaqiiqiyey geerida maanta ku timid wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeyishaadka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid wasiirka isaga oo tacsi u diraydhammaan maamulka golayaasha iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Marxuum Axmed Cumar Gaaboow. Qoraal la soo dhigay bogga Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa madaxweyne isaga ku hadlayay Afka golayaasha maamulkaasi , iyo Shacbiga ku dhaqan dowlad goboleedka Hirshabelle ayuu marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno uu ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Illaahey ka siiyo. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/BAr-____-Qubanha-Wrraka-07052020-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan milatariga Somalia. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay weerar ka fuliyeen saldhigyo ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada hoose. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, islamarkaana halkaasi ay ku dileen 14 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in hub fara badan ay ka soo furteen Al-Shabaab. Maalmihii dambe ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka shabellada Hoose, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-07052020-1.mp3 View the full article
-
J2Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gshaanle Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi. Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi. Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib ula wareegaan saldhiggaasi. “Saldhigaan waxa soo soo shaqeynay muddo dheer waxaana soo dhaweynayaa in Ciidamada Booliska ay la wareegaan waana bogaadineynaa’Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jacfar. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen. “Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa”ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda . “Sidoo kale waxaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iga digeynaa inay bulshada u isticmaalaan adoow ka baxsan masuuliyadda ay bulshada u hayaan si loo illaaliyo kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ah ee u yaalla dalka”Xeer illaaliyaha Guud ee Qaran. Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka . Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo ka dhan ah bani’aaddanimada. View the full article
-
Popular Contributors
