-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qudus (Caasimada Online) – Maraykanku waxaa uu diyaar yahay in uu Daanta Galbeed u aqoonsando dhul ay leedahay Isrell todobaadyadda soo socda, sida uu sheegay Safiirka Maraykanka ee Israel David Friedman. Wareysi uu siiyay wargeys laga leeyahay Israel oo lagu magacaabo Israel Hayom ayuu Friedman ku sheegay in mar horse loo baahan yahay dhowr tallaabo inay qaado Israel ka hor aqoonsiga. Wareysigaan waxaa uu bixiyay xilli ay ku beegnayd sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay markii safaaradda Maraykanka laga raray Tel Aviv ee la geeyay Qudus. “Washington ma qorsheyneyso in shuruudo cusub kusoo rogto tallaabadaan,” ayuu yiri. Freidman ayaa sheegay in Maraykanku uu aqoonsan doono in Daanta Galbeed ay ka tirsan tahay Israel, haddii Israel ay sameyso saddexdan talalabo. 1 – In la dhameystiro naqshadeynta qariiradda cusub ee Israel oo ay ka muuqato Daanta Galbeed. 2 – Israel ay joojiso deegaameynta goobaha cusub ee aaga loo yaqaan “C”. 3 – Iyo in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ogolaado in uu Falastiiniyiinta kula xaajoodo qorshaha nabadda ee Maraykanka, taas oo mar hore uu Netanyahu ogolaaday. “Ma ahan Maraykanka cidda madax banaanida ku dhawaaqaysa ee waa Israel. Markii ay ku dhawaaqdana Maraykanku diyaar ayuu u yahay in uu aqoonsado” ayuu yiri safiirku. Israel waxaa la filayaa in Daanta Galbeed ay dhulkeeda ku darsato 1-da July, sida ay isku raaceen Netanyahu iyo madaxa xisbiga Blue and White Benny Gantz, oo hadda wada dhisay Dowlad wadaag ah. Sidoo kale guddi ka kooban ergo ka kala socota Maraykanka iyo israel ayaa ka shaqaynaya naqshadeynta dhulka ay Israel goosaneyso, Maraykankuna uu doonayo in uu aqoonsado. Nabil Abu Rudeineh oo ah afayeenka Madaxtooyadda Falastiin ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay hadalka Friedman. War lagu daabacay wakaaladda wararka WAFA ayuu ku sheegay in go’aanka dhul goosiga uu ku saleysan yahay “heshiiskii qarniga” ee Maraykanka. Qorshaha uu Madaxweyne trump ku tilaamo “heshiiska qarniga” waxaa uu ku dhawaaqay 28-kii bishii January. Waxaana uu dhigayaa in Qudus ay tahay caasimadda aan kala qaybsaneyn ee Israel, islamarkaana inta ugu badan ee Daanta Galbeed ay dhulka Israel ka mid tahay.
-
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaannadooda halka sidoo kale ay korortay tirade dadka u geeriyoonaya xanuunkaan. Agaasimaha wasaaraddaasi Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 11 qof ooh or leh laga helay safmarka COVID-19 waxa uuna intaas ku daray in hal qof oo ka mid ah uu xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee haatan laga xaqiijiyay deegaannada Soomaaliland ee Coronavirus ayaa ah 34 kiis halka 4 qof ay xanuunka u geeriyoodeen waxaana sida ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay cudurka ka bogsaday 3 qof. Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan uu ku dhacay 928 halka ay u geeriyoodeen 44 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaaradii xamuulka ahayd ee laga lahaa dalka Kenya ee Isniintii ku burburtay degmada Bardaale ayaa waxaa imika la xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen. Ciidamada Itoobiya ee diyaaradda soo riday ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn ciidamada nabad ilaalinat ee Midowga Afrika ee Amisom. Bayaan ka soo baxay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo nuqul ka mid ah ay BBC heshay ayaa lagu sheegay in diyaaradani markii ay ku soo hobatay garoonka ay sameysay weec-weecad aan lagu aqoon diyaaradaha taasi oo keentay in cidamada ay toogtaan iyaga oo ka shakiyay in howlgal is-miidaamin ah ay u socoto. Amisom ayaa intaa ku dartay in uu jiray xiriir la’aan ka dhaxeysay ciidamadii goobtaasi ku sugnaa iyo diyaaradda taasi oo la xiriirta hanaanka ammaanka ee maareynta duulimaadyada. Abaanduulaha ciidamada ayaa sheegay in koox baaritaan oo isku-dhaf ah islamarkana ka kooban saraakiil ka kala socota Somaliya, Itoobiya iyo Kenya ay baaritaan ku sameyn doonaan diyaaradda Isniintii la soo riday. Diyaaradan oo ka diiwaan gashaneyd Kenya islamarkana ay iska laheyd shirkadda African Express ayaa markii la soo ridayay waxay sidday gargaar caafimaad. Dhammaan shaqaalihii saarnaa diyaaradaasi ayaa dhacdadani ku geeriyooday Qaran News
-
Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka Katie Miller, oo la taagan madaxa shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka Kaaliya sare oo ka tirsan xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mareykanka ayaa laga helay cudurka Corona maalin uun ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalaha Aqlaka cad laga helay Covid-19. Katie Miller, ayaa noqonaysa sargaalkii labaad oo ka tirsan Aqalka cad oo toddobaadkan cudurka laga helo. Waxaa sidoo kale karantiil lagu sameeyay xubnaha qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka. Aqalka cad ayaa sheegay in madaxwayne Trump iyo ku xigenkiisa imika maalin walba laga baaro cudurka islamarkana ilaa iyo imika aan feyrsika laga helin. Mrs Miller ayaa u dhaxday kaaliyaha madaxwayne Trump, Stephen Miller. Waxaa horey cudurka Corona looga helay mid ka mid ah saraakiisha militariga ah ee sida dhaw ula shaqeeya madaxwayne Trump. Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uusan ka walaacsanayn feyriska ku soo fidayo aqalka cad. Mar wax laga waydiiyay sababta uusan u xiran qalabka Sanka lagu xirto mar uu dhawaan booqday meelo ka baxsan Aqalka cad ayaa waxaa uu sheegay in uu dadka ka fogaado. Madaxwaynaha ayaa caddeeyay in uusan jeclayn qalabka afka iyo sanka lagu duubto isaga oo sheegay in uusan jecleyn qaabka uu u ekaado marka uu xirto. Mar wax laga waydiiyay suurtagalnimada in uu cudurka ku sii faafo Aqalka cad ayuu Mr Trump waxaa uu wariyayaasha u sheegay “waxa kali ah ee aad sameyn karto ayaa ah in aad qaado tallaabooyiin taxadar ah .” Guddiga xakameynta cudurka Corona ee Mareykanka ayaa waxay sheegeen in maalin walba dalka Mareykanka imika la baaro 248,000 qof Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey arrimo ku aadan diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay ciidamada Itoobiya ku soo rideen degmada Bardaale ayaa shaaciyey in shilkaasi uu banaanka soo dhigay xiiriirka qarsoon ee ka dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa xusay dhacdadaasi ay muujineyso sirta u qarsoon Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qaadi doono go’aano sharci oo ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku aadan xad-gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga ku daaday Berdaale, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne Farmajo, hada waan fahaney waxa adiga iyo Abiy Ahmed idinka dhaxeeyo aad BFS iyo umada Soomaaliyeed kaqarineysey inaad usharaxdo laakiin Ilaah ayaa banaanka keeney ceebtaada. Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed na waxay qaadi doonaan goaano sharci oo kadhan ah ku xad gudubka madax banaanida dhulka iyo dhiiga Berdaale kudul daadisey.” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Senator Ilyaas Cali. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Soo gelitaanka Ciidanka Ethiopia ee aan qeeybta ka aheyn AMISOM waxay si cad uga soo horjeedaa sharafta iyo madaxa banaanida dhulka Soomaaliyeed.” Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo AMISOM bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in diyaaraddii todobaadkii la soo dhaafay ku dhacday degmada Bardaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha degmadaasi, kuwaas oo aan ka tirsaneyn howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda gudaha Soomaaliya.
-
Qoraal ka soo baxay taliska midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM ayaa waxaa warbixin looga soo saaray diyaaraddi ay lahayd African Express ee 4-tii bishan ku burburtay degmada Bardaale taas oo ay sheegeen inaysan soo ridin ciidamadooda balse ay ahaayeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxsan AMISOM islamarkaana ay tahay inay kawada hadlaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Qoraalka AMISOM waxaa ku jiray in diyaaradda looga shakiyay mid ismiidamin ah oo u jeedkeedu ahaa inay isku qarxiso xero halkaasi ku taal iyaga oo intaa raaciyay in diyaaradda ay ka timid dhinacii la filayay maahane dhinac kale. Isla warbixintaan waxaa ku xusan in xiriir xumi ka jiraty qeybaha kala duwan ay keentay in diyaaradda la soo rido halkaasina ay ku dhintaan saddex kenyaan ah iyo labo Soomaali ah. 4-tii bishaan ayey ahayd markii diyaarad sidday shixnad ka koobnayd maro kaneeco iyo buskudka caruurta ay ku burburtay degmada Bardaale waxaana ugu dambeyn la xaqiijiyay in diyaaraddaasi ay soo rideen ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka ahayn ciidamada AMISOM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa xalay saq dhexe xilkii iska casilay taliyihii booliska Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isaga oo faahfaahin ka bixiyay sabatii keentay iscasilaaddiisa. Taliyaha oo isla xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Galmudug ayaa sababta iscasilaaddiisa ku micneeyay arrimo la xiriira awood sheegasho isaga ka sareysa oo loo geystay waxa uuna hoosta ka xariiqay in shaqsiyaad looga shakiyay Al shabaab oo uu xiray in saacado ka yar 10 saacaddod ka dib xabsiga laga sii daayay iyada oo aan la marin wax baaritaanno. Sidoo kale taliyahan xilka banneeyay ayaa tibaaxay in shabakad isku xirnayad oo ay taleefanadooda ka heleen xog muujinaysa inay xiriir la leeyihiin Al shabaab kuwaas oo xabsiga la dhigay si baaritaanno dheeri ah loogu sameeyo in loo fakiyay dhinaca magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxa uuna intaas ku daray in madaxda ka sareysa isaga inaysan ku aaminin xilka loo igmaday. Dhame Burhaan Axmed ayaa horey uga mid ahaa saraakiishii Ahlu Sunna ee lagu biiriyay ciidanka dowladda federaalka ah waxaana xilkan uu haatan iska casilay loo magacaabay 22-kii Febaraayo ee sanadkan waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ee ka howlgalaysay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo isugu jira nabad sugid iyo milatari la geeyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaanka Qalaanqalle oo hoostaga magaaladaasi, kaas oo dhowaan ay ku dagaalameen laba beelood. Ujeedka ciidamada loo geeyey halkaasi ayaa ah, sidii ay u kala dhex gali lahaayeen maleeshiyaadka labada dhinac, iyagoona la wareegay amniga guud ee deegaankaasi. Taliyaha nabad sugida ,Mahdi Cumar Muumin, taliyaha howwlgalinta milatariga qaybta 21-aad Cali Cagawayne iyo saraakiil kale ayaa haatan ku sugan deegaanka Qalaanqalle. Sidoo kale waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisada u dhexeysa labad beel oo isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed. Xaalada deegaanka ayaa degan, balse waxaa dagaalkii u dambeeyey oo dhacay todobaadkii la soo dhaafay ku dhintay 6 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.
-
Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay webiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Webiga ayaa ku fatahay tuulooyinka Buuf-Fuule, Xudur Ciise iyo Shiidle Bari oo dhammaan hoostaga degmadaasi. Sidoo kale dadka deegaanka oo ay saameysay fatahaadaasi lagu soo warramayaa inay bilaabeen in ay isaga barakacaan halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxa cabsi iyo walaac laga muujinayey fatahaada webiga Shabelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. View the full article
-
Ethiopian forces in Somalia have admitted to shooting down a Kenyan cargo plane on Monday, leading to six deaths, on ‘mistaken identity’. Source: Hiiraan Online
-
Degmada Waabari ee gobolkaan Banaadir ayaa xalay daaqada kala baxday dhiggeeda degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka D ee wareega koowaad, tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan adag oo xiiso badan. Sidoo kale labada degmo ayaa u dambeeyey guud ahaan is-araga labaad, wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle oo haatan maraya meel xasaasi ah. Waabari oo guusha la hoyatay ayaa la timid 14 dhibcood, halka Afgooye oo dhinaca dhulka loo dhigay ay keenstay 12 buundo, sida uu ku dhawaaqay Wariye Xasan Weli. Degmada Waabari sidoo kale waxay horay barbaro ula soo gashay dhiggeeda degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose laga soo badiyey, kadib markii ay isku beegmeen degmada Kaxda ee G/ Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
With global fear mounting as the COVID-19 pandemic is taking its toll all over the world, vulnerable Ethiopian migrants in the Middle East, where some 220,000 live, are facing deportation in the remaining months of 2020 Source: Hiiraan Online
-
Shirka guddiga qaran ee xakameynta cudurka Covid-19 oo uu xalay shir guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray saameynta dhaqaale ee uu dalka ku yeeshay xanuunka oo ku sii faafayo Somalia. Inta uu socday shirka oo ahaa mid dhanka Internet-ka ah ayaa lagu soo qaaday, sida ugu haboon ee loo wajihi karo saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Coronavirus. “Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo.” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia. Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof. View the full article
-
Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb, Dhamme Burhaan Axmed oo xalay saq-dhexe shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaaladaasi ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, isaga oo sababta ku sheegay in faro-gelin qaawan lagu sameeyey shaqadiisa. Burhaan ayaa tilmaamay in laba jeer xabsiga laga sii daayey eedeysanayaal uu soo xiray, islamarkaana lagu hayey baaritaan ku aadan inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, wuxuuna xusay in mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay ku lug leeyihiin arrintaasi Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu gartay in xilka uu baneeyo, si aysan dhibaato kale u imaan inta uu joogo taliska. Dhamme Burhaan oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa xilkaan hayey mudo yar, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug .oo ku aadan is-casilaadiisa. View the full article
-
Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland, Mudane Cumar Cabdullaahi Cali (Bade) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaciyey kiisas cusub oo Coronavirus ah. Wasiir Bade ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay xanuunka laga helay 11 qof, kadib baaris lagu sameeyey, isagoo sidoo kale xaqiijiyey hal dhimasho ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkaasi ay kala joogaan magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulkaasi. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shacabka ka dalbaday inay qaataan talooyinka caafimaadka, si looga hortago fidista cudurka Covid-19. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-09052020-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Xali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka. Khayre ayaa guddiga kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo xakameeyo fidista Fayraska Corona. Dhinaca kale waxaa intii uu shirka socday lagu soo qaaday saameynta dhaqaale ee uu bulshada ku yeeshay Covid-19 iyo sida loo wajahayo, xilli dalka uu ku jiro xaalad adag. “Shirka Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19 oo caawa uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa looga dooday saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda iyo sida loo wajahayo.” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Khayre. Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.
-
Beirut – Saudi authorities detained Prince Faisal bin Abdullah Al Saud, a son of the late King Abdullah and former head of the Saudi Red Crescent Society, on March 27, 2020 and have since apparently held him incommunicado, Human Rights Watch said today. Source: Hiiraan Online
-
Taliyihii Booliiska magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi, kadib markii sida uu sheegay u cadaadis iyo caga-juglayn kala kulmay mas’uuliyiin isaga ka sarraysay. Dhamme. Burhaan Axmed Rooble, oo xilka loo magacaabay 20 February 2020, ayaa sheegay in uu is casilay xalay oo taariikhdu ku beegnayd 8-dii May 2020, kadib markii uu cabasho ka muujiyay cadaadis uu kala kulmay mas’uuliyiin sare oo uusan magacaabin. Dhamme Rooble, ayaa sheegay in marar kala duwan lagu amray in uu sii daayo dad looga shakisanaa Al-shabaab iyo shabakado kale oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo mas’uuliyiin isaga ka sarraysay ay amartay sii dayntooda, islamarkaana isaga laftiisa cadaadis iyo caga-juglayn lagu sameeyay. Sidoo kale, wuxuu si faahfaahsan u soo bandhigay dhacdooyinka kala duwan oo uu la kulmay mudadii xil-hayntiisa, kuwaas oo lagu amray in uu sii daayo dad ku eedaysan Al-shabaabnimo oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Taliyihi Booliiska Dhusamareeb oo shaaciyay sababta uu isu casilay appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin loo diray Xafiiska Kakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsanayn Hawlgalka AMISOM ay soo rideen, diyaaraddii African Express ee 4-April 2020 ku burburtay degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Warbixintan oo uu diray Taliska Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM, ayaa lagu sheeegay in diyaaradda la soo riday aysan wax xiriir ah ka heysan Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh degmada Bardaale, balse soo wargelisay Qeybta 3aad Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM). Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay, in markii diyaarad ay imaanayso Bardaale ay caadiyan ka timaaddo dhanka Bari una caga-dhigato dhanka Galbeed, balse diyaaraddaas ay dhanka Galbeed ka soo duushay, islamarkaana mudda ku dul wareegtay xero milateri oo halkaas ku taalla, kadib markii caguhu u bixi waayeen, sidaas darteedna looga shakiyay. Sidoo kale, warbixinta ayaa intaas ku dartay, in kadib markii diyaaraddu ay sameysay dhaq dhaqaaqyo badan in looga shakiyay in ay is qarxiso, ayna isku dayeysay in ay raadsato bartilmaameedka xeradaasi ciidan, kadibna ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM, islamarkaana ay ku dhinteen saddex muwaadin oo Kenyan ah iyo laba muwaadin oo Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso warbixinta PUNTLAND POST The post Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM oo la xaqiijiyay in ay soo rideen diyaaradii African Express appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ee laga soo doorto Degmada Cadaado ayaa shalay booqday Degaanka Qalaanqale oo dhowaan dagaallo ku dhex mareen laba beelood oo halkaasi wada deggan. Xildhibaanadaas ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa la kulmay saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee la kala dhex dhigay Labada Malaysiya-beeleed kuwaas oo ay kala hadleen Nabadaynta Degaanka. Sidoo kale waxa ay Degaanka Xinjilab kula kulmeen Odayaasha dhaqanka Waxayna ku boorriyeen in ay Bulshada ku wacyi geliyaan Nabadda iyo Walaalnimada islamarkaana Ciidamada ku gacan-siiyaan ka shaqaynta Amniga. Degaanka Qalaanqale ee Xildhibaannadu booqdeen oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa dhowaan dagaallo culus ku dhexmareen laba Malayshiya beeleed oo halkaas wada deggan waxaana kala dhex galay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Galmudug. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo gaaray Degaano ay ku dagaalameen Laba Beelood appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Taliyihii ciidanka Booliiska Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, isagoo sababeeyey is-casilaadiisa. Dhamme Burhaan Axmed oo horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda federaalka ku biiray ayaa xlkaas loo magacaabay 22-kii bishii Febraayo ee sanadkan, balse haatan ayuu isku casilay faragelin uu ka tirsanayo saraakiisha ka sareysa ee booliska Soomaaliya. Sarkaalkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragelin cad lagu sameeyay shaqadiisa, isla markaana dad lagu eedeyey Shabaabnimo oo ku xirnaa saldhigga Dhuusamareeb oo baaritaano ku socdaan laba jeer laga fakiyey. ”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafayo, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, waxaana ninkaas markii lasii daayey loo fakiyey dhanka Cadaado” ayuu yiri Taliyaha is-casilay ee booliska magaalada Dhuusamareeb. Taliye Burhaan ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo madaxda ka sareysa ee booliska Soomaaliya ka dalbaday in xilkan loo soo magacaabo sarkaal kale.
-
Popular Contributors
