-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee maamulkaas. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda Cudurka ee dalka oo kiisas kala duwan laga helay iyo sidii Guddiga COVID-19 ee u qaabilsan Hirshabeelle u sameeyn lahayeen wacyi-gelin joogta. Xubno ka tirsan Guddiga ayaa kulanka ka sheegay in faafida Cudurka looga hortego dadaal la sameeyo ayna dadka qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, isla markaaana si wadajir la isaga kaashado ka hortegiisa. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Cudurka uu yahay xaalad khatar oo aan la hayn daawo isagoo Guddiga COVID-19 ee Hirshabeelle kula dardaarmay in ay sidii wadaan dadaalada ka hortaga xanuunka. Sidoo kale shacabka ayuu Madaxweyne Waare ugu baaqay in ay qaatan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta Caafimaadka, si looga hortego faafida Cudurka maadaama dalka laga diiwaan-geliyay kiisas badan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay Guddiga ka hortagga COVID-19 ee Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin loo diray wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa lagu xaqiijiyey in ciidamo Itoobiyan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay soo rideen diyaaraddii shirkadda African Express ee afartii bishan ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Qoraalkan, oo uu diray taliyaha ciidamada Amisom, ayaa lagu sheegay in diyaaradda lasoo riday kadib markii laga shakiyey inay fulin lahayd weerar is-miidaamin ah, ayna isku dayeysay inay hesho bartilmaameed. Sababta shakiga ayaa lagu sheegay in caadiyaan marka diyaaradda ay kasoo degeyso garoonak Bardaale ay jihada cago dhigashadeedu tahay Bari-Galbeed, balse diyaaradda ay ka imaneysay jihada Galbeed-Bari, taasina ay tahay sababta ay ciidanka u shakiyeen. “Xiriir la’aan iyo wada-shaqeyn la’aan darteed ayaa lasoo riday diyaaradda, waxaana ku dhintay saddex qof oo Kenyan ah iyo laba qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Amisom ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in maadaama ciidanka diyaaradda soo riday ee Itoobiya aysan ka mid ahayn Amisom, loo baahan yahay baaritaan dheeri ah oo ay si wadajir ah u sameeyaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya si faham dheeri ah looga helo xaqiiqda waxa dhacay.
-
Mareykanka oo Dalka Sacuudiga kala baxaya Gantaallo iyo ciidan looga difaaci jiray Iran Maraykanka ayaa dalka Sucuudi Carabiya kala baxaya afar ka mid ah habka difaaca gantaalaha ee loo yaqaan Patriot iyo tobaneeyo ciidan ah xilli xiisadda kala dhaxaysa Iran ay meel sare marayso, sida uu daabacay Wargeyska Wall Street Journal. Qalabkaan militari waxaa Boqortooyadda Sucuudiga la geeyay dabayaaqadii bishii September ee sanadkii hore kadib markii gantaalo iyo drones lagu weeraray warshadaha shidaalka Sucuudiga ee Abqaiq iyo Khurais. Weeraradii lagu qaaday warshadaha saliida Sucuudiga ee Aramco waxay bur-buriyeen 5.7 million oo barmiil ee saliida ceeriin oo ay maalin walba warshaduhu soo saari jireen, taasi oo ah qiyaastii 6 boqolkiiba wax soo saarka saliidda caalamka, waxayna sababeen in uu kor u kaco qiimaha shidaalka. Kooxda xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalanta ayaa sheegtay masuuliyadda weeradda, laakiin Sucuudiga iyo Maraykanku waxay ku eedeeyeen Iran, xukuumadda Tahran ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha loo jeediyay. Warbixin lasoo dusiyay oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegeeysa in baareyaashu aysan weeradda drone-ka iyo gantaalaha la xiriirin karin in ay ka yimaadeen Iran. Wargeyska Wall Street Journal ayaa Khamiistii wariyay in saraakiisha qaar ay rumeysan yihiin in ka bixitaanka Maraykanku uu ku saley sanyahay “in aysan Iran khatar deg-deg ah ku ahayn danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka.” Wargeysku waxaa uu sheegay in la bixista difaaca gantaalaha ay wehliyaan tobanaan ciidan militari ah, Maraykankuna uu sidoo kale tixgelinayo in uu yareeyo joogitaanka ciidankiisa badda ee gacanka. Saraakiil Maraykan ah ayaa walaac ka muujiyay in yareynta joogitaanka militari-ga ee gobolka ay keeni karto khatar cusub oo ka timaada Iran, iyadoo weli uu jiro cadaadiska dhaqaale ee Maamulka Trump uu ku hayo xukuumadda Tehran. Qaar kale waxay leeyihiin qalabka militari-ga ee ay ka mid yihiin maraakiibta dagaalka iyo hubka waa in meel kale looga faa’iideysto. Sida ay saraakiishaasi sheegeen, Gaashaandhigga Maraykanka waxaa uu hadda diiradda saarayaa in uu ka hortago saameynta militariga Shiinaha ee ku fideysa Asia. Iran waxaa ay leedahay awooda gantaal ee balaastiga iyo Kuruuska ah ee ugu weyn Bariga Dhexe waana ay ka awood badanyihiin nidaam kasta ee difaac ee Sucuudigu leeyahay. Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqa Qaran ee Amxaarada Itoobiya, National Movement of Amhara (NAMA) ayaa la saftay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo ay ishayaan mucaaradka dalkaas, gaar ahaan qowmiyadda Tigrayga. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. NaMa ayaa sheegay inaysan xal ahayn in marka dowladda Abiy Ahmed waqtigeedu dhamaado bisha September la aas-aaso dowlad cusub oo KMG ah inta doorashooyinka dalka laga qabanayo, taasi oo mucaaradka ay dalbadeen. NaMa ayaa sheegay in xalka ugu wanaagsan uu yahay in dowladda hadda jirta ay xukunka sii hayso, illaa doorahsooyinka xiga laga qabanayo, islamarkaana ay hogaamiso xilliga kala-guurka. “In la eego danta fog ee dadka waa waxa ugu wanaagsan, intii la raadin lahaa dano siyaasadeed oo muddo gaaban ah, waxaana ku baaqeynaa wada-hadal, dhex-dhexaadin iyo dib u heshiiisin,” ayuu yiri Golaha NaMa, oo bayaan soo saaray. NaMa ayaa ugu baaqay dowladda inay isku diyaariso inay difacado nabada iyo ammaanka dalka. Nama ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ururka Tigrayga ee TPLF, oo ay ugu yeereen “xoogag laga guuleystay oo doonaya inay dib usoo celiyaan caburintii dadka.” Amxaarada iyo Tigrayga Itoobiya ayaa aad isku neceb sababo la xiriira in Tigrayga oo uu hoggaaminayey Meles Zenawi ay xukunka ka tureen Mengistu Haile Mariam oo Amxaaro ahaa.
-
Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo codka Kalsoonida loo qaadayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayay baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kalsoonida 18-ka bishan May, xilli uu ku howlanaa la tacaalidda coronavirus tan iyo markii uu noqday madaxa isbahaysiga cusub ee haatan talada haya laba bilood ka hor. Mooshinka soo jeedinaya in codka kalsoonida loo qaado ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey Mahathir Mohamad, oo ah 94 jir iska casilay xilka ra’iisulwasaarenimo bishii February, ka dib markii isbahaysigii uu hogaaminayay uu burburay. Muhyiddin, oo ahaan jiray mid ka mid ah dadka uu Mahathir aadka ugu kalsoonaa ayaa 1-dii March loo dhaariyey xilka ra’iisulwasaarenimo, ka dib markii uu noqday madaxa isbahaysi ay ku midoobeen axsaabta qowmiyadda Malay oo aqlabiyad yar ku hogaaminaya baarlamaanka dalkaasi, taasi oo ah 116 xubnood oo ka mid ah 222-ka kursi ee baarlamaanka. Muhyiddin ayaa bishii March waxa uu dib ugu dhigay bilaabashada howlaha baarlamaanka ilaa muddo laba bilood ah, xilli ay xubnaha mucaaradku ay riixayeen olole ka dhan ah xukuumaddiisa cusub. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Malaysia oo codka Kalsoonida loo qaadayo appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qabruurihi hore ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inuu buuxsamay, oo haatan dadka lagu aaso qabuuro cusub, xilli dad badan ay magaalada ku dhimanayaan ayada oo cudurka Coronavirus uu aad usii fidayo. Ilaa hadda ma cadda inta ay la’eg tahay tirada dadka Muqdisho dhexdeeda Coronavirus ugu dhimanaya, laakiin dadka xabaalahan joogo ayaa BBC u sheegay inuu korar ku yimid qabriyada ay qodaan iyaga oo sheegay iney maalinkasta qodaan ilaa 20 qabri. Afar qoys oo mid walba uu qof ka dhintay ayaana qabuuraha joogay, wajiyadooda murugo ayaa ka muuqatay, waxay waayeen xubin qoyskooda ka tirsan oo aan dib ugu soo noqoneyn. “Sidaad ogtihiinba markii hore ilaa iyo 450 qabri iyo wax ka agdhow ayay qabuuraha ahaan jireen laakiin bishan 558 ayey ahaayeen marka 100 baa ku korortay, waa bishi la soo dhaafay ee afaraad taasoo macnaheedu yahay maalin walba 3-4 qof ku dhawaad oo siyaada ah ayaa halkan la keenayey. Marka dadweynihi oo xawaalaha loo soo dahweeyey wey noqon kartaa dhibka jirana qayb ayuu ka yahay taa lama inkiri karo” ayuu yiri guddoomiaha qabuuraha barakaat Cali Wehliye. Cudurka COVID19 wuxuu ku faafay gobollada dallka oo dhan, dadka caafimaadka ka shaqeeya ayaana dagaal kula jira xanuunkan laakiinse Soomaalia malahan awood kaga hortagto ama ay kula socoto tirada saxda ah ee xanuunkan, waxaanay sidoo kale lahayn adeegyo caafimaad oo awood u leh dawaynta dadka uu xanuunka uu soo rito. Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney dad 40 qof ka badan ay u geeriyoodeen xanuunka corona. Laakin duqa magaalada muqdisho ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay maamulka gobolka diiwaan galiyeen 500 oo dhimasho, tiradaan ayaa aad uga badan intii hore u dhiman jirtay waxuuna u badiyay inay covid-19 u dhinteen dadka geeriyooday. “Waxaan soo billaawnay inaan gudbinno tirada meyd ee qabuuraha la geeyo maalin walba 19-ka Apriil ilaa iyo caawa warbixintaasi waa gudbinnay. Maanta 32 meyd ayaa la soo aasay, tiradi ugu badneed oo aan gudbinno maalin qur ah waxay ahayd 49, tirada ugu yareyd oo aan gudbinnayna waxay ahayd 22” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxammed (Cumar finish). Xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala magaalada Muqdihso ayaa duqa magaalada badi ku raacsan hadalkiisa, ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaana ka digay in ay dad badan ay fayraska corona ugu dhiman doonaan Soomaliaya, hadii aanay Soomaaliya caawinaad helinna ay xaalad xun gali karto Cudurka Safmarka covid-19 waxuu saameeyey mid ka mid ah adeegyada caafimaad ee ugu liita adduunka. Soomaaliya waxay leedahay wax ka yar 20 sariirood oo daryeelka degdegga ah, waxaana aad ugu yar qalabka neefta ee ventilator loo yaqaanno waxay sidoo kale leedahay hal isbitaal dawladeed oo la tacaalo bukaanka Covid-19. Xaaladda ayaana si aad ah gacanta uga sii baxaysa xakameynteeduna ay adkaan doontaa hadii aan degdeg wax looga qaban. Xigasho: BBC Somali
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ee Covid-19 ayaa shaacisay kiisas cusub. Agaasimaha wasaaradda caafimaadka maamulkaasi, Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbixintaan la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in xanuunka laga helay illaa 11 qof oo hor leh, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey. Sidoo kale agaasimaha ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah dadkaasi uu geeriyooday, kaas oo noqday qofkii afaraad ee Coronavirus ugu geeriyooda Somaliland. Xergeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka la karantiilay, islamarkaana ay gaartay 64-ruux, kuwaas oo badankood ka yimid dhinaca Jabuuti. Waxa kale oo uu tilmaamay in dadka uu soo ritay xanuunka ay u badan yihiin rag, islamarkaana ay gaarayaan 70%, halka dumarka ay yihiin 30%. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanada Somaliland inay qaataan talooyinka caafimaadka, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah. Shalay ayey aheyd markii Somaliland laga diiwaan-geliyey kiisas la mid ah kuwa maanta oo gaarayey illaa 11 qof, kuwaas oo kala jooga magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Tirada guud ee deegaanada maamulka Somaliland ee Covid-19 ayaa haatan mareysa illaa 34 Qof, iyadoona dhimashadu ay sii cagacageyneyso illaa 4 ruux.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: The United States provides over $37 Million to Ethiopia for COVID-19 Response Over the past 20 years, the United States’ long-term investments in Ethiopia amount to more than $13 billion in total assistance – with nearly $4 billion in health alone ADDIS ABABA, Ethiopia, May 8, 2020/ — Since the outbreak of COVID-19, the United States Government has committed over $37 million to Ethiopia to help mitigate the spread of the virus. Through the U.S. Department of State, the U.S. Agency for International Development (USAID), and the U.S. Centers for Disease Control (CDC), the United States is working closely with partners from the Ministry of Health, the Ministry of Peace, the Ethiopia Public Health Institute, the National Disaster Risk Management Commission (NDRMC), and other international and local partners to provide life-saving support in response to the ongoing coronavirus emergency. Through this assistance, the United States is supporting: Case management to strengthen clinical care while minimizing the risk of onwards transmission to others. Infection prevention and control to prevent and control infections in health-care facilities. Laboratory strengthening to prepare lab systems for large-scale testing for COVID-19. Public health screening to help Ethiopia implement emergency plans to screen people arriving at various points of entry, including Bole International Airport. Communications and media campaigns to help educate the Ethiopian public on steps they can take to prevent and respond to the spread of the virus. Surveillance and rapid response support to enhance COVID-19 case identification, investigation, and contact tracing. Continued operations at Hawassa Industrial Park to preserve jobs and repurpose manufacturing facilities to produce personal protective equipment for domestic and regional use. To ensure humanitarian assistance continues to reach those in need, including refugees and internally displaced persons, U.S. coronavirus assistance ensures proper safety and hygiene measures at food distribution sites, including adequate water and sanitation facilities. “As we have done time and time again, the United States will continue to support others during their time of greatest need. The COVID-19 pandemic is no different. And both during and after this crisis, we will remain steadfastly alongside our Ethiopian friends and partners to help build a brighter future for all Ethiopians,” said Ambassador Michael A. Raynor. Over the past 20 years, the United States’ long-term investments in Ethiopia amount to more than $13 billion in total assistance – with nearly $4 billion in health alone – highlighting the American people’s long-standing partnership with Ethiopia. The United States also continues to be the largest financial contributor to international financial institutions, including the International Monetary Fund and the World Bank, which are providing hundreds of millions of U.S. dollars in direct support of the health sector and emergency loans to assist Ethiopia and others in meeting the challenge of COVID-19. Finally, the United States has been the largest provider of bilateral assistance in public health worldwide for decades. Since 2009, American taxpayers have generously funded more than $100 billion in health assistance and nearly $70 billion in humanitarian assistance. VIDEO: Together, We Will Beat COVID-19: https://youtu.be/BklXDbECvJk Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia. SOURCE U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 8 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 8, 2020/ — New cases: 3 Active cases: 93 Critical: 1 New recovered: 2 Total recovered: 95 New deaths: 0 Total deaths: 4 Total cases: 194 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Djibouti: IMF Executive Board Approves a US$ 43.4 Million Disbursement to Djibouti Under the Rapid Credit Facility and Debt Relief Under the Catastrophe Containment and Relief Trust to Address the COVID-19 Pandemic IMF support will provide additional resources for the essential health and other emergency spending, including social safety nets WASHINGTON D.C., United States of America, May 8, 2020/ — The IMF Executive Board approved a US$ 43.4 million loan to Djibouti to support the authorities’ response to the COVID-19 crisis, as well as debt relief under the CCRT, which will generate additional resources of US$ 2.3 million over the next five months, and potentially up to US$ 8.2 million over the next 23 months; IMF support will provide additional resources for the essential health and other emergency spending, including social safety nets. It will also help catalyze additional donor support; The authorities are committed to use the additional IMF resources transparently and to ensure that expenditures are well-targeted and cost-effective. The Executive Board of the International Monetary Fund (IMF) today approved a disbursement under the Rapid Credit Facility (RCF) equivalent to SDR 31.8 million (around US$ 43.4 million, 100 percent of Djibouti’s quota) to help Djibouti meet the urgent balance of payment needs stemming from the COVID-19 pandemic. It also approved grants under the IMF’s Catastrophe Containment and Relief Trust (CCRT) to cover Djibouti’s debt service falling due to the IMF from today to October 13, 2020, the equivalent of SDR 1.692 million or US$2.3 million. Additional relief covering the period from October 14, 2020 to April 13, 2022 will be granted subject to the availability of resources in the CCRT, potentially bringing total relief on debt service to the equivalent of SDR 6.03 million; about US$8.2 million. The COVID-19 pandemic has considerably weakened near-term macroeconomic prospects for Djibouti. The country is facing a large negative external demand shock due to the global recession. Domestically, virus prevention and containment measures are further affecting demand and supply. Output is projected to contract by 1 percent in 2020 and lower exports of services and foreign direct investment have opened up an urgent balance of payments financing need of the order of US$ 164 million. The pandemic has also created urgent spending needs, including in the health sector, and is set to affect negatively government revenue. Following the Executive Board discussion. Mr. Mitsuhiro Furusawa, Deputy Managing Director and Acting Chair, made the following statement: “The COVID-19 pandemic is having a severe impact on Djibouti, creating urgent balance of payments and fiscal financing needs. The authorities acted swiftly to contain and mitigate the spread and impact of the virus. Their prevention and containment measures and decisions to scale up health and other emergency spending to protect households and firms hit by the crisis will help limit economic and social consequences. “The crisis and policy response will lead to a widening of the fiscal deficit this year. The IMF’s emergency financing under the Rapid Credit Facility and debt service relief under the Catastrophe Containment and Relief Trust will provide much-needed liquidity to support the authorities’ response to the crisis and could catalyze further assistance from the international community, preferably in the form of grants. The authorities are committed to use the additional resources transparently and to ensure that expenditures are well-targeted and cost-effective. “Once the crisis abates, temporary measures should be unwound, with policies refocusing on promoting a strong and inclusive recovery and preserving medium-term debt sustainability. It will be critical to address and prevent the recurrence of external arrears, ramp up operations of key projects, and reduce public sector borrowing. Reducing tax expenditures will also be important to create space for poverty-reducing spending. Efforts to strengthen banks’ balance sheets, enhance the business environment, and improve the governance and efficiency of public enterprises will be essential to foster strong and inclusive growth.” Distributed by APO Group on behalf of International Monetary Fund (IMF). SOURCE International Monetary Fund (IMF) Qaran News
-
Qatar Airways to resume flights to half its network by June
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qatar Airways plans to boost flights to about half of its network by the end of June, as governments around the globe start easing travel restrictions following months of lockdown. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG), ayaa warbixin ay maanta soo saartay uga digtay halista ka iman karta in dowladda federaalka ay dib u dhigto doorashooyinka dalka ayada oo aan la isku wada raacsaneyn. ICG ayaa ku baaqday in dowladda federaalka aysan xiisad siyaasadeed ku darin xaaladda caafimaad ee deg degga ah ee ka jirta Soomaaliya, taasi oo ka dhalatay faafitaanka cudurka Coronavirus. “Mas’uuliyiinta federaalka waa inay iska celiyaan hami kasta oo si kali ah dib loogu dhigayo xilliga doorashada ama isbeddel loogu sameynayo sharciga doorashooyinka,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG. Haddii sidaas ay dhacdo, waxaa xaqiiq ah in laga hor-iman doono, weliba suurta gal ay tahay in si rabshad leh looga hor-yimaado, ayey ka digtay ICG. “Taa beddelkeed, waa inay heshiis kala gaaraan maamul goboleedyada sida iyo goorta ay tahay in doorashada, islamarkaana la xalliyaa khilaafyadii hore.” ICG ayaa sidoo kale ugu baaqday dowldda federaalka inay saamileyda siyaasadda dalka, ayada oo aan dib loo dhigin, kala hadasho sida cudurka Coronavirus uu saameynayo doorashooyinka la qorsheeyey iyo noocooda. “Go’aan hal dhinac ah wuxuu noqon doonaa khatar, marka la eego mucaaradnimada heerka sare ah iyo u diyaar ahaanshaha isku-dhac ee ay muujiyeen saamileyda qaar. Taa beddelkeeda in lala hadlo kuwa aan dooneyn in doorashada dib loo dhigo – oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka – waxay muhiim u noqon doontaa in la xakameeyo natiijada go’aan kasta oo mas’uuliyiinta ay ka qaadanayaan arrintan,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG. Dowladda federaalka ah ayaa ku adkeysatay doorasho qof iyo cod ah, taasi oo waafaqsan rajada beesha caalamka ee ah in doorasho noocaas ah ay astaan u noqon doonto kasoo kabashada Soomaaliya ee burburka. Hase yeeshee, sida ay sheegtay ICG, dadka xog-ogaalka ah ayaa sheegay in haankan uu yahay mid aan suurta-gal ahayn, marka la eego amni darrada dalka iyo u diyaar garowga doorasho ee aadka u liita, waxaana mucaaradka qaarkood ay rumeysan yihiin in tani madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysanayo isaga oo og inuu yahay qorshe aan la fulin karin, sidaas darteedna ay tahay qiil loo sii diyaarinayo in doorashada dib loo dhigo. ICG ayaa soo jeedisay in wada-hadalka heer federal diiradda lagu saaro sidii loogu guuleysan lahaa heshiis laga gaaro waqtiga doorashada ama isbeddelo lagu smaeeyo hanaanka doorashada. Isbeddelada ICG soo jeedisay ayaa waxaa ka mid ah in laga tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, taa beddelkeedna diiradda la saaro hanaan doorasho oo dad kooban ay ka qeyb-galayaan, si la mid ah kii 2016-2017, markaasi oo ergo ka kooban 14,000 ay doorteen 270-ka xildhibaan ee baarlamanka, kuwaas oo kadib soo doortay madaxweynaha. “Tani waxay ogolaan doontaa in cod-bixiyaal kooban ay doorashada ka qeyb-galaan taasi oo yareyn karta walaacyada caafimaad, kana fogaan karta baahida loo qabo diiwaan-gelin baaxad weyn iyo dad isu-keenid,” ayaa lagu yiri warbixinta ICG. Ugu dambeyn ICG ayaa soo jeedisay, in haddii ay noqoto in doorashada dib loo dhigo, waxyaabaha lagu heshiin karo ay ka mid tahay dhismaha dowlad midnimo qaran ah, oo dowlad goboleedyada iyo mucaaradka ay xilal ku yeeshaan.
-
“Isgoyskii ku yaalay Xafiiska UCID Hortiisa oo daar cid gaar ahi leedahay laga taagay iyo Isgoyska Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa Dhinac Galbeed kaga qabsan oo Miiska Saaran. Xoggo soo baxaya ayaa tibaaxay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay damacsantahay inay shaqsiyaad ku dhaxal wareejiyso dhul uu leeyahay cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa,kaasi oo ah barxada dhinaca galbeed kaga xigta Cisbitaalka qaybta dhimarka,waxaana la sheegay in shaqsiyaad Ganacsato ahi ay ku geef wareegayeen maalmihii ugu dambeeyey. Xoggaha aanu ka hellayno illo wareegayo u dhuuman daloola ayaa xusay in dadkii ku Ganacsanayey goobtaas oo Dan yar ahaa in laga raray maalmihii ina dhaafay,taasi oo muujinaysa in ay xukuumadda Biixi ay u sii baraxayso shaqsiyaad ay dan gaar ah ka leedahay,kuwaas oo ay hantida Qaranka ku maamuusayso,iyadoo at xusid muddan tahay inuu u baahan yahay dhulkaas dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Dhanka kale Marxuum Madaxweyne Cigaal,Marxuum Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur Iyo Madaxweyne Riyaale ilaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka xishooday inay dhulkaas ay cid gaar ah ay hadyad u siyaan,haseyeeshee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda mid dhulkaas cid gaar ah ku casuumaya dhulkaas Geesta Kale Xukuumadda Biixi ayaa dhawaan ku wareejisay shaqsi ay isku beel yihiin Madaxweynaha barxada isgoyska xaafiiska Guud ee xisbiga UCID ee Hargeysa,kaas oo lagu magacaabo khadar isagoo halkaas la dhistay guri,bale xoggoha qaar ayaa sheegay in dhismahaas uu leeyahay Madaxweyne Biixi ,haseyeeshee uu food saaro ka dhiganayo wiilka lagu magacaabo khadar ee uu adeerka u yahay. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye oo warbaahinta kula hadlaayey wasaaradda Horumarinta caafimaadka ayaa xaqiijiyey in 11- qof oo cusub ee laga helay xanuunka Corona Virus. ugu horeyn wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in 60 qof oo la baadhay laga helay 11 qof oo kamid ah xanuunka Covid-19, isaga oo qof kamid ah 11- kaas qof ee cusub uu ku geeryooday magaaladda Hargeysa . Tiradda guud ee ilaa hadda xanuunka laga helay dalka ayaa wasaaraddu ku sheegtay in ay dhan tahay 23 qof , iyada oo saddex qof oo kamid ahi ay geeryoodeen . Kow iyo tobankan qof ee xanuunka laga helay ayaa kala jooga magaalooyinka Yuufle oo gobolka Sanaag ah , magaaladda Burco ,Magalaadda Hargeysa iyo Boorame . Geesta kalena Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo goobtaas ka hadlay ayaa cadeeyey in adeega caafimaadku yahay mid fiican oo mashiinkiina shaqaynaayo, waxaanu beeniyey warar dhowaan lagu qoray baraha bulshada oo ay inani kaga cabatay cisbitaalka guud ee Hargeysa, isaga oo tilmaamay in inantaas cabanaysay loo adeegay ,isla markaana xanuunka laga waayey. Wasiirka ayaa bulshada ku bogaadiyey in ay kala fogaadaan, isla markaana ay taladda bahda caafimaadka Qaataan. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa dalka Sucuudi Carabiya kala baxaya afar ka mid ah habka difaaca gantaalaha ee loo yaqaan Patriot iyo tobaneeyo ciidan ah xilli xiisadda kala dhaxaysa Iran ay meel sare marayso, sida uu daabacay Wargeyska Wall Street Journal. Qalabkaan militari waxaa Boqortooyadda Sucuudiga la geeyay dabayaaqadii bishii September ee sanadkii hore kadib markii gantaalo iyo drones lagu weeraray warshadaha shidaalka Sucuudiga ee Abqaiq iyo Khurais. Weeraradii lagu qaaday warshadaha saliida Sucuudiga ee Aramco waxay bur-buriyeen 5.7 million oo barmiil ee saliida ceeriin oo ay maalin walba warshaduhu soo saari jireen, taasi oo ah qiyaastii 6 boqolkiiba wax soo saarka saliidda caalamka, waxayna sababeen in uu kor u kaco qiimaha shidaalka. Kooxda xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalanta ayaa sheegtay masuuliyadda weeradda, laakiin Sucuudiga iyo Maraykanku waxay ku eedeeyeen Iran, xukuumadda Tahran ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha loo jeediyay. Warbixin lasoo dusiyay oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegeeysa in baareyaashu aysan weeradda drone-ka iyo gantaalaha la xiriirin karin in ay ka yimaadeen Iran. Wargeyska Wall Street Journal ayaa Khamiistii wariyay in saraakiisha qaar ay rumeysan yihiin in ka bixitaanka Maraykanku uu ku saley sanyahay “in aysan Iran khatar deg-deg ah ku ahayn danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka.” Wargeysku waxaa uu sheegay in la bixista difaaca gantaalaha ay wehliyaan tobanaan ciidan militari ah, Maraykankuna uu sidoo kale tixgelinayo in uu yareeyo joogitaanka ciidankiisa badda ee gacanka. Saraakiil Maraykan ah ayaa walaac ka muujiyay in yareynta joogitaanka militari-ga ee gobolka ay keeni karto khatar cusub oo ka timaada Iran, iyadoo weli uu jiro cadaadiska dhaqaale ee Maamulka Trump uu ku hayo xukuumadda Tehran. Qaar kale waxay leeyihiin qalabka militari-ga ee ay ka mid yihiin maraakiibta dagaalka iyo hubka waa in meel kale looga faa’iideysto. Sida ay saraakiishaasi sheegeen, Gaashaandhigga Maraykanka waxaa uu hadda diiradda saarayaa in uu ka hortago saameynta militariga Shiinaha ee ku fideysa Asia. Iran waxaa ay leedahay awooda gantaal ee balaastiga iyo Kuruuska ah ee ugu weyn Bariga Dhexe waana ay ka awood badanyihiin nidaam kasta ee difaac ee Sucuudigu leeyahay.
-
Madaxwaynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magacaabay guddiga qaban-qaabada aaska wasiirkii wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi oo dhowaan ku geeriyooday Hindiya. Guddiga ayaa ka kooban 7 xubnood oo iskugu jira madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland, Wasiiro, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka. Halkaan hoose ka akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-08052020-sx.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa beeniyey sheegada dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay ka qeyb qaadaneyso dalaallada lagu doonayo in magaalada looga bad-baadiyo fatahaad laga cabsi qabo. Xaaji Cusmaan ayaa sheegay in waxa kaliya ee dowladda ku sheegato howshan ay tahay 500 oo jawaanada ciidda lagu shubo ah oo eber ah oo shalay ay soo gaarsiiyeen magaalada, islamarkaana aanay jirin wax intaas ka dheer oo dowladda ay bixisay. Guddoomiyaha, oo wax laga weydiiyey cidda bixisay qarashaadka shaqadaan lagu qabanayo, ayaa sheegay inay lacagtan isugu jiro 400 kun oo Dollar oo kasoo hartay lacag ay Somaliland ugu deeqday guddiga isla markaasna ay iyaga ku darsadeen lacag 130 kun oo Dollar ah oo ay aruuriyeen, wuxuuna guud ahaan sheegay in shaqadaan lagu qabanayo 550 kun oo Dollar. Xaaji Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli guddiga soo gaarsiin lacagtii 500 kun ee Dollar oo ay sheegtay inay ugu deeqday fatahaadaha Beledweyne sanad ka hor, ayna marar badan ka hadleen, balse dowladda aan laga hayn wax aan hadal ahayn. Waxa uu intaas ku daray in lacag 600 kun oo dollar oo Jabuuti ugu deeqda Beledweyne sanadkii tegay aan iyana la hayn, islamarkaana uusan garaneyn cidda dowladda Jabuuti ay lacagtaas u dhiibto oo qaadatay, haddii ay tahay dowlad ama cid kale. Waxa uu mahad celiyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada Jubaland, Puntland iyo Somaliland, oo gargaar soo gaarsiiyey, balse cid kale aanay wax ku sheegan Guddiga ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in ay xiraan meel la yiraahdo hilikiliyo oo dhanka waqooyi 8 km ka xigta magaalada Baladweyne, halkaasoo ay sheegeen in ay ka shaqeeynayeen 11 Cisho, Laguna guuleeystay in la xiro qiyaastii 5km oo ay biyaha webiga kasoo fatahmi jireen. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xaaji Cismaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/5cb8a758-6ce4-44eb-8851-5690e7da3dd6_48k.mp3
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd oo maanta ah shaacisay Kiisas cusub oo Coronavirus ah, iyada oo ay korodhayna tirada dhimashada ee gudaha deegaanada Somaliland. Somaliland ayaa waxa maanta laga helay 11-kiis oo cusub, kadib markii baaris lagu sameeyay 24-kii saac ee ugu dambeeyay dad gaadhaya 60-qof, sida ay shaacisay Wasaarada caafimaadka Somaliland. Wasiirka caafimaadka Somaliland oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in 11-kaasi qof ee laga helay cudurkaasi ay ku kala nool yihiin Magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco iyo Yufle. Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirku in ay maanta soo korodhay dhimashada hal qof, midaasi oo tirada guud ee dhimashada ee gudaha Somaliland ka dhigeysa 3-qof. Somaliland ayaa iyadu bilowday baadhis maalinle ah kadib markii si rasmiya loo rikibay qalab dhowaan ay ugu deeqday Hay’adda WHO, kaasi oo ay Somaliland kaga maarantay baaristii ay dibada u diri jirtay, isla markaana mudada ka qaadan jirtay. Tirada guud ee cudurkaasi ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 23-kiis, halka ay maanta dhimashadu ay gaadhay 3-qof. Cudurka Coronaha ayaa si weyn ugu sii fidaya gudaha Somaliland, iyada oo ay u muuqato in tirada ay Wasaaradu soo bandhigtay mid ka badan ay jirto, maadama ay bilow tahay baarista maalinlaha ah ee ay bilowday wasaaraddu.
-
Si kedis ah oo argagax leh ayay saqdii dhexe abbaaro 1:00 habeennimo albaabkii guriga noogu soo tumeen askar hubeysan oo ka mid ah Ciidankii dawladda. Nin naga mid ahaa ayaa toosay, waxa aanu damcay inuu furo albaabkii ay askartu garaacaysay. Waxa dayrka soo fuulay askari, kaasi oo qorigii ku qabtay, kuna qasbay inuu albaabka furo, bal se ninkii wuxuu damcay in uu weydiiyo masuulkii guriga lahaa oo ahaa Cabdirisaaq Caydiid in uu furo albaabka iyo in kale. Cabdirisaaq oo shanqadha maqlayay ayaa markaas soo kacay, isaga oo daaradda maraya ayay isna qorigii ku qabteen oo ay yidhaadeen ‘albaabka fura’. Sidaas ayaana albaabkii lagaga furay askartii. Magacaygu waa Cumar Muuse Mire (Cawil). Sannadkii 1989-kii waxaan ku noolaa oo aan degganaa Muqdisho, gaar ahaan degmada Madiina, Xaafada Buullo-Xuubay. Da’daydu waxay ahayd 26 jir, waxaanan dhigan jiray Machadka maamulka iyo maaraynta ee Muqdisho. Gelinkii dambe ee 17-kii Julaay 1989-kii, goor hore ayaan u carraabay gurigii aan degganaa, maadaama oo ay magaaladu bandoo ahayd maalmahaasi. Intii aan sii socday ayaan jidadka iyo isgoysyada ku sii arkayey gaadiidka ciidanka dawladda iyo askar hubaysan oo meelo door ah taagtaagan iyo kuwo gaaf-wareegaya xaafadaha dhexdooda, waxaanan u fahmay hawlgalkii bandooga. Waxaan tagay gurigii aan degganaa oo ay ku sugan yihiin dhammaan dadkii guriga ku noolaa, yar iyo weyn, rag iyo dumar intuba. Waxaanu guriga ku joognay shan rag ah iyo afar dumar ah. Markii aannu waxoogaa ku caweynay gudaha guriga ee uu qof waliba dhammeystay hawlihiisii, ayaannu dhammaantayo u seexannay si nabad ah, bal se nasiibdarro saqdii dhexe ayay askartii dawladdu albaabka nagu soo tuntay, ugu dambayna waanu ka furnay. Waxaa gurigii gudaha u soo galay shan askari oo hubaysan oo sitay qoryaha AK-47. Kolkaas ka hor anigu Cumar ahaan waxaan galay suuliga oo aan is idhi ku dhuumo. Askartii qol-qol ayey u baadheen oo ay u soo kiciyeen dadkii hurdey, dabadeed waxaan is idhi bal eeg waxa ay samaynayaan. Nasiib-darro waxaan lugta ku dhuftay daasado meel ku rasaysnaa oo soo daatay, shanqadhii ayay maqleen askartii. Mid ka mida askartii ayaa dib iigu soo jeestay oo qorigii intuu cabbeeyay dhinacayga ku soo qabtey, waxaanu yidhi; ‘yaa meesha ku jira? Waxaan idhi ‘annigaa ku jira.’ Ka dibna waxa uu igu yidhi ‘soo bax’ Markii aan soo baxay askarigii xagga daaradda ayuu ii riixay, waxaanan arkey in guriga wixii rag joogay oo dhan daaradda loo soo wada saaray oo lagu ururiyay. Waxaa nagu jiray nin da’diisu weyn tahay oo la odhan jiray Saxardiid Yaasiin Xaaji Cabsiiye oo naafo ahaa, kuna boodayay laba qori oo xilligaas ka yimid Dhakhtar dibedeed. Askartii ayaa yidhi; ‘kan innaga daaya dumarka ha la joogee, intayadii kalena dibedda ayey gurigii nooga saareen. Sidaas ayaannu kaga tagnay oo afartayadii kalena waxay na geeyeen meel qiyaas ahaan 30 tallaabo u jirta gurigayagii oo ay rag badan ku ururiyeen oo ay taagnaayeen baabuurtii Millateriga iyo Askar tiro badan oo tuute gashanaa, isla markaanna raggii la soo ururiyay ee guryahooda lagala soo baxay ayaa loo fadhiisiiyey saf-saf midkiiba ka kooban yahay shan nin oo is daba fadhiya. Dadka qaar way feedho-qaawanaayeen, iyada oo qof kasta lagu amray inuu madaxiisa dhex geliyo labadiisa jilib, iyaga oo ay waliba askartu garaacayaan, sigaarkana ku bakhtiinayaan. Qaar askarta ka mid ah ayaa nagu garaacay qoriga dabadiisa, iyada oo aan waxba nala weydiin ayaa dadkii nala dhex fadhiisiyay oo sidii ay u fadhiyeen ayay yidhaahdeen u fadhiista. Mid askarta ka mid ah ayaa tirinayay mar kasta oo dad cusub nalagu soo biiriyo. Markii aannu waxoogaa fadhinnay ayaa askarigii lagu yidhi; ‘tiri’, waxaanu yidhi; ‘taliye waa 57 qof.’ Ka dibna waxa ninkii taliyaha ahaa yidhi; ‘saara gaadhiga.’ Gaadhi ciidan oo weyn ayaa nala saaray oo ah kuwa xamuulka qaada ee loo yaqaan Bagaase, waxaana soo fuulay askartii na ilaalinaysay, askarta intoodii kalena waxay fuuleen gaadhi kale oo la mid ah ka nala saaray, waxa kale oo la socday gaadhi Toyota ah oo uu saaran yahay qori Baroon ahi. Waxa na loo dhaqaajiyay xagga Koonfurta magaalada Muqdisho, oo ku aaddan Masnaca Sifaynta Baatroolka. Markaannu woxoogaa sii soconaynay ayaannu ka weecannay waddadii laamiga ahayd ee aannu maraynay, waxaana nala mariyey waddo raf ah oo u leexatey dhinaca badda. Halkaas kolkaanu marayno ayaa nin oday ah oo agtayda fadhiyey yidhi; ‘waxaan u malayn in la inna laynayo. Waayo halka aynu ku soconno kuma yaallo Jeel, haddii uu Jeel ku yaallo waddo ayaa tegi lahayd ee raf ma ay ahaateen”. Isla markaas waxa ooyay ilmo yar oo aan ku qiyaasay illaa 13 jir oo gacan ka jabnaa oo na dul-taaganaa, waan aammusiiyay, waanan fadhiisiyay. Waxaannu gaadhnay badda dhinaceeda oo ahayd meel bacaad badan oo tuulan leh, markaasi ayay askartii gaadhigii ka degeen iyaga oo isku qaybiyay laba qaybood: qaar gaadhiga ku wareegay, iyo qaar ku soo istaagay ciid tuulnayd. Askartii fuushay Buurtii ciidda ahayd gaadhigii yaraa ee ay wateen waxa loo kaxeeyay xaggaasi, markii aannu woxoogaa joognay ayay noo yimaaddeen askar ku dhawaaqaysa fura albaabada, taasoo aan u maleeyay inay doonayaan si aannaan u kala yaacin ee aannu u moodno in jeel na la gelinayo. Marakas ayaa annagana gaadhigii nalaga soo rogay, dhulkaana nalagu ururiyay. Markii aannu dhammaantayo ka soo degnay gaadhigii, ayay askartii dabada na ga kaxeeyeen, iyaga oo qaarkoodna ay dhinacyada naga raaceen. Waxaanay na fadhiisiyeen dusha sare ee buurtii ciidda ahayd. Shantii qofba mar ayay hoos uga dhaadhicinayeen (buurta) iyaga oo u kaxaynayay dhinaca qorrax u dhaca. Waxay ahayd meel mugdi ah oo aan waxba laga arkayn, markaasi anigu maan maqlayn shanqadh rasaaseed iyo cod kale toona, waxaanan u maleeyay inay dadka gawracayaan. Isla markaas ayaanu bilownay xushxush, qaarkayo way ducaysteen, qaar way ashahaateen.. Laa ilaaha ilaalaah….qaar kalena way tasbiixsadeen. Tixraac: 1. Somaliland Democracy Watch Organization – SDWO.com 2. BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga 3. Waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay Cumar Muuse Mire oo ah qofka qudha ee ka bedbaaday xasuuqaas, ahaana isla qofkii dunida gaadhsiiyay. 4. Wargeyska Geeska Afrika 7. Wargeyska Ogaal 8. Shabakadda Ramaasnews Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Popular Contributors
