-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
An asylum seeker living at a Greek refugee facility has tested positive for the novel coronavirus, reports said Monday. The patient, identified as a 28-year-old woman from Somalia who is six months pregnant, lives at a reception facility in Kranidi in the Peloponnese. She was tested during a visit to the Nafplio Hospital on Sunday. The woman is reportedly asymptomatic and has been placed under quarantine at the facility, a hotel rented by the International Organization for Migration (IOM). The hotel houses a total of 470 asylum seekers, who all come from sub-Saharan Africa. The hotel has been placed under quarantine since Thursday as a precaution after a female worker tested positive for COVID-19. Reports said the worker has not been at the hotel for 12 days. Health authorities are tracing all of the people who potentially had been exposed to the virus. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka banaadir Muuse Macallin Cabdi, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku-simaha gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Cabdisalaan Macallin Cabdi oo ah gudoomiyaha maxkamadda degmada Howlwadag. Xubnaha ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ay salka ku hayso khilaaf u dhaxeeya labada mas’uul oo dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah, waxaana wararka aan ka heleyno maxkamadaha rayidka ay sheegayaan in khilaaf lacageed uu hareeyay hanaanka cadaaladda dalka. Waxaa horey u jirta xiisad ka dhex oogan labada dhinac, oo ka dhalatay markii Muuse Macallin uu shaqada uga eryay laba wiil oo ay qaraaba dhow yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf, kuwaas oo lagu eedeeyey musuq-maasuq. Sharci-yaqaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Sare uusan awood u lahayn inuu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda gobolka. “Anshax marinta, badalaadda, shaqa ka joojinta, magacaabista, xilka qaadista waxaa iska leh golaha adeegga garsoorka sida ku qoran dastuurka iyo xeerka nidaamka garsoorka, haddii intaas la waayane madaxweynaha ayaa awood u leh,” ayuu yiri sharci-yaqaanka la hadlay Caasimada Online. Xiisaddan ayaa gaartay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu soo faro-geliyo dhowana.
-
Taariikh: 21/04/2020 TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/04/2020, dalka Ingiriiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golayaasha degaanka ee dalka, gaar ahaana golaha deegaanka ee gabiley oo marxuumadu ka mid ahayd, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska reer Maax Cilmi, meel ay kala joogaanba. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 18-kii April daah-furay Barnaamij loogu magac daray Baxnaano, oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah. Madaxweynaha ayaa sheegtay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay “dadaalka ay xukuumadda ku bixineyso xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka.” “Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9-aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha marnaba ma sheegin in barnaamijkan uu yahay mid ay fulinayaan hay’ado caalami ah, oo dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn marka laga reebo in lacagta lagu bixinayo loo soo mariyey un. Hase yeeshee, agaasimaha Bankiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Carlos Felipe Jaramillo oo war qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Bankiga Adduunka uu maal-gelinayo Barnaamijka Baxnaano. Agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay furista mashruuca cusub ee Baxnaano. “Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa furista mashruuca ‘Baxnaano’ (Response Safety Net for Human Capital Project -SNHCP) oo uu maalgeliyay Bankiga Adduunka. Qorshahan waxaa lacag caddaan ah lagu siin doonaan dadka danta yar iyo qoysaska liita,” ayuu yiri agaasime Mr. Carlos Felipe Jaramillo. I congratulate Somalia for launching the @WorldBank @WBG_IDA financed Shock Response Safety Net for Human Capital Project (SNHCP) Baxnaano program. The initiative will extend cash transfers to targeted poor/vulnerable households. @somaliapm @samirasawlani @SomaliPM @USAIDSomalia pic.twitter.com/eCoRhsO1lL — Carlos Felipe Jaramillo (@CFelipejaramil1) April 20, 2020 Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada, barnaamijkan ayaa waxaa wajigiisa 1-aad ka faa’iideysanaya 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka. Waxaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Milyan oo doolar bishiiba. Inkasta, oo aan laga bixin faah-faahin badan, haddana haddii sida dowladda ay sheegtay lacagta 4-ta milyan ah loogu talo-galay 1.3 milyan oo qof, waxaa midkiiba bishii kusoo aadeysa lacag qiyaastii 3 dollar oo kaliya ah.
-
Deeqdan ayaa Hay’adda Hormuud telecom foundation waxay maanta u qeybisay ilaa 10,000 qoys oo ka mid ah Qoysaska Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaanka Tareedisho [km13]. Qeybinta Deeqdan ayaa waxay horudhac u tahay Barnaamijka Taakuleynta Dadka danyar ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Caawinaada u sameyso Hay’adda Hormuud telecom foundation . Sidoo kale Hay’adda Hormuud telecom foundation ayaa deeqdan waxay ugu talagashay in ay ka faa’ideystaan Dadka nugul ee aan awoodin inay helaan waxyaabaha Aas Aasiga ah ee nolosha looga maarmin. Qaar ka mid ah Dadka la siiyay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay Madaxda ugu sareysay Hay’adda Hormuud telecom foundation iyagoo sheegay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xiligii ay u baahnaayeen Madaama ay ku jiraan Diyaargarowga Fadliga Bisha Barakeysan oo Fooda nagu soo heysa. Cabdulahi Nuur Cismaan, Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan uu daah fur u yahay Deeq noocaan oo kale oo maalmahan soo socda la siin doono dadka u baahan gar gaarka. Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Hormud Foundation waxaa uu sheegay in kaalmooyinka noocaan ah ay ugu talagaleen dadka soomaaliyeed in ay si weyn uga faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan. Sanad Walba Marka la gaasha bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa sidan oo kale Hay’adda hormuud Foundation waxay Caawinaad u sameysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobolada Dalka oo dhan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Maxamed Waran-cade ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaada kasoo cusboonatay gobolka Sanaag ee u dhaxaysa labada beelood ee halkaa wada degga. Siyaasi Cali Maxamed Waran-cade ayaa Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in si midaysan gacanta loo saaro beesha jebisa hashiiska si ay ugu cimbro qaatan kuwa kale iyo cida walba ku sugan gudaha dalku. “Dhibaatada inagu dhacday waxa weeye dhawrka jeer ee arrintu soo noqnoqtay mar walba waxa inaga baxsatay haddii hashiis hore loo galay yaa danbiga leh oo dabadeed cidda lagu helo aynu dambiga ku qaadno oo gacanta la saaro dawlad iyo shacaba , waxa imaan lahayd in la kala baqo ” ayuu yidhi Source
-
Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Qaybtii 3aad Qaybta waxaynu ku eegi doonaa mid ka mid ah shantii tiir ee ku xusnaa qaybtii Labaad aynu ku bilowno tiirka gebi ahaanba Dabar go`ay oo ah Caadooyinkii Soomaalida u caadada ahaa:- Caado waa tab iyo fulin Xeerar falqabad ay joogtaysteen Ummad meel ku wada Dhaqani, waana wax badankoodu salka ku haya ama kasoo jeeda diimo hore iyo Xeerar u dhacay waayo aan dhaweyn oo u meel maray, waana wax waajib ku ahayd in Ummadu caadooyinka ay caadeysteen ilaaliyaan, fal galiyaan, qaderiyaan oo qiimeeyaan, qodobada iyo shuruudaha ku gaddaaman, sidday tahay in loo fulliyaa ay haboonayd, Soomaalidu sidday caadooyinkoodu ugu weynaayeen waxay aaminsanaan jireen haddii ay seegaan inay inkaar eebe ku habsanayso oo waxay odhan jireen “CAADO LAGOOYAA CADHO ALLEY LEEDAHAY”. Caadooyinka Soomaalidu kuwo xun iyo kuwo sanba wey lahaayeen, wax maqaal lagu soo koobi karana maaha, Hadaba iyaga oo kooban haddaynu waxoogaa kasoo qaadano, Caadooyinkii Soomaalida waxa ka mid ahaa walxaha qaar in aan la Magac Dhabi jirin marka lakala qaadanaayo goor habeenimo ah, sidda milixda ama cusbada, Siddoo kale habeenkii ruuxa magaciisa loogu yeedho inaanu hee odhan jirin, irbad murux ah oo aanay duni ku jirin lama kala qaadan jirin, kab meel taala oo rogan may banaanayn, sheydaanbaa ku tukanayaa ayey odhan jireen inkastoo Runtii saxada fayodhowr awgeed looga Dan lahaa waayo kab aad ku soconaysay saxaro inaad ku joogsatayna xabka siddaa awgeed inay rognaataa wey reebanayd, marka Neef laqalaayo ruux Lab ah ayaa birta marinaayey oo gowraca lahaa, haragana haweenkaa ka saari jiray, marka laga reebo Geela, cadka ama hilbaha qaar baa jiray ragu ka caaganaa cunidooda sidda mergiga, madaxa iyo caloosha oo cunidooda dumarka u Caado ahayd, halka ay birtu martayna qudheeda waa laga qashaafi jiray, Siddoo kale lafaha hilibka qaar baan la jabin jirin, Siddoo kale dadbaaba Caado usii gaar ah lahaa oo odhan jiray cadkaa ma gayno ama ma cuno sidda wadnaha iyo wax la halmaala, haddii awrka reerku rartaan uu dibjiro xadhigii lagu dabri ama seetayn jiray inta mudac ladu mudo ayaa gelgelintuu ku gelgelimaysan jiray la dhigi jiray, Dhanka aroosyada waxa u Caado ahayd in galbiska ninka arooska ah iyo gabadha aroosada ah midba gaar geestiisa loo soo galbin jiray, oo ninka rag ayaa keligii soo gelbin jiray oo goobta dadab galka keeni jiray, dhanka aroosada geesteeda inta wiil yar loo xanbaariyo dhiil caano ahna ay soo laalaadsato ayaa haween gaar u soo galbin jireen, halka iminka labada hablood ee yaryari ubaxa horsidaan sidda wadarta ahna loosoo geliyo, waxa isna jiray oo u Caado ahaa haweenka marka ay umulaan inay qaadan jireen qori gaaban oo sasaanta siddii ruux cilin ah loo qoray loona yaqaanay Wagar kaas oo u ahaa balaayo xijaab dhalaanka iyo caruurta, waxa barkimada loo hoos gelin jiray ilmaha siddoo kale Hooyadu waxay la majeeran jirtay ilmaha oo qaydkay ku xambaarto ilmaha ayuu ugu jirijiray, waana wax kasoo jeeda diimo hore waxuuna ka mid ahaa sanab yadii ilaahyada ahaa waa’gii Dadku jaahiliintan ahaayeen, waxana loo yaqaanay ilaahii dhalaanka iyo caruurta, siddoo kale faraaciintii oo ay Soomaalida xidhiidh lahaan jireen ayuu ku xusan yahay asaartay ka tageen oo wuxuu ka mid ahaa ilaahyadii ay caadudi jireen waxayna iyagu u yaqaaneen BIS ooridiisana BISAD kaas oo u ahaa ilaaha dhawra ee madadaaliya dhalaanka iyo caruurta marna wuxuu u ahaa ilaaha dagaalka wuxuu u eekaa ruux cilin ah, isaga oo sanab dhagax laga qoray ah ayey qolqolka aqalka caruuri joogto hor dhigi jireen, marka ilmo dhashana ilmaha dhashay waxay u barkin jireen isaga oo qori laga qoray, sidda ay sheegeen Culimada ku xeelka dheer dhaqamadii iyo taariikhdii faraaciinta, waxayna qireen in ilaahani faraaciintii uga yimi deegaanka geeska Afrika kumanaan sano in ka badana ay caabudayeen, Siddaa awgeed waxa halkaa ku cad in WAGARKU uu ahaa ilaahyadii ay Soomaalidu caabudi jirtay una gudbiyeen iyagu faraaciinta waayo BISSAD iyo BISAD BA waa SOOMAALI marka la didinaayo Bisaaska waxa lagu yidhaahdaa BIS siddaa awgeed waxa suuragal ah in la odhan jiray Bissadow balaayada BIS naga dheh, se Hubaal waxa aanu muran ka joogin in WAGARKU sanab lacaabudi jiray ahaa, oo uu dhalaanka iyo caruurta iyo dagaalka ahaa, oo uu Soomaalida u ahaa, waayo ubadka waaloo barkin jiray balaayo xijaab ahaan marka haweenku dagaalamaana way isku adeegsan jireen oo Wagar ayey isla dhici jireen, waxa iyana wax reeban ahayd in ruuxa haweenka ahi gurranaato ama gacanta bidix u ahaato gacanteeda cuddoon labadeeda gacmood, Hooyada inanteedu ama gabadheedu noqoto ruux gurran cay iyo Magac xumo ayey kala kulmi jirtay Ummada ay la dhaqan tahay sidda awgeed si aanay u galabsan deelqaaf iyo waji-gabay ayey Hooyadu fallowgeed qaban jirtay, oo xitaa waxa dhici jirtay marka ay ka jari kariwaydo adeegsiga gacanta bidix inay Mataanaha ka jabin jirtay si ay qasab ugu noqoto inay gacanta Midig adeegsado, haddii ay aragto inay gacantii bidix adeegsigeedii ku laabanayso waxay kasban jirtay inantaa yari hagardaamo sidda in gacanta bidix dab lagaga dhejiyo jidh dil, cay iyo waxyeelo kale ilaa intay ku noqonayso ruux aan gacan Guracnayn oo midigle ah, waana ta u sababta ah in aadan arkin ruux Waayeel haween da’ah oo gurran, Siddoo kale waxa xad gudub lagula kici jiray xubinta taranka ee haweenka caadadaas oo weli wakhtigan xaadirka ah dad badani ku dhaqmaan waa gudniinka fircooniga ahe ayaa iyana waxay salka ku haysaa diimo hore oo lagu dhaqmi jiray, waana Caado kamida Caadooyinkii ugu xumaa ee Soomaalida,ee weli dabada lasii hayo waana wax Diinta iyo Dad nimada ku lidi ah, Hadal iyo dhamaan inkastoo lasoo koobi karin Caadooyinkii Soomaalida se waxa hubaal ah inay ka suuleen gebi ahaan marka laga reebo laba Caado waa mid kamid ah kuwii ugu xumaa iyo mid kamida kuwii ugu wacnaa, midi waa gudniinka xun ee fircooniga ee weli hagardaamada, waxyeelada iyo meel kaga dhaca loogu gaysanaayo haweenka wakhti Diintii lafahmay aqoon cilmina la bartay la ogaadayna inay wax qalad ah tahay, takalana waa tawacan ee marka madal ama goob kulan layskugu yimaado caadadu u tahay in weedhaha ilaahay lagu furto ee la yidhaahdo siddii caadada inoo ahayd aynu aayado Quraan ah ku furano ama ku bilawno kulankeena iyo sheekh Hebelow inoo mari ama inoogu fur, labadaa Waxaan ahay Caado Soomaali ciddi ma xaalayso, Hadal iyo dhamaan wixii Soomaalidu Caado ay lahayd Cidlay maanta ka joogaan. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Nicolos Berlanga u qaabilsanaha midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre oo ku wada hadlay qaadka internedka ee vedio conference, ayaa ka wada hadlay xorriyatul qawlka, madax bannaanida saxaafadda xorta ah iyo sidii beesha caalamka ay Soomaaliya uga taageeri la hayd ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19. Amb Nicolas ayaa sheegay in xarigga wariyaasha iyo la dagaalanka madax bannaanida hadalka aysan noqon doonin cudur kaloo saf mar ah sida uu hadalka u dhigay. “Dhaliisha waa qeyb ka mid ah geedi socodka dimuquraadiyadda, xanibaadda xorriyatul qawlka, ma noqon karto cudur kaloo saf mar ah, haddii wariyayaasha ay xogta qaldaan xabsiga iyo xanibaaddu ma ahan tallaabadii ku haboonayd” ayuu yiri Nicolas Berlanga. Hadalka Nicolas Berlanga ayaa ku soo aadaya xilli 14-kii bishaan dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Media Group, iyada oo dowladdu aysan si toos ah uga hadlin xarigga wariye Cabdicasiis Gurbiye oo 18-kii April lagu sii daayay damaanad. 2-dii April 2020 hay’adda NISA ayaa barteeda Twitterka waxa ay ku soo qortay hadal u muuqday hanjabaad oo ka dhan ahaa wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan warbaahinta VOA laanteeda Afka Soomaaliga, waxaana NISA ay qoraalkeedaas ku sheegtay in shaqsi ka tirsan dowladda uusan wax xog ah siin karin wariyahaasi. Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa ay garoomada ciyaaraha ka mamnuucday warbaahinta Goobjoog Media Group oo ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan, mana jirto sabab ay dowladdu ku sheegtay in warbaahintaas looga joojiyay garoomada ay ka soo tabinaysay ciyaaraha si ay ugu adeegto bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed. Dhanka kale ciidanka booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad ayaa 20-kii April 2020 waxa ay magaalada Muqdisho jirdil ugu geysteen wariyayaal ka shaqeynayay warbaahinta Shabeelle kuwaas oo ku sii jeeday hoygooda waxaana wariyayaashaasi lagu haystay bandow ay dowladdu soo rogtay oo habeenkii ah kaasi oo horey taliska boolisku ay ku sheegeen in bandowgaasi uusan saameyn ku yeelan doonin saxaafadda. 29-kii March 2020 wariyayaal ka tirsan warbaahinta Goobjoog oo ku guda jiray howllo shaqo ayaa waxaa is hor-istaag ku sameeyay ciidan ka tirsan dowladda kuwaas oo kala wareegay qalabkii ay ku howlgalayeen, waxaana muddo saacado ah ay ku xayirnaayeen saldhig ciidan. Isla bishaas 10-keedii waxaa hakad iyo qashqashaad la galiyay wariyayaal ka tirsan Mustqbal Radio oo gudanayay howllahooda shaqo waxaana xayiraad u geystay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ururada u dooda saxaafadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay walaac ka muujinayeen tacadiyada kala duwan ee loo geysto wariyayaasha iyo sida xukuumadda Nabad iyo Nolol ay u maamusho xogta. Waxaa haatan gacanta dowladda ku jira wariya Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee ka howlgalla magaalada Muqdisho waxaana in ka badan 40 cisho uu u xiran yahay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waana qeyb ka mid ah tacaddiyada ay dowladda federaalka kula kacdo saxaafadda xorta ah. Dhinaca kale waxaa sanad iyo maalmo u xiran xukuumadda Soomaaliland wariye Cabdimaalik Coldoon oo u olo’oleeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyada oo hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ay ugu baaqeen Soomaaliland xorriyad siinta wariya Coldoon. Inta badan wariyayaasha ka howlgalla magaalada Muqdisho ayaa ka cabta inaysan awood u helin su’aal weydiinta masuuliyiinta ka tirsan dowladda iyo in xafiisyada dowladdu ay u soo diraan warar faaf reeban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka. Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19. Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag. Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda iyo howsha iskudubba ridka ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay badbaadagda iyo bed-qabka bulshada ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geysay sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa cusurkaan laayaanka ah ee dunida oo dhan dhibaatada ku haya View the full article
-
Xaafado ka tirsan magaada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya lacago sharci daro ah oo laga qaado dadka dhisanaya guryahooda, sida ogaatay Shabelle oo baaris sameysay. Arrintaan ayaa imaaneyso, xilli shalay maamulka gobolka Banaadir uu xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii degmada Shibis oo lagu eedeeyay musuq-muusuq. Zakariya Axmed Muuse oo ka tirsan Shabelle ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii laga qaaday lacagaha sharci darrada ah iyo xoogsatada ka shaqeysa dhismooyinka guryaha. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/War-Zakariye-Dadka-Sharci-Darada-Looga-Qaado-Lacagta.mp3 View the full article
-
The smell may be hell but the mist could leave you pissed. Two Australian doctors are weighing in about the spread of the coronavirus “down under” — whether it can be spread through farts, that is. During Friday’s episode of the Australian Broadcasting Corporation’s “Coronacast,” podcast, producer and host Dr. Norman Swan made a cautionary suggestion when it comes to particles of feces set adrift within a fart and the spread of COVID-19. “No bare-bottom farting,” Swan advised about posterior pandemic panic, in a measured, mildly amused tone. “Luckily, we wear a mask, which covers our farts all the time,” Swan said, referring to the protective aspects of pants, shorts, dresses, underwear and other garments. “I think that what we should do in terms of social distancing and being safe is that … you don’t fart close to other people, and that you don’t fart with your bottom bare.” Meanwhile, Australian emergency physician Dr. Andy Tagg also floated the question via Twitter, asking, “So, can the bottom-based emissions of someone with coronavirus be silent and deadly?” Tagg pondered whether flatulence itself is an “aerosol-generating procedure.” (His determination: yes.) A recent study, in fact, suggested a post-flush toilet plume could even be cause for concern when it comes to spreading the coronavirus via “aerosolized feces.” Plus, scientists have confirmed that fecal-oral transmission itself is an issue due to the presence of the virus in poop that is why health officials in Oregon and New York have even cautioned against oral contact with feces during sex. Unfortunately, as Tagg observed, there is “not a great deal of research” available to come to a firm conclusion about the perils of passing COVID-19 while passing gas. That’s all backed up by Dr. Aaron E. Glatt, a Mount Sinai South Nassau epidemiologist and professor of medicine at the Icahn School of Medicine at Mount Sinai. Qaran News
-
Waxaa magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo gobolada salka xilligaan ka curtay goobabka Gu’ga. Roobabkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay saameyn ku yeesheen dadka danta-yar, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho. Wariyaha Shabelle Jaamac Kadiye ayaa booqday qoysas ku nool agagaarka Warta Siigaale, kadib markii ay guryahooda qaadeen dadad ka dhashay roobabkii da’ay. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/WARKA-JAAMAC-BARAKACAYAAL-.mp3 View the full article
-
Wasaarada caafimaadka Giriiga ayaa xaqiijisay in dadkii ugu dambeeyay ee uu soo ritay cudurka Corona ay ka mid noqotay haweeney Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalkaas. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in haweeneydaasi oo 28 jir ah laga helay cudurka COVID-19 ,kadib markii lagu sameeyey baaritaano dheeraad ah. Haweeneyda Soomaalida ah ayaan la shaacin magaceeda, balse wasaaradda caafimaadka wadanka Giriiga ayaa laga soo xiganayaa in ay sababo kale u tagtay isbitaalka Nafplio ee dalkaasi, kadibna laga baaray cudurka Coronavirus ee laga helay. Saraakiisha wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaamay in haweeneydaasi Soomaalida ah ay ka mid noqotay boqolaal ruux oo kale oo 24-kii saac ee la soo dhaafay laga helay cudurka kuwaas oo qaxooti ku ah xero ku taalla jasiirad dhacda waqooyiga dalkaasi. Si kastaba ha’ahaatee boqolaal Soomaali ah oo inta badan ka tegay dalka Turkiga ayaa qaxooti ku ah jasiirado ku yaalla Giriiga, waxaana horay looga digay saameynta dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ay ku jiraan uu ku yeelan karo cudurka faafa ee Covid-19. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta beenisay in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus laga helay gobolka Mudug. Wasiirka wasaaraddaasi, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa Shabelle u xaqiijisay in been abuur uu yahay warka sheegaya in kiis ka mid ah cudurka laga helay maamulkaasi. Sidoo kale Naciimo ayaa tilmaamtay inuu jiro qof laga shakiyey, islamarkaana loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/War-Cali-gaab.mp3 View the full article
-
Soomaalida qurbaha oo dadkooda gaadhsiiya sheekooyinka argagaxa leh Nadiir Nuur oo wadi jiray mid ka mid ah basaska London, oo la sawiran gabadhiisa, ayaa dhintay kaddib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus Taxanaheenna warqadaha aynu ka helno weriyayaasha Afrikaanka ah ayaa Ismaaciil Caynaanshe waxa uu ku eegayaa saamayn xanuunka coronavirus uu ku hayo bulshada Soomaalida ee ku nool magaalada London. Astaamaha shirkadda Dahabshiil, ee Soomaalida ee lacagaha xawisha, ayaa ah mid lagu yaqaan qaar ka mid ah waddooyinka magaalada London. Astaantan cagaarka iyo caddaanka isugu jirta ayaa waxaa lagu soo dhajiyaa goobaha internetka iyo dukaammada ku yaal waddooyinka ay dadka ka buuxaan ee xaafadaha Camden, Mile End iyo Shepherd’s Bush. Bulshada Soomaalida ee London waa mid ka mid ah qurbajoogta ugu ballaaran ee dibadda ku nool halkaas oo ay si joogta ah u tagaan dukaamada ku yaal si ay lacag ugu diraan qoysaskooda jooga dalka. Waxaa la marayaa waqti xasaasi ah oo ay ku jiraan dadka ku nool dalkaas weli ka soo kabsanaya tobannaan sanadood oo colaad ah. Kharashkii muhiimka ahaa oo la waayay Waxaa la qiyaasaa in Soomaalida ay sanadwalba dibadaha ka soo diraan in ka badan $1 bilyan oo doolar – taas oo ka badan kharashka Soomaaliya ay ku hesho sida gargaarka ah. Hasayeeshee dhibaatada coronavirus ayaa waxa ay saameyn ku reebtay kharashkaasi muhiimka ahaa. Cudurkan safmarka ah ayaa waxa uu gudaha UK ku galaaftay nolosha in ka badan 16,500 oo qof, dhibaato weyn oo dhaqaale iyo mid bini’aadamnimo ayuuna gaarsiiyay bulshada Soomaalida ee halkan ku nool. Nadiir Nuur oo wadi jiray mid ka mid ah basaska London, oo la sawiran gabadhiisa, ayaa dhintay kaddib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus Dadka dhintay waxaa ka mid ah dad kala duwan oo Soomaali ah, sida Nuuradiin Nuur, oo ah 48-jir wadi jiray bas kaas oo la sheegay inuu caafimaadkiisu wanaagsanaa. Waxa uu ka tagay gabar 10 bilood jirtay iyo afar canug oo kale. Ismaaciil Maxamed Cabdiwahaab, oo 13-jir ahaa oo ku noolaan jiray Koonfurta London, kaligii ayuu cudurka coronavirus ugu dhintay isbitaal ku yaal London. Qoyskiisa ayaanay xitaa u suuragelin inay ka qeybgalaan aaskiisa, maadaama si qasab ah loo galiyay karantiil. Dhinaca kale dadka da’da ah ee uu cudurka galaaftay waxaa ka mid ah Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi, ninkii aasaasay musikada casriga ah ee Soomaalida, kaas oo ku dhintay magaalada London kaddib markii uu ku dhacay cudurka coronavirus isagoo ay da’diisu aheyd 91. Suuragal mahan in la helo tirada rasmiga ah ee Soomaalida ee ku nool magaalada London. Sida uu sheegay xafiiska Istaatistikada Qaranka ee UK waxaa 2018 guud ahaan dalka ku noolaa 108,000 oo qof oo Soomaali ah oo Soomaaliya ku dhashay. Hasayeeshee hay’addaas waxa ay diiwaangelisay oo kaliya dadka Soomaaliya ku dhashay ee ma aanay xisaabin dadka qowmiyadda Soomaalida ee UK ku nool kuwaas oo ka kala yimid dalalka Yurub sida Netherlands iyo Sweden. Qiyaasta ugu badan ayaa waxa ay muujinaysaa in ku dhawaad 250,000 oo qof ay ku nool yihiin UK, taas oo ah tirada ugu badan ee London ku nool. Waxaa jiray dhowr mowjadood oo muhaajiriin Soomaali ah: Qarnigii 19-aad, qaar ka mid ah badmaaxayaashii Soomaalida ayaa waxa ay dageen London, kaddib markii ay ka soo dageen magaalooyinka dekadaha sida Cardiff iyo Liverpool. Wixii ka dambeeyay 1991, kumannaan qof ayaa waxa ay isaga soo carareen dagaalka sokeeye. 2000-na waxaa dhacay mowjaddii labaad ee soogalootiga, tusaale ahaan 20,000 oo Soomaali Holandees ah ayaa waxa ay soo gaareen 2000 – tiradaas oo aheyd saddex meelood oo meel Soomaalida ku nooleyd Netherlands. Cudurka macaanka iyo dhiigkarka Waxaa jira sababo badan oo Soomaalida sida bulshada kale ee laga tirada badan yahay ee UK ay ugu muuqanayaan inuu si ba’an u saameeyay fayraska. Gudaha UK, Soomaali badan oo da’ ah ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay xanuuno ay hore u qabeen sida cudurka macaanka iyo dhiigkarka. Badanaa waxa ay ku nool yihiin meel ay dad badan deggan yihiin, oo ay dad badan jiilal kala duwan ah ayey isugu dhex nool yihiin halkaas oo ay deggan yihiin goobaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee magaalooyinka waa weyn. Sidoo kale waxaad akhrisan kartaa: Soomaalida ku nool magaalada London waxa ay qabtaan shaqooyin muhiim ah, walow lacag badan aanan la siin, taas oo haatan ka dhigaysa kuwo dayacan inta ay socoto dhibaatada cudurka coronavirus. Waxa ay qeyb ka yihiin shaqaalaha muhaajiriinta ee London: kuwaas oo isugu jira shaqaalaha daryeelka, kalkaaliyaaasha, darawallada basaska iyo kuwa ka shaqeeya nadaafadda kuwaas oo ah shaqooyin halis badan oo badanaa aanan lahayn qandaraasyo joogto ah. Covid-19 waxa uu bannaanka soo dhigay farqiga dhaqaale iyo bulsho ee ka jira magaalada London. Tan iyo markii ay xadidaaddu bilaabatayna, inta badan dukaamada London, oo ay ku jiraan kuwa Dahabshiil, albaabada ayaa la isugu dhuftay, Soomaali bandanna waa ay la qabsan waayeen maadaama aanay hubin qaabka lacago loogu diri karo qaraabada iyadoo la adeegsanayo barnaamijyada internetka iyo taleefanka. Boqorkii Cuudka Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi oo London ku dhintay isagoo ay da’diisu aheyd 91 kaddib markii uu ku dhacay cudurka coronavirus Dhawaan ayaa waxaan la hadlay haweeney da’ ah oo aynu qaraabo nahay taas oo walaaca hayay uu ahaa in aanay lacag u dirin qoyskeeda maadaama la xiray dukaamadii ku yaalay gurigeeda agtiisa. Ugu dambayntii qof kale oo isla qaraabada ah ayaa gacan ka siiyay sidii ay lacagtaasi uga diri laheyd barnaamij dhanka internetka ah, taas oo aheyd wax aanay gebi ahaanba fahmin. Lacagta la diro ayaa inta badan waxa ay u dhaxaysaa $150 iyo $300, taas oo ah cadadka ay bishiiba qoysaska u diraan middaas oo wax badan u qabata qoysaskaas. Dadka ayaa lacagtaas u isticmaala kharashaadka maalintiiba reerahooda ku baxa: sida inay cunto ku iibsadaan, kirada isaga bixiyaan ama ay dawooyin ku soo iibsadaan. Hasayeeshee cadaadiska ah in lacag loo diro Soomaaliya ayaa saameyn reebi karta dadka saboolka ah ee ku nool mid ka mid ah magaalooyinka ugu qaalsan dunida. Haatan dadka qaar waxaa ku dhacday shaqo la’aan kaddib markii labaabada la iskugu dhuftay ganacsiyadooda marka sidaa darteed cadaadisku waa uu sii xogeysanayaa. Dad badan ayaa waxa ay shaqo la’aan ahaan muddo dheer oo waxay sannadaha soo socda wajihi doonaan xaalad dhaqaale oo aad u dag. Dhanka kale dadka reer London xaaladdooda wey adag tahay sababtoo ah qaraabadoodii ma fahansiin karaan xaaladda taagan sababtoo ah waxa ay barteen biilkii loo diri jiray. Soomaaliya waxayba haatan la daalaa dhacaysaa dhibaatooyinka xanuunka coronavirus, iyo sidoo kale daadad iyo ayax waxaana haatan taasi ugu darsantay dhaqaalihii ka so gali jiray dibadda oo hoos u dhacaya. Fayraskan ma ahan musiiba ku habsatay waddooyinka London oo kaliya balse sidoo kale waddooyinka magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee lagu caawinayey Soomaaliya loo leexiyo la-dagaalanka cudurka Coronavirus iyo caawinta dadka uu sameeyey. Dalabkan ayaa waxaa jeediyey Ra’iisul Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan dhanka mareegta Interneetka la yeeshay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan. Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan Cudurka Safmarka ah ee COVID-19. Qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.” Codsiga Kheyre ayaa waxaa aqbalay Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ee kulanka ka qeyb-galay, kuwaas oo ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed. Khayre ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19. Kheyre oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyhiin ayaa caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha saaxiibka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ay ku xasuusan doonaan hadba sida ay gacanta uga geystaan ka gudbidda xilligaan adag.
-
Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi ayaa ka jawaabay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ganacsatada maamulkaas aysan raashin ama badeeco geyn karin meelaha ka baxsan Puntland, sida Galmudug iyo HirShabelle. Guddoomiyaha oo si adag uga hadlay arrintaasi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, islamarkaana wuxuu sheegay inay abuureyso cadawaad bulsho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka Puntland iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho intaba. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in aysan kala maarmin dadka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni inuu ka laabto go’aankaasi. Jeyte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in gobolka Hiiraan looga qaado Puntland Qudaar, xoolaha nool iyo adeegyo kale, islamarkaana ay canshuurta ku kordhin doonaan badeecooyinkaasi, haddii maamulka Garoowe uusan ka laaban tallaabadaas. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Soomaaliya uu fara ba’an ku hayo cudurka dilaaga ah ee COVID-19, kaas oo sababay in la joojiyo isku socodka magaalooyinka iyo isu-imaatinada dadweynaha, si loo xakameeyo cudurkaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Ilo deegaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa oo miino ahaa uu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaas, kuwaasi oo xilligaa marayey bariga deegaankaasi. Lama oga inta uu la egyahya khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada qaraxa miino lala bartilmaameedsaday. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay ka yimaadeen dhanka magaalada Muqdisho, kuna sii jeedeen deegaanka Number 50 ee gobolka ee isla Sh/Hoose. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga gooshayaan koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Geneneraal Cabdi Jamac cabdulle xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo masuulkiyiin ka socday maamulkaasi ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan gobalka Mudug . Deegaanada Kaxan-dhaale, Daca-dheer iyo deegaano kale ayaa mudooyinkii dambe waxaaa ku dagaalamayey maleshiyaad xoolo dhaqato ka soo jeeda, deegaanka , kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo waraabka biyaha Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigeen beelaha colaadu ay dhexmartay ,waxayna u rajeeyeen in aysan dib u soo laaban dagaaladaasi ka dhacay gobalka. Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa dadaal ay wadaan dawlad goboleedka Galmudug iyo dawlada federaalka,kaas oo la doonayo in lagu nabadeeyo dadka walaalaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-21042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay waxaa sii xoogeestay caburinta ay weriyaasha kala kulmayaan dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira qaarkood. Weriyaal badan ayaa muddo ka yar 60 cesho loo geestay jirdil, xarig, hanjabaad iyo cabsi gelin waxayna weriyaashaan kala joogaan magaalooyinka kala ah Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Jowhar. Weriyaasha magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatada kala kulma ciidamada ammaanka, waxaana wali xabsiyada ku jira weriyaal aan wali maxkamad la soo taagin islamarkaana aan la ogeyn dambiyada loo heesto. Qaar kale ayaa sidoo kale lasii daayey kadib maalmo la hayey, halka qaarna si kooban inta loo xiro isla maalinkiiba lasii daayo. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu xiro weriye ama lagu dhibaateeyo ayaa muddo 24 saac gudahood ah waxay ka kala dhaceen Muqdisho iyo Baydhabo. Magaalada Baydhabo waxaa ku xiran weriyihii VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh, halka Muqdisho 46 cesho uu ku xiran yahay Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja. Waxaa sidoo kale saddex maalmood ka hor lasii daayey tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Sidoo kale Gaalkacyo iyo magaalooyin kale ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa waxaana sii kordhaya cabsida saxafiyiinta Soomaaliyeed. Inkasta oo dowladda Soomaaliya horey loogu eedeeyey caburinta saxaafadda, haddana waxaa muuqata in ayada iyo maamul goboleedyada taageersan ay bilihii dhowaa laba-laabeen beegsiga suxufiyiinta. Ma cadda sababta xilliga kordhisay beegsiga, hase yeeshee dadka qaar ayaa ku macneeyey in la doonayo in lasii aamusiyo saxaafadda ka hor doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan bilaha soo socda.
-
Jowhar ( PPM) — The Governor of Hiiraan Mr Ali Jayte Osman urged Puntland President to rethink an instruction to Puntland traders to reduce the volume of commodities they market to other Somali regions. Mr Jayte criticised President for calling on local businesses to limit trade relations with Somali regions during the health emergency brought on by Covid-19. Hiiraan is one of the regions whose agricultural products constitute a large segment of Puntland economy. Hiiraan Governor said Puntland levies steep tax on products from Hiiraan. “Bosaso Port is a national Port. It is not a property of Puntland’s” Jayte said. “Hiiraan will stop selling agricultural products to Puntland and its traders will begin to rely on other ports if President Deni does not change his mind on limiting trade with Hiiraan” he added. Hiiraan Governor (right) takes President Deni (left) to task for a convoluted message In a speech to Puntland State businesses last week President Said Abdullahi Deni explained why he had accepted the judgement of business leaders in Puntland who “assured us that there will not be commodity shortages” despite marketing goods and commodities from Puntland to other regions in Somalia. President Deni surmised that emerging but unsubstantiated inflationary trends in Puntland result from commodity shortages. President Deni has warned against profiteering from the health emergency. “Inflation happens when there is less supply for the demand” President Deni said while implying food and commodities marketed to other Somali regions have caused inflationary pressures in Puntland. “Some traders may be tempted to exploit the situation either by raising prices or hoarding commodities ” says Mowlid Ali, an economist in Bosaso. Some business leaders have accused President Deni of making a wrong economic case for rationing. “The Government should not use fiat to make decisions with serious economic consequences. It should consult economists” says a Garowe-based businesswoman, who buys agricultural products from Hiiraan and Middle Shabelle regions. Puntland Post contacted Puntland State Minister for Commerce Abdullahi Abdi Hersi but was not available to comment. “The Governor of Hiiraan has twisted the words of President Deni, whom we assured of the availablity of enough stock of different commodities and goods and that trade with Somali regions will not lead to food shortages in Puntland. President Deni cannot stop us from trading with Somali regions” said a member of Puntland Chamber of Commerce, who prefers anonymity. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Hiiraan Governor ‘twists’ President Deni’s words appeared first on Puntland Post.