Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka aan ka helayno gobalka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayan in xalay ciidanka AMISOM ee ku sugan gobalkaasi ay duqeyn madaafiic ah ka geysteen qeybo ka mid deegaana Shallan-bood ee gobalkaasi. Guddoomiyaha deegaanka Shallan-bood Nuur Cismaan Raagge ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka AMISOM ay madaafiic ku garaaceen xaafadaha qaar ee deegaankiisa isaga oo intaas raaciyay in duqeyntaas ay ka dambeysay ka dib markii qarax miino askar ka tirsan AMISOM lagula eegtay deegaanka. Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa tibaaxay inaysan sheegi Karin khasaaraha rasmiga ah ee ay keentay duqeyntaasi waxa uuna xusay in saakay ay ku baxeen xaafadihii la duqeeyay si ay xog uga keenaan waxyeelada soo gaartay dadka rayidka ah. Ciidanka midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta loona yaqaan AMISOM ayaa fariisin ku leh duleedka deegaanka Shallan-bood ee gobalka Shabeellaha hoose, waxaana mararka qaar ay madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaan dadka shacabka ah marka qaraxyo lala eegto kolonyadooda. Goobaha dalka aya ka joogaan AMISOM waxa ay ka geystaan tacadiyo ka dhan ah aadanaha, mana jirto tallaabo ay arrinkaasi ka qaaday dowladda federaalka ah marka laga tago inay cambaareyso falalka caynkan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ciidamada Booliska gobalka Bari ee maamulka Puntland oo kaashanaya kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen qaraxyo nooca dhulka lagu aaso ah, kuwaas oo ay sheegeen in la doonayey in dadka lagu dhibaateeyo. Howlgalkaan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxa ay sheegeen in qaraxyadan ay doonayeen Al-Shabaab iyo Daacish inay ku aasaan goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla bartamaha Boosaaso. Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay hayaan gaarigii ay wateen ragii ku howlanaa diyaarinta Qaraxyadaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii watay qaraxyadaasi oo goobta ka baxsaday si ay u maxkamadeeyaan. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo raggii waday, iyada oo sidoo kale qaraxyo ka dhacay ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah. Guddoomiyaha deegaankaasi, Nuur Cismaan Raage oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay duqeeyeen gudaha deegaanka, kadib markii qarax miino halkaasi lagula beegsaday kolonyo ay wateen. Raage ayaa tilmaamay inuu jiro khasaare kala duwan, balse ay haatan wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, dibna ay faah faahinta ka bixin doonaan. Shalanbood oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya, iyadoona aan la ogeyn sababta ay AMSIOM hoobiyeyaasha ugu garaacday deegaankaasi oo shacab badan ay ku nool yihiin. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa waxaa dhibaato xoogan ay u geystaan dadka rayidka ah, markasto oo qaraxyo lala eegto, iyaga fura rasaas aan loo meel dayin. Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka socda howlgalka ugu ballaaran ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu weeraraa ciidamada huwanta xilliyada ay isaga kala gooshayaan deegaanada kala ee gobolkaasi oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
  4. From childhood onward, according to her new memoir, Rep. Ilhan Omar often seemed to find herself in the middle of nasty fights. Source: Hiiraan Online
  5. Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa talaadadii ku dhawaaqday in markii 3-aad dib loo dhigay kiiska baddda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii Nairobi ay dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaas. Maxkamaddan oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa dib u dhigista dacwadan ku micneysay saameynta adag e dunida uu ku yeeshay cudurka Covid 19 oo caalamka oo idil kala xirxiray, waxaa ayna maxkamaddu waraqad lagu ogeysiinayo in dhageysiga dacwadda badda dib loo dhigay ay u dirtay labada dal oo ay dacwaddu u dhaxeyso. March, sanadka 2021 ayey maxkamadda ICJ go’aamisay inay bilaabato dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ayna maxkamaddu intaas ku dartay inay tixgelisay dalabkii uga yimid dowladda Kenya sidaasna ay ku go’aansatay inay dib u dhigto kiiskan. Haddaba, Goobjoog News ayaa heshay dokomentiyada ay isdhaafsadeen dhinacyada ICJ, Kenya iyo Soomaaliya: April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19. May 1, 2020: Qoraal ay Soomaaliya u dirtay maxkamadda oo uu ku saxiixnaa ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed waxaa ay Muqdisho ku sheegtay in aragtay codsiga Kenya ee dib u dhigista dacwada badda, taasina ay tahay markii 3-aad oo ay sidaasi sameyso. Soomaaliya waxaa ay intaasi ku dartay in Kenya ay ku cadaadineyso Soomaaliya in xal lagu gaaro meel ka baxsan maxkamadda, oo weliba taktikada Kenya ay waddo ee ay ku dooneyso in Soomaaliya ka baxdo maxkamadda ay tahay mid walaac leh. Warqaddan waxaa ay Soomaaliya ku xustay in cudurkan Covid 19 uu halis yahay, loona baahan yahay in ay ahmiyad la siiyo badqabka dadka iyo maxkamadda sidaasi darteedna ay maxkamadda dacwada ku gasho dhageysigeeda qaab video-conference ah. May 1, 2020: Maxkamadda Cadliga waxaa ay sheegtay iney heshay qoraal ay Soomaaliya dirtay oo ah in in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo horjeedo dib u dhigista dhageysiga dacwadda badda, codstana in dhageysiga laga dhigo video-conference ah. May 4, 2020: Qoraal ay Maxkmadda ka heshay Kenya waxaa ay ku sheegtay in Kenya ay difaaceyso codsigeeda ah dib u dhigista. May 7, 2020: Qoraal uu diray ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomalaiya Mahdi Maxamed ayey Soomalaiya ku sheegtay in doodda Kenya ee ah in doodda ku fiicantahay in maxakamadda la horjoogo ay daciif tahay, lana dhageysan karo qeybaha iyada oo live streaminig oo dadweynaha la socon karaan, dhinacyadana ay ku qancayaan. Muqdisho waxaa ay caddeysay in ay ku dheggan tahay soojeedinteeda ah in doodda u dhacdo qaab video-conference oo intii hore ay dib u dhigis ugu filnaato. May 7, 2020: Qoraal uu waxaa ay maxkamadda sheegtay inay heshay jawaabta Soomaaliya ee la xiriirta codsiga Kenya taas oo Muqdisho ku dalbatay in dhageysiga laga dhigo qaab video-conference ah May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saakay lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid lagu dhejiyay gaari uu lahaa taliyaha hoggaanka caafimaadka booliska Soomaaliya Jeneraal Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha, halka sidoo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen tiro kale sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Cali Gaab ayaa ka badbaaday qaraxa waxaana wararka qaar ay sheegayaan in taliyuhu uu gaari la socday. Askar ku sugneyd halka uu qaraxu ka dhacay ayaa durbadiiba xiray isku socodka dadka iyo kan gaadiidka iyaga oo goobta ka bilaabay baaritaan kooban inkastoo aysan baaritaankaasi ka soo bixin wax natiija ah. Wali ma jirto faahfaahin ay bixiyeen saraakiisha booliska Soomaaliya maadaama qaraxan lala beegsaday sarkaal iyaga ka tirsan. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan la soo sheegayaa in xaaladeedu ay tahay mid degan islamarkaana waxaa caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo kan gaadiidka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. With only one dedicated COVID-19 hospital for 15 million people, Somalia is bracing for a catastrophic coronavirus outbreak, doctors warn. Source: Hiiraan Online
  8. Degmada Hodan ayaa xalay u gudubtay Final-ka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay dhiggeeda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Labada degmo oo dadaal badan soo muujiyey, tan bilowgii barnaamijka ayaa waxa ay guushu raacday Hodan oo noqotay degmadii ugu horreysay ee tega Final-ka tartanka. Wadajir oo laga badiyey ayaa la timid 2 dhibcood, halka Hodan oo guusha la hoyotayna ay keensatay 6 buundo, sida uu shaaciyey, Xasan -Weli Sheekh Abuubakar. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Howlwadaag iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Degmada guuleysata sidoo kale waxa ay iska xaadirin doontaa Final-ka, iyada oo ay isku dhici doonaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  9. Saraakiisha amaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo lagu aasayay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta goblka Bari, ka dib markii ay falkaas xog ka heleen hey’adaha booliska maamulkaasi. Taliska booliska gobalka Bari oo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF ayaa wax ay sheegeen in qaraxyadan ay fashilyeen xalay islamarkaana waxa ay intaas ku dareen in raggaasi aasayay qaraxyada looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo kuwa Daacish ee ka dagaalama deegaannada Puntland. Booliska ma aysan faahfaahin inay gacanta ku dhigeen raggii qaraxyada aasayay iyo inkale balse waxa ay xuseen in qaraxyadan la doonayay in lagu aaso bartamaha magaalada islamarkaana ay ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan waxyaabihii la doonayay in la qarxiyo ka hor inta aysan qarxin. Magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Puntland sida Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amnigoodu waxa uu noqday mid faraha ka sii baxayay ka dib markii magaalooyinkaas ay ka dhaceen dilal qorsheysan, weeraro toos ah iyo qaraxyo waxaana dhacdadii u dambeysay lagu dilay guddoomiyihii gobalka Mudug ee qeybta Puntland Axmed Muuse Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Masuuliyiinta ugu sareysa Puntland waxa ay had iyo jeer sheegaan inay tallaabooyin cad ka qaadi doonaan amniga deegaannadooda, balse taas xilligan uma muuqato mid ay amni iyo xasilooni ku helayaan shacabka deegaannadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Carta, Djibouti 2000 Toban sano oo kala haad ah kadib waxaa dib u bilaamay abaabul cusub oo Dawladnimo. Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fidiyey gacan walaal oo gogol fidsan dhigay Magaalada Carta ee Djibouti 2000. Shir aad u balaaran oo waxgaradka iyo bulshada rayadka ah u badan, lagana ilaaliyey hogaamiye-kooxeedyada ayaa gogol aan waqti cayiman ku xirrayn oo xal doon ah loo fidiyey. Talada shirka nabadaynta, maalgelintiisa iyo abaabulkaba waxaa keli ahaan dusha u ritay Madaxweyne Ismaaciil iyo Djibouti. Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo hoggaan dhaqan oo jilib culus ah ayaa oo toban sano oo magac xumo iyo metelaad la’aan Dawladnimo kadib is-horfariistay. Calankii buluugga ahaa oo aan muddo fagaare lagu arag iyo heeso wadani ah oo qiiro leh ayaa laga hor ooyey oo lagu wada calaacalay. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (midig) iyo Cabdiqaasim Salaad Shirka Carta maamul ahaan lagama casumin Somaliland iyo Puntland oo ay kala hogaaminayeen Cabdullahi Yusuf Maxamed Ibrahim Cigaal, inkasta oo ergo deegaamadaas kasoo jeedaa shirka yimaadeen. Dood iyo lafogur dheer oo qaatay ilaa lix bilood waxaa shirkii Carta ka dhalatay Dawlad loo bixiyey TNG-Transitional National Government iyo nidaam awood-qaybsi siyaasaddeed loogu yeeray 4.5 loona arkayey xal ku meel gaar ah oo albaabka Dawladnimo-doonka ah lagu furo maadaama kalsooni xumo iyo kala shaki badani jirey. Waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Cali Khalif Galayr oo Raysal-wasaare ah oo labaduba ka mid ahaa xukuumaddii Askarta, kana soo kala jeeday Woqooyi iyo Koonfur. Si weyn ayaa Dawladdii Carta loo soo dhoweeyey, waxayna Xamar ka degtay iyada oo rajo weyn laga qabo. Inkasta oo ay Dawladdii Cabdiqaasim cod loo baahnaa u noqotay Soomaaliya, fagaarayaasha caalamkana metelaad uga heshay, haddana wax weyn oo kale uma qabsoomin. Taageero iyo aqoonsi macno leh kama helin caalamka, marka laga reebo sako iyo sadaqo Carbeed oo sooryo ah. Mucaarad gudaha ah iyo mid dibadda ahna waa yeelatay oo sii wiiqa. Waxayse fure muhiim ah u noqotay safarka dheer ee dib-u-yagleelka Soomaaliya oo qori-isu-dhiib ku dhisan, waxayna Dawladdii carta ee TNG-da taariikhda ku gashay inay noqoto xukuumaddii ugu horraysay ee is-faham ku dhalata ilaa iyo burburkii xukuumaddii Askarta Jannaayo 26, 1991. Mbegati-Eldoret, Kenya 2002-2004 Kahor dhamaadka muddo xileedkii xukuumaddii Carta waxaa sii bilowday ololaha tii bedeli lahayd oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin iyo hoggaamiye kooxeedyo mucaarad ku ahaa Madaxweyne Cabdiqaasim iyo TNG-dii Carta. Is-bahaysiga hannaankii Eldoret-Embegati waxaa horkacayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Madaxweyne ka ahaa Puntland oo iyadu markaas maamul ahaan u dhisnayd. Waxaa kaloo hannaanka Dib-u-heshiisiinta Eldoret iyo Embegati riixayey dalalkii deriska ahaa ee Kenya, Ethiopia iyo Urur Goboleedka IGAD oo u arkayey in Xukuumaddii Cabdiqaasim dhinaca Carabta u badatay iyo Midowga Yurub oo bixinaysay kharashkii badnaa ee shirka. Ugu yaraan labo sano oo xarig jiid, gorgortan iyo cadaadis adduunka ah kadib waxaa dhalatay xukuumaddii la baxday Kumeel Gaadhka (TFG1-Transitional Federal Government) oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi-na Raysal-wasaare. Waxay ahayd Dawlad ku dhisan Charter federal ah oo leh 175 xildhibaan oo ku salaysan awood-qaybsi siyaaasadeedkii Carta ee 4.5 oo uu Gudoomiye Baarlamaan ka yahay Sheriif Xasan Sheekh Aaden. TFG1 Waxay ahayd Dawladdii 2-aad ee dalka dibaddiisa lagu soo dhiso, waxay kaloo ahayd Dawlad ay ku dhan yihiin dhamaan qabqablayaashii dagaalka ee muuqday iyo cidkasta oo saamayn siyaasadeed iyo mid ciidan lahayd xilligaas. Waxaa la jideeyey in wasiirradu kasoo dhex bixi karaan xildhibaanada taas oo ah caqabad weli taagan oo wax weyn u dhintay Is-korjoogtaynta iyo Isla xisaabtanka (Transparency and Accountability) Hay’adaha Dawladda. Waajibaadka ugu weyn ee TFG1 Waxay ahayd: 1. In muddo labo sano ah lagu dhamaystiro nidaamka cusub ee Federalism-ka ah ee la qaatay, 2. In Xukuumaddu gudaha dalka ka hawlgasho oo Hay’adihii Dawladda la dhiso iyo 3. In la dhamaystiro Axdi-qarameedka ku meelgaarka ah. Laakiin markiiba waxay xukuumaddii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Raysal-wasaare Geeddi la kulantay mucaarad xooggan oo fursad u diidday. Guddoomiyihii Baarlamaanka Sheriif Xasan iyo hoggaamiyeyeyaashii hubaysnaa ee Muqdisho qaar ka mid ah ayaa samaystay isbahaysi siyaasaddeed oo mucaarad ah, waxayna diiddeen in xukuumaddu Xamar tagto. Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo xukuumaddiisii waxay u guurtay Jawhar oo uu markaas haystay Maxamed Dheere oo ay Raysal Wasaare Geeddi qaraabo ahaayeen, kursiga Baarlaman-kana uga baxay. Xoogaa ka dib Maxamed Dheere wuxuu u jirxumeeyey xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf ee maganta u ahayd. Si lama filaan ah ayaa Madaxweyne Cabdillahi Yusuf ugu guuray Baydhabo oo uu gacan-haadis ka helay. Isafgranwaagii mucaaradkii TFG1 iyo Madaxweyne Cabdillaahi waa sii xoogaystay, waxaana samaysmay “muqaawimo” ama iska caabbin isku xiran dibad iyo gudoba. Xarakadii Maxaakiimta ee Sheekh Sheriif iyo Xasan Daahir Aweys hoggaaminayeen ayaa soo if baxday oo xoogaa kala dambayn iyo amni ah ka samaysay Xamar iyo nawaaxigeeda muddo lix bilood ah. Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf wuxuu ka badbaaday isku day dil mar uu kasoo baxay xarunta Baarlamaan-ka, waxaana aad u xumaaday xiriirka isaga iyo Gudoomiye Sheriif Xasan oo mucaarad toos ah xilligaas noqday. Markaas kadib xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf iyo Geeddi waxay Itoobiya ka dalbatay ciidamo xoog leh oo gacan siiya, Xamarna u gelbiya. Markii ugu horraysay taariikhda ayaa ciidamo Itoobiyaan ahi galeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taas oo ay dad badani u arkayeen bahdil siyaasaddeed. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ay Cabdullaahi Yuusuf isku aragti dhawaayeen, ayaa loo doortay bishii Janaayo 2007 Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya. Labo sano ayey ku qaadatay in xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi gelbinayaan ay Xamar gasho oo jebiso isbahaysigii maxaakiimta iyo muqaawimada, calankana dib looga taago Villa Soomaaliya markii ugu horraysay 17 sano kadib. Laakiin khasaare ballaaran oo dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac weyn leh ayey taasi ku timi. Waxaa arrintaas iyana ka dhashay mucaarad kale oo xoog leh oo la baxay isbahaysiguu ARS ee ASMARA oo isugu jirey xildhibaanno, maxaakiim, qurbo-joog iyo siyaasiyiin kale oo dhamaan ku midaysnaa inay xukuumadda Cabdillahi Yuusuf tuuraan, waxaana hormuud u ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka-ka Sherif Xasan iyo Sheekh Sherif oo ahaa Madaxii maxaakiimtii la jebiyey. Waxaa iyana is-khilaafay Madaxweyne Abdullaahi Yuusuf iyo Raysal Wasaare Geeddi, waxaana la magacaabay Raysal Wasaare cusub oo ah Nuur-cadde oo isna ay isla markiiba markale is-khilaafeen Madaxweyne Abdullahi Yuusuf. Itoobiya oo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf soo dhistay ayaa markaan dhabarka u jeedisay, Maraykankuna wuxuu saaray cadaadis weyn oo ah inuu tago si loo qanciyo mucaaradka ASMARA ee sii xoogaysanaya. Bishii Nofember ayaa Madaxweyne Yuusuf si lama filaan ah u hortegey Baarlamaanka oo ka horsheegay inuu is-casilay, xilkana uu sii haynayo Gudoomiyihii cusbaa ee Baarlamanka Sheekh Aaden Madoobe. Madaxweyne oo muddo-xileedkiisa ay ka harsan tahay 7 bilood ayaa kasoo degey magaalada Garowe isaga oo kelidiis ah oo hubkii iyo ciidankii uu Puntland kala tegey aan wadan. Tani waxay ka dhignayd inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka dhabeeyey mid ka mid ah ballanqaadkiisii markii la doortay ee ahayd inuu saddex mid noqon doono: Inuu ku guulaysto shaqada loo igmaday, Inuu ku dhinto isaga ku dhex jira iyo Inuu dadka talada dib ugu soo celiyo hadduu shaqadaas ku fashilmo. Wuxuu taariikhda ku galay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee calanka sura Villa Soomaaliya burburkii kadib iyo inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee taariikhda Soomaaliya is-casila isaga oo aan waqtigisu dhamaan. Djibouti TFG 2: Sheekh Sheriif 2009-2012 Wadahadal iyo gorgortan siyaasaddeed oo dhexmaray Raysal Wasaare Nuur-cadde iyo mucaaradkii ASMARA oo xafiiskii UN-ka ee Axmed Walad Cabdalla ku dhex jiro, ayaa kusoo dhamaaday in doorasho cusub la qabto, mucaaradkana la siiyo 250 xildhibaan oo ah hadiyad siyaasaddeed si loo hubiyo inay kursiga ku guulaystaan. Feegaarkii siyaasaddeed ee ugu horreeyey oo sharciga ka baxsan ayaa la jideeyey. Sheekh Sheriif Sheekh Axmed oo ahaa madaxii ARS-ta ee ASMARA, ayaa Djibouti loogu doortay inuu noqdo Madaxweynihii labaad ee TFG 2009, wuxuuna Raysal Wasaare u doortay Cumar cabdirashiid Cali Sharmaarke. Xasan iyo Sheekh Shariif Madaxweyne Sheekh Sheriif inkasta oo ay is-qabteen labadiisii Raysal Wasaare ee Cumar Cabdirashiid iyo Farmaajo labadaba haddana wuxuu si xoog leh usii waday shaqadii dib-u-heshiisiinta, Datuur samaynta iyo dal-isku wadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa shirarkii Garowe 1, iyo Garowe 2 iyo gabagabeyntii iyo ansixintii Dastuurka KMG ee Muqdisho ka dhacday. Waxaa kaloo lagu xasuustaa in doorashadii ugu horraysay ee Madaxweynimo lagu qabto dalka gudihiisa oo ay Mugdisho ka dhacdo 2012, taas oo ahayd tallaabo muhiim ah oo xusid mudan iyo weliba muddo-xileedkiisa ay Dawladdu ka baxday ku meelgaarkii oo noqotay Dawlad rasmi ahoo loo yaqaan FGS. Nuxurka ka bixidda ku meelgaarnimada iyo dhinacyadiisa togan ama taban waa dood kale oo furan. FGS1: Muqdishu 2012-2016 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne loogu doortay Sebtember 2012, wuxuuna noqday Madaxweynihii 1-aad ee Muqdisho lagu doorto ilaa iyo intii ay Dawladdii dhexe dhacay 1991. Dooarshada Xasan Sheekh Maxamuud waxay Soomaaliya ka dhigtay Dawlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay oo adduunka la macaamili karta. Inkasta oo gaabisyo iyo caqabado jireen muddo xileedkiisa sidii xukuumadihii ka horreeyeyba, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu xasuusan karaa dhowr qodob oo muhiim ah oo saldhig u noqday dhismaha Dawladda Federaalka ah. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dastuurka ku meelgaarka ah iyo nidaamka federaalkaba su’aalo ka qabay, kana horyimi bilowgii dhismihii Jubbaland, haddana dhamaan maamul-goboleedyadu waxay samaysmeen muddo xileedkiisii marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo iyagu ka horreeyey Dawladda Federaalka dhalashadeeda. Sidaa daraadeed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xasuusan doonaa dhamaystirka qalfoofka Federaalka. Madaxweynayaal- Cabdiqaasim, Cabdullaahi, Shariif iyo Xasan Waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa samaynta Madashii Wadatashiga ee Madaxda dawlad-Goboleedyada oo noqday Madal go’aamo wadajir ah lagu qaato marka taladu murugto sida tii doorashooyinka 2016 ee xildhibaanada lagu soo doortay deegaan doorasho. Maxaa lagu xasuusan doonaa TNG-dii CARTA, TFG-dii Mbegathi, TFG-dii Djibouti iyo FGS-tii 1-aad ee Muqdishu? Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu cod iyo metelaad u noqday Soomaalida muddo toban sano oo Dawlad la’aan ah kadib. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu calankii iyo Dawladnimadii dib ugu celiyey Villa Somalia 16 sano kadib. Madaxweyne Sheekh Sheriif Sheikh Axmed wuxuu dalka ka saaray kumeelgaarnimadii, wuxuu ansixiyey Dastuurkii kumeelgaarka ahaa, wuxuu xoojiyey isu soo dhoweynta Soomaalida, wuxuuna hirgeliyey in doorashadii ugu horreeysay ee Madaxweynenimo ka dhacdo Muqdisho ilaa iyo burburkii. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhamaystiray qalfoofkii Dawlad-Goboleedyada iyo nidaamka Federaalka. Kulli Madaxweynayaashaasi waxay ka midaysanaayeen in mid waliba tallaabo iyo sal muhiim ah u dhigo Dawladnimada iyo in is-bedel yimaado dhamaadka muddo xileedka kan kale. Kulligood waxay qayb ka ahaayeen 17 sano oo baadigoob iyo dib-u-dhis Dawladnimo Soomaaliyeed ah. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Email: juxafarah@gmail.com —————– Juxa waa siyaasi horey u soo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Puntland iyo Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya / The post 17-KII SANO EE DIB-U-YAGLEELKA DAWLADNIMADA SOOMAALIYA 2000-2017 appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19 oo ah mid joogto ah. Shirka ayaa lagu falanqeeyay saameynta dhaqaale ee safmarka fayriska Karoona iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddiga ku ammaanay shaqada ay shacbka Soomaaliyeed u hayaan, isagoo ku boggaadiyay in ay sii laba laabaan wacyigelinta si cudurka Karoona looga hortago dhibaatada uu bulshada ku hayo. View the full article
  12. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdsho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Khasaare kala duwan oo soo gaaray askartii saarneyd iyo dad shacab ah ayaa jira, balse lama oga inta uu la’egyahay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo hakad galiyey dhaq dhaqaaqa isgoyskaasi, mana jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey qaraxaasi miino. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradan ceykan oo kale ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  13. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degmadaasi. Qaraxa ayaa lala beegsaday sarkaal lagu magacaabo Gen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo ciidamo uu watay balse sarkaalkaas ayaa ka badbaaday qarax sida ay xaqiijiyeen Laamaha Amniga. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay madaafiic culus ku garaaceen xaafado ka tirsan degaanka Shaban-bood ee gobolka Shabeellada hoose kadib markii halkaasi qarax lagula eegtay. Guddoomiyaha degaanka Shalan-bood Nuur Cismaan Raage oo la hadlay warbaahinta Muqdisho aya xaqiijiyay wararka sheegaya in AMISOM madaafiic ku garaacday xaafado shacab deggan yihiin oo ku yaalla degaankaas inkastoo uusan faahfaahin khasaraha ka dhashay. Guddoomiye Raage ayaa sheegay in ay khasaaraha madaafiicdaas ka warbixin doonaan kadib markii ay xog sugan ka helaan xaafadaha la duqeeyay iyo cidda waxyeelladu ka soo gaartay. Qaraxa Shalan-bood waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab oo sheegay in ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Shalan-bood appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo warramayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Qaraxa oo ahaa miino, islamarkaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaar ee caasimada ayaa waxaa lala bartilmaameeda gaari Toyota Hilux (Qooqan) oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa khasaare kala duwan uu ka soo gaaray askartii la socotay gaarigaasi iyo dad shacab ah oo marayey wadada. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo ku weerara ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha caasimada iyo gobollada kale.
  15. Madaxweyne Qoor Qoor Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay hadal ka jeediyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay Arrimaha ugu muhiimsan ee u qorshaysan in uu wax ka qabto. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in uu muhiimadda kowaad siin doono soo celinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug gaar ahaanna Cirib-tirka iyo La-dagaallanka Malayshiyaadka Al-shabaab ee weli ku sugan Degaanno ka tirsan Galmudug. Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ballan-qaaday in uu gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ka ilaalin doon isku dhacyada Qabiilada iyo dilalka la xiriira aanooyinka Reer Guuraaga si loo xaqiijiyo Nabadgelyada Shacabka. Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in uu sii wadi doono Dib-u-heshiisiinta iyo Midnimada Shacabka Galmudug islamarkaana uu wada-hadal iyo tanaasul u muujin doono cid kasta oo wax ka tabanaysa Maamulkiisa waase haddii Tabashooyinkaasi sax yihiin. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ka warbixiyay Qorshayaashiisa ugu muhiimsan appeared first on Puntland Post.
  16. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xalay ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka Dacwadda Badda ee Maxkamadda hor taalla waqtiga dheer. Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona. Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxuu sheegay in maxkamddu ay go’aamisay sidoo kale in dhageysiga dacwaddu uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah oo maxkamadda lala tegi doono maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen. View the full article
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-20052020.mp3 View the full article
  18. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo kaashanaya Ciidanka PSF ayaa xalay fashiliyay Qarax nooca dhulka la geliyaa oo ay aasayeen kooxo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish. Qaraxaas oo la doonayay in lagu aaso bartamaha Magaalada Boosaaso ayaa ciidamadu ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ka hor intaan la aasin balse waxa goobta ka baxsaday Kooxdii Qarax wadday. Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in kooxdii Qarax sidday oo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish ay goobta ka baxsadeen balse gacanta lagu dhigay Gaarigii ay wateen. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii watay Qaraxa iyo Gaariga oo Magaalada ku dhex fakaday kadib markii la fashiliyay Qorshahoodii. PUNTLAND POST The post Laamaha Amniga Puntland oo fashiliyay Qarax lagu aasayay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  19. ADDIS ABABA, May 19 (Xinhua) -- Djibouti's Ministry of Health has announced 117 new COVID-19 cases, bringing the total number of confirmed cases in the Horn of Africa nation to 1,518 as of Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  20. The flight carrying medical aid for Palestinians took place despite the UAE and Israel having no formal ties. Source: Hiiraan Online
  21. In an unprecedented step, the National Bank of Ethiopia (NBE) has limited cash withdrawals for individuals and businesses from commercial banks and other financial institutions. Source: Hiiraan Online
  22. Djibouti is better known as a strategic outpost than a hotbed of music but Groupe RTD, the country's national radio band, are one of its best kept secrets. By day they play at official ceremonies, off duty they let rip their love of American jazz, Indian Bollywood, Jamaican reggae and Somali funk. Source: Hiiraan Online
  23. The State of Qatar is making efforts to patch its differences with Somaliland during this COVID-19 period with humanitarian and medical aid. Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU, May 19 (Xinhua) -- Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,502. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa si kulul uga hadlay duqeymo culus oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo ee koonfurta dalka. Khasaare nafyo iyo maaba leh ayaa ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid rayid ah, xoolahooda iyo duur joogba ay kasoo gaaray duqeymaha diyaaradaha Kenya habeenadii lasoo dhaafay ka fuliyeen, deegaano ay ka mid yihiin, Cows-Qurun, Kaakuma, Lafa-Geri, Buusaar iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolka Gedo. Korneyl Xasan Aadan Biixi, waa saraakaal ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo, wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ee maagalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay duqeymo aan ka fiirsi laheyn ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo, taasna ay ka jawaabi doonto dowladda Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka war qabto duqeymaha iyo dhibaatooyinka ay dowladda Kenya u geysaneyso shacabka Soomaaliyed, taasna lagula xisaabtami doono. “Dowladda Soomaaliya way ogtahay mana mooga waxa dadkeeda iyo dalkeeda ku dhacaya, wayna ka jawaabi doontaa, qorshaheedana wey ku jirtaa sidii ay uga jawaabi laheyd, iska daad dadka, duunyada, iyo duur-joogta dhimanayee, dhulka burburay, maalka iyo geedaha go’aya, xisaabta ay leeyihiin Kenya way dhedhemineysaa mar aan dheereyn” ayuu yiri Korneyl Xasan Aadan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya. Waxuu sheegay in goobaha ay beegsadeen diyaaradaha Kenya ay yihiin dhul daaqsimeed ay ku noolyihiin dad Soomaaliyeed oo reer guuraa u badan, kuwaas oo khasaare badan uu kasoo gaaray, iyaga iyo xoolahooda. “Habeenadii lasoo dhaafay waxaa dhul balaaran oo dad, duunyo iyo duurjoog intuba ku noolyihiin beegsaday diyaaradaha Kenya, xalay oo u dambeysay deegaano ay ka mid yihii Sama-roone iyo Ciise-guul iyo dhul badan oo dhaca bariga gobolka Gedo ayey duqeeyeen, dhulkaas waxaa degan dad u badan reer guuraa waxaa ku yaalla webiyaal aad loo cabo iyo tuulooyin camiran, waxaa ku nool duur joog aad u badan, khasaaruhuna ma yara dad, xoolo iyo duur joogba waa lagu le’day” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Aadan Biixi oo ah sarkaal ka tirsan xoogga dalka. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Korneel-Xasan-Aadan-biixi-.mp3