Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaadiid wada dad ka soo xagaa baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka oo Arbaco ah ku xanniban nawaaxiga kantaroolka Koonfureed ee Boosaaso kadib markii ay go’day buundo halkaasi ku taallay. Buundada ayaa go’day kadib markii daadad xooggan oo ka dhashay roobabka gu’ga ay ku soo rogmadeen degaanka islamarkaana buux dhaafiyeen togga ay saarantahay buundadaas go’day sida ay Puntland Post u sheegeen dad halkaasi ku xayiran. Gaadiidka ayaa haatan labada dhinac kaga xanniban buundada go’an waxaana jirta in gaadiidka u badan ay ku xanniban yihiin dhinac Boosaaso xigta kuwaas oo ay saaran yihiin dad ka soo xagaa baxay gudaha Boosaaso. PUNTLAND POST The post Isu-socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso oo saaka go’an appeared first on Puntland Post.
  2. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhismaha maxkamad Dastuuri ah, xilli la qorsheynayo inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Dalxa oo u warramayey Shabelle ayaa sheegay in loo baahnaa in xilli la hirgeliyo maxkamaddaasi, si haddii ay u yimaadaan murano ku aadan doorashada ay u xaliso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan suuragal aheyn inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo aan la dhisin maxkamadda Dastuuriga ah, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Dalxa.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu faah faahiyey dil shalay gelinkii dambe xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan loogu geystay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, oo sidoo kale ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Qoraalka taliska ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo uu muddo la shaqeynayey, sida lagu sheegay warbixinta. Sidoo kale warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaan Baashi uu ahaan nin au ku weyneyd dowladnimada iyo u adeegida Ummadda Soomaaliyeed. “Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska Soomaaliya. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, iyadoo baahisay in toogashada ay fuliyeen xoogag ka tirsan kuweeda. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa amniga Muqdisho wuxuu ahaa mid yare degan, iyadoona ay yaraadeen weeraradii qaraxyada ee mararka qaar ka dhici jiray.
  4. Saudi King Salman Bin Abdul Aziz amidst the deadly pandemic outbreak has approved a reduced version of performing Taraweeh prayers in the two Holy mosques Mecca and Medina. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-220420.mp3 View the full article
  6. War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay xubno ka tirsan Shabaab oo habeen hore miino ay aasayeen ku qaraxday. Qarax ayaa wakhtigaas ka dhacay waddo ku taalla Isgoyska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, halkaas oo xubnaha Al-shabaab ku aasayeen qaraxa miino. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in mid kamid ah raggii aasayay miinadaasi uu ku dhintay isla qaraxa,halka laba kalena la qabtay,kuwaasi oo dhawac uu ka soo gaaray falkii ay maleegayeen. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaaraysay falka noocaas ah ee fuleynimada ah waxaana ay boogaadisay ciidankii ka hawlgalay soo qabashada raggaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xubno ka tirsan Al-shabaab oo miino ay aasayeen la qaraxday appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay beddeleen habkoodii dagaalka, kadib markii “guul-darrooyin xooggan ay kala kulmeen” Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna caddeyn u tahay dhacdadii habeen hore ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii habeen hore ka dhacay jidka dheer ee Isgoyska degmada Heliwaa uu ahaa miino macmal ah oo ku qaraxday Al-Shabaabkii halkaas ku aasayey. “Xeeladahan ay miinooyinka ku aasayaan jidadka ayay argagaxisadu u tahay ololahooda dagaal ee ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Maadaama awoodda argagaxisadu sii daciifayso, oo aysan wajihi karin dagaal toos ah oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka ayay maciinbadeen habkan daciifninada ah ee ay jidadka shacabka isticmaalo ugu aasaayaan miinooyin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Qoraalka ayaa intaas ku daray in “guuliihii looga adkaaday argagaxisada Al-Shabaab ee magaalooyinka muhiimka ah ee Jannaale, Mubaarak , Awdheegle iyo qaar kale ayaa gayaysiiyey in ay falalka noocaan ah ku qariyaan jabkooda.” Ugu dambeyn dowladda ayaa sheegtay inay cambaareynayso falalka noocan, oo ay ku qeexday mid “fuleynimo ah.” Bilihii dhowaa waxaa aad u yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii kooxda Al-Shabaab ay ka fulin jirtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo xiritaanka jidadka iyo feejignaanta ciidamada amniga ah u muuqdaan kuwa hor-istaagay Shabaabka.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19 ee maamulkaasi, Mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in aysan weli heli lacagihii min halka milyan ee ay dowladda federaalka sheegtay inay u fasaxday maamul goboleedyada dalka. Darwiish oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa carabka ku dhuftay in ay akoonkoooda ka fiiriyeen lagactaasi oo loogu talagalay la dagaalanka cudurka Coronavirus, balse ay ka waayeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan aysan haysan dhaqaale ay haatan kula tacaalaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka oo ah mid saf-mar ah. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeyn dagaalka lagula jiro cudurkaan oo saameyn ballaaran ku yeeshay caalamka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac. Soomaaliya oo ah dal soo koraya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Covid-19, waxaana laga xaqiijiyey kiisas ku dhow illaa 300 oo qof oo badi ku sugan magaalada Muqdisho.
  9. MINNEAPOLIS (FOX 9) - To allow Minneapolis residents to pray together during Ramadan while maintaining social distance during the coronavirus pandemic, Adhan—the call to prayer—will be played over a loudspeaker in the Cedar-Riverside neighborhood five times per day for the duration of the Islamic holy holiday. Source: Hiiraan Online
  10. LONDON – The English Premier League has been asked by human rights activists and one of its major broadcast partners to consider blocking Saudi Arabia's attempt to buy Newcastle. Source: Hiiraan Online
  11. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka. Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa. “Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”. “Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka. Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha. “Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal. ‘Baarlamaanku uma diyaar garoobayo inuu muddada kordhisto’ Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhanka kale sheegay inuusan jiri doonin walaac ku aaddan in laga tashado muddo kororsi uu sameysto baarlamaanka, taasoo horseedi karta in waqtiga xil-heynta madaxweynaha lasii dheereeyo. “Dastuurka ku meel gaarka ah markaad akhriso, qodobka 64-aad wuxuu sheegayaa in xil-heynta baarlamaanka ay tahay 4 sano, qodobka 91-aad markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta madaxweynaha ay tahay 4 sano. Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu dhammeystiro”. Coronavirus ma sababi karaa in dib loo dhigo Doorashada Soomaaliya? Horaantii bishan guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen howlihi ay wadaan, coronavirus awgiis. Guddign oo ah mid isku dhaf ah oo laga soo kala xulay labada aqal ee baarlamaanka, oo si wada jir ah uu guddoonka baarlamaankla u magacaabay, ayaa howlaha loo xilsaaray waxaa ka mid ah qoondada haweenka ee baarlamaanka waxay howshoodu billaabeen bishii February ee sanadkan. Su’aalaha ugu waaweyn ee soo ifbaxay kaddib hakinta shaqadii guddigan waxaa ka mid ah in doorashada Soomaaliya ay suurtagal tahay inay dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay. Guddoomiyaha guddiga Ibraahim Isaaq Yaroow, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada uusan hadda xisaabta ku jirin. “Ilaa hadda arrintaasi iima muuqato, baarlamaankiiba haddii uu isku soo laabto annagu waan geyn karnaa xeerarka….doorasho qof iyo cod ahna wali rajo ayaa laga qabaa in ay dhici karto. Ilaahay ha naga haayo masiibo naga celiso iyo Coronavirus-kan in uu soo xakameysmo oo ay noo suurowdo isu socodkii iyo in aan ku dhiirran karno nolol iyo mustaqbal,” ayuu yiri. Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in hadda ay xubnaha guddigu shaqadooda kasii wadaan guryahooda, laakiin ay joojiyeen kulamadii ay isugu imaan jireen. Howlaha ugu waaweyn ee hakadka galay waxaa ka mid ah wadatashiyadii uu guddigan la sameynayay dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay arrintani khuseyso. Doorashada Baarlamaanka Federaalka ayey tahay inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, halka doorashada madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka xiga ee 2021-ka. Sanadkii 2017-kii ayaa la doortay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa soo doortay madaxweynaha, isagoo markaas kaddibna soo dhisay xukuumaddana Laakiin sida ay dowladda federaalka horayba u ballan qaaday, doorashada xigta ee Soomaaliya ayaa loo ballansan yahay inay noqoto mid qof iyo cod ah. Haddii ay taasi hirgasho waxay Soomaaliya u tahay tallaabo horumar leh oo muddo badan lagu riyoonayay. Isha: BBC Somali
  12. Canadian police had yet to determine a motive for the country’s worst mass shooting, as the death toll from the carnage in Nova Scotia over the weekend climbed to 23 from 19, the Royal Canadian Mounted Police (RCMP) said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. 6 qof ayaa maanta kaliya Muqdisho ugu geeeriyootay cudurka Coronavirus, waana tiradii ugu badnayd ee hal mar cudurka u geeriyoota tan iyo markii uu dalka ku faafay. Waxaa kale oo la diiwaan gaaliyay 49 xaaladdood oo cusub, taasoo tirada guud ee kiisaska cudurka ka dhigaysa 286 kiis. Shalay iyo maanta, in ka badan 120 kiis ayaa la diiwaan galiyay, waxaana kororka nuucaan ah uu muujinayaa in cudurku xargaha soo goostay isagoo ka faa’idaysanaya unuglaanshaha bulshada. Sidoo kale, dhimashada cudurka ayaa hadda umuuqata mid sameynaysa koror degdeg ah marka loo eego lixda qof oo maanta hal mar u geeriyootay, waxaana tirada guud ee dhimashadu maraysaa 14 qof. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la balaarinayo isbitaalada loogu talo galay bukaanada Covid19, maadaama cudurku aad u faafayo. Qeyb kamid ah Isbitaalka Banaadir ayaa loo asteeyay in lagula tacaalayo bukaanada Covid19. Qaran News
  14. Muslim essential workers across industries prepare for the challenges of working through the coronavirus pandemic while fasting for Ramadan. Source: Hiiraan Online
  15. Qorshaha Mareykanka damacsan yahay haddii uu geeriyoodo Kim Jong Un+Haweenayda karta Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qorshe xooggan oo la xiriira Korea-da Waqooyi, kaasi oo ku talo-galaya musiibo bani’aadannimo oo dalkaas ka dhacday, haddii hoggaamiye Kim Jong Un uu geeriyoodo, waxaa sidaas weriyey taleefishinka Fox News. Arirntan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar is-khilaafsan oo kasoo baxaya xaaladda caafimaad ee Kim. Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan CNN iyo Bloomberg, oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay, ayaga oo sheegay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi. Wax ay ahaataba, Mareykanka ayaa u muuqda mid u diyaar garoobay xaalad kasta oo suurta-gal ah. “Dowladda Mareykanka waxay mar hore dejisay qorshe xooggan oo la xiriira marka meesha uu ka baxo Kim, ayada oo xisaabta lagu darayo caqabadaha ka dhalan doona dhimashadiisa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka oo la hadlay Fox News. Sarkaalkan ayaa sheegay inay kadib marka meesha uu ka baxo Kim ay dhibaato bani’aadannimo ka dhalan doonto Korea-da Waqooyi, ayada oo malaayiin qof ay wajihi doonaan macluul, islamarkaana malaayiin kale ay u qaxi doonaan Shiinaha. Sarkaal sirdoon ayaa u sheegay Fox News in qeyb ka mid ah qorshahan uu si xooggan isugu haleynayo Shiinaha, si ay usoo faro-geliyaan gacanna uga gaystaan maareynta xaaladda gudaha Korea-da Waqooyi, sababo la xiriira u dhowaanshaha Shiinaha ee Korea-da Waqooyi, iyo dhibaatooyinka farsamo ee Mareykanka uu ka wajihi karo inuu gar-gaar bani’aadannimo siiyo dalkaas. Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah. Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin. Qaran News
  16. WASHINGTON (Reuters) - President Donald Trump’s new executive order banning immigration to the United States will last 30 to 90 days with the chance of renewal and apply narrowly to those seeking permanent immigration status, a senior administration official said. Source: Hiiraan Online
  17. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Qalabkii caafimaad u dhammaystirtay isbitaalka Martiini si loogula tacaalo bukaannada qaba xanuunka COVID-19. Dowladda ayaa sheegtay in ay qolalka xaaladda degdegga ah ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu adagtahay. Sidoo kale waxay sheegtay in ay Isbitaalka ka hawlgelisay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19. Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa xanuunka ka bogsooday dibna looga saaray waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo sida ay sheegtay dowladda. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Isbitaalka Martiini oo la sheegay in loo dhammaystiray Qalabkii Caafimaadka appeared first on Puntland Post.
  18. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qorshe xooggan oo la xiriira Korea-da Waqooyi, kaasi oo ku talo-galaya musiibo bani’aadannimo oo dalkaas ka dhacday, haddii hoggaamiye Kim Jong Un uu geeriyoodo, waxaa sidaas weriyey taleefishinka Fox News. Arirntan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar is-khilaafsan oo kasoo baxaya xaaladda caafimaad ee Kim. Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan CNN iyo Bloomberg, oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay, ayaga oo sheegay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi. Wax ay ahaataba, Mareykanka ayaa u muuqda mid u diyaar garoobay xaalad kasta oo suurta-gal ah. “Dowladda Mareykanka waxay mar hore dejisay qorshe xooggan oo la xiriira marka meesha uu ka baxo Kim, ayada oo xisaabta lagu darayo caqabadaha ka dhalan doona dhimashadiisa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka oo la hadlay Fox News. Sarkaalkan ayaa sheegay inay kadib marka meesha uu ka baxo Kim ay dhibaato bani’aadannimo ka dhalan doonto Korea-da Waqooyi, ayada oo malaayiin qof ay wajihi doonaan macluul, islamarkaana malaayiin kale ay u qaxi doonaan Shiinaha. Sarkaal sirdoon ayaa u sheegay Fox News in qeyb ka mid ah qorshahan uu si xooggan isugu haleynayo Shiinaha, si ay usoo faro-geliyaan gacanna uga gaystaan maareynta xaaladda gudaha Korea-da Waqooyi, sababo la xiriira u dhowaanshaha Shiinaha ee Korea-da Waqooyi, iyo dhibaatooyinka farsamo ee Mareykanka uu ka wajihi karo inuu gar-gaar bani’aadannimo siiyo dalkaas. Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah. Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin.
  19. Kadib dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyeye awoodaha is diidanaa ee dunida waa USA iyo USSR ama NATO IYO WARSO, qaarada Africa ayaa wajahaysay faragalin kaga imaanaysa awoodahaas si gaar ah wadamada la isku yiraa Horn of Arica oo Soomaalilya ay ka mid tahay. Dawladahan ayaa dawlada maraykanka ka helayey kaalmo milatari iyo mid horumarineed , hadana waxaa xukumkii laga tuuray nidaamkii milatariga ahaa ee Siyaad Barre 26 Janaayo 1991 ka dib weeraro xoogan oo kaga yimid jabhado hubaysan oo isbiirsaday ,laakiin nasiibdarada ugu weyn ee Soomaaliya haleeshay waa iyada oo dawladnimadeedii ay burburtay. Sidaa si lamid ah waxaa meesha ka baxay nidaamkii milatariga ahaa ee dargigii Migistu Xayle Maryem 21 May 1991 ka did markii uu waayey taageeradii milatari ee uu ka heli jiray dalka Ruushka , sidoo kale Eriteriya ayaa hashay ismaamul madax banaan isla bishii 29May 1991, laakiin inay meesha kabaxdo faragalintii lagu hayey wadamadaas ( Greater Horn ) masii socon waqti dheer. Isla waqtigii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa waxaa soo if baxay nooc kale oo faragalineed oo leh qaabab iyo ujeedooyin kaladuwan . Aan ku hormarno Dano jograafiyeedka iyo dawrka Cusub ee Shiinaha . Isbadaladii waaweynaa ee dunida ka bilaabmay wixii ka dambeeyey burburkii Ruushka waxay soo ifbaxay mawjado faragalineed oo laga dareemay mandiqada geeska Africa una dhexeeyey Shiinaha iyo quwadihii ree Galbeedka ujeedka ugu weyna uu ahaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa loona kontrooli ahaa ilaha dhaqaale iyo macaadinta ciiriin ee dhex ceegaagta mandiqada ( Access and Control ). Labada awoodood waxay iskuhawleen sida uu u dhigay qoraaga Chue ( 2007) waxa loo yaqaan dagaal siyaasadeed ( Political warfare) oo ku wajahan qaarada Africa sigaara mandiqada geeska Africa ujeedkuna ahaa sidii ah ugu mara dhalin lahaayeen waxa ay ugu yeereen ( National objectives ) ujeedooyin qaran. Taasoo ku qasbaysay wadamada awooda leh ee hirtanku ka dhexeeyey kuna tartamayey sidii ay u qabsan lahaayeeen qayraadka wadamadan inay siiyaan kaalmo dhaqaale iyo mid horumarineed oo isugu jirta qalabayn milatari iyo tababaristooda iyo sidoo kale xoojinta ciidamada amniga ( security forces )ee wadamada Africa . Laakiin dawlada shiinaha ayaa iyadu xooga saartay a waxa ay ugu yeertay Hirgalinta Dhaqaalaha Africa ( Economic engagement in Africa ) si gaara Greater Horn region ,waxayna si weyn u kordhisay maalgalinta ayka wado ama ay ku samaynayo ilahooda dhaqaale , tusaale ahaan shiinuhu wuxuu kor u qaaday dhaqaalah uu ku maalgalinayo dunida oo Africa ka helaysay sanadkii 2007 3 percent wuxuu gaariiyey 14 percent 2010, sidoo kale 2011 shiinuhu wuxuu qodista macaadinta Africa ku maalgaliyey aduun gaaraya $16 Billion, isla sanadkii 2011 wuxuu sii laba jibaaray maalgashigaas dhaqaale isagoo gaarsiiyey $165 Billion , hawlahaas uu shiinuhu kawado mandiqada ee dardarta wadata ayaa aad uga yaabisay oo kicisay dareenka maraykanka iyo wadamada ree galbeedka maadaama ay iyagu ahaayeen wadamada sida weyn xiriir ganacsi iyo mid maalagshiba lalahaa wadamada geeska Africa oo ay ugu horeeyaan Sudan, Etoobiya iyo Kenya.inakastoo ay wali shirkadaha ree galbeedku ay yihiin kuwo wali ka hawlgala mandiqada ayna wali u xirnanyihiin ilaha macaadinta ee wadamadan, welwekaas waxaa sigaara u iftiimisay Heleray Clinton oo ahayd xoghayihii arimaha dibada ee maraykanka kuna tilmaantay hawlaha maalgashi ee shiinuhu ka wado Africa mid leh muuqaal gumaysi, iyadoo tiri waqtigii gumaystaha waxaa sahal ahayd inaad qabsato afirica, qaadatid khayraadkeeda dabiiciga ah, laaluushtid hogaamiyaashooda iskana baxdid adoon waxba uga tagin dadkii dhuka lahaa , sidaas awgeed marnaba ma aqbalyno inaan markale aragno dhaqankaas leh sifada gumaysi cusub. Dhankiisa ra`iisul wasaarihii Ingriiska David Cameron ayaa isna si xoogan u dhaleeceeyey habdhaqanka maalgashiga shiinaha ee Africa xili uu booqasho ku marayey Negeria isagoo sheegay in ree galbeedku ay isdaba jooga ah uga welwelqabaan dowrka shiinaha ee Africa una arkaan inuu yahay habdhaqan cusub oo lagu boobayo Africa .isagoo cadeeyey inuu aad u danaynayo in la hor istaago ku tilmamay “ duulaanka shiinaha,, wuxuuna isweydiiyey sababta uu xiriirka dhaqaalaha ee shiinuhu uu u yahay mid imbiriyaalisim ah oo ka baaxad weyn kan reegalbeedka. – Emperialism ; waa siyaasad uu isticmaalayey gumaystuhu oo uu rabay inuu awoodiisa military iyo tan dhaqaale uu ku qabsado wadmadii uu gumaysanayey. Laakiin su`aasa xiisaha leh ayaa ah Africa ma u baahan tahay in ree galbeedka uu ka difaaco waxa uu ku tilmaamay David Camerun gumaysiga shiinaha???. Si kastaba ha ahaatee arimaha ee sii xoogaysanay ee shiinuhu ka wado Africa wuxuu si aad ah uga xanaajiyey dalalkii ree galbeedka ee xafiiltanka xoogan kaldhexeeyey , kaasoo ahaa kan kaliya ee iska maamusha khayraadka dabiiciga ah ee Africa xiliyadii gumaystaha iyo wixii ka dambeeyey, wuxuuna cikiyey mawjado faragalin kale oo mardiqada geeska Africa oo foodsaarta. Marka meel la iska dhigo af tahanimada Helery Clinton, dawlada maraykanka ayaa dajisay laba istiraatajiyad oo ay ugu talo gashay inay uga hortagto hawlaha saamayntooda leh ee uu shiinuhu ka wado Africa.istiraatijiyadaas oo si kooban u sharaxaysa xaqiiqada dhabta ah ee loo aasaasay US Africa Command ( AFRICOM), oo ah ujeedada aan u qoray maqaalkan . 1 – istiraajyada koowaad ayaa ah mid xiriir la leh aas aasitaanka xiriir amni oo maraykanku la yeesho dawladaha afirca ( security ties), arintaan oo ah mid xiriir la leh aas aasitaanka howgalka Africom ee 2007 oo ah hay`ad laagu talo galay fulnta siyaasad arimaha dibada ee Maraykanka ee ku wajahan qaarada Africa, Thersa Whelan oo ahayd kaaliyaha wasiirka gaashaandhiga ee arimaha Africa 2007 ayaa laga soo xigtay inay tiri way cadahay in ujeedada ka dambeeya hay`adan ay tahay ahmiyada ay africa ugu fadhido amaanka qaranka ee dawlada maraykanka. Waxaase jira shaki ah sida khayraadka Africa gaar ahaan batrooka iyo macaadintu aysan u noqn kuwo ahmiyad weyn u leh maraykanka oo kaliya balse ay soo jiiteen shinaha iyo quwadaha kale ee quuta khayraadka qaarada Africa. Dhanka kale tartanka loogu jiro gaarista iyo ka faaidaysiga khayraadka dihin ee Africa ayaa kiciyey dareenka dalalka awooda dhaqaalaha iyo tiknooloojiyada leh , kana dhigay qaarada meel u nugul faragalin badan oo saamayn xoogan kuyeesha siyaasadaha xukuumadahooda. Bishii juun 2012 Pentigonka ayaa mar kale aasaasay waxa uu ugu yeeray isku dhafka hawlgalka wada jirka ah ee mandiqada geeska Africa, the Combined Joint Task Force- Horn of Africa.(CJTF-HOA)ujeedka muuqda ee loo sameeyey arintan ayaa lagu sheegay, Baahinta ama xoojinta nabada ee mandiqada, In Cadawga loo diido meeluu gabaad ka dhigto iyo meel nabdoon oo uu ku nagaado,In la kordhiyo awooda wadamada ay ka howlgalaan ciidankaan isku dhafka ah si ay u awoodaan inay gaarsiiyaan dadkooda adeega ay u baahan yihiin iyo sidoo kale la xoojiyo dagaalka lagula jiro argagixisada. Si arintaan u dhaqan gasho Pentagonku waxa uu saldhig ka samaystay dalka Jabuuti 2003 ,saldhigas oo loogu yeero (Camp Lemonnier) wuxuuna dajyey qaybo kamid ah qaybaha uu ciidankiisu ka kooban yahay sida (Ciidanka dhulka , Cirka iyo kan bada). Sanadkii 2006 wuxuu pentagon ku laba jibaaray baaxada saldhigaas kuna kordhiyey qaybo ay isticmaali karaaan diyaaradaha waaweyn sida C-17 Hercules, iyo CV-22O spery air-craft si ay taageero u siiyaan C-17 Globemaster III iyo C-5Glaxiy oo loo adeegsado xamuulka agabka milatariga. Inkastoo AFRICOM saldhigeedu ahaa Germany, hadana saldhiga Jabuuti waxaa loo asteeyey inuu noqdo xarunta fulinta hawlgalada ku wajahan Africa sigaara mandiqada geeska Africa. Waana lawada soconaa in Jabuti ay tan iyo waqti hor ay saldhig u ahayd ciidanka Faransiiska , iyo sidoo kale saldhig ay ka hawlgalaan ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee uu UN ku sharciyeeye loona yaqaano ( Maritime Interception Operation. MOI) .sidaa si lamid ah Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh dalalka Germany,Talyaaniga,Norwey, Denmark, China,Japan iyo kuwo kale. Sidoo kale Maraykanku waxa uu saldhigyo milataro oo kale ka samaystay meelo kale oo mandiqada ka mid ah sida kan Mombasa- Kenya , Entebe –Uganda oo kagacan siiya dalka Uganda sidii ay ula dagaalami lahaayeen falaagada uu hogaamiyo Joseph Kony oo gaboodyo farabadan oo ka dhan ah bani`aadamka ka sameeyey dalka Uganda, si doo kale waxa uu maraykanku kasamaystay saldhiyo kooban oo ay ay adeegsadaan diyaaradaha loo yaqaan Drons ka sida kan Etoobiya iyo Jasiirada Seychilies ee dhacda badweynta Hindiya . dhankooda dalalka yurub ayaa ku soo biiray hawlgalka maraykanku ka wado qaarada afica una fidiyey maraykanka taageeo dhaqaale iyo mid farsamo si loo yareeyo ama loo ciriiriyo hawgalka dhaqaale ee shiinuhu ka wadado qaarada, gaar ahaan mandiqada geeska Africa. Hawlgalka milatari ee Maraykanku kawado mandiqada gaar ahaan Soomaaliya ayaa wajigiisa muuqdaa yahay ladagaalanka burcad badeeda iyo argagixisada Al-Shabaab iyo sidoo kale falaagada ka dagaalanta dalka Ugaanda ee uu hogaamiyo Joseph Kony, lkn way adagtahay in hawlgalkaas kooban uu maraykanku kawado mandiqada ay marmarsiiyo u noqon karto xajmiga saldhigyada milatari ee uu ku baahinayo kana dhisayo mandiqada. Waxayna u muuqdaan kuwo aan isu dhigmin. Waxayna loo arkaa kuwo ujeedkooda qarsoon uu yahay in algu saameeyo siyaasadaha dawladaha qaarada, hakadna lagu galiyo wadada shiinuhu uu ku doonayo inuu ku gaaro khayraadka dabiiciga ah ee dhex ceegaaga qaarada iyo suuqyadeeda. 2- Istiraatijiyada labaad ee Maraykanku ku doonayo in lagu dabro hawlgalka ganacsi ee shiinuhu ka wado mandiqada sida xawilga ah uga socda qaarada siguud, sigaara Manidqada bariga Africa ayaa ah mid loo marayo dhex gal dhaqaale oo wayn oo gabalka laga hirgaliyo , isitatijiyadaas waxaa dajieyey Obama taasoo qaybka ahayn siyaasadiisa ku aadan Africa,nuxurkeeduna ahaa in maraykanku kordhiyo halwlgalka dhaqaalaha ee uu Africa la leedahay isagoo tilmaamy : 1.loo gogol xaaro wadada hanaan ganacsi iyo maalgashi.2. laga shaqeeyo hagaajinta hanaanka maamulka gancsi.3. la dardar galiyo iskaashi dhexmara dalalka mandiqada.4.in la balaariyo awooda ay Africa ku gaari karto, ugana faaidaysankarto suuqyada caalamka.5.in lagu dhiiri galiyo shirkadaha maraykanka inay la ganacsadaan, maalgashina ku samaystaan Africa . waa sida laga soo xigtay senator ka tirsan gudiga arimaha dibada ee Senedka.2012. Waxaan shaki ku jirin in nolosha iyo horumarka Africa ay waxweyn iska badali lahaayeen waa hadii sifiican ay hogaamiyayaasha wadamada afirika umaarayn lahaayeen tartanka ay ku doonayaan shiinaha iyo maraykanku inay maalgashi iyo wada ganacsi la yeeshaan qaarada Africa soona saaraan khayraadkeeda ay bulshadeeu ka oomantahay. Arintaasina waxay siinaysaa Africa fursad weyn oo ay waxsoosaarkeeda ku geyn karaan suuqyada caalamka.lkn waxaa muuqda gaabis iyo inaan sifiican loo fahman siyaasadaha shiinaha iyo ree galbeedku ka leeyihiin qaarada Africa. Dhanka kale shiinaha ayaa u muuqda in dhaqaalaha Africa uu ka xoreeyey inay daba taagnaadaan barnaamiyo dhaqaale oo ay waqti hore dajyeen ahy`adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo wadamada ree galbeedku oo soo jiitamayey tan iyo qarnigii tagey. Waxaase maragmadoonta ah tartanka loogu jiro waxsoosaarka Africa iyo fursadaha maalgashiga oo sifiican loo maamulo, loona maareeyo inay taasi wax weyn ka badali lahayd dhaqaalaha iyo nolosha Africa si lamid ahna ay xoojin lahayd maqaamka xukuumadaha Africa ku leedahay caalamka iyo sidoo kale sare u kici lahaa dhaqaalaha shirkada gaarka loo leeyahay.. Hadaan soo gabagabeeyo, xiriirka amni ee maraykanku kala shaqaynayo xukuumadaha dalalka geeska Africa waxay u muuqdaan kuwa lid ku ah ujeedooyinka istiraatijiyadii uu ku dhawaaqay maamulkii madaxweyne Obama , sababtoo ah waxaa soo ifbaxaya saamaynta xun ee ay ku yeesheen gobolka, oo ay ugu horayso inay khilaaf ka dhex oogeen dalalka gobolka,maadaama dawladaha qaarkood laga doorbidayo kuwa kale, taasoo ku xiran sida ay mar walba xuxuukamadahaasi ugu heelan yihiin taageerida siyaasada maraykanka ee ku wajahan dunida iyo gobolkaba.taasina waxay badali karaysaa awoodaha isku dheeli tiranka ee dawladaha gobolka, sidoo kale waxay abuuri kartaa isku dhac military iyo xasarad ka aloosantay dawladaha gobolka dhexdooda.shakina kuma jiro in habdhaqakaasi uu uu wiiqi karo isdhexgalkii gobolka ee la saadaalinayey ( regional integration)iyo hirgalin siyaasad amni iskaashi wada shaqayn oo dhexmarta dawladaha mandiqada geeska africa. Sidoo kale waxaan hore ula soconay in xiriirkii milatari iyo faragalinta dibada xiligii dagaalka qaboobaa uu qayb lixaad leh ka qaatay baahinta sii xoogaysiga ama bilaabid xasardo ka aloosma gobolka. Mana jirto sabab xoogan oo damaanad qaadaysa in siyaasada loogu magac daray ( Security ties ) ee maraykanku ka hawlgaliyey gobolka geeska iyadoo loo marayo AFRICOM aysan keeneen natiijo kaduwan tii dagaalka qaboobaa oo ka dhigtay geeska Africa deegaan ay xasarado iyo dagaalo ka holcayaan. Sababtoo ah hadii aad si hoose u dhuuxdo ama u faaqido siyaasadaas waxaad arkaysaa inayba taageero siinayso regiimyada kali taliska ah eeka jira gobolka ee sida xoogan u cadaadinaya awoodada dimoqraadi doonka ah. Kusii daroo waxayba u muuqataa siyaasadasi mid khatar ku ah ama dib u dhac ku keeni karta tartankii shirkadaha dalalka horumaray ee dhaqaalaha leh ay ku maalgashan lahaayeen dalalka gobolka , shaki la`aana taasi waxay dhaawac weyn ku keeni kartaa ama lugaha ka dabraysaa hamigii ay dalalka Africa u qabeen soo jiidasho maalgashi iyo sidoo kale waxay daciifinaysaa ama wiiqi kartaa awoodiha gorgortan ee qaarada, sidoo kale Africom waxay kaloo qayb qatahay hawlgalada ay dunida danaha kaleh gobolka ay doonayaan inay iskaga horwareejiyaan khataraha ka ka soo cusboonaaday gobolka si guud iyo tan gudaha wadaha wadamada si gaara kuwaas caqabad ku ah danaha iyo masaalixda ay quwadaha duniduka leeyihiin mandiqada geeska Africa. Axmed Cabdi Xassan ( Axmed Suudaan ) – Waa qunsulkii guud ee hore ee Soomaaliya ee Caden, Yemen ahna la-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga.
  20. COVID-19 is also encouraging us to activate regional assistance for the Berbera corridor: basically promoting private sector development, infrastructure and economic links from Berbera to the borders with Ethiopia and Djibouti. https://t.co/UwgEw6htEi — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 21, 2020 Qaran News
  21. Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta xanuunka COVID-19. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ganacsatada ay ku dadaalaan in aan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada daruuriga u ah nolosha nolosha bulshda iyo in ay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo. Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga si aysan dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa go’aannada lagu xakameynayo COVID-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq u jeedisay Ganacsatada dalka appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa 15-kii bishaan sheegay in uu si rasmi ah u dhaqan galay Bandowgii lagu soo rogay Muqdisho isagoo shaaciyay xarumo iyo shaqaalaha qaar ee aan Bandowgu qaban karin. Taliye Xijaar ayaa sheegay in Bandowga uusan saameyn doonin Farmashiyaasha, Isbitaalada, Dukaamanka lagu iibiyo Cuntada qalalan. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Bandowga uusan saameen doonin weriyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka balse intaasba waxaa muuqata in Bandowga saameeyay. Hase yeeshee waxaa muuqata in ciidamada booliska qaarkood aysan xog buuxda ka haysan shuruucda bandowga ayaga oo ku xadgudbay inay ahayd inuusan saameyn bandowga. Ciidamada booliska Soomaaliya qaarkood ayaa xiray xarumo caafimaad, gaar ahaan farmashiyeyaal ku yaalla xaafadaha degmooyinka qaarkood, sida ay dhowr ka mid ah u sheegeen Caasimada Online Waxaa sidoo kale qab-qabteen ama ceyrsadeen weriyaal shaqo ku jira iyo dhaqaatiir howl ka soo baxday. Dhamaan dhibaatooyinkaan ayaa ka dhacay degmooyinka qaar ee Muqdisho halka qaar kalane ay cabsi isaga xireen xarumahooda. Degmooyinka aan ka diiwaan gelinay dhacdooyinka ee lagu xiray xarumo caafimaad ama dhaqaatiir iyo weriyaal lagu dhibaateeyay waxaa kamid ah, Dharkenlay, Cabdicasiis, Boondheere iyo Hodan. In la buriyo amarka taliyaha booliska iyo ra’iisul wasaaraha ma ahan mid ay kawada siman yihiin ciidamada amaanka balse waa qaar kamid ah lamana oga sida wax looga qaban doono arrimahaan. Weriyaal badan ayaa ka cabanaya culeysyo badan halka dhaqaatiirta shaqooyinka ka baxa ay sidoo kale wajahayaan dhibaatooyin badan. Arrimahan ayaa badankood loo badinayaa ayada oo aysan ciidamada qaar si wanaagsan u fahamsaneyn amarrada lasiiyey iyo qaar iska indha-tiraya.
  23. Garowe (Caasimada Online) – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hor tagga cudurka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland, ayaa sheegay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarun dadka lagu karantiilo uu geeriyooday, iyadoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka dheecaan laga qaaday marxuumka maalmo kahor. Waa qofkii labaad oo hab nuucaas ah ugu geeriyooda deegaanada Puntland, waxaana bishii lasoo dhaafay geeriyooda qof la tilmaamay in uu lahaa calamaadaha lagu garto xanuunka Corona, inkastoo marxuumkaas aan laga qaadin wax dheecaan ah oo aan lagu sameyn baaritaan. Guddiga ka hor tagga COVID-19 ee Puntland faahfaahin buuxda kama bixin qofka geeriyooday ee looga shakisanaa in uu qabay Coronavirus. Dhinaca kale waxa uu shaaciyey guddigaas in 9 qof oo cusub saacadihii u dambeeyey lagu karaantiilay xarun ku taalla magaalada Garowe. Puntland waxay baaritaanada dadka looga shakiyo cudurkan u dirtaa meel ka baxsan deegaanadeeda, maadaama aysan heysan qalabka lagu ogaado, waxaana illaa hadda laga helay deegaanada Puntland hal kiis oo Coronavirus ah. Haykal Daahir Cumar waa bukaanka kaliya ee laga helay xanuunka Corona deegaanada Puntland, waxuuna sheegay in xaaladiisu ay soo hagaageyso rajo wanaagsana uu ka qabo in maalmaha nasoo aadan uu ka bogsado xanuunkaas.
  24. Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in Soomaaliya wali safka hore uga jirtaa dalalka ugu halista badan ee Africa oo wariye uu ku shaqeeyo, iyadoo sanadkii 2019 lagu dilay 3 suxufi taasoo ka dhigaysa tirada guud ee lagu dilay dalka 50 wariye 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Khilaafaadka siyaasadeed iyo musuq-maasuqa ayaa wiiqay xoriyada saxaafadda, waxaana cadaadiska ay kala kulmaan suxufiyiinta dhinacyada isku haya wadanka. Suxufiyiinta ka biyo diida in faaf lagu sameeyo wararkooda ayaa inta badan noqdo bartilmaameed, iyagoo la kulma dil, hanjabaad iyo xarig. Sanadkii tagey, waxaa ka dhacay Soomaaliya 20 kiis oo la xiriira xarig xaruumo warbaahineed iyo suxufiyiin, oo intooda badan laga soo wariyay Puntland iyo Somaliland. Inta badan wariyeyaasha marka la xiro waxaa lasoo taagoo maxkamado ku shaqeeya sharciyada dowladdii hore ee militeriga. Sharciga saxaafadda ee uu meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku jira qodobo lagu caburinayo xoriyada saxaafadda iyo warbaahinta madaxbanaan. Hadii uu saxiixo Madaxweyne Farmajo, waxuu sharcigan horseedi doonaa in lagu xad-gudbo saxaafadda xorta ah, oo mudo dheer lagula kacayay dhibaatooyin kala duwan. Askari booliska Soomaaliya katirsan ayaa ku dilay Muqdisho July 2018 kaamira-maan, waxaana lagu xukumay isagoo maqane ah shan sano oo xabsi ah, isagoo aan wali lasoo xarin. Labo askari ayaa laga saarey ciidanka xoogga kadib markii ay xireen labo suxufi, kadibna uga tagey wadada qarkeeda iyadoo garba-duub u xiran, oo xabadka dhulka u yaalla xili qorax kulul jirto wadada Makka Al-Mukaram. Dhacdadan waxay ahayd midii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacda Soomaaliya. “Soomaaliya kaalin hore bey kaga jirtaa liiska dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta, balse waxaa jira tallaabooyin wanaagsan oo la qaadey oo xaaladda wariyeyaasha ku shaqeeyaan wax looga qabanayo,” ayuu yiri Arnaud Froger, oo ah madaxa qeybta Africa u qaabilsan wariyeyaasha aan xuduuda lahayn. Arnaud Froger ayaa intaasi ku daray in sanadkii tagey oo kaliya Soomaaliya lagu xiray 25 suxufi, oo badankooda la dhigay xabsiyo ku yaalla maamulada Puntland iyo Somaliland. View the full article