-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Amar ka soo baxay maamulka isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu joojiyey dadka la jira bukaanada qaba cudurka Covid 19 ee ku jira isbitaalkaasi. Arrintaan ayaa waxaa durbo cabasho ka keenay qaar kamid ah dadkii la joogay bukaanada, kuwaas oo sheegay in xilligaan isbitaalka uu ka jiro dayac xooggan oo heesta bukuunada. Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabduqaadir Xasan oo isbitaalka Martiini kula jira hooyadiis oo 70 sano jir ah ayaa sheegay inuu sameeyey go’aankaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin amarka la dul-dhigay ee ka soo baxay maamulka sare ee isbitaalkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc-1.mp3 View the full article
-
Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo Senator Iftin Xasan Baasto maanta laga celiyay garoonka Aadan Cadde, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Fartaag oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka uu ka soo dajiyey diyaaradii ay raaci lahaayeen oo siday Meydka allaha u naxariistee wasiirkii waxbashada Jubbaland, Macalin Maxamed Ibraahim oo Arbacadii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Hindiya. Sidoo kale Senator Fartaag ayaa ku eedeeyey in amarka diyaaradda looga reebay ay bixisay xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo Meyd la qaadayo, iyada oo laga leeyahay dano gaar ah. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/fa.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Iyadoo wali la is weydiinayo sababta aysan reer Beledweyne u helin lacag dhan 500 kun Dollar oo ay Dowladda Federaalka ee sanadkii hore ballan qaaday markii ay Beledweyne qaabishay fatahaadaha wabiga, hadana waxaa soo baxaya warar kala duwan oo arrintaas ku saleysan. Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka, isla markaana deegaan doorashadiisa ay tahay HirShabelle ayaa Madaxweynaha maamulkaas ku eedeeyay inuu leexsaday lacagahii ay dowladda u qoondeysay iney ku caawiso dadka reer Beledweyne. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah mudane ka tirsan Baalarmakaanka Federaalka ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah TV-yada Soomaalida ugu baaqay madaxweynaha inuu hor yimaado dadweynaha, islamarkaana uu caddeeyo halka ay lacagtaas ku baxday. Dhawaan ayey aheyd markii Guddiga Gurmakad Beledweyne ay sheegeen ineysan wali helin kaalmadii ay dowladda Ballanqaaday iyo sidoo kale kaalmooyinkii Jabuuti iyo Shiinaha. Sida la hubo dowladda waxey dadka reer Beledweyne ugu yaboohday Nus Malyan Dollar, Jabuuti ayaa ballan qaaday lacag dhan 600 kun Doolar, Dowladda China ayaa iyaduna yaboohday lacag dhan 1.5 Malyan oo Dollar. Dhamaan lacagahaas, oo ay raacsan tahay 100 kun oo Dollar oo ay Maamulka Gobolka Banaadir ballan qaadeen, ayaan la ogeyn halka ay ka baxeen iyadoo Beledweyne ay mar kale wajaheyso cabsi laga qabo fatahaadaha wabiga Shabelle. “Maxaa [madaxweyne Waare] looga baahan yahay markaa? Inuu Tv-ga fadhiisto oo uu si cad uga hadlo,” ayuu yiri Jeesow. Guddiga Gurmadka Beledweyne waxey bilaabeen olole ay kaga hortagayaan fatahaadda Wabiga, waxaana kaliya gaaray kaalmo kaga timid Puntland, waxaana la fahamsan yahay ineysan ku filneyn dhaqaalahaas. Dhanka kale, Dowladda Federaalka waxey wajaheysaa eedeyn kulul oo ku saabsan ineysan mar walba ku dhiiran isla xisaabtan dhab ah marka uu dalka wajaho xaalado dabiici ah. Waxaa wali aamusan maamulka HirShabelle oo aan ka jawaabin eedeynta ay wajahayaan, sidoo kale Dowladda kama hadlin arintaan maadaama la is weydiinayo lacagahaan halka ay ku dhaceen. Ugu dambeyntii waxaa la sugayaa cidda ay lugaha la gasho arintaan iyadoo Hirshabelle ay wajaheyso xaalad siyaasadeed oo kale maadaama aan wali lagu heshiin habka xulista xildhibaanada cusub.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-100520-.mp3 View the full article
-
Djibouti, the tiny Horn of Africa nation with the highest prevalence of coronavirus cases on the continent, plans to begin lifting lockdown measures largely for economic reasons, its foreign minister announced Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Allaha u naxariistee waxaa dalka Kuwait ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo jaamacadda carabta ee danjire Cabdulqaadir Maxamed Waceys waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka. Marxuumka yaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay dalkaasi Kuwait waxaana la sheegay in Danjire waceys uu la noolaa cudurka macaanka oo uu aakhirkii u geeriyooday. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Cabdulqaadir isaga oo eebbe uga baryay inuu jannaddiisa geeyo “Waxaan isaga tacsiyeeynaynaa geerida ku timid safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ku geeriyooday dalka Kuwait. Allaha u naxariisto marxuumka. Qabriga Allaha u waasiciyo, marti la jecelyahayna Allaha ka dhigo. Eheladii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Aamiin”. Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Waceys ayaa muddo fog ahaa diblomaasi ka soo shaqeeyay caalamka isaga oo mar soo noqday safiirkii Liibiya u fadhin jiray Soomaaliya waxaana lagu tilmaamaa inuu ahaa waayo arag ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali militant group Al-Shabaab freed an Italian aid worker who was abducted in Kenya’s coastal town of Malindi in November 2018, police confirmed on Saturday. James Mugera, Kilifi county police commander, confirmed that Sylvia Romano, an Italian volunteer, who was seized from her hotel room on the evening of November 20, 2018, was rescued following intelligence leads. “It’s true that a multi-agency team working with the Italian government has managed to rescue her. They are waiting for further directions on whether to fly her to Nairobi or Mombasa and then back home to Italy,” Mugera said. Mugera said Romano was rescued in Somalia following heightened surveillance and negotiations to secure her release between the government of Italy and suspected Al-Shabaab militants. He said Romano is expected to be flown back to Italy to receive specialized treatment since her health had deteriorated for the past two years. According to Kenyan police, Romano is believed to have been sold to Al-Shabaab militants in Somalia after Italy failed to hand over ransom to facilitate her release. Five people were shot and wounded when the militants abducted the 23-year-old volunteer with the humanitarian group, Africa Milele Onlus. Three suspects, who were arrested in connection to her kidnapping, are still in police custody waiting to undergo trial after they pleaded not guilty to charges of conspiracy to commit a terrorist act within Kenya. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)- Fannaanka Saalax Carab, ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Hargeysa oo uu in muddo ku xidhnaa. Saalax Carab, ayaa sheegay in uu u mahad celinayo shacabka Somaliland balse aanu abaal u hayn Fannaaniinta Somaliland. Laba fannaan oo kale oo lala xidhay ayaa weli xabsiga ku jira kuwaas oo u dhashay Somaliland balse fannaankan Saalax Carab ayaa u dhashay waddanka Yemen. Source
-
Puntland president Said Abdullahi Deni has commended the police for foiling ISIS attack in the coastal town of Bosaso. At least two militants were on Saturday killed and another one injured in clashes between Somali forces and militants in Bosaso town in Somalia’s northern region of Beri, a military official confirmed. Hussein Ali Mohamed, commander of Somali forces in Bari region, told journalists that members of Islamic States (ISIS) launched an attack on police forces in the town. “As the police patrolling in the town, militants ambushed them, prompting an exchange of fire between the army and the militants, we killed two of the militants and injured another one,” Mohamed said. He noted that one of their soldiers was killed while another one sustained the injury during the confrontation. The so-called ISIS wing in Somalia has its main base in the Puntland region and has occasionally clashed with Puntland forces and al-Shabab. View the full article
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Somali MP and former Foreign Minister of the Federal Government of Somalia Fawzia Yusuf Haji Adam has rejected recommendations from the International Crisis Group about the appropriate electoral model for Somalia. “Publications published by foreign organisations about the electoral model for 2020 elections in Somalia have come to my attention. They recommended an indirect elections similar to… the [2017] election regardless of irregularities one witnessed” Fawzia tweeted in Somali. Fawzia campaigns against indirect elections “Federal engagement should focus on achieving consensus on the timeframe for elections and/or on adjustments to the electoral model. The latter could include abandoning plans for a one-person, one-vote election and instead providing for some form of an electoral college system, as was used in the 2016-2017 vote, whereby some 14,000 delegates selected the representatives for 275 parliamentary seats” argued ICG in a report. ICG reckons “powerful clans” support the Forum for National Parties of which parties led by two former Presidents — Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud — are members. Forming a consensus on an electoral model will necessitate the abrogation of the electoral law signed into law in February by President Mohamed Abdullahi Mohamed. If the electoral law gets repealed to expedite the indirect electoral model recommended by ICG, all laws passed by the Federal Parliament and the Upper House will be called into question. The electoral law stipulates postponement of elections in the event of unforeseen circumstances that affect election plans. © Puntland Post, 2020 The post FAWZIA YUSUF HAJI ADAM REJECTS ICG RECOMMENDATIONS ON 2021 ELECTIONS appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hanjabaadii la weriyey in madaxweyne Donald Trump uu u geystay dhaxal-sugaha dalkaa Maxamed Bin Salmaan. Afayeen u hadlay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington oo lagu magacaabo Fahd Nazer ayaa sheegay in warbixintii Reuters ee ku saabsaneyd wadahadalkii teleefonka ku dhexmaray Donald Trump iyo Maxamed Bin salmaan “aysan ka turjumeynin xushmadda u dhaxaysa labada dhinac.” Warbixinta Reuters oo soo xigatay saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga ugu goodiyay in uu joojin doono Taageeradda militari ee boqortooyadda. Fahd Nazer ayaa warbixinta waxaa uu ku sheegay in ay “gebi ahaanba weecisay nuxurkii iyo ujeedkii wadahadalka” ee dhacay 2-dii April. Madaxweynaha Mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan waxaa uu weydiistay in uu yareeyo soo saarka saliidda, si loo xakameeyo qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacday markii khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Sucuudiga uu sii xoogeystay. Sucuudiga iyo ururka wadamadda shidaalka dhoofiya ee loo yaqaano OPEC ayaa dhankooda sheegay in ay yareynayaan soo saarka saliidda ceeriin iyagoo ka jawaabaya dalabka Madaxweyne Trump. Wakaaladda Warraka ee Reuters ayaa kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah in dhamaadkii bishii April Madaxweyne Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu hanjabay in uu dhimayo taageeradda militari ee Sucuudiga haddii uusan joojin harqinta suuqyadda shidaalka. Reuters waxay warbixinteeda ku sheegtay in Trump uu Maxamed Bin Salmaan u sheegay in xukuumadda Washington ay la bixi doonto ciidankeeda jooga boqortooyadda haddii ururka OPEC uusan yareyn soo saarka saliidda.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo laga dajiyey Meydka wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland,Macalin Maxamad Ibraahim Maxamuud oo Arbacadii la soo dhaafay ku geeridooday isbitaal ku yaalla wadanka Hindiya. Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo shacab ayaa tegay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo laga dajiyey Meydka. Marxuumka ayaa saacadaha soo socdo lagu aasi doonaa duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan Qabuuraha Baar Caleen, halkaas oo Salaada Janaasada lagula tukan doono. Macalin Maxamad Ibraahim Maxamuud oo muddo afar bilood ah xaalado caafimaad u joogau Hindiya ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalkaasi. Marxuumka ayaa ka mid ahaa wasiirada saameynta leh ee Jubbaland, wuxuuna saaxib dhow la ‘ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe.
-
Hargeisa (HOL) - Salah Ali Abdi (Salah Arab), a singer detained in the Somaliland capital of Hargeisa is pleading for his release from prison. The artist, who claims his arrest is racially and politically motivated, says that he was detained after performing in Mogadishu and is being held without charge. Source: Hiiraan Online
-
Sida ay sheegeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa shahaadooyin ku meel gaar ah la gudoonsiiyay 6 xisbi siyaasadeed oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasadeed ee ka jirta dalka taas oo tirade guud ee xisbiyada la diiwaangeliyay ka dhigaysa 82 xisbi. Xisbiyada siyaasadeed ee guddigu ay shaaciyeen in la guddoon siiyay shahaadooyinkooda ayaa waxa ay kala yihiin; Xisbiga Hiil Qaran, Xisbiga Maandeeq, Xisbiga Tubta Toosan, Xisbiga Hilow, Xisbiga Dimuqaraadiga ee Danwadaag iyo Xisbiga Danaha Bulshada Soomaaliyeed, waxaana guddigu uu sheegay in iyaga oo raacaya tallooyinka caafimaad ay shahaadooyinka ku bixiyeen qaab online ah maadaama dalka uu saameyn adag ku yeeshay safmarka Coronavirus. “Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 6 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii guddiga madaxabannaan uu horey u diwaangaliyay, guddiga oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee #Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsaday qabsoomidda Munaasabaddaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Maxamed Cumar Xaydaro oo ah madaxa xafiiska diiwaangelinta ee guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka ayaa sheegay in xisbiyadan la guddoonsiiyay shahaadooyinka ay la jaan qaadi doonaan diiwaangelinta rasmiga ah isaga oo yiri “Diiwaangelinta rasmiga ee xisbiyada waxa ay idin kaga bilaabanaysaa marka aad qaadataan shahaadooyinka KMG-ka ah wixii maanta ka bilaabma waxaad geli kartaan diiwaan gelinta rasmiga ah ayaad u jaan qaadi doontaan”. Haddaba xisbiyadan siyaasadeed ee sida kumeel gaarka ah loo diiwaangeliyay kuwaasi oo gaaraya 82 ayaanay ku jirin xisbi ay sheegeen Nabad iyo Nolol taasi oo shaki weyn dhali karta sida ay daacad uga yihiin maamulka hadda jira in sanadkan dalka ka dhacdo doorasho xisbiyo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta dalka Kuwait ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Masar iyo Jaamacadda Carabta, Cabdiqani Maxamed Waceys, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Danjire Waceys oo muddooyinkii la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cudurka Sokorowga, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online. Sidoo kale marxuumka ayaa muddo dheer soo ahaa diblumaasi ka soo shaqeeyey arrimaha dibadda iyo wadamo badan, sida dalka Libiya. Cabdiqani Maxamed Waceys oo sidoo kale waayo arag ahaa ayaa shaqo bilaabay sanadkii 1970-kii. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ka mid ahaa safiiradii dhowaan loo yeeray, balse ma uusan saameyn is-bedalladii ay sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay kawada hadleen shaqaaqooyinka inta badan ku soo noqnoqday magaalada Gaalkacyo kaas oo dhexmara ciidamo kala taabacsan labadadaasi maamul iyo mararka qaar oo ay halkaasi ku dagaalamaan maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed. Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Qoorqoor ay kawada hadleen sidii aysan dib dambe ugu soo noqon Gaalkacyo shaqaaqooyinkii looga bartay waxa uuna intaas ku daray in maamulka Puntland uu ballan qaadayo sugidda amniga magaalada iyo inaysan dhinaceeda ka imaan wax liddi ku ah nabadgalyada Gaalkaacyo. Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inaysan iyagu hurin colaad sababta mid guud waxa uuna faray in wixii tabasho ah lagu xalin doono nidaam dowli ah islamarkaan wixii dhacay laga xisaabtami doono isaga oo intaas raaciyay inay jiraan dad aan doonayn nabadgalyada magaalada Gaalkacyo inay dadka ku dhex jiraan. Inta badan waxaa magaalada Gaalkacyo oo koonfurta iyo waqooyiga ay ka kala maamullaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaca shaqaaqooyin kala duwan kuwaas oo intooda badan salka ku haya aanooyin qabiil walina dhinacyada labada maamul ma aysan helin xal waara oo magaaladaasi amnigeeda lagu sugo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka jawaabay farriin baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in shaqada laga eryay Hani Warsame Sulub oo ka mid ah shaqaalaha dawladda. Guddoomiyaha ayaa beeniyay in hay’adda shaqaaluhu shaqada ka eriday Hani ama farriintan u dirtay. Hani Warsame ayaa la sheegay in hay’adda shaqaaluhu dhawr jeer kala hadashay waraysi ay siisay telefishan oo ay eedo ugu jeedisay wasiirka Shaqada Hinda Gaani taas oo hay’addu ku doodayso in ay anshaxa shaqaalenimo ka baxsantay. Guddoomiye Farxaan oo aan soo hadal qaadin in Hani ay dacwad ka dhan gacanta ku hayaan ayaa ka jawaabay farriinta loo soo diray gabadhan oo iyaduna ay baraha bulshada ku baahisay. Qoraalka Farxaan ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan arkayay fariin tilifoon oo la wareejinayo iyadoo la leeyahay waa hayadii shaqaalaha dawlada. Hayada shaqaaluhu fariin SMS ma isticmaasho sinaba iyo goornaba kamana mid aha dariiqyadeeda xidhiidhka iyo xogwadaaga ee rasmiga ah (Official commanication channels) haday la xidhiidho arin dacwad shaqaale waxay samaysaa yeedhmo, xog baadhis, waraysi, dacwad dhegaysi iyo go’aanka oo hab-qoraal ah ayay soo saartaa iyadoo raacaysa qodobada xeerka Anshaxa iyo sharciga guud ee Shaqaalaha lana wadaagtaa wasaarada qofkaasi ka tirsanaa iyo wasaaradaha/ Hayadaha fulinta go’aanka kaalin masuuliyadeed ku leh. Ramadaan kariim Farxaan Aadan Haybe Source
-
Guddoomiyha degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur Towfiiq ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga Jubba hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan. Ibraahim Towfiiq oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka. Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba. Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa sanad walba ku fataha deegaannada iyo degmooyinka ay maraan waxaana ka dhasha khasaarooyin kala duwan oo marka qaar xitaa sabab khasaare nafeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal uu la yeeshay dhiggiisa maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Siciid Deni ayaa sheegay inay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweyne Qoor-Qoor sidii wadajir looga shaqeyn lahaa arrimaha amniga magaalada Gaalkacyo ee caasimadda gobolka Mudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay isla soo qaadeen xalinta xiisadaha beeleed ee ku soo laalaabta deegaano ka tirsan gobolladaasi. ”Madaxweyne Qoor-qoor waxa aynu kawada hadalnay Xasiloonida Gobolka Mudug, waxa aan ballanqaadnay in aan xakameyno dhankeena, waa in laga gudbaa aanada iyo aarsiga oo ah dhibaatada ugu weyn ee abuurta xasiloonida darada oo iyanna sababta colaad, waxa aan ogahay in dadka ay ku dhex jiraan shaqsiyaad aan nabad rabin, balse waa in gacan adag lagu qabtaa. ” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu baaq u diray waxgaradka Mudug, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa xiisadaha ka jira gobolkaasi. Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) nabadeynta ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
-
Popular Contributors
