Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan illaa saddex madfac ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen agagaarka xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen xaafadaha ku dhow xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda. Waa markii saddexaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xarunta Xalane, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada lagu qaado xeeradaasi oo ay wax ka dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-09052020-sx.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno aagga xanunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in gow dhaw ay halkaas ku soo dhaceen dhowr madfac oo la aaminsan yahay inay yihiin hoobiyeyaal. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in illaa seddax jug ay ka maqleen xerada Xalane iyo nawaaxigeeda, waxaana loo maleynayaa in madaafiicdaas ay soo tooreen Al-Shabaab, in kastoo aysan weli jirin sheegasho rasmi ah. Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ay u adeegsadeen qoriga hoobiyaha waxa ay ku qaadeen xerada Xalane uu fadhi u ah hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaarado dhowr ah. Xaruntaas sugidda ammaankeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, balse waxay u tag la’yihiin weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab ee loo adeegsado qoriga loo yaqaano hoobiyaha. Toddobaadyo ka hor dhawr hoobiye oo Al-Shabaab ay ku tureen xarunta Xalane ayaa dad rayid ah iyo xool u badnaa Geel wax yeelo badan ugu geystay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo xaruntaas ay ku taallo. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid ka hadashay, lamana weli hadii uu jiro khasaare ka dhashay. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Insha allah
  4. Bosaso ( PP News Desk) — Following the foiled ISIS attack against Puntland Security Forces post today in Bosaso and the killing of one PSF soldier and one of the two assailants, Puntland Security Forces in Bosaso issued a statement about the arrest of ISIS Head of Operations. “The man we have arrested is responsible for carrying out attacks and assassinations for ISIS” read a statement from PSF. The arrested man was in car with the slain assailant when they opened fire on PSF unit patrolling a part of Bosaso city centre. The man is now being treated in a hospital in Bosaso. PSF is funded by the United States. Its remit is counterterrorism but liases with Puntland Intelligence Agency and Puntland Police Force. © Puntland Post, 2020 The post PSF arrests ISIS Head of Operations in Bosaso appeared first on Puntland Post.
  5. Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan. Guddoomiye Towfiiq oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor oo loogu talo galay beeraha xiliga webiga uu biyo yareeyo iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa madaama ay deegaansadaan hareerihiisa dad u badan beeraleey oo beerto dalagyo kala duwan. Guddoomiyaha ayaa xusay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka. Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba oo siweyn u saameeyey gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka reer Baladweyne ayaa sameeyay isku day ay ku hirgalinayaan biyo xireen looga hortagayo fatahaadda wabiga Shabelle, sidaas darteed Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ku bogaadiyay dadka reer Baladweyne dadaalkooda. Waxaa dhawaan la baahiyay muuqaal uu kasoo muuqday Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cusmaan Dhagaxow kaas oo sheegay ineysan wali soo gaarin lacagtii nus Malyanka dollar aheyd oo ay Dowladda Federaalka Ballan-qaaday sanad ka hor, wuxuuna sheegay ineysan wax kaalmo ah ka geysan biyo xireenka. Goodax Barre oo ka tirsan xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay muuqaalkaas wuxuuna kusoo qoray qoraalkaan hoose. Waxaan bogaadinayaa aadna ugu faraxsanahay in bulshada Belet-weyne ay ku taaba qaadeen mabda’a ISKU-TASHIGA si ay fatahaadaha uga difaacaan naftooda iyo hantidooda. Waxaan bulshada Belet-weyn u rajaynayaa guul, Isku-tashi iyo in talada Alla saartaan. Si kastaba dad badan oo Soomaali ah ayaa ka falceliyay qoraalka uu soo dhigay Wasiirka Goodax, kuwaas oo inta badan dhaliilsan sida ay dowladda taageero u gaarsiin weysay Beledweyne, iyadoo lacagtaas ay ballan qaaday sanadkii hore. Sanadkii hore ayey aheyd markii kumanaan kun oo qoys ay ka barakaceen Beledweyne kadib fatahaad uu sameeyay wabiga, balse markaan waxey sameeyeen dadaalo ay uga hortagayaan maadaama ay biyo xireen sameeyeen. Inta la xasuusto fatahaadahii ka dhacay Beledweyne sanadkii hore waxey sababeen khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, walina waxaa muuqata saameyntii laga dhaxlay.
  7. Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 4 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, Hirshabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. 48 kamid ah bukaannada cusub waa rag 21-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta isaga oo ku sugan magaalada Qardho ee goboolka Karkaar wuxuu ka hadlay howlgal ciidamada amniga gobolka Bari, ay ka sameeyeen magaalada Bosaso laguna qabtay gaari sida la sheegay siday walxaha qarxa iyo hub oo ay wateenxubno ka tirsan Daacish. Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa waxaa uu bogaadiyey ciidamadii howlgalka sameeyey isaga oo sheegay in laamaha ammaanka ay muddo ku dabajireen gaarigaan waxaana uu intaas ku daray in la donayey shacabka reer Puntland lagu cabsi galiyo laguna qalqal geliyo amniga magaalada sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Deni. “Waxaa saakay lagu qabtay magaalada Bosaso Gaari oo ay la socdeen niman fal dambiyeedyo ku jiray oo lagu dabo jiray oo runrtii arrintaas waxaan uga mahad celinayaa ciidamada ka howlgala magaalada Bosaso, sida dhiifoon ay ula socdeen oo ay wax uga qabten waxaana muuqatay in maalmihii dambe ay gabaabsi ahaayeen ururada xagjirka ah “ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadaiisa siiwato ayaa cashabaka Puntland ugu baaqay in ruuxii arka wax amniga qalqal gelinaayo ay soo gaarsiiyaan ciidamada amniga waxaana uu yiri Madaxweyne Siciid Deni . “Umaddan cabsi waa ay ka soo dhamaatay Rabi ayey ka cabsanayaan waxaan bulshada reer Puntland aan u sheegayaa meel kasta ay joogaa yar iyo weyn in ay ka qeyb qaataan cirib tirka dadka diidan noloshooda Qabiil ma leh ehel maahan Islaam ma ahan waxaa ay diidan yihiin waa noloshiina waxaan rajaynayaa cidii meel ku aragta in laamaha ammaanka ay u soo sheegto, dowladdana waxaana rajeynaa kiisas iyo dad badan oo aan heyno inaan si sax ah u sheegi doono goor dhow oo cid weliba ay mutaysan doonto wixii ay dowladda iyo maxkamadda ay ku xukunto”. Hadalka maanta ka soo yeeray madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ka dib markii ciidamada ammaanka magaalada Bosaso ay saakay sheegeen ay qabteen gaari ay saarnaayeen Hub iyo walxaha qarxa oo ay la socdeen xubno ka tirsan Daacish iyadoo labada dhica uu iska hor imaad uu ku dhex maray magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalinlaha ah ayaa shaacisay kiisas hor leh oo ah cudurka Covid-19. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 69 qof laga helay xanuunka, kadib baaris lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 39 ka mid ah dadkaasi laga diiwaan-geliyey Muqdisho, Somaliland oo ah 11, Koonfur Galbeed oo 8 ah, Hirshabelle oo iyana laga diiwaan-geliyey laba ruux iyo Galmudug oo ah 1 qof. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhimashada ay tahay 4 ruux, taas oo tirada guud ee dhimashada Covid-19 ka dhigeysa illaa 48 qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 997 kiis, iyadoo dadka ka bogsadana ay gaarayaan 110 qof, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho. 48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.
  11. WASHINGTON. D.C — Katie Miller oo ah xoghaya warfaafinta ee madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa laga helay cudurka coronavirus. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaanu walwal ka qabin in feyrisku ku fido Aqalka Cad. Katie Miller oo ah xaaska la taliyaha sare ee Madaxweynaha ninka lagu magacaabo Stephen Miller, ayaysan jirin wax war ah oo ku saabsan haddii Meller isna laga helay cudurka iyo haddii uu wali ka shaqeeyo xafiiskiisa Aqalka Cad. Waa qofkii labaad oo ka shaqeeya Aqalka Cad ee laga helo coronavirus todobaadkan. Saraakiil Mareykan ah ayaa Khamiistii xaqiijiyey in xubin ka tirsan ciidamada badda oo ka mid ah saraakiisha sidda dhow ula shaqeysa madaxweyne Trump laga helay xanuunka. Madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows, ayaa Jimcihii sheegay in Aqalka Cad uu yahay halka ugu badqabka badan laakinse waxa uu sheegay inuu ka fiirsanayo talaabooyin cusub oo uu soo rogo si loo ilaaliyo madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Pence. Source
  12. Khadiija Maxamed Cali Kaar Murugada iyo tiiraanyada ay huwan tahay geerida qofka aad jeceshay aabe, hooyo, sey, xaas, walaal, ehel ama saaxiib waa mid ka mid ah waxyaabaha qofka soo wajaha, balse hadda waxyaabaha aafada fayraska corona uu sababay ayaa ah inaanay suurtagal aheyn inaad hareer joogto ama aad macasalaamo tiraahdo. Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in ujeedadu tahay sidii qof kasta looga illaalin lahaa fayraska, kuwa aadka cudurka ula ildaran waxaa xannuunka ugu sii daran inaanay awoodin in qoyskoodu aanay la joogi karin, kuwa dhintayna waxaa adag in sidii hore looga qayb galo aaskooda. Soomaalida boqolaalka kun ah ee ku nool UK waxay ka mid yihiin bulshooyinka sida ba’an uu saameeyey cudurku, inkastoo tiro koob dhameystiran aan loo hayn haddana dadka Soomaaliyeed ee cudurka u geeriyooday waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 40. Qoysaska ay dadkaasi ka baxeen wax aysan ku maqlin sheeko iyo shaahid ayuu covid19 uga tagay waa dadkoodii oo la aasay xittaa iyagoon wajigooda arag. Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah iyo Aabihiis Maxamed Maki Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah Aabihiis Maxamed Maki wuxuu ka mid ahaa dadka 30-ka kun ka badan ee cudurka u geeriyooday, isagoo ka hadley waxa aan qalbigiisa iyo tan qoyska ka go’i karin ee dhimashada Aabihiis u dheer wuxuu yiri; “Aabahay wuxuu Isbitaal ku yaal London ku jiray in ku dhow 4 todobaad, muddadaas aniga , hooyadey iyo toddobada caruurta ah ee ila dhalatay ma aynan arki karin aabaheen oo xannuunsan, cunto xittaa uma aynan geyn karin, waxa kaliya ee xaaladiisa inooga warami jiray waxay ahaayeen dhakhaatiirta” Murugadii ugu darneyd. “Markii naloosha soo sheegay geeriday Aabahey 8-dii April, waxaa naloo sheegay inaan diyaarsano aaskiisa, waxaa naloo sheegay inaynu arki karin, markii aan diyaarinay aaskiisa oo ay sameynay qolyaha ka shaqeeya aaska dadka, waxay naga diideen inaan aragno, markii la dhaqayey maydkiisa ayaa sawir laga soo qaaday la istusay, ka diba Aabe sidaas ayaan ku aasnay” Munir wuxuu kaloo sheegay in isaga oo kaliya uu ahaa qofkii ka socday shantii qof ee loo ogolaaday aaska Aabihiis, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu hadalkiisa ku daray; “Aabahay oo jaceyl iyo naxariis nagu soo koriyey ILAAHAY wuxuu qadaray in anigoon arkin wajigiisa aan duugno, tani ma noqon doonto wax aniga iyo qoyskeenna qalbigooda ka go’i doonta” Injineer Baana Cali oo isagoo ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya soo galay London ayaa waqtigiisii wuxuu cudurka covid19 u geeriyooday 28-kii April. Injineer Baana Cali Baana oo ka mid ahaa xiddigii kubadda koleyga Soomaaliya wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa dib u soo nooleynta ciyaaraha kubadda koleyga, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar sare, waxaa kale oo uu Baana ka shaqeyanyey hay’adda gaadiidka dadweynaha London qaybta tareenada oo uu ka ahaa maamule sare. Xaaskiisa Muna oo ay isku dhaleen afar caruur ah ayaa iyadoo ka hadlaysay tiiraanyadeeda waxay ku sifaysay saygeeda “Aabe la jecel yahay”, iyo “Shakhsi bini’aadamtinimadu ku weyneyd qalbi wanaagsanna lahaa”. Waxay intaasi ku dartay “Ma aanan waayin nin aan jeclaa oo kaliya, balse waxaan waayey deeqsi, shakhi dadka ka tilmaamnaa, kaasi oo ahaa lafdhabarka qoyska, inta aan noolahay waan xusuusan doonaa, waxaan illaalin doonaa xusuustiisa iyo wanaagiisii, waligey ma ilaawi doono” Muna geerida saygeeda waxaa u dheer in Covid19 sidoo kale uu dilay Aabaheed iyo adeerkeed. Khadiija Maxamed Cali Kaar (Baarcad) oo aheyd 60 sano jir waxay London ugu geeriyootay cudurka covid19, booqasho qoys ayay u timid halkan laakiin waxaa ka qodnaa godkeeda, waxay qabtay xanuun wadnaha oo ay qalliin looga sameeyey. Inkastoo Khadiija geerideedu ka duwanyd tan Soomaali badan maaddaama ay ku geeriyootay guri haddana waxay marna laba naxdin u aheyd qoyskeeda marna waxoogaa nasiib aanay helin dad badan oo aan arag dadkoodii saacadihii ugu dambeeyey nolashooda. Cabdalla Maxamed Cali-Kaar (Cabdalla Nairobi) oo ay walaalo ahaayeen Khadkiija, ayna ku geeriyootay gurigiisa, wuxuu BBC-da u sheegay in naxdintii geerida walaashiis ay xitaa saameyn ku yeelatay qoyska oo dhan oo ay ilmihiisu ku jiraan ,maaddaamma si kadis ah ay ugu dhex geeriyootay guriga. “Walaashey xannuun badan lama kulmin, waxoogaa ayay dareentay hargab waxay bilowday inay qufacdo, markii aan damcay inaan Isbitaalka wado way iga diiday oo waxay igu tiri “Ma rabo adinkoon ila joogin inaan geeriyoodo, guriga ayaan joogayaa ee yaan la igeyn Isbitaal”, ka dib way seexatay, waxaan u haysanay inay jiifto, dhawr saacadood markii ay qolka ku jirtay ayaan shakiyey inaan la hadlo ayaan damcay balse waxay aheyd meyd” “Inagoo oohin iyo naxdin ku jirna ayaan wacnay qaybta xaaladda deg deg ah, waxaa inoo timid Ambulance iyo Booliis ka dib baaritaan ayay ku sameeyey walaashey, waxay inoo sheegeen inay geeriyootay oo ay geynayaan qaybta meydka ee Isbitaalka, isla markaana aan diyaarsano qaabkii loo aasi lahaa, xilligaas habeen ayuu ahaa magaaladu way kala xirneyd xaallad adag ayeynu galnay iyo inaan raadino aaskii, qoladii aaska waxay inoo sheegeen in xabaal wadareed oo kaliya ay ku aasi karaan maadaama aanay hayn qabuuro ku filan dhamaan meydadka, laakiin taasi waan diidanay qolo kale ayaan maalmo ka dib helnay, waxay nagu qaadatay ku dhawaad 10 maalmood inaan walaasheen u helno qabri” ayuu hadalkiisa sii ku daray. “Nasiib waxaan ku lahaa walaashey aniga oo kaliya ayaa wajigeeda la i tusay qoyskeenna oo dhan xitaa ilamaheeda, laakiin ugu dambeyn walaashey Khadiija si fiican oo aan ku qanacsaneyn ayaan u aasnay ILAAHAY ha u naxariisto ayuu yiri Cabdalla. Warsame Maxamed Geedi iyo Saynab Mahdi Cabdulle Warsame Maxamed Geedi oo loo yaqaan Xiddig xaaskiisii Saynab Mahdi Cabdulle oo ay isku dhaleen shan caruur ah waxay u geeriyootay Covid19. Si la mid ah qoysas badan waxaa wehel u noqday geeri iyo xannuun qalbiga taabtay, isaga iyo caruurtooda sidii Saynab isbitaalka loogu qaaday hal marna ma aysan akrin, waxa kaliya ee isagu uu dul istaagay waa aaskeedii ka dib 3 todobaad oo ay Isbitaal kaligeed ku aheyd. “Tobankii maalmood ee ugu horreeyey waxaan kala hadli jirnay telefoonka, laakiin markii la galiyey qaybta koomada ama xaaladda deg deg ah, hadalkeeda ma aynan maqal, waxa kaliya ee akhbaarteeda aynu ka heli jirnay dhakhaatiirta oo 24-kii saacba mar ina soo wici jiray” ayuu yiri Warsame. Maalintii murugada “Ku dhawaad 2 asbuuc oo ay ku jirtay koomo subaxii dambe ayaa waxaa isoo wacay dhakhtar wuxuu ii sheegay in xaaladda Saynab ay ka dartay, aysana jirin rajo ah inay sii noolaato, 6 saac ka dib waxaa laga iga soo wacay Isbitaalka, waxaa la ii sheegay warkii aniga iyo caruurteenna ugu naxdinta badnaa oo ahaa in Saynab ay geeriyootay” ayuu Warsame hadalkiisa raaciyey. “Muruga kale waxay aheyd inaan aniga iyo ilmuhu hareer joogin geerideeda, in qoyska oo dhan aanay tagi karin aaskeeda, oo dad yar loo ogol yahay, taasina waxay aheyd xannuun kale, balse anagoo aamisan qadarta ALLE waan samirnay, Saynab-na waan duugnay, ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu Warsame hadalkiisa ku soo koobay. Source
  13. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay saaka rag hubeysan ku qaadeen sarkaal ka tirsan dowladda oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee M/Muqdisho. Sarkaalka la weeraray oo ilaalo ka ahaa suuqa Caanaha ee Seybiyaano ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Mahad Dollar. Wararka ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah askartii ilaalada u aheyd sarkaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka fuliyey oo gaarayey illaa saddex, mid ka mid ah isaga oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Goobjooge-.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab ku sugan xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodo nee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyey arrin dhiiranaan leh kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin Shabaab ah oo isku day dil ka gaystan xaafadda. Ninkan Shabaabka ah ee shacabka ay qabteen ayaa waxa uu isku dayay inuu dilo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska, kaasi oo uu ku dhuftay dhowr rasaas ah, kadibna isku dayey inuu goobta ka baxsado. Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, Sarkaalka ayaa la sheegay inuu dhaawacymay, waxaana kadib inuu baxsado isku dayey ninka Shabaabka ah, hase yeeshee waxaa ceersaday dad meesha ka ag dhowaa, si ay usoo qabtaaan. Shacabka oo ku qeylinayaa “Qabta Shabaabka” ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Shabaabkii, kaasi oo markii xoogaa jirdileen kadib u dhiibay ciidamada booliska, oo kadibna la wareegay ninka. Tallaabada ay qaadeen Shabaabka ayaa waxaa aad usoo dhoweeyey maamulka Degmada Hodan oo sheegay in arrintan ay tahay mid dhiiranaan leh, oo haddii dadka oo idil ay sameyn lahaayeen aan la arki lahayn Shabaab wax ku dila gudaha magaalada. Tallaabada maanta lagu qabtay ninkaan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay muujinaysa in dadka shacabka ay yihiin kuwa soo jeestay oo dhibsaday falalka Al-Shabaab ay dadka ku laynayaan, iyadoo lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.
  15. @US2SOMALIA has collaborated w/ @flyethiopian to establish a charter flight from #Mogadishu (MGQ) to @Dulles_Airport, departing Thurs, May 14 with a stop in #AddisAbaba. Tickets can be purchased online on a first-come, first-serve basis. Steps >> https://t.co/M59a9BJxGx #COVID19 — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) May 8, 2020 Qaran News
  16. Dagaalka ka qarxay Puntland+Khasaaraha & Dhinacyaduu dhexmaray Ciidanka Amniga Puntland ee PSF, ayaa ayaa faahfaahin dheeriya ka bixiyay, hawlgal saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dableey ka tirsan kooxda Daacish. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Puntaland, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish, islamarkaana nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo aysan magaciisa shaaacin. “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yidhi qoraal PSF Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaadhi miinaysan, oo ay wateen xubnaha Daacish, kaasi oo ay ka buuxeen hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso. “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Dhinaca kale, weerarka waxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka PSF, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan, inkastoo PSF aysan Qoraalkeeda ku xusin khasaaraah dhankooda gaaray. Qaran News
  17. Kani waa sawir hore Ciidanka Amniga Puntland ee PSF, ayaa ayaa faahfaahin dheeriya ka bixiyay, hawlgal saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dableey ka tirsan kooxda Daacish. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish, islamarkaana nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo aysan magaciisa shaaacin. “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yiri qoraal PSF. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari miinaysan, oo ay wateen xubnaha Daacish, kaasi oo ay ka buuxeen hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso. “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Dhinaca kale, weerarka waxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka PSF, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan, inkastoo PSF aysan qoraalkeeda ku xusin khasaaraah dhankooda gaaray. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabatay madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  18. Ethiopian troops have admitted that they shot down the Kenyan plane from African Express after it flew so low that they suspected Al Shabaab was trying to conduct a suicide mission with it. According to Sector Three Commander Brigadier General Alemu Ayene, there was no information that the plane was scheduled to fly to Bardaale and the Ethiopian forces didn’t find ways of communicating with it. It’s not clear why the Ethiopian forced were not aware of the flight which was authorised by the Somalia Civil Aviation Authority. Somalia authorities close to the investigations have indicated that the plane was shot very close to the ground that three of the six crew members didn’t die on impact. The three who survived were reportedly shot at close range by the Ethiopians to ensure that only a single narrative would sell. The African Express flight 711 with registration 5Y AXO was hit by a truck-mounted rocket-propelled grenade while landing in Bardaale on 4th May. Kenyan and Somalia leaders ordered for immediate and thorough investigations into the incident which also saw the death of Captain Hassan Bulhan who is the son of Captain Musa Hassan Burhan, the owner of African Express. Out of the 6 crew members, four were Kenyans while 2 were Somali. AU Mission in Somalia headquarters blamed the shooting on the pilot who was landing West-East and not East-West as all normal landings. The commander said the plane almost landed on ZU 23 crew, believed to a military contingent based in Bardaale. While Ethiopian troops under sector three command are admitting the mistake, it is believed that a contingent of Ethiopian troops which are not under the AMISOM mission conducted the strike which downed the plane. The admission by the troops under the African Union Mission is to allow Ethiopia not to be sanctioned by the International community.
  19. Taliyaha Booliska, qeybta gobolka Bari ee Puntland, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey howlgal ciidanka amniga ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay walxaha qarxa, hub iyo raggii watay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga la qabanayey raggaasi hubeysnaa ciidamadu ay wadeen howlgallo roondo ah, islamarkaana uu labada dhinaca dhex-maray iska hor imaad lagu dilay mid ka mid ah kooxdaasi, halka mid kalena isagoo dhaawac la qabtay. Muddooyinkii la soo dhaafay Booliska Puntland ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka waday magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ee maamulkaasi. View the full article
  20. Muxuu yahay xannuunka u dheer Soomaalida UK murugada iyo geerida fayraska corona? Khadiija Maxamed Cali Kaar Murugada iyo tiiraanyada ay huwan tahay geerida qofka aad jeceshay aabe, hooyo, sey, xaas, walaal, ehel ama saaxiib waa mid ka mid ah waxyaabaha qofka soo wajaha, balse hadda waxyaabaha aafada fayraska corona uu sababay ayaa ah inaanay suurtagal aheyn inaad hareer joogto ama aad macasalaamo tiraahdo. Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in ujeedadu tahay sidii qof kasta looga illaalin lahaa fayraska, kuwa aadka cudurka ula ildaran waxaa xannuunka ugu sii daran inaanay awoodin in qoyskoodu aanay la joogi karin, kuwa dhintayna waxaa adag in sidii hore looga qayb galo aaskooda. Soomaalida boqolaalka kun ah ee ku nool UK waxay ka mid yihiin bulshooyinka sida ba’an uu saameeyey cudurku, inkastoo tiro koob dhameystiran aan loo hayn haddana dadka Soomaaliyeed ee cudurka u geeriyooday waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 40. Qoysaska ay dadkaasi ka baxeen wax aysan ku maqlin sheeko iyo shaahid ayuu covid19 uga tagay waa dadkoodii oo la aasay xittaa iyagoon wajigooda arag. Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah iyo Aabihiis Maxamed Maki Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sano jir ah Aabihiis Maxamed Maki wuxuu ka mid ahaa dadka 30-ka kun ka badan ee cudurka u geeriyooday, isagoo ka hadley waxa aan qalbigiisa iyo tan qoyska ka go’i karin ee dhimashada Aabihiis u dheer wuxuu yiri; “Aabahay wuxuu Isbitaal ku yaal London ku jiray in ku dhow 4 todobaad, muddadaas aniga , hooyadey iyo toddobada caruurta ah ee ila dhalatay ma aynan arki karin aabaheen oo xannuunsan, cunto xittaa uma aynan geyn karin, waxa kaliya ee xaaladiisa inooga warami jiray waxay ahaayeen dhakhaatiirta” Murugadii ugu darneyd. “Markii naloosha soo sheegay geeriday Aabahey 8-dii April, waxaa naloo sheegay inaan diyaarsano aaskiisa, waxaa naloo sheegay inaynu arki karin, markii aan diyaarinay aaskiisa oo ay sameynay qolyaha ka shaqeeya aaska dadka, waxay naga diideen inaan aragno, markii la dhaqayey maydkiisa ayaa sawir laga soo qaaday la istusay, ka diba Aabe sidaas ayaan ku aasnay” Munir wuxuu kaloo sheegay in isaga oo kaliya uu ahaa qofkii ka socday shantii qof ee loo ogolaaday aaska Aabihiis, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu hadalkiisa ku daray; “Aabahay oo jaceyl iyo naxariis nagu soo koriyey ILAAHAY wuxuu qadaray in anigoon arkin wajigiisa aan duugno, tani ma noqon doonto wax aniga iyo qoyskeenna qalbigooda ka go’i doonta” Injineer Baana Cali oo isagoo ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya soo galay London ayaa waqtigiisii wuxuu cudurka covid19 u geeriyooday 28-kii April. Injineer Baana Cali Baana oo ka mid ahaa xiddigii kubadda koleyga Soomaaliya wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa dib u soo nooleynta ciyaaraha kubadda koleyga, isagoo ka mid ahaa masuuliyiinta sar sare, waxaa kale oo uu Baana ka shaqeyanyey hay’adda gaadiidka dadweynaha London qaybta tareenada oo uu ka ahaa maamule sare. Xaaskiisa Muna oo ay isku dhaleen afar caruur ah ayaa iyadoo ka hadlaysay tiiraanyadeeda waxay ku sifaysay saygeeda “Aabe la jecel yahay”, iyo “Shakhsi bini’aadamtinimadu ku weyneyd qalbi wanaagsanna lahaa”. Waxay intaasi ku dartay “Ma aanan waayin nin aan jeclaa oo kaliya, balse waxaan waayey deeqsi, shakhi dadka ka tilmaamnaa, kaasi oo ahaa lafdhabarka qoyska, inta aan noolahay waan xusuusan doonaa, waxaan illaalin doonaa xusuustiisa iyo wanaagiisii, waligey ma ilaawi doono” Muna geerida saygeeda waxaa u dheer in Covid19 sidoo kale uu dilay Aabaheed iyo adeerkeed. Khadiija Maxamed Cali Kaar (Baarcad) oo aheyd 60 sano jir waxay London ugu geeriyootay cudurka covid19, booqasho qoys ayay u timid halkan laakiin waxaa ka qodnaa godkeeda, waxay qabtay xanuun wadnaha oo ay qalliin looga sameeyey. Inkastoo Khadiija geerideedu ka duwanyd tan Soomaali badan maaddaama ay ku geeriyootay guri haddana waxay marna laba naxdin u aheyd qoyskeeda marna waxoogaa nasiib aanay helin dad badan oo aan arag dadkoodii saacadihii ugu dambeeyey nolashooda. Cabdalla Maxamed Cali-Kaar (Cabdalla Nairobi) oo ay walaalo ahaayeen Khadkiija, ayna ku geeriyootay gurigiisa, wuxuu BBC-da u sheegay in naxdintii geerida walaashiis ay xitaa saameyn ku yeelatay qoyska oo dhan oo ay ilmihiisu ku jiraan ,maaddaamma si kadis ah ay ugu dhex geeriyootay guriga. Waxaa lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee Eternal Gardens “Walaashey xannuun badan lama kulmin, waxoogaa ayay dareentay hargab waxay bilowday inay qufacdo, markii aan damcay inaan Isbitaalka wado way iga diiday oo waxay igu tiri “Ma rabo adinkoon ila joogin inaan geeriyoodo, guriga ayaan joogayaa ee yaan la igeyn Isbitaal”, ka dib way seexatay, waxaan u haysanay inay jiifto, dhawr saacadood markii ay qolka ku jirtay ayaan shakiyey inaan la hadlo ayaan damcay balse waxay aheyd meyd” “Inagoo oohin iyo naxdin ku jirna ayaan wacnay qaybta xaaladda deg deg ah, waxaa inoo timid Ambulance iyo Booliis ka dib baaritaan ayay ku sameeyey walaashey, waxay inoo sheegeen inay geeriyootay oo ay geynayaan qaybta meydka ee Isbitaalka, isla markaana aan diyaarsano qaabkii loo aasi lahaa, xilligaas habeen ayuu ahaa magaaladu way kala xirneyd xaallad adag ayeynu galnay iyo inaan raadino aaskii, qoladii aaska waxay inoo sheegeen in xabaal wadareed oo kaliya ay ku aasi karaan maadaama aanay hayn qabuuro ku filan dhamaan meydadka, laakiin taasi waan diidanay qolo kale ayaan maalmo ka dib helnay, waxay nagu qaadatay ku dhawaad 10 maalmood inaan walaasheen u helno qabri” ayuu hadalkiisa sii ku daray. “Nasiib waxaan ku lahaa walaashey aniga oo kaliya ayaa wajigeeda la i tusay qoyskeenna oo dhan xitaa ilamaheeda, laakiin ugu dambeyn walaashey Khadiija si fiican oo aan ku qanacsaneyn ayaan u aasnay ILAAHAY ha u naxariisto ayuu yiri Cabdalla. Warsame Maxamed Geedi iyo Saynab Mahdi Cabdulle Warsame Maxamed Geedi oo loo yaqaan Xiddig xaaskiisii Saynab Mahdi Cabdulle oo ay isku dhaleen shan caruur ah waxay u geeriyootay Covid19. Si la mid ah qoysas badan waxaa wehel u noqday geeri iyo xannuun qalbiga taabtay, isaga iyo caruurtooda sidii Saynab isbitaalka loogu qaaday hal marna ma aysan akrin, waxa kaliya ee isagu uu dul istaagay waa aaskeedii ka dib 3 todobaad oo ay Isbitaal kaligeed ku aheyd. “Tobankii maalmood ee ugu horreeyey waxaan kala hadli jirnay telefoonka, laakiin markii la galiyey qaybta koomada ama xaaladda deg deg ah, hadalkeeda ma aynan maqal, waxa kaliya ee akhbaarteeda aynu ka heli jirnay dhakhaatiirta oo 24-kii saacba mar ina soo wici jiray” ayuu yiri Warsame. Salaadda janaasada ayaa lagu tukaday iyadoo ay dadka kala fogyihiin si cudurkan uusan u faafin Maalintii murugada “Ku dhawaad 2 asbuuc oo ay ku jirtay koomo subaxii dambe ayaa waxaa isoo wacay dhakhtar wuxuu ii sheegay in xaaladda Saynab ay ka dartay, aysana jirin rajo ah inay sii noolaato, 6 saac ka dib waxaa laga iga soo wacay Isbitaalka, waxaa la ii sheegay warkii aniga iyo caruurteenna ugu naxdinta badnaa oo ahaa in Saynab ay geeriyootay” ayuu Warsame hadalkiisa raaciyey. “Muruga kale waxay aheyd inaan aniga iyo ilmuhu hareer joogin geerideeda, in qoyska oo dhan aanay tagi karin aaskeeda, oo dad yar loo ogol yahay, taasina waxay aheyd xannuun kale, balse anagoo aamisan qadarta ALLE waan samirnay, Saynab-na waan duugnay, ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu Warsame hadalkiisa ku soo koobay. Qaran News
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Maxaabiis ka baxsaneyay xabsiga weyn ee magaaladaasi ay dhaawac gaarsiiyeen ilaaladii xabsigaasi, xili uu dagaal kooban dhex-maray. Maxaabiista ayaa isku dayey fulinta qorshe ay kaga baxsanayeen xabsigaasi, walow dagaal kooban oo dhex-maray ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsigaasi uu qorshahaasi ku soo dhamaaday fashil. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaasi dhex-maray Maxaabiista baxsadka ahaa iyo ciidamada ilaalada xabsiga weyn ee Burco, ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray ciidamada, kuwaasi oo qaarkood lagu dabiibayo isbitaalka Burco. Maxaabiista ayaa loo badaleyay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay xukunkii ku dhameysteen xabsigaasi, kuwaasi oo ka biyo diidanaa badalkooda Hargeysa, taasi oo dhalisay iska hor-imaadka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawac fudud uu soo gaaray mid kamid ah Maxaabiistii ka baxsanayey xabsigaasi, iyada oo xaalada xabsiga weyn ee Burco ay himika tahay mid degan kadib markii uu dagaal ku dhex-maray Maxaabiistaasi iyo ciidamada ilaalada ka ahaa.
  22. Waxaa caawa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ku ballansan, islamarkaana isaga hor imaan doono degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jira group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha Ramadaan ayaa sidoo kale waxa ay bilow u yihiin is-araga 3-aad ee tartanka. Wadajir ayaa labadii kulan ee hore mar soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Howlwadaag ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna laga soo badiyey. Sidoo kale waxaa xusid mudna in lugtii u dambeysay ee is-araga labaad Wadajir ay soo garaacday dhiggeeda Howlwadaag oo ay markale caawa isku beegan yiihiin. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo muuqaal laga soo duubay isagoo ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa bogaadiyay hawlgalkii lagu fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish ay doonayeen in ay ka fuliyaan gudaha Boosaaso. Madaxweynaha, ayaa u mahadceliyay Laamaha Amniga gobolka Bari, oo Sabtida maanta ah fashiliyay weerarkaas Argagixiso ee ay soo qaadeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo watay gaari hub iyo qaraxyo ka buuxaan, islamarkaan doonayay in ay weerarro iyo qaraxyo ka gaystaan Boosaaso. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ah uu wakhtigooda dhammaaday, balse ay isku dayayaan in ay khalkhal gelin ku sameeyaan shacabka, si ay cabsi ugu abuuraan, taasina aysan u suurta-geli doonin. Sidoo kale, wuxuu shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay, in ay ka qayb qaataan cirib-tirka malayshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab, oo sida madaxweynuhu sheegay wakhtigoodu gabaabsi yahay. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Ciidankii fashiliyay weerarkii Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.