Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (PP News Desk ) — Puntland Ministry of Education has postponed secondary school leaving examinations until 27 June 2020 due to Covid-19. Examinations were planned to take place on 30th of May. Puntland Minister for Education Abdullahi Mohammed Hassan urged teachers and educational managers to help pupils avail themselves of online learning opportunities to cover the remainder of the school syllabi and follow health guidelines to prevent spread of Covid-19. Puntland State will adminster secondary school leaving examinations different from examinations prepared and adminstered by the Federal Ministry of Education. Puntland Ministry of Education is planning to put in place a system that will enable invigilators to observe social distancing and other procedures to prevent the spread of novel Coronavirus during examination days. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND POSTPONES SECONDARY SCHOOL LEAVING EXAMINATIONS appeared first on Puntland Post.
  2. Washington (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ee u xiran dowladda Sucuudiga ayaa shaqaaleysiiyay dad xiriir dhow la leh Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump si ay ugu ololeeyaan in xabsiga laga sii daayo, sida ay warisay New York Times. Xubno ku dhow Amiir Salman bin Abdulaziz bin Salman al Saud ayaa shaqaaleysiisay Robert Stryk oo xiriir xoogan la leh siyaasadda arrimaha Dibadda ee Trump si uu ugu ololeeyo sii deynta amiirka, ayey werisay The Times. Qoraal ay gudbisay shirkad uu leeyahay Stryk oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group ayaa lagu muujiyey in uu ololaha gaarsiin doono Maraykanka , Britain, France iyo Midowga Europe, muddo lix bilood ah si loo sii daayo Amiir Salmaan. Sida ay baahisay New York Times, Stryk waxaa uu xiriir la leeyahay xubno muhiim ah oo ka tirsan dadka ku hareereysan Madaxweyne Trump. Waxaa uu la shaqeeyay qareenka Madaxweynaha, Rudy Giulian, waxaana uu saaxiib dhow la yahay Kirsten Fontenrose oo hogaaminayay siyaasadda Amniga Qaranka Mareykanka ee ku wajahan Sacuudiga ka hor intii uusan is-casilin sanadkii 2018-kii. The Times waxaa ay sidoo kale sheegtay in la taliyaha dhaxal sugihii hore ee Maxamed bin Nayef uu shaqaaleysiiyay Barry Bennet oo la taliye u ahaa ololaha madaxweyne Trump. Maxamed bin Nayef oo ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sacuudiga, islamarkaana uu abti u yahay Boqor Salmaan waxaa la rumeysan yahay in la xiray bishii March kadib markii Maxamed bin Salmaan uu xabsiga u taxaabay amiirro ka tirsan qoyska boqortooyadda. Amiirka xiran waxaa sanadkii 2015-kii loo magacaabay in uu xilka ka sugayo boqor Salmaan, balse waxaa lagu beddelay Maxamed bin Salmaan bishii June ee 2017-kii. Wixii xilligaas ka dambeeyay bin Nayef, waxaa laga qaaday ilaaladiisa, taleefanadiisa, gunadiisiina waa laga xayuubiyay, loomana ogoleyn in uu dibada u socdaalo. Dad xaaladda ka warqaba ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in dhaxal sugaha uu saaxiibadiis u cawday islamarkaana uu warqad u diray boqorka, taasi oo uu ku codsaday in uu la baxo lacagaha ay u ogoshahay boqortooyada. Dhanka kale, wakiilo ka socda gabadha amiiradda ah ee Basmah bint Saud Al Saud, ayaa la xiriiray qareeno jooga magaalooyinka Washington iyo London si ay arrinteeda u taageeraan. Bishii lasoo dhaafay, ayaa Amiirad Basmah waxaa ay qoraal ku shaacisay in eed la’aan la xiray, waxay boqor Salaam iyo Maxamed bin Salmaan ka codsatay in ay sii daayaan. Si kastaba ha ahaatee, wakiiladda Basmah waxay sheegeen in aysan awood u lahayn in shaqaalaystaan shirkad olole sababtoo ah Dowladda Sacuudiga ayaa xanibtay akoonadii bankiga kadib markii ay twitter-ka ku dalbatay in la caawiyo Xildhibaano Maraykan ah ayaa muujiyay walaacooda ku aadan xukunka Maxamed bin Salmaan, dagaalka militari ee uu ku qaaday Yemen, dilkii Jamal Khashoggi, iyo dagaalka saliida ee Saccudigu la galay Russia. Maxamed Bin Salman ayaa hadda u muuqda mid laga sii nacayo Washington, taasi oo ay ka faa’iideysan karaan xubnaha la xiray, si cadaadid loo saaro Bin Salman.
  3. Yuusuf Xasan Salaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub u magacaabay Waaxda Hab-maamuuska Madaxtooyadda. Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Yuusuf Xasan Salaan loo magacaabay Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka. Yuusuf Xasan Salaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa hore u ahaa Agaasime ku xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Hab-maamuuska Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub loogu magacaabay Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya. Agaasimaha hab-maamuuska Madaxtooyada ayuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Yuusuf Xasan Salaan oo ah wiil dhalinyaro ah. Yussuf Xasan waxa uu horay u ahaa Agaasime ku xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kasta ku faana in dowladda uu hoggaamiyo ay markasta muhiimad gooni ah siiso dhalinyarada firfircoon ee muhiimka u ah shaqooyinka dowladda.
  5. NAIROBI (HOL) - Residents of Nairobi’s Somali dominated estate, Eastleigh will still have to contend with more time under lockdown following the government’s extension of the cessation of movement restrictions to June. Source: Hiiraan Online
  6. Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood. Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 10 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 188. Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Warqaddan oo uu tixraaceedu yahay – TQB26/XKT/28-5/6/87, kuna taariikhaysan 17 jeenawari, 1987-kii, Moorgan ayaa u diray Muqdisho isaga oo Hargeysa jooga. Moorgan wuxuu ku socodsiiyay saddex nin oo kala ahaa: madaxweynihii Soomaaliya – Siyaad Barre, wasiirkii arrimaha gudaha – Axmed Saleebaan Dafle iyo wasiirkii gaashaandhigga oo dabcan isla Siyaad Barre uun ahaa. Axmed Saleebaan Dafle kolka laga yimaaddo inay Siyaad Barre isku reer ahaayeen, waxa soddog u ahaa Siyaad Barre. Moorganka warqadda diraya, sidaas si la mid ah ayuu soddog iyo adeerba u ahaa Siyaad Barre. Axmed Saleebaan Dafle iyo Moorgan, kolka laga tago inay ilamadeer ahaayeen, waxa kale oo ay ahaayeen ooryo-walaal, waayo waxa ay kala qabeen laba hablood oo walaalo ah. Kolkan, warqaddani waxay noqonaysaa warqad ay isu direen qoys yar oo isku reer ah, sida oo kalena xidid ah. waxa lagu aamini waayay cid kale oo xukuumaddaas ka tirsanayd. Qaranka dhan waxa sida uu doono ugu takrifalayay qoys yar oo maroorsaday awooddi dawladnimada, sida ugu qayrul-masuulsanna u adeegsanayay. Warqadda idinka ayaa xagga hoose ka akhrin doona e, aan nuxurkeeda soo ururiyo: Ka dib kolka uu guulo badan sheegto, Moorgan wuxuu adeerkii ama soddogii kula dardaarmayaa in lagula dagaallami karo waxa uu ugu yeedhay jeermiga qaranka galay (SNM), siyaabahan: 1. In laysu dheellitiro dadka maalqabeenka ah ah oo aan hadda lsu dheellitirnayn. Taas waxa lagu gaadhi karaa iyada oo kor loo qaadayo dhaqaalaha dadka aan Isaaqa ahayn, halka dhaqaalaha isaaqa laga burburinayo (qaybihii hore ayaan kaga soo hadlay sida loo burburinayay dhaqaalahaas). Waxa kale oo la xidhayaa idil ahaan akoonnada ay isaaqu ku leeyihiin bangiyada iyada oo aan la kala saarin. Inkasta oo uu ku andoocanayo isu dheellitir, haddana waxa uu sheegayaa run ahaan ma aha isu dheellitir ee waa dhinac u badin dhaqaale, maadaama oo gebi ahaanba cid laga qaadayo, cid kalena lagu wareejinayo. 2. In ciidamada booliska, sirdoonka, hangashta, ciidamada asluubta iyo idil ahaan ciidamada qalabka sida oo dhan laga nadiifiyo Isaaqa. sida oo kale, in Isaaqa laga ilaaliyo xafiisyada xasaasiga ah oo dhan ee siraha dawladeed laga heli karo. 3. In guddiga deegaanka oo noqday dad soocan (Isaaq) laysu dheellitiro (Isu dheellitirku wuxuu ka dhigan yahay ka wada qaadid). 4. Ardayda dugsiyada oo loo oggolaado in lagu badhxo ardayda qaxootiga ee deggan agagaarka Hargeysa (dabcan ma aha waxbarasho e waa in ardaydaas qoxoontiga ah loo isticmaalayo inay soo baasaasan ardayda kale). 5. In lama degaan laga dhigo jiidda u dhaxeysa ciidanka iyo cadowga, taasoo ku imaanaysa baabi’in baraagaha iyo tuulooyinka ku teedsan jiiddaas oo ay ku soo dhuuntaan. (Halkan waxa lagu xalaashaday laynta xoolaha, iyo gubidda barkadaha, sababtaas awgeed ayaa Tuulada Xaaji Saalax loo gubay 1983-kii). 6. Tirada gaadiidka basaska ee Hargeysa ka shaqeeyaa waa 337 bas: A. waa in aanay tirada basaskaasi ka badnaan 80 bas. B. In bas walba loo sameeyo lambar summad u ah. C. In mulkiilayaasha basaska la isu dheellitiro iyada oo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah kacaanka, lagana qaadayo dadka ka soo horjeeda. Dabcan, basaska Isaaqa laga qaado waxa la siinayaa dad aan Isaaq ahayn. 7. Moorgan wuxuu sheegay inay kulanno isdabajoog ah, abaabul, kicin iyo wacyigelinba ku sameeyeen dadka aan Isaaqa ahayn ee ku nool Waqooyi. Dadkaas waxa ka mid ah Soomali Galbeed wajiyaddooda kala duwan (Dabcan, waa Ogaadeenkii oo markan loo aqoonsaday deegaan rasmi ah), Reer Laasqoray, Reer Awdal iyo Reer Daami iwm. Moorgan wuxuu sheegay inay hubaal tahay in isku duubnida dadkaasi ay dheellitiri doonto miisaanka hadda u liicay dhanka Isaaqa ah. Warqadda waxa ku qoran, haddii dadkaasi ay si firfircooni leh u howlgalaan in ay kibir-jebin doonaan dadka u haysta in ay waqooyi leeyihiin (Isaaq). Dabcan iyaga oo iska dhigaya inay u danaynayaan dadkaas, waxay dantooda siyaasadeed u adeegsanayeen dad aan wax dan ahi ugu jirin cadaawadda Isaaqa. In beelaha wada deggan la isku soofeeyaa, waa hab ka mid ah hababkii uu 21 sannadood xukunka ku haystay Siyaad Barre. 8. Moorgan wuxuu sheegay in dib loo abaabulay jabhadda Soomaali Galbeed (WSLF) iyada oo lagu xareeyey meel u dhow Geed-deeble. Moorgan wuxuu sheegay in jabhaddaas kolka dib loo habeeyo la dhex dajin doono xeryaha ciidanka, loona isticmaali doono inay la dagaallamaan SNM. Waxay caddayn xooggan u tahay inay xukuumaddaasi qoxoontigii u siticmaashay dagaallada. Warqaddu waxay ka kooban tahay saddex bog, hoosta waxaan idinkula wadaagay laba bog, dabcanna waxa maqan boggii saddexaad. Ciddii haysaa waa ay inala wadaagi kartaa. Inkasta oo uu Moorgan ku andacoonayo in siyaabahan lagu dagaallami karo SNM, haddana xaqiiqadu waa in 100% cidda shirqoolkaas lagu fulinayaa ay tahay dadkii rayidka ahaa ee aan hubaysnayn. Waxa ku saxeexan sarreeye guuto, taliyaha qaybta 26aad Maxamad Saciid Xirsi (Moorgan). Wargeyskii koowaad ee warqaddaas soo daabacaa wuxuu ahaa Defense and Foreign Affirs, cadadkiisii Abril 24, 1987-kii, markaas oo ay ku caan-baxday “Death letter”, oo warbaahinta caalamku ay meel walba ku faafisay. Waxa Ingiriisi u beddalay Maxamuud Sh. Axmed Muuse, Waxaana sii faahfaahiyay R. Barnett. Halkan ka akhri warqadda Letter-of-Death-1.jpgLetter-of-Death-2.jpg Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  8. Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood. Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 10 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 188. Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka. View the full article
  9. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu teleefon kula hadlay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana uu usoo jeediyay dalab oo muhiim ah. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxda dowladda ka dalbaday in muddo kooban Al-Shabaab looga saaro degmooyinka gobalka Galgaduud, taas oo ah arrin uusan ku filneyn maamulka Galmudug. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in sababta uu Dhuusamareeb u tagay taliyaha ciidanka Xoogga ay la xariirto arrintaas, islamarkaana dhawaan Al-Shabaab laga saari doono degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri iyo deegaano kale. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa xalay Dhuusamareeb ka sheegay in muddo kooban gudaheeda Al-Shabaab looga xoreyn doono Galmudug, islamarkaana nolal iyo horumar la gaarsiin doono guud ahaan Galmudug. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa u muuqda mid ka faa’ideysanaya taageerada uu ka heysto madaxda ugu sareysa dalka, islamarkaana uu doonayo inuu wax ka qabto dhibaatooyinka Galmudug. Degmooyinka la filayo in laga saaro Al-Shabaab ee gobalka Galgaduud ayaa qaarkood waxay Al-Shabaab joogaan muddo ka badan 10 sano, waxaana loo arkaa iney adag tahay sida looga saaro, halka warar kale sheegayaan in aysan Al-Shabaab laheyn awood ay ku dagaalamaan, balse aanba la isku dayin in laga saaro.
  10. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee doowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in wasaaraddu dib u dhigis ku sameysay qabashada Imtixaanka Shahaadiga oo sanad weliba laga qaado arday dugsiayada sre iyo kuwa dhexe ee arday deegannadaas. iyadoo lagu madlansanaa in Imtixaanka la qabto 30-5-sanadkaan 2020-ka. Qoraal kooban ka soo baxay Xafiiska wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo la gaarsiiyey Maamulayaasha goobaha waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay lana geli doono 27-June 2020 -ka sababo la xiriira xanuunka Coronavirus taas aan saamaxeynin in ardaydu isgu yimaadaan goob qura oo Imtixaanka looga qaado. Halkaan Ka Akriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Somali Federal Government has delivered medical supplies to Buhodle and Badhan in Sol and Sanag regions as part of efforts to contain and mitigate the coronavirus pandemic. The consignment was delivered by members of federal parliament from the region led by Minister for fisheries and marine resources, Abdullahi Bidhan. The delegation was received by the local administration who previously appealed for the COVID 19 prevention kits. The Minister for fisheries and marine resources, Abdullahi Bidhan said the federal government through representatives from region will always answer the calls from the city and other surrounding regions. “The COVID 19 medical supplies we delivered today are a big boost for the locals who stood up to save their people from the pandemic.” The Minister said. Officials in the regions have expressed thanks to the federal government of Somalia for handing over the much needed medical equipment which is vital during this difficult time when Somalia is curbing with Covid-19 spread. Meanwhile, the Horn of Africa nation has recorded 1421 positive cases with 56 deaths since its outbreak in the country. After emerging in Wuhan, China last December, the virus, officially known as COVID-19, has spread to over 210 countries and territories. The global death toll from the virus has surpassed 325,000 with more than 5,000,000 cases confirmed worldwide, according to the World Health Organization. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness.
  12. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warbaahinta ugu warramay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay dhageysigiisa markale dib u dhigtay ICJ. Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in kiiska badda uu halkiisa taagan yahay, tan iyo markii uu baneeyey xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey DF Soomaaliya inay ka gaabisay dadaalkii looga baahnaa ee sii wadida dacwadda, islamarkaana 3 ka mid ah dadkii tiirka u ahaa kiiska badda meesha laga saaray, kuwaas oo kala ah, Muna Sharma, Axmed Cali Daahir iyo Cali Fiqi. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaciyey in illaa iyo hadda aan buuxin boosaska saddexdaasi qof oo laf-dhabar u ahaa dacwadda badda ee taallo ICJ. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/xasan.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmaha Ciidul Fitri ayaa nagu soo wajahan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay aad isugu diyaarinayaan maalmaha farxadda, balse Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay warbixin ay taxadar ku fareyso shacabka maadaama uu jiro xanuunka Coronavirus. Wasiirka Wasaaradda Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa shacabka kula taliyay iney taxadar weyn ka sameeyaan xanuunka isla markaana ay xirtaan Facemask (Afxir) iyo sidoo kale Gloves (Gacmo Gashi). Wasaaradda waxey ka walaacsan tahay in xanuunka si fudud ku faafo maalmaha ciida maadaama bulshada Soomaalida ay tahay mid is marxabeyn badan, balse waxey shacabka usoo jeediyeen iney raacaan talooyinka caafimaad ee ka hortagga COVID19. 47 Kiis ayaa saacadahii ugu dambeeyay laga diiwaangaliyay Soomaaliya, waxeyna tirada guud ee dadka uu soo ritay ay gaartay gayiga oo dhan 1502 iyadoo ay u dhinteen 59 qofood. Marka laga reebo in dowladda ay habeenkii soo rogtay bandow ma jirto isku day kale oo ay bulshada kaga badbaadinayaan halista xanuunkaan, dukaameysiga iyo is dhexgalka bulshada ee maalintii waa mid sidiisa ah. Marka laga reebo in Wasaaradda Caafimaadka ay shir jaraa’id ku shaaciyaan kiisaska la qabto 24-kii saac ma jirto wax dareen ah oo ay bulshada inteeda kale ka qabaan xanuunkaan.
  14. (SLT-Badhan)-Wararka aanu ka heleyno Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha degmadaasi ay Maanta ka soo degtay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo kala duwan. Diyaaraddan ayaa waxaa Badhan u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Gargaarkaas uu yahay mid iskugu jirta Daawo iyo qalabka lagaga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad agab Caafimaad oo lagaga hortaga Cudurka halista ah ee COVID-19 soo gaadhsiiyay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu illaa hadda aan wax gargaar caafimaad ah aan gaadhsiin inta badan gobollada Somaliland gaar ahaan gobollada bariga Somaliland. Source
  15. Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey qarax gaarigiisa saaka lagula eegtay agagaarka isgoyska Banaadir, degmada Hodan ee G/Banaadir. Cali Gaab ayaa sheegay inta aan qaraxa lala eegan gaariga uu geeyey xafiiskiisa, kadibna uu darawalka u soo laabtay sarkaal kale, si uu u soo qaado, balse la qarxiyey. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa, sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale. Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay inay iyadu ka dambeysay qaraxaasi oo uu ka bad-baaday Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka. Halkaan hoose ka dhageyso codka Cali Gaab. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-turki-.mp3 View the full article
  16. Ahmed Mohamud Yusuf, CEO of Hormuud, explains why, in Africa’s battle against COVID-19, telecoms will prove to be an essential public service We are already beginning to see Covid-19 take hold across vast swathes of Africa. This just the beginning of something far worse. In my own country, Somalia, cases in Mogadishu are rising quickly, and the population is growing increasingly concerned. In these circumstances, information, and the ability to communicate that information accurately, has never been more important. For many in Africa, it may even be the difference between life and death. Intervention is needed now, and it needs to come from foreign governments and international institutions who want to help the organizations enabling the dissemination of information. In the end, the countries whose populations are informed will weather the storm far better than those whose who aren’t. They are far more likely to adhere to social distancing rules, be sceptical of gossip and hearsay and maintain the standard of hygiene required to limit the spread of the virus. As it is, Africa has not been affected as badly by the Corona virus as other continents have. Around 22,000 people have so far been infected; in Europe, the figure stands at over one million. But rest assured the first number will rise, and if we do not have in place clear strategies for prevention and containment, the fragile health systems across the continent will be overrun. What makes our situation all the more urgent is the fact that respiratory disease is already high in Africa, and soap and clean water for hand-washing are not available to many. Mobile communication has a starring role to play in this. The ability to deliver accurate public health information to large populations as well as the ability to counter misinformation—has only been made possible by mobile networks. We rely just as much on mobile networks to allow us to track and trace the spread of the pandemic, and even the consultation process with medical professionals will rest on mobile phone communication. At Hormuud, we have taken the necessary steps to provide free public hotlines to the Ministry of Health, and created voicemail messages that can bring public health announcements to those among us who cannot read. But we do not want Africa just to ‘survive’ this difficult period. We want to come out on the other side with our economy and business ecosystem intact. As countries introduce lockdowns, towns and villages will quickly run out of cash, the exchange of which would also breach social distancing rules. From then on, mobile money will become the main means of payment. We have already seen China replace cash with a digital equivalent, and it’s clear that if economies wish to stay healthy then enabling mobile payments is paramount. And businesses can only continue to operate through mobile networks. For market traders and taxi drivers, for instance, the maintenance of business networks through applications like WhatsApp will determine whether communities choose to self-isolate or carry on as normal. We need to stop the spread of the Coronavirus, but we also need to keep people fed and money flowing through the system. Mobile networks allow for both. In Somalia, we face an uncertain future. Many years of war and conflict have left our institutions and public health systems vulnerable, and while positive news of the provision of medical supplies is welcome, more is needed. That is why we must use advantages where we can find them. For Somalis, mobile connectivity is an integral part of everyday life. In fact, Somalia is one of the most connected populations on the continent, and most of the population owns a mobile. And since more than 95% of the Somali Shillings in circulation are counterfeit, the economy relies on mobile money to function. For Somalians, telecoms are already an essential public service and we are conscious of our responsibility to them as their provider. While we do not hold all the answers, we are in a unique position to understand the role that telecoms will play in this crisis and feel an obligation to let the world know. What international bodies who hope to tackle the pandemic have to recognize is how fundamental mobile connectivity will be in wider Africa’s battle against the Coronavirus. And once they have done that, they must start thinking about how they can strengthen telecommunications infrastructure across the continent—and fast. Doing so at a time like this could make all the difference. View the full article
  17. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah si rasmiya u shaacisay in dib loo dhigay Wakhtiga la gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo horay loo qorsheeyay 30-May 2020. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo lagu socod-siiyay Maamulayaasha Goobaha Waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay lana geli doono 27-June 2020. Qoraalka Wasiirka ayaa lagu sheegay in kadib Qiimayn lagu sameeyay heerka uu marayo Xanuunka COVID-19 ay suurtagal noqon wayday in Imtixaanka Shahaadiga ah ku qabsoomo Wakhtigii hore loogu qorsheeyay oo ahaa 30-May2020 sidaasi darteedna la go’aamiyay in loo fariisto 27-june 2020. Wasiirka ayaa ku boorriyay Maamulayaasha iyo Macallimiinta Dugsiyada in ay sii wadaan isticmaalka Hannaanka Waxbarista Casriga ah si ay u dhammaystiraan Manhajka Sannad-dugsiyeedka 2019-2020 islamarkaana ay raacaan Talooyinka Bahda Caafimaadka ee la xiriira ka hortagga Xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ah sababa la xiriira Xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Saakay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala eegtay gaari uu lahaa madaxa hawlgelinta caafimaadka ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Cali Xirsi Barre (Cali Gaab). Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalana wey ku dhaawacmeen qaraxa, balse gaariga lama socon Cali Gaab oo sida la sheegay lala damacsanaa in lagu dilo qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir ee dagmada Hodan. Xoogagga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qacida ayaa sheegtay qaraxii maanta ka dhacay sida lagu qoray warbaahinta afkooda ku hadasha. Warbixin dheeraad ah kama sheegin qarax marka laga reebo iney soo qoreen iney masuul ka ahaayeen qaraxii uu ka badbaaday Taliyihii hore Ciidamada Nabadgalyadda Wadooyinka ee Taraafiko.
  19. Guddiga wacyigelinta ka hortagga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa soo saaray amarro ku aadan isku imaatinka iyo isku socdka bulshada ku dhaqan Somalilnad, sababo laxiriira xanuunka xanuunka safmarka ah ee COVID-19, oo muddooyinkii dambe kiisas badan laga diiwaan geliyey deegaannada kala duwan ee Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in markii ay la kulmeen wasaaradda hormarinta caafimaadka iyo dhaqaatiirta ay iska garteen in la joojiyo isku socodka dadka iyadoo gabi ahaan la xiran goobaha loo ciid geeyo caruurta maalmaha ciida oo lagu amray inaan la furi karin, waxaana ay intaas ku dareen in sidoo kale la joojiyey gadiidka dadweynaha ay raacaan. Halkaan Ka Akriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - Somalia will abide by the ICJ determination to further defer the maritime case with Kenya despite its earlier objection, deputy Prime Minister Mahdi Gulaid has said. Source: Hiiraan Online
  21. Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii seddaxaad oo xiriir ah lacago ciid ah ka caawinaya caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Wariyeyaashii ku dhintay Muqdisho ayaa Guddi ka socday Warbaahinta madaxa bannaan u wakiishay qeybinta lacagahaas. Guddiga ka socday Warbaahinta Madaxa Banaan oo maanta fulinayay hawsha qeybinta lacagta ayaa xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ku boggaadiyay garab isgtaaga ay u muujiyeen bahda Warbaahinta. Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta Madaxbanaan ee fulinayay hawshan Mudane Cabdullaahi Cusmaan Faarx oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in caruurta Agoonta ah ee lacagta ciidda ah ay siiyeen ay tiradoodu gaareyso ilaa 86 caruura oo ka kala yimid 26 Qoys, kuwaas oo Aabayaashood geeriyoodeen iyaga oo Bulshadooda u adeegaya tan iyo sanadkii 2007. Cabdullaahi Kulmiye Xirsi , Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika ayaa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada uga mahadceliyay sida ay isaga xil saareen in laga warqabo Agoonta Wariyeyaasha iyo in joogteeyeen Sanadkii Seddaxaad oo xiriir ah. Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ah Guddiga Warbaahinta Madaxa Bannaan ee qeybinta lacagtaan loo wakiishay oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la caawiyo Agoonta, si gaar ah in bahda Warbaahintu ay tusaale noqoto, isagoo ammaanay doorka Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada uu ka qaaday arrintaas. View the full article
  22. Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga,kuwaas oo ay ka barakaceen dadkii deganaa. Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis iyo deegaano,kale,isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay ka barakaceen dadkii ku noolaa oo uu fataahada saameeyey,isla markaana deegaano kale ay dhibaatooyin ku heystaan. Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin gurmad kasoo gaaray,sidoo kalena Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin wax dadaal ah oo ay wadaan si loogu gurmado shacabka ay fatahaadu barakicisay. View the full article