-
Content Count
214,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, May 9 (Xinhua) -- Somali health ministry on Saturday confirmed 69 new cases of the novel coronavirus, bringing the total tally of infections to 997. Source: Hiiraan Online
-
U.S. regulators have approved a new type of coronavirus test that administration officials have promoted as a key to opening up the country. Source: Hiiraan Online
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa masuul ka ahayd weerar baahsan oo dhanka Internet-ka a,h kaasi oo bishii lasoo dhaafay lagu qaaday nidaamka biyaha iyo bulaacadaha ee Israel, waxaa sidaas wariyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka. Fox News waxaa uu sheegay in Dowladda Iran ay isticmaashay Computer-ro ay leedahay Dowladda Maraykanka si ay u jabsato kuwa Israel Wakiil-wareedka arrimaha dibadda ee Fox News Trey Yingst ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in “sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Tamarta Maraykanka uu diiday in uu ka warramo wax gaar ah oo ku saabsan baaritaan socda. Sarkaalku waxaa uu ku celiyay in Waaxda Tamartu ay markasta ururiso lana wadaagto warbixinta shirkadaha gaarka loo leeyahay weerarada Internet-ka looga difaaco Maraykanka iyo xulifadiisa.” Weerarku waxaa uu dhacay dabayaaqadii bishii April, waxaana uu saameeyay dhowr ka mid ah qalabka maamulka biyaha ee Israel. Madaxa waaxda amniga ee hey’adda maamusha biyaha Israel Daniel Lacker ayaa u sheegay madaxa waaxda amniga Internet-ka Avi Azar “Waxaan heynay warar la xariira in weerar internet-ka ah lagu qaaday nidaamkeena. Ma jirto waxyeelo ka dhalatay weerarka.” Iran waxaa markasta lagu eedeeyaa in ay isku daydo weerarro internet-ka ah oo ka dhan ah Israel. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa shirkii amniga technology-yadda ee lagu qabtay Tel Aviv ka sheegay “in Iran ay Israel weerareeyso maalin walba.” “Waan la soconaa waana ka hortagnaa maalin walba” ayuu yiri. Waxaa uu intaas ku daray “ waxa muhiimka ah waa in wadan kasta la weerari karo wadan kastana waxaa uu u baahanyahay in uu yeesho awoodda difaaca iyo weerarka, Israel-na waa ay leedahay awoodaas.”
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan ka baxday heshiis ay hore u saxiixday oo mudadiisu dhameyd 30-sanno, kaasi oo huteelka Hargeysa Club loogu wareejiyay labo muwaadin oo maal-galin badan ku sameeyay huteelkaasi. Ka bixida heshiiskaasi ayaa dhaliyey xiisad hor leh oo si weyn looga dareemay gudaha Somaliland, midaasi oo ka dhalatay awood sheegashadii ay xukuumada Biixi kula wareegtay Hargeysa Club, isla markaana ay uga baxday heshiis mudadiisu aysan gaarin. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, Xiisadaasi ayaa dhalisay in Jabhad cusub ay ka abuurmato galbeedka gobolka Sanaag, midaasi oo looga soo horjeedo ‘xad-gudub’ ay aaminsan yihiin in xukuumada Biixi kula kacday labadii muwaadin ee heshiiskaasi la gashay. Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada qof ee xukuumadu ay hore ugu wareejisay huteelka Hargeysa Club, lana saxeexday heshiiska 30-ka sanno ah ayaa ka dambeeya Jabhadaasi cusub, sida ay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online. Suldaanka oo kamid ah bahda dhaqanka ee Somaliland, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sanaag, ayaa ku guuleystay abuurista Jabhadaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi. Jabhadaasi ayaa ujeedkeedu yahay sidii cadaadis xoogan loo saari lahaa xukuumada Muuse Biixi, isla markaana ay uga noqon laheyd awooda ay kula wareegtay Hargeysa Club oo dhaqaale badan uga baxday dhinacyadii ay heshiiska uga baxday. Suldaan Siciid ayaa dhawaan si kulul uga hadlay heshiiskaasi ay xukuumadu uga baxday, isagoona Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku eedeyay inuu wado ‘Dhul boob’ isagoo adeegsanaya awood dowladeeda, taasi oo uu ku sheegay inay horseedi karto bur-burka Somaliland. Sidoo kale waxa uu dhawaan Suldaanku xukuumada ku eedeyay inay qeyb ka tahay hurinta coladaha gobolka Sanaag, isla markaana ay xukuumada qeyb ka tahay inay soo noq-noqdaan colaadahaasi oo ay ka dhashaan khasaare badan oo nafeed iyo mid hantiyeedba. Caasimada Online, ayaa hore u baahisay suurta-galnimada uu Suldaanku ku abuuri karo Jabhad ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi, taasi oo hadda u muuqata mid uu ka dhabeeyay. Jabhadaha inta badan ka abuurma gudaha Somaliland, ayaa waxa sababta ugu weyn ee ka dambeysa lagu sheegay tacadiyada ay xukuumada Biixi ka tirsanayaan beelaha dega Somaliland, kuwaasi oo badanaa horseed u yihiin Salaadiinta ay sida gaar ah isku hayaan Muuse Biixi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne. Kheyre ayaa amarkan bixiyey kadib markii xalay uu uu warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay. Qoraalkan laguma sheegin inta ay le’eg tahay lacagta ay bixineyso dowladda, ee Kheyre uu amray. Warka kasoo baxay Kheyre ayaa yimid kadib markii guddiga gurmadka Beledweyne ay shaaca ka qaadeen in xukuumadda aysan bixin lacag dhan 500 oo kun oo dollar oo sanadkii hore ay ballan-qaaday, sidoo kalena aysan wax kaalin ah ku lahayn dadallada hadda socda. Ma cadda in amarkan xalay kasoo baxay Kheyre uu sidoo kale noqon doono mid la mid ah kii hore, oo ku kooban afka un, wuxuuna yimid maalmo cadaadis iyo cambaareyn xooggan ay la kulantay dowladda. Dhinaca kale Kheyre ayaa qeybaha kala duwan ee ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada. Dadaallada iminka ka socda Beledweyne ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga. Dowladda federaalka ayaan illaa iyo hadda wax kaalin ah ku lahayn dadaallada socda, marka laga reebo 500 oo jawaano ciidda lagu shubo ah, oo ay ku deeqday, sida guddiga uu sheegay.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay gabadh aan dhawaan xogteeda baahinay, midaasi oo qaab aan wanaagsaneyn loogula dhaqmay xili ay adeeg caafimaad u doonatay isbitaalka dowladda ee magaalada Hargeysa, xili ay iskaga shakisay cudurka halista ah ee Coronavirus. Caasimada Online ayaa labo cisho ka hor baahisay in gabadhaasi oo xaalad adag oo neef qabatin ah wajaheysay ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday isbitaalka Hargeysa, iyada oo aan qaab aan wanaagsaneyn ay ula dhaqmeen dhakhaatiirtii ka howl-galeysay isbitaalkaasi, maadama ay ka cabaneysay calaamado kamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurka Covid-19. Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in gabadhaasi loo qabtay adeeg caafimaad, balse ay wajaheysay cabsi badan, maadama ay iskaga shakisaneed cudurkaasi oo ku faafay deegaano badan oo kamid ah Somaliland. Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray inay jirto in qaab aan wanaagsaneyn loola dhaqmay, isaga oo ku dooday in adeeg caafimaad loo qabtay gabadhaasi oo wajaheysay neef qabatin. Agaasimahaa ayaa sheegay in dhakhaatiirta isbitaalka dowladdu ay heegan yihiin markasta, isla markaana ay u adeegayaan xili kasta dadka caafimaadka u soo doonta, iyada oo Somaliland wajaheyso khatarta cudurka Coronavirus. Ugu dambeyntiinu waxa uu sheegay Agaasimuhu in gabadhaasi laga waayay cudurkaasi ay iskaga shakisaneed, kadib markii baaritaankeedii uu soo baxay, balse ay la tacaaleyso xanuun sababaya in mararka qaar ay neef qabatinto. Agaasimuhu marnaba kama jawaabin in wasaaradoodu aysan meelo gaar ah uga diyaarin Isbitaalka dadka iskaga shikiya cudurka ee isku arka calaamado lamida kuwa ugu halista badan ee cudurkaasi, maadama si fudud lagu kala qaadi karo iyo weliba inay isbitaalka Hargeysa joogin dhakhaatiir qalabeysan oo daaweysa dadka iskaga shikiya cudurkaasi iyo kuwa uu soo ritaba. Caasimada Online, ayaa hore u baahisay xogta iyo qaabka halista horseedi kara ee gabadhaasi loola dhaqmayba – Halkan ku dhufo si aad u aqrisato.
-
Salaan diiran kaddib, waxaan rajaynayaa in badan oo ku xiran boggan ay xusuusan yihiin qoraalladdii tirada badnaa ee taxanaha ahaa kuna saabsanaa taariikhda Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS), laga soo bilaabo aasaaskii ilaa burburkii dawladdii dhexe dhammaadkii 1990. Marnaba kama daali karo inaan u mahad celiyo maamulka bogga Caasimada oo fursad qaali ah ii siiyey inaan ka warbixiyo hay’addaas aan muddada dheer ka shaqaynayey. Sidaan hore u sheegay, waxaan ka mid ahaa saraakiishii dhallinyarada ahayd oo nasiibka u heshay inay isbeddel casri ah ku sameeyaan xirfadaha xuuraanka ee NSSta, ha ahaato tiro ama tayo, anigoo ka hawlgalay gudaha iyo dibedda intaba, muddo ku siman 20 sannadood. Waxaan filayaa inaan in ku filan ka warbixiyey hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed, hase yeeshee markaan waxaan diyaar u ahay inaan soo bandhigo warbixinno xasaasi ah oo khuseeya hay’adaha kale ee dawliga, haddii boggan uu mar labaad fursad ii siiyo inaan soo bandhigo. Haddaan dib ugu laabto cinwaanka maqaalkan oo salka ku haya mid ka mid ah maahmaahda soomaalida, waxaan u soo qaatay kaddib markii aan dhowr jeer isku dayey inaan tilmaamo musibooyinka dalka iyo dadka ku habsaday isla markaana ifiyey tallaabooyin looga soo kaban karo, kuwaasoo giddigood ku biyo shubtay hal bacad lagu lisay. Sidaa awgeed, waxa damiirkaygu ii saamixi waayey inaan iska indho iyo dhego tiro, waayo waxaa weli ii muuqda dalkayga iyo dadkayga oo muqdi ku sii qulqulaya, haddii aan wax laga qabanna halis u ah inay baaba’aan. Marna igama suurowdo inaan ka daalo ilaa inta ay ii muuqdaan. Asalka musiibada ku habsatay Soomaaliya, waa mas’uuliyaddarro inaan dusha ka saarno cid kale oo aan Soomaali ahayn. Tusaale: burburkii dalka ka dhacay iyo middiyihii nalagu dooxay ee aan la tagnay shirarkii tirada badnaa ee ku magacaabnaa Dibu-heshiisiin, anagaa abaabulnay oo ka mas’uul ahaa. Anigu, laga soo bilaabo shirkii ugu horreeyey ee lagu qabtay magaalada Jabuuti bartamihii sannadkii 1991, oo aan Xoghaye ka ahaa, kana qayb galeen jabhadihii horseeday burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Shirkii markuu dhamaaday oo dalka lagu soo laabtay, giddigeen waan xusuusanahay dagaalkii caqlidarrada ahaa ee ka bilowday Muqdisho, kaasoo gaystay khasaare maf iyo maal aan la tirakoobi karin. Waxaa xigay shirar kale oo faraban oo giddigood isku ajende ahaa “Dib-u-heshiisiin”, hase yeeshee waxaa ka daroo dibi dhal noqday kii Kenya oo lagu soo dhisay dawlad aan ka tarjumeyn danta dalka iyo dadka soomaaliyeed soona dhiseen dalal shisheeye oo dano siyaasadeed oo gaar ah ka lahaa masiirka qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii ay soo bandhigeen nidaam aan aqoon u lahayn oo ah “Federalism” kuna saleysan qabiil. Waxaa hubaal ah in intii shirkaasi goobjoogga ka haa aanay midkoodna fahamsaneyn macnaha Federalism iyo ajendaha shirka intaba. Ku-dhaqanka Federalism-ka waxaa shuruud u ah ummad meel wada deggan oo aan wadaagin jinsi, luqad, diin iyo dhaqan. Somaliya intaba waa wadaagtaa, ku dhaqankiisana wuxuu sabab u yahay jabka maanta ku dhacay Somaliya.Taasi waxaa ka sii daray markii wufuuddii qaar ay ku doodeen in qabaa’l kale ay gumeystaan xorna u ahayn diintooda iyo dhaqankooda iwm. Waxaa ayaandarro ah in dadkii goobtaas joogay ay qaarkood maanta door laxaad ah ku leyihiin masiirka Ummadda Soomaaliyeed..Su’aashu waxay tahay: Ma maangaabnimo ayey ka ahayd mise dano kale oo shakhsiyadeed ayey hoosta ka wateen.. La soco qaybaha soo socda, Insha Allah. Ahmed Karate – Waxaad kala xiriir kartaa e-mail: amm.karate@gmail.com, Twitter: @AhmedKarate5
-
Qardho (PP News Desk) —Puntland State President Said Abdullahi Deni yesterday held a media briefing in Qardho on relief efforts for flood victims. President Deni thanked contributors to the Fund for helping flood victims and playing a role in the planned reconstruction of parts of Qardho district affected by floods in April. “Experts have prepared a preliminary report on the impact of floods on Qardho. Floods have caused damages estimated to cost US$ 40 million. Causes of the flood identified by the technical committee will determine planning responses to prevent people from living in floods-prone areas again” President Deni said. President Deni: Expenses to be incurred by government employees will come from Puntland State coffers Contributions to the Fund range from money from the Federal Government of Somalia to donations from Somalis in the country and the diaspora. “Puntland State Government will not use money from the Fund for flood victims. Expenses to be incurred by government employees while working on the responses to the emergency will come directly from Puntland State coffers” he said. Puntland State has not allocated a budget for natural disasters. The 2020 budget for Humanitarian Affairs and Disaster Management Agency passed by Puntland Parliament contains budget items for remuneration and expenses. President Deni did not clarify why Puntland is unable to contribute to the Qardho Fund. “The Fund is a disaster response experiment that, if successful, will be emulated throughout Somalia. While we are helping people to cope with the impact of floods, we must observe preventive measures such as social distancing during the health emergency caused by Covid-19” President Deni added. © Puntland Post, 2020 The post BUDGETARY CONSTRAINTS PREVENT PUNTLAND GOVERNMENT FROM MAKING A MEANINGFUL CONTRIBUTION TO QARDHO FUND appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) —The European Union Ambassador to Somalia Mr Nicolas Berlanga has reaffirmed the EU’s commitment to helping Somalis work towards peaceful resolution of political problems. Speaking on the occasion of Europe Day, which was marked on 9th of May, the EU Ambassador to Somalia reiterated the significance of relations between Somalia and the European Union. Nicolas Berlanga: EU is in favour of peaceful resolution of conflicts “The Somali people can count on the European Union for any effort in favour of peaceful resolution of conflicts. We are very happy that you are with us here today to celebrate with us Europe Day” Mr Berlanga said. The EU is major partner of Somalia. It contributes to peacekeeping budget and institutional building in Somalia. © Puntland Post, 2020 The post NICOLAS BERLANGA: SOMALIS CAN COUNT ON EU appeared first on Puntland Post.
-
On 16 March 2020, Somalia’s Ministry of Health confirmed the first COVID-19 case in the country. In response, and to prevent a wide spread of the virus, the government immediately imposed restrictions including the suspension of both domestic and international flights, the closing of schools, universities and Qur’anic Madrasas, and ultimately imposed a night time curfew effective from 15thApril. Despite these measures, the virus has spread in Mogadishu. The first person who died of Coronavirus on 8th April was a Somali citizen who had no travel history, clearly indicating community transmissions. Worryingly, the virus is spreading across Mogadishu and other parts of the country at a speed, and there is no institutional capacity to trace contacts. As of May 1st, the total cases recorded countrywide are 601 with 542 active, 28 deaths and 31 people recovered. The majority of these cases (535) are in Mogadishu, while other confirmed cases are in Jubaland, Puntland, South West, Galmudug and the self-declared republic of Somaliland. Most of these cases were tested in April, which reveals the increase of the testing capacity of the government. It is widely believed that the number is much higher than the 542, and that the possible carriers of the virus within the community are hiding it, fearing social stigma and discrimination. COVID-19 Social Stigma Due to the conservative nature of Somali culture, it’s hard for the people to accept quarantine and isolation, which are the primary means for preventing of the spread of the coronavirus. With a history of the segregation of people due to their occupation, clan identity, and social-economic status, people fear being discriminated against and isolated if they disclose that they have contracted the virus or notice some of its symptoms. One of the prime factors for halting the spread of COVID-19 is quarantine. But many Somalis simply hate the idea of this. On 14th April, the Daily Nation in Kenya reported that 32 Somalis had escaped a quarantine facility in Elwak Kenya under ‘unclear circumstance’. Similarly, two people who tested positive for COVID-19 in Kismaayo, and were in mandatory quarantine escaped on 15 April. Many people who experience the symptoms of the virus don’t disclose this to anyone just to avoid being stigmatized and quarantined. This itself has destructive psychological effects, as the Somali community life is highly social and people prioritize visiting, comforting and giving solace to those who face difficulties. If one of the family is sick because of COVID-19, it is also difficult to persuade the rest of the family to self-isolate the person. Furthermore, many Somalis simply hide the fact that they or their parents or relatives contracted the Coronavirus because if they die, they want these people to be buried according to standard Islamic funeral rituals. If these ceremonies are not performed, people fear being left with indelible shame as they will not have accorded the proper dignity to their deceased loved ones. This means the more people die of the virus, the more people may contract it through social contact at funerals. Consequently, this behavior, though perceived reckless on the face of it, will invite the virus spread uncontrollably. All of these phenomena are testimony to the fact that we should be seriously concerned that the virus is already lurking among us to much higher degree than is being reported. The stigma associated with COVID-19 in Somalia is in line with the fact that many Somalis shun those contracted with communicable diseases like tuberculosis and HIV/AIDS, which people hitherto cannot often openly disclose. The Impact Culturally, it’s likely impossible for a Somali person to be avoided by his family or loved ones regardless of the disease he/she has. This means that we may be unintentionally compromising their own health and the well-being of others. This might contribute to a situation of wider spread of the virus within the community. Moreover, Somalia lacks sufficient healthcare capacity and resources to contain the spread of the virus: for instance, in terms of testing kits, quarantine, hand washing/sanitation, and personal protective equipment. Also, there is no capacity to trace the contacts of infected persons. In Mogadishu, lots of people are complaining of severe headaches, joint pain, irregular coughs, the loss of the sense of smell and taste, and a lack of appetite. Most of these signs correspond with those of COVID-19. Ominously, sometimes those who contract the coronavirus hide from the people any of these symptoms. However, this clearly indicates that people are not seeking the necessary health care and not going for testing because of the fear of experiencing a loss of self-worth if they disclose the fact that they are infected by the virus. It is also being reported that people who are wearing face masks in the town are facing stigma and are being disparaged as ‘either carriers of the virus or not believing in predestination’. This kind of stigma and ostracism will discourage many people to take sensible steps for self- protection and may lead them to getting infected or infecting others. According to some health practitioners, hospitals in Mogadishu are not accepting people they suspect have contracted the virus, because they fear the virus will affect patients who are already admitted. Other hospitals also hide the fact that they suspect their patients for COVID-19 because they fear losing clients. Overcoming the Stigma To combat this virus, it’s essential to engage the religious leaders as they are the most accepted authority to win the consent of society. They must be mobilized to counter the myth that this virus will not affect Muslims, a misconception held by some Somalis. Health officials also need to clarify unequivocally the associated risks of the virus to the public and to debunk any medical (mis)information. To some extent, the Ministry of Health is already doing this, but its messages lack details such as the higher risk locations within Mogadishu or other regions, and their efforts to do contact tracing. Moreover, social media influencers, intellectuals, government officials should come forward and play a crucial role in combating misinformation and the stigmatization of anyone affected by the virus. However, digital campaigns alone will not be enough, as the number of people who have access to internet in Somalia is relatively small and mostly concentered in urban settings. In addition, over half a million IDPs, who are particularly vulnerable to this epidemic, live in Mogadishu alone and they cannot be effectively reached out to through digital awareness campaigns. A knowledgeable community will be in a strong position to fight the stigma, and this may reduce the risk of people being shunned. Amplifying messages of awareness and showing support and compassion for those most vulnerable will be the only chance to beat stigma and misinformation. In addition to modeling good behavior, coronavirus-related stigma can be reduced by the sharing of the narratives of infected people in the community. The narration of their experiences will be useful – and appealing to other people to avoid prejudiced language and actions that make us all less safe. The message of such people needs to be amplified, so people can stringently adhere to health precautions. Finally, to mitigate the damage of the rising epidemic curve, let’s all stay informed, countering stereotyped narratives striving to treat others with dignity. There is no shame in getting a new virus that no human on earth seems to be immune to. It is a social responsibility that we must take upon ourselves to counter this impulse by demonstrating love, support and inclusivity within and beyond our communities. Mohamed Irbad is a programme coordinator and researcher at Somali Public Agenda. Source: Somali Public Agenda The post How stigma is holding back the fight against Coronavirus in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Puntland ayaa sheegtay in qof saddexaad uu u dhintay Covid-19, sidoo kale ay korortay dadka laga helay xanuunkaas. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Xaaji oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta la baaray 24 ruux, xanuunkana laga helay 17 qof oo rag ah oo ay ku jiraan hal Wasiir iyo hal Xildhibaan oo ka tirsan Puntland. Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in qofkii saddexaad uu Puntland maanta ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku sugnaa degamada Waaciye ee gobolka Karkaar. Dadka 24 saac ee la soo dhaafay laga helay xanuunka Covid-19 ayaa 5 kamid ah ku sugan yahiin Qardho, 3 kamid ahna Waaciye, halka mid 2 qof ay ku kala nool yihiin Garowe iyo Gaalkacyo, waxaana dadkaas da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 65 jir. Tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ayaa noqonaysa 76 kiis, halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Qofkii saddexaad oo u geeriyooday Karoona iyo kiisas cusub oo la diiwaan geliyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu caawa soo saaray waxa uu walaac uga muujiyey nidaamka ay dalka kusoo galeen, kuna joogaan ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo toddobaadkii hore diyaarad gargaar siday ku soo riday magaalada Bardaale ee gobolka Bay. ‘Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan. Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheesh Shariif. Mar kale ayuu ku celiyey in tallaanadaas lagu soo riday diyaarada gargaarka siday ay xadgudub iyo halis ku tahay hawada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee duullimaayada rayidka, waxuuna baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qaataan doorkooda la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran Howlgalka nabad ilaalinta Amisom waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda. Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan. Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Amisom qaanuun dowli ah oo howlgalkooda xakameeynaya ayaa jira, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad. Tallaanadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka. Waxaan ku baaqaynaa in barlamaanka uu qaato doorkiisa korjoogteynta hay’adaha fulinta, wadanka lagu maamulo siyaasad daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.
-
Waxaan anigu ka mid noqday shantii qof ee ugu dambeeyay ee hoos looga dhaadhiciyo buurtii ciidda ahayd, waxaanan ugu tegay dadkii oo fadhiya, una fadhiya sidii hore ee saf-safka ahayd oo kale, madaxana ay kula jiraan jilbaha dhexdooda oo ay askartiina ku harreeraysan tahay. Askarta mid ka mid ahi ayaa meel gaar ah taagnaa, qiyaastii wuxuu ahaa sarkaalkii watay askartaas. Dadkii aan meeshaas ugu imid waxaan ka gartay Nuur Baaruud oo kaliya. Markii aan fadhiistay ayuu nin Askari ahi yidhi; ‘Taliye way soo dhammaadeen.’ Ka dibna ninkii sarkaalka ahaa ayaa amarkii bixiyey oo yidhi; ‘Ku fura Rasaasta, maxaad la sugaysaan? Sidaas ayaanay ku bilaabantay rasaastii. Dadkii waxay noqdeen qof ashahaata, qof qayliya, qof ooya qofba wax buu ku hadlay, daqiiqado yar gudahood ayey naftii kaga wada baxday dadkii rasaasta lagu furay. Cumar Muuse Mire ayaa yidhi isaga oo sii wada dhacdadaas: “Nasiib-wanaag aniga Rasaastu waxay igaga dhacday garabka hoostiisa oo ay jiidhaysay, waxaanan isku dhex tuuray dadkii kale ee maydka ahaa” Askartii mar kale ayey haddana soo dhex-galeen maydadkii si ay wixii sii dhaqdhaqaaqaya u dilaan, waxaanay qofkii sii khiikhle ee naftu ka sii gurmeyso ku dhufanayeen dhawr Xabbadood. Woxoogaa ka dib ayuu Sarkaalkii yidhi aniga oo maqlaya: “aasa maydadka oo ciidda ku roga, si aanay u arag cid kale”. Sidaas awgeed ayaa askari kastaa uu mayd lugta qabtay, una jiiday, meelna isugu ururiyeen. Aniga waxa i jiiday askari, aad baan u gariirarayay, garriirkana ma aan joojin karayn. Askarigaasi wuu dareemay inaan noolahay, waxaanu la hadley askarigii ka dambeeyey oo uu ku yidhi rasaastiiba iga dhammaataye ii dhiib qorigaaga. Markaa, mid kale ayaa igu soo noqday oo isna lugta i qabtay, waxaanu yidhi; ‘waar maad arag qof dhintaye, kani ma noola ee wuu dubaaxinayaaye ciidda ku rog.’ Sidaas awgeed ayay woxoogaa ciid ah dusha iiga saareen, isla markaasna dhinac ayaan ka neefsanayay. Intaa kadib ayay Askartii fuuleen baabuurtoodii oo saddex ahaa, markii ay woxoogaa iga sii maqnaayeen ayaan iska rogey ciiddii oo aan kacay, dadkii ayaan eegay iyagoo qof waliba uu googgo’ay, Rasaastiina aad ugu dhacday, naftiina ka wada baxday dhammaantood. Waxa aan xidhnaa macawis iyo garan aan ku soo toosay, garankiina xabaddii ayaa googoysay. Waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay dhiigii igu masaxmay, kolkaas ka dib ayaan xagga magaalada Muqdisho u soo cararay oo markaa ilaa 30-km ii jirtay. Qiyaastii illaa lixdii ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii uu xasuuqu ka dhacay, magaaladana 12-kii maalinimo ayaan soo galay, waaxanan gaadhay isla gurigii la iga qaaday habeenimadii. Isla kolkii aan gurigii soo galay, waxaa la igu yidhi: waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la idin qaaday e? Waxaan ku idhi: “aniga ayuun baa ka nool dadkii oo waa la laayey”. Markaas dadkii ayaa baroor bilaabay oo gurigii ayaa lagu soo buuqay. Aniga oo marka horeba didsanaa, waan xammili waayay baroorta iyo buuqa. Si aan la iigusoo raacin qaylada oo aan mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska beddalay macawistii aan guntanaa, ka dibna aan uga baxay xaafaddii. Waxa aan raacay bas, waxaanan tegay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oo aan wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdikhaalif Dhaga-weel. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kaxeeyey iguna qariyey guri uu ku jiray, nabarkiina dawo ayuu iga mariyay. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan aqaannay. Way iga tageen markii aan uga warramay wixii dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabnimo, ayaa haddana waxa I soo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mid ah saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku labbisan. Waxay wateen gaadhi Laankaruusar ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan “Karaj”. Dadka kale ee la socday qaar ka mid ahi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii. Gaadhigii ayaanu raacnay annaga oo toddoba ah. Way I qaadeen, waxaanan u kaxeeyay bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jasiira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaalla, dabayshuna ciiddii lagu rogay ka qaadday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay indhahooda ku arkeen wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonnay, ayuu yidhi Cumar Muuse. Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo xilligaas ka shaqaynayay idaacadda BBC-da, ayaa ahaa suxufigii koowaad ee soo bandhiga Xasuuqii Jasiira. Isla kolkii ay laanta afka Soomaaliga ee BBC-du baahisay warbixintaas, gummaadkaas idaacada BBC-du waxay ku baahisay saddex luuqadood oo kale – Ingiriisi, Carabi, iyo Sawaaxili. Si isku mid ah ayay Hay’adaha xuquuqda aadamiga, dawladaha caalamka iyo dunida kale u ogaatay xasuuqaas, waxaanay sabab u noqotay inuu Siyaad Barre ka baaqdo ka qaybgalo shirkii Midowga Afrik oo lagu qabanayay Itoobiya. Afweyne, si uu isaga dhigo in aan waxba kala socon xasuuqaas, wuxuu u magacaabay guddi maqaar-saar ah oo baadha xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira, bal se suuragal ma tahay inuu nin dhagarqabe ahi shaqaalihiisa ku amro inay soo helaan dhagartii uu isla isagu galay? Xiitaa haddii ay soo helaan, ma ku dhacaan inay run ka sheegi karaan wixii ay baadhitaanka ku helaan? Waxa habeenkaas hal meel lagu wada toogtay sagaal qof oo guri qudha laga la soo wada baxay, afar qof oo kale oo iyagana isla guri laga la soo baxay, haddii aanu Cumar Muuse bedbaadi lahaynna, afartaasi waxay noqon lahaayeen shan qof. Guriyihii buuxay habeen ka hor, habeenkii ku xigay sanqadhi ka ma ay baxayn! Amarka lagu gummaaday 57-kaas qof waxa uu ka yimid wiilkii Afweyne uu dhalay ee Maslax Siyaad, waxaana fuliyay Dhagarqabe, Kornayl Ibraahin Cali Barre (Canjeex) oo dabcan inaadeerkii ahaa, iyada oo aan waraysi laga qaaday Kornayl Canjeex oo ku saabsan xasuuqii Jasiira, ku soo bandhigi doono qaybta xigta. Dadkaas idil ahaantood waxaa lagu bartilmaameedsaday haybtooda. Akhri magacyada dadkii la xasuuqay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen: 1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Trader 9.Mohamed Musa Mohamed – Trader 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Tixraac: 1. BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga 2. Somaliland Democracy Watch Organization – SDWO.com 3. Waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay Cumar Muuse Mire. 4. Waraysi laga qaaday Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, 2007. 5. Wargeyska Himilomedia 6. Wargeyska Geeska Afrika 7. Wargeyska Haatuf 8. Wargeyska Ogaal 9. Shabakadda Ramaasnews Qore: Maxamed Sharma’ake Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-___-QumanahaWararka-09052020www.mp3 View the full article
-
Dadka degan xaafada buulow oo ka tirsan magaalada Xuddur ee gobolka Bokool ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saaka ku waabaristay dadad ka dhashay roobab mahigaan ah oo saacadahii la soo dhafay ka da’ayey magaalada xuddur, daadadkaasi oo ka kala godoomiyay xaafada buulow iyo magaalada Xudur inteeda kale. Wararka ayaa intaa ku daraya in xaafadaha qaar dadkii deganaa ay isga barakaceen, halka beerahii udhawaa magaladana gabai ahaanba dalagyadii kabaxay daadadka ay baabi’iyeen biyuhuna ay fadhiyaan beeraha Xubno ka tirsan Maamulka degmada xuddur iyo Hay’ada ACF ayaa guryahooda ku booqday qoysaska daadaka ay saameeyeen si ay uqiimeeyaan inta ay la egtahay saameynta daadadka khasaaraha maal ee soo gaaray shacabka. Majiraan wax khasaaro nafeed ah oo ay sababeen daadadka ka dhashay Roobabkii halkaasi ka da’ay balse waxaa jira weli dad guryahooda ay biyo gelin oo ka cabsi qaba in haddii Roobadkale ay da’aan ay ka baracayaan guryahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb diyaarad looga soo qaaday Taliyihii xalay is-casilay ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble. Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sarkaalkaas uga yeeray Muqdisho si wax looga waydiiyo eedeymihii uu xalay u jeedoyey saraakiisha ka sareysa oo ahaa kuwo culus. Taliye Burhaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in iyadoo loo gacan dhaafayo ay saraakiil ka sareysa saldhiga Dhuusamareeb kasii daayeen dad lagu tuhunsanaa Shabaabnimo oo ay baaritaano ku socdeen. Sargaalkan waxaa galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kasoo sagootiyay saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya. Taliye Burhaan ayaa xalay Dhuusamareeb ka sheegay, “Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, kuwaas oo markii aan ku sameynay baaritaano hor dhac ah ay noo soo baxday inay yihiin shabakad weyn oo isku xiran, balse iyadoo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay, waana la ii gacan dhaafay, mar kale ayaa qabanay nin dhalinyaro ah oo aan tuhmeyno in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab, balse xilli ay baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, aniga oo maqan ayaa xabsiga laga sii daayey oo loo fakiyey dhanka Cadaado”. Taliye Burhaan oo ka mid ahaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda ku biiray ayaa arintaas faro gelinta ah ku tilmaamay mida keentay in uu xilkaan iska casilo, isagoo sheegay in uusan dooneyn in shacabka reer Dhuusamareeb uu u hoosaasiyo khatar lala damacsan yahay, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Galmudug G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa maanta warbaahinta u sheegay in wixii taliyahaasi ku hadlay aysan waxaba ka jirin, isla markaana sarkaalkaas laga dhex hadlayey, sida uu yiri. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu kasoo saaray is-casilaada taliyahaas waxa uu ku yiri, “Lama arag askari ama sarkaal maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah, askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida.” “Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey wasiir Fiqi.
-
Gobollo ku yaalla deegaanka Amxaarada oo ka tirsan dalka Itoobiya marki iskuullada Coronavirus dartii loo xiray waxaa si weyn u kordhay guurka aan qaan-gaarka ahayn. Wasaaradda haweenka, dhalinyarada iyo carruurta ee u xil saaran ka hortagga caadooyinka xunxun ee loo geysto gabdhaha yaryar ee lagula kaca guurka aan qaan-gaarka ahayn waxay sheegtay dugsiyada xiran iney dhibaatada sii huriyeen. Ku xigeenka wasaaraddaasi Selaamaawiit Alamaayehu waxay sheegtay inta dugsiyada waxbarashada loo xirin cudurka safmarka ee Coronavirus xogta gabdhaha falalkaasi lagula kaco ay ka heli jireen maamulada dugsiyada iyo macallimiinta dugsiyadaasi wax ka baro. Balse hadda maadaamaa ay goobihi waxbarashada xiran yihiin ay adag tahay in si fudud xog loo helo. Aroosyada guurka aan qaan-gaarka ahayn ee dhici jiray wixi Coronavirus ka horreeyey si fudud ayaa loola socon jiray balse hadda aroosyada dhacayo laftooda waxay dhacaan iyada oo aan xogtooda la helin. “Wasaaradda oo kaashaneyso guddiyada ka hortagga Coronavirus waxay haatan billaawday iney guri ka guri xog uga raadiso gaar ahaanna goobaha sida aadka ah uu uga dhacayo guurka aan qaan-gaarka ahayn” ayey tiri. “Xogta ay wasaaraddu heshayna dhibka wuxuu ku badan yahay oo si aad ah uu uga jiraa gobollada Koonfurta Goonder iyo Bariga Gojam.” Desaalegn Bitew oo maamula ka ah mid ka mid ah dugsiyadaasi hoose ee gobolladaasi ka jira wuxuu sheegay “waagi hore xog ku saabsan guur aan qaangaar ahayn waxaan ka heli jirnay ardayda gabdhaha ee lagula kaca iyo saaxibbadood. Xogta mrkaan helno oo aan xaqiijinno iney sax tahayna waxaan laamaha dowliga ee ay quseeyso si looga hortago guurka aan qaarka ahayn ee dhici lahaa.” “Goobaha waxbarashada ee Coronavirus dartii loo xirayna wuxuu sababay inaan xog nagu filan helin maadaamaa ay ardayda iyo macallimiintaba ay imanin goobaha waxbarashada.” Deegaankaasi seddexdi sano ee ugu dambeysay waxaa ka socday olole ballaadhan oo gabi ahaanba lagu joojinayo guurka aan qaan- gaarka ahayn. Sanadki tagay ee 2019-kii waxay wasaaraddu sheegtay in la joojiyey in ka badan 5,800 guur aan qaan gaar ahayn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ROME (AP) — Officials in Italy say an Italian aid worker who was kidnapped in Kenya in late 2018 has been freed. Italian Premier Giuseppe Conte on Saturday hailed the release of Silvia Romano, who was a 23-year-old volunteer with the Italian-based humanitarian group Africa Milele when she was abducted in the coastal trading center of Chakama. Conte tweeted: “Thanks to the men and women of the foreign intelligence services. Silvia, we’re waiting for you in Italy!” Foreign Minister Luigi Di Maio, who also announced Romano’s liberation on Twitter, said, “The government never leaves anyone behind.” After her kidnapping, Romano ended up in Somalia in the hands of an armed group linked to al-Shabab Islamic extremists, according to Italian news reports. Al-Shabab militants have been blamed for a series of kidnappings of foreigners along Kenya’s coast. Kenya said the abductions of four foreigners prompted it to send troops to Somalia in 2011 to fight al-Shabab members. Source: AP
-
Muqdisho (Caasimada Online – Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, oo bishii November ee 2018 laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna haystay Soomaaliya, ayaa lasii daayey. Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku shaaciyey sii deysmada Silvia, isaga oo u mahad-celiyey sirdoonka dalka Talyaania. Wargeyska La Repubblica ee Talyaaniya ayaa qoray in sii deysmada Silvia ay muddo ka shaqeynayeen sirdoonka Talyaaniga oo kaashana kuwa Soomaaliya iyo Turkiga. Silvia ayaa waxaa haystay koxoda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya oo kasoo qafaalatay deeganaka Chakama ee County-ga County ee dalka Kenya, November 2018. Sida wargeyska uu qoray, waxaa lagu soo furtay howl-gal xalay ka dhacay meel 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana hadda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho. Silvia ayaa la filayaa in berri ay u duusho dalka dalka Talyaaniga, sida aan xogta ku helnay. “Waxaan ahaa qof xooggan, waan iska caabiyey, waan fiicanahay mana sugi karo inaan dalkayga kusoo laabto,” ayey tiri Silvia.
-
Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka mid ah deegaanada uu Wabiga ku fatahay Kalluundi, Timire iyo Maangaay oo dhammaan ku teedsan jiinka Wabaiga Shabeelle , Fatahaadda Webiga uu sameeyey ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn oo dalagyada nuucyadooda kala duwan ay ku yaalaan maadaama dhulka webiga ku teedsan inta badan ay degan yihiin dadka beerta Qudradda. Yacquub Buule, wuxuu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ku nool Hareeraha Wabiga Shabeelle isaga oo la hadlay warbaahinta qaranka wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhul gaarayo 500 oo hectar oo ku taalla tuulada Kalluundi biyaha ay dhex ceegaagaan,kuwaas oo ku beeran dalagyo kala duwan sida uu hadlka u dhigay. Webiga Shabeelle ayaa gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa uu ka wadaa fatahaad taas oo khasaare ay ka soo gaareen bulsho badan oo deganaa hareeraha Webiga una badnaa beeraley kadib markii Webiga ay buux dhaafiyeen biyaha Roobabka gu,a ay siwanaagsan uga da’ay waxaana jira cabsida bulshadu ka qabaan Webiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay howlgal subaxnimadii saakay ka dhacay magaalada Bosaso ee Gobolka Bari ay ku dileen xubin ka tirsan kooxda Daacish ka dib dagaalamayaal ka tirsan iyo ciidamada Puntland ay saakay ku dagaalameen gudaha magaalada. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF Puntland , ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasiintii uu socday lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish waxaan sidoo kale qoraalka lagu xusay in nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii kooxda Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo magacyada xubahaan Daacish ka tirsanaa uusan talisku shaacin “Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yiri qoraal PSF. Qoraalka ka soo baxay ciidamada BSF ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari lagu soo xiray waxyaabaha , oo ay wateen xubnahan ka tirnaa Daacish, kaasi oo la soo saaray hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay taliska ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland “Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa lagu soo koobay qoraalka taliska BSF dowlad goboleedka Puntland Hadalka ka soo baxay taliska ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo howlgallo ammanka lagu sugayo ciidamada ay muddooyinkii la soo dhaafay ay ka wadeen magalaada Bosaaso ee gobolka Bari iyaga subaxnimadii saakay howlgal ku soo qabtay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa iyo hub waxaana ciidamadu sheegeen in gacanta lagu dhigay rag la socday gaarigaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
