-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Baqdaad)-Ciidammada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninka la rumeysan yahay inuu beddalay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqhadi kaasoo lagu dilay howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Marekanka ka fuliyeen Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore. Hoggaamiyaha ay sirdoonka Ciraaq sheegeen in gacanta lagu dhigay ayaa lagu magacaabaa Amir Mohammed Abdul Rahman Al-Mawli Al-Salbi, kaasoo la baxay magaca Cabdul Naasir Qardash. Qardash ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey dagaalkii cuslaa ee Bishii February sanadkii 2019 ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria. Sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan, sidaasna ay ciidamada Booliska weerar ugu qaadeen guri ku yaalla degmada Hawija ee Kirkuk oo dhacdo Waqooyiga Baqdaad, islamarkaana ay suurta gashay in gacanta loogu soo dhigo, isagoo watay aqoonsi been abuur ah oo lagu qoray magaca ah Shaclaan Cubeyd. Naasir Qardash ayaa asal ahaan kasoo jeedo dadka Turkemen-ka Ciraaq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaaladda Mosul ee Waqooyiga Ciraaq. Illaa hadda kooxda Daacish kama ayna hadlin sheegashada Sirdoonka Ciraaq ee ah inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii badalay Abu Bakar Albaqdaadi, mana jirto caddeymo muujinayo sheegashada Ciidamada Ciraaq. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka dowladda ee Kaah. Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah. Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo iska diiwaan-geliyay urur siyaasadeedka dowladda ee Kaah appeared first on Puntland Post.
-
Somali Health Ministry on Wednesday confirmed 71 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,573. Fawziya Abikar, the Health Minister, said the new infections are from Jubaland in the southern region with the majority of cases 46, Banadir 17, the semi-autonomous region of Puntland which has six and Somaliland two. Abikar said two patients succumbed to the deadly respiratory disease, bringing the total number of deaths to 61. She said 10 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 188. The minister said 52 of the latest cases are male while 19 others are female persons following the samples which were tested in the last 24 hours. The increase in the number of COVID-19 cases comes at a time Somalia is also facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation. The UN has warned that if the virus transmission is not contained rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
With five days remaining to the end of the Muslim holy month of Ramadhan, it is obvious that Idd-ul-Fitr celebrations will be marked differently this year. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna haatana sheegay in uu sharraxanyahay madaxtinimada dalka ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ee Saddexda jeer Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay qaadista kiiskaas. Qoraal dheer oo uu soo saaray Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayuu ku caddeeyey in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay u qaaday arrimaha la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya. “Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.” Ayuu yiri Amb Daahir. Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo xaqiiqda qaddiyadda badda maadaama Saddexda jeer la tixgeliyay Codsiga Kenya ee dib u dhigista dhegaysiga Kiiska dacwadda labada dhinac. “Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.” Ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oolaga dalbaday in uu caddeeyo xaqiiqada ku qarsoon kiiska badda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliya Qaranka Dr. Suleeymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay musuq-maasuq la sheegay inuu ka dhacay Mashruucii uu dhawaan furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loogu magac daray (Baxnaano), kaasi oo uu Bankiga Adduunka. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyey warbixin ay qoreen warbaahinta qaar oo lagu sheegay in la masuq-maasuqay mashruucaan oo ay ku baxayso lacag dhan 4 Malyan oo Dollar bishiiba. Dr. Suleymaan ayaa ugu hanjabay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ka dambeysay in la faafiyo waxa uu ugu yeeray been abuur ka dhan ah Mashruuca Baxnaano. Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa iska kaashanayo hay’adaha UNIFEC, WHO iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la bilaabay wajigiisa koowaad. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta
-
Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dil xalay askari ka tirsan ciidanka dowladda uu degmada Wadajir ugu geystay wiil dhalinyaro ahaa kaas oo xilliga la dilayay u socday masaajid uu ku soo dukanayay salaadda tahajudka. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed Muuse oo 16 jir ahaa waxaana dilkiisa uu yimid ka dib markii uu shakiyay askariga sida uu sheegtay waxaan sidaa Goobjoog News u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada marxuumka oo diiday inaan magacooda baahinno. Wararka aan dhacdadaas ka helnay ayaa sidoo kale sheegaya in uu baxsaday askariga dilka geystay halka ay qaadeen askar kale isaga oo dhaawac ah kadibna uu isbitaalka Madiina ku geeriyooday. Wali ma jirto masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka dowladda oo ka hadlayay dhacdadan, balse ciidanka dowladda ayaa gudaha magaalada Muqdisho dilal kala duwan u geysta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargelisay suurta-galnimada inay Taiwan ka iibineyso gantaallada biyaha hoostooda ku safra oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, taasi oo sii xumeyneysa xidhiidhka Washington iyo Beijing. Dowladda Mareykanka, si la mid ah inta badan dalalka caalamka, wax xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Taiwan, hase yeeshee waxaa jira sharci ku qasbaya inay ka iibeyso hub ay isku difaacdo. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ansixisay iibka gantaallada 18 MK-48 Mod6 ee maraakiibta badda laga rido oo casri ah, kuwaas oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Difaaca Amniga Mareykanka, oo bayaan soo saartay. Hay’adda ayaa sheegtay in iibkan uu u adeegayo danta qaran, amni iyo dhaqaale ee Mareykanka, islamarkaana ay ku wargelisay Congress-ka. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa sheegay in Shiinaha ay ashtako rasmi ah oo arrintan ka dhan ah u gudbiyeen Washington. Zhao ayaa intaas ku daray in Shiinaha ay ku booriyeen dowladda Mareykanka inay joojiso dhammaan hubka ay ka iibiso iyo xidhiidhka millatari ee ay la leedahay Taiwan, si looga hortago dhaawac kale oo gaara xidhiidha labada dal. Taiwan ayaa sheegatay inay tahay dal madax-bannaan, halka Shiinaha ay u arkaan gobol ka tirsan. REUTERS Source
-
WAR CELINTA WAR BEEN ABUURID AH Reer Somalia Ma Habaar Bay Dan Moodeen! Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo. Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya, Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacay xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah. Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacab iyo dawladd ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa 18th century gii soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay. ALLAA MAHAD LEH. W/Q Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Farxaddii ka dhalatay magacaabistii Abiy Axmed ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia bishii April sannadkii 2018-kii, ayaa u muuqata inay daaqadda ka baxday. Kadib sii deyntii maxaabiistii siyaasadeed, casuumaaddii uu u sameeyay dhaq-dhaqaaqyadii dibad joogga ahaa, heshiiskii uu la galay cadowgii mudadda dheer ee Eritrea, taas oo uu sanadkii 2019-kii ku helay Nobel Peace Prize, Abiy waxaa uu hadda la xarbinayaa joogteynta kala dambeynta iyo midnimada waddanka. Labadii sanno ee lasoo dhafay, isku dhac gobolleed, mid isir iyo mid siyaasadeed ayaa hareeyay fekerka, awoodda iyo khayraadka, waxaana ku dhintay kumanaan, malaayiinna waa ay ku baro kaceen. Go’aanka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee uu dib ugu dhigay doorashadii Ethiopia ayaa abuuray mashaakil dastuuri ah. Safmareenka COVID-19 waa waxaa lo cuskaday dib u dhigista laakiin ma’ahan sababta. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Ethiopia ee Oromo Federalist Congress iyo lixda xisbi ee ay xulafada yihiin ayaa diiday go’aanka Abiy Axmed, waxayna ku baaqeen wada hadal si loo helo xal siyaasadeed. Xisbiga Tigrayga ee TPLF ayaa diiday dib u dhigista doorashadda waxaana uu sheegay in uu isu diyaarinayo doorashooyin gobol. Waxaa intaas ku dareen in tani ay meesha ka saareyso in si sharci darro ah ay awoodda ku heystaan dadka talada haya. Dadka taxliiliya siyaasadda Ethioipia oo uu ka mid ayahay Rene LeFort ayaa sheegay in Abiy Axmed uu awoodda isku gaar yeelayo. Waxaa ay sheegayaan in uu muujiyey astaamo uu ku noqonayo “ninka weyn” ee Ethiopia waxay ku qaadataba. Waxaana ka mid noqon kara in loo shaqeeyo si ka baxsan sharciga haddii ay lagama maarmaan noqoto. Maamulka Abiy Axmed waxaa uu horumarro ka sameeyay furista gaab siyaasadeed. Dib u soo celinta cabsi gelinta iyo xarig wadareedka dadka mucaaradka ah ku ah waxay dib ugu celineysa maalmihii hore ee keligi talisnimada. Maamulkiisuna waxaa uu ku guul dareysanayaa in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisii, waxaana uu si deg-deg ah ku luminayaa sharciyadiisii. Dib u dhigista cod bixinta iyada oo aan la gaadhin heshiis siyaasadeed waxaa ay noqon kartaa wareegii ugu dambeeyay. Gobolka Tigrayga ayaa ku dhaawaqay in ay u dareeri doonaan doorashooyinka gobolka. Guddiga Doorashooyinka iyo Abiy Axmed midna kama joojin karaan dadka Tigrayga in ay doorashooyinka qabsadaan. Isku day kasta oo lagu joojinayo doorashooyinka iyadoo awood la isticmaalayo waxaa ay kala qaybin kartaa ciidanka Ethiopia. Iskudayga nuucaas ah waxaa uu sidoo kale keeni karaa in dadka gobolka Tigray ay adeegsadeen qodobka 39 aad ee dastuurka islamarkaana ay madaxbanaani ku dhawaaqaan. Xisbiyo dhowr ah oo mucaarad ah oo uu ku jiro midka Oromada aya sidoo kale ku dhawaaqay in ay doorashada u dareeri doonaan wixii ka dambeeya 30-ka September. Waxay diideen in ay aqoonsadaan Dowlad sharci darro ah. Sidaas darteed, xalku waa wada hadal siyaasadeed ee ma ahan “tarjumaadda” dastuurka. Heshiis laga gaaro xilliga cod bixinta iyo qaab maamulka wixii ka dambeeya September ilaa doorashadda xigta keliya waxaa ay ku imaan karaan wadahadal u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo ururadda bulshadda. Wixii intaas kasoo hara waxay Ethiopia gelineysaa mashaakilkii ugu darnaa taariikhda casriga ah. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ka dib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka. Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman. Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen. Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland. Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Amb Daahir Maxamuud Geelle oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay qaddiyadda badda ee markii saddexaad dib loo dhigay ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Farmaajo ay cayneyso garaadka dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay “Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato”. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu carabawday inay diidan tahay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda balse Daahir geelle ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin caddeyn muujinaysa in dowladda federaalka ah ay diidanayd dib u dhigista. Dhanka isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda ay arrinka qaddiyadda badda u adeegsatay dacaayad iyo inay isu muujiso inay wax fiican qabatay balse taas badalkeeda ayuu sheegay in waxkasta oo ay dowladdu qabatay ay dhalinayaan shaki weyn. Maxakamadda cadliga adduunka ayaa markii saddexaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo sheegtay in kiiskan la dhageysan doono 15 March 2021. Halkan ka akhriso qoraalka Daahir Geelle Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato. Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay. Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay. Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya. Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay. Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yartahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan. Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn. Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan. Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan. Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Dimishiq)-Dowlada Suuriya ayaa xayiraad saartay dhamaan Hantida uu leeyahay ninka ugu taajirsan Suuriya oo lagu magacaabo Rami Makhlouf oo uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi Bashar Al Assad abtigii. Rami Makhlouf ayaa ah mulkiilaha Shirkada Telefonada Suuriya ee SyriaTel, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $5 Bilyan oo dollar, waana ganacsadihii ugu weynaa ee maalgelinayey ciidamada Bashar Al Assad. Amar kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ee Siiriya ayaa lagu sheegay in la xayiray dhamaan hantida ninkan, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Caruurta Maalqabeenkan ayaa ku nool magaalada Dubai Wasaarada Maaliyada ayaa ku dooday in dowlada ay lacago gaadhaya 77 Milyan oo dollar ku leedahay shirkadiisa SyriaTel. Rami Makhlouf oo hadda ku xidhan gurigiisa ayaa ku dooday in dowlada dooneyso inay ka dhacdo ama kala wareegto hantidiisa gaar ahaan shirkada Telefonada. Wuxuuna filim uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga codsaday inuu arrintan joojiyo Madaxweynaha Bashar Al Assad oo ay dhashay eedadiis Anisa Makhlouf. Ganacsade Rami Makhlouf ayaa kamid ahaa ragga ugu awooda badan dalkaasi ayaa hadda khatar ku jira, waxaana muuqata in dagaal hoose uu ka dhex curtay Tujaarta udub-dhexaadka u ahayd xukuumada Talada heysa iyo Qoyska reer Asad. Bashar Al Assad ayaa doonaya inuu helo lacago badan uu isaga bixiyo daynmo la sheegay inuu ku leeyahay Vladimir Putinka xukuma Ruushka. Dowlada Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa hore cunaqabateyn u saaray Ganacasade Rami Makhlouf oo ay ku eedeeyeen inuu si weyn ugu lug lahaa dagaalka ka socda Suuriya, uuna kamid yahay xubnaha dhaqaalaha badan ku taageeray Bashar Al Assad. Source
-
Baqdaad (Caasimadda Online) – Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninka la rumeysan yahay inuu badalay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi kaasoo lagu dilay howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Marekanka ka fuliyeen Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore. Hoggaamiyaha ay sirdoonka Ciraaq sheegeen in gacanta lagu dhigay ayaa lagu magacaabaa Amir Mohammed Abdul Rahman Al-Mawli Al-Salbi kaasoo la baxay magaca Cabdul Naasir Qardash. Qardash ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey dagaalkii cuslaa ee Bishii February sanadkii 2019 ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria. Sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan, sidaasna ay ciidamada Booliska weerar ugu qaadeen guri ku yaalo degmada Hawija ee Kirkuk oo dhacdo Waqooyiga Baqdaad isla markaasna ay suurta gashay in gacanta loogu soo dhigo isagoo watay aqoonsi been abuur ah oo lagu qoray magaca ah Shaclaan Cubeyd. Naasir Qardash ayaa asal ahaan kasoo jeedo dadka Turkemenka Ciraaq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaaladda Mosul ee Waqooyiga Ciraaq. Illaa hadda kooxda Daacish kama aysan hadlin sheegashada Sirdoonka Ciraaq ee ah inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii badalay Abu Bakar Albaqdaadi, mana jirto caddeymo muujinayo sheegashada Ciidamada Ciraaq.
-
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay guddiga isku dhafka ah ee iyaga u qaabilsan diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxaa guddigaas looga dalbaday inay shaqadooda dedejiyaan maadaama guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay dhamaadka bishan ku dhawaaqi doonaan nuuca doorasho ee uu dalka geli doono. Kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka. Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman. Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen. Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland. Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay kiisaka dacwadda badda ee ay Kenya Muranka gelisay ayaa sheegay in tuhun badan uu ku jiro in markii saddexaad maxkamadda ICJ ay dib u dhigto dhageysiga dacwaddaas. Dowladda federaalka ah ayuu u sheegay in looga baahanyahay faahfaahin maangal ah oo shacabka ay ku qanci karaan “Tallaabada ay maxkamadda ICJ markii saddexaad dib ugu dhigtay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jira tuhun badan, waana arrin u baahan iney Dowladda Soomaali ka bixiso faah faahin maangal ah, oo ay Shacabku ku qanci karaan. Inaan saddexdda jeerba la aqbalin codsiga Soomaaliya, oo mar walba ay maxkamaddu u jawaabeyso hal dhinac ayaa sidoo kale cabsi iyo shaki leh, ma Soomaaliya ayaan diidmo muujin, ma maxkamadda ayaa hal dhinac noqotay, ma dadka na matallaya ayaan aheyn kuwii saxda ahaa mise waxaa jira wax kaloo qarsoon, oo shacabka lagala cabsanayo ?!!”. Dhanka kale waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha dalka uusan wax hormar ah ka sameynqaddiyadda badda islamarkaana uusan waxba ku soo kordhin qaddiyaddan oo ah mid qaran. “Waa nasiib daro weyn inuu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa wax horumar ah oo muuqda aysan ku kordhin dacwada Badda, oo ah qadiyad qaran oo masiiri ah . Arrintu labbo ayey mid noqon kartaa in aaney Dowladdu wax dadaal iyo ahmiyad ah aysan siinin arinka dacwada badda, oo hal dhinac ay shaqadu iska wataan ama iney dowladdu ka waddo howlo qarsoodi ah maxkamadda banaankeeda.Si qadiyadda loogu xaliyo hanaan ka baxsan garsoorka. Haddaba mid ay tahayba waa ayaan darro waana wax mugdi galineya xaqa iyo xuquuqda umadda Soomaaliyeed. Maadaama kiiska loo dhigay bisha March 2021, waxaa madaxda Dowladda Federaalka ah la gudboon iney shacabka u daacad warramaan billaha yar ee u dhiman” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed. Ugu dambeyn shacabka ayuu ugu baaqay inay hubiyaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee kiiska badda “Guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna waa iney aad u hubiyaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee kiiska Badda. Cabsi xoogleh ayaa noo muuqata mana ahan in la sahashado xaaladdan”. Isaga oo intaas raaciyay inay jirto cabsi xooggan oo ay tahay inaan la sahalsan. Maxakamadda cadliga adduunka ayaa markii saddexaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo sheegtay in kiiskan la dhageysan doono 15 March 2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland oo Soo Saartay Awaamiir Ku Saabsan Maalmaha Ciidda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo la xiriira maalmaha ciidda gaar ahaan salaadda maalinkaas la dukado. Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta maamulkaas Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gabi ahaanba hakiyeen isu soobaxyadii maalmaha ciidda iyo saaladda Soonfurka isaga oo ku micneeyay inay ka hortagayaan faafitaanka xanuunka Coronavirus. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu tilmaamay in dadweynaha Puntland la faray inay salaadda ku oogaan guryahadooda maadaama marka la gaaro sanadkan oo kale ay bulshadu isku soo bixi jirtay islamarkaana ay meel fagaara ah ku tukan jireen salaadda Soonfurka. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in malcamadaha lagu barto Quraanka Kariimka ah oo markii hore loo xiray sabab la xiriirta faafitaanka cudurka COVID- 19 in wixii ka dambeeya maalmaha Ciidda dib loo furi doono isaga intaas ku daray in daruufo dhaqaale oo aad u adag ay soo wajahday macalimiinta deegaannada maamulka Puntland. Maalin qura ayaa inaga xigta bilashada bisha Soonfur, waxaana sanadkan la filayaa inuu isbadal ku yimaado maalmaha Ciida maadaama dalka uu si adag u saameeyay Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimadda Online) Wasiirkii Hore Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle lana rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah musharaxiinta isu soo taagi doona xilka madaxtinimada dalka marka la gaaro 2021 ayaa kusoo biiray siyaasiyiinta ka hadlay arrimaha Badda ee ay muranka galisay dowladda Kenya. Ambaasadoor Daahir Maxamuud Gelle qoraal dheer kusoo qoray baraha bulshada ku sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay caddeymo muujinaya sida ay u wajaheen kiiska dacwada Badda. Daahir ayaa Dowladda talada heyso ku eedeeyey inaysan wax tallaabo ah u qaadin dhanka dacwadaan tan iyo markii xilka loo dhiibay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay inay taas keentay in mar kasta Maxkamadda ICJ ay aqbasho codsiyada Kenya. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA DAAHIR GELLE: Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato. Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay. Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay. Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya. Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay. Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yartahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan. Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn. Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan. Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan. Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.
-
Xilli dunida uu jira COVID-19, oo cabsi badan ay jirto hadana taasi kama reebin dalalka qaar iney doorasho galaan, oo waajibka qaran ay gutaan. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda usoo bandhigeysaa dalal ay doorashooyin ka dhaceen labadii bil ee tagay. Asia: Qaaradda waxaa ugu muhiimsanaa doorashooyinka ka dhacay middii koonfurta Kuuriya ka dhacday April 15, 2020, waxaa halkaas lagu doortay 300 oo ka tirsan golaha sharci dejinta, waxaana guuleystay xisbiga talada haya, waxaa xusid mudan in ay qeyb galeen dhammaan xisbiyada 35 ah, dadku waa codeeyeen, laguma arkin hal kiis oo COVID-19 waayo waxaa la sameeyey qaab aan cudurka ku faafin. Afrika: Dhanka Afrika waxaa doorashooyin aaday dalal badan oo ay ka mid yihiin Guinea, Cameroon, Mali iyo Benin. Cameroon: Dalka Cameroon waxaa sidoo kale ay doorasho baarlamaani ka dhacday February 9, 2020, tartanka oo axsaab badan ka qeyb galeen waxaa aqlabiyad helay xisbiga talada haya ee People’s Democratic Movement oo ku guuleystay 139 kursi oo ka mid ahaa 167-bada kursi ee loo tartamay. Guinea: Doorasho baarlamaani ah ayaa ka dhacday dalka Guinea March 22, 2020, xisbiga talada haya waxaa uu helay 76 kursi oo ka tirsan kuraasta 114ka ah. Mali: Doorasho baarlamaani ah ayaa ka dhacday March 29, 2020 halka wareegga 2-baad la qabtay April 19, 2020 iyada oo loo tartamay 147 kursi oo ka tirsan golaha sharci dejinta, inkasta oo ka qeygalka uu yaraa hadana codbixinta waxaa ay u dhacday si caadi ah, waxaana ayna guusha raacday xisbiga madaxweyne Keita. Benin: Dalka Benin ayaa todobaadkan waxaa uu qabtay doorashada deegaanka, waxaa ayna iska indhotireen digniino jiray. Hadabba, dalalkaas doorashada galay waa dalal nala mid ah, oo doorasho geli jiray, oo dadkoodu diiwaan geshan yihiin, waxaana muuqa in ay daacad ka yihiin waajib gudashada doorasho, arrimahaas ooo meesha ka saaraya in dal uu keeno marmarsiyo ah dib u dhisigta doorashada arrimo la xiriira COVID-19 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimadda Online) Guud ahaan gayiga Soomaalida waxaa saameyn ku yeeshay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus kaas oo waxyaabo badan hakad galiyay, iyadoo ay taasi jirto ayey hadana maamul goboleedka Puntland war kasoo saareen maalmaha ciida iyo dib u furista dugsiyada Qur’aanka. Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka waxaa soo foodsaartay xaalad adag taasna waxey keentay in lagu qasbanaado in loo ogolaado iney dib u furaan xarumahooda, balse shuruudo ayaa la hordhigay ay tahay iney ka gudbaan. Cawil Sheikh Xaamud oo ah wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa sheegay in macalimiinta loo sheegay wax ka badan 30 arday ineysan hal qol wax ku wada baran karin si looga fogaado isku dhawaansho saa’id ah oo ay Ardayda sameeyaan. Wasiirka wuxuu yiri: “Waa in macalin walba oo heysta wax ka badan 30 Arday uu kireystaa qol kale ama uu laba galin u kala qeybiyaa ardaydiisa” Sidoo kale Wasaaradda waxey kula talisay macalimiinta iney taxadar muujiyaan isla markaana xirtaan Facemask (Afxir) iyo sidoo kale Gloves (Gacmo gashi) si ay uga fogaadaan faafista xanuunka Coronavirus.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxdda mucaaradka ayaa si weyn ugu eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka gaabiyay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay toddobaadkan maxkamadda ICJ markii saddexaad dib u dhigtay dacwadda labadda wadan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda hadda jirta aaney waxba ku darin dooddii Soomaaliya oo wax walba ay taaganyihiin meeshii uu kaga tagay ku dhowaad 4 sano ka hor. Sidoo kale Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa eed noocaas ah soo jeediyay. Dadka sida weyn ula socda arrintaan ayaa su’aallo maangal ah ka keenay doodda madaxdii hore ee la xiriirta muranka badda. Su’aallahan qaarkood ayaa muujinaya in Madasha Xisbiyada Qaran aaney isku aragti ka aheyn ama ka noqon karin dacwadda badda ee taalla Maxakamadda ICJ. Su’aallaha 1-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hada hogaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ilaa hada kama uusan hadlin qadiyadiisa badda. Inta badan arrimaha xasaasiga ah ee Madasha isaga ayaa ka hadla laakiin howsha Badda waa ka gaabsadaa, waxaana ka hadla inta badan Xasan Sheekh. Xitaa Shariif shalay ma uusan kasoo garab muuqan Xasan Sheekh oo ay inta badan si wadajir ah uga hadlaan arrimaha muhiimka u ah. Hadabba muxuu Shariif uga aamunsanyahay kiiska Badda?. 2- Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu aad u muujiyaa in qadiyadda badda ay muhiim u tahay ama uusan gor-gortan ka gali karin, laakiin wuxuu dhowaan shirko siyaasadeed la noqday Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo ahaa madaxdii dalka ka talineysay xilligii la saxiixay heshiiska dhaliyay muranka badda. Horey wuxuu u sheegay Xasan Sheekh in dadkii badda halista galiyay in aaney u qalmin iney markale dalka hogaamiyaan, haddaba Xasan miyaa siyaasad ahaan ka tanaasulay qadiyadiisa badda mise Shariif ayaa qaladkiisii qirtay oo sidaa ayuu kula midoobay ?. 3-Madashu waxey ku cel celisay in Farmaajo laga rabo inuu ka hadlo arrinta Badda. Sanadkii lasoo dhaafay Farmaajo wuxuu arrinta badda kaga hadlay xarunta Qaramada Midoobey, Nairobi iyo Muqdisho waxaase jirta su’aal ay muhiim tahay in laga jawaabo. Dhinaca Kenya, arrinta badda kama hadlaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Inta badan waxaa ka hadla Xeer-ilaaliyaha Qaranka ama wasaaradda arrimaha dibbada, halka Soomaaliya uu inta badan u hadlo ra’iisul wasaare kuxigeenka, haddaba labada wadan midkee si maqaam sare ah uga hadla kiiskan ? 4-Maxkamadda ICJ waxey dib u dhigtay dhamaan dacwooyinkii la qorsheeyay in la dhageysto 2020 sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID19, Haddaba Soomaaliya ma waxey amri kartaa in kaligeed maxkamaddu u shaqeyso sanadkaan ?. 5- Dhowaan Madasha Xisbiyada Qaran waxey baajiyeen shir ay rabeen iney ku dhistaan hal xisbi iyo hal musharax. Sababta baajinta waxey ku sheegeen xanuunka Covid19, sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mudo ku xayirnaa Turkiga ilaa ugu dambeyn ay diyaarad qaas ah soo qaaday, haddaba maxey Madashu u inkireysa culeyskaas saameeyay adduunka oo dhan oo xitaa shirarkoodii iyo socdaalkoodii baajiyay ?. 6-Maadaama gudoomiyaha Maxkamadda ICJ uu yahay nin Soomaali ah, maxey tahay shakiga laga qabi karo in go’aan qarsoon ay gaarto Villa Soomaaliya ama iney jiraan wax la qarin karo ?. Marka la eego su’aallahaan, doodda Madasha Xisbiyada iyo mucaaradka kale qaarkood waxey noqoneysa mid siyaaadeysan oo ka fog jeceyl loo qabo biyaha Soomaaliya.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada ah guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Shirkaan ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray xaaladda deegaanada HirShabelle, gaar ahaan fatahaada webiga Shabelle uu ka sameeyey gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo shirka ka qeyb-galay ayaa ugu horreyn ka warbixiyey xaaladaha adag ee ka taagan deegaanada HirShabelle, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo deegaano ku dhow magaalada Jowhar oo uu ku fatahay webiga Shabelle. Sidoo kale Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xoojiso dadaallada ay ugu gurmaneyso shacabka ku dhibaateysan deegaanada maamulkiisa. “Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo uu ka qayb galay madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ka war bixiyay sida ay u socdaan dadaallada xakameynta Feyruska Karoona iyo gurmadka fatahaadaha.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Khayre. Xaaladda Beledweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa maalmihii dambe laga deyrinayey, kadib markii uu ku fatahay webiga Shabelle ee mara halkaasi. View the full article
