Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Garoowe)-Maamul Gobolleedka Puntlad ayaa shaacisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan Maamulkaas oo kiisas hore laga diiwaan-geliyay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay korodhay Tirada dadka laga helayo xanuunka COVID-19 iyo kuwa u geeriyooday. Wasiirka ayaa cadeeyay in saacadihii lasoo dhaafay laga baadhay Cudurka 24 qof, isla markaana laga helay 17 Qof, kuwaasi oo baadhitaano la sameeyay lagu ogaaday inay qabaan xanuunka. Sidoo kale Wasiir Cabdinaasir ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in Dadka laga helay Cidurka uu ku jiro hal Wasiir iyo hal Xildhibaan oo ka tirsan Puntland, uuna geeriyooday hal qof. Meelaha ay kala joogaan dadka laga helay Cudurka ayaa kala ah: Boosaaso 5 Qardho 5 Waaciye 3 Garowe 2 Galkacyo 2 Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 76 halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka halista ah ee Coronavirus. Source
  2. Madaxweynhii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo ka hadlayay diyaaraddii ciidan ka tirsan Itoobiya ay ku ku rideen degmada bardaale ayaa hoosta ka xariiqay inuu jiro tuhun ah in heshiisyo qarasoodi ah uu ka dhaxeeyo dowladda Itoobiya iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa uuna intaas ku daray in heshiisyadaas aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iy shacabka Soomaaliyeed “Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmd. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda ka dalbaday inay faahfaahin cad ay shacabka Soomaaliyeed ka siiso sifaha ay ciidanka Itoobiya ku joogaan gudaha dalka “Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan” waxa uuna sheegay in AMISOM ay caddeysay in ciidanka Itoobiya ay soo rideen diyaaraddii ku burburtay Bardaale. Shariif ayaa xusay inay xadgudub ahayd diyaaraddii lagu soo riday Bardaale taas oo sidday gargaar “Tallaabadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka”. 4-tii bishan ayey ahayd markii diyaarad sidday shixnad gargaar ah ay ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn AMISOM ay soo rideen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Jaaliyada Soomaaliyeed Dalka Denmark ayaa soo ururisay aduun gaaraya 41,739 Doolar oo ay uga qayb qaadanayaan taakulaynta Qardho. Lacagtaan ayaa mudo gaaban lagu ururiyay, waxaana [...] Source
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Saalax Yacquub oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo gobolka Hiiraan. Jeneraal Saalax ayaa tilmaamay inay ku howlan yihiin ku howlanyihiin furitaanka wadooyinka gobolka Hiiraan ooaay ku suganyihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah carabka ugu dhuftay inay furi doonaan jidka Beledweyne iyo Buulo-Burte. “Waxaan diyaaraneeynaa sidii aan u furi lahaayn wadooyinka gobolka Hiiraan gaar ahaan wadada isku xirta Beledweyne iyo Buuloburte, wadadan muhiim ayaay u tahay shacabka, waxaana adkaaday ganacsiga isaga kala goosha deegaanadan. Ciidanka waxaa ka go’an inaay xoreeyaan wadooyinka gobolka”. ayuu yiri Jeneraal Saalax. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xoojin doonaan howlgallada iyo dhaq dhaqaayada Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan qeybo badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, iyaga oo weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
  5. Dhamme Burhaan Axmed oo ahaa taliyihii Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu iska casilay xilkaasi. Burhaan oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa beeniyey in looga yeeray caasimadda, si wax looga weydiiyo eedeymihii uu u jeediyey saraakiisha sar sare ee Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu haatan howlo shaqo u joogo magaalada Muqdisho, islamarkaana uu markale bixin doono faah faahin dheeri ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/PP.mp3 View the full article
  6. Ra’iisul wasaaraha XF Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo dowladda, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaaladaasi.. Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faah-faahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada. Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay, iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan. Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada. Dowladda federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha webiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaran yahay gaarsiiya qaybo ka mid ah dalka View the full article
  7. Degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkenley ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A, wareega koowaad ee tartanka ayaa waxaa lagu bilaabay is-araga saddexaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Tartanka oo ahaa mid adag ayaa waxaa qeybaha dambe isaga baxay tartamayaasha degmada Dharkenley oo cabasho ka keenay su’aal la weydiiyey, balse waxa ay ku xadgudbeen shuruucda u taalla barnaamijka, iyaga oo diiday inay sii wataan tartanka. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo ah guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo ku dhawaaqay go’aanka ugu dambeeya ayaa shaaciyey inay guushu raacday degmada Howlwadaag, islamarkaana laga badiyey Dharkenley. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ccc.mp3 View the full article
  8. Haweeney Talyaani ah oo laga afduubtay Kenya xilli ay tabaruce ahaan u shaqeyneysay ayaa muddo 18 bilood ah kadib lagu guulaystay in lagasoo sii daayo Soomaaliya . Madaxweynaha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa amaaney sii deynta Silvia Romano, oo 23 sano jir, oo iskaa wax u qabso kula shaqeysay koox ka shaqeysa bini’aadanimada oo fadhigeedu yahay Talyaaniga. Conte ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waad ku mahadsan tihiin ragga iyo haweenka sirdoonka shisheeye,” ayuu yidhi Conte. Madaxa guddiga baarlamaanka ee baarlamaanka Talyaaniga, Raffaele Volpi, ayaa sheegtay in Romano ay soo muuqatay xaalad wanaagsan kadib markii la soo badbaadiyay qiyaastii meel 30 kiiloomitir u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Wararka ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa sheegaya in afduubkeeda kadib, Romano ay gacanta ku dhigtay xagjiriin lala xiriirinayo kooxda al-Shabab ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga Luigi Di Maio, oo sidoo kale ku dhawaaqay xoreynta Romano on Twitter, ayaa yiri, “Dowladda waligeed qof kama tagayso. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey dhanka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo bilowday xalay fiidkii hore ayaa wuxuu dhex-maray ciidamo milatari ah oo ku sugan xaafaddaasi iyo kuwa Haramcad oo garab ka helaya ciidamo Boolis ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada sida gaaarka u tababaran ee Haramcad oo howlgal waday iyo kuwa milatariga ee jooga halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Dhinaca kale waxaa dagaalka ku baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish iyo taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo kala dhex-galay labada ciidan, balse ma jiro wax faah faahin ah oo mas’uuliyiintaas iyo laamaha ay ka bixiyeen iska hor imaadkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah ku soo nodqay isku socodka dadka iyo gaadiidka, xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir. Halkaan hoose ka dhageyso codka goobjooge ka hadlaya, sida ay wax u dhaceen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-KAAWA-GODEY.mp3
  10. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey dhinaca degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo loo yaqaano Macawiisley iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo garab ka helaya Boolis. Inta uu socday dagaalka oo qaatay muddo hal saac ah ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay baqdin soo food-saartay dadka deegaanka. Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Qof ka mid ah deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey khasaaraha guud iyo sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-KAAWA-GODEY.mp3 View the full article
  11. Puntland: Wasiirkii Saddexaad iyo Xildhibaan laga Helay Coronavirus Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa xaqiijisay in Wasiirkii saddexaad oo ka tirsan xukuumadda Puntland laga Helay cudurka Coronavirus Wasaaradda waxay kaloo sheegtay in Xildhibaan ka tirsan gollaha barlamaanka Puntland laga helay cudurka Coronavirus. Wasiirka iyo xildhibaanka ayaa ka mid ahaa 17 qof oo wasaaradu maanta ku dhawaaqday inay laga helay cudurka. Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa todobaadkan laga heley fayraska korona ee caalamka faro ba’an ku haya. Labada wasiir ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn ula shaqeynaayey bulshada aadna ugu dhawaa gaar ahaan dhibaatadii ka dhacdey magaalada Qardho. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wasiiradan xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay, waxay ahaayeen kuwo bulshada u shaqeynaayey, runtii shaqada iyo kala fogaanshaha ayaa la kontrooli waayey, ayuu yiri Madaxweynuhu. Dadka laga heley fayraska Korona ayaa ah 76 qof gudaha Puntland, waxaana u geeriyooday ilaa saddex Qof. guud ahaan Soomaaliya waxca uu ku dhaw yahay 1000 qof, waxaana u geeriyoodey 44 qof. Qaran News
  12. Iran oo weerar dhanka Internet-ka ah ku qaaday xarumo ku yaalla Gudaha Israel Iran ayaa masuul ka ahayd weerar baahsan oo dhanka Internet-ka a,h kaasi oo bishii lasoo dhaafay lagu qaaday nidaamka biyaha iyo bulaacadaha ee Israel, waxaa sidaas wariyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka. Fox News waxaa uu sheegay in Dowladda Iran ay isticmaashay Computer-ro ay leedahay Dowladda Maraykanka si ay u jabsato kuwa Israel Wakiil-wareedka arrimaha dibadda ee Fox News Trey Yingst ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in “sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Tamarta Maraykanka uu diiday in uu ka warramo wax gaar ah oo ku saabsan baaritaan socda. Sarkaalku waxaa uu ku celiyay in Waaxda Tamartu ay markasta ururiso lana wadaagto warbixinta shirkadaha gaarka loo leeyahay weerarada Internet-ka looga difaaco Maraykanka iyo xulifadiisa.” Weerarku waxaa uu dhacay dabayaaqadii bishii April, waxaana uu saameeyay dhowr ka mid ah qalabka maamulka biyaha ee Israel. Ad by Valueimpression Madaxa waaxda amniga ee hey’adda maamusha biyaha Israel Daniel Lacker ayaa u sheegay madaxa waaxda amniga Internet-ka Avi Azar “Waxaan heynay warar la xariira in weerar internet-ka ah lagu qaaday nidaamkeena. Ma jirto waxyeelo ka dhalatay weerarka.” Iran waxaa markasta lagu eedeeyaa in ay isku daydo weerarro internet-ka ah oo ka dhan ah Israel. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa shirkii amniga technology-yadda ee lagu qabtay Tel Aviv ka sheegay “in Iran ay Israel weerareeyso maalin walba.” “Waan la soconaa waana ka hortagnaa maalin walba” ayuu yiri. Waxaa uu intaas ku daray “ waxa muhiimka ah waa in wadan kasta la weerari karo wadan kastana waxaa uu u baahanyahay in uu yeesho awoodda difaaca iyo weerarka, Israel-na waa ay leedahay awoodaas.” Qaran News
  13. Soomaaliya waa iney iska ilowdaa rajada ah in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana iney dib ugu laabato qaabkii 2016-kii xilligan uu si aad ah u faafayo cudurka COVID-19 sidaas waxaa warbixin ku sheegtay International Crisis Group iyada oo intaas raacisay in taasi ay u baahan tahay wadatashi ay qeyb ka noqdaan dhammaan saamileyda. Warbixinta, , COVID-19 in Somalia: A Public Health Emergency in an Electoral Minefield oo soo baxday jimcihii, Crisis Group ayaa sheegay in cudurkan COVID-19 ee si dhaqso ah uga faafaya dunida iyo Soomaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira ay ka dhigi karto mid adag in Soomaaliya ka dhacdo qof iyo cod ah. Crisis Group ayaa soojeedisay wax ka badal lagu sameeyo doorashadii dadbaneyd taas oo la isticmaalay 2016/2017 kaas oo ay qeyb ka ahaayeen 14,000 kuwaas oo doortay 275 oo golaha shacabka ah. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo khamiistii kulan la qaatay saxafiyiinta Soomaaliyeed in Soomaalida ay ka go’do waxa ay rabaan, oo aaney u yeerin doonin halka dalkiisa uu dhaqaale ahaan taageeri doono doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay inay sii kordheen tirada dadka uu soo ritay Covid-19 ee deegaanada maamulkaasi. Warbixintaan oo uu warbaahinta la wadaagay wasiir ku xigeenka caafimaadka maamulkaasi, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa lagu sheegay in 24 saac ee la soo dhaafay xanuunka laga helay illaa 17 qof, kadib markii lagu sameeyey baaritaan caafimaad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka ay diiwaan-gelisay wasaaradda ay ka mid yihiin hal xildhibaan iyo hal wasiir oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dadkaasi ay kala joogaan Boosaaso oo laga diiwaan-geliyey 5 qof, Qardho oo iyana 5 ah, Waaciye oo 3 ruux laga diiwaan-geliyey, Garoowe iyo Gaalkacyo oo min laba qof ah. Tirada guud ayuu ugu dambeyn ku sheegay inay gaartay 76 qof, halka dhimashaduna ay mareyso illaa saddex qof. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-wasaarada-caafimaadka-puntalnd-.mp3 View the full article
  15. Obama oo Trump ku dhaliilay qaabka uu u maareeyay faafitaanka Coronavirus Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa madaxweyne Trump si adag ugu dhalliilay qaabkii uu u maareeyay faafitaanka cudurka coronavirus. Obama ayaa qaabka ay dowladda Mareykanka u wajahday cudurkan ku tilmaamay masiibo ba’an oo jahawareer abuurtay, waxa uuna dhibaatada ka dhalatay cudurkani ku eedeeyay qaabka dowladnimo ee maamulka madaxweyne Trump. Obama oo la hadlayay kaaliyeyaashiisii hore iyo taageerayaashiisa ayaa sheegay in dhibaatadu ay tahay in maamulka Trump uu u fikiro qaab ah “maxaa iigu jira” sidaa awgeedna uu ku afceliyo dadka kale. Kayleigh McEnany oo arrimaha warbaahinta u qaabilsan Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu cudurkaasi u maareeyay si wanaagsan isla markaana la badbaadiyay nolal badan, balse marnaba si toos ah uma aysan magaabin Obama. Gudaha Mareykanka in kabadan 77,000 oo qof ayaa u dhintay cudurka coronavirus, halka 1,200,000 oo qof uu ku dhacay, waana tiradii ugu badnayd ee cudurkani uu ku dhaco caalamka oo dhan. Gobollo badan oo dalkaasi ah ayaa bishii Maarso xayiraado ku soo rogay shacabkooga balse intooda badan hadda ayay khafiifinayaan xayiraadahaasi, waxaana dadka loo ogolaanayaa in ay shaqooyinkooda ku laabtaan. Balse khubarada dhanka caafimaadka ayaa arrintan ka digaya, waxa ayna sheegayaan in ay suurtagal tahay in cudurkaasi uu dalkaasi ku sii faafo. Madaxweyne Trump ayaa in muddo dhayilsanayay cudurkan, waxa uuna bishii Febraayo uu sheegay in aysan jirin halis weyn, oo cudurkaasi uu iska dhammaan doono, balse bartamihii bishii Maarso ayuu qiray halista cudurkan ku hayo dalkaasi Mareykanka. Bishii Abriil ayuu jeediyay hadal muran dhaliyay oo ahaa in haddii dadka la waraabiyo jeermis-dilaha lagu farxasho looga gaashaaman karayo cudurkan, arrintaa oo ay markiiba ku gacan seyreen khubarada caafimaadka. Usbuucii la soo dhaafay ayuu madaxweyne Trump shaaciyay in uu kala dirayo guddigii la tacaalidda cudurka Covid-19, balse markii dambe ayuu sheegay in guddigaasi uu haatan diiradda saarayo sidii xayiraadaha loo qaadi lahaa isla markaana dalka dib loogu furi lahaa. Dhawaan ayay ahayd markii Katie Miller oo ah kaaliya sare oo ka tirsan xafiiska madaxwayna ku xigeenka Mareykanka laga helay cudurka Coronavirus, maalin uun ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad laga helay cudurkaasi. Waxaa sidoo kale karantiil lagu sameeyay xubnaha qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxwayna ku xigeenka. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxwayne Trump iyo ku xigenkiisa imika maalin walba laga baaro cudurka islamarkana ilaa iyo imika aan feyrsika laga helin. Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uusan ka walaacsanayn feyriska ku soo fidayo aqalka cad. Mar wax laga waydiiyay sababta uusan u xiran qalabka Sanka lagu xirto mar uu dhawaan booqday meelo ka baxsan Aqalka cad ayaa waxaa uu sheegay in uu dadka ka fogaado. maalmo ka hor ayaa madaxweyne Trump waxa uu cudurkani saf-marka ah ee coronavirus ku tilmaamay in uu yahay “weerarkii ugu xumaa” ee abid lagu soo qaado Mareykanka, waxa uuna farta ku fiiqay dalka Shiinaha. Trump waxa uu sheegay in cudurkaasi uu Mareykanka u galay si ka xun weerarkii Japan uu ku qarxiyay dekadda Pearl xilligii dagaalkii labaad ee adduunka ama xitaa weerarkii 11-kii Sebtembar ee sanadkii 2001. Maamulka madaxweyne Trump ayaa ka baaraan degaya in uu qaado talaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah Shiinaha, sababo la xiriira qaabka uu u maareeyay cudurkaasi iyo in uu dunida inteeda kale u qariyay cudurka. Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in Mareykanka uu doonayo in uu ka weecdo jawaabtiisii gaabiska ahayd ee ka hortagga cudurkaasi. Lahaanshaha sawirkaREUTERS Bartamihii bishii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay maamul xumo iyo inay dabooshay xaqiiqooyinka ku saabsan coronavirus, kaddib markii uu ka dillaacay waddanka Shiinaha. Wuxuu intaas ku daray inuu hakin doono dhaqaalaha uu Mareykanku ku taageero WHO, ilaa inta uu maamulkiisa dib u eegis uga sameynayo howlaha hay’addaas. Mr Trump wuxuu sheegay inay jirto “xog la isku halleyn karo oo muujineysay in bishii December uu jiray tuhun laga qabay inuu dillaacay cudur bani’aadanka u kala gudba”, wuxuuna sida cad ula jeeday digniintii ay khubarada reer Taiwan u jeediyeen WHO. Qaran News
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedjka Puntland, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ee maamulkaasi. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in 24 saac ee la soo dhaafay xanuunka laga helay illaa 17 qof, kadib baaris caafimaad oo lagu sameeyey. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi laga legay cudurka Covid-19 ay ku jiraan hal xildhibaan iyo hal wasiir oo ka tirsan maamulkaasi, iyadoona ay xusid mudan tahay in wasiiro kale oo laga helay cudurka ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Garoowe. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland oo sidoo kale hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dadkaasi ay kala joogaan Boosaaso oo laga diiwaan-geliyey 5 qof, Qardho oo iyana 5 ah, Waaciye oo 3 ruux laga diiwaan-geliyey, Garoowe iyo Gaalkacyo oo min laba qof ah. Tirada guud Covid-19 ee Puntland ayaa mareysa 76 kiis, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso 3 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maamulkaasi. Arrintaan ayaa muujineysa inuu si weyn Corona ugu sii faafayo deegaanada Puntland oo marba marka ka dambeysa ay sii kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka.
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-10052020.mp3 View the full article
  18. Children of Hani Shamshi, 44, a Somali refugee mother at a semi-arid Dadaab camp in Kenya are gazing at the kitchen at Iftar, the time for breaking fast during Ramadan, hoping something will be cooked. But there is nothing. They may again go to sleep with hungry stomachs. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, uu ka socdo dadaal mugleh oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasiloonida Gaalkacyo, kaas oo ay si wadajir ah hawlgal uga wadaan ciidamada kala duwan ee Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa baaq u diray dhammaan bulshada wada deggan gobolka Mudug labadiisa dhinac ee Puntland iyo Galmudug, waxaana uu ku boorriyay in laga wada-shaqeeyo Xasiloonida iyo Nabadda Gaalkacyo, islamarkaana aan colaad dambe loo horseedin gobolka. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay dagaalkii dhowaan ka dhacay duleedka galbeed ee Gaalkacyo, halkaas oo malayshiyaad ka soo gudbay dhinaca Galmudug ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ee Teerage. Wuxuu sheegay, in arrintaas ay khadka Taleefonka kaga wada-hadleen isaga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, si loo qaboojiyo xiisadda labada dhinac oo uu sheegay in ay ka faa’idaysanayaan kooxaha Argagixisada ah. Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay dhinaceeda xakamayn doonto sidii aan colaad kale gobolka uga qarxin, isagoo xusay in ay Galmudugna ka sugayaan tallaabo taasi lamid ah, si looga wada-shaqeeyo Amniga labada dhinac ee gobolka Mudug. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni iyo Qoor Qoor oo khadka Taleefonka kaga wada-hadlay xiisad ka aloosan Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku amray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada ku wajahan fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad kale oo ku soo rogmata magaalada. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mudane Khayre uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha, islamarkaana Maaliyadda ku amray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada ku wajahan fatahaadda Beledweyne. Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay, iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, tallaabadaas ayaa ka dhalatay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan. Guddiga ayaa sheegay, in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo amray fududaynta kharashka ku baxaya dadaallada ku wajahan fatahaadda Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  21. Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku teedsanaa jiinka Webiga ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday maalmihii la soo dhaafay. Guddoomiye Towfiiq oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay dhinacyada Webiga Jubba. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka cabsi qabaan cudur in ay ka dillaacaan degaanka maadaama fatahaadda ay ka dhasheen qashin iyo wasakh baahsan oo biyuhu reebeen. Mudane Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay la soo gaaraan gurmad banii’aadanimo. PUNTLAND POST The post In ka badan 90 Tuulo oo ku baaba’ay fatahaad ka dhacday Degmada Luuq appeared first on Puntland Post.
  22. Shabelle and Juba rivers are the only two perennial rivers in Somalia. Both rivers begin in the highlands of Ethiopia and then flow southeast into Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug D.r Maxamed Nuur Gacal uu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay. Khilaafkaas ayaa yimid kadib markii ay isku fahmi waayeen labadan masuul kulamo ay uga wada hadlayaan magacaabis wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha maamulka Galmudug, iyadoo uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay wasiirrada xukuumaddiisa. Cabdisamad Yuusuf Cimli waa wasiir ku-xigeenkii hore wasaradda gaadiidka maamulka Galmudug ayaa sheegey in Madaxweyne Qoor-Qoor uu kaligiis talada isku koobay, isla mrkaana go’aannada uu qaadanayo uusan kala tashan gudoonka baarlamaanka maamulka iyo waxgaradka metela beelaha ku bahoobay Galmudug. Cabdisamad ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey in wax war ah uusan ka heyn duruufta lagu soo dhisay Galmudug, isagoo tilmaamay in uu walaac badan ka qabo sii jiritaanka maamulka Galmudug. Hadii ay sidaan xaaladu ku sii socoto Cabdisamad waxa uu sheegay inay macquul tahay in waqtiga dhaw la arko xildhibaano muushin ka diyaariyey Madaxweyne Qoor Qoor. Madaxweyne Axmed Cadbi Kaariye Qoor Qoor ayaa dhawaan magacaabay golihiisa wasiirrada, balse waxaan weli la magacaabin wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha la filayo inay ka mid noqdaan xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in soo magacaabidda wasiirrada cusub uusan wax la tashi ah kala sameyn waxgaradka iyo guddoonka golaha sharci dejinta maamulka, taas oo la sheegay inay aas-aas u tahay khilaafka soo kala dhex galay madaxweyne Qoor Qoor iyo guddoomiye Gacal. Hoos ka dhageyso Cabdisamad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Qoor-Qoor.mp3
  24. Speaking to 3,000 supporters, the former president took a sharper line toward the Trump administration than he typically does in public. Source: Hiiraan Online
  25. KILIFI, Kenya, May 9 (Xinhua) -- Somali militant group al-Shabab has freed an Italian aid worker who was abducted in Kenya's coastal town of Malindi in November 2018, police confirmed on Saturday. Source: Hiiraan Online