Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maalmaha soo socda ku wajahan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka. U jeedka socdaalka Den oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah golhihiisa wasiirada ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xariiro dhameystirka dadaallada nabadeed ee G/Mudug. Sidoo kale Siciid Deni ayaa kulamo la qaadan doono saraakiisha ammaanka, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, si loo dardar-geliyo amniga magaaladaasi. Todobaadkan gudihiisa ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Allaha U naxariistee, Axmed Muuse Nuur. View the full article
  2. Tripoli (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga. Hanjabaadda dagaal-oogaha ayaa timid kadib toddobaad uu guul-darrooyin kala kulmay dowladda Libya ee Turkiga uu taageero. Ciidamada Xaftar, oo ay taageerayaan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka ayaa sanad ka hor billaabay dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Libya. Hase yeeshee faro-gelinta Turkiga ayaa beddeshay dagaalka, una riixday guusha dhanka dowladda. “Waxaad saacadaha soo socda arki doontaa ololihii duqeymo ee ugu ballaaraan taariikhda Libya,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray. “Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” ayuu yiri. Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya. Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Shir-jaraa’id oo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DF Somalia Eng. C/llaahi Cali Xasan maanta ku qabtay Muqdisho, ayuu kaga hadlay war-bixin ay Wasaaraddiisa ka soo-saartay saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqaalaha wadanka. Isagoo sheegay in cudurkani, uu u si aada u saameeyey guud ahaan ganacsiga, wax-soo-saarka iyo warshadeynta dalka. War-bixintu, waxay si aada u taabanaysaa isbeddelka dhinaca qiimaha maciishadda, xaaladda shirkadaha, warshadeynta iyo wax-soo-saarka wadanka. Waxaana ay war-bixintu muujinaysaa in hoos-u-dhac ku yimid qiimaha badeecadihii ay Xukuumaddu u sameysay cashuur-dhaafka ee ay ka midka ahaayeen Bariiska, Timirta, Burka iyo Saliida, halka khudaarta iyo waxyaabaha kale ee lagu nadiifsado na ay qeybo ka mid ah kor-u-kaceen.
  4. Puntland’s health ministry announced 6 new cases. So far, the state recorded 165 Covid-19 cases and five deaths since the outbreak of the deadly virus in Somalia in March. Across Somalia, 1573 cases of the COVID-19 have been recorded, with 188 people recovering from the virus and 61 victims succumbing to it. The government has suspended all domestic and international flights to contain the spread of the virus in the country that has been beset by decades of conflict, piracy, and terrorism. View the full article
  5. Somali National Army chief, General Odowa Yusuf Rageh is holding talks with military officials in Dhusamareb, the capital of Galmudug state. The 21st SNA division commander as well as 15th brigade leader, Major Masud Mohamed Warsame and new Galmudug police commander, Gen Bashir Abshir Gedi are part of the talks focused on security and fight against Al Shabaab. Odowa visited several military camps in Galmudug, where Somali troops are getting ready for an offensive against Al Shabaab as part of efforts to retake areas still under its control. Somali army offensive against in the past months has seen the armed group lose key strategic towns mainly in the Lower Shabelle region. View the full article
  6. Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday guux siyaasdeed oo iskasoo horjeeda iyo isgaashaan buursi cusub. Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa wuxuu maalmahaan wadaa kulamo hoose [...] The post Xulufaysi ka dhan ah Dowlada Villa Soomaaliya oo sii xoogaysanaya appeared first on . Source
  7. Banadir regional Administration has last night destroyed illegal structures erected along Maka Al-mukarama road in the capital Mogadishu. Benadir deputy governor for social affairs, Basma Amir Shaketi, who led the team on the demolition process on Wednesday said, the move is meant to repatriate public sites in the capital. “The illegal structures had encroached on roads and blocked alleys, we alerted these people to vacate the areas but they persisted” she said. The demolitions will continue until all the “illegal structures” in the city – which include the stalls of the vast majority of vendors – are razed down, Basma Amir Shaketi made it clear. Scores of people were left stranded after municipal officials brought in earth-moving machinery and demolished illegal shops and kiosks along Maka Al-mukarama road. She warned that stern action will be taken against business operators conducting operations in undesignated areas.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka ay howlgal kadhacay deegaanka Leego ku dileen horjoogihii Al-Shabaab ugu qaabilsanaa canshuuraha iyo maleeshiyaadkiisa. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska, howgalkan qorsheeysan ayey ciidamada Danab sidoo kale ku bur buriyeen goob ku taalla deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadayeen lacago baad ah. “Howlaglka ayaa lagu qaarijiyay horjoogihii canshuuraha argagixisada uqaabilsanaa degmada Wanlaweyn iyo degaanada hoos yimaada, waxaana sidoo kale ciidanka halkaasi ay ku qaarijiyeen labo maleeshiyo oo la socday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga. Taliyaha guutada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab Gaanshaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay ka timid dadka shacabka ee wadadaasi isticmaala. “Ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka Soomaaliyeed ayaa waxay bur-buriyeen gabi ahaanba goobtii lacagaha baada ah lagu qaadayey, islamarkaana lagu dilay horjoogihii qaabilsanaa iyo maleeshiyadiisa,” ayuu yiri. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in horjoogaha howlgalka lagu dilay lagu magacaabo Abu Haashim balse magaciisa oo dhameystiran dib ay kasoo sheegi doonaan.
  9. Cabdulaahi Xasan Nuur oo ah maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu digniin u diray diyaaradaha iska yimaada caasimadda Galmudug ee aan imaatinkooda ku soo wargelin maamulka Garoonka. Sidoo kale maareeyaha ayaa xusay inay tallaabo ka qaadi doonaan diyaaradahaasi oo uu sheegay inay dhowr jeer dhacday in diyaarad aan iyaga ku soo wargelin imaatinkooda inay soo caga dhigteen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb. Waxa uu tilmaamay in haatan aysan jirin diyaarada soo qaada rakaab basle digniinta ayuu si gaara ugu jeediyay diyaaradaha ay leeyihiin hey’adaha qaramada midoobay ee halkaasi mararka qaar ka dega. Dhanka kale waxa baaq u diray mareeyaha madaxda maamulka Galmudug oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhismaha garoonka oo uu sheegay inuusan u dhisnayn si la mid ah caasimadaha dalka ay garoomadoodu yihiin. Halkan ka dhageyso codka mareeyaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/Dhuusamareeb.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacsisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus, kuwaas oo wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay xanuunka. Qoraal ka soo baxay guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta Covid-19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in la baaray 24 qof, balse cudurka laga helay lix ka mid ah dadkaasi. Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi ay kala joogaan gobolada Nugaal, Mudug iyo Bari ee maamulkaasi, Tirada guud xaaladaha COVID-19 ee Puntland laga diiwaan geliyay ayaa noqoneysa illa 161 qof, halka 5 ruux ay ugeeriyoodeen xanuunka. View the full article
  11. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay amniga Galmudug, iyadoona ay ka qeyb-galeen sarkiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa kulamadan lagu soo qaaday, sidii loo xoojin lahaa howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada Gagaduud iyo Mudug. Odawaa oo madasha ka hadlay ayaa ku amaanay ciidamada Xoogga, sida ay uga qeyb-qaateen ka hortagga colaad beeleedyo ka ka jiray deegaano ka tirsan gobolladaasi. Galmudug ayaa waxaa dhowaan la filayaa inay ka bilowdaan howlgallo milatari oo qorshuhu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka heystaan maamulkaasi. View the full article
  12. Deni oo ku biiray Urur siyaasadeed cusub+Sawirro Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeed cusub oo looga dhowaaqay Puntland. Deni ayaa iska diiwaan-geliyey urur siyaasadeedka Kaah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah. Sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland, tallaabada uu Deni uu qaaday ayaa qeyb ka ah hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland, taasi oo ka mid ahayd qorsheyaasha iyo siyaasadda Madaxweyne Deni. Xukuumadda Puntland ayaa 7 bil gudahood kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka ku-meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed. Share this: Qaran News
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeed cusub oo looga dhowaaqay Puntland. Deni ayaa iska diiwaan-geliyey urur siyaasadeedka Kaah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah. Sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland, tallaabada uu Deni uu qaaday ayaa qeyb ka ah hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland, taasi oo ka mid ahayd qorsheyaasha iyo siyaasadda Madaxweyne Deni. Xukuumadda Puntland ayaa 7 bil gudahood kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka ku-meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.
  14. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Ibrahim Aadan Cali (Najax)ayaa dhammaan maamullada degmooyinka iyo laamaha amaanka faray inay joojiyaan dhul boobka haatan ka socda deegaano ka tirsan gobolkaasi. Wareegto uu soo saaray guddoomiye Najax ayuu ku sheegay in maamulka K/Galbeed uu ku howlan yahay sameynta sharci bixin sax ah oo ka hirgasha deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu wareegtadaan ku xusay in cid kasta oo heysata dhul dan-guud ah uu kala wareegi doono maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
  15. Aqoonyahan Axmed Macallin Cali oo ka mid aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada Koonfureed islamarkaana Goobjoog ugu warrmaya qadka Skyp-ka ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay in xilligan dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod taas oo wali ku adkeysanayo dowladda federaalka ah. Eng Axmed Macallin ayaa ugu horeyn carabka ku dhuftay in deegaannada Koonfureed ay wali ku xooggan Al shabaab islamarkaana aysan suura gal ahayn in waqtigan dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah “Arrintan mid dhici karta ma ahn sababa jiro awgood oo dadka oo dhan ay wada ogyihiin deegaannada Koonfurta wali waxaa ka taliya Al shabaab inta badan amnigii baan gacan ku jirin sidaa daraadeed goob aan amni ahay doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto”. Sidoo kale aqoonyahankan oo sii hadlayay ayaa sheegay inaysa jirin shacab la diiwaan geliyay si ay uga qeyb noqdaan doorashada, waxa uuna intaas ku daray in xilligan aysan suura gal ahayn in tirakoob la sameeyo maadaama waqti kooban ay ka harsan tahay muddo xil heynta madaxweynaha dalka. “Waxaa kaloo meesha yadana jirin diiwaan gelin oo shacab la diiwaan geliyay waddankan maanta Soomaaliya oo aan la qaban suura galna ahayn waqtiga haray oo kooban ee ay ka dhiman tahay muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaankaba oo doorasho oo muxuu ahaa tirakoob intaas shacab Soomaaliyeed lagu sameeyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Eng Axmed Macallin. Dhanka kale Eng Axmed ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya aan laga gaarin heshiis dhab ah isaga oo intaas ku daray in sidoo kale dalka uusan lahayn axsaab siyaasadeed oo qaran ah waxa uuna kuwa hadda diiwaan gashay ku tilmaamay inay furteen shaqsiyaad u dhaqmaya sida milkiilayaasha oo kale. “Runtii heshiis siyaasadeed oo dhab ah ee maanta wadankan laga gaaray ma jirto xisbiyo qaran oo uu maanta waddankan leeyahay malahan, xisbiyada sidaad ogtahay shaqsiyaad baa furtay waa milkiilayaal iyaga ay leeyihiin nin dukaankiisa u furanyahay oo kale ayey iska tahay marka caqabahaas badan waa ay jiraan” ayuu yiri Axmed Macallin. Aqoonyahan ayaa xusay inay jiraan daruufo ku gadaaman in shacabka ay soo doortaan qof leh karti hoggaamineed “Dadka loo baahanyahay inay dalkan samatabixiyaan waxaa looga baahanyahay tayo, aqoon iyo nin hogaagmin kara bulshada uu matalo in la helo dad leh tayadaas waxa ay ahayd inay shacabka soo doortaan hayeeshee daruufaha ku gadaaman awgood ayaan suuragal u ahayn”. Guddiga madaxbannaa ee doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa in 27-ka bishan ay ku dhawaaqaan nuuca doorasho ee uu dalka geli doono iayada oo madaxda dalkana ay horey shacabka ugu sheegeen inay qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod waxaana xusid mudan in dowladda dhexe aysan amniga dalka si buuxda gacanta ugu heyn oo degmooyin muhiim ah ay gacanta ugu jiraan dagaalamyaasha Al shabaab. Halkan ka daawo wareysiga oo dhameystiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Kadib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada doorashooyinka qaranka ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi, islamarkaana inta dhimmana dhowaan ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, islamarkaana ay dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo, islamarkaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman. Dhankiisa guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ku amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen. Guddigan wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraan-dhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka qaranka, sida koontada haweenka ee baarlamaanka sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland. Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan March, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka qaran, si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono. View the full article
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-21052020.mp3 View the full article
  18. Amid the rise of coronavirus cases in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland, authorities in the region have announced to re-open Quranic schools barely a week after the state temporarily eased the COVID-19 containment restrictions. Speaking to the media, Puntland Justice Minister, Awil Sheikh Hamud said the state is going to reopen religious learning institutions which have been badly affected since the outbreak of Coronavirus in the region. “The teachers suffered losses, so, we decided just to resume the learning and take much precaution measures to avert the virus,” he said. In late March, Puntland had imposed a dusk-dawn curfew, banned all vehicles from entering or leaving the state in a desperate move to curb the surging COVID-19 cases. Last week, the region has announced that it has lifted the ban it had imposed on the use, importation and sale of Khat, a step that was initially taken to prevent the spread of coronavirus. Fresh COVID-19 cases The number of novel coronavirus cases in region, the second worst-hit region in the country after Banadir, has risen to 163 with 2 new cases reported over the past 24 hours, Puntland’s Health Ministry said on Wednesday. Another 5 patients died due to the virus since the outbreak of the deadly pandemic in the region. Added the region’s health ministry. Since first appearing in Wuhan, China last December, the novel coronavirus, officially known as COVID-19, has spread to over 200 countries and regions, with the US and Europe the hardest-hit areas. More than 5.1 million cases have been reported worldwide, with the death toll surpassing 330,000 and nearly 2 million recoveries, according to data compiled by Johns Hopkins University in the US.
  19. Ka dib kulan warbixin looga dhegaystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka heer Federaal, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka. Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka dowladda Federaalka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland). Sida qorshaysan 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka dowladda Federaal Soomaaliya si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono. PUNTLAND POST The post Guddi wadajir ah oo lagu amray soo dhamaystirka Habraaca doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
  20. Jowhar (PP News Desk) — Reports from Jowhar indicate that rising waters of Shabelle River have resulted in flooding that affected Mahadaay district and nearby villages. The Deputy Chairman of Social Affairs in Mahadaay Saleh Fulel Haji told the media that the flooding has displaced people in Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis under the jurisdiction of Mahadaay. Hirshabeele State authorities have not visited areas affected by flooding. Seasonal rains cause flooding in Middle Shabelle where twenty plus years of neglect make it easier for rising river waters to breach flood defences. © Puntland Post, 2020 The post SHABELLE RIVER FLOODING AFFECTS MAHADAAY appeared first on Puntland Post.
  21. Ibraahim Xaaji Muuse Wacays oo ka mid ah saaxiibbada aanu isku jaal ku ahayn halgankii SNM iyo ka hor ba, ayaa, 16kii Meey sannadkan 2020ka, goor habeennimo ah oo ay saacaddu ahayd labadii iyo toddoba iyo afartan daqiiqo, telefoonka i gu la soo hadlay. Geeridii Xasan Guure Jaamac buu ii sheegay. Waxa uu yidhi gurigiisa ayay geeridu ugu timid oo haddaas laga soo hadlay. Waxa uu ku daray in uu Xasan u dhintay xanuunka Koroonaha(Covid-19). Xaalad bay ahayd aannaan intaas wax ka badan isa sii odhan karin. Naxdin baan kacaa-fadhiistay. Haddana runta ayaan nafta u sheegay. Waa tii Alle oo waa lama-seegaan; hase ahaatee, magaalada Hargeysa, in Xasan Guure iyo kuwo la mid ahi ba, guryaha ku dhimanayaan, waxa ay tilmaamaysaa xaaladda dalku ku sugan yahay. Xasan Guure Jaamac ka allaysay adduunkan, Alle ha u dembi dhaafo oo qabriga nuur iyo neecow janno ha uga yeelo; waxaa se uu ka tegay xusuus iyo raad wax laga kororsan karo.Isbarashadayadu, aniga iyo Xasan Guure, waxa ay ka soo bilaabantay xagaagii 1969kii. Aniga oo Qaahira ka imid oo fasaxii Jaamacadda ku imid, baannu ku kulanay guri uu adeerkay Maxamuud Xaaji Axmed Guuleed(Alle ha u naxariisto), ka degganaa magaalada Hargeysa. Adeerkay Maxamuud, waxa uu ahaa nin uu Xasan Guure, si macallinnimo iyo si saaxiibnimo ah labada ba u gu xidhnaa oo uu aad u qaddarin jiray; geeridiisii debadeed na uu in badan hadal hayn jiray. Waxa aannu waagaas ahayn dhallinyaro isku ayni ah oo isafgarashadoodu dhowdahay; sidaas darteed jaal baannu noqonnay. Intaas ka dib se, waannu kala baadnay. Kudhawaad saddex bilood ka dib, waxa aan ku noqday Qaahira. Sannadkii 1984kii, buu iigu yimid magaalada Addis Ababa, halkaas oo aan ka ahaa xilhayaha Xafiiska ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Maalintaas iyo ka dib baannu, Alle ha u naxariisto ee Xasan Guure, jabad, jid iyo jidiin ba wadaagnay; qof ahaantiisa na kolkan baan sii bartay. Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), sida halgankiisu u hawlo badnaa ayaa gudahiisu ahaa. Goldoloolooyinkiisu ma yarayn. Qoraal ahaan, waa uu lahaa barnaamij ujeeddooyin qeexan leh; hayeeshee, heerka hoggaanka guud iyo inta hoos timaadda, cidina ku ma hakan jirin oo hoos loo ma deyi jirin. Sidaas darteed ururku ma yeelan dhaqdhaqaaq halgan siyaasadeed oo nool. Falka halganku waxa uu ku ururay dagaalka hubaysan oo keli ah. Ururku xeer qoran waa uu lahaa; marka se laga yimaaddo shirweyneyaasha iyo shirarka kale, dib loo ma eegi jirin waxa ku qoran. Dhismaha ururku qabiil iyo jibsnio qabiil buu ahaa; waxaa na lagu soo galayey dhalasho (dadka kale looma diidayn ee sawirka ayaa ciddii kale ba dib u joojinayay). Tiro aad u yar baa arrintan iyo dhibaatada ay halganka ku keeni karto arkaysay; Xasan Guure kuwaas tirada yar hormood buu ka ahaa. Ficilka siyaasadeed Siyaad Barre ayaa lahaa. Cunsuriyad qabyaaladeed oo qayaxan buu dadka ku dibindaabayayn jiray. Xabbis iyo xasuuq iyo falxumo kasta, magac dartii bay ciidammada iyo hay’daha dawladdiisu kula kici jireen dadka. Ciidammadiisa iyo madaxda maamulka uu adeejinayo na qabiil soocan buu ka dhigi jiray. Ujeeddo siyaasadeed bay ka ahayd oo waa in halganka ururka SNM qalloocdo oo uu colaad qabaa’il ku isu rogo; sidaas darteedna uu dulucdiisa waddaniga ah seego. Dabcan falcelinta degdegga ee badanka xubnaha SNM iyo dadkeeda taageersani tollaaydii qabiil bay noqotay. Xaqiiqdan waa loo wada jeeday, hayeeshee, dad tiro yar baa isweydiinayey waxa ka dhalan kara. Xasan Guure Jaamac (Alle ha u naxariisto), waxa uu ka mid ahaa oo uu u ku hadal caddaa kuwii ka digayey tubta uu Siyaad Barre la rabo SNM iyo halgankeeda. Xaaladda burburka dhaqan-bulsheed iyo qalalaasaha jira dartood dadka Soomaalidu guud ahaa, maanta waa saddex. Tirada ugu badani waa gurdanraac. Sida ugaadha iyo xoolaha, hadba dhinaca loo didiyo, ayey u didaan; ama haddii kale, geesta loo ga qaysho ee loo qamaamiyo ayey u jeestaan. Wax ba ma sii faaqidaan; isma na weydiiyaan wax la sheegay iyo wax ka run ah ama ka been ah. Kuwo kale waa hiinraac oo waxii ay hebello ka maqlaan baa ku filan. Waxaa ayagu na jira kooxo hunguri raaca ah oo maal iyo mansab tu walba u mara. Sabaankan maanta ah tiro aad u yar baa jirta oo mabd’a iyo mowqif sugan ku adkaystay. Kuwaas na Xasan Guure Jaamac, waxa aan ka marag ahay, in uu hormoodahooda ka mid ahaa. Soomaalida wuu ku yar yahay qof ta Alle dabadeed, garashada caqligiisa iyo sariigashada qalbigiisa ku go’aan qaataa oo ku dhiirran in uu si cad u cabbiro. Intii astaantaas leh, aniga agtayda, Xasan Guur kow buu ka ahaa. Xasan Guure wax uu dad ba kaga duwaanaa, asaga oo aan qofka uu la hadlayo nabarraynin, dhaleeco na dusha ka saarin, ayuu aragtidiisa u dhiibi jiray. Erey cad oo aan gardarro iyo munaafaqo labada mid na lahayn buu yaqaannay; waa na laba sifo oo dadka maanta siyaasadda ku jira ku yar. Xasan Guure waxa kale uu lahaa fool xaalad kasta farxadi ka muuqato iyo weji qosolku saaran yahay. Ma aha wax yar. Bal waqtiyada adag ee werwerku badan yahay, yididdiiladu na kugu yaraato, muunsada wejiga waayeelku dhiirri bay ku gelisaa oo guul bay horseeddaa. Xasan Guure waxa uu lahaa samo-filasho aanan qof kale ku arag. Xasan Guure Jaamac, asaga oo kale waayadan, waa macdan aad u dhif. Haddii uu tii Alle uga hoyday, kaalintiisii, dib wax ay ka noqoto ba, maanta waa bannaan tahay. Alle ha u naxariisto Xasan Guure Jaamac. Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne), 20 May, 2020. Source
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay Ururka Midowga Afrika ka codsaday iney badalaan ergayga u fadhiya Muqdisho kaas oo ay ku eedeeyeen inuu si aad ah ugu milmay siyaasadda kooxda xukunka heysa. Francisco Madeira wuxuu wajahayaa eedeyn kulul, inkastoo uusan ka jawabin haddana waxaa la saluugay qaabka uu u shaqeeyo. Madasha waxey ergaygaan ku eedeeyeen inuu garab u noqday Dowladda, isla markaasna raalli ka noqday faragalin ay kooxda talada heysa ku sameysay hab maamuuska doorashooyinka maamul goboleedyada. Afhayeen Madasha Xisbiyada Qaran Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa ka dalbaday ergayga inuu si cadaalad ah u shaqeeyo mar uu gudbinayay dalabka shaqada looga eryayo. “Wakiilka Midowga Afrika waa mas’uulka ugu sarreeya hawlgalka AMISOM, wuxuu dalka ku joogaa Sharci iyo heshiis, waa mamnuuc in astaanta ciidanka AMISOM ay cid kale xirato,” ayuu afhayeenka u sheegay idaacadda VOA. “In ciidamo aan ka mid aheyn kuwa AMISOM lagu faragaliyo doorasho maamul goboleed waa wax xad dhaaf ah, waxaana ognahay in AMISOM ay wadanka u joogaan la dagaalanka kooxaha argagixisada,” ayuu mar kale yiri. “Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah.” Madasha Xisbiyada Qaran waxey walaac xoog leh ka qabaan inuu dhex-dhexaad ka noqon waayo doorashooyinka qaran ee la filayo bilowga sanadka dambe, ayaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ujeedka kama dambeysta ah ee laga leeyahay uu yahay in lagu faro-geliyo doorashada federaalka ee sanadkan dhaceysa.