Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Degmooyinka Hodan iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa ku baratami doono tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Labada degmo ayaa ka soo kala baxay group-yada C iyo D, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale Hodan iyo Warta Nabadda degmada badisa ayaa caawa u gudbi doonto wareega afar dhamaadka ee tartanka. Tartamayaasha labada dhinac ayaa wada diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ka qeybgalka barnaamijka caawa, iyadoo degmada laga badiyo ay isaga hari doonto tartanka . Degmooyinka Xamarweyne iyo Howlwadaag ayaa horay isaga sii xaadiriyey wareega sama-finalka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee lagu dilay gudoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur iyo qaar ka mid ilaaladiisa. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo, gudoomiyaha ayaa kasoo baxay xafiiskiisa waxyar ka hor inta uusan qaraxa haleelin, waxaana lasoo sheegayaa in qasaare aan wali la tirakoobin uu ka dhashay. Sida lagu qoray warbaahinta Afka Al-Shabaab ku hadasha, waxey sheegteen qaraxii maanta dhacay, waxaana war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamadooda lagu sheegay in qarax ay maanta ka geysteen Gaalkacyo ay ku dhinteen saraakiil ciidan oo Puntland ah iyo gudoomiyahii gobolka Mudug. Waxaa la xasuustaa in qarax ka dhacay magaalada Garowe 29-kii bishii Maarso lagu dilay gudoomiyahii gobolka Nugaal ugu magacownaa maamulka Puntland, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli ciidamada amaanka Puntland ay hawlgalo amni ka sameynayeen deegaanadooda.
  3. Taliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay ka hortageen weerar xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan nabad sugida Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka J/Hoose. Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaciyey in dagaalkaasi ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana furteen hub iyo rasaas badan, sida ay hadalka u dhigeen. “Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka/” ayaa lagu yiri warka AMISOM. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ciidanka Jubbaland, kuwaas oo lagu daaweeynayo saldhigga AMISOM ee Bilis Qooqani. Ugu dambgeyn wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Medara ayaa ku amaanay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM sida ay uga jawaabeen weerarka Al-Shabaab ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  4. Maantacwaxaa Gaalkacyo si barer ah loogu khaarajiyey Gudoomiyihii Gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur, dhamaadkii bishii Maarso Waxaa Garowe lagu khaarajiyey Gudoomihii Gobolka Nugaa Marxuum [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $800,000 Guddida Heer Qaran ee Ka Hortaga Covid19 ee Somaliland. Deeqddaa oo isugu Jirta: 1- Qalab Caafimaad oo qiime ahaan ku kacaya $600.000 (Lix Boqol oo kun oo Doollar) kana Kooban:- )Saddex Gaadhi oo Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ee loo yaqaan (Ambulance) oo qolabkoodu u dhameystiranyahay. Mishiinada Shaybaadhka Xanuunka Covidh19 Laba Mishiin oo kuwa waaweyn ee dhaliya Oxygen ta ah Mashiinada Naqaska dadka kasoo saara (Ventilotors) 2- Lacag $200.000 (Laba Boqol oo kun oo Doollar) oo loogu talo galay in la siiyo 4,000 oo qoys oo reer Somaliland. Waxaanay shirkadu ballan qaaday inaanay noqon doonin tii u danbaysay. Source
  6. Xarakada Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland. Qoraalka ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaasi oo ahaa is-miidaamin ah ay iyagu fuliyeen, islamarkaana ay la eegteen kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay Allaha u naxariistee guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo sidoo kale saddex askari oo ilaalo u aheyd. Waa guddoomiyihii labaad ee gobol oo qarax looga dilay Puntland, iyadoo weerar ka dhacay magaalada Garoowe lagu dilay dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gu’jir. View the full article
  7. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Dilkii Gaalkacyo loogu geystay Gudoomiye Axmed Muuse Nuur oo Qarax lagu dilay. Madaxweynaha ayaa dhambasl tacsi [...] Source
  8. Illaahay ha u naxariistee Waxaa Qarax lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur. Gaariga Gudoomiyaha Ayaa lagu Qarxiyey Bahaaj uu Qarax ka buuxo isla [...] Source
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-17052020.mp3 View the full article
  10. Tel Aviv (Caasimadda Online) Warbaahinta wadanka Israa’iil ayaa warineysa in gurigiisa laga helay isagoo meyd ah Safiirak Shiinaha u fadhiya magaalada Tel Aviv, mana jirto sabab la ogyahay oo ka dambeysa dhimashadiisa. Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii safiirkaan la magacaabay, wuxuuna kasoo shaqaayey wadanka Ukraine ka hor inta aan la keenin wadanka Israel. Mr. Du Wei oo da’diisa lagu sheegay 58-jir ayaa meydkiisa laga helay sariirtiisa iyadoo booliiska ay durba bilaabeen baaritaanno arrintaan la xiriira, waxaana jirta in ilo wareedyo caafimaad ay mid ka mid ah talafashinada Isreal u sheegeen inuu masuulkaan geeriyooday isagoo hurda. Shaki badan ayey dhalin kartaa dhimashadiisa maadaama la ogyahay inuu si cad u dhaleeceeyay wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo wadanka Shiinaha ku weeraray qaabka ay ula tacaaleen fayris-ka dunida dhibaateeyay ee Corona Safaaradda uu masuulka ka ahaa Mr. Du Wei ayaa dhaleeceysay hadalka kasoo yeeray Mike, waxaana lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post.
  11. A suicide bomb attack has killed a governor in Puntland state on Sunday, the second top official assassinated in the northeastern Federal State since March. Ahmed Muse Nur and several security guards were reported to have been killed in a huge blast targeted his vehicle while travelling in northern Galkayo city. Some reports suggest that the attack occurred outside the governor’s office. Last March, Al-Shabaab claimed responsibility for a suicide attack that killed Nugal governor and former regional police boss in Garowe city. View the full article
  12. Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in gor dhow qarax ka dhacay magaaladaasi lagu dilay guddoomiyihii gobalka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur. Qaraxa uu ku nafwaayay guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay xarunta gobalka waxaana la sheegay in qaraxa loo adeegsaday Bajaaj la soo saaray waxyaabaha qarxa in lagu dhuftay gaari uu la socda Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Mudug. Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka Puntlan ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan. Waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan saraakiisha amaanka ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. KOL HADAAN CID LAGA DAYNAHAYN MAWDKA DAMAQIISA RAGGA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA Dhinaca ka hortagga COVID-19 Somaliland hal talaabo oo si run ah dhinaca saxa ah loo qaaday ma jirto. Mise waa sidii Cigaal Shiidaad iyo anigaa jab la maagan baa xaalku? Mise waaba ka bes. Anigu waxay ila tahay in aanay xukuumaddu waxba hagran ee intii ay madaxdu garan karaysay ayaan intaaba ka badnayn. Gabay sabenal jaahiligii uu tiriyay nin Acraabi ahaa ayuu Rasuulku bayd ku jiray yidhi “Waxay acraabti tidhi kuwa ugu runta badan ayuu ka mid yahay” Baydku wuxu odhanayay “waxa farabadan sababaha eh dhimashadu waa mid keliya” تعددت الا سبابُ والموت واحدُ من اصدق ما قالت الإعراب Hadaba COVID-19 hadii aanu hore u jirin wuxu ku soo biiray uun sababaha mawdka. Qof ama naf kasta intii aan la abuurin ifkana iman saacaddiisa iyo sababta mawdkiisuba looxal maxfuudka ayay ku sii dhignayd. Markaa wax uu sheegayo iyo wax uu soo kordhin karo midna ma jirto horta qof aan sabab looga soo dhigin oo aanay saacadiisi dhamaanin oo u dhimanaya ama uu dili karaana ma jirto eh bal ogaada.Iilka xabaasha ee maanta Xasan Guure la dhigay hortiina in badan baa la dhigay in badan oo kaleba waa la dhigi. Geerida Xasan Guure waxan maqlay in Madaxwayne Muuse Biixi xataa cid kale daaye aanu qoyskii uu ka baxay iyo inantii ee keligeed uu dhalay aanu geerida ku Timi aabaheed ka tacsiyadaynin. Waayo? Anigu hadda u geli maayo. Xasan qalbi saliim ah iyo camalkiisii wanaagsanaa ee cid kasta oo taqaanay ay uga marag kacday ayuu Allihiisii la hor tagaye saw Muuse Biixi isagu maalin maalmaha ka mid ah iilka Xasan Guure la dhigay isagana lama dhigi doono oo isaguna camalkiisa Ilaahay la hor tegi maayo? Ina Cabdalle Xasan markii Daraawiishi jabtay ee Cali Dhuux gabayga digashada u sii tiriyay wuxu kaga jawaabay Maansada Dardaaran. Ka aan u socdaa wuxu ahaa: KOL HADAAN CID LAGA DAYNAHAYN MAWDKA DAMAQIISA RAGGA HAATAN SOO DIGANAYOW DAN IYO XEESHIINA Ilaahay janadii farduusa ha ka waraabiyo geesigii quudhsi diidka ahaa ee weligii qoortiisu aanay u duloobin cid kale oo aan Ilaahay ahayn Source
  14. Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon oo ah aas aasaha iyo layliyaha naadiga kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa Goobjoog u sheegay in uu soo dhawaynayo hadii loogu yeero shaqada hogaaminta Xulka Soomaaliya. “Aniga waan bartay xirfadan,balse waxaa dalka joogo macallimiin iga qibrad badan oo mudo ku soo jiray ka shaqeynta mashruuca Xulka aniga oo ka faa’ideenayso waqtigooda ayaa waxaan diyaar in aan ka qaato waayi aragnimo,si aan wax ugu biiriyo” ayuu Macallin Maxamed ugu waramay Goobjoog Sports. Intii uu hogaaminayay Som United tan iyo sanadii 2011 waxa ay kooxda gaartay guulo waaweyn oo dhinaca ka qeyb galka tartamada Sweden wuxuuna intaa hadalkiisa sii raaciyay in ay doonayaan in ay maqaam sare ka gaaraan ciyaaraha Wadanka Sweden. “Waxaan diyaar u ahay in aan aqoonta iyo waqtigayga ku biiriyo da’daalka lagu horomarinayo guulaha Xulka Qaranka waxaan jeclahay in wixii aan bartay aan ugu faa’ideeyo da’yarta soo koraysa ee hamiga ka leh u dheelista Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare Maxamed Cabdiqaadir Shekdoon. Maxamed ayaa ah nin dhallinyaro ah sanadihii lasoo dhaafay maamulayay koox Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee Sweden wuxuuna iminka haystaa shahaadooyin badan oo cadaynaya heerka uu ka gaaray xirafada tababarnino. “Waxaan gaarnay guulo waaweyn sanadihii lasoo dhaafay waxaan kor u qaadnay magaca Soomaaliya,sababto waxaana nahay naadiga kaliya ee ka ciyaarta Sweden,yoolkeena waa in aan tiigsanaa kaalama hore ee kubadda cagta dalkeena labaad” ayuu Goobjoog u sheegay tababare Maxamed. Si kastaba saaxiibada iyo bahda kubbadda cagta Tababare Maxamed Sheekdoon ayaa soo dhaweeyay go’aankiisa qabashada iyo maamulida Xulka Qaranka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Macallin Maxamed Siiyay Goobjoog News W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  15. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, islamarkaana uu ku geeriyooday guddoomiyihii Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur. Sidoo kale waxaa ku dhintay qaraxa saddex askari oo ilaalo u aheyd guddoomiyaha, iyadoona ay ku dhaawacmeen dad kale oo shacab ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi. View the full article
  16. Guddoomiyihii gobolka Mudug Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa lala eegtay isagoo ka soo baxaya xarunta gobolka Mudug, sidoo kale waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaaladiisa. Faahfaahfin dib kala soco The post Guddoomihiyii gobolka Mudug Puntland oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  17. The conversion to Islam by Silvia Romano, an Italian aid worker kidnapped by a group said to be linked to the Shabab, was met with insults and threats. Source: Hiiraan Online
  18. A roadside explosion injured two people in Somali capital of Mogadishu’s Hodan district early Sunday in the latest attacks by suspected Al-Shabaab fighters. Eyewitnesses said the explosion targeted a vehicle carrying Somali government forces around Erdogan Ex-Digfeer road in the capital Mogadishu causing injuries to two civilians. According to the eyewitnesses, the explosion was followed by heavy gunfire that could be heard in other parts of the capital. “The two civilians who were injured in the explosion were rushed to the hospital. One person was seriously injured,” added the eyewitnesses. No group claimed responsibility for the last attack. However, Al-Shabaab militants are often behind such attacks in the capital and across the Horn of Africa nation. The group was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. However, it still carries out frequent attacks across Somalia, as well as in neighboring Kenya, whose soldiers form part of African Union-mandated peacekeeping forces that help defend the Somali government.
  19. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan uu ka dhacay waqooyiga Magaaladaasi Qaraxa ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in uu ka dhacay aaga Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas. Qaraxaas oo ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lala beegsaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre. Sida loo xaqiijiyey Caasimadda Online, qaraxaas waxaa ku geeriyooday Guddoomiye Axmed Muuse Nuur-Yare oo ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada. Sida BBC-da uu u sheegay taliyaha Qaybta Booliska Muumin Cabdi, Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyey xarunta gobolka horteeda. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
  20. (SLT-Badhan)-Roob dabaylo watay oo fiidnimadii caawa ka da’ay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa saameyn ku yeeshay masaajiddo, goobo ganacsi iyo xaafadaha qaar. Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee roobkani, dabaylaha watay ka dhashay, waxaan idin kula wadaagi doona wararkayaga danbe. Sawirka mid ka mida guryaha iu Jiingada ka qaaday/xuquuqda sawirka warbaahinta magaalada Badhan Sawirka mid ka mida masaajidada uu ka qaaday jiingada/xuquuqda sawirka warbaahinta magaalada Badhan Source
  21. The World Bank approved 137.5 million to prevent, detect and respond to the threat posed by COVID-19 and to scale up life-saving assistance to the people affected by floods in the country. The Bank said Saturday it approved the funding to help the Horn of Africa nation to respond to and recover from multiple, ongoing, and overlapping crises. The Project will support the government’s plan by supporting rapid procurement of critical medication and equipment needed for treatment of coronavirus infections. In addition, the project will provide immediate support to the areas hardest hit by these crises by supporting the recovery of livelihoods and infrastructure in flood and drought affected areas and will also strengthen Government’s systems and capacity for disaster preparedness. World Bank country director Felipe Jaramillo said Somalia has undergone many challenges which hindered the country to tackle poverty and other devastating crises but noted the country’s resumption of relations with international financial institutions enables it to access the much-needed funding to respond to emerging threats such as COVID-19. “Increasingly frequent and devastating crises are impeding Somalia’s chances of breaking out of a cycle of fragility and poverty. Even as it recovers from drought, Somalia faces a triple shock of locust, flooding, and now COVID-19,” said Jaramillo. The Bank said $20.5 million of the total amount will be used to fight against the COVID which has also wreaked havoc in the country. Finance Minister Abdirahman Beileh lauded the development move by the World Bank noting it will go a long way in establishing sustainable solutions. “FGS sees this project as a key opportunity for effectively addressing a humanitarian-developmental transition and laying the foundation for the implementation of a longer-term investment in the recovery and development of the country,” said Beileh. Somalia has so far recorded the highest number of COVID19 cases in the East Africa region and in the Horn of Africa with over 1300 confirmed cases.
  22. (SLT-Ceerigaabo)-Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay cuqaasha laba beelood oo gobolkaasi dega in ay 20-ka bishan iska soo xaadiriyaan magaaladda Ceel-Afweyn. Waxaanu sheegay in caaqilkii ka maqnaada ama iman waaya Ceel-Afweyn in aanay u aqoonsan doonin caaqil ay kula xisaabtamaan arrimaha beeshiisa. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo shalay warbaahinta kula hadlay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa ku adkeeyay madax dhaqameedka labadaas beelood in aanay ka maqnaanin shirkaasi. “Waxaan halkan baaq uga jeedinayaa dhamaan cuqaasha, madax dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Axmed Faarax, iyo Jibriil Xasan. Waxaa laga doonayaa in ay isugu yimaadaan degmadan Ceel-Afweyn gudaheedda”ayuu yidhi tiimbarro. Geesta kale badhasaabka gobolka Sanaag waxa uu ku adkeeyay madax dhaqameedka in ceel-Afweyn uu ka dhici doono shir muhiim ah. Waxaanu yidhi, “Caaqilkii la waayaa, ha ogaado in aanu beeshiisa u ahaan doonin caaqil danbe. Una ahaanaynin masuul aanu anagu hadhow wax waydiino. Hadhow ayaanay cidina naga eed sheegan. Waxaan idin farayaa in aad isugu timaadaan degmadda Ceel-Afweyn oo shir muhiim ahi ka jiro”. Si kastaba ha ahaatee, cuqaasha labadan beelood ee uu baaqa u diray badhasaabka Sanaag oo wada dega deegaanka Ceel-Afweyn ayaa dhawaan waxaa dhex maray dagaal khasaare sababay. Sidoo kale lama oga ujeedadda dhabta ah ee shirkaasi xiligan keentay, maadaama oo aanu badhasaabku cadaynin waxa uu ku saabsan yahay iyo qodobadda lagaga wada hadli doono. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa socdaal ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Mr. Xaaf ayaa Somaliland ka soo galay dhinaca dhulka, isagoo ka soo kicitimay Galmudug ka dib markii uu xilkii ku wareejiyay madaxweyne cusub oo loo doortay deegaankaas. Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay socdaalka uu siyaasigan Soomaailya ud hashay ku joogo Hargeysa iyo ujeedada safarkiisaba. Sidoo kale Mr. Xaaf ayaan isna ka hadal socdaalkiisan. Laakiin Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo ka hor madaxtinimada Galmudug ahaa ganacsade caan ka ah gobalka Geeska Afrika, ayaa xidhiidh ganacsi la lahaa Somaliland, waxaanay dadka qaar sheegayaan inaanu socdaalkiisu wax xidhidh la lahayn arrimo siyaasadeed. Source
  24. (SLT-Tel Aviva)-Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil. Mr Du, oo 58 jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa. Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii February ee sannadkan, waxa uu hore Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uu dhalay wiil keliya balse qoyskiisa. Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: ”Booliska haatan waxay ku sugan yihiin goobta si ay baadhitaan u sameeyaan.” Telefishanka kanaal 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo wareedyo caafimaad oo aan la magacaabin ayaa sheegaya in Mr Du uu u geeriyooday isagoo hurda. Farriin lagu daabacay bogga safaaradda magacaabistiisii kaddib, ayuu Mr Du ku ammaanay xidhiidhka u dhaxeeya dalkiisa Shiinaha iyo Israa’iil. Jimcihii safaaraddiisa ayaa weerar afka ah ku qaadday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo dhaleeceyay qaabkii uu Shiinaha ula tacaalay fayraska corona xilli uu ku sugnaa Israa’iil. Jawaab lagu daabacay jariiradda Jerusalem Post ayay safaaraddu ku dhaleeceysay hadalka ka soo yeedhay Mike Pompeo iyagoo sheegay in Shiinuhu aanu weligii qarinin xaaladda fayraska corona. Source