Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu aduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo wajahay, sida uu hadalka u dhigay. Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi. “Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yiri Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF. Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka & kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xiriir wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea.
  2. Soomaaliland ayaa maanta oo ah sabti ah 30-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1193 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 bukaan, halka 48-dii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo dumar ahaa u geeriyooday caabuqan. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 33 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 19 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 286 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)- John M. Rosenberg oo ah khabiir Maraykan ah oo degen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kuna takhsusay arrimaha qaaradda Afrika, ayaa ka digay in Somaliland ay qadiyadeeda gayso maxkamad caalami ah. Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18 May ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada hadal caalami ah oo la raacayo nidaamka wada hadalada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah, haddiise qodobkaas la waayo, wuxuu soo bandhigay qodobka labaad oo ah inay ku kala bixi karaan maxkamad caalami ah. “Arrinta labaad ee lagu kala bixi karaana waxa weeyaan Maxkamad Caalami ah oo aynu arrinteena toos u geysano.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Hase yeeshee khabiirkan oo aad ula socda arrimaha Somaliland iyo guud ahaan Afrika ayaa qoraal uu 21 May soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu kaga digay aragtida ah in qaddiyadda Somaliland la geeyo maxkamad caalami ah, waxaanu Mr. John M. Rosenberg yidhi “Dawladda Somaliland waxa ay sheegtay inay qorshaynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guuldaraysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo.” Sidaas ayuu yidhi Mr. John. Mr. John Rosenberg ayaa wuxuu ka mid ahaa la taliyayaasha murashax Michael Bloomberg oo ka mid ahaa murashixiintii ka qayb gashay doorashada xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka dhexdiisa, balse aan guulaysan, waxaanu qormooyin ku saabsan siyaasadda dawladda Maraykanka ee Afrika ku baahiyaa wargeysyo kala duwan. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa dhaliilo culus u soo jeedisay Soomaaliya, waxayna dambi iyo xad gudub sharci ku tilmaantay in Dawaldda Masar ay Hub siiso Soomaaliya, iyadoo xustay inay Somaliland ahaan filayaan inuu Caalamku arintan wax ka qabto. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalilaand Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland aan marnaba laga qaban karin Doorasho ay Soomaaliya waddo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, oo uu xusay in aanay dal iyo dad midna aanay matalin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa, ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto”. Mar uu ka hadlayey Doorashada Soomaaliya qabanayso oo ay doonayaan inay Somaliland soo gaadhsiiyaan iyo hadallo ka soo yeedhay Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo Soomaaliya ku sugan ayaa yidhi “Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan, Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh, kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda nama matalaan, ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”. Mar uu ka hadlayey xanuunka koronaha ayaa wuxuu yidhi “Ilaa maalintii u xanuunku bilaabmay dadka waa loo sheegayey waana looga digayey, dadkana dantooda ayaa laga hadlayaa, xanuunkuna maaha wax qarsoon ee waa wax la hubo oo la wada arko, markaas dadku inay u dhega nugladaan waxay Dawladdu u sheegayso ayaa muhiim ah”. Source
  5. Halkan ka daawo baraamij kale oo ku saabsan wacyi gelinta Coronavirus Source: goobjoog.com
  6. Members Lay Out Strategic Priorities for AMISOM as Critical Elections Approach The Security Council decided, in a 29 May videoconference meeting*, to reauthorize the deployment of African Union Mission in Somalia (AMISOM) personnel for nine months, requiring them to support security in the lead-up to elections and to work towards the gradual hand-over of responsibility to Somali forces by 2021. Unanimously adopting resolution 2520 (2020) under Chapter VII of the Charter of the United Nations, the 15-member Council also decided to authorize the African Union to maintain the deployment of 19,626 uniformed AMISOM personnel until 28 February 2021 — including at least 1,040 police and five formed police units. Among other strategic priorities, the Council tasked the Mission with supporting security preparations for elections due at the end of 2020 or the beginning of 2021, and helping to combat Al-Shabaab and other armed groups while conducting its tasks in accordance with the updated Somali-led Transition Plan. The Council laid out a range of specific tasks for AMISOM to meet those objectives: maintaining a presence in sectors set out in the Mission’s Concept of Operations; reconfiguring and revising tasks in support of the Transition Plan as security conditions allow; mentoring and assisting Somali security forces; helping to secure and maintain key supply routes, including to areas recovered from Al-Shabaab; conducting jointly planned and targeted offensive operations; and supporting the Federal Government of Somalia and its federal member states in implementing the country’s total ban on exporting charcoal. Reiterating the urgent need to establish full cooperation between the Federal Government and the federal member states, the Council called upon both sides to make further progress on the transition, urging them to take concrete action to fulfil priority measures laid out in the 2019 Mutual Accountability Framework. The steps include: reaching an inclusive political settlement on the sharing of power and resources; reinstituting regular meetings of the National Security Council, or an alternative mechanism; accelerating technical and security planning for elections; and developing and implementing an achievable, time-bound and coordinated force-generation plan. The Council further reiterated its intention to assess the security support needed to prepare Somalia to take the lead in security by the end of 2021, and to take decisions on AMISOM’s reconfiguration. Such decisions would be based on information shared by the African Union, the Federal Government of Somalia and other partners, the implementation of the goals set out in the Mutual Accountability Framework and the outcomes of an independent assessment report. By other terms of the resolution, the Council underlined the need for a coordinated and cohesive approach to Somali-led political and security reforms. It called upon the authorities to ensure that all Somalis are protected from sexual and gender-based violence — including sexual exploitation and abuse and conflict-related sexual violence — and to take appropriate steps to investigate related allegations. Council members called upon the African Union to strengthen oversight and operational coordination among AMISOM contingents, and to ensure accountability on the part of all units. It also requested that the Secretary-General continue to provide a logistical support package on the basis of resolution 2245 (2015), increase support for 13,900 Somali security forces, and expand United Nations support to include training, equipment and mentorship in order to counter the threat of improvised explosive devices. Source: UNITED NATION
  7. (SLT-Washington)-Hore ayuu ugu hanjabey Donald Trump in Maraykanku xidhiidhka u jarayo hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, haddii ayna isbeddel la’imaan. Laakiin habeenimadii Jimcaha, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ugu dambeyntii go’aamiyay in Mareykanka uu jaray dhamaan xidhiidhkii uu la lahaa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO. Waxay noqon kartaa god aad u weyn oo ka jeexmay akoonka ururka Caafimaadka Adduunka oo ay hadda u taalo in ay wax badan ka qabtaan cudurka safmareenka ah ee dunida ka dilaacay ee COVID-19. Waxay ku guuldaraysteen (WHO) in ay sameynta isbeddelada lagama maarmaanka ah. Sidaa darteed waxaan soo afjari doonaa xidhiidhka aan la leenahay WHO maanta, ayuu yidhi TRUMP. Wuxuu intaas ku daray in lacagta uu Mareykanku horay ugu deeqi jirey WHO ay hadda ku wareegi doonto hay’ado kale. Go’aanka Maraykanka waxaa sababey mowqifka Maraykanku uu ka qaatey doorka Shiinaha ee cudurka COVID-19 oo ay ku eedeeyeen in uu yahay mid lagu diyaariyey sheybaar ku yaala Wuhun, hay’adda WHO ayaa arrintaas diidey. Trum ayaa shirkiisi jaraa’id ku sheegay in hay’adda WHO ay maamusho dowladda Shiinaha. Mareykanku wuxuu bixiyaa $450 milyan sanadkasta taas oo ku dhacda Koontada WHO. Qayb ka mid ah lacagtani waa lacagta xubinnimada qaybta kalena waa tabaruc, arrintan ayaa noqoneysa culeys weyn oo hay’adda WHO la soo gudbaanaatey. Source
  8. Xarun boolis oo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa dab la qabadsiiyay iyadoo dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan magaladaasi habeenkii seddaxaad. Muddaaharaadayaasha ayaa ka careysan dilka ay boolis dileen nin madow oo aan hubeysnayn. Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg xili ay magaaladaasi ka jirta bililiqo. Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada. George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Qudus)-Saraakiisha sirdoonka Israa’iil ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xidhay imaamka weyn ee Masaajidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri. “Cutub ka mid ah sirdoonka Israa’iil ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xidhan yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka. Qofkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xidheen Sheikh Ekrima. Bishii January, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masaajidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah. Israa’iil ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii. Wixii markaas ka dambeeyey, Masaajidka ayaa mar walba ahaa mid Israa’iil ay sida ay doonto ay ka yeelato, iyada oo xidha xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto. Source
  10. (SLT-New York)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sare u sii qaaday weerarka afka ah ee uu la beegsanayo shirkada Twitter, isagoo sheegay in hadii sharciga u fasaxayo uu xidhayo shirkadaasi oo uu sheegay inay “Afka-heyso” taageerayaashiisa iyo dadka la fikirka ah. Trump ayaa toddobaadkan ka cadhooday kadib markii Shirkada Twitter ay bilowday in farriimaha BEENTA ah ee uu Trump twitter ku qoro ay raaciso lifaaq ama Link wata xog (Fact Check) dheeraad ah oo lagu beeninayo beenta uu faafiyo Madaxweynaha Maraykanka. Donald Trump oo shir jaraa’iid uu qabtay ku saxeexay sharci cusub ama dikareeto Madaxweyne oo uu sheegay in lagu xakameyn doono shirkadaha leh Shabakada Baraha-Bulshada, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuuba gebi ahaan XIDHO shirkada Twitter. Trump ayaa yidhi “waxaan eegayaa in sharciga awood iisiinayo waxaana la tashanayaa Qareemadeyda…” Waa hanjabaadii ugu dambeysay oo uu Trump u dirayo shirkadaha iyo mulkiilayaasha Baraha Bulshada xili uu olole ugu jiro doorashada dhici doonta Bisha November oo uu ka cabsi qabo in lagaga guuleysto. Source
  11. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujiyeen diyaar-garow la’aanta doorashooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale wada shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood. Golaha ammaanku wuxuu go’aamiyay in taageero dheeraad ah la siiyo ciidanka AMISOM muddo 9 bilood ah, si ay taageeraan amniga hoggaanka doorashooyinka iyo sidoo kale taageerada ciidanka Soomaaliya illaa 2021-ka Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamullada iskaashi deg-deg ah si loo qabto doorasho lagu wada qanacsan-yahay. “Goluhu isagoo ku celcelinaya baahida degdegga ah ee loo qabo in la sameeyo iskaashi buuxa oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, Goluhu wuxuu ugu yeeray labada dhinac inay horumar dheeri ah ka sameeyaan xilliga kala guurka, isagoo ku booriyay inay qaadaan tillaabo la taaban karo oo ay ku fulinayaan tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu qeexay Nidaamka La-xisaabtanka Wadaagga ee 2019-ka. Tallaabooyinka waxaa ka mid ah: gaaritaanka go’aan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay oo ku saabsan wadaagidda awoodda iyo Kheyraadka; dib u soo celinta kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Amniga Qaranka iyo dardargelinta qorsheynta farsamada iyo amniga ee doorashooyinka” Warka ka soo baxay golaha Ammaanka ee QM ayaa ku soo beegmaya xilli muddo fog aysan wax wadahadal ah yeelan Jubbaland, Puntland iyo dowladda dhexe. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Dalsan ayaa si adag uga hadlay falkii lagu laayey dhalinyaradii lagu xasuuqay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Imaamka ayaa ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dadajisyo baaritaanka ku aadan dhacdadaasi, si cadaaladda loo marsiiyo dadkii ka dambeeyey. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Ehellada, Qaraabadda iyo Umadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen raggii dhalinyarada ahaa ee lagu toogtay halkaasi. “Waxaa badatay baaris aan meeley ku dhamaatay la aqoon sidaad darteed waxaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka codsanayaa in la dadajiyo natiijada baartinaaka raggii dhalinyarada ahaa ee lagu laayey Gololey.“ ayuu yiri Imaamka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe inay il gaar ah u yeelatao dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee lagu leynayo dadka wax-galka u ah bulshada. Falkaan oo ahaa mid argagax leh ayaa waxaa lagu eedeeyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, inkastoo war ka soo baxay taliska Xoogga lagu beeniyey eedeyntaasi.
  13. Mogadishu ( PP News Desk) — The Federal Government of Somalia will launch an investigation into the killing of eight young men whose bodies were found at Gololey, on the outskirts of Bal’ad district. Al-Shabaab denied responsibility for the massacre. The United Nations and the African Union condemned the massacre of innocent young men. People in Bal’ad district yesterday took to the streets to demand justice for the families of the slain men who were health workers making difference to lives of people in Bal’ad and nearby villages. Al-shabaab does not control any district in Hirshabelle State but has a presence in countryside of Middle Shabelle. The proscribed group has accused the Federal Government of Somalia of the massacre. Al-shabaab has a history of distancing itself from massacres it deems detrimental to its image. The group views the staff of the Federal Government of Somalia as apostate and ‘legitimate target’ for assassination. © Puntland Post, 2020 The post THE FEDERAL GOVERNMENT TO INVESTIGATE GOLOLEY MASSACRE appeared first on Puntland Post.
  14. Dowladda federaalka ah ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo sida la sheegay ku go’doonsanaa dalka Sacuudiga tan iyo markii caalamka uu kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Diyaaradda Daallo oo sida 132 Mawaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mawaadinidiintan xalay diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xeray ee Covid19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan. Maalmaha soo aaddan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida mawaadiniin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey kulankii golaha wasiirada ayaa sheegay in dalka ay ka dhici doonto doorasho ku dhacda amni iyo xasilooni, islamarkaana ay u dhan-tahay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Khayr ayaa tilmaamay in xildhibaanada BFS ay gacanta ku hayaan arrimaha doorashooyinka, isaga oo tilmaamay inay muhiimad gaar ah u leedahay dalka in afartii sano mar la qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya. “Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin ayna saamileyda badankood ama kuligood qeyb ka yihiin, doorasho ayaa dalka ka dhici jirtey 4tii sanaba mar nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay, dalka doorasho inay ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale qof walba inuu dareemo in afartii sano mar dalkaan doorasho ka dhacdo.” ayuu yiri R/wasare Kheyre. Hadalka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku soo aadaya, xilli ay haatan dood adag ka taagan tahay qabsoomida doorashada soo socota 2020/2021, taas oo ay walaac ka muujinayaan xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka. View the full article
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa markii u horraysay si cad u soo bandhigay mowqifkiisa ku aaddan doorashada madaxtinimada dalka iyo wakhtiga ay tahay in la qabto. Muuqaal Khamiistii laga duubay Ra’iisul wasaare Khayre oo la shirayay Golihiisa Wasiirada balse dib laga baahiyay ayuu ku muujiyay sida ay uga go’antanay in dalka ay doorasho ka dhacdo islamarkaana aysan jirin wax mudda kororsi ah. Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in muhiim tahay in dalka doorasho ka dhacdo nooca ay doonto ha u dhacdeen isagoo xusay in waddanka afartii sanaba mar ay doorasho ka dhici jirtay sidaas darteedna loo diyaar garoobo doorashada soo socota. Mudane Khayre ayaa sidoo kale Golihiisa Wasiirada u sheegay in laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay oo xasiloon nooca ay doontaba ha u dhacdeen waxaana hadalkiisu muujiyay in uusan ku qanacsanayn hannaanka doorashada Qof iyo Cod. Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Mr Khayre ay ku kala aragtid duwan yihiin hannaanka doorasho ee ay tahay in dalku aado. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu doonayo in mudda kordhin la sameeyo kadibna dalku galo doorasho qof iyo cod ah balse Ra’iisul wasaaruhu doonayo in doorashada wakhtigeeda lagu galo islamarkaan aysan suura-gal ahayn qof iyo cod. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo muujiyay in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xayirnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya, sidoo kalena ku dhibaateysnaa dalkaasi. Diyaarad sidday muwaadiniintan oo gaarayey illaa 132 ruux ayaa xalay ka soo degtay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadka ay diyaaraddu keentay ayaa waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur, kuwaas waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, kadib markiii uu soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee Coronavirus. Sidoo kale waxaa amarka muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyey bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale muwaadiintan Soomaaliyeed garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo loo xil-saaray soo dhoweyntooda. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalmaha soo socda dalka Sacuudiga ay ka imaan doono illaa 4 duulimaad oo kale oo soo qaadi doonaa muwaadiniin kale oo weli ku xayiran gudaha wadankaasi.
  18. MINNEAPOLIS (WCCO) — A lawyer has issued a statement from the wife of the now-arrested and charged former Minneapolis police officer Derek Chauvin, and she said she has filed for divorce. Source: Hiiraan Online
  19. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada caafimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololey ee degmada Balcad, goblka Shabeelaha Dhexe. Wasiirka caafimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in hawlwadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil. “Wasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna Ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyo”. ayey tiri wasiir Fowsiyo. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay “Waxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololey”. View the full article
  20. Diyaarada Daallo oo sida 132 muwaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Muwaadinidiin diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee Covid-19. Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka duulaya dhibka haystay muwaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta dadkani oo u badan kuwa nugul Maalmaha soo aadan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida muwaadiniin kale. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  21. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa lagu muujiyay sida ay uga walaacsan tahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo qof kale oo rayid ahaa oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taalla tuulada Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. UNICEF ayaa dhacdadaasi sheegtay in aan la aqbali karin, islamarkaana ay tahay mid xadgudub ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ee arrimaha bani’aadanimada iyo hab-dhaqanka caadiga ah. “Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo” ayaa lagu sheegay War kasoo baxay UNICEF Warka UNICEF ayaa intaasi kusii daray “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska” View the full article
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-30052020.mp3 View the full article
  23. Turkey will not allow any uncertainty in Libya, said Vice President Fuat Oktay on Friday, and voiced full support for Libya's legitimate government. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda UNICEF oo hoostagta Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadleyso dhacdadii dhowaan sideeda dhalinyarada aheyd lagu laayey ee deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qoraalka ka soo baxay hay’adda ayaa marka hore lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay falkaasi oo isugu jiray afduub iyo dil intaba. Sidoo kale waxay UNICEF shaacisay in dhacdadaasi ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, islamarkaana ay horseedi karto dambi dagaal. “Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo.” ayey tiri UNICEF Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska.” Warka UNICEF ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano ku aadan falka lagu xasuuqay dhalinyaradaasi oo todobo ka mid ah ay ka shaqeynayeen xarun caafimaad oo ku taalla Gololey, halka qofka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka.